xiinfaniin
Nomads-
Content Count
14,528 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by xiinfaniin
-
Originally posted by General Duke: Thus Al Shabaab actions today are the actions which you supported in December 2006 and looked what happened then. Thus my lad and I am addressing you stop the pretences your political outlook is as weak as the hapless Sharif’s you idolize. Ma intaas baad rimanayd? There might have been different messengers, but the message remains unchanged. The Somali dynamics has also changed. Only a fool would insist solving the complex Somali equation by plugging the same 2006 variables adeer. And if you care to notice, my support for Sharif is a one of approach rather then a person as the case may be in yours. Underline this Duke: Yusuf is past. Perhaps Jabbuuti will determine which level of history’s dusty bins he will go into. Now tell us how you reckon mayhem and violence will further Yusuf’s interest or help him in any way?
-
If onl you could see the big picture! Sharif and his likes are the future. Yususf and his likes are past. Especially Yusuf, time has cought up with him. It's natural. Get over it. As for myhem and violance advancing any one's cuase. That yaa Duke is a new logic whose formulation only likes of Duke would brag about!
-
That’s what dirin is all about! Give and take! There are sticking points that need be addressed before substantial gains are made. There will be a compromise! As for the Tolka man, don’t collapse under your own weight adeer, intaad dabaaldega baabacaysnayso...the irony is as you celebrate for this figment of Jabbuuti’s perceived failure, so you will celebrate with us when the mighty pens strike the eventual deal!
-
Ha go'ee daa, hadhow reer kismaatoodka xoog kusoo celinaayya. I can see another ilig-dal-dala in the making!
-
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
^^I have the luxury to type away these simple words of reason! We’ve defeated, by reasoning, formidable cyber squads here before. We’ve chased away some goons too. But good Centurion is old cyber freind of mine, and he will in the end embrace what is good for Somalia. As where things stand today in Jabbuuti, I heard there was some setbacks. No surprise there. That Ethiopian calool kuus showed up again... edit: Imagine the day when Ethiopia's different ethnic groups fall within the sphere of Somalia's influence. It may seem afar, but it could be near if we aim for it! -
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
^^Xattaa anta ya Santuri! Ramadan Karim bro! Lest I give the impression of being comfortable with the rate of current progress (I think it’s a progress given where we have been a year ago), I am NOT! I am not either privy to the behind-the-curtain deals of current discussions! What I know is what’s going on in Jabbuuti is not the stuff of knuckleheads. It’s real, laborious process to rescue the country. Given the interests shown by all parties involved, whether it’s out of conviction or convenience, this Jabbuuti Deal passes the feasibility scale! Difficult to swallow for some! Sure. Traitorous to others! You bet. But in the absence of better alternatives to sail us out of these waves of violence, Jabbuuti Agreement, my good friend, is the only political program that articulates average Somalis needs! So Santuurow, to repeat that worn-out Clintonian political cliché, reject those who appeal to your fears! But don’t be idle; embrace those who can project hopeful future for Somalia, and not revenge killings disguised under the noble notion of accountability! It was in the name of accountability of last regimes conducts, mind you, that got us where we are now! Only if we learn from past mistakes can we realize and appreciate the power of compromise! Waa kukaa awoowe... -
