xiinfaniin

Nomads
  • Content Count

    14,528
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by xiinfaniin

  1. ^^Warkaaga waan lifaaqay adeer. Xatta Aw Tusbaxle gogoshaada ma imaanayyo! Waxaad qaniinya goosattay qaanuunkii gartu lahaan jirtay. Xabbadii kama'a ahayd maqashayye xatta maxaa ku gaaray ma awoodi weydey. Wajaa uu cishaa'an yabkuun (suuratul yuusuf weeyye). Ogow waa markay Yusuf godka kusoo rideen. Haddi aad waagaa qaali ahaan lahayd hadba ninkaad ka naxdaad u hiilin lahayd. Garta qaniinyada ka daa awoowe. Ka fuq! Sii daa, anaa iriyye!
  2. Classic@Intii Baal Qabtay Waa Biibtee Dooro Mexee Ubiibi Weyse! Waraa anigaabad daalac ii raacattee! Aw Tusbaxle, waagii hore xabbad aanan u wadin baa ku dhacday. Waa nin meel fog ka yimid oo raali ahow ma yaqaan. Hadda waan is baranay inuu xabbadii igu dhuftana ma rabo, welina gocoshuu wadaa. Bal ka tali awoowe! Nuune, Xaniifah ha nagu dirin ninyahow yeysan kutubteeda lasoo kala bixinne
  3. lool@ma qof uu dhufeys ugu jiraad ka kor dhufatay BOB, xantu waa wuxuu qofku karaahsanayyo marka laga sheego. hadduu joogo iyo hadduu maqanyahyna waa isku mid. Aw Tusbaxle anaa aqaan hawshaan waa hawshiisii. Laakiin aan ka jawaabee su'aashaadeee ninyahow xiniinyahaas weli ma isoo bixin .
  4. ^^Marxabban bika yaa Shamsi.. Pending Sh. Nurs input, following will be the parameters of our discussion... 1- nooca dagaalka somaliyya ka socda, iyo cidda uu ka dhexeeyyo. Ma gaalo iyo Muslim baa diriraysaa, mise soomaalaa is dilaysa? 2-hadday soomaali si dileyso, waa saan qabee, sharcan wa caqlan xalkeedu waa maxay? 3-hadday gaalo iyo Muslim tahay waxaa dirirayyaa, waaqicaa jiraa ma saamaxayyaa in dagaalka soomaali waddo, hadafkuse waa maxay?
  5. Nuune, ninyahow Su'aal laakiin: I heard NGONGGE idhihuu bahasha ka cayyaaraa ee maxaa ka jira? Lugtiisa iyo banooniga ma is jecla bay laygu yiri. Xaniifah, ninka nuune kuu tilmaamay waa asturan yahay al yacni baabul fiqhiga marka la fiiriyyo taxdiidu cawrah tuf@shiikko Waraa BOB Ibnu Usaamah, meeshaan nin Aw Tusbaxle la dhaho aa qasooyyaa ayyaamahan. Aniga gabayada kistii aan adeerkay ka xafiday waa iga dhammaadeen. Ee sheekooyinkaa lasoo kala bax ninyahow oo ninka naga qabo...
  6. ^^Go and see him. He is a nice guy. What i like about him, he is the first somali i met who can make good use of statistics. Very persuasive. Ms DD go.
  7. lool@bugle Waryee nuune hana kashifin ninyahow. Ninka aa sheegaysid BOB adeerkiis waaye, via afmadow uu degenaan jirey lool istaghfuralaah! nuune, adiga xariifka kooxda Aw Tusbaxle u dheela ee dhulka seexday maa tahay? lool@si fican umasii eegin kuma lahoo. That's Haneefah at her best.
  8. hase yeeshee dhowr waxyaalood oo aad tashwiish ku furtay aan bayyaaniyo. Allah waa caroodaa. Wuxuuse carooda caro u qalanta. Teennoo kale ma caroodo. Sidaan hadda u caraysannahay Allah uma caraysa. Wiilka kaniisada Kismayyo bur-buriyey ee carro darteed u bur-buriyey isaga iyo Allah isku si uma caraysna Nuurow. Fahamka noocaas ah maxaa ka qaldan yaa Nur! Tan labaad sunnada rasuulka Sh. Bashir waa nin jecel. Bil xaqiiqa ah ragga aadka u yaqaannaa waxay isla qireen in ilaa intu muthakar ah iloo maantoo uu hogaamiyye diimeed yahay uu aqoonta zuhdi ku darsaday, zuhdi aan saxwadda lagu aqoon. Marka aragtida qoraalkani huwanyahay waa mid diin ku qotonta. Maaha mid rayi qayyaxan ah. Taxliilkiisu wuxuu ku dhisan yahay Kitaab ka iyo Sunnada. Aniga iyo asaguba waxaan rabnaa inaan diinta u hiilinno. Adna waxaad rabtaa inaad diinta u hiiliso. Waxaa laga yaabaa siday kuuugu muuqatto in loogu hiiliyyo inaysan isaga ugu muuqan. Farqi waa kaa. Laakiin marna maaha inuusan Kitaab iyo Sunno wax ku binayn. ...
