xiinfaniin
Nomads-
Content Count
14,528 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by xiinfaniin
-
Challenges to America's Counterterrorism Strategy in Somalia
xiinfaniin replied to Dabrow's topic in Politics
This is freshly brewed narrative of what otherwise is a well understood constitutional conflict. Majority of Jubbaland communities are united. NO denying there are warlords in the city but so they are in Mogadishu. Whoever takes arms against the new administration will be dealt with. Barre Hiiraale's one time stunt VOA interview does not constitute a power contest war intaa fahma , qoor iyo xero e -
Challenges to America's Counterterrorism Strategy in Somalia
xiinfaniin replied to Dabrow's topic in Politics
Kenya and Ethiopia, both of which border Jubbaland, have backed two rival candidates That says it all ---this is poorly written , thin on facts article -
Jubbaland: AMISOM Intercepted Mogadishu Weapons to Kismayo at Afgooye
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
Hub la helay oo la raadraacayo Kn:Ciidamada AMISON ee ku sugan magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa gacanta ku dhigay gaari ay ka buuxaan saanad iyo hub noocyo kala duwan. Gaarigu wuxuu ka soo baxay Caasimadda Xamar, waxaana hubanti la’aan ay ka jirtaa cidda uu ka socday iyo halka uu ku waajahnaa. Ciidamada AMISON ayaa wada baaritaano amuurahaasi la xariira, laakiin sargaal u hadlay maamulka Kismaayo wuxuu dawladda ku eedeeyay, gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha inuu hubkan u soo diray si nabad galiyada Kismaayo loo khalkhal galiyo. KismaayoNews oo xiriirro kala duwan samaysay ayaa loo xaqiijiyay jiritaanka Hubka ay gacanta ku dhigeen ciidamada AMISON, xili uu baabuur uu ku rarnaa maraayay mid kamid ah kantaroolada magaalada, waxaana la sheegay inuu gaarigu u sii jeeday dhanka magaalada Shalaanbood. Dawladda oo horay loogu eedeeyay amaan darrida Kismaayo, gaar ahaan shaqaaqooyinkii ugu danbeeyay, ayaa waxaa hadana soo baxaaya arimo kale oo khatar ku ah sumcadda iyo jiritaanka dawladda, waa hadii ay lug ku yeelato hubka lagu qabtay Afgooye, taasi oo su’aalo culus ay ka soo bixi karaan, maadaama gaadiidka uu sii dhex mari lahaa dhul ay gacanta ku hayaan Alshabaab, waaba hadii uu Kismaayo ku socday. Dawladda Federaalka ayaan ilaa hadda ka soo saarin wax war ah, hubka gacanta lagu dhigay iyo waliba eedaymaha ay u soo jeediyeen saraakiisha maamulka Kismaayo. -
Puntlanders cuts somalia's flag in pieces in Garoowe
xiinfaniin replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
:D ok Canbuulo & bun ---you have my sympathy -
Puntlanders cuts somalia's flag in pieces in Garoowe
xiinfaniin replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
They shredded Hassan Sheekh's pictures , not Somali flags. Puntlanders take special pride in the fact that one of their sons designed the blue flag, so stop the poor propaganda waryaa -
Sheikh Ahmed Madoobe: grab the moment of greatness beckoning!
