Paragon

Nomads
  • Content Count

    8,464
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Paragon

  1. JacaylBaro Lol! Now thats X rated. We have kids browsing the site! And to make this comment to you, I am in the Women section again (I regret this), but many men and even some women don't want the husband to be in for that reason your stated. Some views change with the changes of the view of the process. Miracle on the one hand, repellant on the other.
  2. ^^^ Haye haye! Shukaansi aan gabbasha lahayn miyaad ku bilowdey Raula? See camal sxb, saan ma anfaceeso nooh! Odey Baashi oo ay indhihiisa so cad yihiin ayaad ka fara maroojisey raula! .. Odey Baashii - war ninkan Feebaro iska celi.
  3. Farxan, brother.. thank you... Announcement for Londoners Lecture: AL-QURAN - By Sheikh Salim Al-Amry from the U.A.E. Location: This lecture will be taking place in Hayes and Harlington Mosque and Islamic Centre. (You can get there by buses H98 from hounslow, 140 Heathrow, 90 from Feltham, 607/207 from Ealing/Shefferd Bush/Hammersmith, 195 from Southall/Ealing Hospital area. By Train - you can take one from Paddington, Ealing, Southall - that would bring you to Hayes and Harlington Station.) Time: 4th September 2004 - 6.00 bacda salaatul Casr (5.45) --- Nomads I am sorry about the short notice, but if you can make it try please.
  4. ^^^^ Here is another story that was also claimed to be 'true'. I will let you be the judge! Ragga Somalida ma ku jiraa Sex Mongers?: (4807 total words in this text) (2974 reads) Waa Qisadii iigu Yaabka Badneyd ee Nolosheyda i soo Marta Waa Qiso dhab ah oo igu dhacday seddexdii Todobaad ee la soo dhaaftay (True Story). Asaxaabta wabiteyada waxaan ka codsanyaa ineysan ku soo daabicin maswiradeydii hore ee meelo ka banaaneyeen sida Ragga Diinta qadariya ay iiga codsadeen inaan sawiradaas soo bandhigin anna aan ka balan qaaday. Waxaan kaloo ka cudur daaranaya inaan qalad la iga fahmin, aniga oo cadeynayaa in raga Somaliyeed ee ila soo xariiray 95% ay fiican yahiin, laakiin tani waa qiso dhacday ee maaha wax raga oo dhan wada saameeya Akhristow Qormadani waa ay ka duwan tahay qormooyinkii la iiga bartay ee dhanka siyaasadda iyo Somalida. Tani waa Qiso la yaab leh, anigey I khuseysaa, khaasna ii tahaye, welee dumarka qaarkiis qoor gooyadaan oo kale qabribay u geli lahayaan, anigase quwad eebbe i siiyaan weli la qoslahayaa. Ceynba Ceyn Aduunyoy Cajab iyo Layaab lehe, ma anigey Caawana igu Caarisay. Sow Ragga qaar ma quustaan, qisaas dumar ma daayaan, kheyrkood ma aadaan, mise qurbahaa duleeyoo qoom dhumayba weeyaa, ma anigeyba i quusiyeen oo hadda qool ila beegsadeen, tani waa qoomomo iyo ceeb ee alahayow runtu qaraara. Qisadani waxey na dhex martay Aniga iyo wiil dhalin yaro ah oo 28 sano jir ah sida uu ii sheegay ee ku nool dalka Norway. Qisadu waxey si rasmi ah u bilaabatay bisha June 17keedii, waxeyna i so af jartay 6 bishan July ee sandankan. Waa muddo 3 usbuuc ku dhow. Qisadu waxey u dhacday sida tan. Part 1: Aniga, Dumaashidey iyo Sheekadii Dubai Waxaa jirta gabar aan xidiid nahay ee ah reer hargeisa, oo London gees ka degan laakiin aynan weligeen is arkin, mar aan telephone ku wada hadalay ayada iyo hooyadeeba mooyee, kadibna email ay igu soo xariirisay waqtiyo aan badneyd, laakiin Sanad iyo badh ka hor ah, maadama ay jawaab celintaydu yarayd mashquul aan ahay awgeed, halkaasna uu ku yaraaday xiriirkeenii, balse ay tahay qof wanaagsan oo qiimo badan. Waxaa dhacday anaga oon mudo dheer war kala helin, ayaa waqti dhow magacii aan ku aqaanay emailka gabdhaas oo wax yar laga bedelay dhowr jeer msnka message la iiga soo diray aniga oo mashquul ah. Mar walbana waa la i bariidayaa, waxaana la ii sheega iney joogto Dubai, dalka Emaraadka Carabta, laakiin anigoo jawaabta la daahay ayaa markii mudo yar ka dib aan is iraahdaa gabadha salaanta ka qaad, se qofku qadkaba waa ka baxaa. Arrintaas waxey igu socoto mudo aan ku qiyaaso nusi sanad wax ka badan. Waxaan is iri walaahi gabdhaas waad ku ceebowday, waayo intaas wey ku xiriirneysaa, markastana adiga oon jawaabsiin ayey iska tagtaa, marka danbe waa inaan hore uga jawaabaa. Waxaase ilaahey ii keenay yaab aan isweydiiyo waxa gabdhani ka sameyneysaa dubai intaas waqti dheer, aaway ilmaheedii, aaway hooyadeed ayaa kaligey is weydiiyaa. Yaab ayaa ilaahey ii keenaa, arrintiina waan xiiseyey inaan ogaado sida wax u jiraan, maadaama aan gabdha ku aqaanay qof marwo ha oo qeysleeka iyo hooyadeed dhaqaaleysa, xagga diintana ku fiican. Si kastaba aan isu weynee, Bishan Juune bartamaheedii ayaan msnka mar kale isu helay waana magaca emailkii dumaashidey, degdeg ayaan u bariiday, aniga oo is leh bal ceebtii hore iska meyr, xaaladana u kuur gal. Markaan is bariidinay ka dib ayaan wey diiyey ka dib wax dubai intaas dhigay, anigoo u daba dhigay “walaal meesha ma nin baad ku heysataa, mise arrimo ganacsi ayaad