Tuujiye

Nomads
  • Content Count

    3,881
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Tuujiye

  1. Raula waxaan kuu wadaa warqad kasoo fuqday beerka baashe. Aan kuu aqriyo.. Text: Waan ku salaamay salaan aad u wanaagsan salaan taas ay ay ku dheehan tahay isbarashadii cusbayd oo aan habeen dhowayd aan is baranay isbarashadaas oo aysan aniga ii ahayn habeenkii iigu horaysay oo aan ku barto bal ay ii ahayd habeenkii aan ku baray jiritaankayga oo aan adduunkaan baxadda wayn aan kuugu la noolahay adiga. ..........Salaan kadib run ahaantii si aad iyo aad u wanaagsan ayaa wax wayn iila qabatay anigoo markii hore aaminsanaa qoftaas (Raula ah) kaalin muuqata ka soo bixi maysee anigoo aanan garanayni meesha ay iiga timid niyad jabkaas baaxadda wayn . ........Run ahaantii haddii aan ogaan lahaa qof caynkaan oo kale in aad tahay mar hore ayaan iskaa bari lahaa,haddaba dhib ma qabo mar hadii aad i baratay. .........laakiin su'aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay barashaadaan hadda kowsatay ma noqonaysaa mid sii waarta.........?????? .........waxaad tahay axad qaali ah oo aan ka reebi waayey xusuusteyda…waxaad u muuqataa lammaane uur ka soo wada baxay iyo in aad tahay mataan ila seexatay uurka hooyo…wehelkii naftayda ayaad ku qoran tahay xaggayga, waxaad harsataa qalbigayga. Halbowlayaasha dhiiga ayuu xulaa dareenka ka go'i waayey laabtayda, beerka ayaad ku taalaa, boggana boog aan bogsan ayaad ku leedahay…taas oo ku danqata xusuusta kulul ee ku soo dhacda maankayga. Waxaad tahay qof bashar ah oo uu ILLAAHEY abuuray…haddana si weyn ayaan kuu darajeeyaa…waa la igu colaadiyay hadal heynta xaggaaga ah oo ay dhaafi waayeen dibnahan iyo carabkan u bartay ku celcelinta magacaaga quruxda badan Raula ……asagaaba macno weyn oo jaceyl ku fadhiya kaas oo ii diiday in aan iloobo…...Raula…….…Raula….... ........Ilama aha in uu adduunka saaran yahay axad lagu garab dhigo, mana qabo in uu Wanaagaaga igaga bi'i karo sahal waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn ee walaal aanu u hibeyn walaalkii ama aabe wiilkii. ….........qof Qiimaynta iyo qadarinta wax weyn ka garanaya ayaad tahay oo aysan jirin qof laguu lamid dhigo. ma garanayo goor aan ka hirqan doono wanaaga ka buuxa laabtayda…dhadhanka dareenka farxadda leh rabi ha nooga dhigo mid taabo gasha isbarashadeena. ..........Ma caddeyn karo wax xag Ilaahay jira… Ogoow wehelkaygiyow in intii aad Iskuulka aad ka baxday oo aad i moogeyd uu culeys badan ku dhacay naftayda, qalbiga ayaan ku hayaa in aan noolaan karin la'aantaada…is badal baa ku dhacay naftayda, waxaana ugu wacan aragti la'aantaada, marnaba kuma iloobi karo…hilibkaygiyeey sideen kuu moogaan karaa…?!!! .........Haddii dhaqtarka ugu sarreeya adduunka ama sheybaarka ugu fiican la I geeyo oo la qaado dhiigayga iyada oo laga baarayo wanaaga aan kuu hayo, waxaa hubanti ah in dhibic kasta oo dhiigayga laga heli lahaa 100 garoojo oo wanaaga aan kuu hayo ama aan kuu qabo…haddaba wehelkaygiyeey sideen kuu moogaan karaa…?!!! Ma garanaayo waxa aan ku matalo sida aan u jeclahay la joogaaga…qalbigaygiyoow haddii aan baalal lahaan lahaa inta aan soo duulo sida shimbirka boqorka baalaleyda ee Galeyrka ayaan agtaada ku soo dagi lahaa oo aan kuula bilaabi lahaa Macadka SIMAD ee sideen kuu moogaan karaa gacaliso…?!!! ..........Naftaa ku raacday oo iska kaa daba gashay sideen kuu moogaan karaa…?!!! Dareenkii raaxada, dhadhankii nolosha marna kaama ahaan karo wehelkii naftaydaay sideen kuu moogaan karaa…?!!! NOTE: iga raali noqo waan kuugu soo yareeyay ayaan moodaa waayo qofka haddii uu yiraahdo wanaaga aan kuu qabo ayaan kuu soo diraya ila maha in ay sadex bog ama wax lamid ah in uu ku soo koobayo ee RAULAAY abaayo macaan waxaan kaa sugayaa jawaab waafi ah oo anigana iga farxisa.... By: M : H : O Caate Ar wareer badanaa!!!!!!!!!!!!
