OdaySomali

Nomads
  • Content Count

    2,209
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by OdaySomali

  1. FIXED "Annagu ma ogolaan karno in dastuur ay ku qoran tahay qofkii ajnabi ah ee dalka jooga shan sano wuxuu noqonayaa muwaadin. Waxaan nahay 10-Milyan haddii ay 35-milyan oo OROMO ah ay nasoo dul-dagaan shan sanana ay dalka joogaan waxay noqonayaan muwaadiniin, dalka waa nalaga qaaday markaas," ayuu yiri xildhibaan Yalaxoow. Has it been 5 years for AMISOM yet ? Are they eligible for citizenship now ?
  2. ASWJ and the gov of SL actually have far better and extensive relations than many realise, including regular contact and support. @ Wikileaks.
  3. faarah22;824666 wrote: who knows she might have eloped with abtigiis. locate that guy first. Is he missing ? He did make a thread about Ethiopians coming after/threatening him or something.
  4. Heestan ila eega: "Diidnayee ogow" http://www.hoygasuugaanta.info/wadani.html The second song in the link. Its called diidnaye ogoow and sung by what sounds like a choir of patriotic Somali girls.
  5. "Somaaliyeey waxaad diidaneedayn, soo dulmiga maaha ? Waar maantana waxaad doorbideen, dhac iyo boob maaha ? Ragii aynu ku meel mari lahayn, waar wax madhan maaha ? Soo kuwaa masaaraha sitee, meydka faga maaha ? Magaceena kuwa dhumiyay ee, meel xun maray maaha ? Marastooda kuwa laynaya ee, macangaga ah maaha ? Meydadlka kuwaa safarsadee, musalifka ah maaha ? Maskaxkale nin uu leeyahayna, kala micneeyn maaha ? Imaankooda kuwa uu iblays, meel ku xidhay maaha ? Soo kuwaa xaqii diidayee, na xaqiray maaha ? Xoolaha dadkii dhacayoo, ka xajinaya maaha ? Dabeetana taasa xaqii xafidsan, soo maaha ? Masaakiinta miinada ku xidhayee, ka xamdinaya maaha ? Janadii Alle' ayaan xoog ku gelayaa, ku xarbinaya soo maaha ? Cadawgeenu wuxuu doonayaa, soow is cuna maaha ? Casumaad wuxuu noogu fidin, soo cakiran maaha ? Casharada wuxuu noogu bixin, cagajugleyn maaha ? Dabateena ciidaan dhacee, cagaha [ii] leef maaha ? Calankiinu waa kii dhumee. ceel ku rida maaha ? Soomaaliyeey cawaan baa tahee, soo car hadal maaha ? Caqli ninkii kugu hantiyey, kugu ciyaar maaha ? Badaheena kuwa boobayaa, dunida soo maaha ? Burcadana waxay ula baxeen, soow bulshadii maaha ? Inaguna waxaynu doorbidno na, soow iyaga maaha ? Debadaha waxaynu ugu didnaa, dewersi soo maaha ? Doofaar nin uu deeq la yahay, deeq ha barin soo maaha ? Dabadeedna aduun ayaan tabcadee, derejo mood soo maaha ? Dhaqankeeniiyoo inaga dhuma, dhabarjab soo maaha ? Dhalaankoo lagaa doorya, diin ka bixid maaha ? Daliishii Ilaahay ku baray, soow ka durug maaha ? Midii hore midan baa ka daran, dalabkuu soow maaha ? Dagaalada waxaan ugu jirnaa, damac rag soow maaha ? Nin waliba wuxuu doonayaa, derejo soow maaha ? Soomaaliyeey waxaan doorana, soow dan qudha m maaha ? Sharcigii iyo dastuurkaan lahayn, dabagal soo maaha ? Dulmi iyo ninkay derisyihiin, soow ka durug maaha ? Dalkeenu wuxuu doonayona, dib u dhis soo maaha ? Darajona Ilaah baa baxshee, soo ka baryi maaha ?