halkaas ka heshayâ€Â, waxaana hore u maqlay naago ayaa yurub iyo mareykanka ka taga oo Emaratka Carabta u nin raadsada. Durbadiiba waxaa la iigu jawaabay haa nin aan aad isu jecelahay ayaan halkaan is la joognaa oo sida uu iigu raaxeeyo aan weligay wixii rag I soo maray aanan weligey asaga oo kale arkin, waxaa durbadiiba la ii galay amaan ninka xagiisa ah. Waxaa hadalada sheekada ka dhex muuqday ineysan is qabin, waayo qofka hadalkiisa waa is burburinyey, waxayna oraneysay waan is arooseynaa iyo Ninkega. Waxaan ku iri maxaad ninkeyga u leedahay ismaba qabtiinee, waxey tiri “alla walaal jeceylkiisa ayaa iga batay oo waa anigaas noqon waayey. Waxa ay ii sheegtay iney ku jirto raaxo aan weligeed soo marin, waana mid aysan rabin iney ku soo noqoto London. Waxaan kala tagnay ayada oo dhaheysa waan degdeg sanahay hadda ayuu ninkii shaqo ka imanayaa, waa sacadii la ii soo geli lahaa. Waxaa ilaahey ii keenay yaab, gabdha waxaan ku ogaa iney wadaad tahay, waxaa ii cuntami weyday, iney nin aan qabin la nooshahy dubai oo ay reerkeedii uga soo tagtay raaxeysi, waxaanse maqli jiray, dubai waa loo tumasho tagaa, waxaan is iri malaha gabadhu waa is bedeshay. Maalintii kale ayey hadana ii soo gashay msnka. Waxa ay ii sheegtay inuu ninku qabo laakiin aan la ogeyn, anna aanan cidna u sheegin. Markaan waxaa la igu bilaabay in la ogaado aniga xaaladey. Waxaa ay i weydiisay raagga aan xiriirka la leeyahy, waxa meesha I dhigay oon raaxada aduunka uga haray, waxaana u sheegtay inaan wada waqtigan wada xiriiro nin dubai jooga laakiin uu u eg yahay nin raadinaya qof uu ku soo galo yurub ama mareykanka, sidaasna aanan u aaminsaneyn laakiin aan jeclaan laha xaaladiisa dhabta ah. Sheeko badan ka dib ayaan ku iri aan ku siiyo telephonekiisa ee bal xaalkiisa iiga soo waran. Waxa ay igu tiri, ninkaan haddii aadan aminsayneyn maxaad waqtiga isaga dhumineysa, miyaad jeceshay, waxaan ku iri maya, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado xaalkiisa runta ah, maadama aan ku jaahwareeray. Waxey tiri tala fiican anigaa kuu haya, ninkaas ka tala bax, waxaa jira wiilka aan is jecelnahay saaxiibkiis oo Barawaani ah oo ninkeyga ay isku facyihiin ayaan ku barayaa, waa wiil fiican oo halkan dubai ka shaqeysta aan qarash iyo passport raadis aheyn, waxaan weydiiyey da'diisa, waxeyna ku jawaabtay waa 28 jir. Waxaan ku iri alla abaayo wiilasha iga yar ma haweysto kuwa igu faca ah ama iga weyn ayaan ka jeclahay. Waxey tiri ilaa da'daadee, waxaan ugu jawaabay ilaa 45 jir aan xaas laheyn. Waxey tiri, alla maya abaayo sidaas ha dhihin, nimanka waaweyn ma fiicna, dhabar baa i xanuunaya iyo jilib baa la iga hayaa ayey kugu dilayaana . Hadda midkaan isla joogno waa 28 jir, kaalay is ka arag sida uu iigu raaxeeyo, abaayo macaan waxaan aheyn ima yiraahdo, hadal aan ka xumaado ama dhegaheyga aan u rooneyn ima yiraahdo. Waxaan weydiiyey inuu xaas kale leeyahay, waxeyna ku jawaabtay haa wuu leeyahay xaas iyo ilmo buu leeyahay Holland u joogta, laakiin aniga ayuu iga jecel yahay oo intaas maalin iyo habeen hoosta iiga jiraa, sida la iigu raaxeeyo weligey ima soo marin. Waxey sii raacisay Abaayo wiilasha yar waxaan aheyn xiriir ha la sameysan, walaahi haddaad raaxadooda barato inaadan nin weyn rabi doonin, maba kaa caajisayaan. Sheeko dheer ka dib maalintaas waxaan ku adkeystay iney war iiga keento bal midkii aan hore isu naqaanay oo ay wacdo, waxaana ku tabacay telephonekiisii. Maalintii ku xigtay, waxey i soo gashay, ayada oo leh, abaayo ka tala bax, ninkaas mar haddii adan jecleyn, oo aadan aminsaneyn, aniga ayaa waxaan kuu hayaa wiil fiican oo runtii aan kuu soo xulay. Waxaan weydiiyey inay marka horta wacday lambarkii telephoneka een siiyey, waxey tiri haa lama qabaneyn. Laakiin abbaayo ninkaan aan kuu soo xulay, ninkeyga ayay is ku reer yihiin, waa nin fiican. Waxaan ku iri abaayo waan ku xishmeeynayaa ee ha barin wiil iga yar. Waxay iigu jawaabtay wax dhib ah kama imanayaan, waa nin passport heysta, oo yurub ku nool, oo aan dal ku gal kaa rabin, waa nin wanaagsan, iska dhaaf ninkan qaarad kale jooga, kuma soo gaari karo, ee midkaas aan soo xulay bal asga la xirrir wuxuu yiri walaahi hadda is fahmno waan guursanayaa, da’na wax ay qiimo ku fadhido ma jirto, waxaan u muujiye calaa cal badan oonan jecleyn da’ da iga yar inaan la hasaawo iyo inuu burbur ka iman karo, mana jecli inaan qof dumaashidey I bartay xumeeyo, waxey tiri abaayo anigaa ka balan qaaday inaan dhib ka imaanin, waa nin degan ee wiilka ha iga xumeynin, haddana laba maalmood ka dib wuxuu ku laabanayaa dalka Norway ee ha iga Xumeyn wiilka waa nin wanaagsane. Haddana asaga ayaan uga baxaya computerka ee si fiican ula sheekeyso. Walaahi kan hadaad hesho aad baad u nasiib badan tahay. Calaa cal badan kedib oon muujiyey iimo badan ayay warkii iigu soo gabagebeysay, waxaas adinku ka wada hadla. Hadana computer asaga ayaan uga kacayaa ee la soco. Waa