Shinbir Majabe
Nomads-
Content Count
1,055 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Shinbir Majabe
-
DEG DEG: Qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Illaa iyo hadda inta la ogyahay: - Qaraxa waxaa fuliyay ruux Dumar ah oo is soo miineeyay. - PM Cabdiwali wuxuu goob joog ka ahaa Xafladda marki uu qaraxu dhacayay. - 4 qof ayaa ku dhintay inta hadda la ogyahay uuna ku jiro Gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Allaha u naxariistee Saciid Mugaabe. - Waxaa ku dhaawacmay xildhibaano ay ka mid yihiin: Xildhibaan Mowliid Macaane, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Caasho Cumar Gees-diir. -
DEG DEG: Qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Qarax ayaa waxa uu k adhacay Gudaha Tiyaatarka Muqdisho xilli uu Khudbad jeedinaayey R.wasaare C.weli Maxamed cali oo goob joog ka ahaa Xafladda lagu xusayey sanad guurada 28aad ee Asaaskii TV-ga qaranka, ma jiro cid ka tirsan Golaha wasiirada ama xildhibaanada oo ku dhintay Qaraxaas, Waxaase jira Marti sharaf uu ku jiray Saciid Mugaanbe oo ka tirsanaa Masuuliyiinta xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo goobta ku geeriyooday,mana jiro ilaa hadana wax faah faahin ah aysan saraakiisha ammaanku ka bixiyeen qaabka uu qaraxu u dhacay. Dhaawacyada isbitaallada la geeyey ayaa tiro ahaan gaarayey Toban ruux ayadoo dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo fudud waxaase dhaawacyadaasi ka mid ah wariyeyaal ka tirsan idaacadda iyo TVga Qaranka iyo wariyeyaal iyaguna ka socday idaacadaha madaxa banaan iyo dad kale oo shacab ah oo Munaasabadda ka qeybgalay. Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan la filayaa inay faah faahin rasmi ah kasoo saarto qaraxa iyo qasaaraha uu geystay. -
DEG DEG: Qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Waxaa Goordhaw Qarax Ismiidaamin aad u xoogan uu ka dhacay Gudaha Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed halkaa ee kasoconeysay Xaflada sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii TV-ga Dowlada ee SNTV hawada dib usoo galay. Goobta Xaflada kasocotay uu kusugnaa Raizul Wasaaraha Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa mar qura qarax aad u xoogan ka dhacay iyadoona uuro io Qiiq isqabatay tiyaatarka. Haweeney Walxaha Qarxa isku soo xirtay ayaana goobtaai isku qarxisay sida aan warar hordhac ah aan ku heleyno iyaoona goobtaai ku dhinteen dad badan aan wali la ogeyn waxa ee yiiin Masuuliyiin iyo dadkale oo caadi ahba. Goobta ayaa hada waxaa xiray Ciidamaa Dowlada waxaana laga soo daadgureenaya Meedaka iyo Dhaawacyaa dadka wa ku noqday Weerarka Ismiidaaminta ah. Wali lama oga masuliiita Dowlada katirsan in Weerarkaasi wax kunoqdeen Waxii Warar ah ee kuoo kordha Daiiqa Daqiiqa ula oco Insha Allah. -
DEG DEG: Qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Qarax loo maleynayo ismiidaamin ayaa goordhow gilgilay Golaha Murtida iyo Madadaalada (National Theatre) oo ay ka socotay xaflad loo dhigayey sanadguuradii koowaad ee aas aaska telefishanka Qaranka SNTV. Xaflada ayaa bilaabatay abaare 9:00 subaxnimo, waxaana lagu waday in munaasabada ay ka soo qeybgalaan madaxda sare ee dawlada oo uu ku jiro madaxweynaha iyo xubno wasiiro ah. Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in ruux ismiidaamiyey uu gudaha u galay golaha murtida iyo madadaalada xilli ay heeso socdeen. Dhimasho iyo dhaawacyo fara badan ayaa ka dhashay qaraxa inkastoo aan la heyn tirakoob rasmi ah. -
Wararka aan haatan ka helayno Xarunta National Theatre ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu goordhow ka dhacay Qarax xoogan. Qaraxa ayaa sida la sheegay waxa uu ka dhacay gudaha xarunta Titaatarka xili ay socotay Khudbad uu jeedinayay Ra’iisulwasaare C/wali Maxamed Cali oo ka qeybgalayay Munaasabad kasocotay Tiyaatarka. Munaasabadaasi ayaa lagu soo waramay in ay goob joog ka ahaayeen wasiirokatirsan Xukuumada xildhibaanno iyo mas’uuliyiinta dowlada qaarkood Ilaa haatan si rasmi ah looma hubo khasaare dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxaasi Wariyeyaal ku sugnaa halkaasi Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa haatan goobtaasi isku hareereeeyay waxaana ay wadaan baaritaanno iyagoona rasaas furaya sida lagu soo waramay. Source
-
Caadi ma ahan Bosaso, Hormar wayn oo dhanka Dhismaha ayay gaartay. VIVA BOSASO!