  9. ^^Maca kaamili ixtiraam wa taqdiir, Nuurow waxaan isku dayayyaa inaan kula niqaasho! Wax badan baan kuu ogolahay brother ee ogow. Waxaanse isku dayayaa inaan 3dex waxyaalood meel dhigno. 1- nooca dagaalka somaliyya ka socda, iyo cidda uu ka dhexeeyyo. Ma gaalo iyo Muslim baa diriraysaa, mise soomaalaa is dilaysa? 2-hadday soomaali si dileyso, waa saan qabee, sharcan wa caqlan xalkeedu waa maxay? 3-adday gaalo iyo Muslim tahay waxaa dirirayyaa, waaqicaa jiraa ma saamaxayyaa in dagaalka soomaali waddo, hadafkuse waa maxay? Haddii alle idmo 3dex meel la yaqaanno baan qotominaynaa. Dood xikmad leh oo aan ku kala faa ideysanno na waan gelaynaa insha Allah. ps--ii cudur daar haddii mar marka qaarkood waqtigu ii samixi waayyo inaan doodda sidaa la rabo uga qayb qaatto.
  10. ^^ @The Pointka MMA, shaxaari waaxid. Cilmi Boodhari is not saying what you think Ciyaal miijis waaxid! Salaadii horey iga tagtaa oo siigo noqotaaye = She leaves me before the dawn breaks and vanishes like dust!
  11. loooooooool@che. Che, Aw Tusbaxle meeshuu ka yimid maqaar malaga ciyaaro saaxiib. Saaxiibkeen wuxuu ciyaari jiray ultan . ^^Is that Baashi? I mean the man with the ball?
  12. ^^Malika it shouldn't take him long. I have not met NG. But I really blve that the man knows more Somali than he allows us to know. This gabay is a test. One thing I want him not do though is consult with his Burcaawi friends. No carabi is allowd either. We will wait good NG!
  13. ^^Wa hagaag wiil ducow. Waraa Aw Tusbaxle ninyahow caddaalad xumidaa, maxaad NG ugu gabyi weydey? EDIT: anaa bilaabay oo waxaan damcay inaan iraahdo: NGONGOO shiisha cunay Ka shuuqsaday labada fool Ooo Shirkii Landerrada tegey Oo intuu shaalkii gashay Timaha dib u shalleenyayyoo Gabdhihii Shacabkii Burciyiyyo Shan Guursaday ma aragteen …
  14. ^^ nuune and Ducaysane have presided this gar yaa NG! I was at the front door scarring away hecklers like Gediid ...
  15. ^^ xaaji xunduf gar soomaliyeed soo fariisanmahayyo. When he says way dhaqaaqday, he really means it. Odaygii Ducaysane ahaa ee garta wax ka goynayyey baa laftigiisu cabanayya . Belo ku degtay. I think the dirin have made a progress. Contrary to NG's assertion, this dirin has been very helpful in defusing the tention between these two men. I must thank Aw Tusbaxle and DQ. I am open to drop the fine. I dont know about Ducaysane though Waryaa DQ please dont corrupt gabayyada in my presence. Especially when the poet is reer banii fulaan. . Wuxuu yiri: Doofaar ma daahiro haddaad wabi dabaalsiiso Oo dubka iyo lafaha hoose baa dixiri jiifaaye'e Inuu Maxamed dumiyyuuu rabaa doorashada dhowe Dilaalka Berdacad iyo qoluu hoos ka dabayaay'e Aw Tusbaxle, could you please update good NGONGE about the depth of our relationship ? The old man might have mistaken our celebratory fireworks to mark the anniversary of our long friendship for live bullets and grenades . As for sidaan kuugu lisay iiguma aadan hanbeyn , that (and you know it) is not true. It's the other way around! Waa tii Dhoodaane, Geedkuu koraayaba ninkaan bari gantaalayey Isna laanta ii gooyey ... soo maahid?
  16. JZK Kheyr Nuurow, Waan aqriyey qoraalkaaga. Aad baan kuu fahmay. Waxaad ku nuux-nuuxsatay iyo sida wax kuugu muuqdaan nathiriyya cusub maaha! Waxaadse ogaattaa Allah wuxuu leeyahay baaxad iyo xikmad ka ballaaran tan yarta ah een ku fekeraynu anagu. Ma aha (subxaanahu cazza wajalla) mid sideenoo kale u caraysan. Allah wuxuu naga rabaa inaan nafteenna u hiilinno. Oo anagu is badbaadinno! Waxaa fiqhul waaqica aad ugu boodsan kolba aniga aragtidayda in maanta ummad 18 yrs dhimmanaysay cadowga loo sii nugleeyyo. Anigu waxaan aad ugu bogsanahay fikirka Sheekh Bashir Salaad. Aakhirka waxaan aaminsanahay inay taa tageyso. Cunfiga iyo tadarrufku inkastoo lagu ciil baxo haddana xikmad ummad lagu hoggaamiyyo malaha. Waa hooyada fashilka marka qofku diido inuu waaqaca la falgalo, wax ka baarandego, tixgeliyyo taariikhda dalku soo maray dhowr iyo tobonkii sano ee lasoo dhaafay. Qolodii dalka qasaysay intii dagaalka sokkeeye socday in lala ficiltamaa waa talo, waxaase ka habboon in makriga shisheeyaha si qorshaysan looga badbaado ummadana looga samata bixiyyo. Intaas markaan eegay, mawqifkayguna kaa yahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in Sh. Bashiir uu maanta ku dhiiradday inuu taxliil taa ku salaysan uu amaama jamaahiir soo dhigo. Mar haddaad ka doodaysid in dadka masaajidyada ku jiraa islaanimadooda yaa Nur aad baa fahamkeennu ukal duwanyahay! Anigu ummadan umad fitno ku dhacday oo badbaado u baahan baan u arkaa. Kifaaxa keliyya ee maanta horyaalla waa in la middeeyo oo laga gudbiyyo qabyaalada iyo jahliga haysta. Wasiilada keliyya ee ii muuqattaana waa in loo dhimriyyo oo loo tanaazulo, la wacyi geliyyo cadowgooda runta ah loo sheego, lana tilmaamo waddo suurtagal ah oo ay kusoo kaban karaan. Soomalidu inay is disho wax cusub maaha. Waxaa cusub in colaaduudu gaarto in shisheeyye ka faaideysto ilaa xadka uu maanta ka faaideystay. Ma la isku deyey, waa su'aasha Sh. Bashiire, in colaada soomalida dhextaalla la daweeyyyo si shisheeyahay meesha looga saaro? Jawaabtu waa mayya. Waana qayb ka mid ah azmadda ummadda haysatta.