laga baxay emailkii magaca gabadhu ku qornaa, waxaana wiilkii iga codsaday inaan u ogolaado inaan emaikiisa ku darsado liiska MSNkeyga, waana ka aqbalay, markuu isku key sheegay ka dib, ayuu haaswe iyo arrimo raaxeysi ila galay, asga sheekada ku daraya iney fiicneyn wixii aan ku sheekeysano inuu qof kale ogaado, anna kama waalin ee waa lawaday, goor 8deedii fiidnimo tahay ayuu yiri abaayo waan sii baxayaa, halkaas ayey sheekadii oo meel fiican mareysa aan ku kala tagnay, welise waxaan la yaananahay gabadhii dumaashiday aheyd iyo sida xaal ka noqday. Maalintii labaad ayaa haddana wiilkii ii soo fadhiistay, waxaan ka wada sheekeysanay wixii qof walba soo maray si daacad u muuqata. Hadana goor abaarihii 8dee ama sagaalkii fiidnimo ayuu igu yeri waan ka baxayaa guriga oo magaalada ayaan u dhaadhacayaa, maadama aan rabo inaan berito baxo oo Dubai aan ka tegayo, waxaan ku labaanaya Norway, markii aan tago ayaan kula soo xariiri doonaa. Anna Waan ka Aqbalay. Waxaase iga yaabay 9aal ka fiidnimo marka ay annaga noo tahay oon dubai seddex saac naga sii horeyso, magaalada furin oo uu aadayo. Labadan qof sheekadooda aad baan uga shakisanahay waxaana is weydiiyey what they are after all. Waxaan ku fekerey iney wax maagan yihiin, laakiin waan fahmi waayey waxa ay daba joogaan, anna ma rabin inaan waqti isaga dhumiyo oon ku fekero. Maalintii seddexaad ayaa hadan la igala soo xariiray emailkii gabadha magaceedu ku qornaa, ayada oo war la iga raadinayo, bal inaan wiilka ka helay oon daacad u ahay iyo in kale. Waxeyna I weydiisay sida aan aniga iyo wiilkii isku afgaranay, anna waxaan u sheegay in wax walba wanaag ku socdaan, ee haddii arrinti si fiican ku dhamaato in ilaahey ajar ka siin doono, ayaduna waxey igu tiri waan isku leeneehay. Dhowr kelimo oo xasaasi ah ka dib, sidii caada u ahyed waxa ay ii sheegtay inay deg deg santahay ee ay tahay waqtigii ninkii shaqo uga imaan lahaa, ayna ka baxeyso. Maalintii afaraad ayaa haddana qadkii gabdha magaceedu ku yaalay la igala soo xariiray, waxaana sheekada lagu bilaabay wiilkii ma kula soo xariiray, anna waxaan iri maya labadaan berri wax war ah kama helin. Waxey tiri malaha safarkii iyo daalkii ayaa ka batay ee walaahi wuu kaa helay aad buu kuu amaanayey wuxuu yiri, markaan tagaba hore ayaan kala soo xiriirayaa oo Telephonekeyga ayaan u soo diri doonaa. Cabaar markii aan sheekadii sii wadnay oo ay ii muujisay sida ay ugu kalsoon tahay wiilkaas iyo in jaceylkaasi mira dhali doono, ayey I tiri markuu baxayey wuxuu iga codsaday inaad sawirkaa u dirto ee walaalay u *** , waxaa ku iri maba aqaan ee sideen walaal ugu diraa sawirkeyga wiil iga yar oo nan garaeynin. Waxey ku jawaabtay, annaa aqaana, kaana balan qaaday wax dhib ahi inuusan kaaga iman, ee walaal wuxuu yiri markii aan guriga gaaro waxa ugu horeeya een rabo inaan arko waa dahabo sawirkeeda, waa inaan ka helaa emailkeyga. Waxaan iri waa hagaag, laakiin sidaas ma sameeyo, haddiise ay adiga xagaaga tahay maadaama aan aad kuu xushmeeyo darted ayaan u yeelaya. Waan ka yeelay, waana isku afgaranay inaan wiilkaas si fiican ula sheekeysto oon wanaajin doono, sawirkana degdeg ugu dirayo. Part 2: Aniga, wiilkii la i baray iyo sheekadii Norway Maalintii 5aad ayuu ila soo xariiray wiilkii, waxaana ku iri laba maalmood war kaama helin, wuxuuna iska dhigay nin soo daalay oo safar soo maray, halkii ayuu sheekadii raaxeysiga iiga bilaabay, iyo sidaa uu haddiba ii dareemay, ii jeclaaday, wuxuu ii sheegay inuu sawirkeygii helay, uuna ku farxay, wax aan hadalka sii wadnaba oo sheekadu meel macaan u martaba, waxaan u muuqanay dad iska helay, jaceylna dhex marayo. Markii 8deediii fiidnimo la gaaray ayuu ii sheegay in wiilaal meel uga fog uga yimaadeen, uuna ka baxayo qadka, waana is macasaalaameynay, wuxuuna ii sheegay inuu qadka soo gali karo maalin kasta 12 ka duhurnimo ilaa 8deeda fiidnimo. Maaliintii lixaad iyo maalintii todobaad ayaan hadalkii halkii ka sii wadnay, waxey sheekadii isagu soo biya shubatay inuu rabo inaan is guursano, waxaan u sheegay inuu aad iiga yaryahay, wuxuu ii sheegay si la mid ah sida ay igula hadlan wiilal asaga kaba sii da’da yar oo ayaguna iga soo hajuuma MSNka, wixii ay igula hadli jireen oo kale, ineysan da’du dhib laheyn, casrigaasna laga baxay uuna balan qaadayo inaan cidna na soo kala dhexgelin Karin, waxaa laga wada hadlay sida rasuulku (CSW) uu u guursaday Khadiijo oo ka weyn, iwm. Waxaan isweydaarsanay dhambaalo jeceyl ah iyo ubaxyo kala duwan oo uu wiilku igu bilaabay anna aan uga jawaabay. Wiilku markuu qadka soo galo waxa uu ka hadlaa siduu u jecel yahay raaxeysiga dumark iyo wixii la mid ah, anna marmar ayaan la jiibayaa. Wuxuu hadalkii ku soo gebagebeeyey inuu rabo inuu ii dhigo aroos fiican oo dadku la yaaban lagana maseyro, ayna fiican tahay in Somaliya hotelada ku yaal sida Hotel Shaamow ama Suxufi in lagu dhigo, ayna qarash yar tahay in meherka iyo arooska