  2. Glasseyegirl..AKA indho bakeeri..lol... Tnx Abaayo macaan. Waa u jeedaa in aa soo tuuratay labo foorjo oo tacbaan ah oo wili bareela saaran..lol.. Raula kusoo darso kistoo yaaqee naga daa is macneeska..lol.. wareer badanaa!!!
  3. Waraada I think this was already talked about in the past. Go back and look at the old posts. .....Wareer badanaa!!
  4. X-quizit wlc back sis...We missed you wareer badanaa!!!
  5. Aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa......lol... Shoobare anaa kuu aqaan odaygaas..lol.. Atoore caan ah waaye..filinkii cilmi iyo caado ayuu ka atoore ahaa..lol.. Odaygaas waxaa la dhahay islaamaha hal cariish ee u wada dagnaayeen. Mundul I should say..mundulna qolol ma laha..lol..Warkiisa warbac uu ahaa (kaliibaro)..get it baro..lol.. Sareedo hala yaabin saaxiibkee Salafi caafimaad lamagac baxay (Subxanalah) ayuu qabaa ilaaheey sharta haka dhooree.. Salaafi you have misunderstood the girl man. You jump to the knife too soon. relax mr Salafi. Wareer badanaa!!!
  6. Raula maalin hore waxaan qabtay Oday baashe oo gabay gaan tirinaya.. waa gabay jaceel... Gabay by someone I don't know realy... Dahabow =(Feebaro) jacayl baa idilay, oo idaashadaye Cishqigaaga duulaanka ahi, waygu soo dagaye Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine Dawo waxaan lahayn iyo sunbaan, duhur cabaayaaye Anigoon dakano aadmi qabin, ways daldalayaaye Dab haddaadan ii shidin la waa, inaan dawoobaaye Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine Nin dayuurad haysta yaan odhan, diilinta i saare Waxay sii daryaantaba kolkay, dowyo sare gaadho Daruuraha markay gaadho yaan, dam iska soo siine Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine Markab diririglayn iyo intaan, doonyaha raaco Badda weyn markuu ila derdero, yaankasoo degiye Meel aan dabbaal lagu karayn, Dahaboy caynkeeda Iyo daakhil kaan tagahayaa, daacadda Ilaahe Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine Haddaadse raro dun lagu daadiyey, oo daabac laga buuxshay Oo midabku deyldeylan yahay, dadabta gaadhsiiso Diyaar loo sameeyey iyo, dharkii deeqa aragaaga Oo damacu wuu badanyahee, deymo kaa qabato Yaan duunyo kuu siin hayaa, adi dadaalkaaye Danbigaaga oo idilna waa, layga dedayaaye Waan diir xumaan maalintay, diinftu kugu taale Xigaalada dugaalkeed badhbaa, la iska diidaaye Dadkiinaan jeclaan iyo intaad, duray wadaagtaane wareer badana!!