  6. Qurbojoog Qurbojoog! Hadii qiiro ay ku hayso, Dalkana qiimo aad u hayso, Quluub taadu ay na hayso. Qaxarkan dalka haysta ahaataan, Dadkiisi qaar idlaadeen, Qaarna ay qaxayaan, Noloshiiba ay ka quusteen. Qurbojoog wadankeena, Qofkalad ku halaysoo, Qiyaastii ma haynee, Ku darsada ku darsada, Qorshaha ku darsada. Qurbojoog Qurbojoog, Haduu qurbojoog xisaabtamo oo, Dadkuna qirayaan wanaagaa oo, qaybtaaduna banaantahay oo, Qurbojoog wadankeena, Qofkalad ku halaysoo, Qiyaastii ma haynee, Ku darsada ku darsada, Qorshaha ku darsada.
  7. The balkanisation of Somalia - unfolding before our very eyes. I wanted to share this compelling and saddening article. The balkanisation and de-facto annexation of Somalia, the final subjugation of the unruly Somali ethnic group, is unfolding before our very eyes. Ethiopia and Kenya are to be the beneficiaries, the A.U is the facilitator; the former secures long term interests and benefits and the latter makes a short term profit. "Lax walba halkay is dhigtaa lagu gowracaa". Ilaahay ha u gargaaro dadkeena iyo dalkeena. Goormay Somali dantood garan ? http://www.garoweonline.com/artman2/...nization.shtml
  8. An estimated 1,000 somalis killed in SOuth Africa 2003-2012 Ganacsato Soomaali ah oo boob loogu geystay K/Afrika In ka badan 19 dukaan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa boob loogu geystay tuulooyinka hoos taga magaalada Rustenburg ee gobolka North West ee waddanka Koonfur Afrika. Wararka ayaa sheegaya in boobkaasi ay geysteen shaqaale careysan oo dowladda ka codsanayay in loo kordhiyo mushaaraadka ay qaataan, kuwaasi oo dibad baxyo ka dhigay deegaanno hoos taga magaaladaasi. Xoghayaha Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka North West Cabdiraxmaan Yaasiin ayaa sheegay in booliska Koonfur Afrika ay is-hortaageen dadkii boobka geysanayay, walow boolisku uu awoodi waayay in uu joojiyo rabshadaha ay sameynayaan dadkaasi careysan. Mr. Cabdiraxmaan ayaa intaasi raaciyay in aysan jirin waxyeeleyn loo geystay ganacsatada dukaamadooda boobka loo geystay, wuxuuna tilmaamay in ay ka cabsi qabaan in mar kale ay boob u geystaan shaqaalaha Koonfur Afrikaanka ah ee careysan. Booliska gobolka North West ayaa gaaray deegaannada boobka laga geystay, waxayna heeggan ugu jiraan sidii ay uga hor tagi lahaayeen rabshado iyo boob mar kale ka dhaco deegaannadaasi.
  9. FOUND: 200 Somali migrants locked in underground bunker... for years http://boramanews.com/index.php?opti...=66&Itemid=117
  10. The encroaching sand dunes of Somalia - Sand dunes as far as 70km inland from the coast. I want to make you all aware of the encroaching sand dunes. These sand dunes are causing the desertification of entire swathes of land. If you look at google earth/maps satellite images you will see KM's upon KM's of land that has become pure desert aka sand dunes - as far 70km inland from the coast. These sand dunes stretch from around Hobyo to as far South as Barawe. Merca <img src=" Baacadweyn village that once was, is now engulfed by sand-dunes. Coastal towns and Villages being engulfed and destoyed and rendered uninhabitable. Entire cities are udner threat and its one of the reasons Hobyo which was once a fairly large town has declined. Its seriously under threat if not too late alreadt.