-
Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
^^ Gartay. -
Halkaan waxaan soo qaatay farqiga u dhaxeeya awoodaha Dawlad Goboleedyada iyo Dawladda Dhexe ee ku xusan Dastuurka. Awoodaha gaarka ah ee Dowlad goboleedka: Dowlad goboleedayada ku jira nidaamka federaalka Soomaliya waxay ikhtisaas u leyihiin: (a) arrimaha leh dabeecad degaan ama dowlad-goboleed; (b) arrimaha sida tooska ah u saamaynaya gaarsiinta muwaadiniinta adeegyada bulshada; © arrimaha saameynaya dowladaha hoose iyo adeegyadooda; (d) arrimaha saameynaya dhaqaalaha gobolada iyo degmooyinka iyo horumarka dhaqaale ee dowlad-goboleedyada ; (e) arrimaha saameynaya maaliyada guud (canshuuraha iyo kharashayda dowladda) ee dowlad-goboleedyada; (f) arrimaha saameynaya nolol dhaqameedda iyo madaddaalada ee dawlad-goboleedyada ama, (g) kaabayaasha leh ujeedooyinka degaan ama gobol. Awoodaha Wadaagga ah ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Awoodaha Wadaagga ah ee Dawlad-goboleedyada - waxaa ka mid ah arrimaha uu sharciga dowlad-goboleedka mudnaanta ka leeyahay kan Federaalka arrimaha la xiriira duruufo degaan, kala duwanaansho dhaqan iyo u soo dhaweynta xukunka dadka , balse ay dhisida kartida dowlad-goboleeddu qaadaneyso waqti. Awoodaha Wadaagga ah ee federaalka – Waxaa ka mid ah arrimaha uu sharciga federaalka mudnaanta yeelanyo marka is-qabad yimaado. Awoodaha Gaarka ah ee Federaalka Xukuumadda Federaalka waxay ikhtisaas u yeelanaysaa arrimaha soo socodo: (a) kuwa sida tooska ah u saameynayo midnimada qaranka; . (b) kuwa saameynaya xiriirada dawliga iyo amniga qaranka tusaale ciidamada qalabka sida, © ka hortagga argagixisada iyo burcad-badeedda; (d) kuwa saameynaya horumarka, xannaaneynta iyo maamulka dhaqaalaha dalka; (e) kuwa saameynaya nidaamka maaliyadda dawlada iyo in taageero maaliyadeed ee ku dhisan cadaalad loo fidiyo xubnaha federaalka; (f) muwaadaninimada iyo arrimaha kale ee saameynaya in dadku si siman u helaan cadaalad iyo sinnaan; (g) kuwa u baahan qalab iyo khibrad farsmo sare (tusaale awood nukliyeer ah, a woodda dab-dhalinta guud iyo la-dagaallanka dembiyada waaweyn); (h) hay’adaha qaranka ee waxbarashada, caafimaadka IWM; (i) arrimaha guud ahaan sida tooska ah u saameynaya in ka badan hal dawlad-goboleed ama dhammaantood ama dalka oo dhan, waa in ay hoos yimaadaan taxa awoodaha wadaagga ah ee federaalka.