  7. Maahmaaho Xarafka A 1. Aadme la aragyaaba, dhib la arag. 2. Aan wada hadalno waa aan heshiino. 3. Aar qoyey dacawo la mood. 4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar. 5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh. 6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay. 7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki. 8. ****** calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh. 9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa 10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa 11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa. 12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey. 13. Adduun i khatal. 14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id. 15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo. 16. Adhi jiri ma kala abaal waydo. 17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa. 18. Adhi magantii ma barriiyo. 19. Adhi shidho laga daayo. 20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo. 21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa. 22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari. 23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw. 24. Af aamusani marti ma sedo. 25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa. 26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho. 27. Af aanad lahayn lama qabto. 28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo. 29. Af daboolan dahab. 30. Af Daboolan, Dahab waaye. 31. Af hadlaaba aamus. 32. Af jabtay sideedii ma noqoto. 33. Af jooga looma adeego. 34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta. 35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa. 36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa. 37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa 38. Af wax cunay xishoo. 39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur). 40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan. 41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar. 42. Af-ka nool abooto mudac. 43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal. 44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa. 45. Afkii dab yiri ma guban. 46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto. 47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog. 48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro. 49. Alla aamin ma iisho. 50. Alle watow wehel uma baahna. 51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin 52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin. 53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe 54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh. 55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay. 56. Ammaan lama dhu-dhumiyo. 57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay. 58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa. 59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji. 60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha. 61. Aqal libaax lafo lagam waayo. 62. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan. 63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran) 64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh. 65. Aroos lagama raago, lagumana raago. 66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino 67. Arrimo rag waa mudacyo afkood. 68. Arrin aan sidii **** riyaad la feydin, ma fayoobaato. 69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso. 70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday. 71. Arrin xumo abaar ka daran 72. Atoorku intiisuu guun ku yahay. 73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan. 74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun. 75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay 76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay. 77. Ayax teg eedna reeb 78. Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi. ps. bal kudara walaalayaal. wareer badanaa!!!
  8. Baashe sxb hada kahor waa taan ku idhi anaa ku heli doona gabay ka hadlaya dumarka.. waxaan helay gabaygan. Waan jeclaan lahaa in aan ku daro xoogaa yar oo dhinaceyga ka socda laakiin se waxaa si wanaagsan u dhawaajiyey Odaygan. Amaan Dumar Maxamed Nuur Fadal (HJ) 1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso 2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye 3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye 4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise 5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane 6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay 7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay 8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda 9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo 10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso 11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda 12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e 13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda 14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay 15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay 16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho 17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto 18. dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso 19. kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo 20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe 21. dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade 22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye 23. dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye 24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde 25. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere 26. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya 27. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa 28. dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya wareer badanaa!!
  9. Waraa shoobaro waa gabdaro badan tahay ee iska daaf Odayga. Adeerkeey Baashe shaash tuure waxaa ku hartay Hal tiiro oo qaraami ah ee iska daa hakaa ganto tiirada asbax yahoo..Yaahuu baa lagu yiri. Adeer dafaaye, gabarta wee kaa yartahay amee kugu suuxdaa?????AAaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa... wareer badanaa!!!
  10. walaahi Jamal iyo Baashi caadi ma tihiin.. You guys are the best man. I wish them people could understand all this..looooooooooooooooooool... I realy injoy reading what you guys post in this thread... keep it up 4real... wareer badanaa!!
  11. I couldn't say it better Qac'qac..Ilaaheey kheer hakaa siiyo sida aad walaasheen u saxday. Jazakulahu kheyr. Wareer badanaa!!
