xiinfaniin

Nomads
  • Content Count

    14,528
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by xiinfaniin

  1. ^^Good to see the new youth in that community preventing old goons comeback.
  2. Adduunyo! Somalipride, so you are livid with the question mark? Adeer the question mark signifies doubt about the authenticity of this development. The shrewdness of this move, if it is indeed the case that Faroole appointed Cadde to serve in that capacity, is there for all to see. But the illogicality of your objection is what brought me back. Cadde and Faroole were political opponents. There difference was most pronounced in the area of exploration and development. Although it should not surprise that Faroole would seek the advise of Cadde as an elder and former leader, what is interesting is that area said counsel would serve as reported. We will see how it works out.
  3. ^^What are you protesting saaxiib? Perhaps you should look up what the word shrewd means.
  4. ^^No ya Ibitisam, you misundrestood jacaylbaro. Last the time you were there he was a goverment official. He didn't want you blow his cover
  5. Ibtisam, ninkaa iska jir. He worreis me a lot. Laakiin Jacaylbaro ka uu fiican, hundred tmes .
  6. Red Sea, maradii alshabaab ee madaxa uga xirneyd buu iska furay. Now he can see and hear.
  7. Is this an official post, or a mere political gesture? This , however, does not surprise me---his campaing manger becoming his cheif staff. But the retention of Cadde as an advisor is major.
  8. ^^Madoobe was given instructions to discard Jabbuuti Deal by Ethiopia. That was before Ethiopia itself was instructed to support Jabbuuti Deal. As soon teh second Memo reaches him, he will change his mind.
  9. Since you are prevy to the Gedo internal manueverings, tell us Horn if Barre Adam has any support within the Gedo folks. My assumption has been that community moved on, and warlords like Barre would not be able to mislead them again.
  10. Somali Political Rivals Agree on Path to Presidential Elections Bloomberg By Vernon Wessels Somalia’s transitional government and a rival Islamist group agreed to start the process that will lead to presidential elections this month. “The Transitional Federal Government and the Alliance for the Re-Liberation of Somalia have agreed to hold the elections for the president,” the African Union said in a statement today after a meeting in the Ethiopian capital, Addis Ababa. The process leading to a poll will take place in Djibouti from Jan. 20 to Jan. 26. Efforts are also under way to form an expanded parliament, which would elect the president and other state-officers, according to the AU, whose officials met representatives from the United Nations, Burundi, Uganda, Somalia and Ethiopia to review security after the withdrawal of Ethiopian troops. U.S.-backed Ethiopian soldiers invaded Somalia in December 2006, ousting the Islamic Courts Union, an Islamist alliance that had briefly controlled much of the country. Its attempt to reinstall the UN-backed transitional government in the capital, Mogadishu, was met with an insurgency by Islamist and clan-based militias. Abdullahi Yusuf Ahmed, president of the transitional government, resigned on Dec. 29 following a power struggle with Prime Minister Nur Hassan Hussein. The international community needs to “redouble” efforts to support peace-keeping soldiers and aid the political progress, the AU said. The 10,000-strong joint security forces “particularly” need “full logistical support,” it added. There had been a “significant threat reduction” in Somalia, especially in Mogadishu, the organization said. The meeting will again convene on Jan. 17 to include more international partners, the AU said, without giving further details.