hal mar la is raaciyo. Sidaas darted uu rabo inuu ku baxo ugu yaraan qarash gaaraya $10, 000 oo Dollar, uuna jecel yahay inaan kala qeyb qaato oo barkeyga bixiyo, waxaan ku iri anigu ma shaqeeyo, lacagta Ceyrtana ma qaato oo ilmo yar yar ma lihi. Wuxuu ku jawaabay ma qof yurub jooga ayaa lacag waaya, ma Somaliya ayaad joogtaa, yurub ayaaba Somaliya wax looga diraa. Muran badan ka dib ayaan waa yahay iri ayada oo aysan uurka iga jirin, wuxuu ku daray sheekadii inuusan passport weyn heysan, oo uu heysto travel document uusanna imaan Karin UK viso la'aan, uuna ka cabsanayo in documentigiisa laga sawirto ama faro laga qaado. Waxaan ku iri gabadhii dumaashiday aheyd ee I kaa bartay waxa ay ii sheegtay inaad passport leedahay, wuxuuna yiri maba aysan arrkin passporkeyga ee sideebey sidaas u tiraahdaa. Anna waxaan iri hadde wey I qiyaantay marka, haddiba ay ii sheegtay wax aysan hubin. Wuxuu yiri waan ku abaal gudayaa haddii aad ii timaadid, waxaan kawada hadli laheyn arrimaha guurkeena maadaama aanan anigu soo bixi Karin oo duruuftaas aan kuu sheegtay ay I heysato, waxaana kugu soo dhoweynayaa hotelka ugu sareeya Oslo, waxaan kaa bixinayaa qarashka tickitka. Anna waxaan u sheegay inaan u tegi Karin nin aan i qabin, oo aan ahay qof aan sidaas ka suurtoobin. Wuxuu yiri anigu qof ma xoogo diintana wax waa iga bilaaban yihiin, haddii laakiin aad iga cabsi qabtid waxaan ku geynayaa meel bulsho ku nooshay, waxaana u sheegay hadduusan taas joojin in wada sheekeysigeenu xirmi doono, maadaama aanan aheyn naagaha u safra nimanka. Si kastaba ha ahaatee wuxuu ogalaaday inuusan ka hadlin inaan u tago, laakiin uu jecelyahay inuu muuqaalkeyga arko mar kasta oo uusan sugi Karin inta aan iska guursaneyno. Wiilkaasi wuxuu ii sheegay inuu maalinta oo dhan gelinkeeda hore jiifo ilaa 2 galabnimo laga gaaro in uu internetka diyaar ku yahay ilaa 8deed fiidnimo oo ay u yimaadiin wiilal saaxibadiisa ah oo ay Naxwe wada bartaan, habeenkiina ay ilaa waqti danbe internetka cashar ka qaataan, uuna jecel yahay inuu barto islaamka, jaamacadna uga soo baxo; laakiin markuu kula sheekeysanayo nin islaam ah sidiisii uma dhaqmo, ee wuxuu jecel yahay inuu ka sheekeeyaa waxa afka qalaad loogu yaqaano SEX, waxuu aad isagu taxalujiyey inuu webcamka ka arko jirkeyga oo dhan ama qaarkayga hore sida naasaha. Waxaan u sheegay in Internetka Police la socdo maadama ay jiraan niman ilmaha yaryar kala xiriira netka, ka dibna dhibaato u geeysta qaas ahaan gabdhaha teenage ka ah, wuxuu yiri taas annaga nama quseyso, waa inaan jacelkeena daacad u noqonaa, waxaan u sheegay in haddii aan camalkaas ku kacno police na xirxirayo. Muran kadib wuu ogolaaday in kastoo uu jecalyahay inuu I arko aniga oo jiifa, iwm. Calaa ayi xaal wiilku wuxuu jecel yahay inuu qadka internetka soo galo labada duhurnimo, kana baxo sideeda ama sagaalka fiidnimo waqtigaas oo ah marka uu ii sheegay iney saaxiibadii ay casharka wada qaadan jireen ay ugu imanayaan gurigiisa ayna ku gaarayaan waqti danbehabeenkii ilaa 1da. Mar aan wax ka weydiiyey waxa u shaqeysan la'a yahay wuxuu ii sheegay inuu shaqda faxax uga joogo, laakiin uu ku noqon doono, waxaanse la yaabay fasaxa sidaas u dheer, mar hadduu 3 bilood Dubai ku maqnaa!!. Waxaa dhacday inaan u sheegay iney igu adagtahay inaan maalmaha shaqada soo galo internet, weekendka xitaa aan marmar mashquul ahay, weliba inaan mashquul noqon doono usbuuca soo socdo, ayna igu adag tahay inaan soo galo maalintii maadama aan aad u mashquulsanahay maalinimada, wuxuu ii sheegay inuusan iga maarmi Karin inuu I sugo usbuuc dhan maqal iyo muuqaal la'aan, wuxuuna iga codsaday inaan subaxa hore isla sheekeysano, uuna darteey hurdada uga soo kici doono 9ka subaxnimo, anna si fudud ayaan uga yeelay, walow aysan aniga suurtagal iga aheyn. Subixii aan balansaneyn ayaan u soo xaadiri waayey internetka, wiilkii markuu I waayey, wuxuu soo diray dhowr email oo ii sheegayo inuu manta oo dhan I sugayey, anna kama jawaabi Karin, ileen maba tegin meel computer yaalo, oo howl ka culus ayaa ii taalay. Fiidkii aan isku dayey inaan ka cadurdaarto wixii dhacay, dhowr text messagena waan u diray aniga oo is leh armay gabadhii dumaashidaa aheyd eed ka balan qaaday inaad wiilka u wanaajineyso aad meel uga dhacday, laakiin kama uusan soo jawaabin. Waxaan u qaatay inuu xanaqaay, maadama aanan ku jecsaneynna waxaan ka saaray liiska MSNkega. Seddex maalmood ka dib ayaa waxaa la igala soo xariiray emailkii uu ku qornaa magaca gabadha dumaashida ii ahayd oon ka baqayey xushmona aan u hayey, walow aanan weli fahmin waxa ay u danleedahay, waxaana ay i weydiisey inaan uga waramo meesha xaal marayo aniga iyo wiilkii ay i bartay, waxaan u sheegay inaynan beryahan war iska helin, waxeyna i wey diisay sida wax u jiraan, waxaan u sheegay sidii wax u dhaceen inaan waqti u waayey inaan la sheekeysto, lagana yaabee inuu taas ka carooday, markaas ayey is