  17. ^^ @Emperor presenting DQ Garti nuune iyo Ducaysanaa gooyey in absentia. What is your take on this yaa wise Malika? Do you think we should fine DQ?
  18. ^^loooooooool. Would you agree with him if he were from there? edit: i am surprised that you dont know the man! pss: Burco does not mean qabiil.
  19. Ujeedooyinka shareecada waxaa ka mid ah in dadka muslimiinta ah loo riixo dhanka badbaadada, lagana ilaaliyo in ay shaydaan iyo gaalo maciin bidaan, lana badiyo fursadaha ay ku ilaashan karaan xoogaaga ay ka fahamsan yihiin diinta, waayo, maslaxadda diinta, dacwada, dadka iyo dalku kuma jirto in cadowga loo sameeyo taageerayaal. Marka, colka maa lagu dayo in dadka laga soo reebo oo aan loo tuurin, lana joojiyo quusashada iyo gaalaysiinta layska gamayo, lana ogaado in aan guul lagu gaarayn gumaadka dad muslimiin ah, qof masjid ka soo baxay oo gaal ahna waa wax kafiirsi u baahan, oo tilmaamaya inuu jiro is-maan-dhaaf weyn, mase waxaa lagu tillaabsaday diintii ciriiriga ahayd oo booska looga waayay Cumar ibni khaddaab, Cusmaan ibni Cafaan iyo Cali ibni abii daalib, mase xumida u baahan in la cirib tiro ayaa ku soo hartay masaajidda iyo hareerahooda. waxaa xusid mudan oraahdii culimada: qof laga shakisan yahay islaam-nimo waa loo sugi karaa, laakiin loogama saari karo. Nur, libaax alamtara soo dhaaf! This is by far the most civil indictment of the current tiih & jahawareer! Sh. Bashiir chooses pious substance over slogans. He strikes a note of caution in the trend of radicalism that seems to be sweeping across our land as reaction to the injustices and atrocities sponsored by the west. This is timely. For it become quite handy to silence dissenting voices in the name of jihad and liberation. Please read it, and share your thoughts on this. As much as you try yaa Sheekh Nur, you cant really abstain from commenting on the current goings. It’s about time you throw your two cents in the discussion.
  20. Colka waraf ma lagu dayay ? Dr.Sheikh Bashiir Axmed Salaad Dunidu waa imtixaan, sidaas ayaana ilaahay ugu talagay, waxa la isku imtixaana way tiro badan yihiin, waana kala jaad, ummadana waxaa ugu imtixaan badan kuwa ugu wanaagsan oo ugu fadliga badan. Arinkaan waa waxa sababta u ah cadowga tirada badan oo maanta ay la hardamayso ummadda muslimka ah oo la oran karo: maanta meel u badqabta ma jirto, laakiin waxaa la hubaa in guusha ay leeyihiin muslimiintu, lagana rabo in ay la yimaadaan asbaabtii ay ku mudan lahaayeen yabooha Ilaahay, ugana bixi lahaayeen musiibada haysata, waayo, horaa loo yiri: fadhi iyo fuud yicib laysku waa, waxaa kaloo la yiri: xaglo laaban xoolo Kuma yimaadaan. Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin ummadda muslinka ah oo imtixaanan, waxaana ku habsaday cadow soojireen ah,oo ugu soo gambaday kuwo ayaga ka mid ah,caalamkana ka helay taageero kala nooc ah, ayna ugu yar tahay in loogu roonaaday aamus. Musiibadaan waa wax weyn ,waxayse kasii daraysaa haddii uu naga lumo habsami-u-fakarka loo baahan yahay xaaladahaan oo kale, si dhibaatada looga baxo. Waqtiyada dhibaatada, maskaxdu si fiican uma shaqayso, taladuna iskuma toosto, dadka intooda roon, waxay aad ugu howshoodaan sidii dhibka looga bixi lahaa, waxaana laga yaabaa in ay ku soo koobaan wax yar oo ku salaysan aragti gaaban oo ay ka tan badisay musiibada taagan, ayadoo aan si fiican loogu daadagin waxa taagan, haba sheegin, in dib loo jalleeco wixii la soo maray, ama la odoroso mustaqbalka dhow ama dheer. Imtixaanka musiibadu, ma aha ,oo kaliya in la kala ogaado qofka sabraya iyo qofka aan sabreen, ama kan ka baxaya iyo kan aan ka baxayn, balse waxaa ka mid ah in la tijaabiyo habka looga baxayo dhibaatada, sida xalka loo raadinayo, iyo wadada loo marayo, ma si shareecada waafaqsan baa, mase waa si kale?, waayo, waxaa jira dad shareecada ku dhaqma waqtiga caadiga ah, kana taga waqtiga dhibku jiro, ama si khaldan