Originally posted by Peace Action: This is rubbish idea. The people of the region have always been for the unity of all Somalis, nothing has changed. Even though things look bleak at the moment in the South, there is a very good chance of achieving lasting peace in the South. Whoever prevails in this conflict, there is no going back to the last 17 years of warlordism . Nice sentiment yaa Peace
-
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
Making headways . Yes there was a setback of sort, but it was just the normal wear-and-tear in political dealings---it didn't cause a big damage to the process. Waryee A & T, warmaad isugtid asbuuc baa no dhimmane. Mark this page adeer, Oo goortaan ku qaabilo hadhow ha iskay qarine! That's when i come back to this page singing Gooni's famous verses: Ragg cayaayir iyo maanso waa camaladiisiye'e Caynaanka anigaw hayyiyyo celiyeeheediye Mar haddaan callaqo looma furo cagaha dheel-dheele markaan meel kaa fujiyoba meel kalaad iska laalaadisaa... Theiry, ramadan karimm bro. Tell the naysayers that realists, in politics or otherwise, always defeat reactionary folks! And by reactionary folks I mean those who habitually dwell on past grievances! Accountability bay ku leeyihiin as though the organs of the state are intact. Some measure of justice is what we need right now. One way of doing that is in dheriga somaalidoo idili wada karsatto oo aan koox gooni ah loo deyn. That equals Jabbuuti . Call it the minimalist approach. -
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
Wada Hadalladii Jibouti uga socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo heer Xasaasi ah u gudbay Khamiis, September 18, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in wada hadalladii halkaas uga socday dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay heer xasaasi ah u gudbeen. Wararku waxay intaas ku darayaan in Wada hadallada labada dhinac u socda oo maalintii labaad ay leeyihiin Guddiyo Siyaasadda iyo Ammaanka qaabilsan oo ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay horay u magacawdeen. Shirarka Guddiyadan u socda oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa ugu xisaasisan midka u socda Guddiga Ammaanka, kaasi oo ajendayaasha uu ka doodayo ay yihiin kuwo aad u culus oo aan la ogeyn sida ay labada dhinac isugu waafaqi doonaan. Ajendayaasha uu ka doodayo Guddiga Ammaanka ayaa waxaa ka mid ah in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Isbaheysiga la isku dhafo, isla markaana xero la wada dejiyo, in Ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxaan Xaafadaha magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya, kadibna fursad loo siiyo in ay isu diyaariyaan sidii ay Soomaaliya uga bixi lahaayeen. Qodobka isku-dhafidda Ciidamada labada dhinac oo la sheegay in uu ka yimid dhinaca Xubnaha Guddiga Ammaanka eeDowladda Federaalka ayaa waxaa ka biyo diidan Xubnaha Guddiga Ammaaka ee Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ku dooday in aaney suurtagal ahayn in Ciidamo dagaallamayay ay xero wada galaan, taasi bedelkeedna loo baahan yahay in iyana xerooyin gaar ah loo sameeyo. Dhinaca Guddiga Siyaasadda oo aaney Ajendayaashiisa u kululeyn sida kuwa Guddiga Ammaanka ayaa waxaa uu ka hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin Dhaqaalaha, Maamullada Dalka, Dastuurka, Arrimaha Bulshada iyo Arrimaha Gargaarka, iyadoo aan la soo sheegin muran u dhaxeeya Xubnaha Guddiga Siyaasadda. Guddiyada labada dhinac ayaa marka ay isla meel dhigaan Ajendayaasha ay ka doodayaan ayaa waxay maalinta berri ah si rasmi ah u wada saxiixi doonaan xabad-joojin rasmi ah iyo waqti go’an oo ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi doonaan Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
^^Ramadan Kariim Zafiir! Abtigiis my son? Innaa lilaahi waa innaa ilayhi raajicuun! It means the man dadkii oo u wada jeeda buu kheyrkii ka dhaqaaqay. That is, a message of kheyr his own friend is conveying to him. ps--- dont broadcast that i am your xildhibaan—Tuxbaxle may jump on that one too and file complaint .