xanaajisay, sideebuu kuu xumeyn karaa, waan ku qeylinayaa, waxaan ku iri bal horta asaga weydii ee arrinta ha ka hordhicine. Waxey tiri hadda ayuu leynka ku jiraa sow uma jeedid, waxaan ku iri maya oo liiska iiguma jiro waan ka saaray, waxeyna tiri waan la hadlaya oon canaanayaa. Hadana isla markii ayey ii soo jawaabtay waxay tiri waan ku xanaaqay ee walaalo wuu ooynayaa, oo calaacalkii ayaa ka dhamaaday ee iska dhaaf, Anna waan ka diiday, waxaana u sheegay inaanan dhalinta yar is sheeko aqoonin ee awalba adiga ayaan kugu ixtiraamaye iga dhaaf uma hayo waqti badan; waxey I barisaba waan ka diiday, waxeyna ii sheegtay iney sii baxeyso oo la sugayo sidii caadada u aheyd waa waqtigii ninkeedu iman jiray, ee haddii aan diiday inaan la hadlo wiilkaas ayna I qasbeynin oon dooqa leeyahay. Sidaas ayayna msnkii kaga baxday, aniga oo weydiiyey inay beri soo geliyeyso, haa haaddii ay ii suuro gasho ayey ku xirtay, waana is baqtiyey geedkii. Maalintii ku xigtay ayaa magacii gabdhii haddana la iigu soo galay, waxaa mar kale la I weydiiyey inaan la heshiiyey wiilkii iyo in kale, waxaana u sheegay inuu mowqifkeygu yahay kii hore. Waxey i tir alla walaalo iska dhaaf, walaahi calaacalkii iyo ooyintii ayaa ka dhamataay, siduu awal dubai uga tegay xitaa maalina ima soowicin haddana addiga jaceylkaas uu kuu qabo darteed ayuu seddex jeer I soo wacey, walaal aniga darteey ku dhaaf, walaahi wuxuu leeyahay jeceylkeygii waan isweynay. Waxaan ku iri walaal iga dhaaf, runtii waa igu adagtahay inaan la sheekeysto wiil iga yar. Waxey ku jawaabtay Alla walaal sidaas ha dhihin, alla walaal sow aniga walaashey ma tihid, walaal darteey ku yeel oo heshiiya. Walaal iska cafi wuu calaacalayaa ee haddana qadkuu kuu fadhiyaa, wuxuu leeyahay walaashaa igala hadal, mar ha ila hadasho. Haddana waan sii baxayaa oo waa la I sugayaa ee walaal fadlan la hadal oo ha xumeyn. Anna baariyad ayaan iska ahaye waan ka yeelay. Markiiba qadkii ayaa la bedelay, Aniga iyo wiilkii waan wada hadalay, sheeko kala duwan ka dib aysana ka marneyn sheekadii muuqaalka webcamka, ayaa la gaaray 8deedii fiidnimo oo ah waqtigii ay dhallinta ay wax wada bartaan u iman jirtay waa sida uu ii sheegaye, waxaana ku kala tagnay si deg deg ah. Maalintii xigtay ayaa anigoo ku jira internetka, hadana wiilkii ii soo galay, sheeko ka dib iyo inuu jecel yahay inuu igu arko inaan webcamka soo galo, ka dibna wuxuu iiga sheekeeyey inuu xiriir la laha gabar miskiin ah waqtigii uu dubai joogay, ayna si aad ah u raaxeysteen, waxaan ku iri sow adigii igu yiri waxaan ahay nin diinta ku dheer oo 7 sanno naag ma arkin, wuxuuna sii waday iney gabadhaasi dareen fiicneyd, laakiin ay siyaaba kale u raaxeysteen. Waxaan wey diiyey, inuu la xirriray siduu u soo noqday, wuxuu yiri waxey I siisay emailkeeda laakiin lama xiriirin haddii aad beentay moodo waa kan emailkeedu ee adigu la xiriir, wuxuuna ii soo qoray magaca naciimo oo xisaabta 5ta ah la socoto oo ah hotmail, wuxuuna sheegay ineysan gabdhii I bartay la socon arrintaas oonan weydiin, haddii kale ay asaga soo weydiineyso . Waxaan hadalka sii jiidjiidnaba waxaa la gaaray waqtigii uu ii sheegay inay dhallinyaradu i iman jireen. Aniga intii aan wiilkaas iyo gabadha magaca dumaashidey ah leh wada sheekeysaneynay ee ah seddex todobaad mudo ku dhow, aad baan u shakisanaa. Waxaan kala garan waayey in wiilka iyo gabadhu ii heshiiyeen oo ay yihiin dad lacag raadis ah, oo ay isla af karteen inuu wiilku jecel iyo halaasi ii galo, oo ay u fekereen in la iga sad caleeyn karo, halkaasna ay iiga qaadi karaan qarashkii arooska ku bixi lahaa barkeyga, maadaama uu cadeystay oo uu yiri bar bixi, lana sheego in naago is aroosiyaan oo ay qarashka iska bixiyaan; iyo in wiilku gabadha xiriir la lahaan jiray oo uu ka maqlay dadka ay qaraabada yihiin, halkaasna emailkeeda gabdh kale u isticamaasho. Intii labada magaca la igula xiriirayey waxaan dersay in luqada wax la iigu soo qorayo ay isku mid tahay ama isku dhowdahay, taasna waxey I sii kordhisay shakigii aan qabay, oo ah inuu wiilkani gabadha aad uga dhowaa oo uu ku sheeko bartay. Waxaan kaloo liqi waayey gabadhaas oon ku ogaa iney tahay wadaad oo ka sheekeyneysaa raaxeysi nimaneed iyo iney ilmaheedi dib ugu noqon weydey oo ninka ay dubai kula kulantay dartiis ay ilmaheedu ku ilaawdo, iyo ninka ay leedahay waan la noolahay oo asaguna xaaskiisii ku noqon la’ mudadaas dheer. Waa Sheeko aan marnaba qaadan waayey. Waxaa ilaahey ii keenay amakaag, waxaan waqti u waayey shaqadeyda awgeed si aan arrinta ku baaro, waxaanse iska niyeystay war jiraaba asagaa cakaaro iman doono. Mudo ka dib ayaan is iri maad emailkii ugu horeeye oon ku aqaanay gabadha dumaasheyda ah, bal hal sadar ku qor oo u diro, iney emailadu is leeyihiin iyo in kale. Waxaana ku iri abaayo waxaad ku mahadsantahay wiilka wanaagsan eed I bartay, laakiin waxaad ii sheegtay inuu passport leeyahay, mana laha laakiin wuxuu