Shinbir Majabe

Nomads
  • Content Count

    1,055
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Shinbir Majabe

  1. the Habra Garhajis block in southwestern Somaliland :D:D
  2. Xaaji Xunjuf;818322 wrote: Sounds fake Xaaji, this is reliable site.. (been sidaan u weyn loogama baran!)
  3. ^^ :D:D Maadeey madax xanuunkaaga waa caafimaadkeyga!
  4. Warar Naga Soo gaarayo Gobolka Shabelada Hoose ayaa Shegaayo In Abaan Duulihii Ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab oo ka Mid Ahaa Ragii Muhajiriinta Ee Ka Dhinac Dagaalamayey Kooxda Al-Shabaab Oo lagu Magaaco Abuu Manzuur Al-Ameriki dhalashadiisa ay tahay dalka Mareykanka ay kooxda Al-shabaab soo Afjareen Hadalkiisa. Read more..
  5. Carafaat;818310 wrote: Shimbir, do you know how incredible this is. eventhough I dont like 4.5 Waan ogsoonahay muhimadda ay leedahay in laga qeyb geliyo Gobolada W/galbeed.. 4.5 is temporary, ma ahan wax sii jiraayo.
  6. Waxaa Hargeysa ku sugan wafdi ka tirsan Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kana socda Madaxweynaha Soomaaliya Sh Shariif, Ujeedada socdaalkoodu ayaa ah sidii ay Madax dhaqameedka Somaliland uga heli lahaayeen Siyaasiyiin ka mid noqda Baarlamaanka cusub ee loo dhisayo Soomaaliya. Read more..
  7. Ereyga MIDNIMO aad ayaa loogaa necebyahay carigaas.
  8. ^^ Thank you! Dhibkooda naga haay xoogaa bal! aan nafisnee..
  9. Mukulaalow;818210 wrote: This news smells fishy, how did they land in Golis mountains, by helicopter? Rubbish! Yes, ayaamahaan maxaa kale oo la raacaa oo aan helicopter ahayn..
  10. Xaaji Xunjuf;818209 wrote: Shinbir my cities i have no cities i left Somalia 22 years ago lacagtan shaqeysto tax ba gurta all i want to retire soon and go back Home markasan cities leeyahay.Hadaan joogi laha wax kale ahaan lahayd as For Amiirku that man is going Globally. I thought inaad tahay Oday ga cidda, oo aad ka naxaysid haddii Shabaab dhib gaarsiiyo reerihi.. laakiin ma waxaa ileedahay "kalama jecli haddii shabaab qabsado SL". kaama fileen xaajiga sidaas.
  11. Maaddeey;818206 wrote: Simbir majabe, ma waxay kula tahay Sh. Dhexe, Sh. Hoose, Jubada dhexe, Jubada Hoose oy si buuxda u heystaan intuu ka cararo ayuu PL u cararay?. Maadeey, hadalkaaga logic ayuu ahaan lahaa bilo ka hor.. laakiin sida Bay, Bakool, Gedo, Banaadir iyo Galgaduud loogaga qabsaday waqti yar gudaheed ayaa kuu sheegeysa in gobolada u hartayna waqti badan qaadanayn.. Midda kale PL inuu u cararo sababo badan ayaa keeni karto: 1. PL waa against Somali oo kaliya, (no Ethiopians, Uganda and Burundi). 2. Galgalo waa meel buuraleey ah oo dhib badan sida looga bixiyo. (South ku ma lahan meel buuraleey ah). 3. Xasan Daahir waa yaqaan sida looga dagaalamo bariga Soomaaliya 4. Southka waxaa saaran cadaadis badan oo dhici karto mar dhaw in gabi ahaanba faarujiyaan.
  12. ^^ :D Xaaji waa kuu shidan tahay ayaamahaan. Ogow your cities are next in line.