  11. Muna Ali Sharif Disappeared from Northolt Police are appealing for assistance in tracing a 14-year-old girl who has been missing from Ealing since Sunday 15 April. Muna Ali-Sharif, also known as Qaali and Shax Shaxley was out with her family in Northolt, Middlesex when she ran off. Enquiries have suggested that she may have gone to the Southall area after she went missing. Muna is described as of Somalian descent and looks around 16-17 years of age. She is 170com in height, which is tall for her age. She is believed to have been wearing a red coat, leopard print long sleeve blouse, long black skirt, blue head scarf and black shoes. She is known to use public transport and has previously been known to visit East London and Richmond areas. Anyone who has seen Muna or knows of her whereabouts should call police quoting reference 12MIS011697 on 020 8246 1040 09:00- 15:00hrs Monday to Friday or 101, or Missing People on 0500 700 700.
  12. I want to make you all aware of the encroaching sand dunes. These sand dunes are causing the desertification of entire swathes of land. If you look at google earth/maps satellite images you will see KM's upon KM's of land that has become pure desert aka sand dunes - as far 70km inland from the coast. These sand dunes stretch from around Hobyo to as far South as Barawe. Merca Coastal towns and Villages being engulfed and destoyed and rendered uninhabitable. Entire cities are udner threat and its one of the reasons Hobyo which was once a fairly large town has declined. Its seriously under threat if not too late alreadt.
  13. ^ Will have a look. cheers. Do you remember the title of the thread ?
  14. Xisaab. Xamar : Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, Xafiiska Manaahijta, 1976. PJ2534.A2 X573 1976a Xisaab: dugsiga dhexe. Muqdisho : Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, 1983- . PJ2534.A2 X55 1983a Xisaab: dugsiga sare. v. 1-4. Xamar : Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, , Xafiiska Manaahijta, 1976-1979. PJ2534.A2 X57 1976a NOW YOU CAN LEARN ALGEBRA IN AF-SOOMAALI
  15. THESE BOOKS/TEXTS INCLUDE: Buugga taariikhda dugsiyada hoose. Mugdisho : Waasaradda Waxbarashada, 1971. PJ2534.A2 B894 1971a Buugga juqraafiga: dugsiyada hoose. Mugdisho : Guddiga Afka Soomaalida, 1971. PJ2534.A2 B876 1971a Juqraafi: dugsiga sare. v. 1-4. Xamar : Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Xafiiska Manaahijta, 1976-1979. PJ2534.A2 J92 1976a Sayniska (SCIENCE) dugsiyada hoose. Muqdisho : Jamhuryiadda [ie. Jamhuriyadda] Dimuqradiga Somaliya, Wasaaradda Waxbarashada, 1972- . PJ2534.A2 S294 1972a ETC.
  16. I have found an entire database of digitalised Educational Material/Books/Texts in Af-Somali!!!!! This is epic!!!!! Acess it here: THE DIGITAL SOMALI LIBRARY
  17. The jack-pot! 137 Somali-language books and other written material that has been 'digitized'. This database includes a lot of publications by the former Somali government(s), institutions and ministries. Accessible using the following link: THE DIGITAL SOMALI LIBRARY WOW what a great find. I might just find what i'm looking for. This material includes academic teaching-books/texts in various subjects in af-Somali language.