leeyahay Travel document. Laba maalmood ka dib ayey ii soo jawaabtay dumashidey, waxeyna igu tiri abaayo goormaan wiil ku baray. Markaas ayey sheekadii igu dhamaatay. Waxaan weli la yaabay sida uu wiilkani ku ogaaday inaan is naqaano dumaasheyday, iyo sida uu magaceeda u isticmaalay iyo inuu naag kale adeegsay iyo xitaa sida uu ugu fekeray inaan ayada wax ka maqlidoono. Waa arrin u baahan baaritaan!!! Waxaan u diray email iyo text message wiilkii, waxaana ku iri aboowe hadda waan ku jeclahay oo waxba kama bedeli karto jeceylkeena wax kasta oo dhacay, waxaadse ii sheegtaa gabadha I kaa bartay midda ay tahay. Wuxuu ii cadeeyey inuu asagu magacaas isticmaalo oo markii loo diro email ay asaga ku soo noqoneyso, uuna rabay inuu igu barto. Waxaan ka loo ogaaday emailkii kale ee naciima5 inuu asaguna isticmaalo haddii aan la xiriiri laha asaguna iska dhigi lahaa gabdhii kale ee uu yiri waa la tuntay, wixii uu ii sheegayna uu iigu soo celin lahaa si warku run isugu ekaado, uuna emailada kala duwan ku qaldo dumarka. Waxaa jirta inuu labo kale oo email oo magac rageed ah ubax iiga soo diray, malaha asagoon is ogeyn. Waxaana iigu cajiibka badan sida uu u yaqaano sheeko naageedka, sida uu hadalka kaaga raadinayo, sida uu u jawaabayo, asagoo naag iska dhiga habdhaqankiisaba iyo sida uu u alifayo riwaayadda. Waxaad moodaa kuwa filimada jila. Gebagebo Akhristow inaan sheekadan dhabta ah soo qoro, waxaa igu kaliftay inaan Soomaalida uga digo ninkan iyo kuwa la mid ka ah, aniga oo uga cabsaday gabdhaha yar yar, aana jecleystay inaan gaarsiiyo sida wax loo qaldi karo gaar ahaan waalidiinta, khaas ahaan abayaasha iney la socdaan marka gabdhahoodu internetka ku sheekeysanayaan iyo cidda ay la haasaawayaan, anigu hadda ka hor ma ogeyn inuu paedophile ama Sex offenders/mongers ku jiraan Somalida. Waxaan aad u soo xasuustay sida ninkani isugu dayey inuu safar iigeliyo Norway, haddii aan gabar yar ahay sow igama seed caleeyeen, waxaan ka loo soo xasuustay sida uu iigu adkeeyey inuu jirkeyga ka arko webcamka asaga oo leh ma seexan karo, haddii aad I jeceshay waxaan kaa codsado ii yeel anba waan kuu yeeli lahaaye, waxaa kaloo la yaab ah sida uu u isticmaalo emailo magac gabdheed ah oo uu marka hore dumarka ku dabo, marka danbana uu isaga dhagayo ninkii la baray gabadha, asaga oo marka hore aad isugu amaana marka uu isticmaalaya emailka magac gabdheedka. Waxaa weli la yaab ah igu ninkaas marna naagta iska dhigayey, marna nin magacyo badan isticmaala ahaa, inuu weli isla sax sanyahay oo uu leeleeyahay waxaan been kaaga sheegay magaca gabdha aan isticmaalay oo keliya, dadku been waa isku sheegaan waana ka heshiiyaan ee aan isla xirrirno, oo si naxariis leh ii cafi, ha ila mid noqone. Taas jawaabteeda iyo wixii laga yeeli lahaa akhristayaasha ayaan u deynayaa!! Hore ayaan qormooyin ugu sheegay in qurbaha laga bartay dhaqamo kala duwan, loona isticmaali doona dhexdeena, ayna ka iman doonto cultural shock. Marka waalidiintu waa iney taxadar xoog leh siiyaan ilmahooda, oo laga yaabo isticmaalka internetka (MSNka iyo PALTALK) iney qatardeeda wadato oo ay ku dhici karaan dabinka dadka lagu sheego Paedeophills, sex mongers ama sex offenders. Sheekadu waa dheer tahay oo Buug ayaa laga qori karaa, laakiin waan soo gaabiyey si aysan akhristayaasha qormooyinkeyga jecel u dareemin niyad u heyna la'aan aan sheekadan (boring). Asaxaabta qaar ayaa iswediin doonta, maxaa ku kalifay iney ilaa xaadkaas sheekadu gaarto, laakiin waxaan rabay inaan ka jiba gaaro waxa ay u dan leeyihiin gabadha aan xushmadda weyn u hayey ee wax i bartay iyo wiilka la I baray waxa daba joogaan. Ma lacag raadis baa? Ma dan kale ayey leeyihiin? Waa arrin u baahan in laga dabo tago waxa ay ku dhamaan doonto, waayo anigu dumar saaxibo ah ma lihi, kuwa aan shaqo isugu nimaano mooyee. Wa Bilaahi towfiiq Dahabo Isse DahaboDowlo@aol.com Source: GedoNet
  5. Well, according to the writer, the story is true. This story was published on a website sometime ago and it was brought forward by a well known Somali woman who is a community worker. It is one of those chatroom tales that went horribly wrong. If its true, Illaah ha u danbi dhaafo qoftaas. Illaaheyse waxaan ka baryi inuu naga yeelo kuwa ku cibaara qaato qisadaas, kuna kaaftooma xumaanta chatka, kana magan-galao sharka uu Internetka leeyahay, Aamiin.
  6. I have seen the process taking place, and there is nothing much to it. Not a big deal at all.
  7. "Sidii koboshaa kaliileed, ileyn kurey wesku kaadshaa" Loooooooooooooooool - war muxuu ku howlanaa oo ka kaadshiyey kureygu, waa amakaag e'. Sxb Walaan xusuusneyn tafsiraadda xarafta: Project. War ninyow meeshu ma saas bey u kulleyl badneyd. Wallee anaga raaxeysanney oo kulleyl kurey ka kaadsho ma aanan arag teer-iyo hadeer. Waxaa laakiinse aan kugu la talin lahaa in aadan marna ka tegin Ubbad-da illeen Odey naf la caari baad tahaye ...