  13. ^^ Hadaba inoo soo tabi wararka oo dhan.. kaliya cidda ha u gaar yeelin.
  14. Xaaji Xunjdhguf, masuul walbo oo beesha ah waad taageersan tahay ha ahaado TFG, Shabab ama Somalidiidland..
  15. War deg deg ah: Xasan Dahir Aweys oo Diyaarad ka qaaday Ceel Axmedkana degtey Puntland Hogaamiyaha dhuumaaleeysiga ku jira ee Xasan Dahir Aweys ayey Diyaarad ka qaaday Saakay Garoonka Ceel Axmed ee Gobolka Shabeeladda hoose ,sida ay Waajidpress u xaqiijiyeen ila wareedyo muhiima. Xasan Dahir Aweys oo ay wehliyeen Saraakiil badan oo Somalia ayaan la ogeyn halka uu ku wajahan yahay hasse yeeshee waxaa la xaqiijiyay in diyaarada qaaday ay leedahay Shirkadda Blue band ee Dalka Kenya laga leeyahay. Qaar ka mida horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in Xasan Dahir Aweys iyo Saraakiisha la socotay ka degeen buuraleeyda Golis ee Puntland. Buuraleeyda Golis waa Istaraatiiji uu si weyn u yaqaan Xasan Dahir Aweys waxaana la rumeeysan yahay inuu gabaad ka dhigan karo. Gelitaanka Xasan Dahir Aweys galay Buuraleeyda Golis ee Puntland, waxaa hubaala in Dagaalkii Koofurta Somalia ee Alqaacida u wareegay Puntland iyo Somaliland. Hogaamiyaha isla weynida lagu sifeeyo ee Cabdi Raxmaan Faroole oo mudo ku dhaaranayay inuu ka adkaan doono dagaalyahanada Alqaacida ayey dad badan rumeeysan yihiin in Godkiisa Biyaha ugu galeen. Source
  16. CUTUBKA 12AAD - (HEERARKA KALA DUWAN EE SHAQAALAHA DAWLADDA EE RAYIDKA) Qodobka 138aad - Qiyamka Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah Shaqada rayidka ee heeraraka kala duwan ee xukuumadda waa in lagu saleeyaa qiyamka dastuurka, hufnaan, wax-qarsi la’aan, u-adeegis bulsho iyo dhawrista jaranjarada maamul, anshax-wanaag, karti, howlkarnimo, mihnad sare, caddaalad, sinnaan iyo dhaqan-wanaag. Qodobka 139aad - Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah Shaqaalaha rayidka ah laguma dhibaatayn karo gudashada hawlahooda. Shaqaalaha rayidka ah lama eryi karo, xilka lagama qaadi karo ama derejo-rid laguma samayn karo haddii aysan jirin sabab macquul ah; iyadoo loo maray habraac caddaalad ah oo uu sharcigu tilmaamayo.
  17. The AMISOM Deputy Force Commander issued an apology today for an incident that happened near Kilometre 2 at approximately 5.30pm yesterday (4th April). An armoured vehicle that AMISOM uses routinely for carrying out its duties hit a civilian commuter vehicle. Five of the people who were in the vehicle at the time were injured. Three are being cared for at Medina Hospital. The other two are being treated by expert AMISOM medical personnel at their facilities. The Deputy Force Commander of AMISOM, Brigadier General Audace Nduwumunsi, said, “I apologise for the actions of one of AMISOM’s soldiers who, by mistake, hit a car while driving through Mogadishu yesterday and injured five occupants. AMISOM is helping to treat the injured and are investigating exactly what happened. “We are the friends and brothers of the Somali people and always seek to work in harmony with the population as they seek to revive their country. We take every measure to avoid causing harm or injury. “If, following investigation, the soldier is found to have been driving recklessly at the time, he will be subject to a judicial process and disciplined appropriately. In the meantime, I will be taking measures to improve the road driving skills of AMISOM personnel to avoid this from happening again.”