-
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
^^Wax waalan! Aakhirka waad uun isoo raaci! Meel lagu kala haro lama joogo maanta awoowe! Haddaad shariifka diiday, aniga isoo raaco, illeen anaad i taqaannaaye ! B iyo G, that somalis fight is not a news! It's not also a good reason to oppose the Jabbuuti Deal. That some wadaado iyo dawlad kusheegtani are talking is THE news. It's a progress. As I told you before: digsi baa dabka saarane iska sug intuu bislaanayyo. Hilibkii oo ceerin ah oo aan si fiican u karin baad rabtaa inaad cad kala baxdo -
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo wada hadallo seddex maalmood soconaya uga bilowdeen Dalka Jibouti Arbaco, September 17, 2008(HOL): Hotelka Sheraton ee Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa maanta waxaa ka bilowday shir seddex maalmood socon doona oo u dhaxeeya Ergooyin ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta. Shirkan oo lagu waday in uu furmo saaka goor hore ayaa waxaa soo gaarsiiyay ilaa maanta duhurradii Ergooyinkii ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta oo dood ka keenay in Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya uu shirarkooda ka qeybgalo Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti ,iyadoo ugu dambeyntiina lagu guuleystay in dooddaas xal loo helo, shirka labada dhinacna uu bilowdo. Shirka ay leeyihiin Ergooyinka labada dhinac ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka Soomaaliya iyo weliba sidii dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya loola gaari lahaa gargaar deg deg ah. Ilo ku dhow dhow ergooyinka Shirka ka qeybgelaya ayaa waxay sheegayaan in gunaanadka Shirka Ergooyinka labada dhinac laga soo saari doono go’aanno ka duwan kuwii ay horay u wada gaari jireen labada dhinac, waxaana xusid mudan in ay Ergooyinka labada dhinac ka doodayaan qaabka la isula meel dhigayo qorshe muddo bil ah ay ku howlgeli doonaan Guddiyo ay horay isaga dhex doorteen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kuwaasi oo qaabilsan Siyaasadda iyo Aammaanka Soomaaliya. 19-ka bishan oo ku beegan Jimcada soo socota ayaa la filayaa in ay labada dhinac shaaciyaan go’aannada shirkoodan ka soo baxa, waxaana lagu soo waramayaa in saxiixa Go’aannada Jimcaha soo bixi doona ay yihiin kuwo ay dhaqangelin ka dambeyso. Shirka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uga socda Dalka Jibouti ayaa wuxuu qeyb ka yahay shirar ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay oo soo socday ilaa bishii June ee sanadkan, kuwaasi oo looga gol leeyahay in xal loogu helo Mushkiladda Soomaaliya ka taagan. Haddaba Heshiiska ay Jimcaha soo socota wada saxiixayaan labada dhinac ayaa haddii la fulin waayo waxaa ka sii hadlay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo dhinacyada Soomaalida ugu baaqay in ay dhaqangeliyaan Heshiiskaas, isla markaana ay ka fogaadaan in ay sameeyaan waxyaabo heshiiskaas burin kara. Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in aan laga ogolaan doonin kooxaha qalalaasaha ka wada Soomaaliya in ay iska sii wadaan dhibaatada, wuxuuna caddeeyay in Sabtida soo socota wixii ka bilowda la eegi doono ciddii dooneysa in ay dhibaatada Soomaaliya sii socota, isagoo Kooxaha ku lugta leh dhibataada Soomaaliyana uga digay in ay afkooda isku maxkamadeeyaan. “Waxaan u maleynayaa xiligaas kadib cid kasta oo meel fagaare ah ka sheegata in ay dil iyo qalaase sii wadeyso waxay isaga/iyada isu soo bandhigi doontaa cadaaladda, waana ay dhamaaday waqtigii la xisaabtan la’aanta”ayuu yiri Ould-Abdallah oo sheegay in kooxaha dhibaatada ka wada Soomaaliya ay dhici karto in la hor-geeyo Maxkamadda Dembiyada Dagaalka ama Maxkamad Mustaqbalka loo sameyn doono Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
^^War cusub ma wadid adeer! waxaas-ma-dhici-karaan, iyo qolo-fulaan-iyo-qolo-fulaan-ma-wada-fariisan-karaan! It's so passé! -
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