xiinfaniin replied to Abtigiis's topic in Politics
gooni, Garoowe dawrkeedu waa bari-taar, Kismaayo nabadgelyadeedu waa sugan tahay , ciidama uma baahna. Wadaada SNM ah oo gabdha meheriya ma maqal. Haddayse kasoo harto, cilladu maaha inaysan usc wadaada wax meheriya lahayn, cilladu waa adiga shardiyey meelaysan joogin inay gabdhaha ka meheriyaan . Waxaad na leedahay gabadhii Kismaayo ahayd haddaan wadaad usc ahi igu meherin la aqal gelimayo, maalin dhaweydna dumar mashxaradayey oo arooskaaga u dabaal degayey waxaa la sheegay inaad kala cayrisay oo tiri: meherkii weli ma dhicin -
Qabtii 3aad. Iyadoo Saleebaan meelkastuu tagaba farsama xumadii wiilkii yaraa ee uu dhalay ku dhacday ay daba socoto, oo dadku aysan xantiisa afka ka qaadin, tallaaba dheerana tuhun naf la yahay oo shakisan yahay, ayaa Ugaaskii cusbaa gabadh markii la boqray lagu xiray uur u yeelatay. Ilaahay amarki Saleebaan oo safar gaaban dhulkii ku yimid, iyo waxa alle isku beegay gabadhii oo fool ah , Ugaaskuna duub cad inta xirtay ilaahay wiil ka baryayo. Gabadhii fooshu waa ku dheeraatay, umulosooyinkii oo dhanna waxay xeelad yiqiineen waa ku dayeen, inay ilmuhu kafka dhaafaan bay diiday. Ugaaskii cusbaa duub cad iyo tuxbax reer Saleebaan lagu yiqiin buu sitaa , wuxuu ku gaaf wareegayaa aqalku gabadhu ku foolanayso. Gabadhii cillada ugu weyni waxayba noqotay inay gudaheeda qarsatto. Xagga iyo xagga laga maray oo quus buu ku dhamaaday dadaal kasta oo laysku dayey inay ogolaato in ilmaha laga dhaliyo. Saleebaan warku waa soo gaaray, inkastoo dadkii u sheegay aysan garan markii laakiin asagu gabadha si fiican buu u gartay. Goor quus la yahay inay isku dhimato laga cabsi qabo, aqalkana ay tuban yihiin ehelkii gabadha oo xatta rag aabaheed , walaalaheed iyo abitiyadeed ku jiraan ka buuxaan, kuligoodna ay ka quusteen inay gabadha ka dhaadhiciyaan inay guda qarsiga joojiso oo ogolaato in ilmaha laga dhaliyo, ayaa Saleebaan bareer usoo dhaqaaqay. Ugaaskii oo welwel badani hayo oo geed halkeer ah duub cad , kuma leexani aqalkii gabadhu ku umulaysay buu soo beegsatay. Markii lays bariidiyey, xogtiina la siiyey buu yiri bal aan anigu gabadha la hadlo. Xal baa la mooday oo la fasaxyey, gabadhii markay codkiisa maqashay is furfurtay, dabadeedna waxyar ka dib wiil bay dhashay. Saleebaan horuu ka dhaqaaqay , Ugaaskii cusbaana shakigii uu awalba Saleebaan ka qabay cuqdad baa ugu darsoontay. Dadkuse nin karaama leh , gabadhuna ogoshahay bay u qaateen. Sancooyinka Saleebaan inay badan yihiin la ogaa
-
Jubbaland: AMISOM Intercepted Mogadishu Weapons to Kismayo at Afgooye
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
The AMISOM troops are doing their job of securing Mogadishu and its environs while Mogadishu based anarchist groups are busy doing what they always do best ; cause mischief and fight governance EDIT: Oba hilowle would be very proud of the merchants who sent the weapons to Kismayo, but the pressing question is what would Malistar2012 think of this? -
At Xudun (Hudun), Somaliland Accepts Khatumo Reality
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
This kills of kitchen table tales of Xaji Xunjuf and Saalax, namely it proves for all to see that Xudun is a Khatumo controlled territory . This leaves Lascanod, Ceerigaabo, and some districts in Caynabo to be outside of Khaatumo control -
At Xudun (Hudun), Somaliland Accepts Khatumo Reality
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
-