  18. He visited a mosque in Dubai with his wife wearing hijab to know more about islam. May Allah guide them.
  19. CUTUBKA 11AAD- (GUDDIYADA QARANKA, XAFIISYADA IYO HAY’ADAHA MADAXABANNAAN) Qodobka 129aad - Mabaadi’da Guud (1) Guddiga Madaxa Bannaan waa hay’ad ka madax banaan xukuumadda ama kormeerkeeda siyaasaded, kartina u leh in ay uga faa’ideeyaan dadweynaha hawlaha gaarka ah ee ay u xilsaaran yihiin. (2) Guddiga madaxa bannaan marka ay ku jiraan gudashada waajibkooda waa in ay ka muuqataa in ay ku shaqaynayaan dareenka xuquuqda adanaha, dimuqoraaddiyad iyo wax-qarsi la’aan. (3) Guddiga madaxa bannaani waa inaysan hoos imaan, kana amar-qaadan cid ama hay’ad kale. (4) Maaliyadda Guddiga madaxa banaan la siinayaa waxay ahaanaysaa madax gaar ah oo ka tirsan miisaaniyadda qaranka. Qodobka 130aad - Xubnaha Guddiyada Madaxabannaan (1) Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, tirada Guddiga Madaxa bannaani waa in aysan ka yaraan saddex, aysan ka badanna sagaal xubnood; kuwaas oo si joogto ah u shaqaynaya. (2) Ugu yaraan hal xubin oo ka mid ah xubnaha Guddigu waa in ay noqtaa haween, haddii guddigu uu ka kooban yahay saddex ama afar xubnood. Sidoo kale, haddii Guddiga uu ka kooban yahay shan xubnood iyo wax ka badan, labo ka mid ahi waa in ay noqdaan haween. Qodobka 131aad - Magacaabidda Guddiyada Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Golaha Shacbiga. Haddii Golaha Shacbigu uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. Qodobka 132aad - Shuruudaha Xubnaha Guddiyada Madaxabannaan Qofka loo magacaabayo Guddi madax bannaan waa in uu buuxiyaa shurudaha soo socda: (a) Inuu leeyahay aqoon asaasi ah; (b) Inuu leeyahay akhlaaq iyo sumcad wanaagsan; © In uu muujiyo hawlkarnimo sare ee hawlaha Dawladda Soomaaliya; (d) In laga helo shuruudaha kale ee lagu tilmaamay Dastuurka ama sharciga Guddiga lagu dhisay. Qodobka 133aad - Muddada Xilka (1) Muddada xilka xubnaha Guddigu waa 5 sano, oo loo cusboonay siin karo hal mar oo keliya. (2) Xubin Guddi oo iscasileysaa waa in ay iscasilaaddeeda qoraal ahaan Madaxweynaha ugu gudbisaa. Qodobka 134aad - Xil-ka-qaadis (1) Xubin Guddi waxaa looga qaadi karaa xilkiisa si waafaqsan qodobkan oo keliya. (2) Xubin Guddi waxaa xilka looga qaadi karaa marka ay ku timaaddo awood-darro oogo iyo/ama maskaxeed, bixinta sirta xafiiska ama dhaqanxumo kale oo culus, ka- maqanaansho saddex kalfadhi oo isku