  11. The selection of Jabbuuti, and not Baydhabo, as the venue for the election of the next president gives me hope.
  12. Cadde as an advisor? What a shrewd move. Faroole waa raggeedii
  13. Maamulka Kismayo oo ku baaqay dagaal Madaxa warfaafinta ee Maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay diyaargarow uu maamulkoodu ka waday qaybo ka tirsan Jubooyinka. Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in la dagaalami doonaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa uu wato Col. Barre Hiiraale ee ku sugan Gobolka Gedo, isagoo xusay ind shcabka Kismaayo ay heegan u yihiin inay dagaalamaan si ay u difaacdaan amaankooda. "Dadka ku dhaqan magalada Kismayo iyo kuwa Jubooyinka waxay wadeen maalmihii ugu dmabeeyay diyaargarow xoogan, si ay uga hortagan ciidamada Ethiopia iyo kuwa la socda ee Somalida ah" ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub. Mas'uulkan ka tirsan maamulka Kismayo wuxuu sheegay inay hayaan xogo ku aadan in la qorsheynayo dagalo lagu qaado Kismayo iyo qaybo ka tirsan Juboyinka, wuxuna carabka ku dhajiyay inay u diyaargaroobeen inay is difaacaan. "Gobolka Gedo waxaa ka socda diyaargarow looga horjeedo Barre iyo ciidamada uu wato, wuxuuna ku guuldareystay inuu dadka kasbado, iyadoo dad yar ay isugu soo baxeen goobihii uu hadalada ka jeediyay" ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub oo u muuqday inuu weerarayo Barre Hiiraale. Sheekh Xasan Yacquub, wuxuu sheegay in dagaalada ay wadayaan oo aysan jirin xili ay dhamaanayaan, isagoo sheegay in Ethiopia ay la dagaalami doonaan hadii ay dalka ka baxdo iyo hadii ay joogto. "Kuwa oranaya hadii Ethiopia ay baxdo yaan lala dagaalamin, waxaan u sheegaynaa inay ogaadaan in dagaladu ay socon doonaan ilaa saacatul qiyaamo, lagana doonayo inay ogaadaan in Ethiopia ay gumeysato dad Muslimiin ah" ayuu mar kale yiri Sheekh Xasan Yacquub. Mas'uulkan wuxuu sheegay in qofkii diida inuu jihaadka ka qaybqaato uu yahay ruux la iibsaday caqligiisa iyo diintiisa, waxaana la hilmaansiiyay buu yiri walaalahooda dhibaateysan. Waa markii ugu horeysay oo ay maamulka Kismaayo ka hadlaan gulufyo ciidan oo todobaadkii ugu dambeeyay ka socday Gobolka Gedo, iyadoo dadka Kismaayo ay si weyn ugu dhegtagayaan waxa xigi doona hanjabaadan.
  14. Sheekh Shariif oo ka digey Madaxweyne DF ee cusub Gudoomiyaha Isbahaysiga ARS-Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay DF inay doortaan Madaxweyne cusub, isagoo go'aankaas ku tilmaamay mid burburin kara heshiiskii Jabuuti. Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in isaga uu qabo in la dhaqangeliyo heshiiskii Jabuuti lana dhiso xukuumad sal-balaaran oo loo dhan yahay, wuxuuna sheegay in madaxweynayaashii horay loo doortay aysan waxba soo kordhin. "Dhankeena waan dhameystirnay xubnihii Barlamaanka ee nalooga baahnaa, waxaana diyaar u nahay in si wadajir ah loo shaqeeyo, lana xushmeeyo heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti" ayuu yiri Sheekh Shariif oo la hadlay warbaahinta. Gudoomiyaha Isbahaysigu wuxuu sheegay sheegay inuu ka digayo in la dhabarjabiyo heshiiskii Jabuuti, hadii uu burburana ay mas'uuliyad dhabarka u ridan doonto TFG. Xoghayaha wafaafinta ARS-Jabuuti Saleebaan Colaad Rooble oo isaguna shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa cambaareeyay go'aankii Sheekh Aadan Madoobe ee ahaa in doorashada Madaxweynaha Somalia ay ka dhacayso Baydhabo. "Beesha caalamka waxaan ku wargelinaynaa in xageena aysan ka jirin wax xayiraad ah, lana taageero qodobadii heshiiskii Jabuuti, inagoo aqoonsan go'aankii beesha caalamka ee ahaa in la isugu geeyo DF iyo ARS dalka Jabuuti, laguna dooto hogaan cusub" ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble. Sidoo kale Colaad, wuxuu sheegay in baarlamaanka iyo Aadan Madoobe uu ka codsanayo inay taageeraan dadaalada ay wado beesha caalamka, isla markaana aan laga dhinac furin ajande kale oo dhaawici kara heshiiskii Jabuuti. Mar la weydiiyay Saleebaan sababta ay uga qaybgeli la'yihiin doorashada ka dhacaysa Baydhabo, ayaa sheegay in heshiiskii Jabuuti uusan dhigay in ARS ay xildhibaano geeyso Baydhabo, balse uu qorshuhu ahaa in la isugu tago Jabuuti. "Gogoshu waxay taalaa Jabuuti, waxaana qorsheysan in halkaas ay DF iyo ARS isugu tagaan, ayna doortaan hogaanka baarlamaanka iyo kan dalka" ayuu yiri Saleebaan Colaad. Hadalka Sheekh Shariif iyo Saleebaan Colaad ayaa kusoo begmaya iyadoo Sheekh Aadan Madoobe uu kaga dhawaaqay Baydhabo in doorashada Madaxweynuhu ay dhacayso bishan, isla markaana uu magacaabay gudi doorasho.