-
Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Recovering-Romantics;814173 wrote: That's not the new one but a draft made in 2010. Mid cusub ma jiro, wali waa qabyo-qoraal. haddii aad heyso mid cusub Fadlan inoo sheeg. -
Maadeey, maxaa madax-xanuunka isugu dilee? berito ayaa maqleysaa "Ceel-barde waxaan uga baxnay istiraajiyad dagaal darteed..." :D
-
Guys, qof aqriyay Dastuurka ma idinku jiraa? waxa aad ka doodeysaan waxay ku qoran tahay Dastuurka. Qofki raba inuu Dastuurka eedeeyo bal ha soo xigto qodobka ama faqrada uu shakiga ku jiro. Dastuurka wali waa qabyo-qoraal, wax badan baa laga badali karaa. Sheekadaan Muqdisho vs Puntland ah caafimaad ma lahan, Muqdisho waa caasimaddi Dalka, hurumarka laga sameeyo waxay saameyneysaa dalka oo dhan (including Puntland) and vise versa.
-
Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Haddii aad u baahato Dastuurka oo dhamaystiran waxaad ka eegtaa boggaan: http://www.dastuur.org/eng/images/stories/docs/Consultation%20Draft%20Constitution%20Somali.pdf -
Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Qodobka 34aad - Caruurta (1) Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac iyo jinsiyad. (2) Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan. (3) Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda. (4) Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo war-geliyaa. (5) Ubadku waxay xaq u leeyihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga bedbaadaan dacwad kasta oo caddaaladarro u keeni karta. (6) Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan. (7) Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kastoo maslaxaddooda khusaysa. (8) Ereyga “carruur” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir. Qodobka 35aad - Waxabarasho (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay waxbarasho. (2) Xaqa waxbarashada waxaa ka mid ah in tacliin la raacdo, iyadoo ay Dawladdu ama cid kale soo faraggelin. (3) Dawladda waxaa ku waajib ah inay ilaaliso inaysan cid kale soo faraggelin xaqa waxbarashada. (4) Dowladdu waa in ay xaqiijiso fulinta xaqa waxbarashada carruurta ee dugsiyada hoose/dhexe, qasabka iyo lacag la’aantana ah iyo in muwaddin kastaa uu helo wabarasho asaasi ah. Waxbarashada Dugsiyada hoose/dhexe ee Dawladda waa inay ka mid ahaadaan tacliinta Islaamka iyo aqoonta guud. (5) Dawladda waxaa ku waajib ah inay dejiso barnaamj horumarineed oo lagu fulinaayo xaqa waxbarashada , hadba intii a wooddeeda dhaqaale suurtogelin karto. (6) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu dhiso oo maamulo dugsiyo iyo machadyo waxbarasho madax bannaan, kharajkoodana uu isagu isu qabo, hayeeshee hay’adaha noocaan ahi waa inay buuxiyaan shuruudaha laga ma -maarmaanka ah ee ay Dawladdu u dejisey. Qodobaka 36aad - Dhaqanka iyo Afka (1) Qof kasta oo ka mid ah bulshooyinka oo dhaqan ahaan ama af ahaan laga tiro badan yahay waxay xaq u leeyihiin inay ku dhaqmaan hadba dhaqanka ay door-bidaan. (2) Xuquuqda qodobkan ku xusan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuda asaasiga ah ee Dastuurkan lagu aqoonsaday. Qodobka 37aad - Xaqa Xog-helidda (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo xogta ay dawladdu hayso. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka xogta ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xaq kasta oo daw loo leeyahay. (3) Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xuquuqdan, haddiise uusan jirin sharci noocaas ah, hay’adaha Dawladdu waa in a y noqodan kuwo u illin-furan bixinta xogta looga baahan yahay intii suurtogal ah. Qodobka 38aad - Go’aannada Maamulka (1) Qofkasta wuxuu xaq u leeyahay in go’aamada kasoo fula maamullada ay ahaadaan kuwo ku dhisan sharciga, maangal ah isla markaana loo maray qaadashadooda hannaan cadaalad ah. Qodobka 39aad - Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay garsoor madax bannaan, caaddil ah, aan eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo waqti macquul ah, ama golihii kale ee awood go’aan gaaris ah u leh: (b) Arrin kastoo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka madaniga; ama (t) Fal dembiyeed kasta oo kale lagu soo oogay, ciqaabna lagu mutaysanayo. Qodobka 40aad - Xarig, Xabsi iyo Eedayn Shakhsi (1) Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho. (2) Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh. (3) Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo. (4) Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaadaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo qareen difaaca. (5) Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah. (6) Garsoor caaddil waxaa ka mid ah:–– (b) Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof bari’ ah ama aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambeys ah ugu caddayso dembiga loo haysto; (t) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in aan xukunkiisa saldhig looga dhigin qiraal lag qasbay ; (j) Eedaysa nuhu wuxuu xaq u leeyahay qareen matala ; (x) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahado dacwaddiisa; (kh) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah. (d) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka maxkamadda laga isticmaalayo. ® Masuuliyada ciqaabatu waa shakhsi; qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale. (s) Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharciga uusan dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’a adaminnimada, laguna cadeeyey qawaaniinta dawliga ah. Qodobka 41aad - Isucelinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha (1) Isucelinta eedeysanayaasha waxaa lagu oggoolaan kara oo keliya si waafaqsan tilmaanta sharciga, iyo inuu jiro heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha. (2) Isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka dawliga ah, waana in baarlamaanku soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha . Qodobka 42aad - Qaxootiga iyo Magangelyada (1) Qof kasta oo Soomaaliya kusoo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab. (2) Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka Dawliaga ah; kaas oo nidaaminaya qaxootiga ama magangelyo-doonka. Qodobka 43aad - Xaddidaadda Xuquuqda (1) Xuquuqda lagu sheegay cutubkan waxaa xaddidi kara sharciga, waa se haddii sharcigaasi uusan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayn shakhsiyaad ama kooxo. (2) Xuquuqdan waxaa xaddidaya sharciga, ama wax si gooniya looga soo reebay ama arrimo gaar ah oo lagu xusay cutubkan, waase haddii xaddidaaddaasi ay tahay maangal la caddayn karo, lana aqbali karo, si waafaqsan qiyamka lagu qeexay Dastuurka. (3) Marka go’aan laga gaarayo in xadeynta xuquuqdu ay noqoto mid la aqbali karo oo maangal ah, waa in la tixgeliyaa dhammaan arrimha la xiriira xadeyntaas. (4) Arrimaha la xiriira waxaa ka mid ah dabeecadda iyo ahmiyadda xuquuqda la xaddidey iyo muhimmadda ujeeddo la rabo in lagu gaaro xaddidaadda; ha ahaato xadeyntaa si mid habboon in lagu gaaro ujeeddada ama ha ahaato mid isla ujeeddadaas lagu gaari karaayey iyadoo aan la xaddidin xuquuqdaas. (5) Xaddididda suurtogalka ah ee xuquuqda asaasiga ah ee muwaaddinka xilliga xaaladda degdegga waxaa lagu sheegay Cutubka 15, qodobka 169. Qodobka 44aad - Dib-u-xaqsooridda Ku -xadgudubka Xuquuqda (1) Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda aadanaha. (2) Daweynta xadgudubyadaas waa in lagu galaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan. (3) Qof ama urur kastaa wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay maxkamad tagaan, qof ahaantooda. Qodobka 45aad- Fasiraadda Xuquuqda Asaasiga Ah (1) Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan cutubkan waa in maxkamaddu raacdaa waddo ay ku raadineyso in ay ku gaarto ujeeddooyinka xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin. Maxkamaddu waxay tixgelineysaa Shareecada iyo qaanuunka Dawliga ah. Maxkamaddu waxay, sidoo kale, tixgelineysaa go’aannada ay gaaraan maxkamado dalal kale, in kastoo aysan ku qasbanayn in ay raacdo. (2) Marka, guud ahaan, sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo, maxkamad kasta ama madal kaleba waa in ay tixgelisaa muhimmada qodobbada cutubkan, intii suurtagal ahna go’aannadeeda ka dhigto kuwo la socon kara qodobbadan. (3) Xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan cutubkani kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee Shareecada Islaamku jideysey iyo xeer-dhaqanka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka. Qodobka 46aad - Guddiga Xuquuqda Aadanaha (1) Dawladdu waa in ay dhistaa Guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka dawladda , lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa. (2) Hawlaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha waa in ay ku jiraan horumarinta aqoonta xuquuqda aadanaha iyo, gaar ahaan, Shareecada, ayaga oo u dejinaaya xeerar lagu hirgelinaayo waajibaadka xuquuqda aadanaha; dabagelidda xuquuqda aadanaha ee dalka gudihiisa iyo baarista eedaha la xiriira xuquuqda aadanaha. -
Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
CUTUBKA 3AAD - (XUQUUQDA ASAASIGA AH) Qodobka 15aad - Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga Ah (1) Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyada lagu aqoonsaday cutubkan waa in marksta la dhowraa marka sharci la dejinaayo lana fulinayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha dawladdu marka ay gudnayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda ku xusan cutubkan. (2) Waajibaadka Dawladdu kuma koobna in ay dhawrto xuquuqda dadka , balse waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub uga yimaado cid kale. (3) Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xadeyn kraa sida ku xusan Qodobka 43. Qodobka 16aad - Karaamada Aadanaha (1) Xuquuqda aadanuhu waa deeq Ilaahay ugu deeqay qof kasta oo banii’aadan ah, waana ifyaalka karaamada aadanaha. Sidaas daraadeed, waa laguma-xadgudbaan, waana waajib saaran dadka oo dhan in ay dhowraan. (2) Awoodda Dawlada waa in aan marnaba loo isiticmaalin meel-uga-dhicidda karaamada aadanaha. Qodobka 17aad - Sinnaanta (1) Dadka oo dhan sharciga waa u siman yihiin. (2) Dawladdu sinaba qof uma takoori karto. Takooridda reebban waxaa ka mid ah sinji, midab, qabiil, isir, qolo, asal bulshadeed, afguri ama luqad, labnimo ama dheddignimo, meel lagu dhashay, naafannimo, diin, siyaasad ama qabid ra’yi kale, xirfad iyo hanti. (3) Waa fal takoor ah haddi natijidiisu noqoto is’hortaag ama ciriiriggelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ulakac ah aan loo samayn. (4) Dawladdu uma aragto fal takoorid ah barnaamijyada loo qorsheeyey in sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey takoorid ama tacaddi. Qodobka 18aad - Xaqa N olosha (1) Qof kas ta a wuxuu xaq u leeyahay nolol. Qodobka 19aad - Adoonsi, Midiidin iyo Ku-shaqaysi Qasab Ah (1) Sinaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo, qasabna looguma shaqaysan karo. Qodobka 20aad - Xorriyada iyo Nabadgelinta Qofnimada (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nabagelyada qofnimadiisa. Nabadgelyada qofnimo waxaa ka mid ah ka-bedbaadidda xarig sharcidarro ah, qaab kasta oo gacan-ka-hadal ah oo uga iman kara dhinaca dawladda ama dad gaar ah, qaab kasta oo jirdil ah iyo inuu ka nabadgalo qaab kasta oo naxariisdarro ah, dhaqan lid ku ah aadaminnimada ama liidid ah ama ciqaab ah. (3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay bedqabka jirkiisa, lagumana xadgudbi karo. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama mid cilmibaariseed, haddii qofka ama xigtadiisa dhowi aynan oggolaanin ama aysan jirin talo uu bixiyey xeeldheere caafimaad marka uusan qofku sharciyan awood u lahayn inuu wax ogolaado. (4) Gudniinka Fircooniga ee haweenku waa arrin ka soo horjeedda Shareecada , waana reebban yahay. (5) Soo-rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjedda Shareecada, waana reebban tahay, waxaana la oggolaan karaa oo keliya marka ay lagama-maarmaan tahay, gaar ahaan marka la bedbaadinayo nolosha hooyada. Qodobka 21aad - Xorriyadda Abuuridda iyo Ka-mid-noqoshada Ururrada (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro dad kale ama urur. Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro shaqaale. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo. Qodobka 22aad - Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada (1) Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa. (2) Qofka Muslimka ah kama bixi karo Diintiisa. (3) Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka. Qodobka 23aad - Xorriyadda Ra’yiga (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo iyo in uu qaab kasta u gudbiyo warka iyo afkaarta uu qabo. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu raadsado, helana afkaar. (3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed. Qodobka 24aad - Xurmada Hoyga iyo khusuusiyaadka (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in aan lagu xad gudbin hoygiis a iyo khusuusiya adkiisa. (2) Xaqakani wuxuu qof kasta ka ilaalinayaa in baaris sharcidaro ah lagu sameeyo hoygiisa, ama hantidiisa, ama in lagu soo duulo, ama farag gelin iyo boob hantidiisa lagu sameeyo. (3) Xaqakani wuxuu qof kasta ka ilaalinayaa in sinaba loo farageliyo war-isgaarsiintiisa iyo la-hadalkiisa dadka kale. Qodobka 25aad - Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareed (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qayb-galo kulammo ama bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda. Qodobka 26aad - Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka (1) Qof kasta oo si sharci ah ku deggan dhulka Jamhuuriyaddu wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo. (2) Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo-gelidda iyo joogitaanka waddanka iyo inuu helo Baasabboor. Qodobka 27aad - Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda (1) Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqakan waxaa ka mid ah inuu samaysan karo xisbiyo siyaasadeed iyo inuu ka qayb-qaadan karo hawlaha siyaasadeed ee xisbiyada . Muwaaddinka qaangaarka ah waxaa intaa u dheer in uu si xor ah oo caddaalad ah u dhiibto codkiisa doorashada. Qodobka 28 aad - Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda (1) Muwaaddin kasta wuuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u doorto xirfadda, shaqada ama mihnadda uu rabo. Qodobka 29aad - Xiriirrada Shaqada (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriiro-shaqo oo caaddil ah. (2) Qof kasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biiro urur shaqaale, kana qayb-galo hawlaha ururkaas. (3) Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay shaqo-joojin. (4) Urur shaqaale, ama mid loo-shaqeeyayaasha amase loo-shaqeeyaha waxay xaq u leeyihiin inay galaan gorgortan-wadareed ku saabsan arrimaha shaqada. Qodobka 30aad - Degaanka (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay degaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo degaan laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyeellada. (3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka , iyadoo laga ilaalinaayo ka-faa’ideysi xad-dhaaf ah oo degaanka waxyeello u geysan kara. Qodobka 31aad - Hanti (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana gado ama iska wareejiyo markuu doono. (2) Dawladdu waxay si qasab ah hanti kula wareegi kartaa marka ay jirto dan guud, waana in la helo magdhaw caaddil ah oo lagu heshiiyey, ama ay maxkamadi go’aamisey. (3) Qof kasta oo hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu xaq u leeyahay in si deg deg ah magdhaw looga siiyo. (4) Faqradda 1, 2 iyo 3 ee qodobkan laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 49. Qodobka 32aad - Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay heer-nololeed habboon oo ay ka mid yihiin cunto ku filan, biyo nadiif ah iyo hoy. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay dareyeel caafimaad. (3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran. (4) Xuquuqada lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof kastaa uu u leeyahay inuu ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro, iyadoo aanay dawalddu ama cid kale ku soo faraggelin. (5) Xuquuqda lagu aqoonsaday qodobkan waxay dawladda ku waajibinayaan: (b) In ay hubiso inaan xuquuqdan cid kale aysan farag gelin ku yeelan; iyo (t) In ay dejiso barnaamij hormarineed oo xuquuqdan lagu fulinaayo, hadba intii awooddeeda dhaqaale u suurraggelin karto. Qodobka 33aad - Daryeelka Qoyska (1) Guurku waa asaaska qoyska oo ah saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib saaran Dawladda. (2) Dowladdu waa in ay daryeeshaa Hooyada iyo Dhallaanka. (3) Ubad kastaa wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo degaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha. Isla xuquuqdan oo kale ayay lee yihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan. (4) Waalidka aan iskood isugu filnayni waxay dhashooda qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin inay daryeelaan. -
Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
CUTUBKA 2AAD - (JINSIYADDA) Qodobka 9aad - Xuquuqda Gaarka ah ee Muwaaddiniinta (1) Qof kasta oo ku dhasha guddaha Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali. (2) Muwaaddiniintu ayaga oo siman waxay leeyihiin: (b) xuquuqda, mudnaanta iyo faa’idooyin muwaaddinnimo; kuwaas oo Dastuurka ku xaddidan; iyo (t) Baasabboor Soomaali ah, dokumeenti diiwaangelineed iyo aqoonsi kasta oo ay dawladdu u soo saarto muwaaddiniinta. (3) Muwaadin kasta waxaa baasabboorka iyo dokumeentiga kale ee ku xusan faqradda (1) (t) loogu diidi karaa ama looga laali karaa ama looga qaadi karaa oo keliya sharci waafaqsan habraaca qodobka 43-aad. Qodobka 10aad - Helidda iyo Haysadka Jinsiyadda (1) Jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa lagu heli karaa dhalasho ama Soomaaliyeyn. (2) Qof jinsiyadda ku dhashay lagama qaadi karo jinsiyadda, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale. (3) Qof jinsiyadda ku dhashay ama la Soomaaliyeeyey iskii ayuu jinsiyadda Soomaaliyeed uga tanaasuli karaa. (4) Jinsiyadda laguma waayi karo guur ama furriin. Qodobka 11aad - U dhalashada Jinsiyadda (1) Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyda Federaalka Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali. (2) Qof kasta oo ku dhasha Soomaaliya dibaddeed waa Soomaali dhalasho ahaan, haddii ay hooydii ama aabbihii ku dhashay Soomaaliya ama isir ahaan Soomaali yihiin. (3) Qodobkani wuxuu si siman u saamaynayaa qof kasta oo dhashay taariikhda Dastuurka uu dhaqangalay ka hor ama kadib. (4) Ilmaha laga helo Soomaaliya oo ay da’diisu ka yar tahay siddeed-jir, oo jinsiyaddiisa ama tan waalidkiisa aan la aqoon, waxaa loo aqoonsanayaa inuu Somaali yahay. Qodobka 12aad - Muwaaddinnimada Lagu Helo Soomaaliyeynta (1) Qof kasta oo ay isqabeen ugu yaraan shan sano muwaaddin Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn. (2) Ilmo aan muwaaddin ahayn, balse qof muwaaddin ahi soo korsaday, xaq ayuu u leeyahay in la Soomaaliyeeyo. Waalidka korsanaya ayaa u dalbi kara ama markuu 18 jirsado ayuu laftirkiisu weydiisan karaa Soomaaliyeyn. (3) Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga Jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn. (4) Shardiga shanta sano ee uu qofku xaq u yeelanayo in lagu Soomaaliyeeyo guur ama degganaansho kuma xirna in uu buuxiyey ka hor ama ka dib taariikhda dhaqangalka Dastuurka. Qodobka 13aad - Kala -noqoshada Soomaaliyeynta (1) Qof jinsiyadda Soomaliyayn ku helay waa lagala noqon kara jinsiyadda haddii Maxkamad awood sharciyeed u leh arrimahan ay ogaato in : (b) Uu Jinsiyadda ku helay been-abuur, isu-ekeynsiin wax uusan ahayn ama qarin xaqiiqo sugan; (t) In iyada oo uu dalku dagaal ku jiro, uu si aan sharci ahayn ula ganacsado, la xiriiro, iskaashi hawleedna la yeesho cadawga oo ay caddaato inuu si ogaal ah ugu taakuleeyey dagaalkaas; (j) Soomaaliyeyntiisa ka dib lagu xukumo khiyaano qaran ama dembi kale oo lagu mutaysan karo ugu yaraan toddoba sano oo xarig ah. (2) Qofka loo haystey in jinsayadda uu ku helay dhalasho sida ku xusan qodobka 11 (4), waa lagala noqon karaa jinsiyadda haddii Maxkamad awood sharci leh ay go’aamiso: (b) In uu jinsiyadda ku helay been-abuur, isu-ekeynsiin wax uus an ahayn ama qarin xaqiiqo sugan; (t) In isaga ama waalidkii dhalay la ogaado inay jinsiyad kale leeyihiin; ama (j) In da’diisu ay ka weyneyd siddeed-jir markii dalka gudihiisa laga helay. Qodobka 14aad - Sharci u Dejinta Muwaaddinnimada (1) Baarlamaanka ayaa soo saari kara Sharci habeeya:- (b) Soo-gelidda dalka iyo degganaanshaha dadka shisheeyaha ah; (t) Degganeyaasha joogtada ah; (j) Sida qof shisheeye ku heli karo jinsiyad Soomaaliyeed; (x) Qaabka khiyaar-uga-tanaasulidda jinsiyadda ; (kh) Habraaca jinsiyadda Soomaaliyeynta ku timid loola noqon karo; iyo (d) Qaabka ay u dhaqan-gelayaan qodobbada ku xusan Cutubkan. -
Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Dastuurkaan wuxuu ka kooban yahay 16 Cutub, qofki u baahan inuu daalacdo ha riixo halkan. -
Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya
Shinbir Majabe replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
