Carafaat

Nomads
  • Content Count

    8,997
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Carafaat

  1. Xaaji, it will be a difficult task but Khaatumo kheyr, nabad iyo horumar ayee ku dhamanisaa inshallah.
  2. I see that Al Shabaab supporters are not happy about Somali's reconcialing and peace between the two brotherly countries.
  3. I think for Somali's this visit indeed will be very Historic. Some will try to poison this historic visit with their hate for Somaliland and its indepedance.
  4. Suggesting that Somaliland goverment commits massacre based on a wounded girl is laughable and completely far from the reality.
  5. Xaaji, sheekadu waas saas. Laakinse shirkaan waxa la raaba in garabyada jabhada, garabyada siyasiinta, garabyada beesha, garabyada nsum, iyo garabyada Somaliland iyo Puntland raacsan lagu wada mideeyo.
  6. Aboow Oba, Cid iga jecel ine Somalia nabad noqoto ma jirto oo dawlad ka dhalato. wallahi taa iga qaado. Laakinse walaal anigu uma maleeniyo(waan jeclaan lahaa) ine tan la yiraahdo TFG ine tahay tii Somalia u keeni leheed nabada loo haraadsanyahay, wexe dadka ka dilisaa rajo walba. Iminka 7 sano ayaa lago soo wareegay marke dhismatay, wexe biloowday waxqabad markii u dhamaan rabay mashruuci lacagta ee ku qadanisay. Markaa yee u shaqeeysaa wallaal? ma dadka mise dalal kale? Filmkan iminka aad arkisid oo kale horey ayaa loo dhigay, dad badan wexe galinisaa rajo. Hadhoowna wee burburinisaa rajadii dadka. Marka anigu waxaan leeyahay uun ka daayada dadka filimaantan.
  7. They havent even left Muqdishu yet. Not even able to reach Afgooye or Jowhar, after 7 years of TFG and 10.000 African AMISOM troops. This film is an insult thinking Somali people will buy this, Its a joke. I understand its a PR product from the former Minister of Foreign Affairs Abdullahi Omaar and the former Minister for information Abdikariim Hassan, made for the donors.
  8. Xaaji, Xaglo and Sabriye are soon both exit. the idea is that a new more experienxed leadership is elected at the Khaatumo Conference.
  9. This is a paid PR film made for donors, far from reality. The TFG is indeed really working hard for its donors .
  10. I think this has something to do with this: Somaliland oo Wafti Culus Sanaag u soo diraysa iyo Puntland oo ku Mashquulsan Garsoor 12th September 2011 · 0 Comments Hargaysa:-Wafti balaadhan oo ka Tirsan Somaliland ayaa la sheegayaa inay imanayaa Magaalooyinka Hadaaftimo iyo Badhan,waftigaasi waxa Hogaaminaya sida la sheegay W.Gaashaandhiga Maamulkaasi Coll Axmed Xaaji Cadami waxana la socda xubno Reer Sanaag ah oo Siilaanyo Xayndaabkaasi had jeer lagu Arko. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay waftigaasi waxay la Kulmidoonaan Suldaanka Beesha Suldaan Siciid C/salaan oo Magaalada Badhan Ku sugan walow aan la aqoon ujeedka ay kala hadlidoonaan. In kastoo aan la hubin hadana waxa jira warar laysla dhexmarayo Gobolka Sanaag oo sheegaya in 3-million oo Doolar Lacag gaadhay ay wadaan taasi oo lagu Horumarinayo Gobolka Sanaag, Lacagtaasi Xoogeeda ayaa la sheegay in lagu Fulindoono Ceelal Biyood laga qodayo Gobolka Degmooyin ka mid ah sida Badhan iyo Dhahar Waa markii ugu horaysay oo uu Degmooyinka Hadaaftimo iyo Badhan soo Gaadho W/Gaashaandhiga Somaliland tan iyo markii xilka loo Magcaabay. Lama sadaalin karo wajiga ay kala kulmidoonaan Magaalada Badhan oo dhawaan Golaha deegaanka ay ka hir galisay Puntland ayna ka Joogaan sidoo kale Ciidamo Ka Mushahar qaataa Maamulkaasi. Ahmed-Muuse/Badhan GalGalanews By Galgalanews Agency
