Carafaat

Nomads
  • Content Count

    8,997
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Carafaat

  1. Naxar, wants to see this in Somali cities. that is his definition of liberty. http://farm7.staticflickr.com/6069/6151207043_266560f1f9_o.jpg
  2. nuune;975821 wrote: ^^ Niman waaweyn oo iska yeel-yeelayo, sidan bey u labistaan our North American Somalis(men up to the age of 40 yrs old), indhaheygaan ku arkey magaala dhan oo dawagaab laga qabo, waana Edmonton & Calgary, it was summer maybe and wey iska leersanayeen, laakin magaala dhan oo wada leersaneyso waa waxaan caqliga gali karin! +1
  3. Dhaqan xumada westka wa ina ka ilaalino dalkeena iyo dadkeena. they deserve better then become a cheap, ugly and cultureless copy of the Bronx.
  4. Mintid, Thanks for clarifying. There seems to be a whole game of international diplomacy that is played in the background. Now it also makes sense why Somalias government was so eager to negotiate in Addis with Ethiopia as the mediator. Clearly Somalia has leveraged the two regional powers and neighbors against each other. Nonetheless I get the feeling that these two countries always play the good cop and bad cop on Somalia, with the outcome being always favourable to them.
  5. The Somali Air Control Authority. http://www.wardheernews.com/final-communique-of-the-somaliland-and-somalia-4th-dialogue-held-in-istanbul-on-7-9-july-2013/ That is two.
  6. Carafaat;809320 wrote: Somali National Academy of Culture, Literature and Arts Intergovernmental Academy of Somali Language http://www.puntlandobserver.com/the-launch-of-an-intergovernmental-academy-of-somali-language/ that is already one.
  7. So Faroole decided to support the agreement Jubba agreement after all. this comes 3 days late, but nonetheless a welcome move.
  8. Dowlada Puntland ayaa tageerey heshiiskii dhowaan ku gaareen magaalada Addis Ababa maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka. Go’aankaan ayaa yimid kadib markii maanta 1 Sept, 2013 kulan saacado badan socdey ku wada qaateen magaalada Nairobi wafdi ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha maamulka Jubaland iyo Madaxweynaha dowlada Puntland. Kulankaan oo arrimo badan lagu falan qeeyey ayaa waxaa kasoo baxey in dowlada Puntland tageerto heshiiskii Addis Ababa ku kala sixiixdeen maamulka Jubaland iyo dowlada Federaalka. Warsaxfadeedkaan ayaa waxaa ku xusan in dowlada Puntland tageereyso go’aan walba oo xal loogu gaarayo arrimaha murugsan ee Somalia. WAR SAXAAFADEED Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa Heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Jubaland, heshiis kaasoo qeexaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada oo waafaqsan Dastuurkii Federaalka Soomaaliya oo lagu wada heshiiyay. Puntland waxay ammaan usoo jeedinaysaa labada Wafdi ee Soomaaliyeed oo ka qeybqaatay wada-hadalo miro dhal ah, iyagoo ku midaysan helitaanka Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, midnimada iyo dimuqraadiyadda. Maanta waxaa magaalada Nairobi kulan ku yeeshay wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole iyo wafdiga Jubaland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe), iyadoo shirkaasi looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta u dhaxeeya Puntland iyo Jubaland iyo sidii loo taageeri lahaa heshiiska cusub oo maamul la wada aqoonsanyahay u dhisaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, ee koonfurta Soomaaliya. Puntland waxay aqoonsantahay ayna ammaanaysaa doorkii muhiimka ahaa ay ciyaartay Dowladda Ethiopia oo ah Gudoonka Urur-goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, oo fududeeyey wadahadaladii ka socday muddo todobaad ah magaalada Addis Ababa. Puntland waxay diyaar u tahay inay ka caawiso maamulka Jubaland dhisida hey’daha dowliga ah waxayna Puntland mowqifkeedu yahay inay taageerto wadahadalo siyaasadeed, dib u heshiisiin Qaran iyo cadaalad, iyo dowlad-wanaag si loo hormariyo nabadeynta dalka Soomaaliya. — DHAMMAAD —
  9. nuune;975699 wrote: The defunct Somali Airlines is planning to launch services this year, I expect the first destinations to be Hargeisa. Nuune, is this Airline private owned or a public company owned by the government?
  10. Wyre, watch this Boongo flavour song.
  11. Safferz;975675 wrote: This was probably the most popular song when I was in the kilil a few weeks ago. Caadi maha tani. The Dhaanto keeps evolving itself to new heights.
  12. very nice song dhaanto from Djibouti
  13. I can imagine they are working under a very difficult environment. Organising the event itself is a unicum. kudos to the organisers.
