xiinfaniin
Nomads-
Content Count
14,528 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by xiinfaniin
-
ONLF has no doubt achieved operational excellence. It is not easy for hundreds of armed men to slip undetected with their armory and logistics, traveling a distance of 150 km.
-
Qat-chewing Somaliland military officials Vs ONLF marines: An update
xiinfaniin replied to Abtigiis's topic in Politics
Libaahe is not Jacaylbaro we only take Jacaylbaro's reporting seriously -
Qat-chewing Somaliland military officials Vs ONLF marines: An update
xiinfaniin replied to Abtigiis's topic in Politics
^^Baabuurta milixda daabusha ayyaa la adeegsaday , waa sida General Taani sheegay'e, saasayna raggaani ku gudbeen oo qalabkoodii la cidgaleen -
Qat-chewing Somaliland military officials Vs ONLF marines: An update
xiinfaniin replied to Abtigiis's topic in Politics
Xukuumadda Somaliland oo faahfaahin dheeraad ah ka bixisay Kooxo hubaysan oo ku dhuumanaya galbeedka dalka Talaado, 14 September 2010, (HOL)- Taliyeyaasha ciidamada Milateriga iyo Booliska Somaliland Mr. Nuux Ismaaciil Taani iyo Cilmi Rooble Furreh (Kabaal), ayaa faahfaahin ka bixiyay inka badan laba boqol oo askar hubaysan ah oo ka soo degay xeebta gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland. Taliyeyaasha oo xalay fiidkii warbaahinta kula hadlay xarunta laanta Dambi-baadhista ee Hargeysa, waxay sheegeen in ciidankaasi ahaayeen ilaa 250 askari oo ka tirsan jabhadda ONLF oo lagu soo tabobaray dalka Eretria, waxayna soo bandhigeen hub iyo cadaymo ay ciidankaasi ay kaga tageen tuulada Cabdiqaadir oo ka tirsan gobolka Awdal, ka dib markii ay ka soo degeen goobta gobolkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaar k amid ah Lacagta dalka Ereteriya laga isticmaalo, Waraaqo caddaynaya halka ay u socdeen iyo hawl-gallada ay doonayeen inay fuliyaan iyo caddaymo kale. “Meesha u dhexaysa Lughaya iyo Saylac taariikhdu markay ahayd 10-kii bisha waxa ka soo degay ciidan lagu qiyaasay ilaa 250 ilaa 300, saddex baabuur oo kuwa 19-ka loo yaqaan ah ayaa loo geeyey si qarsoodi ah, way soo qaadeen oo meel Jidhi la yidhaahdo ayey soo gaadheen, baabuurtuna qaar la garanayo oo kuwi Milixda soo guri jirtay ayay ahayd. Nimankii kaantaroolka joogay waxa lagu yidhi Milixdii ayuun baanu sidnaa, dadkuna hoosta ayey fadhiyeen, maadaama ay baabuurta garanayeen way aamineen, waa la soo daayay, dabadeedna meel u dhaw Jidhi lafteeda ayey ku rogeen hubkii ay siteen,” sidaa waxa yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Col. Cilmi-Kabaal oo ugu horayn shirkaa jaraa’id ka hadlay. Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxay markii dambe galeen buurta Maarmaar la yidhaahdo oo Cabdiqaadir ka soo horjeeda, hawlgalkiina wuu socdaa, hubkii laga soo qabtay waa kan, lacagtii laga helayna rafka ayaa la yidhaahdaa, qaarna Axmaari ayey ku qoran tahay qaarna Soomaali tababarkii ay Itoobiya ay ku wada qaadanayeen iyo afafkii ay ku qaadanayeen ayaa ku wada qoran (waraaqo uu soo bandhigay), taasina waxay ku tusaysaa inay Eretria ka yimaadeen, nimankaasina ay ahaayeen cadow ku socda Itoobiya, inagana waa inoo cadow, maadaama ay dalkeenii ka soo degeen waxba inoomay dhigan.” Taliyaha Boolisku waxa uu sheegay inay gacanta ku hayaan laba baabuur oo ka mid ah saddexda gaadhi ee ciidankaas oo xeebta Doonyo keeneen soo qaaday, isla markaana ay sharciga marin doonaan. “Gacantayada ayey ku jiraan oo waanu haynaa iyaga iyo dirawaladiiba, si sharciga waafaqsan baana loo ciqaabi doonaa,” ayuu raaciyay