  11. The development of Eastern Somaliland should be a priority. posted by: Webmaster http://www.togaherer.com/2011/09/21/the-development-of-eastern-somaliland-should-be-a-priority/ The development of Eastern Somaliland should be a priority. It’s extremely disappointing for many patriots inside and outside the country that the current Somaliland government and the Diaspora hasn’t put many efforts in developing the resource rich regions of eastern Somaliland mainly the Sanaag, western and northern Sool (Maydh, Ceerigaabo, Ceelafweyn, Garadag, Bohol, Caynabo districts). Rather the JSL government spends some of its precious time trying to appease nomadic men from Sool region to influence and put a halt to the movements of the anti peace rebel groups known as SSC (So So Cowards) based in the unstable Buhoodle district and in return the government spends much of the nation’s aid for Eastern Somaliland in those politically confused disputed regions known as (Buhoodle, Eastern Sool). Many of the law abiding JSL citizens applaud the current government’s efforts and egalitarian policy in stabilizing parts of the disputed areas of Eastern Sool and Buhoodle. But the JSL government should not do it on the expense of the patriotic Somaliland communities of Sanaag, western Sool and northern Sool who scarified their lives, their loved ones and wealth defending eastern Somaliland from the invading forces of SNA (Somali National Army) in the 1980-1990s who were loyal to the former toppled Somali dictator MSB. The patriotic Somaliland people of those said regions are yearning for development of their neglected ancestral lands (government wise) and they shall not tolerate anymore of the aid meant for their regions to be directed elsewhere for inappropriate use under their nose. The vast region of Sanaag (the burial place of much of Somali’s ancestors) shockingly today is one of the least developed regions across the Somali peninsula; there is no single road infrastructure connecting its important districts, port or a paved air strip in a region of 48,747 km2. The utmost condemnation is on the previous Somalia dictatorship government of Mahamed Siad Bare who neglected this region for clannish reasons, the current Somaliland government is also to blame and the regions large Diaspora who seem to invest in Hargeysa, Burco, Bosaso etc rather than their native homelands. Lastly I call for the JSL government, the regions Diaspora worldwide and all those who love to see the development of eastern Somaliland to start focusing on how to improve their people’s lives and build the forgotten resource rich lands of eastern Somaliland. Investing of the Diaspora and the full support of the current administration in those regions is the key to achieving success in the region and it surely will become one of the most developed regions in Somaliland considering the untapped potential it has. By Guleed J
  12. It's good that corrupt TFG politicians are being investigated by the UN. After all this whole TFG is IGAD created and UN funded failure of a goverment. Let them start with the key players from Embaghati from 2004 on. Abdullahi Yusuf, Geedi, and so on.