  14. Nuune and Mooge, Its just a Conference,wax weyn maha. Here is the list of 15 African Ministers, Somaliland Minister among them. http://www.africadownunderconference.com/presenters/ 1. Senator the Hon Bob Carr, Minister for Foreign Affairs, Australian Federal Government 2. Hon Richard Marles MP, Minister for Trade, Australian Federal Government 3.Hon Gary Gray AO MP, Minister for Resources & Energy, Australian Federal Government 4. Hon Colin Barnett MEc MLA, Premier, Western Australia, Department of Premier & Cabinet 5.Hon Susan Shabangu, Minister for Mineral Resources, Republic of South Africa 6.Hon Evode Imena, Minister of State in charge of Mining, Republic of Rwanda 7.Hon Onkokame Kitso Mokaila, Minister of Minerals, Energy & Water Resources, Republic of Botswana 8.HE Hussein Abdi Dualeh, Minister of Energy & Minerals, Republic of Somaliland 9.Hon Salif Lamoussa Kabore, Minister of Mines, Quarries & Energy, Republic of Burkina Faso 10. HE Sindiso Ngwenya, Secretary General, Common Market for Eastern & Southern Africa (COMESA) 11.Hon Yaw Effah-Baafi, Deputy Miniser of Lands & Natural Resources, Republic of Ghana 12.Hon Abdul Noormahomed, Deputy Minister of Mineral Resources, Republic of Mozambique 13.HE Regis Immongault, Minister of Industry & Mines,Republic of Gabon 14.Hon Pierre Oba, Minister of Mines & Geology, Republic of Congo 15.HE Manuel Francisco Queiroz, Minister of Geology & Mining, Republic of Angola 16.Hon Christopher Yaluma, Minister of Mines, Energy & Water, Republic of Zambia 17.Hon Musa Mohammed Sada, Minister of Mines & Steel Development, Republic of Nigeria 18.Hon Martin Kabwelulu, Minister of Mines, Democratic Republic of Congo
  15. Mooge;975539 wrote: ^^^ loool. if she could have it, she would prefer the somaligalbeed route ninyoow instead of the right way which is through garoowe. lol Reer Puntland joojiya mucaaridnimadan raaqiska ah. The current road from Burco, Lascanood to Galkacyo will be rebuild. Who could possibly be against that?
  16. Isn't TEdx about sharing innovative ideas? The most speakers are talking about NGO mashruucs that have little to do with real innovation. Besides the NGO projects and mashruucs, there is real innovation going on in Somalia. but unfortunately the organizers limited their scope. a bity for TEDx.
  17. Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay wadahadallo la furto maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo dhaweeyay heshiiskii ay dowladdu kula saxiixatay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya maamulkii hore ee Jubbooyinka, isagoo xusay inay qayb ka tahay horumarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dib u heshiisiinta. "Waxaan aad uga xunnahay hadalkii kasoo yeeray mas'uuliyiinta Puntland qaar ka mid ah, iyadoo la xusuuto in Puntland ay saldhig u ahayd tiirarkii lagu soo dhisay dowladda hadda jirta; kuna bixiyeen dadaal badan iyo maal, mana garan karo sababta hadalkaas ka keentay; balse waxaa socda qorshe aan ku doonayno inaan wadahadal kula furmo is arrinta keentay hadalkaas aan meesha uga saarno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu Somalia ay horay u muujisay sida ay raalliga uga tahay maamulkaas iyadoo halkaas ay isugu tageen madaxda dowladda, wuxuuse hadalka kasoo baxay ku tilmaamay mid aad looga xumaado. “Bani’aadamn ayaan nahay waana macaamilaynaa haddii uu khalad dhaco waa laga wadahadli karaa waana la is-fahmi karaan, innaguna waxaan ku dadaalaynaa sidii aan uga daweyn lahayn waxyaabaha keenay in Puntland ay ku dhawaaqdo inay xiriirka u jartay dowladda,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiis. Puntland ayaa toddobaadyo ka hor ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Somalia oo uu ku eedeeyay arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay wax ka badalka dastuurka dalka, iyadoo war kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland lagu sheegay in illaa cabashadooda la xalliyo aysan wax wada-shaqeyn ah la yeelanayn dowladda dhexe ee Soomaaliya. Iyadoo la xusuusto in madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole uu shalay sheegay inay dowladda dhexe ee Soomaaliya kasoo horjeeddo hirgelinta nidaamka federaaliisimka ayaa madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrintaas wuxuu sheegay in dowladdu ay raalli ka tahay in federaalkiisimka lagu baahiyo dalka oo dhan, wararka sheegaya in dowladdu ay ka soo horjeedana ay yihiin kuwo been ah oo la doonayo in shacabka jah-wareer lagu geliyo, isagoo xusay in dadka hadalladaas sheegaya looga baahan inay rayi'gooda caddeeyaan. Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay heshiiskii magaalada Addis Ababa lagu gaaray Arbacadii lasoo dhaafay ayaa sheegay inuu yahay mid lagu xallinayo mashaakilaadka ka taagan Jubbooyinka, wuxuuna xusay in shirar dib u heshiisiin ah oo lagu dhameystirayo heshiiskaas ay ka kala dhici doonaan Muqdisho iyo Kismaayo. Madaxweynaha oo ka hadlayay heshiiskii Addis Abaha ayaa yiri: "Heshiiskaas wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid; iyadoo dowladdu wax badan ka tanasushay maamulkuna wuxuu ka tanaasulay wax badan oo uu jeclaan lahaa. Heshiiskaas wa billow ah wuuna sii socon doonaa inta laga dhameystirayo; dowladduna waxay diyaar u tahay inay ka hor-tagto wax kasta oo keenaya colaad kusoo laabata deegannadaas." Heshiiska ay dowladda iyo maamulkii Jubbooyinka ku gaareen magaalada Addis Ababa ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ahaa in la sameeyo maamul KMG ah oo muddo laba sano ah ka taliyanaya deegaannadaas, kaasoo uu hoggaamin doono Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe). http://hiiraan.com/news/2013/Aug/war...ta30-33129.htm Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  18. http://hiiraan.com/news/2013/Aug/wararka_maanta30-33129.htm MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Dowladdu waxay ku howlan tahay sidii ay Puntland Wadahadallo ula furi lahayd" Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay wadahadallo la furto maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo dhaweeyay heshiiskii ay dowladdu kula saxiixatay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya maamulkii hore ee Jubbooyinka, isagoo xusay inay qayb ka tahay horumarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dib u heshiisiinta. "Waxaan aad uga xunnahay hadalkii kasoo yeeray mas'uuliyiinta Puntland qaar ka mid ah, iyadoo la xusuuto in Puntland ay saldhig u ahayd tiirarkii lagu soo dhisay dowladda hadda jirta; kuna bixiyeen dadaal badan iyo maal, mana garan karo sababta hadalkaas ka keentay; balse waxaa socda qorshe aan ku doonayno inaan wadahadal kula furmo is arrinta keentay hadalkaas aan meesha uga saarno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu Somalia ay horay u muujisay sida ay raalliga uga tahay maamulkaas iyadoo halkaas ay isugu tageen madaxda dowladda, wuxuuse hadalka kasoo baxay ku tilmaamay mid aad looga xumaado. “Bani’aadamn ayaan nahay waana macaamilaynaa haddii uu khalad dhaco waa laga wadahadli karaa waana la is-fahmi karaan, innaguna waxaan ku dadaalaynaa sidii aan uga daweyn lahayn waxyaabaha keenay in Puntland ay ku dhawaaqdo inay xiriirka u jartay dowladda,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiis. Puntland ayaa toddobaadyo ka hor ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Somalia oo uu ku eedeeyay arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay wax ka badalka dastuurka dalka, iyadoo war kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland lagu sheegay in illaa cabashadooda la xalliyo aysan wax wada-shaqeyn ah la yeelanayn dowladda dhexe ee Soomaaliya. Iyadoo la xusuusto in madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole uu shalay sheegay inay dowladda dhexe ee Soomaaliya kasoo horjeeddo hirgelinta nidaamka federaaliisimka ayaa madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrintaas wuxuu sheegay in dowladdu ay raalli ka tahay in federaalkiisimka lagu baahiyo dalka oo dhan, wararka sheegaya in dowladdu ay ka soo horjeedana ay yihiin kuwo been ah oo la doonayo in shacabka jah-wareer lagu geliyo, isagoo xusay in dadka hadalladaas sheegaya looga baahan inay rayi'gooda caddeeyaan. Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay heshiiskii magaalada Addis Ababa lagu gaaray Arbacadii lasoo dhaafay ayaa sheegay inuu yahay mid lagu xallinayo mashaakilaadka ka taagan Jubbooyinka, wuxuuna xusay in shirar dib u heshiisiin ah oo lagu dhameystirayo heshiiskaas ay ka kala dhici doonaan Muqdisho iyo Kismaayo. Madaxweynaha oo ka hadlayay heshiiskii Addis Abaha ayaa yiri: "Heshiiskaas wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid; iyadoo dowladdu wax badan ka tanasushay maamulkuna wuxuu ka tanaasulay wax badan oo uu jeclaan lahaa. Heshiiskaas wa billow ah wuuna sii socon doonaa inta laga dhameystirayo; dowladduna waxay diyaar u tahay inay ka hor-tagto wax kasta oo keenaya colaad kusoo laabata deegannadaas." Heshiiska ay dowladda iyo maamulkii Jubbooyinka ku gaareen magaalada Addis Ababa ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ahaa in la sameeyo maamul KMG ah oo muddo laba sano ah ka taliyanaya deegaannadaas, kaasoo uu hoggaamin doono Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe). Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  19. Mooge, the Reuters article speaks for itself. By the way its not only Hiiraan.com who reported it, but dozens of other news outlets. P.S. If you are right and Faroole doesn't oppose the agreement, then we shall soon see Faroole's official press release supporting the Jubba agreement and congratulating the government led by Hassan Sheick and the Jubba delegation led by Axmed Madoobe for their efforts of reconciliations.