  18. SOMALIWRITERS.COM The above website has some very interesting books. I am drawn to the children's/fiction stories i.e. Dheg-Dheer etc. Dhegdheer Wiil Waal Ayaan Daran
  19. Here are some links to websites where you can purchase Somali-language books: RED SEA ONLINE (+ 100 books in the Somali language) SOMALIWRITERS.COM SOMALI-BOOKS.COM AMAZON (use search bar to search for anything specific)
  20. This is what I have found so far: Meherad ( ama Business ) – waa goob hawl wax is weydaarsi ha ahaado mid faa’iido laga rabo ama midaan faa’iido laga rabin lagu qabsado sida dukaan, hooso, makhaayad, xafiis, warshad iwm. Waxy kale oo noqontaa hawsha nafteeda. Macaash ( ama Trade ) – waa wax is weydaarsi faa’iido laga samaynayo. Wax isweydaadsigaasi waa mid yar oo aan ballaarnayn. Sida dukaan, makhaayad, bakhaar, hooso iwm. Kalmaddaani waa mid facweyn oo dhaqanka Soomaalida ka mid ah waxayna la xiriirtaa dhaqankii baadiyaha. Waxaa jiri jiray marka la roobda’sado waxaa dudo kasta lahaan jirtay rag badeecooyin ka keena magaalooyinka oo intay geedo waabtaanna dhar, cunto iyo wixii kaloo reerguuraagu u baahdo kaga beddelan jiray xoolo jar ah, subag iyo hargo. Gobolladda waqooyi ee Soomaaliya waxa macaashle looga yaqaan Kabadhe. Waxaa laga yaabaa in la yirahdo maxaa loogu magacaabay meheradaha aan kor ku xusnay oo dhan Macaash. Sida looga yaqaano dunida reer galbeedka, meheradkasta oo lacagta ay rogrogto ay ka yartahay malaayiin ama suuqeedu uu koobanyahay waa macaash ama ( small business ). Macaashleydu waa noocyo badan tahay waxaana ka mid ah: Gedisleyda, Jeebleyda, Gaadleyda, Waratada iyo Firshooleyda. Wax isweydaarsiga faa’iidada laga sameeyo ee ugu badan hawlaha meheradaha aduunku waa Macaashka waxaana laga yaabaa inuu ka badan yahay boqolkiiba 80% meheradaha ka jira adduun weynaha, meesha Soomaaliya la dhihi karo waa 98% maadaama Ganacsi wax lagu sheegi karo oo ka jiraa uu yar yahay sidaan macnaha Ganacsi ku arki doonno. Gedgedis (ama Exchange ) – waa wax isweydaarsi faa’iido laga samaynayo sida macaashka ama ganacsiga. Waxaase Soomaalidu u isticmaashaa inuu aalaaba yahay meherad an saldhig lahayn sidaan ku arki doono micnaha Gadisle. Dunida horumartay kama jiri karo gadgadis sbabtoo ah waa inay noockasta oo wax isweydaarsi ahi diiwaangeshan yahay xataa hadduu yahay firsho. Ganacsi ( ama Commerce ) – waa wax is weydaarsi faa’iido laga sameynayo oo baaxad weyn. Waxaan ka fahmeynaa halkaas in farqi badani u dhexeeyo macaash iyo ganacsi sababtoo ah ganacsigu waa hawl wax isweydaarsi oo gaareysa gobolo badan oo dal gudihiis ah ama gobolo dalal kala gedisan. Hadaan tusaale ganacsi soo qaadano waxaan dhihi karnaa ganacsi waxaa fuliya shirkado waaweyn sida Nestle, Mark & Spencers, Shell, BP, shirkaddaha Nation, Hormood, Olympic iwm. Si kale haddaan u dhigno ganacsigu waa wax isweydaarsi an xuduud lahayn meesha Macaashku uu kooban yahay. Maslaxad ( ama Industry ) – waa magac kulmiya meheradaha shaqo isku nooc ah qabta. Waxaan misaal u qaadan karnaa meheradaha ka shaqeeyaha isgaarsiinta, ama xawilaadaha lacagta. Khasab ma aha in shirkadahaasi sameeyaan shaqo isku mid ah ama baaxad ahaan is le’ekaadaan, waxaase shardi ah inay qabtaan hawlo guud ahaan isku mid ah sida kuwa isgaarsiinta kala gedisan ka shaqeeya ama hawlaha maaliyadda oo kala duwan qabta. Meheradle/Meheradley (ama Businessman/Businesswoman ) – waa qof meherad haysta ha weynaato ama ha yaraatee ama ka shaqeeya. Macaashle/Kabadhe (ama trader ) – waa qof dukaan, makhaayad