Al-Miskiin
Nomads-
Content Count
295 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Al-Miskiin
-
The Zack;712824 wrote: ^It happened to a black brother, it sure can happen to a farah. I have seen some real nice farahs in my area, opening the door of the car for their Xalimo, carrying they purse for her or what so. So yea it could happen LOL. Hahahahaha lol, caadi ma tihid, "some real nice farahs" lool. Kuwaas waa in la qabtaa intaynan dhibaato noo keenin ragga intiisa kale, the standard is too high! Hadhaw every xaliimo want's that from us!
-
Mawliidku waa cibaado, qofkii xusa nabiga ajar buu Allah ka filayaa. Qaacidada fiqhiguna waa asal ahaan cibaadadu waa XAARAAM!, wait wait, let me finish, Cibaadadu waa xaaraam ilaa wixii nas(daliil, proof) ku yimid mooyaane. That means, wax alle wixii aanaan daliil cad u haynin, oo aanan nabigiii(salallahu alayhi wasalam) laga keenin waa xaaraan. Culimo ku sheeggan videoga ka hadlaysa waxay marar badan ku soo celiyeen "bal daliil noo keena, lagu diiday mawliidka" waxay ku qaldameen, cibaadada sidaas laguma qiimeeyo su'aashu maaha "yaa diiday" ee waa "yaa ogalaaday"! marka markuu arinku yahay "cibaado" waa "yaa kuu ogalaaday waxan", in markaa dad waawayn oo cilmi u nisba sheeganayaa dhahaan "yaa diiday" waa qalad iyo cilmi darro. Caruurta yaryar ee dugsiyada hoose dhigata baa xataa og, in cibaadada lagu qiimayn "yaa diiday"!!! Tusaale, hadii cibaadad sidaas lagu qiimeeyo, qofkastaa intuu cibaadaduu doono la yimaado buu hadhow odhan "yaa diiday, ileen quraanka, iyo axaadiithta kuma qornee"! Arintaas ha la iska fiiriyo, diintoo dhan baa ciyaar ciyaar noqon, hadii la dhaho "yaa diiday"! Cibaadada waaxaa la is waydiiyaa "yaa ogalaaday, daliil kee loo hayaa"! Hadii kale ninkastaa intuu qaad aan horay loo arag u cibaadaysto buu odhan "yaa ii diiday, xagay ku qorantahay in sidan la ogalayn" Arinka mawliidka ah markaa maadaama uu cibaado Allah ajar laga sugayo uu yahay, waa lagama maarmaan in daliil cad loo helo, hadii kale lama ogala in lala yimaado. Mawliidkuna sida la ogyahay waa cibaado, sanadkii mar la sameeyo, lama sameeyo bilaha kale, hal bil buu ku khaas yahay. Walibana waxaa la muujin jacaylka nabiga(sida dadka mawliidka qabsadaan sheegaan), arintaasna ay ka sugayaan ajar iyo darajo sare. That means waxaa laga helay shuruudihii cibaadada oo dhan, sidaa daraadeed qaacidada ummadu isku raacday waa Cibaado bilaa daliil ma soconayso! Mida kale: Mawliidka taariikhdiisa hadii dib loogu noqdo, waxay ka timid faatimiyiintii Masar! Culimo badana waxay dhahaan dadkaasi muslimiin maynan ahayn. Ayagaana Mawliidka bilaabay aynu anagu naqaano, nabiga(salallahu alayhi wasalam) kaliyana umaynan dabaal dagi jirine, fatima, cali, xassan iyo xuseen kuligood xus gaar ah bay u lahaayeen. Waxay arinta ku keeneen waxay arkeen nasaaradii oo u dabaal dagta nabi ciise etc. Laakiin waxaa ka hoos baxday in nala faray in aynu khilaafno yuhuuda iyo nasaraada marwalba. Soo khulaasee, hal nas(daliil) looma hayo mawliidka, dadkii laga keenay(fatimiyin) waaba dad islaamnimadooda laga shakisan yahay. Marka ikhwaani qofkii raba inuu Allah u dhawaado, nabiga jeclaado, samee waxay saxaabadu samayn jireen. Ha ka badin, hana ka yarayn. Intaas baa Jannahtul firdows kuugu filan, oo kaa badan. Wax aynan dadkii nabiga ugu jeclaa samayn, oo xataa wax u eg aynan samayn baa maanta dad nagu leeyihiin waa "jacayl nabi"! War Ma Abu Bakr baad nabiga ka jeceshihiin? Ileen Abu bakr Mawliid waligiis lamuunan iman e? Shaki kuma jiro haduu khayr mawliid ku jiri lahaa inay asxaabtii nooga horay lahayd. Waxaan ku soo khatimi lahaa tafsiir yaroo cajiib ah, oo ku tusaya Ehlu Sunnah wal jama3a caqiidadooda iyo fahankooda: Aayada ku jirta suura Axqaaf ee uu Allah ku leeyahay "وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَوْ كَانَ خَيْراً مَّا سَبَقُونَآ إِلَيْهِ" (And those who disbelieve say of those who believe: "Had it been good, they (the weak and poor) would not have preceded us to it!'') Waa markuu nabiga(salallahu alayhi wasalam) ula yimid kufaaru quraysh hidaayada, bay waxay dhaheen "hadii khayr ku jiri lahaa waxan uu Muxamed wado, walee kuwaan masaakiinta ah noogama hor mari lahayn"! yacni anagaa "quraysh ah oo uga hor mari lahayn"! "The weak and poor" waxay ka wadaan sida Tafsiir ibn kathiir ku qoran: Bilal, `Ammar, Suhayb, Khabbab, oo ka mid ahaa asxaabtii khayrka qabtee aynu naqaanay. Markaa bal fiiri, waxa Tafsiir ibn kathiir ku qoran markuu aayadan sheekhu ka hadlayo, iyo fahankuu kala dhex baxay: (Had it been good, they (the weak and poor) would not have preceded us to it!) Contrary to this is the position of Ahl us-Sunnah wal-Jama`ah: They say about any act or saying that has not been reported from the Companions: "It is an innovation. If there was any good in it, they would have preceded us in doing it, because they have not left off any of the good characteristics except that they hurried to perform them. ' ' Bal marka mawliidka u barbardhig sheekha hadalkiisa Kolay ninkii mawliidka iska daaya, aakhiro lama waydiin doono "maxaad uga tagtay mawliidkii nabiga"!! Ninkii laakiin sameeyaa there is a chance for in lagu waydiyo "war waxan yaa kuu dirsaday"! walaal Bilan, diintu saas maaha, "qofkastaa siduu Allah rabo u caabud"! haday sidaas ahaan lahayd, nabiga(salallahu alayhi wasalam) lama soo diri lahayn. Dacwo oo dhana muhiimad maynan noqon lahayn. Markaasuu midna kaadi inuu cabo Allah ku caabudi lahaa, midna inuu caruur kufsado. sidaa daraadeed waa khasab in la is waaniyo, laga doodo, si diinta saxda ah, iyo fahanka saxda ah loogu noqdo.
-
Aaliyyah;712778 wrote: ^lol cid calacalasa miyaad aragtaa yaab...at the end of the day odey indian u qaraba doontay cid daneesa ma jirto *Blessed;712782 wrote: Yaa carooday oo calaacalay? How nomads twist things, cajaaib. Hehe this is what I call Calaacal: Raga foosha xun, shukaansiga aqoon ee uu weliba jeebku madhanyahay-ba jacayl way u baahan yihiin, Clearly ninka ka tagaya australia, ama canada ama USA oo india naag u adaya waxba ka qaldan If that aint calaacal, huh....Lol kidding, xaal qaata Blessed and Aaliyah but somalina sums it by saying: qof walba qofkuu doono ha guursado. Hindi, Chinese, Yuhuud, Faransiis IWM ku dhufo wixii kaa soo hor baxa aad rabto, dhib maleh ku dabaalo caashaqa. That's the true spirit lol
-
Alle balankii waa in waxaas khuraafaadka ah laga jawaabaa! "the masked one, the one whose name I will not utter in this thread" ku te! Walaasha Aaliyah baad hadalkeeda soo qaadatay, marka I'll let her answer, hadii kale walee qof kuu jawaaba waayi maysid! That kind of D level khuraafaad, meelna loogama hadhayo! أعوذ بالله من هذا
-
Nin cadaana oo sheegay in Hargeisa lagu cunsuradeeyo
Al-Miskiin replied to Wiil Cusub's topic in General
"Nin cad"= singular! Markay sheekadu isku badasho "Niman cadcad= Plural Than people will take it serious. Hal nin oo si xun loo fiiriyey war maaha, marka intii la qabto la garaaco, ilkaha loo saaro sibidhka and than kick him in the face(Remember American history X), than it's racism, inta ka horaysa waa iska calaacal iyo "ala fiiriya soomaaliyaan daganahay"! Get over yourself man. -