  15. Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo dhamaadka bishan Dowlad-Midnimo-Qaran ku dhisaya Jibouti Axad, January 11, 2009(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa waxay ku heshiiyeen in ay doorasho dowlad loo dhan yahay ay ku qabtaan 20 ilaa 26 bishan Dalka Jibouti, waa sida lagu xusay war murtiyeed ka soo baxay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa. Warkan ayaa waxaa laga soo saaray kadib shir ay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ay ku yeesheen Mas’uuliyiin ka socday Dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo kuwa u diraya, dhinacyada Soomaalida, Qaramada Midoobay iyo Itoobiya oo madax ka ah Urur Goboleedka IGAD. Shirkaas ayaa waxaa dib loogu eegay xaaladda siyaaso iyo ammaan ee dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale hoosta loo xariiqay dadaallada socda ee ku aadan soo qaabeynta Baarlamaan loo dhan yahay oo loo sameeyo Soomaaliya, kaasi oo isna soo dooran doona madaxda dalka Soomaaliya, iyadoo markaasna la dhaqangelinayo heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti. Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay in la kordhiyo Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya, isla markaana lagu biiriyo Ciidamo kale oo ka socda Dalal ka tirsan Midowga Afrika, kuwaasi oo haatan laga filayo Dalalka Ghana, Nigeria, Burkina Faso iyo kuwo kale, iyadoo ka hor inta aan ciidamadaas loo dirin Soomaaliyana ay todobaadka soo socda soo gaari doonaan Geeska Afrika Wafdi ka socda Qaramada Midoobay. Dowladda Uganda ayaa waxay ahayd dowladdii ugu horeysay oo Ciidamo u dirta Soomaaliya, iyadoo dowladdii labaadna ay noqotay Dowladda Burundi, waxaana labadaas dal ka jooga Soomaaliya Ciidamo gaaraya 3,200 oo Askari. Soo qaabeynta Dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo oo baarlamaankeeda uu ka kooban yahay 550 Mudane ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo dhawaan uu xilka madaxweynenimada iska casilay madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, kaasi oo la rumeysan yahay in uu is-casilay kadib markii ay soo food-saareen culeysyo caalami ah. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  16. Shir lagu dooran doono Madaxweynaha Df 11 Jan 11, 2009 - 4:27:30 AM Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si wadajir ah u sheegay in doorashada madaxweynaha cusub ee TFG ay ka dhacayso dabayaaqada bishan dalka Jabuuti. Warbixin kasoo baxday xafiiska AU-da ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in Isbahaysiga ARS iyo DF ay ku heshiiyeen inay sameystaan dowlad midnimo Qaran, ayna doorashada Madaxweynaha cusub ee TFG-da ka dhacdo Jabuuti. "DF iyo ARS waxay heshiis buuxa ku gaareen in doorashada Madaxweynenimo ee Somalia ay ka dhacdo Jabuti [Jan, 20 - 26, 2009], si ay u doortaan madaxweyne badala C/llaahi Yuusuf oo is casilay" ayaa lagu yiri qoraalka AU-da. Shekh Aadan Madobe oo ah sii hayaha xilka Madaxweynenimo iyo gudoomiyaha Baalamaanka Somalia ayaa isaguna shalay [Jan 10, 2009] ka sheegay Baydhabo in doorashadu ay ka dhacayso Baydhabo dhamaadka bishan. "Doorashada Madaxweynaha cusub waxay ka dhacaysaa Baydhabo, waxayna ku dhacaysaa sida uu qabo Axdiga KMG ah, xildhibaanada oo dhan waxaan ugu baaqay inay yimaadaan Baydhabo" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo wariyeyaal la hadlay. Midowga Afrika ayaa ku sheegay warbixintiisa in DF iyo ARS ay baarlamaanka kordhinayaan ka hor inta aanay doorashadu dhicin, uuna baarlaman ka kooban 550-xubnood fadhigiisa ugu horeeya ku qaadan doono Jabuuti, kuna dooran doonaan Madaxweyne cusub. Shekh Aadan Madobe ayaa shegay in arajida musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha Somalia ay u soo gudbiyeen Yuusuf Cumar Azhari oo la-taliye u ahaa C/llaahi Yuusuf iyo Maxamed-deeq C/raxmaan Barqadle oo ka mid ah Somalida dibadaha ku nool, uuna u gudbin doono gudi doorasho oo dhawaan la magacaabayo. Xil. Max'ed Qanyare Afrax, Xil. Cali Maxamed Geeddi iyo Xil. Max'ed Max'ud Guuleed [Gacmodheere] ayaa iyaguna sheegay inay u sharaxan yihiin qabashada jagadan, balse ma jirto wax arjiyo ah oo ay gudbiyeen. Waxaa jira khilaafyuo ku aadan doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia oo u dhexeeya Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] oo ahaa laba mas'uul oo isku dhow.