  12. OOOOOOOOOoooooooookkkkkkkEEEEEEeeyyyyyyyyyyyyyy... I dhageysta yaah!! Specialy Gabdhihiina Yaryar oo afcarabiga iyo dabeecad xumada meel kaste la joogo. Speak for your self because in my oppinion, you guys are too young to understand about culture and the importants of staying with your own kind. I don't know why some brothers in here are feeling sorry for you guys but for me I realy don't give F of what you guys do with your lives when it comes to Dooq. Remember their is no profect culture or profect people in this world. Qa'Qac sxb hala hadlin qof aan ku fahmeyn. PS. remember is only few of you in here that have this mentality of all somali man are bad thing. Do you guys know why y'all think the same? I don't know eather but I think your ages has lot to do with it. I love my somali woman if she is bad or good because she will always be part of me and why because she is my people. Remember to be respected in this world you have to respect your self and your people. Specialy your people in ISlam. So ids grow up because ciyaal baa tihiin. Is jiid jiidkaana joojiya. wareer badanaa!!!
  13. loooooooooool..Nice story wareer badanaa iga tag!!!
  14. LoooooooooooooooooooooooooooooooooooooL....jamaal waan kaa baqay... kala nooc nooc aa natustay yaah..lol.. niyada aa noo dhistay ilaahey hakuu dhisee... wareer badanaa!!!
  15. Jamal I think is my turn in aan gabay waalan soo tuuro.. lol....I will wait laakiin.. Aniga ayaa si fiican uuga jawabi doono su'aashaan.. wareer badanaa!!
  16. Aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa.....J11 naga daah please...walaahi waa ku tuugaa naga daa.. lol
  17. "Waraa jiri doonee wiishka lee hayeero waraa jiri doonee" uguma horeysiid will yadh oo is yidhi khando ayad qabojiin kadha....ina adeer waayo aragniimo iyo xirfado aya ka dhimaan...uu kadi ha isaso dej-dejiin...shekadu af keliya uma bahne. Xarago bootodada in ee jiis tahay ma aragtay. Qarxis kii ahaa anuu igu kufay oo igu turan turooday oo uu wili igu kor jajabay.. Marka hadal badan haan ma buuxsho ee koow dheh ee hadaa naag rag tahay barxada iskeen. feebaro jabis ma la maqlin laakiin online uu ka kordhacaa..lol.. Mutakalim: waraa adi wili daaco qurun maa nagu wadaa. Sunta kaneecada la iskaga buufiyo in aan iskaga kaa buufino waaye. Juxa: ma maqashay "walaalkaa waaye waraabe ha siinin" Maanta maa adigana iga soo hor jeesatay. Aniga iyo shoobaro iyo boolbaro iyo Qacbaro iyo our oldest bro lovebaro..waa kaa ta geenaa... Dawaco: lol.. adi walaasheen yariista oo la dhahay qaxootigii aa lagu soo hilmaamay maa tahay. La aanteen in aa meeshaan ka tageysid waa ogtahay ee iska keen daa nooh. dawaco Aka Aboo-Ibaro..lol.. wareer badanaa!!
  18. lee qurux ani waaye nooh..... waree jacelbaro see dadkale u weydiinee waxaas.. qurux maxee ahaan a haan laheed... Qurux horta xagee i maatay weydii nooh.. Quruxda waxey ka imaadaa inside..Qofku haduu qof fiican yahay oo aad iyo aad u dabeecad fiican yahay, wiligiis wuu kula qurxanayaa.. thats why you see ugly person with a good looking person. the good looking person wuxuu arkaa quruxda qofkaas..lol... Laakiin like juxa says in her signature only and ugly person would say such a thing..lol.. wareer badanaa