Aaliyyah;712276 wrote: Blessed care to share how u make those desserts..lol...the only sweet thing I ever made was a cake..thats pretty much it! and that I fellow the instructions on the box lol..I need to get creative walee.. Almiskiin I have seen my mom make digir..I was never into it! I have no idea what she sees in it but all she does is wash the digir and add plenty of water I guess depending on how much digir ur making . From the look of it it cant get any easier LOl...for the love of god how can one burn it! I cant imagine! salaam Hey hey, I said, it was Oba Hilowlow, not me, and yh I cant imagine how Oba burn it BTW u didn't answer the second part of the Q. Oba, hehe sorry bro, I forgot, I was just trying to help
-
Salam Ladies, I have a message for you from a brother(Oba Hilowloow) Oba hilowlow is asking, how to make Cambuulo/Digir? Everytime he tries it, wuu gubaa? and when u are at it, ku dara bal inaad sheegtiin sida suugada saliida looga yareeyo? remember it's stil Oba hilowlow! Oba, waan gudbiyey fariintaadii, but next time, adigu waydii dee, caadi iska dhig
-
Blessed(Barakaysan), I agree, intentions are the most important thing, but let it be as I said "supporting counseling". Hadalka dadkuna waxba ma taro true, but than again, we are just humans, Shaydan may whisper and trick us any second. But I'm glad u got my point.
-
Assalamu Alaikum meeshan waxaan u furay inaan soo galiyo sheekooyin, ama qiyoosin yaryaroo qosol ah! Waxaana qaar qisooyinka ka soo guurin, kitaab la dhaho "Akhbaarul Xamqaa wal Muqafiliin" oo u quray ibn jawzi. Waa kitaab sheekooyin qosol ah ka buuxaan, a whole kitab just for jokes lol. Waxaan kaloo ku soo qori sheekooyin, qisooyin soo galayo mawduuca "islamic ila qosol", ama culimadda laga maqlay, masaajidda, ama meelo kale. Insha Allah waxaan isku dayi inaan dhowr xabo soo galiyo, mida kale, kuwo haday jiraan aad idinku taqaaniin/maqasheen soo qora Insha Allah, ana sidoo kalaan samayn. Waxaa laga yaabaa inay qisooyinka qaar qosolba aynaan u inagu, waayo dadkii qoray baa inaga duwanaa. Sidoo kale, qisooyinku qaar baa sanad sax ah leh(yacni waa saxiix), qaarna lama oga. Qisada koobaad: Imaam Maalik ibnu Anas ayaa waxuu yidhi, maalin ayaa nin baa isagoo dad tujinaya , baa markuu suuratul faataxa dhameeyey, ayaa waxaa ku dhagay wixii uu akhrin lahaa, markaasu ku soo celceliyey, "Acuudubillaahi samiicil caliimi Mina sheydaani rajiim" dhowr jeer! Xoogaa markuu sidaas ku celceliyay, ayaa mid kamid ah dadkii ku daba tukanayay baa qayliyey oo yidhi, "war sheydaanku denbi malahan ee adaan waxba akhrin aqoonin" lol Qiso kale: Ninbaa u yimid Abii Khaazim al Qaadhi!. Markaasuu yidhi : Heedhee shaydaan baa ii yimaada oo igu yidhaahda Xaaskaadii ayaad furtay (yacni wuu i waswaasiyaa/wareeriyaa). Qhaadigii(Garsoorihii) ayaa yidhi: Oo maadan furin miyaa? Ninkii ayaa yidhi: Mayya(marnaba) Qhaadigii ayaa yidhi: Soodigii shalay ii yimid eed agtayda ku furtay(xaaska)? Ninkii ayaa yidhi: Wallaahay maanta unbaan kuu imid, xaaskaygana waji aan ku furay inuusan jirin Qhaadigii ayaa yidhi: Hadaba sidaad aniga hadda iigu dhaaratay ugu dhaaro sheydaanka! Lool! Qiso kale: Nin baa masjid Imaam ka ahaa, markaasuu maalin maalmaha ka mid ah, asagoo salaada tujinaya wuxuu ku khushuucay suurad ka hadlaysa, qiyaamaha, siiba aayada: فَأَينَ تَذهَبُونَ ( So where are you going?) Aad buu ugu soo celceliyey aayadii, markaasaa mid dadkii ka mid ah baa salaadii ka baxay oo yidhi intuu kabihiisii qaatay"Agah! kolay anigu gurgaan aadi, ma ogi kuwan kale dantooda"
-
Lol I dont think any one here is above 35, cuz as far as I know, no somali men in that age knows how to use a computer, let alone a forum. Wali waxay taagan yihiin "waar waxa xagee la taabtaa, acuudubillah, wuxu adkaa, ma yuhuud maa samaysay, balo" (and that's before aynan daarin computar-ka lol) Dumarkana haba ka hadlin. Mise dib baa wax laga boobsiistay, oo la casriyoobay?