u isticmaala shareecada: la jiifiyaana banaan . Mar haddii muslim la yahay, gaar ahaan lays xejinayo wadada salafka, waa in shareecada loo daayo in ay kala saarto sax iyo khaladka, laguna dheehin dareenkeena ama danteena, aadna looga taxadaro is-dhex-galka arimahaan oo badan, waqtiyada cilmigu yaraado, jahligu bato, fitnaduna aloosan tahay. Dadka qaar ayaa u malaynaya hanuunku inuu yahay,oo kaliya in la sameeyo waxay ku amartay shareecado, ayagoo ilowsan qeybta kale oo ah: in loo sameeyo sidii ay kuu amartay ,waxaa kale oo ay u malaynayaan in baadidu ay ku kooban tahay dambiyda caanka ah, ayagoo ilowsan qeybta kale oo ah dambiyda diinta u eg. Haddii dib loo eego taariikhda ummadihii naga horreeyay oo baadiyoobay, waxaa arkaysaa qaar laga raacay diintii oo ay ka tageen, waana yahuudda, iyo kuwo laga raacay camal-fal badan oo aan cilmi ku dhisnayn, waana kirishtaanka, oo u malayn jiray in wax kasta oo nafta dhibaa ay cibaado yihiin, Ilaahayna uu rabo . Nabigu naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waa uu nooga digay wadada yahuudda iyo midda kirishtaanka, waayo waxay keenaysaa carada ilaahay iyo in laga baadiyoobo wadada toosan, sida ku cad tafsiirka suurat-ul-faatixah. Runtii, waxaa jira dad jecel in ay cibaadadooda shakhsiga ah u fiiriyaan sunnada iyo wadadii salafka, wixii ay ka shakiyaana waydiinaya culimada, laakiin si aan ka-fiirsi badan lahayn ugu dhaqaaqaya cibaadooyinka khuseeya ummadda oo dhan, ayaga oo aan u fiirin sunnada ama siirada nabiga, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, Nabigu, sallallaahu calayhi wasallama, wuxuu la yimid shareeco dhammyastiran, waana uu ka howl galay dhammaan nolosha qaybaheeda kala du’wan, waana in looga daydaa waxa uu sameeyay iyo sida uu u sameeyay. Ku-dayashada nabiga ,naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waxaa moodaa in lagu soo koobay qaybo ka mid ah diinta ,sida caqiidada iyo cibaadada, lana ilowsan yahay qayba kale oo muhiim ah, sida: habka ummad loo soo saaro, oo wax looga badalo iyo habka loo maamulo loolanka lugula jiro cadowga. Labadaan masalo, ahmiyad gaar ah ayay noo leeyihiin, waayo, ummaddu waxay u baahan tahay soo-noolayn, kadib markay ka fogaatay diinta, caqiida ahaan iyo camal ahaan, taas oo dhaxal siisay nuxur la’aan iyo daad-xoor nimo baahsan, waana waxa keenay in cadowgu ka il-helo, kana guulaysto. Ummaddu way jirran tahay, waxaana haya cudurka la yiraa(iimaan yaraan) waana cudurka dhalay dhammaan dhibaatooyinka aan ka cabanayno oo aan kala gaari la’nahay; sidaas awgeed, shaqada asaasiga ah waa la-tacaalidda cudurkaas si ummaddu u soo noolaato, ka dibna ay gudato xilalka badan oo sugaya, kana baxdo dulliga saaran. Dad badan ayaa ku indha-sarcaada astaamaha ka muuqda bukaanka, kuna qalbi-fuqa taaha ka baxaya, kana il-duufa xaqiiqada jirta, una maleeya in wax kasta lagu daaweeyo asprin iyo kaar-jabiye, ayadoo loo baahan yahay qalliin halis ah. Ummadda oo aan soo noolaan wax hagaagaya ma laha, kooxo yar yarna ummadda kaalinteeda ma gali karaan, xilkeedana lama wareegi karaan, haddii koox yar oo xul ah wax gaar ah la siinayo, ummadda la’aanteed, waxaa la siin lahaa nabi Muuse iyo nabi Haaruun,naxariis iyo nabad galyo korkooda ha ahaatee, laakiin taasi ma dhicin , waxayna la duruuf ahaayeen dadkooda ilaa Rabbi oofsaday, waayo ummad la’aan ayaa haysatay, markiise ummaddu is-badashay oo xilkeeda garatay, way guulaysatay, inkasta oo uu hogaaminayay Nabi aan la darajo ahayn nabi Muuse, balse ahaa ardaygiisii la oran jiray Yuushac ibnu Nuun (calayhimissalaam), markawaxa la fiirinayaa waa ummadda ,ee ma aha qof ama koox; sidaas darteed, ha loo soo jeesto sidii loo daaweyn lahaa, loona noolayn lahaa ummadda, hana la ogaado in ay tahay howsha lama huraanka ah oo aan laga boodi Karin, oo yaan wax weyn la moodin la iskuna iloobin howlaha xanuun bi-inta iyo (kaalmaatiga). Xanuun-bi’inta qudhigeedu