Shinbir Majabe

Nomads
  • Content Count

    1,055
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Shinbir Majabe

  1. ^^ the new constitution waa in lagu qeexaa "we should teach our children basic grounding in geography" si aysan tuulooyin aysan lahan u sheegan.. :D
  2. Samafal;814749 wrote: I agree with Ahmed Diriye, this constitiution benefits one section of the Somali people and should not be supported and you ask me what's wrong with it? Look at Faroole, he's laughing with the president Sh Sharif and they seem in good terms!!! That can't be right! can it? I mean it always been the case, I'm happy when Faroole is not happy so the fact that he seems happy this time around makes me unhappy so that's why I'm against it. Are you serious?! :D:D
  3. Fiqikhayre;814731 wrote: ...Puntland State which is 1/3 of Somalia... :D Dad ayaa Juquraafi (Geography) u baahan in ay bartaan..
  4. Recovering-Romantics;814671 wrote: Sorry for the confusion. Fortunately, this report has proven to be false. I was on the phone with Mogadishu when I made this thread & I was told that text messages ( SMS) were being spread alleging a second attack at Villa Somalia. I should have double checked.* *Sincere apologies Accepted..
  5. - Baraf - Digsi - Turuus (straight)
  6. Xaaji Xunjuf;814653 wrote: Sax Shinbir Siyaasiga wuxu matala dadka Somalia iyo dalka Somalia laakin dee Somalida ayaa raba mar ba inay duwan sheekada oo ay ka dhigaan Siyaasi reer wana dhibaato. Farole ayaa matalo beeshaas dagan Puntland, laakiin haddii mansab Soomaali oo dhan leedahay loo dhiibo waa inuu u shaqeeyaa Soomaalida oo dhan, beeshiisana waa ku ceeb iney dhahdo anagoo noo shaqeeyaa. Caqliyaddaas waa in laga koraa.
  7. Xaaji Xunjuf;814648 wrote: Shinbir Siyaasada wa inad wax ka fahantiid koley dhaliyaro baad tihin eh Cabdi weli wuxu ku yimi Beel Somaliyeed hadaynu eegno 4.5 marka beeshaas ayuu matala oo u fadhiya waliba marka beesha la kala sii qaado Beesha ka soo jeeda Mamuulka Budhlayn.Marka dee inagu waxaynu ugu yeedhayna Raisal wasaaraha Somalia eeh dawlada kumeel gaadhka laakin dee maskaxiyaan qofku wuxu matala Somalia laakin Somaliyan dee wuxu matala Budhlayn iyo tolki oo degen garowe. Xaaji, waan la socdaa inuu 4.5 ku yimid. balse micnaheeda ma ahan inuu u shaqeeyo beeshiisa, wuxuu u shaqeeyaa Soomaalida oo dhan, taa ayaa dad badan ka maqantahay.
  8. So the President was going but he decided not to attend at the last minute? Actually, Madaxweynaha wuxuu maanta xafiiska ku qaabilaayay ganacsato u dhashay walaalaha Turkiga kuwaasi oo uu kala hadlay mashaariic isugu jirta dib u dhis iyo horumarin oo Dalka laga hirgelinayo.
  9. Today's assassination attempt was inside job orchestrated by president sharif to eliminate the pm :D:D hal mid ogaada PM Cabdiwali waa Raysulwasaaraha Soomaaliya ma ahan Raysalwasaare Puntland. qofki 1991 ugu danbeysay Xamar oo walina caqliyaddaas wato, ha ogaado waa hore ayaa laga tagay cuqdadaas. Madaxweynaha inaad ku tuhunto in uu Raysalwasaarihiisa khaarijinayo sida bahalnimada ah ee maanta dhacday, waxay i tusineysaa sida dadka qaar ay u taxaltageen, mar haddii nacaybka qabyaaladeed indha saabay, waxna ma dhaamaan Shabaabka maanta qaraxa sameeyay.
  10. Mukulaalow, aan ku saxo.. Wiish wuxuu ahaa Gudoomiyaha Olympicada Soomaaliyeed, Mugabme na wuxuu ahaa Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta.. (waad kala wareejisay jagooyinkoodii).
  11. Raysal Wasaaraha Dowlada KMG Oo Hadlayay Markii Uu Qaraxa Dhacayay " frameborder="0" allowfullscreen>
  12. Inaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi Raajicuun... Allaha u naxariisto inta dhimatay, inta dhaawacana Allaha bogsiiyo, Runtii waa laba nin oo tiir dhaxaad u ahaa Sports ka Soomaaliya.
  13. R/wasaare C/weli Oo Ka Hadlay Qaraxii Maanta Tacsina U Diray Ummadda Soomaaliyeed. ’Dhageyso’ Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Tiyaatarka. ”Dhageyso”
  14. ^^ the known sites ka aad sheegeyso waa kuwee? Somalimemo.net? Haddiiba aad ogtahay ineysan sii heysan karin Magaalada, waad roontahay oo tabartiina waad taqaan.
  15. Recovering-Romantics;814299 wrote: Its still incoming reports. You have to wait few hours or minutes for the media to report R-R, wali wax news ah lagama hayo Qarax ka dhacay Madaxtooyada maanta.
  16. Maaddeey;814336 wrote: ^^ Keydmedia waxaan ahayn ma soo qoreen?. Haaaaaa; waa kan: Bariga Afrika
  17. Maadeey, hore ayaan kuugu sheegay, Shabaab awood ma uma lahan in ay magaalada sii joogaan..