-
Masha Allah very useful video, the other lady just doesn't make sense at all. "It's not an obligation to wear it" ku te, lol so what? That doesn't mean a girl can't choose to wear it. If she knew who of them that was being controlled by men, maynan hadli lahayn. And I like how the muslim girl has the last words, its always important to have the last words in a debate. I have the upmost respect for sisters that wear niqab(and of course also those who doesn't , daaqadda bal ha igala bixina lol), but...... One thing I find problematic is when some sisters choose to wear the niqab, then there are a lot of other sisters who see this as a negative thing. Understand me correct, most girls have nothing against the niqab as a general Islamic clothing. But I've seen situations where a woman chose to wear niqab, and than there were some(her female muslim frinds) who said, "are you really gonna wearing it?", "What about your school, they'll certainly throw out " "you should do this for Allah you know, and not just because you want to stand out " "isn't it sooo hard to wear it " "I myselfs could never wear it"etc etc. and than there are those who uses the text(quran-sunnah) to proof that it actually isn't important, therefor they can't see the meaning with this whole thing! Meanwhile many scholars says it's fard(obligatory) (but that a whole another discussion, ha nagu galina lol) My point is, those comments, might seem innocent, but wallahi it leaves a mark on the persons heart. Arintaasi waxay keentaa gabadhii miskiinadda ahayd inuu khalkhal/jahwareer iyo kalsooni-darro ku dhacdo and she becomes more and more vulnerable and nervous about the choice she made. Intii gabadha miskiinadda ah, la garab istaagi lahaa, and support her in the choice and progress she've made towards Allah, maaha in looga daroo, niyadda laga jabiyo! And by than it's the whole society against her, both; non-Muslims, and her muslim friends. When a girl chooses to do so, no one can interfere in her niyah and intentions. Marka drop the niyah talk. Shaydan uses this as a method to let the person astray, he whispers in your ear "you are not doing it for Allah" and many times you see that you stop doing something because you think it is based on the wrong niyah etc. Wich always isn't correct. In uu qofku dhaho "Ala amaynan ikhlaas iga ahayn", xataa waxay ka timaadaa shaydaanka marar badan. By that I don't mean that one should not advise the sister who chooses to wear niqaabka. Of course it's a good thing, and one must also tell her that wearing it in the west isn't like walking on pink roses, but there is a difference between "niyad Jabin" and giving supporting counseling. So I would say any girl who wants to wear niqabka, do it. Do not think of what people will think, the only person you have to satisfy is your Creator, and if it ends with, that life is too hard for you with the niqab(In the west), than the muslim scholars says that it's ok to take it off under these circumstances, although sabr and being steadfastness are the best ways to eternal happiness in Jannah. I almost forgot, jzk for the video Aaliyah
-
Aaliyah lol, may xaasidnimo maaha, inuu af adayga barto baan uga baqay, hadhow ma karo inuu gar iyo mag loo soo doonto. Mida kale, nin reer waqooyi hadlaya u maleeyey inay dagaalamayaan, inuu ka ag fogaado masaajidka Mississauga maba aha. Could be dangerous for him self, and everyone around him lol, marka it's about his safety Oba lol hee sxb, macalimiinta afkaan yaqaana way soo bateen yaa, but I think Maaddeey xoogaa biyo lagu cabuu inagu soo tuuray, si fiican buu inoo waabsaday, ma yaqaano baan is idhi , intuu soo qoray anaaba horay u maqlay.( I think) Taleexi lol, meelba uguma dhacayo, anigu waanba taageeraa afkaas e, Sheekhada bal noo sii dhamee lol "dantaada ka hadal" as I said, they cut to the case, warwareeg badan ma soconayo. "Ala maanta hawadu fiicanaa" iyo sheeko baraleey badani ma jirto. Hawada bal maxaa ka galay lol, dantiisa muu ka hadlo.
