xiinfaniin

Nomads
  • Content Count

    14,528
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by xiinfaniin

  1. warqaad? The Gedo brothers are working over time today What happened? I thought Gabal dismissed the whole thing as a sham and supported government's position .
  2. Some are still reading Mogadishu script :D war kala qabtaay
  3. How Ahmed was Elected War goor dhaweyd soo gaarey warqabadka Horseed Media ayaa sheegaya in ergada shirka jublaland ay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland u doorteen Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Axmed Madoobe ayaa ku guuleystey wareegii hore ee doorashada sida uu sheegayo warka soo gaarey Horseed Media. Ergooyinka fadhiyey hoolka shirka ee Jaamacadda Kismaayo ayaa ahaa 500 oo ergay oo metalayey beelaha degan labada Jubbo iyo Gedo, waxaana xilka Musharaxnimada isu soo taagey 4 Musharax oo kala ah: Axmed Maxamed islaan (Shiikh Axmed Madoobe) Cali Diini Hilowle Aadam Maxamed Nuur Shiikh Shakuul Isla wareegii hore ee doorashada ayaa Axmed Madoobe heley codad ka badan 400 oo cod, mana jirin musharax kale oo u soo dhawaadey, Musharixiinta la tartameysey Madaxweynaha loo doortey Jubaland Axmed Madoobe ayaa isla goobta ugu hanbalyeeyey. Axmed Madoobe ayaa xilka Madaxweynaha Jubbaland loo dhaariyey saddexda sano ee soo socda, waxaana uu soo dhisi doonaa gole wasiiro, marka la doorto kuxigeenada isla markaana ergadu soo saaraan 65 Xildhibaan oo Dowlad goboleedka Jubaland yeelanayo. Wararka Horseed Media heleyso ayaa sheegaya in ergadu ay isla maanta dooranayaan madaxweyne ku xigeenada Jubaland. Waa Dowlad goboleedkii labaad ee shir ka dhaca dalka Gudihiisa ayna isugu yimaadaan ergooyin Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolo kala duwan lagu yagleelo, kaas oo ka mid noqonaaya Federaalka Soomaaliya ee lagu heshiiyey. Doorahsda Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmeysa iyada oo maanta laga xusaayo Soomaaliya markii dhidibada loo taagey ururkii Xornima doonka Soomaaliyeed ee SYL kaas oo la asaasey 15 May 1943, ayna asaaseen 13 dhalinyaro ah oo ka dhiidhiyey xumaanta gumeysiga. Dhanka kale Doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa imaaneysa iyada oo maanta Raysalwasaaraha Soomaaliya soo saarey wareegto uu ku magacaabayao 16 Xildhibaan iyo wasiir in ay galaan xalka Jubaland, kana shaqeeyaan dhismaha maamulkaas iyo sidii dowladdu isu fahmi lahaayeen, waxaa la isweydiinayaa shaqada u horeysa ee guddigan ma noqon doontaa in ay la fariistaan Madaxweynaha Jubaland loo doortey ee Axmed Madoobe. Si kastaba ha ahaatee Doorashada Axmed Madoobe waxay dhidibada u taageysa maamulka Jubland oo loo fadhiyey muddo ka badan 4 bilood, halka loo gogol xaarayey muddo sanado ka badan, Waxaa shirka lagu dhisay Jubaland ka soo horjeestey kuna tilmaamey mid aan sharciga waafaqsaneyn Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo Xukuumadda Federaalka, waxana ay ku muteysteen in bulshada degta goboladaas ay marar badan ku banaanbaxaan muujiyaana carada ay ka qabaan diidmadooda. Horseed Media News Desk
  4. Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku guuleeystay doorashada Madaxweeyninimada Dowlad goboleedka Jubbaland Arbaco, 15 May, 2013(HOL) :- Waxaa goordhawayd lasoo gabagabeeyay doorashada madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoona xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka uu ku guuleeystay gudoomiyii KMG ahaa degmada Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) Doorashadan oo maanta ka dhacday xarunta Jaamacadda magaalada Kismaayo islamarkaana ay ku tartamayeen musharixiin badan ayaa waxa ku guuleeystay Sheekh Axmed Madoobe oo isagu ah hogaamiyaha ururka Raaskaambooni. Sawirrada Doorashada iyo weliba faahfaahin ku saabsan habka ay u dhacday doorashada waxaan haduu rabbi qadaro idinku soo gudbin doonnaa wararkeena Danbe. Xasan Nuur, Hiiraan Online hnur@hiiraan.com Kismaayo-Soomaaliya.