Mr. Kabaal. Taliyaha Ciidanka Qaranka Col. Nuux Ismaaciil Taani oo isna ka hadlay shirkaa jaraa’id, waxa uu sheegay in aanay awood ahaan ****oli karin ilaalinta xeebta dheer ee Somaliland. “Ma wada ****oli karno xeebteena dhererkeeda, markaa meel ayey soo eegteen oo ay yimaadaan, ka dibna halkaas ayey habeenimadii 11-kii bisha ka soo ambabaxeen. Sida aad ogtihiinba Somaliland way cadaw badan tahay, tani waa mid ka mid ah tabaha Somaliland lagula dagaalamayo, kuwa horena way na soo mareen, qaar dambena waanu filaynaa mid kasta waxaynu kaga gudubnay si guul ah oo wanaagsan. Nimankaasi meesha la yidhaahdo Cabdiqaadir ayey ku nasteen waa halka hubkan laga helay oo ay kaga yaaceen, waxay galeen buurta Maarmaar la yidhaahdo, marka ay xadka joogaan Itoobiyaanku way ogaayeen inaanu xidhiidh ka wada yeelano, Itoobiyaanka lagama maarmaan ayey noqotay,” ayuu yidhi Taliyaha Milateriga Somaliland. Waxa uu sheegay in hore ciidanka ONLF shaqsiyaad kooban ahaan ugu soo geli jireen Somaliland, balse aanay dhacdadan oo kale hore u soo marin. “Hore waxa u jiri jirtay afar-far ayey u soo gali jireen wadanka halkan Hargaysaba waynu ku qabanaa. laakiin ciidan sidaa u hubaysan oo 250 ah hore inoomuu soo marin,” ayuu raaciyay. Wuxuuna intaa ku daray, in Ciidanka Itoobiya xidheen xuduudka dalkooda, isla markaana Somaliland xidhay xuduudka, ciidan xooganina ka baxeen dhinaca magaalada Hargeysa. “Waxaanu amar ku haysanaa muddo laba cisho ah inaanu hawshaa ku soo gabagabayno ilaa laba nin-na waa hayaa,” ayuu yidhi Taliyuhu. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online -
Qat-chewing Somaliland military officials Vs ONLF marines: An update
xiinfaniin replied to Abtigiis's topic in Politics
@Aw Tusbaxle war ninyahow, kaftanka kadaa oo noo warran. maxaa meesha dhacay? -
sidaan malaynayey bay noqotay xaajigu waa mahadsanyahay
-
Waranle = Coloow nacab iyo na-ca-s lagama gar helo
-
LOL mr somali muxuu yiri? ciidanka baddaa heehaaba weeye
-
...on a deeper thought, and beyond the rabble-rousing speech of the old man in the audio, one can clearly see the Federalism formula’s failings and problems it will pose if not implemented in a careful manner… xay nagu darsadeen, garoonka iyo dekeda unukaa lehe , is an unassailable argument if you are for each for its own political prescription
-
awoowe bishii ramadan maalin agoon ah baa ka hartay, xafladii lagu sakootin lahaa baan qabanqaabadeeda ku jirnaa, marka saasaa warkaygu waayadan duco ugu batay waxaan runta ka fogeyn in soomaaliya maanta loo yaabay oo cid ur u bixisa aan lahayn, shariif iyo rashiid na ay fashil ku suganyihiin oo dawladnimadii ka bashiishtay, wax ninweyni taageero meesha kama muuqdaan
-
haddaad eedaynta loo jeediyey sii akhriso,waxaa lagu haystaa danbi saxaafadeed maaha ee waa taageero 'argagixiso'... yaa ka danbeeyey = PIS
-
Ina Godane wax bi'i isma lahayne'e siday ka noqotay, marka ruuxa ay xammaasadi dhex marto, oo ficil iyo rag iska celi uu jajuub u galo wuxuu kusoo baxaa sida Ina Godane, Mukhtaar Roobow iyo ragga la jaalka kusoo baxeen: rag fitnaysan oo badweyn dhiig ah dhex dabaalanayya celceliska intii warlordsku dileen inku dhow maanta waa dilaan iyagoo magac islaam huwan, oo weliba bil barakaysan oo dadku ilaahood u afxiranyihiin lagu jiro ayey ku baaqeen dagaallo muslim badan oon waxba galabsan ku hoobtay welina ku hoobanayo allow hanuuni, waad awoodaaye'e
-
looooool@W/Qore: Wariye ka tirsan Bahda Wariyeyaasha Radio Garowe
-
this is a classic abuse of power Interveiwing Atom should never be a crime