-
ehem ehem dhidid, feeling the pressure, more dhidid, ehem, waan liqay waxaan soo waday sorry ducaysane. :confused: Aaliyah adigu kalshaale ka soo duub, ama ka soo qor how its done, hadhow baa lagu sixi lol.
-
Aliyyah lol, dee waan arkay, and also because way qayliyaan, faro taagtaag badana way sameeyaan! waxaadba is odhan war amuu indhaha ka tuura miskiinta lol,.
-
haha ducays. Dagaal maahee, its just becuz they cut to the case. The guy: "Dee heedhee, kolay halkan baad iska joogtaa horta maxaa meeshan ku dhigay, qoodhay iyo xeraday waanba kaa yaabay" The girl: "waar dee maxaad rabtaa baanu ku nidhi" The guy "eeyaahee, dee in aynu is guursano baan dee meesha u imid, wuxu wax ma fahanto miyaa, ee dee bal bari odaygii reerka inaan soo gaadhi u sheeg, naa nabadeey nabadeey" The girl: "waar waligaaba, waligaaba" basically halkaas bayba ku dhamaatay sheekadu. Just imagining, waligay ma arag :rolleyes:
-
haha yh, caadi maaha! mid kalaa ka darnaa he wanted to translate the verse: وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنْكًا وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَى aayadu tafsiirkeeda saxda ah waxaa weeye sidan: Qofkii ka sii jeedsada dikrigayga ,waxaa qofkaa u sugnaaday nolol cidhiidhi ah (aduunka), maalinka qiyaamana waxaanu soo saari isagoo indha la' Hadaba midbaa sidan u fasiray: مَنْ: xariifkii أَعْرَضَ: Ga' kasiista عَنْ ذِكْرِي: afaarahayga فَإِنَّ لَهُ: saaxibkaas waxaa u sugnaatay.... مَعِيشَةً : nolal ضَنْكًا: oo marax eh وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ: maalinka qiyaamana waxaanu soo saari... أَعْمَى : Isagoo wakiran nooh (cawiran yacni). lol noh kulahaa. The point is, tafsiirku af reer waqooyi buu ku fiican yahay lol.
-
Haha I like that Zack loool, xagee ka helaa that book? Mida kale, afka uu buugu ku qoran yahay fiiri, soo maaha reer waqooyi? lol thats typical somali, idaacadda, buugaagta, gabayada etc. kuli waa af reer waqooyi, that can only mean the original afsoomaali meelahaas buu ka yimid right. Ma arkaysid dictionary ay ku qorantahay "noh, aboow, koo, waaye" etc. I'm just say'n! Tafsiiradii ugu cajiibsanaa een maqlo, Nin soomali ah(xamar) ayaa yidhi waxaan tafsiiri بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ hadaba sidan buu u tafsiiray: بِسْمِ اللَّهِ : Ilaahay waaye الرَّحْمَنِ: Isagii lee waaye الرَّحِيمِ: laftirkiisii lee waaye lool
-
The Zack;711830 wrote: Miskiin, Walax waa erey sax ah oo Somali ah. Bugaagta Chemistry-ga ee af Somaliga ku qoran ereygaas wuu ka buuxaa sxb. Koonfur baa lagaga hadlaa baan filayaa. say that again? sxb Waxaan ka waday I heard someone saying "walaxoo yar" yacni ayagoo ka wada "in yar" or something like that. Ma isku midbaa marka ka aad sheegaysid? ehm hadaan dhaho waligay ma arag Chemestry book written in somalia, miyaa la ila yaabi.
