xiinfaniin

Nomads
  • Content Count

    14,528
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by xiinfaniin

  1. Ahmed Madoobe's Speech KISMAAYO: Shiikh Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirkii maanta ka furmay Magaalada Kismaayo. February 28, 2013 1:37 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar Kismaayo: (pp)- Gudoomiyaha KMG ee Maamulka Jubbaaland Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka warbixiyey shirkii maanta ka furmay Magaalada Kimaayo ee Maamulka Jubbaland wuxuuna sheegay in shirkani u furmay si habsimi leh loogana hadlay wax yaabo kala duwan oo la xiriira shirka iyo Ajandayaashiisa, Gudoomiyaha ayaa sheegay maadama ay maanta ahayd furitaankii shirka inaysan jirin wax ajandayaaal ah oo laga dooday hase ahaate halkaas laga jeediyey khudbado kala duwan oo ku saabsan sida uu u socon doono shirka Maamul u samaynta Jubbaland oo ay kasoo qayb galeen boqolaal erago kala matalaysay Gobalada Maamulka loo dhisaayo, Waxaana laga hadlay ajandayaasha laga doodi doono mudada uu shirkani socdo. Axmed Madoobe ayaa sheegay inaysan maanta imaan qaar kamid ah ergadii gobalka Gedo wuxuuse sheegay in la sugaayo wakhtiyada soosocda ayna kusoo wajahan yihiin Magaalada Kismaayo si ay qayb uga noqdaan Shirka Maamulka loogu dhisaayo Gobalada Jubbaland , sidoo kale Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay inaysan madasha furtitaanka shirka kasoo xaadirin Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya isagoo Dawlada ugu baaqay inay kasoo qayb gasho shirka Maamulkan lagu unkaayo isla markaana ay noqoto hogaanka Shirka wuxuuna balan qaaday inay Dawlada ku tixgelin doonaan hogaaminta shirka hadii ay raali ka noqoto Maamul u samayn Gobalada Jubbaland. Shiikh Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay inaysan jirin Beel ama cid kasoo jeeda Gobalada Maamulka loo samaynaayo oo diidan shirkan wuxuuna sheegay inay ku dhan yihiin dhamaan Beelihii degaanka ayna si isku mid ah uga qayb galayaan Shirkan isagoo dadweynaha reer Jubbaland iyo Guud ahaan umadda Soomaaliyeed ka codsaday inay door muhiim ah ka qaataan shirka Maamulka looga dhisaayo Gobaladan isla markaana ay taageero isla garab taagaan. Gudoomiyaha KMG ee Gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay in dhaqaalaha ;lagu socodsiinaayo shirka ay iska soo ururiyeen dadka kasoo jeeda degaanka Maamulka loo dhisaayo sida Ganacsatada iyo Qurba-joogta wuxuuna cid walba oo dan kaleh Maamul loo dhiso gobalada Jubbooyinka ugu baaqay inay taageero isla garab taagaan Shirkan. Shirkan maanta ka furmay Magaalada Kismaayo oo ah mid xasaasi ayna dhegta u dhigaayeen inta badan umadda Soomaaliyeed ayaa u muuqda inuu ku bilowday jawi aad qurux badan waxayna tani waji-gabax ku tahay Shaqsiyaad iyo Nidaamyo siyaabo kala duwan u diidanaa Shirkan filaayeyna inaysan suuroobayn inuu shirkani ka furmi Magaalada Kismaayo waxaase shirkan waji farxad leh kusoo dhaweeyey dadweynaha reer Jubbaland iyo inbadan oo kamid ah umadda Soomaaliyeed ee jecel wanaaga guud ahaan umadda Soomaaliyeed siiba inay gobaladaasi helaan Maamul ka badbaadiya dhiig dambe oo ku daata. Puntlandpost.com
  2. Waxaa maanta saacaddu markey ahayd 11:00 barqanimo ka fumey Xarunta Jamacadda magaalada Kismaayo shirweynihii kowaad ee maamul u samaynta Jubbooyinka. Boqolaal ergo ah ayaa shirka furitaankiisa fadhiyey kuwaas oo ka kala yimid Gobolada Jubooyinka & Gedo. Waxa madasha shirka ku sugnaa Salaadiin, cuqaal, nabadoono, ganacsato culimada diinta, aqoonyahano, qurbo joog, haweenka iyo marti sharaf kale oo badan. Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka Maxalin Maxamed Ibraahim oo wacdiga iyo Quraanka kadib halkaas ka hadley ayaa sheegay in Shirkii Jubbooyinka maamulka loogu samayayey oo muddo qaban-qaabadisu socotey uu si rasmi ah u fumrey maanta oo taariikhdu tahay 28 Feberaayo2013. Macalin Maxamed ayaa sheegay in shirka ay ka qayb-qaadanayaan ergooyin kor u dhaafaya 800 ergey, maantana la sugaayo ergo ka imaaneysa Dowladdas federaalka Soomaaliya iyo Gobolka Gedo meelo kamid ah. Shirka ayaa maanta u badnaa khudbado ay halkaas ka so jeediyeen qaban-qaabiyaasha iyo masuliyiin kale, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas ka hadley Shiikh Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo ku dheeradey muhimaddu shirku lee yahay iyo sida ay uga go’antahay in bulshada wada degta goboladaas oo dhan ay qayb uga noqon lahaayeen maamulka la doonayo in la dhiso, waxa uu aad uga hadley dicaayadaha la fidinaayey, “haddii aan niri shir hala isugu yimaado dhamaan dadka ay khuseyso isla markaana maamul aan u dhanahay aan dhisano maxay tahay waxa arintaas loo ceebeeyaa ayuu yiri isaga meesha ka saaraya in shirkaan dad gaar ah keliya leeyihiin. Dhegayso waraysi uu BBC siiyey Axmed Madoobe Play Shirka Maamul u samaynta Jubbooyinka ayaan la ogeyn inta uu socondoono, waxaana loo badinayaa in uu qaato muddo aan ka yarayn 30 maalmood, waxaana la sheegay in ay ku bixi doonto lacag gaareysa $2milyan oo dollarka maraykanka ah taas oo ay bixinayaan ganacsadada Jubooyinka. Dowlada Federaalka ayaa dhankeeda dhaliilsan habka loo waday maamul u sameynta gobalada Jubooyinka, waxaana labo maalmood kahor magaalada Kismaayo gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudah iyo Amniga ee Soomaaliya. Wafdigaasi oo la kulmay maamulka Kismaayo ayaan faah faahin ka bixin kulankii ay la yeesheen dhinaca Kismaayo, inkastoo ay uu Wasiirka Arrimaha Gudaha si guud u sheegay inay kala hadleen arrimaha siyaasada iyo Amniga. Dowlada Federaalka ayaa dhankeeda ku baaqday kulamo ka dhacaya magaalada Muqdisho oo looga hadli doono arrimaha gobalada Jubooyinka, arrintan oo aan laga soo dhaweyn gobalada Jubooyinka. Horseed Media 2013
  3. Somalia: Jubaland state formation conference underway in Kismayo 28 Feb 28, 2013 - 2:13:06 AM KISMAYO, Somalia Feb 28 2013 (Garowe Online) – The Jubaland state conference is under way in Kismayo on Thursday, officials and dignitaries from all three regions and abroad are in attendance, Garowe Online reports. The Jubaland state conference which was postponed to allow Somali Federal Government (S.F.G.) officials to attend has begun and is underway in the port city of Kismayo. On Wednesday, Sheikh Mohamud Dauud Odweyne Spokesman for Ahlu SunnahWal Jama in Gedo and the Jubbas and a member of the technical committee for the Jubaland state process, stated to Somali media that officials from Gedo and the Jubbas were attending the conference. "Residents in the regions have welcomed the conference very much, and delegates from all over are arriving in Kismayo to attend the Jubaland conference," said Sheikh Odweyne. Sheikh Odweyne had been attending meetings in Garbaharey over the past week where there were politicians from that region who were opposed to the community led Jubaland conference and wanted the S.F.G. to play a more direct role in the Jubaland state formation. "We had meetings in Garbaharey and were successful in getting the politicians who were against the [Jubbaland] state formation process to understand and realize the importance of the community led process, and the finally agreed to take part," said Sheikh Odweyne who spoke to Somali media on Wednesday. The spokesman also said that he welcomes any official or politician who is concerned about the Jubaland process to attend the conference. S.F.G. Minister of Interior Abdikarim Hassan Guled after returning from leading a delegation to visit Kismayo on Monday, tweeted that, "All parts must be aware of that no clan or an armed group can have the decision of creating admin to a great town like Kismayo". The SFG ministerial delegation that visited Kismayo on Monday, requested that the state formation conference be held in Mogadishu which was rejected by interim authorities in Kismayo and Jubaland state organizers. The community led Jubaland state formation process has been underway for the past few years and has come under pressure by Somali government officials in Mogadishu, who have opposed the state formation process, despite the legitimacy of state-building under the country's Federal Constitution. GAROWE ONLINE