  13. Wadnahu dheg dheg wuxu u leeyahay, waa jaceyl. SSC jaceyl mooyane wax kale looma hayo.
  14. Subxannalah. Xaaji, what is true of these accusations of violance?
  15. This is what the current Minister for Trade and Commerce said on the Khaatumo Conference. Wasiirka Ganacsiga oo degmada Yegoori kula kulmay dhalinyaro qurbo joog reer Sool ah oo socdaalkooda laga bixiyey dareeno shaki xambaarsan http://www.somaliland.org/2011/09/11...ska-saxansaxo/ Hargeysa – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay kulan dhex maray Koox Qurbo joog ah oo u dhashay Gobolka Sool, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey Socdaal shaki laga muujiyey ku marayey Deegaano ka tirsan Gobolka Sool. Kooxdan Qurbo jooga ee Reer Sool oo dhawaan dalka Dibeddiisa ka yimid, isla markaana socdaal ku soo maray Deegaanada Buuhoodle, Taleex, Boocane iyo Deegaano kale, ayaa maalintii shalay waxa ay Magaalada Yagoori shir kula yeesheen Wasiirka Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Cismaan.Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Cismaan oo xalay Wargeyska Saxansaxo u waramayey isaga oo jooga Magaalada Yagoori ayaa faah faahin ka bixiyey shirka ay la yeesheen kooxdaasi iyo ujeedada ay u socdeen. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu u tagnay Safar shaqo oo Deegaankayaga ayaan gaadhay, waxaana jira Niman dhalinyaro ah oo Deegaanka u dhalatay, isla markaana Dibeddaha ka yimid oo soo jeediyey in la qabto Shir ay Beeshu leedahay oo lagaga wada hadlayo, dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Horumarinta, markaas waanu soo gaadhnay si fiican ayaananu isku af garanay, waxaanu u sheegnay inay dadkii Deegaanka u dhashay yihiin oo aanay dhibaato wadin, Qaranimada Somaliland-na ka soo hor jeedin, in haddii ay Hargeysa ka soo degaan iyo Haddii ay Laascaanood ka soo degaan iskugu mid tahay, ujeedaduna ay noqonayso waxaanu ilaalinaynaa dalka horumarkiisa iyo Nabadgelyadiisa iyo in aan laga soo hor jeedin Qaranimada Somaliland oo aan dhulka laga sheeganaynin oo aanay cidina ka sheeganaynin, imikana aanu ku soo dhaweynayno kuna casuumayno Hargeysa ilaa Laascaanood meesha ay doonaan, markaa iyaguna waxa ay noo sheegeen in arintoodu aanay shir ahayn ee ay ahayd sidee loo shiri karaa, haddii laga hadlayo Waxbarasho, Horumarinta aas aasiga ah ee Deegaanka iyo haddii ay noqoto tii Dhaqanka ee Burburtay, Barnaamij noocaas ah oo dadku ma shiri karaana ayey ahayd”. Mar la weydiiyey Wasiirka in ay Dhalinyaradaas is arkeen, waxa uu ku jawaabay “Dhalinyarada saddex nin oo ka mid ah ayaa Magaalada joogay oo iyaga oo jooga aan ugu imid, waanu is aragnay waananu is af garanay si fiican baananu isku af garanay”. Wasiirka oo la weydiiyey bal inay dhalinyaradan ku jiraan dad ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland, waxa uu ku jawaabay “Anagu markii aanu weydiinay arinkaasi waxa ay ku jawaabeen Anagu Somaliland waanu ognahay inuu maamul ka jiro, Mucaaridna kuma nihin oo wixii aad noogu talisaan ayaanu diyaar u nahay, shirkana waxa qaybinayey oo aanu hadda wada joognay nimankii Cuqaasha ahaa, Maayarka Magaalada ayaa qaybinayey, berrina (Maanta) shir labaad oo nimankii joogay, Odayaasha Deegaanka iyo Maamulkii Gobolka oo meesha soo gaadhay leeyihiin ayaa jira, waxaana Maamulaya Maamulka Deegaanka iyo Gobolka”. Mar Wasiirka la weydiiyey inay jiraan warar sheegaya inay isku afdhaafeen kulankii shalay oo uu gacan ka hadal isu bedelay, waxa uu