xiga ama lagu helo dembi culus. (3) Guddomiyaha Maxkamada Dastuurigu wuxuu magacaabayaa maxkamad gaar ah oo baarta eedaha dhanka ka ah xubinta Guddiga, hadduu ku qanco in ay jiraan sababo macquul ah. Haddii ay jirto xaalad la rumaysan karo in xubinta Gudigu aanay gudan karin xilkeeda, jir ama maskax ahaan, maxkamadda gaarka ah waa in uu ka mid noqdo, ugu yaraan, xeeldheere caafimaad oo leh khibrad la xiriirta arrintaas. (4) Haddii maxkamadda gaarka ahi ay uga warbixiso Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah in xubinta Guddi ay xilkeeda gabtay ama lagu helay dembi culus oo keeni kara in xilka laga qaado, Guddomiyaha Maxkamadda Dastuurigu wuxuu talo ka siinayaa Madaxweynaha in xilka laga qaabo xubinta Guddiga, Madaxweynuhuna waa in uu ka qaadaa xilka. Qodobka 135aad - Waajibaadka Warbixn Guddi kasta oo madax bannaani wuxuu warbixin sanadeed u soo bandhigayaa baarlamaanka. Warbixinta guddiyadaasi waa in ay noqotaa mid ay heli karaan dadweynuhu, garanna karaan. Qodobka 136aad - Ku-dhaqanka Cutubkan (1) Cutubkan waxaa lagu dhaqayaa gudddiyada madaxa bannaan ee hoosta ku xusan iyo kuwa loo baahan yahay in lagu dhiso si dastuuri ah ilaa iyo inta uusan ka hor’imaaneyn qodobada Dastuurka : (a) Guddiga Doorashada; (b) Guddiga Xuquuqda Aadanaha; © Guddiga shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda; (d) Golaha Adeegga Garsoorka. (2) Sharci ayaa lagu dhisayaa guddiyada soo socda, waxaana lagu dhaqayaa qodobbada cutubkaan: (a) Guddiga Xuduudaha iyo Tirokoobka; (b) Guddiga Xallinta Khilaafaadka dhulka iyo hantida. (3) Sharci ayaa lagu dhisi doonaa guddi kale oo madax bannaan; iyadoo la raacayo shuruudaha cutubkan, waxaana lagu dhaqayaa qodobbada cutubkan. Qodobka 137aad - Xafiisyada Madaxabannaan (1) Cutubkan waxaa laguu dhaqayaa xafiisyada madaxa bannaan ee hoosta ku xusan ama kuwa loo baahan yahay in lagu dhiso si dastuuri ah ilaa iyo inta aysan ka hor’imaaneyn qodobbada dastuurka: (a) Garyaqaanka Guud ee dawladda; (b) Hantidhoorka Guud. (2) Cutubkan waxaa lagu dhaqayaa xafiis kasta oo kale oo lagu dhisay sharci, laguna dhawaaqay in uu madax bannaan yahay.
  20. Maaddeey;817808 wrote: ^^ Waxaa igu maqaalaa in Shariif habeen hore: 'Eebbow i ammaanso' ke celcelinaayey, asoo fagaarta geddinaayo!. Nin Villada ku fakan waayey, maa Galgala gaaro?. Soo shalay ma aheen marki uu tagay furunta dagaalka ee Dayniile.. (wixi la rabo maa la sheegaa!)