Maamullada Somaliland iyo Khaatumo State oo la kala Wareegay Maxaabiis iyo Gaadiid ay Muddo kala haysteen (SAWIRRO) Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) —Maxaabiis iyo gaadiid muddo dheer ay kala haysteen maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa makhribnimadii shalay oo Isniin ahayd lagula kala wareegay duleedka degmada Xuddun ee gobolka Sool. Lix maxbuus iyo gaari kuwa iska-rogaha ah oo maamulka Somaliland ay ku qabsadeen dagaal ay la galeen maamulka Khaatumo 22/Jan/2013 ayaa odayaal ka yimi dhinaca magaalada Burco soo gaarsiiyeen magaalada Xuddun halka odayaal ka yimid dhinaca maamulka Khaatumana ay keeneen laba gaari oo nooca xamuulka qaada ah iyo sadex nin. Kala wareegidda labada dhinaca ayaa loo diiday inay saxaafadu goobjoog ka ahaato oo ay sawirro ka qaataan maxaabiista, balse waxaa jiray wadahadal muddo dheer qaatay oo labada dhinac ay ku muran sanaayeen gaadiidka lala kala wareegaayay oo aan dhameyn. Oday ka mid ahaa kuwa deeganka Xuddun, Muuse Xasan oo goobta joogy ayaa sheegay inay laba gaari ku maqan yihiin dhinaca Somaliland halka dhinaca maamulka Khaatumana hal gaari aan goobta la keenin. Makhribkii shalay ayaa labada dhinaca u kala boqooleen deegaanadii ay ka yimaadeen, wararka saxaafadda soo gaaraya ayaa sheegaya inay labada dhinac heshiiyeen, balse waxaa jirta in odayaashii ka socdey Somaliland ay ka tageen gaari, taasoo muujinaysa inay weli tabasho jirto. Dadka taabacsan maamulka Khaatumo ayaa laga soo bilaabo bishii koowaad ee sanadka ugaadhsi xoogan ku hayay gaadiidka isaga gooshaya Waqooyi Soomaaliya iyo marsada Boosaaso, kuwaasoo cudurdaar uga dhigaya dagaal labada maamul dhex-maray inay dad rayid ah iyo gaadiid uga kaxaysteen tuulada Gorofley oo 20-km bari kaga beegan Xuddun. Waa markii ugu horeysey ee labada maamul Somaliland iyo Khaatumo wax is dhaafsadaan, waxaadse moodaa in labad dhinacba ay doonayeen in si hoose loo dhameeyo arrinta, taasoo ay muujinayso qaabka ay maxaabiista iyo gaadiidka ula kala wareegeen odayaal ka socday labada dhinac. Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online seynab@hiiraan.com Laascaanood, Gobolka Sool
-
Seeraar oo sheegay in hub la qabtay loo waday Kismayo Afhayeenka maamulka Jubaland Cabdinaasir Seeraar ayaa warbaahinta u sheegay in Kantaroolka Afgoye lagu qabtay hub DF Muqdisho ka soo dhiibtay kaasi oo loo waday magaalada Kismayo. Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan jihada uu ka yimid ,halka loo waday iyo cida loo soo dhibay intaba. Seeraar ayaa yiri''Waxaanu horey u sheegnay ayaa dhab noqotay ,gaari xamuul ah ayaa la qabtay oo hub Kismayo loo soo waday saarnaa si loola dagaalamo Jubaland iyo shacabkeeda''. Xaalada magaalada Kismayo ayaa degan ,waxana horey Seeraar uu ku tilmaamay dagaalkii ka dhacay halkaasi Shirqool qorshihiisa laga soo abaabulay Muqdisho. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hubkan qayb ka yahay taakulo militeri oo Masar ugu deeqday Somalia ,waxana muuqata hadii ay rumawdo in Misdaaqiyadii DF meesha ka baxayso iyadoo dib su'aal la isku waydiinayo sababtii xayiraada hubka looga qaaday dalka?. ''Waa wax lagu farxo ,Ilaah mahadiis ayaa lagu fashiliyay ,Al-shabaab iyo Xasan Shiikh waxay ka midaysanyihiin fashilinta jiritaanka Jubaland''ayuu raaciyay. DF Somalia ayaan ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin hubkan la qabtay ,xili uu dib ugu noqday wasiirka gaashaandhigu Muqdisho ka dib markii ku soo hungoobay socdaalkiisi wakhtiga badan qaatay magaalada Kismayo. Cabdixakiin Xaaji Fiqi ayaa lagu tiriyaa inuu maamulayay dagaalkii ka qarxay Kismayo ,waxana hotelka uu magaalada ka degenaa dibadiisa isi soo tumay dadweyne dalbanayay inuu iskaga tago magaalada. Wasiirka arrimaha gudaha DF Cabdikariin Xasan Guuleed oo indhoweyd bogiisa Twitter-ka ku hawlanaa arrimaha Kismayo ayaa yiri ''Markani, waa inaan meel cad iska taagnaa Kooxda Raaskambooni, ama waa iney hubka dhigaan ama waxan u arkeynaa Nabad diid.. go'aan ha gaareen''. Hadalka ayaa muujinaya sida ay u sii kala fogaanayaan labada dhinac xili Puntland shaacisay inay diyaar u tahay dhexdhexaadinta labada dhinac iyo isku soo dhoweyn dhinaca afkaarta ah. Madaxda DF iyo Jubaland ayaa ku kala aragti duwan dhismaha maamulkan iyo qaabka loo maray ,waxana DF markasta ku adkeysanaysaa in laga baxay xiligii KMG ahaa dalkuna dowladda dhamaystiran yeeshay oo loo baahanyahay in hawl kasta ay qayb ka noqoto. GAROWE ONLINE
-
Wallaahi , this is not an exaggerated cartoon. It is a beautiful depiction of a man who lacks perspective