ama meherad la mid ah haysta ama ka shaqeeya. Gadisle (ama Trader) – waa qof ka shaqeeya meherad an saldhig lahayn sida dukaan ama xafiis. Waxaa magacaas aad loogu aqoon jiray dadka xoolaha ka baayacmushtara oo intay ka soo gataan ama ka soo amaahdaan xoolo dhaqatada ama Gaadleyda u dhoofiya gobol kale markaasna badeecooyin keena gobolkoodii. Waxay badanaa ku hawlanyihiin shaqo kooban inay wadanka gudihiisa wax u kala waaridaan. Gaadle (ama Entrepreneur) – waa qof eegta fursad kadibna ku bakhtiyanasiibsada. Waxay gaaleydu badanaa ahaan jireen rag xoolaha inta iibsada sii iibiya, laakiin markii la reer magaaloobay waxay isu beddelleen inay ka hawlgalaan xafiisyo, mararka qaarkood Jeebley ahaan ayey u shaqeystaan. Aduunka kale Gaadleydu waa meherado qaarkood ganacsi gaaraan kuse abuurmay fursad gaadnimo si ah amase shul ama shal waxa afka suuqa lagu yiraahdo. Dawladuhu waa dhiirigeliyaan gaadlenimada sababtoo ah waxay abuuraan fursado shaqo oo lagama maarmaan u ah dhaqaalaha wadanka. Jeeble (ama trader) – waa qof jeebkiisa ku tashta una hawlgala sida gadisleyda. Badanaa jeebleydu waxay ka shaqeeyaan wax kooban waxaana ka mid ah firshooleyda, bacadleyaasha nooca gaarigacamada ku shaqeysta iyo waratada. Jeeblenimadu waa shaqada wax isweydaarsiga ugu fac weyn gaar ahaan firshooleyda iyo waratada oo aduunka oo dhami wada wadaago. Warato/Firshoole (Trader) – waa isku mid labadaan qolo waxayse ku kal gedisan yihiin Firshooleydu waa degen yihiin halka Waratu ay guurguurto. Dhan hadaan ka eegno Waratadu wax gooni ah ma gadaan halka Firshooleydu ah takhasus leeyihiin. Firshooleydu waa dadka gada waxa ugu yar oo faa’iido laga sameynkaro sida kuwa jawaan bariis ama dhigir ah beega, kuwa khudaarta gaada ama hilibka wasladeeya. Firshooleydu meel suuq ah oo ay boos cayiman ku leeyihiin ayey wax ku gadaan halka waratu aysan meel xadidan ama suuq u go’an lahayn. Bacadle (trader) – waa warato deggan oo ka hawlgasha suuq dhan oo alaaboyin kala gedisan ama isku mid ah lagau gado. Badanaa bacadleyaashu waxay keenaan badeecooyin jaban dan yartu qadan karaan. Bacadleyntu waa dhaqan soo galay dalkeena bilowgii 70nadii kana bilawday Muqdishu kadibna noqday caan kuna faafay dalka oo idil. Xirfadle (Specialist) – waa qof ku hawlan meherad takhasus leh sida hooso, xafiis garyaqaan, la talin ama xisaabiye iwm. Xirfadleydu wey kala baaxad weyn yihiin. Qaarkood waxaa laga yaabaa inay macaashley yihiin halka qaar kale ay noqonayaan ganacsato malaayiin lacag ah sannaddkii rogrogta. Xirfadleyda waaweyn oo caanka ah waxaa ka mid ah xafiisyada la talinta sida KMPG, PRICEWATERHOUSE, DELOITTE&TOUCHE, ASHBRIDGE CONSULTING GROUP IWM. Dilaal (Broker) – waa qof u dhexeeya laba qof oo wax kala gadaneysa. Dilaaleydu waa noocyo badan tahay waxayna u kala baxdaa noocyo sida qof keli ah iyo kuwo waaweyn oo ganacsato ah sida Llods Shipping Brokers shirkadda loo yaqaan. Badanaa waxaa dhaca inay jiraan dad kale oo hawl dulaalnimo qabta xirfaddooduse aysan dulaalnimo ahayn sida wakiiladda shirkadaha ajnabiga ah oo an ayagu soo waaridn badeecadaha shirkaddaas ay wakiilka u yihiin balse isku xira laba shirkadood halkaana ka hela khidmad lacag ah. Ganacsade (Merchant) – waa qof ganacsi haysta ama ka shaqeeya. SOURCE: http://www.ladaneey.com/?p=2398
  21. Can anyone direct me how/where I can access: a book/website/dictionary/resource about business/accounting/finance/economics terms/words in the Somali language? Any help would be very much appreciated. Mahadsanid.