ku jawaabay “Arintaasi ma jirto, kulanka meesha la iskugu yimid sadex qof baanu kaga hadalnay, Anigu waan ka hadlay halkan iyo wixii ka jiray Maamulka, Nidaamka iyo sidaanu u soo dhaweynayno cidii dalka wax ku soo kordhinaysa ee aan ka soo hor jeedin Maamulka iyo Qaranimada, waxaana yimid dad laga soo dhaadhiciyey inaanay dalka iman karin oo aanay ku soo bandhigi karin waxa ay doonayaan, waxaanay noola yimaadeen oo ay yidhaahdeen anagu waxaanu wadnaa ma shiri karnaa ma ka qayb qaadan karnaa Horumarka Deegaanka, haddii ay ka soo baxaan wax ku lidi ah anagaa dhibaatada wadna, markaa intaasaa la is yidhi oo la isku macasalaameeyey barritaana la ballamay wax dhibaato ah oo ka dhacayna ma jiraan”. Wasiirka oo la weydiiyey Mawqifka Xukuumadda ee ku aaddan Kooxdan Dhalinyarada ah ee dhaqdhaqaaqa ka wada Gobolka Sool, waxa uu ku jawaabay “Mawqifka Xukuumadda aan ka tirsanahay waxa weeyi sidii aan hadalka ku bilaabay oo ah in qof kasta oo Deegaanka u dhashay ama Dalka ha joogo ama Dibedda ha joogo in aan Shakhsiyadiisa xorta ah aan la cabudhin in uu Horumarintiisa iyo faa’iidadiisa uu kaga qayb qaadan karo Deegaanka, in dhaqankii Beesha u gaar ah ka shiri karto, haddii aanay lidi ku ahayn Qaranimada Somaliland, wixii intaas ka baxsan waanu dhiiri gelinaynaa, waanu la qabanaynaa wixii ay nooga baahdaan, haddii ay noqoto sugida Amniga iyo wixii la xidhiidha, waa inaanay mawqifkoodu kaliya ahayn wixii lidi ku ah Qaranimada Somaliland”. Xigasho: Wargeyska Saxansaxo
  16. This is what the former Minister of Commerce, Industries said about the Khaatumo Conference. Wasiirkii Hore Ee Warshadaha Oo Ka Digay Khatar Uu Sheegay In Lagu Mijo Xaabinayo Qaranimada S/Land, Taageerayna Baaqii Xildhibaan Xariir Saciid Bulaale Hargeysa, September 21, 2011 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Warshadaha iyo Ganacsiga Somaliland Eng. Axmed Cali Ubaxle ayaa ka digay khatar uu sheegay inay ka soo socoto deegaanadda bariga Somaliland, kaas oo tilmaamay inay soo wadaan kooxda SSC. Mr. Ubaxle ayaa waxa uu kooxdaas ku eedeeyey inay wadaan qorshe ay ku damacsan yihiin inay ku dhawaaqaan maamul goboleed ka madaxbanaan Somaliland oo uu tibaaxay inay ka danbaysay dawladda taagta daran ee Sh. Shariif. Eng. Axmed Cali waxa uu sheegay inay kooxda SSC ay ka faa’idaysatay tan iyo wakhtigii uu Madaxwayne Siilaanyo ku dhawaaqay gogosha nabada oo ay u suurta gashay inay meelkasta oo Somaliland ka mid ah ay ku qabsadaan shirar uu tilmaamay in lagu mijo xaabinayo Qaranimada Somaliland. Axmed Cali waxa uu taageeray shirbeeleedada dalka ka la filayo inay ka furmaan, kaas oo shaaca ka qaaday inay qorshaynayaan in beeshiisa uu dhawaan shir uga furmo Degmada Qori-ligud oo uu ka soo jeeda, isla markaana waa uu taageeray Qawadkii saami ee uu dhawaan shaaciyey Xildhibaan Xariir Saciid Bulaale oo ka ay isku deegaan yihiin. Waxaanu sidaas ku sheegay waraysi kaas ah oo uu shalay Wargeyska Haatuf ku siiyey khadka khadka Tilifoonka, isaga oo ku sugan Hargeysa, waraysigan oo uu dhinacyo badan kaga hadlay ayaa waxa uu ugu horayn ka hadlaya gogoshii nabada ee uu hore Madaxwayne Siilaanyo u fidiyey, waxa uu yidhi “Ma xuma xaaladda in dhulka la dhigo oo Madaxweynahuba gogol nabadeed ku baaqo isaga oo ka duulaya inay haboontahay in arimaha wanaagga lagu dayo haddii lagu helayo, waase marka aanay jeopardize garaynayn ama khatar iyo khal-khal galinayn nabadda, xasiloonida iyo jiritaanka qarimanamada