  18. Shabaabka oo Xoog looga saaray Degmada Ceelberde Iyo Khasaarii ka dhashay Dagaalkii Saakay Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraaya gobbolka Bakool Maleeshiyaadkii Koxda Shabaabka ee saakay la wareegay degmada Ceelberde ayaa goordhow halkaasi baneeyay kadib markii ay weerar rogaal celin ah ay ku soo qaadeen Ciidamada dowladda TFG-da oo ku suggnaa duleeka magaalada. Rogaalcelinta Ciidamada dowladda TFG-da ayaa ka dambeysay ka gadaal markii ay u imaadeen gurmadyo xooggan oo isugu jira Ciidamada Soomaaliya iyo Amxaaro. Dhinaca kalena waxaa ay faah faahin dheeraad ahi ay ka soo baxeysaa khasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay degmada Ceelberde oo uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. 25 ruux oo dhinacyada dagaalamay ayaa ku geeriyootay dagaalkii xoogganaa ee saaka Ceelberde ka dhacay inkastoo dadka dhintay ay ku jiraan dad rayid deegaanka ah. Sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jiray masuulyiintii degmada Ceelberde oo ay saaka magacyadooda Maleeshiyaadka Shabaabku soo bandhigeen. Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka sokoow waxaa sidoo kale jira khasaare hantiyeed oo ka dhashay dagaalkii saaka, guryo badan ayaa la gubay, baabuur dadka deegaanka ay leeyihiin iyo lacag aad u tiro badan ayaa la dhacay, ayadoona arrintaasi lagu eedeenaayo Maleeshiyaadka xag jirka ah ee Shabaabka. Masuulyiinta dowladda ee gobbolada Bay iyo Bakool wali wax faah faahin ah kama aysan bixinin dagaalkii saaka ka dhacay degmada Ceelkberde. Keydmedia.net
  19. Recovering-Romantics;814288 wrote: Another one at Villa Somalia Source?
  20. at Villa Somalia? mise kan Tiyaatarka ayaad sheegeysaa..
  21. Gudoomiyeyaashii Gudiga Olombikada Iyo Xiriirka Kubadda Cagta Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Tiyaatarka Waxaa soo baxaya faah faahino dheeraad ah oo la xiriira qasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay xaruntii golaha murtida iyo madadaalada ee National Tiyaatar. Dadka sida rasmiga ah loo xaqiijiyey iney qaraxaasi ku dhinteen waxaa ka mid ah Gudoomiyihii Gudiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow Wiish iyo Gudoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Saciid Mugaambe waxaana Labaduba ay ku geeriyoodeen qaraxii maanta ayadoo Aadan Xaaji Yabaroow Wiish uu ku geeriyooday mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho. Dhanka kale dhaawacyada oo weli tirakoob rasmi ah lagu haayo ayaa hadana waxaa soo baxaya in Laba Xildhibaan oo Baarlamaanka ka tirsan ay goobta ku dhaawacmeen waxaana labadaasi xildhibaan ay kala yihiin Mowliid Macaane Maxamed iyo Xildhibaan Yaasiin Bucul. Inkastoo tirakoobku uusan si rasmi ah usoo gebagaboobin ayaa hadana wararka horudhaca ah ee aynu heleyno waxay sheegayaan in dad gaaraya Shan ruux (5) oo ay ku jiraan dad shacab ah oo kasoo qeybgalay Xafladda ay ku geeriyoodeen halka dhaawacuna uu Toban Ruux (10)gaarayo. Source: Radio Muqdisho
  22. Inaa Lilaah wa Inaa Ileyhi Raajicuun.. Shabaab markale ayay muujiyeen nacaybka ay u qabaan Shacabka Soomaaliyeed. hore ayay u dileen Culumo, Aqoonyahano, Wariyaal iyo Madax Sports. tanna waxay ka mid tahay dhaqamadooda foosha xun ay ku doonayaan in ay ku ciribtiraan waxtarka Umadda Soomaaliyeed.
  23. Masuuliyiin waxyeelo soo gaartay Illaa hadda waxaan naloo xaqiijiyey in khasaaraha ka dhashay goobta uu sii kordhayo waxaase helnay magacyada dadka waxyeeloobay qaarkood; 1- Siciid Mugaambo oo ahaa gudoomiyaha Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed (waa uu geeriyooday) 2- Aadam Xaaji Yabarow Wiish- oo ka tirsanaa Guddiga Olybikada Soomaaliyeed (waa dhaawac culus) 3- Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud- oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya (wuu dhaawacmay). 4- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa- (waa dhaawac) 5- Cabdi Xaaji Goobdoon- oo ahaa la taliyaha raysul wasaaraha ee dhanka warbaahinta (waa dhaawac) 6- Axmadey Cabdi Gaashaan- fanaan Soomaaliyeed- (waa dhaawac) Wariyaal waxyeelo soo gaartay 1- Suleymaan Sheekh Ismaaciil- Gudoomiye ku xigeenkii ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ – (waa dhaawac daran) 2- Wariye Maxamed Shariif – oo ka tirsanaa idaacadda Bar-Kulan (wuu dhaawacmay) 3- Wariye Axmed Cali Kaahiye- oo ka tirsan Radio Kulmiye (wuu dhaawacmay) 4- Wariye Ayaan Cabdi – oo ka tirsan telefishanka S24 (waa dhaawacantay) 5- Wariye Deeqo Maxamed Axmed- oo ka tirsan Radio Muqdisho (way dhaawacantay) 6- Wariye Xamdi Xiis- oo ka tirsan telefishanka Somali Channel (way dhaawacantay) Ilo wareedyo ku dhow xafiiska raysul wasaaraha ayaa sheegaya in dhowr wasiir oo xukuumada ka tirsan ay dhaawacmeen.