waxay u baahan tahay cilmi iyo in la qiyaaso awooda jirku u leeyahay daawada iyo waxyaalaha ka dhalan kara, waayo, kufkufku waa batay, ummaduna xaq bay u leedahay in ay la xisaabtanto dadkii galiyay isku-dhacyadii badnaa ee aan waxba lagu dheefin, ayna u yaabka badneyd dhacdadii Nahr-ul-baarid iyo masjidkii casaa, iyo kuwa la midka ah. Marka,colka maa lagu dayo: in ummadda la tacbo, oo la tashiilo dhiigeeda iyo dhaqaalaheeda,oo looga turo talaxumada soo noqnoqotay?. Jahligu waa ceeb, waxaana ka mid ah adoo jaahil ka ah naftaada iyo cadawgaaga, kaana lunto qiyaastu, kuna kadsooma xamaasad aan xoog iyo xiilad midna lahayn, waana soo dhadhaminay mireheeda, marka colka maa lagu dayo: in laga faa’iidaysto taariikhda, lana fahmo cadowga, lana ogaado in Soomaaliya aysan lahayn buuraha Afgaanistaan oo kale, Pakistaana la daris ahayn, Bushtuuna daganayn, iyo in wax loo dirsado dadka cilmigeeda leh, ummaddana ay ka fariistaan kuwa fashilkooda la soo taabtay. Waxaa la yiraa; caqligu ma aha midka mushkiladda looga baxo,ee waa midka looga hortago . Runtii waxaa moodaa in dadaal badan aan lagu bixin sidii dhibka la isaga ilaalin lahaa, oo uusan u dhaceen, balse, lagu kacay waxyaalo culayska kordhiya, cadawgana marmarsiyo siiya, isku-dhacana soo dadajiya, taasoo khilaafsan siirada iyo sunnada nabiga (sallallaahu calayhi wasallam), kana hor imaanaysa sida kownka ilaahay ugu talagalay, oo ah: in ay wax kasta tabartooda tillaabsadaan, geeluna uu laba jir soo wada maro. Marka maa colka lagu dayo in la yar yaraysto ka-hortagiisa, lana joojiyo cadowga caalamiga ah oo la kicinayo, ka dibna caruurta laga horgaynayo. Ujeedooyinka shareecada waxaa ka mid ah in dadka muslimiinta ah loo riixo dhanka badbaadada, lagana ilaaliyo in ay shaydaan iyo gaalo maciin bidaan, lana badiyo fursadaha ay ku ilaashan karaan xoogaaga ay ka fahamsan yihiin diinta, waayo, maslaxadda diinta, dacwada, dadka iyo dalku kuma jirto in cadowga loo sameeyo taageerayaal. Marka, colka maa lagu dayo in dadka laga soo reebo oo aan loo tuurin, lana joojiyo quusashada iyo gaalaysiinta layska gamayo, lana ogaado in aan guul lagu gaarayn gumaadka dad muslimiin ah, qof masjid ka soo baxay oo gaal ahna waa wax kafiirsi u baahan, oo tilmaamaya inuu jiro is-maan-dhaaf weyn, mase waxaa lagu tillaabsaday diintii ciriiriga ahayd oo booska looga waayay Cumar ibni khaddaab, Cusmaan ibni Cafaan iyo Cali ibni abii daalib, mase xumida u baahan in la cirib tiro ayaa ku soo hartay masaajidda iyo hareerahooda. waxaa xusid mudan oraahdii culimada: qof laga shakisan yahay islaam-nimo waa loo sugi karaa, laakiin loogama saari karo. Waxaa jira jaah wareer badan, iyo su’aalo isasootaraya oo oranaya: maxaa socda? Yaase wada? waayo wadanku wuxuu noqday bahalo-galeen ay gacmo badan ka adeeganayaan, si sumcadda looga dilo islaamka, marka, colka maa lagu dayo in wixii lillaahi wataa dhan isu raacaan, bareerahoodana dhiibtaan, waxa ay mas’uulka ka yihiina caddaystaan, wax aan ceeb lahayna ay ku midoobaan, si wixii laqdaba wada loo arko, waayo, Jihaadku ma galo xatooyo, xalaalna barqaa la qashaa. Muslimiintu waxay ku guulaystaan raaligalinta Ilaahay, waxayna ku xiran tahay ayadoo la raaco shareecadiisa, taasna waxaa xaqeeda leh oo xadidi kara culimada, marka, maa colka lagu dayo in Ilaahay loo soo noqdo, wax kastana lagu jaangooyo shareecada, ayadoo looga dambaynayo culimada, lana joojinayo gacan-dhaafka, si looga badbaado wadada uu tilmaamayo xadiiska oranaya: haddii arinka loo dhiibo dad aan mudnayn, saacaaddii qiyaame sug. W/Q: Sheikh. Bashiir Axmed Salaad
  21. Jammaacah, this is a very good and timely article. Sh. Bashir Salad of Burco is showing leaderhsip here. Way to go yaa Sheekh! Edit: Anger and popularity? Emperor, you are missing the point about two miles. This is a very thoughtful article. If you can read somali, please between the lines, dhuux oo nagusoo warceli adeer.
