21 OCTOBER OO 18 SANO IYO 8 BILOOD KADIB LAGA XUSAY MAGAALADDA NAIROBI
Hoteelka Barakat oo ku yaal Xaafadda Eastleigh, Nairobi Kenya ayaa waxaa lagu qabtay Xaflad si fiican loosoo agaasimay, waxaana ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Dowladda ku Meel gaarka, Professor Maxamed Cumar Dhalxa, xildhibaano, siyaasiyeen, culuma’udiin, odayaal, haween iyo dhalin kala duwan oo kala socda Ururadda Bulshadda. Xafladda oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wariyaha ruug cadaaga ah ee Xasan Cali Kuuriya, oo aad ugu dheeraaday howl-qabadkii Kacaanka iyo sababihii dhaliyey.
Ugu dambayn wuxuu ku soo dhawaayey Microphone-ka Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dowladda ku meelgaarka ah, oo si heer sare ah uga hadlay arrimihii Dowladdii Kacaanka iyo wixii ay Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed u qabatay. Waxaa xusid mudan in Prof. Dalxa uu tibaaxay ardaynimaddiisii iyo waxbarashaddii uu soo qaatay, taas oo uu caddeeyey inuusan ku helin qabiil iyo laaluush toona. “Anigu waan ka tagi karaa xilka aan manta hayo laakiin Professor-nimada igama harayso, waana tii aan ku bartay waqtigii Kacaanka lacag la’aan, qabyaalad la’aan iyo laaluush la’aan” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray inuu ka baxay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kadibna uu Dalka Suudaan ku soo diyaariyey Professor-nimo. Wuxuu xusay inuu Macalin ka noqday Jaamacaddii uu ka baxay, taas oo uu tilmaamay in maanta ay ka baxeen geed hindi, ayna galaan dhurwaayo dadka iyo Xoolaha cuna.
Prof. Dalxa ayaa yiri, Haddii maanta uu noolaan lahaa Hogaamiyihii Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre , dad badan ayaa oran lahaa “ Waa laguu gafoo waa lagaa gardaraa, gadaashaana kabahirigtaan ayaan taaganahay, waxaana ka hayaa ayuu yiri “ Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed inuu yiri “ Haddii aan ogaan lahaa sidan, Walaahi inaanan xabad ku rideen Kacaankii”. Prof. Dalxa ayaa sheegay inuu soo maray Kacaanka ka dib “ Car waxaaga sheego”.
Waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye (Indha Buur) oo sheegay inuu ka mid ahaa ardaddii uu kacaanku waxbaray, ugu dambaynna wax ku soo bartay Dalka Kuuriya. Xildhibaanka oo Wariyaha Universal TV uu waydiiyey su’aal ahayd sababta dadku uga hor yimaadeen Kacaankii , ayaa sheegay inay sabab u ahayd afar arrimood.
1.- Waxay ahayd dabayl socotay, waayo ayuu yiri Hantiwadaagii ayaa sii burburayey, isagoo tusaale u soo qaatay Dalka Midowgii Soviet oo burburay, iyo waliba dalalkii dariska Somalia la ahaa oo iyaguna burburay sida Ethiopia.
2.-Dagaalkii 1977-78’dii oo sababay kala daashadda Ciidamaddii dalka iyo waliba dhaqaalihii oo daciifay sabab badan awgood.
3.-Waqtigii kacaanka oo dheeraaday, taas oo keentay in dadku ay ka horyimaadaan.
4.-Dalalka ku hareeraysan Somalia oo u arkayey cadowga ugu wayn Somalia, sidaa darteedna doonayey inay noqoto sida ay maanta tahay.
Waxaa isna ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Faray) oo ka codsaday dhalinyaraddii soo qabanqaabisay xafladdaan inay qabtaan xafladdo kale, oo sida midaan oo kale ah, maadaama aan lagu martiqaadin qabiil gaar ah ee lagu martiqaaday dad badan oo Soomaaliyeed. Wuxuuna ku guubaabiyey in dhalinyaradda oo intooda badan uu u xiraa TIE ay ku yihiin qaxooti Dalka Kenya, sidaa darteedna uu dalkooddii u baahan yahay, ayna ku soo laabtaan, kana qayb qaataan dib u dhiskiisa.
Ugu dambayntii waxaa isaguna dhinaca fanka ka joogay oo halkaa ka jeediyey warbixino wax ku ool ah Cabdi Cali Bacalwaan oo ka mid ahaa Kooxdii Horseed ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadibna ku biiray hooyaddi fanka Hobollada Waabari, waxaase xusid mudan erayadaan oo ku aadanaa dhalinta dibadaha u dhooftay, wuxuuna yiri “Ninkii reer u dhoofee dhegta soo dalooshay , muxuu keeni doonaa”. Xafladdaan ayaa ku dhamaatay si wanaagsan oo ay ka muuqatay qiiro waddanimo.
Shariif Basbaas-GEDO-NN-Kambala