-
bilan;711827 wrote: adiga gacmo goyn uun maxaad uga soo qaadanaysaa diinta, how many people baa wakhtigii nabiga ilaa iyo taabiciyiintii gacamaha laga gooyey. Al miskinoow adiga Maadeey maxaa isku kiin gakay si isku saan saan eg tihiin??. mida kale before aan laga hadlin diin iyo maxaa la isku xukumaa, so inay xabadu joogsato kama horayso. Assalamu Alaikum ukhti, khayr baan kuu rajayn, waadna ku mahadsantahay ra'yiga aad ka dhiibatay qoraalkayga ukhti I just took that as an example, waayo in salaada la tukado, xajkana la aado, cibaadaatka intooda badan waxa maanta muslimiinta lagu haysto maaha. waa marka ay timaado waxyaalo kale markuu aduunku soo boodi, oo "ala muslimiintu waa bahalo" la odhan. Marka la dhaho Shareecaa lagu kala bixi, oo au timaad xad la oofinayo, waa marka ay USA iyo aduunkoo dhani gilgilmo. Thats why I took that as an example, cuz I said, cibaadaatka masjidka lagu sameeyo aduunka meel laga diido ma jirto. In waagii asxaabta iyo taabiciinta dad badan gacmo laga goyn waa khayr uun, waxayna ku tusaysaa sida arinkan loo buunbuuninayo inaynan ahayn, but that does'nt mean in aynan diinta ka ahayn, Nabigaaba ku dhaartay haday gabadhiisa Fatima wax xado inuu asagu xadka oofin. Marka I hope inaad my point fahantay. Diinta waa la isku xukumi, xabadoo socoto, xabad baa socota darteed diinta la isku xukumo loogama tago. Hadii kale, chaos uun baan waligeed socon. Xabad joojintu xataa shareecaday ka mid tahay, in dadka la mideeyo, la wada heshiiyo etc. laftirkeeda baa shareecada iyo diintu isku xukumideeda ka mid ah. Markaa ma jirto "situation" diintu dhinac la dhigoo la dhaho "bal horta aynu tan ka soo faaruqno". Arinta Maaday, si fiican uma fahmin, Allah bless. Naxar lol, I disagree.
-
Zack oo yaa horta ku hadla "walaxoo" lol, kalamadaas I think waa home made. Kuwo af soomaaligii ilaawi rabaa ku hadlaan baan is idhi. But I was wondering xagee looga hadlaa? Aaliyah lol, dee soo wax laga yaabo maaha waxay soo qoreen zack iyo nuune. Carabkaaba muruq qofka ka gali.
-
Naxar Nugaaleed;711812 wrote: 1. sharif can say whatever he wants but other stake holders within the TFIs wont agree with him, there will be division and a need for yet another reconciliation conference like Somalis have been doing for nearly twenty years of transition. 2. This is just a silly question, why would anyone let alone the UN fund a government whose idea of Islamic government is wax madaxa laga gooyo iyo gacmo laga jaro not to mention there is no such thing as a islamic government outside the heads of lunatics like the shabaab, taliban and osama. 2: There is no such thing called and Islamic goverment? Gacmo in la gooyo is a part of the Islamic sharia mate, I dont know what u have been listening to. This has nothing to do with Shabaab, taliban or whomever. The part about gacmo goyn was an example because it's what the media always focus on, . exaggeration promotes understanding. The Shaira is of course much more than that, its basically following what ever Allah commanded word by word, and build the entire country on what Allah and his messenger has commanded us. I see u have a QUOTE from the quran in u'r signatur, well its the same quran that says to cut off the hand of the thief.
-
Aamin indeed, aamiin. Afkaas Allah amarkii anigu waxba kama fahmo, inyar xataa. Koob shaaha xataa kuma gadan karo, laakiin bal meeshan baan ka baran, marka Oba hilowlow ana igu qor the class.
-
Haha kolay waa sidaan maqlay, marna waxay dhahaan wuxuu yidhi "ama af gaalo aan idiinkugu imaado, ama af muslim", lol afkay ku hadlayeen af gaalo buuba mooday. dad badan maanta wuu edbin lahaa, waliba kuwa ku hadlaya afkuu aduunka ugu necbaa English lol. Raximahullah
-
Popular Contributors