  19. <---dalaq kulaha asoo Adminka iska fiirinayo .. Yaaakaleeeeeeeeeeeeee :cool: !!! Jaceylbaro soo taraarax hee..too bad gabar taako kuu dhigto ma joogto meeshaan..."waataraaraxee taako ii dhig waa dhididee dhab iiga sii"..aaaaaaaaaaa hakaa saarto meel khaleel aa soo gashay.. wlc to baro family I'm the youngest of the family waxaana i dhashay islaan fay gaabee. Shoobaro waxaa dhashay islaantii la dhihi jiray baliilo. Boolbaro naagta dhashay ilaa iyo hada waa la'yahay. dadka waxee dhahaan boolbaro asoo yar uu duqda war biyo ku haqbiyo..xasadsanaa ma khubo nool buu cunay. Qacbaro waxaa dhashay islaan ahlu qeyr ah oo la dhihi jiray juz tabarak. Islaanta mar kaste ee hadasho waxaa afkeeda ka maqlee "biyadihil mulku" maasha allah. Ilaaheey ajar iyo xasanad haka siiyo. Waxaa kuu soo haray adi islaanta ku dhashay. Mataqanid soo aan kuu sheegno. Islaanta marka ee ku dhashay hadal ee maqashay waxeena dhahday "hee aboo anigaa" ilaa hada saas ee ku maqan tahay odayga ee kugu ilowday..iyadana waxaa la dhihi jiray cibaado caadiyoos waxeena ku magac dheereed "aboo aniga miyaa"... marka walaalkee sorry for the sad story and soo dhawoow calooshana dhuujiye... now... Sue...bax somali soobaro..."soobaro"..baro meel kaste ee iska galee ma is dhahdeen... OG-Girl: what happen to your somali school..you still didn't learn somali? Xarago xanuun maleh..Yarta fiiri yaah baro aa buuryo ku sheegee..khandho hadee ku heyso barxada iskeen nooh..maxaa waye jiiradiin dheer aa naga soo galeysid. Dawaco: baranbaro sidee u tarmataa? 4real? wareer badanaa!!!!!
  20. Tuujiye

    Sorry

    ilaahoo Hot cake hanaga dhigin.....yuu shoobaro cunaa waqtigaan asoo dhareer ka darerayo... Munaa wlc Nomad pics ma jiraan mar danbe because hadi ee jiri la haayeen meeshan mar hore ayaa la isku bood boodi lahaa.. waana lakala shiixi lahaa..anina edeb aan yeelan lahaa.. Admin nah in uu baby nimo ma sheegan laheyn. marka wlc to SOL sis i don't think you need to see anyone in order to have fun... wareer badanaa!!!
  21. Wareer Badanaa!! wareer badanaa!!
  22. lol Jamal...... waraa reformer gabar waaye... wareer badanaa!!
  23. flowers waxa ay xiriir toos ah la leeyahay xididada gala wadnaha iyo kuwa dhiigga qaada, isla markaana waxay ay wada shaqayn aan toos ahayn la leeyihiin kuwa qaada dareenka guud. dhiibista uu nin u dhiibo ama ay gabari u dhiibto nin FLOWERS waxa ay isla markiiba ka shaqaysiisaa xididada qaada dareenka caashaqa iyagoo fariin u diraya halbolayaasha jacaylka kaas oo isna dhaqaajinaya maskaxda qaybta u qaabilsan xiriirka lammaanaha waxaana isla markiiba abuurmaya waxoogaa dareen caashaq oo laakiin bilow uun ah laguna dhamaystiri karo inta ka hartay hadba dareenka iyo sida uu noqdo qofkan aad xagiisa u jarjeersatay. Imisaa jacayl iyo xubbi ka abuurmay bilow ahaa in flowers la isu dhiibo ??? oo ilaa hadda socda.......... imisaase caaashaq ku burburay flowers uu qof xaq u lahaa oo qof kele loo gudbiyay ??? loooooooooooooooooooooooooooool waraa caadi ma tihid adi.... wlc saxiib rageedi.... wareer badanaa...
  24. loool A.S......war cad waaye... aniga xaaskega hadey dhahdo somaliya igu celi waxaan dhihi lahaa orod waa kaa soo daba baxaa.. .. wareer badanaa...
  25. abaayo fiyoore naga daa..waxaa noo soo dirtaa buume ama alfalaax...ama iskaarso or fatashaari...kaaki,jambal,caday,tusbax,sakiin (topaz),luujito,qalin biire,qalin rasaas,kooyo feero,shaati baati,surweel ku dhamatay (biigo),...inta kale shoobaro aa kuu sheegayaan iyo boolbaro.... wareer badanaa!!!