-
Jubbaland President Meets with Nickolas Kay of UN
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
LOL@ Waa fadaree! Najjaasuu rimanyahay, and I say it with a marked reservation. Awoowe ninkani waa nin buul caaro ku nool, mardhow xargaha caarada dabayshu marin oo isaga sidii shalay xabeebsan si quman u hadlin , ee dastuurka halagu mintido un -
Jubbaland President Meets with Nickolas Kay of UN
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
^^Abtigiis, hala kala tago maadan oran, ee waxaad tiri Hassan reingineering ha sameeyo oo dastuurkii dib ha ugu noqdo a big NO NO awoowe EDIT: you are right the next four years if he does not follow the intent of the provincial constitution will be a zero progress particularly for Benaadir politics . Jubbaland, Puntland, & Somaliland can and should still move forward with bottom up governance provided the neighborhood and geopolitics remain conducive -
Jubbaland President Meets with Nickolas Kay of UN
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
NGONGE;960949 wrote: Offside baad ku jirta warya. If it is as you say, then that "one clan" is in the wrong and does not understand what politics is. The whole point of politics is about ensuring that your interpretation of events prevails over the interpretation of others. In the case of Somalia, all sides agreed on the roadmap and the deals of Garowe I & II. The rules were put in place even when ALL sides fully knew that sooner or later someone was going to throw a spanner in the works (that someone being the smiling Hassan, today). Still, to sulk and choose to take your ball home just because Hassan's stubbornness seems to have halted the Jubbaland process is shameless conduct and is against the rules you signed up to (i.e. OFFSIDE). Of course, Jubbaland & PL can choose to "take their ball home" but that would still leave us with the twenty-two year old question of, what should be done with Somalia? Another roadmap? Another TNG/TFG? What? War play the game and stop this nihilist nonesense. NGONGE waa laacib ---the slip of our professor is quite obvious . Xaluuse gabar reer dhanaan ah teleefoon kula hadlo , maanta wabxa laga qori maayo -
^^NGONGE, To say Kismayo issues lacked any updates is unexplainable given the amount of posts dedicated the events in Jubbaland. NORF's craze on Kismayo could not be explained by a lack of updates The Baaso guy has been made example of what awaits for VOA presidents if they ever act on mere interviews
-
Jubbaland President Meets with Nickolas Kay of UN
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
Abtigiis, The provincial constitution is important in moving the country forward--particularly constitution's intent and spirit is crucial. Federal States based on two or more regions of the last legitimate government (Mohamed Siyaad AUN) mus the basis for the rebirth of a unified, federal, and democratic Somalia. That is a crucial understanding ...it is why many capable political entities did not participate in Mogadishu's election. They made sure they had a safeguard in the constitution that supports that understanding. For the next four years, President Hassan will either show a keen respect on that understanding or he will face and be consumed a political stalemate which no Nickolas Kay will help him to resolve -
Jubbaland President Meets with Nickolas Kay of UN
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
^^Of course the whole region and the IC are unhappy about Mogadishu's laser like focus on a city that is safe and secure , and under 'reasonable' administration . Listen to Hassan's speech yesterday, and you could feel that man has collapsed under his weight -
lol@A.J.C.L Apo, awoowe NORF maqaayadaha waalay. Mid reer waqooyi ah oo sidaa NORF u wareeray anaa Minneapolis ku arkay, cabbaar bay igu qaadatay inaan wax ka dhaadhiciyo ---'Dee waa haye' asagoo leh buu iga tegay
-
Sheikh Ahmed Madoobe: grab the moment of greatness beckoning!