  8. JacaylBaro welcome to the alreading well-established Reer-Baro of SOL. Who knows, JBaro sounds fun now
  9. Lol Baashoow ina adeer, Marka aan la i arkayn baan laba xarfood si qarsoodi ah u gantaa, sida gammuun liishaan la'aan ahna halkuu haleelo dan-iyo yeelkeed . Teeda kale, ninyow, walaahi beryahan aniga xaalkeygy waa: afkii baa juuqda gabay, oo weli ka sii darey oo shibta isaga batay! Insha-Allaahu mar baan si habsami ah isaga war-guri doonnaa oo aan hamuunta is-wareysigeenaa dartiis u 'kadalabsan doonaa'. Bal adiga ... kuleylkii kaliisha ee idinku habsaday ma i sasoo tarayna?
  10. Quruxeey maxaad tahay? Qofba mida edboon ee Qalbigiisa saaqduu Qumaneey yiraahdaa Afka ka qaadi waayaa! Inkastoo khilaafka jira Ku qotoma qurxontiyo Tan u qalanta qalanjoo Qurulcayn la oran karo! Quruxeey maxaad tahay? Qirashona waxaa mudan Iney quruxi mool tahay Dhoolkiyo dhafoorkiyo Jalaqsanida qaarkiyo Ka hooseeyso laafyada Ku sugnaatey maankoo Wadna-iyo ku hoyotaa, Laabta inanta qowl sani Quruxeey Maxaad tahay? Aniguse kumaan garan! -Waa sidaay anigu ila tahay! Timaheedan Dhuxusha ah, waa cigaal oo ka faalleynaya qurux-gabareed! FGA (Fiiro Gaar Ah): Waan dhameystiri lahaa heesta balse waqtigaa igu gababsi ah!
  11. ^^^^ Some good pointers there. Thanks for sharing.
  12. Awoowe, waa Illaah Mahadii mar hadaad nabad qabto, waayo waxaan islahaa Odeygii Baashi ahaa, illeen carrigu waa qurbee, talow ma cunsuriyiintii gaallo-cadka ahayd baa sur-gooyey! .. Baashow, Waa Xarago weyn ninka helay xamaaliga e', Eebaan Xamdiyey rag haduu xaadir yahay e' Xujoon maayo nin-cuskaday Eebe Xarigiise Xeydo macawiista ninyow xoolo waa buux e' ... Sxb horta in yar oo duca ah iga guddoon... inkastoo war iyo wacaale haba-yaraatee aanan hayn. Rainbow - Lol@ Bangala = Ban Gaallo sow uma yara dhawaaq eka sxb? Raggu ha sheekeysto Baashoow!
  13. ^^^ Laakin aduunyada waxaa ugu daran nimankan single motheska lagu taagay Bear with us. We're trying our best to figure that out. Maybe Singal Matharku waaba qowmiyad-Qalaad (aliens). --- Now, Gentlemen, being a Somali man should make you proud for the fact that we have Sisters with quality incomparable to other races' women. Among these intelligent and clever sisters - who voiced concerns of the true mind of Somali women - are: Dawoco with the quote: " If you tarnish your culture with all that is bad, it just reflects on you. No matter how imperfect they are, as far as others care you are one of them...We all know that our culture has imperfections, but that doesn't make us worse than others and doesn't give any one of us the right to talk our culture, our upbringing down. For every Somali family unit that doesn't function, there are dozens that do. " Classiquewith the quote: " The Somali man (husband) don't care about his wife's clothes inside the house. She can wear anything she wants and he doesnt ask her to wear nice, beautiful clothes all the time , full make-up, henna and blah blah blah, You don't have to be a babydoll full of colors just to please his crossed-eyez...." .........And last but not least, GlassyEyedGirlwith the quote: "..I don't really put down our Somali brothers for no valid reason. Every nation has its share of iddiots and intellects, kind and cruel so stop dwelling on the short comings and beating the patriotic drum. Now, I'm not gonna come in here and bash nor beam with pride when it comes to Somali men, so let me just say this....INDIVIDUAL RESULT MAY VARY, same goes for women!! you take what you get, if you don't like it, then move the hell on and find yourselves someone better instead of complaining all the time..." Absolutel jewels, are they not?. Precious minds speak precious opinions and I am using the above quotes as evidence of my assertion. What more can I say, rather than just smile and be re-assured? Ah! Allaa Yacizak Ladies..keep up the banner!
  14. ^^^ Haa haa Gambar aan ka wadaa! Damn! let me edit it bal.
  15. Talk of state sovereignty and independency, and surely most of the African states will raise their index fingers to yell 'Count us in'. They will adamantly reiterate time and again that all affairs of their states (except International Trade and few others) are rightly under their able authority. Dictatorships and so-called 'Democracies' alike may be under the illusion that they are what they think they are. Even in this day of 'Globalization', where - we were told that - colonialism is a thing of the past, the old colonial dogs of the west are at it(again). This time, however, what once use to be done in secrecy has, in the last week or so, become open and public to the eyes of the world: the fiddling of the west in African matters, which endangers, predictably, the African continent. Anyone in the United Kingdom who read the broadsheet papers or paid attention to Media reports, would have heard of the foiled coup de tat perpetrated against the government of Equatorial Guinea . The attempted coup -though foiled - was meant to overthrow the Equatorial Guinea's President, Obiang, but in the process of foiling the coup, a network of conspirators were unearthed. It was also determined that the coup was to tap into the newly discovered oils of Equatorial Guinea. A plot all too obvious, or shall entertain another idea by saying: 'it was a regime change that has links with Bush and Blair?!' . Anyway, according to the SUNDAY TIMES, the UK and US intelligent services were well too aware of the coup planned by Simon Mann and ex-President Severo Moto of E. Guinea. Whether they informed President Obiang or even Zimbabwe's Robert Mugabe is another issue which I wouldn't go into now. However, involved in this scandalous failed coup was a man called Mark Thatcher -who is also the son of ex-Prime Minister, Baroness Magret Thatcher. All these involvements don't matter that much to me, because I know these types of operation can be commonly related to the business of toppling old dictators and installing new Dictators of agents originating from the West & South-Africa in pursuit of economic gain. What matters most to us here (at least in Somalia's case) is the mentioning of a man nammed:Greg Wales. This man according to the SUNDAY TIMES, "has intensive business interests in Africa, including mine clearance in Somalia and consultancy work...In a damages claim lodged by Obiang in the High Court, Wales is alleged to be one of the main backers of the plot. Wales denies involvement." Wales may deny involvement in the case of Equatorial Guinea, but, if he has been approached by a charactor such as Simon Mann and 'du Toit'(who is also part planner of the coup now held in Malabo, the Capitol of Equatorial Guinea), I suspect the intentions of Greg Wales' mine clearance in Somalia! The questions i'd like to ask is: Is there anyone in SOL who is aware of mine clearance operations in any part of Somalia? If such an operation is located in any part of Somalia, is Wales' operation a plan to influence Somali Politics in any way? (Mind you du Toit entered Equatorial Guinea while disguising his motives with the setting up of a Fishing Company with O'Biang's cousin). I would also like to hear the views of all Nomads interesting the politics of the African continent.