  22. Originally posted by Gediid: quote:Originally posted by xiinfaniin: This is not culumadda kala qabta thing! That straw mat you have there looks very similar to the one I have in my bathroom yaa Xiin.Ragga ma musqul baad ugu gar qaadi laheyd sxb ... Gediid, you are late with your lame joke. Che, ,dwelling in the lower level of the duscussion just like you are, brought that to my attention. And I appropiately scoffed it.
  23. Colka waraf ma lagu dayay ? Dr.Sheikh Bashiir Axmed Salaad Dunidu waa imtixaan, sidaas ayaana ilaahay ugu talagay, waxa la isku imtixaana way tiro badan yihiin, waana kala jaad, ummadana waxaa ugu imtixaan badan kuwa ugu wanaagsan oo ugu fadliga badan. Arinkaan waa waxa sababta u ah cadowga tirada badan oo maanta ay la hardamayso ummadda muslimka ah oo la oran karo: maanta meel u badqabta ma jirto, laakiin waxaa la hubaa in guusha ay leeyihiin muslimiintu, lagana rabo in ay la yimaadaan asbaabtii ay ku mudan lahaayeen yabooha Ilaahay, ugana bixi lahaayeen musiibada haysata, waayo, horaa loo yiri: fadhi iyo fuud yicib laysku waa, waxaa kaloo la yiri: xaglo laaban xoolo Kuma yimaadaan. Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin ummadda muslinka ah oo imtixaanan, waxaana ku habsaday cadow soojireen ah,oo ugu soo gambaday kuwo ayaga ka mid ah,caalamkana ka helay taageero kala nooc ah, ayna ugu yar tahay in loogu roonaaday aamus. Musiibadaan waa wax weyn ,waxayse kasii daraysaa haddii uu naga lumo habsami-u-fakarka loo baahan yahay xaaladahaan oo kale, si dhibaatada looga baxo. Waqtiyada dhibaatada, maskaxdu si fiican uma shaqayso, taladuna iskuma toosto, dadka intooda roon, waxay aad ugu howshoodaan sidii dhibka looga bixi lahaa, waxaana laga yaabaa in ay ku soo koobaan wax yar oo ku salaysan aragti gaaban oo ay ka tan badisay musiibada taagan, ayadoo aan si fiican loogu daadagin waxa taagan, haba sheegin, in dib loo jalleeco wixii la soo maray, ama la odoroso mustaqbalka dhow ama dheer. Imtixaanka musiibadu, ma aha ,oo kaliya in la kala ogaado qofka sabraya iyo qofka aan sabreen, ama kan ka baxaya iyo kan aan ka baxayn, balse waxaa ka mid ah in la tijaabiyo habka looga baxayo dhibaatada, sida xalka loo raadinayo, iyo wadada loo marayo, ma si shareecada waafaqsan baa, mase waa si kale?, waayo, waxaa jira dad shareecada ku dhaqma waqtiga caadiga ah, kana taga waqtiga dhibku jiro, ama si khaldan u isticmaala shareecada: la jiifiyaana banaan . Mar haddii muslim la yahay, gaar ahaan lays xejinayo wadada salafka, waa in shareecada loo daayo in ay kala saarto sax iyo khaladka, laguna dheehin dareenkeena ama danteena, aadna looga taxadaro is-dhex-galka arimahaan oo badan, waqtiyada cilmigu yaraado, jahligu bato, fitnaduna aloosan tahay. Dadka qaar ayaa u malaynaya hanuunku inuu yahay,oo kaliya in la sameeyo waxay ku amartay shareecado, ayagoo ilowsan qeybta kale oo ah: in loo sameeyo sidii ay kuu amartay ,waxaa kale oo ay u malaynayaan in baadidu ay ku kooban tahay dambiyda caanka ah, ayagoo ilowsan qeybta kale oo ah dambiyda diinta u eg. Haddii dib loo eego taariikhda ummadihii naga horreeyay oo baadiyoobay, waxaa arkaysaa qaar laga raacay diintii oo ay ka tageen, waana yahuudda, iyo kuwo laga raacay camal-fal badan oo aan cilmi ku dhisnayn, waana kirishtaanka, oo u malayn jiray in wax kasta oo nafta dhibaa ay cibaado yihiin, Ilaahayna uu rabo . Nabigu naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waa uu nooga digay wadada yahuudda iyo midda kirishtaanka, waayo waxay keenaysaa carada ilaahay iyo in laga baadiyoobo wadada toosan, sida ku cad tafsiirka suurat-ul-faatixah. Runtii, waxaa jira dad jecel in ay cibaadadooda shakhsiga ah u fiiriyaan sunnada iyo wadadii salafka, wixii ay ka shakiyaana waydiinaya culimada, laakiin si aan ka-fiirsi badan lahayn ugu dhaqaaqaya cibaadooyinka khuseeya ummadda oo dhan, ayaga oo aan u fiirin sunnada ama siirada nabiga, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, Nabigu, sallallaahu calayhi wasallama, wuxuu la yimid shareeco dhammyastiran, waana uu ka howl galay dhammaan nolosha qaybaheeda kala du’wan, waana in looga daydaa waxa uu sameeyay iyo sida uu u sameeyay. Ku-dayashada nabiga ,naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waxaa moodaa in lagu soo koobay qaybo ka mid ah diinta ,sida