Somaliland” Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya Ergooyinka ku kooxda SSC eek u sugan qaar ka mid ah gobolada dalka, waxa uu yidhi “Sida aynnu ka wada war haynno deegaamada goboladda Togdheer, Sool iyo Sanaag waxa ku sugan ergooyin iyo waftiyo iskala badalaya oo ah SSC ah oo badidooduna ka yimid debedaha kuwaas oo qorigii dabada soo wada gashayday iyaga oo ka faa’idaysanaya dhawaaqii Madaxweynaha ee ahaa nabadda iyo inaan cid-na si gaara loo fogaynayn, isla markaana dalkana aynu wada leenahay innaga oo qudha ahina (reer Somaliland) nabadda ka wada tashan karrno. Shirarkan ay wadaan waxa Beesha *********** lagaga dhaadhicinayaa inay samaystaan Dawlad Goboleed ka hoos baxda Somaliland si ay ugu diyaar garooban ku biirka Somaliya oo hadda rajo nololeed laga qabo. Maba xuma waxa layaab iyo qaadan waa ah inaanay qarsanaynba inay degaanka ka goynayaan Dalka Somaliland. Arintu haddii ay tahay Go’aamo dawladeed waa in la baahiyaa dadkana loo sheegaa si aan isku dhac u iman laakiin waxad moodaa inay tahay arin horleh oo nabad galyo darro iyo qaranimadii Somaliland ba khatar soo foodsaartay ah oo haddana aad mooddo inaan cidiba danaynayn. Dawaladdu siiba hay’adaha ku shaqada leh arimahani ma dan baanay ka lahayn, ma warbaanay ka hayn mise dee fasax baa jira la siiyay SSC inay iyadoo shalay dagaal hubaysan wadday, maanta arintii u beddesho ciidan urursi iyo dad samaysi ay dalka ku kala goynayso. Waxaan Leeyahay khatar ayaa ina soo food saartaye maxaa inooga meel yaal, hawshan waxa kula jira kooxda SSC dawladda taagta daran ee Sh. Shariif horjoogaha ka yahay”. Mar wasiirku ka hadlayay Arimaha Degaanka Buuhoodle iyo in wax heshiis beeleed ah laga gaadhay arimahii dhaliyay dilkii Kalshaale ka dhacay Ciddii Araffo ee Sanadkii hore waxa uu yidhi “Horta *********** iyo H/Jeclo taariikh waxay ku leeyahiin dagaal iyo nabad-ba, labadan reer waa laba reer oo deegaan daaqsin iyo magaalaba leh wadaaga, way is dhaleen oo malaha laba reer oo is kaga badani Soomaalida geeska-ba kuma jirto, haddana colaadda dhexmartaa mararbay qaadataa tobanaan sano in laga wada xaalo sidaan taariikhda ku hayo, xaajadana nin aan lahayni indhaha ayuu ka ridayaaye waxay ila tahay inay wali maqan tahay roolkii ama doorkii wax-garadka degaanku ku lahaa arintan xal u hellideeda. Waxa jira dhaq-dhaqaaqyo socda hadda oo aannu doonaynno dawladda inaannu ku fahansiinno in xaajadani wax ka qabad deg-dega u bahantahay loona diro cidday khusayso iyadoo aan marnaba laga maarmayn kaalamada iyo gacansiinta dawladda”. Mr. Ubaxle oo ka hadlaya cabashada degaanka Caynaba iyo qawadka saami ee Xildhibaan Xariir Saciid Bulaale oo laga soo doortay degaankaas uu dhawaan ka dhawaajiyey, waxa uu yidhi “ Horta waxaan ku faanaa inaan ka soo jeedo degaan is xaqdhowra, isku duuban oo talada meel ka wada qaata, sidan waxaan u leeyahay Xildhibaan Xariir Saciid Bullaale waxa uu ku hadlay magaca dadkii soo doortay oo aan ka mid ahay, taas oo macnaheedu yahay waxa uu ku hadlay magacii iyo afkii degaanka soo doortay cid ka daba odhan kartaana ma jirto”. Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya nabad galyada guud iyo heerka xaaladda dhaqaale ee Somaliland, waxa uu yidhi “Ilaahay Mahadi ha ka gaadhee dalku waxa la moodaa inuu dhaqaalahiisu kobcayo, wasaaradahii wada daaro dhaadheer dhisanayaan, ama awoodayba inay kiraystaan Xafiisyo dad rayid ahi leeyahiin oo qaaliya, waxa igu maqaala ah dayntii wasaaradda Maaliyaddu ay iska bixisay, Mar aan Agaasimaha guud (DG ga Maaliyadda) la kulmay oo aan ka xogwaraystay cashuuraha iyo olalaha dakhli kordhinta ee ay wadaan waxa uu ii sheegay inay dakhligii Cashuurta kastamadu boqolkiiba 45% in kabadan kor u kacday halka la wado la xisaabtanka shirkadaha waaweyn ee dalka. Waxa uu intaa iigu daray in dhamaan la safeeyay daynkii dawladdii hore laga dhaxlay oo ay ugu danbaysay gaadiidkii iyo shidaalkii. Markaa inuu koboc dhaqaale jiro way muuqataa, shaqaalahuna way helaan musharkoodii laban laabka ahaa”. Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya Xaaladda Nabadgalyo Somaliland, waxa uu yidhi “Nabaddu wax kuma yeeshee Colaad u taag hay” waa maah maah da’awayn dhinaca kale waxaan afka qalaad lagu yidhaahdo (Risky) macnahiisuna yahay waxaan wali dhicin laakiin dhici kara aynna haboontahay inaad u weel samaysato, waana sababta loo sameeyay waxa la yidhaahdo Car Insurance (ama Caymiska Gadiidka), markaa feejignaan intan ka badan inaynnu u bahanahay ayaan qabaa, waxaanan aamin sanahay in wax intan ka badan la qaban karo si loo yareeyo lama filaanka”. Eng. Axmed Cali Ubaxle mar wax laga waydiiyey arinta Ururada siyaasada iyo meesha uu ku jihaysan yahay waxa uu talo usoo jeediyey Hogaanka Xusbiga Kulmiye, waxaanu yidhi “Hogaanka xisbul Xaakimka Kulmiye waxaan leeyahay ku ilaaliya xisbiga inuu ahaado muxaafid si aad mustaqbalkiina u sugi karto, Xusbiga UCID isaga waxba odhan maayo oo waa-kii Faysal la mid dhigay Huteel Mansoor, markaa Xisbi ma aha any more. UDUB iyagu markay ku soo heshiiyaan cidda hogaamin doonta iyo cidday dadka kale uga bahan yahiin ayeynu la hadlaynaa. Ururada waa sugaynaa siday isaga soo daba dhacaan”. Wasiirka Mar aannu wax ka waydiinay sida uu u arko shir beeleedadda, waxa uu yidhi “Shir beeli istidhi qabsada oo la diiday maan maqal kan qolada Ciisa-Muuse-na iyaga waa la qabanayaa iyo laqaban maayo dhexdooda isku haysta ee dawlad dhexgashay arimahaa warkeeda ma hayo, Xoriyatul Qawlkuna waxay ka mid tahay xuquuqda Iinsaanka. Shirku mar haddii aanu qaranimada iyo nabad-galyada lagu wada nool yahay wax u dhimayn waa la ogolyahay. Dhawaan annaga naftayadu inaannu Qoriligud shir balaadhan ku qabanno oo aannu aayaha beesha kaga arinsanaynno ayaannu rajaynaynaa dawladda-na waa casuumaynaa oo u yeedhaynaa”.
  17. I denounce the Italian synthax in the Somali language and therefor do not wish to be called, Somalian unless I am in Italy.
  18. People get the leadership they deserve. So the cause for problems is not with the leaders, but the people that follow those leaders.
  19. AUN General Mahamed Aidiid. Wise words spoken by a leader. Unfortuantly Somali's were turned against eachother, polarized and civilians armed to the teeth by the previous goverment.
  20. People in Buudoodle control their own city and call their militia SSC, the people in Taleex control their own city and they are part of Puntland and the people of Las Anod control their own city and they are part of Somaliland. So suggesting people in Las Anod are not free and dont control their own fate and city is laughable. And the crowds gathered there showed them how free they are.
  21. It said so on the website of Stockholm City Council. http://www.troint.stockholm.se/troint/detail_person.asp?inr=4932
  22. Abtigiis, can you translate for us. What is this Ethiopians news bulletin saying?
  23. Hassan Said Mohamed, Social demokrat(Labour Party), Member of Stockholm City Council(Sweden).