This is not the day to argue about politics. Since the blatancy of the intellectual dishonest of some of my fellow solers is hard to close the eyes to, I feel compelled however to point out few gaping holes in Tolka’s reasoning. For starters, the Somali conflict is NOT, and has never been, a one between religious oriented groups as good Tolka man misleadingly suggests! It’s between secular Somali factions backed primarily by their respective clans (and at times by external forces). Whatever disagreements exist among Somalia’s religious movement will evaporate as soon as Ethiopia’s forces withdraw. If one or two movements stubbornly insist continuing with the violence, the absence of the occupation grievances will eat away their support base, and eventually render their struggle ineffective! It follows to reason, holding peace talks between these muqaawamah movements at this point of time to put some semblance of governance in place is missing the point. For Somalia to stand up again, the real challenge is to strike a compromised deal between the secular warlords (apparently tfg is the last standing faction of that group), and those in the opposition group whom the value of sitting down with other group does NOT escape from their consciousness! And that is where the Jabbuuti deal comes in! It’s truly a manifestation of a political maturity in Somalia’s clan laden political settings. It’s real. It’s coming! Its aim is not to let one group dominate or dictate Somali state’s future shape and composition. Rather its purpose is to try to transition the country and take to a stage where Somalis can once again enjoy the blessings that come with having a functioning state! In the context of 18 years of anarchy, the exodus of millions of Somalis from their country, the divisions, and the external exploitations that exacerbate our conflict, in the context of all of that, opposing any efforts to close this chapter of our history is unacceptable to the most Somalis. The puritans can insist on punishing warlords as much as they want, but the wise ones have bigger problems to solve: reviving a state whose people are deeply divided! And with that said, lets pray for peace to take root in our land! Gaaladanna shartooda allaha naga duwo, quluubteennana allaha isu soo dumo! -
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
To considerably corrupt Ali Sugule’s parody, Ururadu waa boqol noocoo Kaa Shariifku bilaayo Iyo Ragga beesha Jabbuuti Bartankeed ku shire Baajinayya colaada Barbarkoodaa ugu fiican! -
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
Nur Cadde oo gaaray Jabuti Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaasoo uu kaga qaybgalayo kulan ay yeelanayaan gudiyadii ay amaanka iyo siyaasada ee ay sameysteen Isbahaysiga ARS iyo DF. Sidoo kale; dalka Jabuuti waxaa gaaray gudoomiyaha Isbahaysiga ARS Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana sidoo kale gaaray Jabuuti Wasiirka Wafaafinta Somalia Axmed C/salaan Aadan. Labada dhinac ee ARS iyo DF ayaa lagu wadaa inuu maalinta beri ah kulan uga furmo dalka Jabuuti, kaasoo ay isugu imaanayaan gudiyadii siyaasada iyo amaanka ee lagu dhisay heshiiskii Jabuuti. Goobjoogayaal ayaa u sheegay Garowe Online in xubnihii Isbahaysiga ARS ee gudiyadan ku jiray ku sugan yihiin Jabuuti, halka kuwii DF aysan qaarkood weli gaari halkaas, iyadoo la sheegayo in kulanka aan la baajinayn furitaankiisa. Shirkan ayaa looga hadli doonaan sidii lagu dhaqangelin lahaa xabad joojin dhexmara DF iyo mucaaradka ka horjeeda, taasoo ka dhaqangasha gudaha Somalia, iyo in labada gudi ee la sameeyay ay ka howlgalaan gudaha Somalia. Ergayga UN-ka u qaabilsan arimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah ayaa isaguna maanta gaaray dalka Jabuuti, isagoo goobjoog ka ahaanaya kulankan uga furmaya labada dhinac dalka Jabuuti. Kulankaan ka furmaya berri dalka Jabuuti ayaa noqonaya kii sadexaad oo ay isugu yimaadaan ARS iyo DF tan iyo bishii June oo labada dhinac gaareen heshiis kama dameys ah, iyadoo dhinac walba uu ku adkeysnayo inuu heshiiskaas dhaqangelinayo. Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in dalka Jabuuti isla beri uu uga furmo shir kale Kooxda Xiriirka Somalia [somali Contact Group], waxayna kaga hadli doonaan shirkan heshiiskii Jabuuti ay DF iyo ARS ku gaareen, iyo arimo kale oo Somalia ku saabsan; waxaana ka qaybgalaya Ahmadou Olud-Abdallah. Garowe Online, Jabuuti -
Bantuuradow, A & T is fasting today! Wardi buu haystaa adeer, wardi! Jb, laba nin oo is dilayya meesha ma joogaan! waxaan jirin baad intaa raadisaa (like the aqoonsi) ninyahow!