  16. Alle-ubaahne, Caaqil iyo Warya-Dude, Saaxiibayaal - aad baad u mahadsantihiin. I enjoyed every line you guys wrote. Thanks indeed! Gentlemen, debate or discusion is on-going...
  17. Alle-ubaahne, good points sxb. Myself too, Islam motivates me. Prayers and Dikr. I become recharged everytime I perform a prayer, or perfrom zakr in rememberance of Allaah. I set my priorities according to the initial purpose of my existance. First priority: Worship you Creator. Second seek knowledge - esp. Islam and then others including the university. Things become clear when one recognises Islam as the solution to every and all problems.
  18. Looooool. Rays, that was the best theory I heard so far! Cajiib!
  19. ^^^ I can't seem to identify the song you requested. Hopefully others will. Here's: Billaneey, Maryaneey! Hadaad Mooddey Caashaqu - By Bashiir Cali Xussein Enjoy! Mudda badan ayaan wadey Maweeladda naaftaadoo, Kuu miraayey hadalkoo Si aan kuu maqsuudiyo Meermeerinaayeye Anoo, haa haaa haaa, Moodaayey xaajadu Meel wacan iney mareysa Oo Meher keliya noo haray, Ayaad muran ka taagtood Mac-salaama igu tiri Kaa mana mutteysanin Axdi aad u meel dayan Waxaad [ahaato maya dhihi] Bilaneey, Maryaneeey*2 Marna kaama fillaneyn, Inaad maya illeedayahay Walow maanta aad tiri Isma naqaan! Hadaad moodey caashaqu Maalmaal qudha inuu yahay Micnihiisa maad baran Maweeliyo cayaarbaad Moodeeysaa aduunyadu Si toosa igu ma ahane Macida igu adkeeysan Mahaddadiisa igu badan Mid kalaan la haystaa Marna imaadan odhaninee! Uurkoo, aah haa haa Mariid ahbaa afka - malaa ka yeeshoood- Isku key maceysee Murug aan i hayniyo Mushkilad igu abuurtee Misna muran ka taagtoo Mac salaam iigu tiri Kaa mana mutteysane --- Filanneyn, Bilaneey Marna kaa ma filanneyn Inaad maya illeedahay Walow maanta aad tiri : Isma naqaan! Hadaad moodey caashaqu Maalmaal qudha inuu yahay Micnihiisa maad baran Maweeliyo cayaarbaad Moodeeysaa aduunyadu
  20. ^^^ Wiilyahow xawaaraha yaree, illeen Michael Schumacker ma ihida! Reformer, Sida ragga qaarkii af-tahan u ma ihiye maxaan goobta la yimaadaa, bal anigu amakaagaye?
  21. ^^^ Maandhoow aa? Maxaad miikoowga ii gu soo halgaadi? Oo horta amaad nabar culusoon ka kici waayo i gaarsiisaa? Saasna ma u gacan fududayd Allaah Ya Cizak laakiin, waxaad i soo xasuusisey sidaan u dhami jirey caanaha geella ee aan haanta ama dhiisha uga sara-joogga fuuqsan jirey ! wahwaah iyo waayo waayo. Weligaa kaadi geel iyo caanihiisa mushakatal ma ka sameysatey oo weliba 'rummey amba caddey' dheer dhadhanka mushakalkaa ma isaga reebtay? Weligaase ma ku mirqaantay caano darartooda qaba oo laga 'naas-tuujiyey' hal dhowaan curatay? Reformer iyo Feebaro, soo gudbo oo gambar qaata! Ku soo biira Jaalliyada Odeyaasha Cireystey ee Caruuroobey (JOCC read as "Joke")
  22. Nomads, Robert Mugabe deserves to be nominated to position 3 if not position 1. Trust me, there is alot we don't know about the land reform and the agreements that were tied to it during when Zimbabwe was granted independence. The deal was to have a 'claused' 10 year period stated in the Zimbabwean constitution which land reform wouldn't take place, and white farmers won't be evicted. It was for that reason that Mugabe hasn't embarked on reforms earlier on. The agreement between the colonialists and Mugabe at Lancaster House was that after those 10 years, Britain will provide funds to help Zimbabwe to compensate white farmers when land reform takes place. Outside Lancaster House, the United States headed by Carter and other European countries promised funds also. However, after 5 years of Zimbabwe's independence, Britain said no to providing such funds and the Carter of United States was replaced by Regan. Regan too said no to payments. So, 'fine' said Mugabe, 'if you guys refuse to provide such funds to compensate the white farmers, then we won't tax our poor Zimbabweans but rather carry on with our land reform.' This is when the British government and Zimbabwe went into loggerheads! The case became a highly ochastrated one due to the fact that some of the land grabbed by Mugabe was owned by members of The House of Lords. Among these Lords are the 'Actons and Rifkins' and other British high class families. Now they are running a smear camphaign against Mugabe but he is unrelentingly holding a firm stand. Atleast, it could be argued that the land reform issue is nothing more than the interests of powerful people being threatened and their fight back engulfing Zimbabwe as a country.
  23. ^^^^ lol@Tuunjiga ku daahay! War ninyow, Gabayaaga wuxuu ka qoomameynayaa xaalada uu markaas ku jirey, oo wuxuu inoo tilmaamayaa siduu sharaf u lahaa, una itaaliyo xoog badnaa, geesinimo-iyo qiimo u lahaa markuu da'da yaraa, hasa-ahaate uu maanta beel cidla lah ka taagan yahay! hadase, wuxuu leeyahay, waa la i karaahiyeystey oo 'kuwaan dhalay kuwey dhaleen' ayaaba 'dhimashadeey' si aan mar u dhaafo, 'dooni'. Ee In-bowow, bal poplar iyo nawaaxigeeda ka waran? Baashi: Adigaa mudan saaxiib. Kumee Odey, lagu waayee?
  24. Aamiin. Allaha u naxariisto. Ehelkiisana Samir iyo Iimaan Illaah haka siiyo.