  17. The TFG and ARS to Form a Unity Government Sunday, January 11, 2009 Mogadishu, Somalia (HOL) - Somalia’s Transitional Federal Government (TFG) and the Alliance for Re-liberation of Somalia (ARS) will form a unity government on January 20th to the 26th, according to a press release from the African Union headquarters in Addis Ababa. The press release comes after a meeting of the countries with peacekeeping forces in Somalia as well as countries expected to send peacekeepers, UN representatives and Ethiopia which currently heads IGAD. The discussion in the meeting included the current political and security situation in Somalia, current efforts to form a unity government, as well as the implementation of the Djibouti Accord. Participants in the meeting also discussed the planned expansion of AU peacekeepers in Somalia expected to come from Ghana, Nigeria, Burkina Faso and other countries. A fact finding mission from the UN is expected to visit the region and Somalia before the deployment of AU peacekeepers to Somalia. Currently, Uganda and Burundi have a combined peacekeeping force of 3,200 troops The new unity government will include an increase in the number of lawmakers in the interim Parliament from its current 275 members to 550 members as well as the election of an interim President after the resignation of the former interim President Mr. Abdullahi Yusuf recently.
  18. Ibtisam Illahow kheyr kusii wallee dhiig baa kugu jira.
  19. War tiray. OOdweyne noo soo galay haddana. Belo
  20. Puntland is not Norway. It's a clannish arrangement. With LA out of its column, and three relatives swapping it around, the perception of Fahiye's three bedroom dept is hard to dispute. With election of Faroole, that perception has been cemented. Lets pray, the massess are a bit tolarent.
  21. Muqdisho: Al- Shabaab oo qirtay in ay qaladaadyo badan galeen. 9. januar 2009 - APL Muqdisho(AllPuntland)- Ururka AL- Shabaab oo ka mid ah Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa qiray in ay galeen ayna qaateen talaabooyin qaldan, waxaana hadalkan kaga dhawaaqay Magaalada Buur-Hakaba qaar ka mid ah Madaxda Ururkaasi. Afhayeenka Ururkan Muqtaar Roobow Cali ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan qaladaadyo badan oo ay galeen Kooxdoodu, ayna markan wadaan sidii ay dib u eegilahaayeen waxna uga qaban lahaayeen. Afhayeenkan ayaa hadal ujeediyay dad badan oo iskugu soo baxay Magaaladaasi, oo aan waxba badan ka fogeyn Magaalada Xarunta u ah baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo, isagoo ay garab taagnaayeen rag Madaxyadu uqarsan yihiin. Muqtaar Roobow ayaa tibaaxay in ay Kooxdoodu gaartay hadafkoodii ay lahaayeen oo ahaa in ay ciidamada Itoobiya ka saaraan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna guul kama dambeys ah ku sifeeyey in ay awoodoodii joogto meesha ay horay ujoogtay. Roobow wuxuu shaaciyey in ay Maalin walba ku soo biiraan qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanada Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya qaar kamid ah oo hubkoodii wata ay ula yimaadeen oo ay soo dhaweeyeen. Al- Shabaab ayaa lugu tirayaa ururada ugu dagaalka badan ee gudaha Soomaaliya, ayna qaladaadyo badan ku galeen dagaalkaasi, waxaana lugu eedaynayaa oo ay ku eedeeyeen Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha in ay amaradooda ku diideen in Hay'adaha Samafalku ay caawiyaan dad badan oo ku sugan gudaha Soomaaliya oo ka cararay dagaalada ka socda guryahoodii oo kuyaala Magaalada Muqdisho. F. C. Geylan AllPuntland
  22. ^^Ninyahow sidaan ayyaamahan kuu jeclahay baadan ogeyn. Sidaad qoloda go'aysa ugu qaad-qaadayba waan ku rabay awoowe Haneefa, Aw Tusbaxle is a man of many talents. Ayyaamaaha aad buu u hanuunsanyahay, he even egages our beloved Sh. Nur citing aayada qur'aan ah iyo axaadiith Allow u siyaadi Waryee Paragon waa kusalaamay