caqiidada iyo cibaadada, lana ilowsan yahay qayba kale oo muhiim ah, sida: habka ummad loo soo saaro, oo wax looga badalo iyo habka loo maamulo loolanka lugula jiro cadowga. Labadaan masalo, ahmiyad gaar ah ayay noo leeyihiin, waayo, ummaddu waxay u baahan tahay soo-noolayn, kadib markay ka fogaatay diinta, caqiida ahaan iyo camal ahaan, taas oo dhaxal siisay nuxur la’aan iyo daad-xoor nimo baahsan, waana waxa keenay in cadowgu ka il-helo, kana guulaysto. Ummaddu way jirran tahay, waxaana haya cudurka la yiraa(iimaan yaraan) waana cudurka dhalay dhammaan dhibaatooyinka aan ka cabanayno oo aan kala gaari la’nahay; sidaas awgeed, shaqada asaasiga ah waa la-tacaalidda cudurkaas si ummaddu u soo noolaato, ka dibna ay gudato xilalka badan oo sugaya, kana baxdo dulliga saaran. Dad badan ayaa ku indha-sarcaada astaamaha ka muuqda bukaanka, kuna qalbi-fuqa taaha ka baxaya, kana il-duufa xaqiiqada jirta, una maleeya in wax kasta lagu daaweeyo asprin iyo kaar-jabiye, ayadoo loo baahan yahay qalliin halis ah. Ummadda oo aan soo noolaan wax hagaagaya ma laha, kooxo yar yarna ummadda kaalinteeda ma gali karaan, xilkeedana lama wareegi karaan, haddii koox yar oo xul ah wax gaar ah la siinayo, ummadda la’aanteed, waxaa la siin lahaa nabi Muuse iyo nabi Haaruun,naxariis iyo nabad galyo korkooda ha ahaatee, laakiin taasi ma dhicin , waxayna la duruuf ahaayeen dadkooda ilaa Rabbi oofsaday, waayo ummad la’aan ayaa haysatay, markiise ummaddu is-badashay oo xilkeeda garatay, way guulaysatay, inkasta oo uu hogaaminayay Nabi aan la darajo ahayn nabi Muuse, balse ahaa ardaygiisii la oran jiray Yuushac ibnu Nuun (calayhimissalaam), markawaxa la fiirinayaa waa ummadda ,ee ma aha qof ama koox; sidaas darteed, ha loo soo jeesto sidii loo daaweyn lahaa, loona noolayn lahaa ummadda, hana la ogaado in ay tahay howsha lama huraanka ah oo aan laga boodi Karin, oo yaan wax weyn la moodin la iskuna iloobin howlaha xanuun bi-inta iyo (kaalmaatiga). Xanuun-bi’inta qudhigeedu waxay u baahan tahay cilmi iyo in la qiyaaso awooda jirku u leeyahay daawada iyo waxyaalaha ka dhalan kara, waayo, kufkufku waa batay, ummaduna xaq bay u leedahay in ay la xisaabtanto dadkii galiyay isku-dhacyadii badnaa ee aan waxba lagu dheefin, ayna u yaabka badneyd dhacdadii Nahr-ul-baarid iyo masjidkii casaa, iyo kuwa la midka ah. Marka,colka maa lagu dayo: in ummadda la tacbo, oo la tashiilo dhiigeeda iyo dhaqaalaheeda,oo looga turo talaxumada soo noqnoqotay?. Jahligu waa ceeb, waxaana ka mid ah adoo jaahil ka ah naftaada iyo cadawgaaga, kaana lunto qiyaastu, kuna kadsooma xamaasad aan xoog iyo xiilad midna lahayn, waana soo dhadhaminay mireheeda, marka colka maa lagu dayo: in laga faa’iidaysto taariikhda, lana fahmo cadowga, lana ogaado in Soomaaliya aysan lahayn buuraha Afgaanistaan oo kale, Pakistaana la daris ahayn, Bushtuuna daganayn, iyo in wax loo dirsado dadka cilmigeeda leh, ummaddana ay ka fariistaan kuwa fashilkooda la soo taabtay. Waxaa la yiraa; caqligu ma aha midka mushkiladda looga baxo,ee waa midka looga hortago . Runtii waxaa moodaa in dadaal badan aan lagu bixin sidii dhibka la isaga ilaalin lahaa, oo uusan u dhaceen, balse, lagu kacay waxyaalo culayska kordhiya, cadawgana marmarsiyo siiya, isku-dhacana soo dadajiya, taasoo khilaafsan siirada iyo sunnada nabiga (sallallaahu calayhi wasallam), kana hor imaanaysa sida kownka ilaahay ugu talagalay, oo ah: in ay wax kasta tabartooda tillaabsadaan, geeluna uu laba jir soo wada maro. Marka maa colka lagu dayo in la yar yaraysto ka-hortagiisa, lana joojiyo cadowga caalamiga ah oo la kicinayo, ka dibna caruurta laga horgaynayo. Ujeedooyinka shareecada waxaa ka mid ah in dadka muslimiinta ah loo riixo dhanka badbaadada, lagana ilaaliyo in ay shaydaan iyo gaalo maciin bidaan, lana badiyo fursadaha ay ku ilaashan karaan xoogaaga ay ka fahamsan yihiin diinta, waayo, maslaxadda diinta, dacwada, dadka iyo dalku kuma jirto in cadowga loo sameeyo taageerayaal. Marka, colka maa lagu dayo in dadka laga soo reebo oo aan loo tuurin, lana joojiyo quusashada iyo gaalaysiinta layska gamayo, lana ogaado in aan guul lagu gaarayn gumaadka dad muslimiin ah, qof masjid ka soo baxay oo gaal ahna waa wax kafiirsi u baahan, oo tilmaamaya inuu jiro is-maan-dhaaf weyn, mase waxaa lagu tillaabsaday diintii