  4. Maalinka 1-aad ee shirka Kismayo oo soo dhamatey 28 Feb 28, 2013 - 6:05:34 AM GAROWE ONLINE Waxaa si hufan u soo dhamaaday Duhurnimadii maanta 28 February,2013 maalinkii 1-aad shirwaynaha looga tashanayay dhismaha mamul ka hano qaada Gobalada Jubbooyinka & Gedo.kasoo furitaankiisa ay kasoo qayb galeen ergo gaarayasa 400-oo qof oo siyaasiyiin.cuqaal.aqoonyahano iskugu jira. Inkastoo shirkaasi uu socday mudo 4-saac oo xidhiidh ah,hadana waxaa khudbado kala duwan kasoo jeediyay Wakiilo matalayay ergooyin ka socday Gobolada Jubadda hoose-dhexe iyo Gedo.waxayna tilmaameen inay ku faraxsan yihiin qaabka shirka loo soo agaasimay,raalina ka yihiin in mamulka Jubbaland la unko oo gobaladaani ka taliya. Sidoo kale masuuliyiin mamulka KMG-ah ee kismaayo gacanta ku haysa ayaa hadalo dardaaran iyo baraarujin soo jeediyay,waxayna tilmaameen inay lama huraan tahay dhismaha mamulka iyo taageeridiisa,waxana sidoo kale hadalo soo dhawayn ah soo jeediyay siyaasiyiin si qoto dheer uga soo shaqeeyay mamulkaan. Cabdinaasir Jeer oo ka mid ah siyaasiyiinta Kismaayo kana mid ahaa ergadii shirka ka qayb galay ayaa Radio Garowe mar dhowayd u xaqiijyay shirku inuu kusoo dhamaaday is afgarad,balse uu ku koobnaa furitaan iyo isbarasho.wuxuna sheegay maalmaha soo socda in si balaaran loo guda gali doonan dhismaha mamulka iyo soo xulista dadka ka mid noqonaya. Dhinaca kale Jeer waxa uu sheegay sida uu qorshuhu yahay maalinta barito ah ,waxana magalada Kismaayo iaanaya wafdi ka socda urur-gobaleedka IGAD oo qayb wayn ka qaatay howsha socota. DF Somaliaayuu ugu baaqay inay wali u furan tahay kasoo qayb galayka shirka,iyo waliba taageeristiisa.
  5. USC is part of civil war expereince we have had in the South, it is what drives the Jubbaland initiative. Ignore that fact, and you will be doomed. That does not mean Somalia cannot overcome the civil war tragedies. But it does not help when current president supports policies with clear clannish undertones; emphasing Kismayo diversity while ignoring Mogadishu status and like. Hebel waa qabiilist is not going to cut it waryee ee is aruuri
  6. As expected Gedo has spoken in support of Jubbaland state. There has never been a doubt about the criticality of Gedo participation. Thanks Gabal for the update.
  7. Interesting that the PM is attempting to save the day for president's failed policy regarding Kismayo. He efforts are admirable though bit late, and confusing. 'We will not oppose the outcome of Jubbooyinka' is the take away of his interview.
  8. Yes, Abwaan beat me to shape in accepting the said reality. Wakaa caqliga USC
  9. Partial easing of the embargo is not bad, waa sida keliya oo lagu tijaabin karo qolodaan Xasan madaxda u yahay.
  10. Gheelle, Abwaan u tur intaad u turi karto . Sheekadan USC ee Inta Xamar xalaalaysatay oo shabeelada hoose ku darsatay hadda noogu sheekaysa Kismayo waa very diverse xattaa Oodweynaa ka diiday
  11. Abwaan;922372 wrote: As much as I disagree with your hatred towards the current government and creating more clan-federal admins, I would be more than happy for us two to collect our water cans and dates and then capture Maaddeey, cause his policies are no good for any Somali:D As for the accused, if the conclussion is that they had to do with the killing of the Sheikh and this has been proofed then they should face the consequence. Abwaan, bravo! As for my 'hatred' toward the government, well what you call hatred is a rational position that says , if the government deviates from agreed principles of federalism and appears to be spearheading a transparent clannish agenda, I oppose it. That is not hatred. It is opposition to specific policies that run counter to what we all want for Somalia.