  21. Qodobka 124aad - Magacaabista Garsoorayaasha (1) Qofka Garsoore loo magacaabayo waa inuu yahay qof hufan lehn aqoon iyo khibrad munaasab u ah jagada garsoore ee loo magcaabayo; (2) Golaha Adeegga Garsoorka ayaa u soo jeedinaya Aqalka Wakiilada dowlad goboleedyada magacyada garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga iyo Maxkamadda Sare. Madaxweynaha ayaa xeer ku magacaabaya qofka ay garsooranimada u ansaxiyeen Golaha Wakiiladu. (3) Garsoorayaasha aan ka mid ahayn Maxkamadda Dastuuriga iyo Maxkamadda Sare waxaa soo jeedinaya magacaabistooda Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana lagu magacaabaya wareegto Madaxweyne. Qodobka 125aad - Muddo Xileedka Garsoorayaasha (1) Da’da hawlgabka uu garsooruhu ku gelayo waa 70. (2) Garsoore lagama qaadi karo xilka, haddii aan loo cuskan oo aan lagu helin anshax xumo, dhaqan xumo, awooddarri jireed iyo/ama mid maskaxeed oo joogto ah oo lagu caddeeyay baaritaan. Xeerka nidaamka Garsoorka ayaa qeexi doona habraacyada la xiriira xil ka qaadista garsooraha. (3) Cabashada laga keeno garsoore ee ku saabsan anshax xumo waxaa loo gudbin karaa Golaha Adeegga Garsoorka oo qaadaya tallaabooyinka ku habboon markay ku qancaan inay jiraan sababo macquula oo keenaya in la baaro garsooraha. Tallaabooyinka habboon in la qaado waxaa ka mid ah in loo gudbiyo kiiska garsooraha kormeeraha garsoorka, hadii kiisku culus yahayna, waxaa la magacaabaya guddi madax bannaan. (4) Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu magacaabayaa guddi madax bannaan oo ka kooban saddex garsoore oo xilhaya ama hawlgab ah oo baara anshax xumida lagu soo eedeeyay Garsooraha. Garsooraha waxaa laga qaadayaa xilka haduu guddigu caddeeyo in ay jirto dhaqan xumada culus ee lagu soo eedeeyay garsooraha. (5) Hadii Golaha Adeegga Garsoorku uu ku qanco inay jiraan asbaab macquul ah oo lagu aamino inuusan garsooruhu gudankarin xilkiisa sababo la xiriira awood-yari jireed iyo mid maskaxeed, waxay magacaabayaan guddi baara caafimaadka garsooraha. Guddigu waa inuu ka kobnaadaa xeeldheerayaal caafimaad iyo ugu yaraan hal garsoore hore. Haddii ay guddiga u caddaato inuusan garsooruhu sii wadi karin xilkiisa, Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu garsooraha galinayaa howlgab caafimadkiisa awgii. (6) Dhisida Xafiiska Kormeerka Garsoorka waxa lagu soo saari doonaa xeerka nidaamka garsoorka. Qodbka 126aad - Golaha Adeegga Garsoorka ee Madaxabannaan (1) Waa inuu jiraa Gole Adeeg Garsoor oo Madaxbannaan xilkiisuna yahay hoggaaminta siyaasadda guud iyo maamul ee garsooka, sida magacaabidda, xil ka qaadista, anshax-marinta, kala badalidda, mushaarka iyo gunnada hawlgabka garsoorayaasha sida ku xusan sharciga. Shuruudaha hawlaha garsoorka waxaa dejinaya Golaha Adeegga Garsoorka. (2) Golaha Adeegga Garsoorka waa ka madaxbannaan yahay awooddaha sharcidejinta iyo fulintaba. (3) Golaha Adeegga Garsoorku wuu u madax bannaan yahay miisaaniyaddiisa, waxayna u gudbinayaan miisaaniyaddooda Wasaaradda Maaliyadda iyaga ayaana maamulanaya jiyagoo raacaya sharciyada maaliyadda. Qodobka 127aad - Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka (1) Guddiga Adeega Garsoorku wuxuu ka koobanyahay: (a) Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga; (b) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; © Xeer-Ilaaliyaha Guud; (d) Laba qof oo ay soo magacaabeen Ururka Qareenadu; (e) Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha; (f) Min hal qof oo ay soo magacaabeen baarlmaannada dowlad-goboleedyadu; (g) Hal qof oo uu soo magacaabo Madaxweynuhu. (2) Gudoomiyaha waxaa iska dhex dooranaya xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka. Gudoomiyuhu wuxuu xilka haynayaa mudo shan sano ah waxaana loo cusbooneysiin karaa hal muddo xileed kale. Gudoomiyaha gudiga wuxuu iska wareejinayaa dhammaan waajibaadka ka baxsan howlaha Guddiga islamarka loo dhaariyo xilkaas. Qofka loo doorto gudoomiyaha wuxuu haynayaa mudo xileed dhameystiran xataa haddii muddada xilka qofka la magacaabayo ay ka yartahay shan sano. Qodobka 128aad - Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud (1) Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu ka mid yahay hay’adda Garsoorka ee Dalka. (2) Golaha Adeegga Garsoorka ayaa u soo jeedinaya Golaha Wakiillada magacyada dadka u qalma in ay noqdaan Xeer-ilaaliyaha Guud si ay u ansixiyaan. Madaxweynaha ayaana xeermadaxweyne ku magacaabaya. (3) Xeer-ilaaliyaha guud waxaa shaqada looga qaadi karaa sababo iyo habraac lamid ah kuwa looga qaadayo garsooraha. (4) Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu ilaalinayaa dhaqangelinta shuruucda dalka, wuxuuna taabbageliyaa talinta sharciga. Xilalkiisa iyo waajibaadkiisa waxa qeexaya xeerka nimadaaminta garsoorka. (5) Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu u xil saaran yahay dacwad oogista.