ciriiriga ahayd oo booska looga waayay Cumar ibni khaddaab, Cusmaan ibni Cafaan iyo Cali ibni abii daalib, mase xumida u baahan in la cirib tiro ayaa ku soo hartay masaajidda iyo hareerahooda. waxaa xusid mudan oraahdii culimada: qof laga shakisan yahay islaam-nimo waa loo sugi karaa, laakiin loogama saari karo. Waxaa jira jaah wareer badan, iyo su’aalo isasootaraya oo oranaya: maxaa socda? Yaase wada? waayo wadanku wuxuu noqday bahalo-galeen ay gacmo badan ka adeeganayaan, si sumcadda looga dilo islaamka, marka, colka maa lagu dayo in wixii lillaahi wataa dhan isu raacaan, bareerahoodana dhiibtaan, waxa ay mas’uulka ka yihiina caddaystaan, wax aan ceeb lahayna ay ku midoobaan, si wixii laqdaba wada loo arko, waayo, Jihaadku ma galo xatooyo, xalaalna barqaa la qashaa. Muslimiintu waxay ku guulaystaan raaligalinta Ilaahay, waxayna ku xiran tahay ayadoo la raaco shareecadiisa, taasna waxaa xaqeeda leh oo xadidi kara culimada, marka, maa colka lagu dayo in Ilaahay loo soo noqdo, wax kastana lagu jaangooyo shareecada, ayadoo looga dambaynayo culimada, lana joojinayo gacan-dhaafka, si looga badbaado wadada uu tilmaamayo xadiiska oranaya: haddii arinka loo dhiibo dad aan mudnayn, saacaaddii qiyaame sug. W/Q: Sheikh. Bashiir Axmed Salaad
  24. Nairobi - The UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, has welcomed ongoing regional efforts to support the cooperation between the Transitional Federal Government and the Alliance for the Re-Liberation of Somalia in the framework of the Djibouti Agreement. He also welcomed the continued commitment of the Parties to making the Agreement work. “I am very pleased with the strong focus by the sub-region on work carried out by the Parties to strengthen the conditions for stability in Somalia,” he said. The Joint Security Committee, which comprises representatives from both sides, has been meeting in South Africa for the past week to discuss and plan for the next round of meetings. They were helped by experts from the international community under the auspices of my office, UNDP, and the conflict management organization ACCORD of South Africa. Mr Ould-Abdallah said the Joint Security Committee and the High Level Committee are planning to hold their third round of meetings in Djibouti on 25 and 26 October and he was hopeful of significant progress. The SRSG said he was grateful for the strong support and assistance the European Commission is providing to his office and to Somalia He also announced that the UN and World Bank were organizing an international donors conference under the auspices of his office to take place in early 2009 to raise resources for a one year recovery program in Somalia.. On 20 October, thanks to backing from the Swedish Government represented by Ms Gunilla Carlsson, Minister for International Development Co-operation, a preparatory meeting for this conference is being held in Stockholm. “I hope the conference will have a positive outcome which will help the Somali people to benefit from working towards peace,” said Mr Ould-Abdallah. “I recently visited the Somali refugees in Dadaab and they told me that their dearest wish is to return home to restart their lives. However the continuing violence means that instead, thousands are fleeing their homeland every month.” The SRSG called on all the leading Somali figures, elders, religious leaders, businessmen and women and major players in the Diaspora to take the responsibility for working to end the conflict and to bring all sides together to rebuild their country. “While they should support all peace efforts, especially those from the region, their focus must remain on lasting solutions,” he said.
  25. ^^lol@xaalna lagama rabo I am now almost swayed to try and convict DQ in absentia. But I can’t agree to the suggestion of releasing the man without a substantial fine, ya nunka! Don’t get me wrong! It’s not his punishment that I am after. What we (Ducaysane and I) seek is the revenue, however meager, such substantial fine could generate. Without it, we don’t consider this gar complete. Some one must pay the bills of gathering ragga culus ee meesha laysigu keenay! It would be a bad, and terrible precedent if we do that. Ma isku ciyaaraynaa adeer! Xaal waa la iska rabaa .