  5. Jubbaland Federal State Leader Has been Elected Faahfaahin ku saabsan habka ay u dhacday doorashada madaxweeynaha Jubbaland {Sawirro] Arbaco, 15 May, 2013(HOL) :- Waxaa maanta xarunta Jaamacadda Kismaayo ka dhacday doorashada madaxweeynenimo ee maamul goboleedka Jubbaland, waxaana doorashadani ku tartamayay ku dhawaad ilaa 3 Musharax oo u taagnaa xilka Madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland. Goobta uu shirku ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa ilaa 500 oo ergo oo ahaa ergadii loogu talogalay in ay doorato madaxweeynaha, waxaana sidoo kale soo xaadiray Musharixiinta kala ah: Musharax Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), Musharax Max’ed Nuur Shambaar, Musharax Hilowle Aadan Muxumed. Labadan musharax ee la tartameeysay Sheekh Axmed Madoobe ayaa inta aan codka la qaadin ka hor qudbado ay ka jeeediyeen goobta uu shirku ka dhacayay ka sheegay in ay u tanaasuleen Musharax Axmed Madoobe. Gudoomiyihii Maamulka KMG ahaa Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad dheer ka jeediyay goobtii ay doorashada ka dhaceeysay ayaa ballan qaaday in hadii la doorto uu dadka iyo dalka ugu shaqeeyn doono si cadaalad ah, isagoona ergada ka codsaday in ay codkooda siiyaan. Intaas kadib ayaa waxaa bilaabatay codeynta oo ahayd hab gacan taag ah, waxaana Sheekh Axmed Madoobe codkooda siiyay ilaa 485 Musharax, waxaa ka aamustay Shan Musharax, waxaana diiday 10 Musharax, waxaana intaa kadib gudiga doorashada ay ku dhawaaqeen in Sheekh Axmed Madoobe uu ku guuleeystay madaxweeynenimada dowlad goboleedka Jubbaland. Isla goobta ayaa waxaa ka dhacday dhaarintii madaxweeynaha, waxaana Sheekh Axmed Madoobe uu ku dhaartay in dalka iyo dadka uu ugu adeegi doono si daacad ah islamarkaasina waafaqsan shareecada Islaamka. Arinta xusidda mudan ayaa ahayd in ay goobta ka maqnaayeen musharixiintii ugu cadcadaa ee iyagu doonayay in ay qabtaan xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaasoo ay kamid yihiin Musharax Sheekh Max’ed Ibraahim Shakuul, Musharax Max'ed Cabdi Gaandi, Musharax Eng. Bashiir Axmed Max’ed, Musharax Xildhibaan Max’uud Cali Magan kuwaasoo mudooyinkii ugu danbeeyay magaalada Kismaayo ka waday olole aad u ballaaran oo ay ugu jireen xilka madaxweeynenimo ee Jubbaland. Magaalada Kismaayo ayaa mar qura waxa isqabsatay rasaas ay furayeen taageerayaasha Sheekh Axmed Madoobe, waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada buuxdhaafiyay dadweeyne iyo gaadiid kuwa dagaalka ah oo u dabaaldegayay Madaxweeynaha cusub ee loo doortay Jubbaland. Ku dhawaaqidda madaxweeynaha cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kusoo beegmeeysa xilli xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday guddi ka kooban 16 xubnood oo labada gole ka tirsan kuwaasoo la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan arimaha Jubooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa.
  6. He fell victim for the very nonsense he helped create :D Was Oodweyne there too but unable to admit it?
  7. ^^LOL I get your drift, but praying for the demise of perceived enemy of Hargeysa admin is what xaaji habaar of SOL does.
  8. Classified;949421 wrote: This is what the Somaliland crew will say. Xaji Xunjuf: This is happens everywhere in the world. small demonstration by disgruntled minority causing widespread chaos need to be stopped. Carafat: Xiin, what would you say if this happened in Kismaayo? Oodweyn: (writes an entire essay that holds no water) Xiin, this demonstrations have not impacted the road construction between Oodweyne and Burco, therefore indicating that the demonstration was a hoax. Salaax: (watching pictures of Bohol, in hopes of producing a master plan to expand into tuulada Xudun) This is a brotherly feud. The police and the citizens are all cousins and uncles, it will be sorted out within minutes. Sorry to burst your bubble Xiin. :D Only if they were that creative
  9. D.O.C;949420 wrote: I am so touched that enemies from somalia are dreading and waiting day in and day out that something would happen to the people of somaliland, so somaliland would break into pieces and qabiil:D, and that is way I hate you (Somalis) from the bottom of my heart. Yes, a solider shot one person, but that doesn't mean somaliland will fall. And by the way the solider whom has done this was caught. ^^it is good news that the situation is contained Why would you hate Somalia for a Somaliland soldier shooting an armed man in the street of Burco?