  22. CUTUBKA 10AAD - (GARSOORKA) Qodobka 113aad - Awoodda Garsoorka Jamhuuriyada Awoodda Garsoorka waxaa u xil saran Maxkamadaha. Qodobka 114aad - Madaxbannaanida Garsoorka (1) Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha dawladda ee Sharci dejinta iyo fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u huggaansamayaan oo keliya sharciga. (2) Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorenimo. (3) Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hooygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka. Qodobka 115aad - Habka Dacwad Qaadista (1) Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabadgelyada qaranka, badbaadinta markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan dhallaan ama kufsi; (2) Go’aan maxkamadeed lama gaari karo hadii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ayku soo bandhigaan doodahooda (3) Go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed. Qodobka 116aad - Nidaamka Maxkamadaha Dalka Waxaa jiraya hal nidaam maxkamadeed oo ka kooban: (a) Maxkamadda Dastuurka; (b) Maxkamadda Sare; © Maxkamadda Racfaanka iyo (d) Maxakamadda Derajada Koowaad. Qodobka 117aad - Dhismaha Maxkamadda Dastuuka (1) Waxa jiraya Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban ugu yaraan shan (5) garsoore ah oo ay ku jiraan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenku. (2) Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuurka waxaa iska dhex dooranaya isla xubnaha Maxkamadda Dastuuriga. (3) Magacaabista garsoorayaasha Maxkamada Dastuurka waa in lagu saleeyaa xeel dheeri aqooneed ee shareecada iyo qaanuunka waana in ay takhasus gaar ah u leeyihiin arrimaha Dastuurka. (4) Maxkamadda Dastuurku waxay leedahay awoodaha soo socda: (a) In ay hubiso in hindise sharci waafaqsanyahay Dastuurka marka sidaas la weydiisto; (b) In ay go’aan kama dambays ah ka gaarto in sharci ama go’aanno ay gaareen Golaha fulinta uu ka soo horjeedo Dastuurka, sidaas ku buriso sharcigaas ama go’aankaas aan waafaqsanayn dastuurka; © Maxkamada waxay awood u leedahay in ay go’aamiso in burinta sharcigaas uu dhaqangelayo laga soo bilaabo markii go’aanka Maxkamadu dhacay ama waqti imaandoona oo xaddidan si ay ugu suurogaliso Maxkamada in talaabada ku haboon ay ka qaadato burinta sharcigaas. Haddii burinta sharcigu u faa’ideynayo qof lagu xukumay sharcigaas, waxay burintu ka bilaabanaysaa waqtiga go’aanka Maxkamda dastuurigu dhacay; (d) Awoodda kama dambaysta ee go’aan looga gaaraayo muranada ka dhaxeeya dowladgoboleedyada iyo dowlada dhexe ama xukuumadaha dowlad goboleedyada dhexdooda; awooddaan waxay Maxkamaddu isticmaali kartaa oo keliya ka dib marka wadahadal iyo wada xaajood lagu xallinwaayoo khilaafka; (e) Awoodda kama dambaysta ee lagu ansixinayo natiijooyinka aftida iyo doorashooyinka