^^ Xaaji, Si guud waan ku maqsuuday, laakiin waxaan ogahay in ceebo badan jiri karaan, una baahan in la saxo maadaama Dastuurkani nagu cusub yahay, wax badanna ka gadisan yahay kii 60-ki. -
Waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa cutubyada uu ka kooban yahay Qabyo-Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya. haddaba ka dhiibo aragtidaada, maxaad ku soo biirin lahayd? maxaadse ka reebi lahayd? Fadlan si wanaag iyo xushmad leh uga dhiibo aragtidaada. CUTUBKA 1AAD - (BAAQA JAMHUURIYADDA) (wuxuu ka kooban yahay 8 Qodob) Qodobka 1aad - Mabaadi'da Asaasiga 1. Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Quraanka kariimka ah iyo Sunnada Nabi Muxammed (scw), wuxuuna hormarinayaa maqaasidda shareecada iyo cadaaladda bulshada. 2. Soomaaliya waa dal Islaam ah, dadkiisuna ku abtirsadaan dunida Carabta iyo Afrikaanka. 3. Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerka caalamiga ah, cadaaladda, xukuumad loo dhan yahah oo ku dhisan wadatashi, kal-soocidda awoodaha sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan oo leh hannaan ku dhisan la-xisaabtan iyo hufnaan oo ka jawaabaya danaha dadweynaha. 4. Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, gaar ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee saddexda laamood ee dowladda iyo Guddiyada madaxabannaan ee Qaranka. Qodobka 2aad – Dowladda iyo Diinta 1. Islaamku waa Diinta Dowladda. 2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka. 3. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiddeeda (Ujeeddooyinkeeda). Qodobka 3aad – Sarraynta Dastuurka 1. Dastuurka Soomaaliya oo ku salaysan mabaadii’da shareecada Islaamku waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayay xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa siyaasaddaha iyo go’aannada qaybaha xukuumadda oo dhan. 2. Sida ku xusan Cutubka tobnaad ee Dastuurka, maxkamad ayaa burin karta sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka. Qodobka 4aad – Gobannimada Jamhuuriyadda 1. Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaali ah oo gob ah, kuna dhisan matilaad dadweyne loo dhan yahay oo dimoqraaddi ah. 2. Shacbiga Soomaaliya waa hal, lamana kala qaybin karo. 3. Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa muqaddas laguma-xadgudbaan ah. Qodobka 5aad – Afka Rasmiga ah 1. Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-soomaaliga oo ka kooban: Maxaa tiri, Maay tiri iyo Carabi sida ku cad jadwalka. Qodobka 6aad – Astaanka Qaranka 1. Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyay qaybta A ee jadwalka koowaad, waalaydi buluug furan ah oo dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh. 2. Astaanta Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rurkumo carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gaashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay. 3. Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa Heesta Qaranka. 4. Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa billadaha sharafta. 5. Baarlamaanka ayaa soo saaraya sharciga maamuuska ay mudan yihiin calanka, heesta qaranka iyo billadaha sharata ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Qodoboka 7aad - Dhulka Dowladda 1. Gobannimada Jamhuuriyadda soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, ururkooda, hawadooda iyo geyi-qaaradeedka. 2. Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo. 3. Guddoon afri Qarameed oo keliya ayaa lagu oggolaan karaa waxkabeddelidda dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Qodobka 8aad – Magaalo Madaxda Qaranka 1. Muqdisho oo loo yaqaanno Xamar waa Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maqaamkma Magaalo madaxdu ay ku leedahay qaabdhismeedka federaalka ee Jamhuuriyadda wuxuu ku xusan yahay Cutubka 7-aad ee Dastuurka.
-
Being a Google Autocompleter
-
Introducing Google Translate for Animals
-
Introducing Gmail Motion
-
Chrome Multitask Mode " frameborder="0" allowfullscreen>
-
Happy April Fools Everyone! Here's my personal favorite pranks! Gmail Tap
-
^^ Waxaa ku qoran "Qorshaha Guud ee **** Barbara". Meesha kasii koreysa ee farta waaweynka waxaa ku qoran "Xiritaanka Xudu**" Xuduudka ayaan u maleeyay. Qeybta kore midigna waxaa ku qoran sidan: " ***KA OGOLAADAY ***KA W. GAASHAANDHIGA ********** Luulyo 1984 "