  12. Maaddeey, adeer daliil waxba kama taqaanid, as I said, waa lagu dilaa. Waa sida keliya ood wax ku fahmi karto. Sheekadii ximaarka waaye
  13. Maaddeey adigu is ilaali , intaad Godane u baqayso In la dilo quraankay ku taal. Ma la bedelaa quraanka hadda, mise sheekadii Ibraahim Afghani baad weli u qabtaa inay shaqaynayso Dukkaa ya Jibaali waa dhammaatay awoowe ee is gaabi
  14. Abwaan as ever waa fashilanyahay wallee Oodweyne is schooling you on what it takes to save face ee ninka Xasan ah is daba qabo dheh, haddii kale sidii Cabdulqaasim baa dhacaysa
  15. qoloda xamar ka qaylinaysa may Kismayo aadaan hadday run sheegayaan? Mise Sheekh Hassan Sheekh Mohamud baa abaabulay
  16. This has been expected ...it has been delayed many times. Zack, these are the people who killed Dr. Ahmed Haaji Abdirahman many months ago.
  17. Point out the holes awoowe... I am not even sure if you read the article, North. The gist of Faysal's objection to lifting arms embargo is the timing of it. I totally agree with it. Particularly , in light of Kismayo political disagreement. How could you arm an entity that lacks trust and legitimacy( they have lost it big time) of major political stake holders in the country?
  18. ^^Yes Oodweyne, it is really baffling why Hassan is drawing a line in the sand for an issue that is so sensitive and emotional for many folks. Why would he choose Kismayo of all places to make a political statement with respect to federalism. what a novice !
  19. For those inquiring what 'gloves off' meant, this is t The conference will go on without Hassan
  20. Hanging my hats, eh? I thinking the noise coming from certain corners is having effect on you, North. All xiinfaniin did is a post article , and that as usual rattled some folks. Reread the article and see if you can take stab at it awoowe.
  21. KISMAAYO: Tafaasiil ka soo baxaysa hub ka dhigistii lagu sameeyay raggii gaddoodsanaa ee Kismaayo (Warbixin) February 27, 2013 10:01 am GMT - Written by PP - Edited by PP Kismaayo: (pp)- Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaabkii ciidamada AMISOM ay hubka uga dhigeen raggii gadoodsanaa ee dhowr maalmood ka hor ciimada amaanka magaalada kula dagaalamay agagaarka saldhigga booliska degmada Kismaayo. Sidee raggii gadoodsanaa loo qabtay??? Goob joogayaa ayaa Puntlandpost u sheegay ay abbaarihii 10:20 ay ciidamo aad u hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka ee qafilan oo faro badan ay baro jidgooyin ah ka sameeysteen zone ku teedsan guryo ay beryahanba ku jireen raggaasi gadoodsan. Ciidamadan oo aad u foojigan una diyaarsan dagaal ayaa goobta ku soo daatay. Waxay u muuqdeen kuwo taxadaray oo qoryahana keeba ku haya korna u taagaya iyagoo ka feejigan raggaasi ineey kor rasaas ka soo ridaan.Ciidamadan ayaa xoog soo galaya guriga iyadoo markaasi ay markaasi geed weyn oo guriga ku dhexyaal ay ku hoos shirayeen odayaal iyo siyaasiyiin ay iskuheyb yihiin raggan gadoodsan. Shirkaasi oo lagaga arrinsanayay diidmo ay diideen raggaane dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu qancinayay ayaa halkasi ku istaagay. Wararku waxay sheegayaan in raggaasi hubeysnaa ayan dagaalamin, nin walibana uu qorigii ku tiiriyay halkii uu taagnaa. Ciidamada ayaa dalbaday ineey soo dhaadhacaan oo ay hoos isugu yimaadaan iyagoo hubka ay heysteen halka ay taagnaayeen uga imanaya islama markaasina ay gacmahoodu kor u taagan yihiin. Raggaasi ayaa u dheganuglaadaay awaamiirtaas oo si halhaleel ah u soo dhaadhacay uguna soo ururay hal goob ah. Intaa dabadeed ayaa ciidamada Kenaya si taxader leh u fuuleen dhismayaashii una soo gurteen qoryo nooca AK45, RPG 7-no bardaloolo, booshash, banbaanooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas. Ciidamada ayaa raggaasi oo labadible u xiran ku daabulay gaaddiidkii ay wateen. Mar kaliya ayaa la maqlay rasaas aan badnayn oo dhowr xabboo oo baas ahaan uga dhacday xerarada illinkeeda hore. Illaa haddan lama oga waxay ahayd iyo cidda lagu riday. Hadda oo ciidamada Kenya iyo ciidamo kale oo iyaga la shaqeey oo lagu magacaabo Kamanga 1 iyo Kamanga 2 oo ah ciidamadii lagu soo tababaray Kenya iyo Uganadha ayaa si nabad ah u dhex yaacay dhismayaashaas.i Waxaa loo badinayaa in dhismayaashaas lagu wareejiyo ciidamada Soomaalida ah ee maamulka Kumeelgaarka ah Jubbaland isla maantaba.