Qaranka. (5) Go’aannada ay gaarto Maxkamadda Dastuuriga ee la xiriira arrimo Dastuur waa kuwa kamaa dambays ah. Qodobka 118aad - Dacwad Gudbin (1) Dacwad-u-gudbinta Maxkamada Dastuurka waxaa leh: (a) Madaxweynaha; (b) [Nidaamka Baarlamaaniga ah] Ra’iisuul-Wasaaraha; © Xeer-Ilaaliyaha Guud; (d) 25 xubnood oo ka tirsan labada Aqal midkood; (e) Xukuumadda Dowlad Goboleedda; (f) Guddiyada Madaxa-bannaan; (g) Qof kasta oo uu saameeyo sharci ama tallaabo ka soo horjeedda Dastuurka. (2) Dhinacyada kor ku xusan oo aysan ku jirin shakhsiyaadka caadiga ahi waxay talo ku saabsan arrimo dastuur weyddiisan karaan Maxkamadda Dastuuriga . Qodobka 119aad - Dacwad- u-gudbinta Maxkamadaha Kale Maxkamadaha kale ee dalku waxay weydiisan karaan Maxkamada Dastuuriga talo ama fasiraad ku saabsan Dastuurka marka si ay go’aan uga gaaraan dacwado maxkamadahooda horyaal. Maxkamaddu waa in ay sidaas yeesha hadii qof qayb ka ah kiiska maxkamada horyaal uu codsado, maxkamadduna ay ku qanacdo in go’aan-ka- gaaridda arrimaha dastuurigaa ay udub dhexeed u tahay go’aan-ka- gaaridda kiiskan . Qodobka 120 - Maxkamadda Sare (1) Waxaa la dhisayaa maxkamad sare oo ka kooban sagaal garsoore oo uu ku jiro Gudoomiyaha. (2) Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa iska dhex-dooranaya xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare. (3) Xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare waa in ay aqoon sare iyo xeeldheeri u leeyihiin shareecada iyo qaanuunka. (4) Maxkamadda sare waxay awood u leedahay dhammaan dacwooyinka marka laga reebo kuwa la xiriira arrimaha dastuuriga ah; kuwaas oo ay ikhtisaaska u leedahay Maxkamadda Dastuurigu. Qodobka 121aad - Maxkamadaha Gaarka ah (1) Laguma dhisi karo maxkamad si aan waafaqasaneyn mabaadi’da cadaalada ee ku xusan dastuurka. (2) Waxaa sharci lagu samayn karaa maxkamad gaar ah oo ay leeyihiin ciidammada qalabka sida taasoo awood u leh qaadista dembiyada ay galaan xubnaha ka tirsaan ciidamada qalabka sida oo keliya xilliyada nabada iyo dagaalkaba. Qodobka 122aad - Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Derejada koowaad Xilalka iyo qaab dhismeedka Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Darajada Koowaad waxaa qeexi doona Xeerka Nidaamka Garsoorka. Qodobka 123aad - Xal-dhaqameedka Khilaafaadka Maxakamaduhu waxay aqoonsanayaan go’aanada xeer dhaqameedka ku xalliyo khilaafaadka, waxaana hadafka aqoonsigaasi xaddidi doona Sharci gaar ah.
  23. Xaaji Xunjuf;817418 wrote: Shinbir this is not abot somalida oo dhan this only about labadi dal eeh is raacay lixdanki iyagay ka dhexeysa not somalida kale reer o'gadenia waxba kama gelin reer jabuuti waxba kama gelin reer nfd waxba kama gelin. Soomaalida waxaan ula jeedaa Somalia citizens, O'gadenia iyo reer Jabuuti waa soomaali laakiin waa dhalasho kale.