xiinfaniin replied to Abtigiis's topic in Politics
Muxuu yiri gooni :D? Gooni, adiga gabadhi Kismayo ahayd intaad wadaad kugu meheriya Xamar ka sugaysid yaan waqti kaa dhumin Zack baa kugu meheriyey , xiinfaniin na shuhuudu ku jiraaye, gabadhii iyadoo timo carfoon waataa Calanley kugu sugeysee orodoo la aqal gal. Ama sidaadii inta dhaar xuna martid waxaad tiraahdaa, wadaad USC ah ilaa u meheriyo wallaysan igu xirmayn Kaftan ka dib, Abtigiis waa isla haynaa, waa ila fahamsanyahay waxaan ka hadlayo --Baqdinta Hassan Sheekh xal uma hayno, Kismayo iyo Puntland waa miro gunti ku jira, kuwa geed saaran (waa dawladnimo Xamar ka dhalatee) looma baylihin karo. Ogowna dadka dicaayada raqiiska ah iyo sheekooyinka nimanka go'ayaa Ilma Yalaxow u sheegaan ka baqa kuma jirno ... edit: The Finger-Pointer man in Kismayo waa galayrkii ayeyday xusi jirtay , allow daa -
NORF's resolve to persistently demand Kismayo updates is quite peculiar Perhaps he now realizes the clear anomalies in his previous assumptions.
-
Axmed Madoobe iyo Nickolas kay oo Nairobi ku kulmay June 11, 2013 Wakiilka Qarmada Midoobay u qaabilsan Somalia Nickolas Kay ayaa maalintii shalay ahayd la kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.Si rasmi ah looma oga waxyabihii kulanka lagu soo qaaday iyo natiijadii kulanka balse waxaa la hubaa in kulanku uu ku saabsanaa xal uhelida khilaafka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo dowlad goboleedka Jubbaland. Ergayga khaaska ah ee Qaramada Midoobay oo xalinta arinta Jubbaland darteed Nairobi ujooga ayaa wareysi uu siiyay Aljazeera ku sheegay in waxa la isku hayo uu yahay fasiraada qodobka Federaalka ee Dastuurka DFS isagoo dhanka kale soo jeediyay in maamulka Kismaayo loo daayo in arimahooda si nabad ah kusii wataan inta laga xalinayo arimaha federaalka ee Somalia. Hadalka maanta kasoo yeedhay ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay ee Somalia Nickolas Kay ayaa meesha ka saaraya in arinta Kismaayo ama Jubbaland ay tahay arin ku salaysan khilaaf beeleed oo ah sida ay u muujiyaan madaxda DFS balse taas bil cagsigeed ay tahay arin la xidhiidha fahanka qodobka federaalka ee Dastuurka DFS.
-
MoonLight1;960775 wrote: What about this?? This woman works for Mahiga, she travels with him...she is like personal secretary for the man. I am not sure she is married to him though.
-
Popular Contributors