Paragon

Nomads
  • Content Count

    8,464
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Paragon

  1. The airport looks beautiful I say! Well done to the TFG for sub-contracting it to those who can DO the job properly. PS: Not even Heathrow is managed by the British Government, you silly people.
  2. Adeer isbaaro hadaad dhiganayso buundooyinka iyo jidadka waaweyn ee la isu maro ayaa la dhigtaa. Laakiin adiga poetry ayaad dhashiike la taagan tahay; yaaba kugo soo leexanaya? Mindhaa gabanku waa reer bari. Ragga yaqaan waa inaan waraysanaa. Salaam Sayidka.
  3. Rules on expression, intimation and execution of command and authority... ..coming soon.
  4. Lol, now that's something. Hadda ka hor ayaa nin waalan wuxuu arkay niman reer PL oo isku leh 'ari boowe na tuji, maya boowe adiga'. Intuu u yimi ayuu weydiiyay 'war ma qof idin tujiyo ayaad u baahantihiin?' Haa beey yiraahdeen kadib inta jalmadii uu watay in dhigay ayuu yiri, 'istawuu, istawwuu' horay faatixa ka kor u akhriyay. Markaasay 'aamiin' wada yiraahdeen. Ninkii inta nimankii dib ugu soo jeedsaday yiri: dha---yaco ma anaan idin kaga dhawaajin!' Simply took his jalmad and left them standing there in an awkward situation. Markaan sheekadaada akhriyay waxaan ku leeyahay nasiib baad lahayd haddaan isaga hor dhaqaaqin raggaad tujinaysay.
  5. Dadka hayska weyneyn these days Somalilanderska ayaa loo qaadaa, sidaa miyaad ula socotaan horta? Dee south iyo northkuba waa laba habloodoo gacal ahe Nice. No Gacayte, kuluc, hanuuniye or cabdalle sagsaag? Whatever you do though, rag mirqaanka meel fiican u marayso abidkaa ha u shidin 'geelaa markuu daranyahay, laba nin dugtaaye' song for them. Wallee waa goorta uu rag madaxa is la galo. Last time that happen rag beey 'biida' inta ku kacday ninkii jaadwalaha budheeyay. The next morningkii ayaa la iigu yeeray gartii arrrinkaa lagu falaqeeyay joogay xaalna lagu kala qaatay. Marka heesaha qaarkood (qaraamiga) double meaning ayeey leeyihiin ee ogsoonaada. My current favourite song - not necessarilly qaraami- is Ka ilaali weedhaha, yuu cunin waraabaha' in Qofba waayihiisaa by Kuluc and A. Abdullaahi. Oh, and yes, A. Mooge/Magool's Dadnimada aqoonso.
  6. Haddii la yaabo Paragon ha loo yeero. Salbalaarta yeyan idin qabsan, raggoow. Horta raggow, silsiladani waxa aan jeclaystey in ay noqoto goob ragga inta madaxa booseystey ee da'da ah isku nabdaadiyaan, oo ay, wixii wariyo wacaale ah isaga wareystaan. Damacna igama hayo inaan xaajo-odayeed dumari u xambaarshoo, waayo in dhoweydba, ma aanan macaansan gunuunacca, guraabaaska iyo far-fiiqoodan siyaadey. Marka, akhyaareey, illeen in la is wareysto ma xumee, sideey xaajadu idiin la muuqataa? Sideydaa oo kale - dhakafaar ma idinka heley nolol-maalmeedkan xaadirka ah? Maxaase tallood usoo jeedin lahaydeen Somalinimadan aafeysan? Wallee anigu yaabbane ayaan ahay
  7. Gheelle, kuwii hore iyo qaar cusub ayaan soo kicinayaa. Meeshan waa in koronto lagu shidaa. Haddaanan dhegaha faraha la gashan waayin....
  8. Haa, haddaan wax fahmay! Threadka 'shaah iyo wax kale' weeye saldhiga ragga lagu saxariirshay! War threadkaa waa in quful weyn na laga saaro intay goori goor tahay, ragga aan qaar badbaadino e!
  9. Haaheey, sxb. Weliba SOLna nabad inoo ma taal. Furunta in la galo weeye ee warankaagii caanka ahaa soo dhaabo adeer!
  10. Gheelle sxb illeen meesha waa laguu cidleeyay? War SOL waa la xoraynayaa. Taa igu ogoow. AT&T waan soo helaynaa insha-Allaah! Raggu waa inuu kala miirmaa!
  11. Koolkat, Loooooooool. War maad sidaa wax iigu sheegtid! Maba soo noqdeen haddaan sidaas wax u ogahay. Ma anaan is weydiin ragga goormuu sidaa u jabay! Boqoradda, adigu naago ma adaa ah? Dumarka reer mudug naago ma aha! Waa dumar jira. Iyaga yaa i noo soo badiya. Gheelle, loool. War maxaad farii iigu soo diri waydeen aan weerar dabarjabin oo kama dambays ah soo qaade. Aaway sxbkay AT&T horta? Miyaa la gamay oo sol miyaa laga tarxiilay? Tol beelay! Ma anaan garan halkuu weerka iiga soo dhacay. War libaaxa ha la soo cesho oo xaalna ha loogu daro! Ceebweynaa!
  12. gooni godkaan kasoo gurguuratay dib u gal. Sidaasaad ku asturan tahaye. Qulqul, adeer. Reer maakhirna farahaaga sambuusada lagu samaystay ha la soo adin ...waa iga talo!
  13. ^ Rag la jilciyay laga roon wallee. Ma intaan maqnaa baa weerarkii lagu jebiyay dhacay? Meeshan kooxo cusub oonan garanayn ayaa buuxa. Taloow ma ku waa saa waxa lagu jilciyay la yimi! Shoow baakoortiiba naagaha gacanta ku haysta! Belaayo!
  14. Waxaaba iga yaabiyay oo kixda iga dhameeyay in ragga sol soo gala la 'tame' gareeyay oo ay bilcaan isbaaro u dhigatay. Ma hadli kartaan iyo ereygaa ma isticmaali kartaan iyo cajajuglayn ayaa raggii sol lagu haystaa badankood. Aan ka ahayn dhawr raggoo raggeedi ah raggii caawa waa dhufaanan yihiin oo 'yes man' ayaa laga dhigay. Dhuf ku baxa! War naago miyaa mowjadihii idin ka qabsaday? War xiniinyo beelkan iyo baqaha waa maxay raggoow? Meeye geeljire-nimadii iyo adadaygii aabayaashiin iyo awowyaashiin? Men resist this dehumanising domestication! Maxaad ka baqaysaan, ma nin raggaa cay naago u jixinjixa? Car yaa ku dhaca oo heeryadii dumarka saareen tuura? Idin cariyaye car!?
  15. Lol. Reer SL beryahan waabay ka jajabantahay ayeey ila ahay. Karinland is coming from a tuulo near Berbera. Lol
  16. Oo kaalay why is this place so touchy touchy. What happened to SOL since i've been away? Meesha yaa is haysta oo yaa la kala celinayaa? Ma kaftankaygaa la dhabaystay? War illeen inagaa wax aragnay? Illaa xalay waxaaba ii muuqmuuqda nobadoono iyo maslaxa doon aanan ogayn maxkamada soo wakiilatay... lol. Waa maxay xasaasiyada meesha taal ee aan anigu dareemi la'ahay? Waa iga daacad!