  10. looooooooool@biiqey nuune is original
  11. This by far the best news , a great step signifying that Somalia is reviving its statehood and sovereignty Kudos to the government for completing this task
  12. Oodweyne, would appreciate the move though he would never admit it This is a preemptive strike to contain the fall out if such a thing ever takes place. I am conjecturing
  13. Salax is photoshoping in an effort to create a perception of Somaliland control over Xudun district
  14. ^^LOL Odey Xaad was very helpful in uniting the big tent with his emotional outbursts of accusing the delegates being from NFD and Somali Ethiopian region :D
  15. ^^ :D Seriously this shows how uncreative Kismayo opponents are. You oppose it , call it unconstitutional and what not, and when you realize this thing is about to conclude you buy a ticket and demand participation
  16. Haatu;949317 wrote: Dabrow will only support this process if a Gedoan is elected That is very small minded. Gedo have a right to compete, and will probably be the president one day. But today Madobe has a clear lead
  17. Maxamed Amiin should have been arrested. He is and has always been a spoiler. One wonders who were the 40 delegates from Mogadishu :D ? Lugadheere wants to be part of the conference now after making threats from Mogadishu for six months lol
  18. Dabrow just like Gabal is unsure what to do with Kismayo. He is conflicted, between support and opposition
  19. KISMAAYO: Ergooyinka Dooranaya Madaxweynaha Jubbaland oo Saaka la isugu geynayo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo (Warbixin) May 13, 2013 8:30 am GMT - Written by PP Kismaayo: (pp)- Iyadoo la soo dhammeeyey Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha Jubbaland State of Soomaalia iyo Kuxigeenadiisa, ayaa saaka waxaa ka socda guddaha magaalada Kismaayo Daabulaada Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa , kuwaas oo la doonayo inay Casharo Siminaaro ah oo khuseysa habka doorashada u dhacayso ay ku qaataan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo loo badinayo inay noqon doonto meesha ay ka dhacayso doorashadu. Waxaa haray maalin ama Labo oo la doonayo inay doorashada la qabto, waxaana illaa hadda liiska u tartamaya Madaxweyninimada Jubbaland soo gudbiyey illaa Lix musharax , kuwaas oo dhiibay lacagihii ay doorashada ku gelilahaayeen oo dhan illaa (3.000$). Magaalaad Kismaayo ee xarrunta J/hoose ayaa aad looga hadalyaa Doorashada , iyadoo dadka ku nool magaalada ay aaminsan yihiin 90% kursigan uu kusoo baxayo Sheekh Axmed Islaam (Madoobe) oo hadda loo maleeyo inuu ugu cad cad yahay ragga u tartamaya Jagadan. Abaabulka Axmed Islaam ( Madoobe) ayaa si fiican looga dareemaya magaalada Kismaayo , iyadoo Nabadgelyadiisa ay aad u dhowrayaan Ciidamo Soomaali ah oo tababaran iyo kuwa AMISOM ee dhanka nabadgelyada magaalada Ka shaqeeya. Axmed Madoobe ayaa ah waqtigan siyaasi caadi ah oo wax Xil ah ka hayn Jubbaland, isagoo wareejiyey xilkii guddoomiyaninada labo maalin kahor, maadaama uu u tartamayo xilka Madaxweyninimada Jubbaland State. Shacabka badankiis ayaa qaba in Axmed Madoobe uu haysto taageero shacab iyo Caalami , maadaama uu si xoogan uga soo qayb qaatay halgankii deegaanadan looga xoreeyey Xoogagii Al-shabaab, waxaana Axmed Madoobe uu sumcad wanaagsa ka helay , siddii uu maareeyey isaga iyo ragii maamulka kala shaqaynayey Jalaafooyin badan oo kaga imaanayey dhanka DF ee Soomaaliya oo iyadu aan raali ka ahayn maamul iyo kala danbayn ka dhalata deegaanada Jubbooyinka.