-
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
Shekh Shariif oo ka hadlay xalka Somalia Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xogeynta Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Kenya ayaa ka hadlay xalka Somalia iyo khilaafaadka u dhexeeya garabyada is-diidan ee Isbahaysiga ARS. Sh. Shariif, ayaa xusay in xalka Somalia uu ku jiro nabad la helo; taasoo uu ku tilmaamay inay soo afjari karaan mashaakilaadka iyo dagaalada ka jirta gudaha Somalia ee maalin walba dhaca. "Somalia nabad ayay u baahan tahay, anagana dagaal waa nalagu kalifay maahane ma jeclayn, waayo waxaan ku badbaadi waynay guryaheenii, haddii maanta la helayo nabadna in la wado waa arin lagama maarmaan ah" ayuu yiri Sheekh Shariif sheekh Axmed. Mar uu Sh. Shairif ka hadlay xaalada dalka Somalia uu haatan ku sugan yahay, wuxuu ku sheegay inay ugu waaweyn yihiin amnidaro iyo macluul baahsan, isagoo sheegay in dhibaatooyinkaas waxa looga bixi karo ay tahay nabad. "Dadka macluushu khatarta hada ugu jira waa 3.5-Milyan, haddii aan la helin nabadna si gargaarka loo gaarsiiyo ma lahan, iyaguna qaab ay ku shaqeystaan ma jiro" ayuu mar kale yiri gudoomiyaha Isbahaysiga ARS oo ku sugan Nairobi. Sh. Shariif wuxuu sheegay in dadkaas ay ku badbaadi karaan nabad la helo, isagoo carabka ku adkeyay in hadii aan nabada laga shaqeyn xalna aan la raadin ay dhacayso in dad badan oo aysan xabadi dilin ay macluul u dhintaan. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka u dhexeeya Isbahaysiga ARS ayaa sheegay in garab walba uu aaminsan yahay fikirka uu qabo, balse ay yihiin dad ay soo wada halgaleem oo ay walaalo yihiin. "Fikirka ay qabaan walaalaheena kale wuxuu noqon karaa mid saxsan, balse waxaan aaminsahay inuu keena ka saxsan yahay uuna kaga dhow yahay wanaaga, isla markaana nabad deg-deg ah lagu gaari karo" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta ayaa jeediyay hadalkan mar uu xalay la hadlayay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Nairobi, waxaana garabkiisa taagnaa gudoomiyaha golaha dhexe ee Isbahaysiga Shariif Xasan Sheekh Aadan. Garowe Online, Muqdisho -
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
Kashafa,ramadan kariim. Adeer waan ku rabaa ee waadan ogeyn. Laakiin ma macna badnid! You yourself need a leadership and guidance, and we will inshaa Allah offer one to you! Waraa, JB haddeysan bishani tii ictiraafka aheyn maxaa Norway laga dooanay bishan ! -
Jabbuuti Deal: the political settlement we are all crawling to reach!
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
Talking about waraabe, waxaa layiri jacaylow, waraabaa waxaa layiri waraabow hortaa naagtaadu foolxumaa! Markaasu wuxuu yiri sidaan aabeheed iyo hooyadeed ugasoo beryey baadan ka warqabin! heshiska jabbuuti dhibka loo soo maray baadan ogeyne shib baad iska oranlahayd adeer! edit: che, jb when it comes to somaliland dhegehiisa iyo afkiisu isma maqlaan! Bil walba waa bisha aqoonsiga sl!