xiinfaniin

Nomads
  • Content Count

    14,528
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by xiinfaniin

  1. Warmurtiyeed kasoo baxay Shir ka dhacay Gaalkacyo oo looga hadlay Meel-Marinta Heshiiska Roadmap-ka Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Shirkii wadatashiga saxiixayaasha Soomaaliyeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa shalay oo bishu ay ahayd 26-ka Maarso, 2012 lagu qabtay magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Shirka waxaa marti-galiyey dowlada Puntland waxaana fududeeyay xafiiska ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabislan arimaha Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay saxiixayaashii geeddi-socodka dhameystirka xilliga kala-guurka ah ee Soomaaliya oo ka kala socday: dowladda KMG, Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca iyo danjire Augustine Mahiga. Qodobbadii shirkaas kasoo baxay ayaa waxay kala ahaayeen: 1. In la dardar-galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi-socodka iyo mabaa'diida Garoowe kow iyo Garoowe laba . 2. In la dedejiyo xulushada xubnaha ka mid noqonaya golaha ansaxinta dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go'aamada Garoowe kow iyo laba, waxaana la isla gartay in loosoo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyay. 3. Tirada golaha ansaxinta dastuurka oo lagu go'aamiyay shirkii Garoowe laba oo ahayd 1000 qof, waxaa la isla gartay in laga dhigo 8,25-qof oo lagu qaybinayo habka 4.5 oo loo arkay wax qaybsi raad-raac hore leh. 4. Waxaa la isku raacay in madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu'maa'uddiinka, aqoonyahannada, dhallinyarada, haweenka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada. 5. Waxaa la isla gartay in 135-xubnood oo ka imaanaya madax-dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha shanaad oo 15-xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonaan xubnaha golaha ansaxinta dastuurka iyo xubnaha baarlamaanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17-xubnood oo lix xubnood ay ka imaanayaan hay'adaha dowladda federaalka Soomaaliya, saddex xubnood Puntland, saddex xubnood Galmudug, saddex xubnood Ahlu-sunna, lix xubnood oo federaal ah iyo laba xubnood oo ah xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNPOS iyo lix xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa'diida shirarkii Garoowe kow iyo laba. 6. Waxaa lagu heshiiyay in shirka ugu horreeya ee madax-dhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta dastuurka uu ka dhaco magaalada Muqdisho 25-ka Abriil ee sannadkan 2012. 7. Waxaa la isku raacay in masuu'liyadda iyo dhameystirka barnaamijka xilliga kala guurka ah iyo mabaadii'da Garowe kow iyo laba ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka "Roadmap-ka" oo ah cidda loola noqonayo wixii caqabad ah. 8. Waxaa la isku raacay fududeynta iyo tageerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xilliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka. 9. Wixii aan halkaan ku caddeyn waxaa loola noqanayaa "Roadmap-ka" iyo mabaadii'da Garowe kow iyo laba. Qodobbadan oo dhan waxaa saxiixay dhammaan xubnihii kasoo qayb-galey kulanka looga hadlayay meel-marinta xilliga kala guurka ah.
  2. Wasiirka Arrimaha Afrika ee Dalka Britain, Henry Bellingham oo Axaddii booqday Magaalada Muqdisho Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha afrika ee dalka Britain, Henry Bellingham ayaa Axaddii booqdey Muqdisho, kaddib markii ay hal bil kasoo wareegtay shirkii Soomaalida loo qabtay ee ka dhacay magaalada London. Mr. Bellingham ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu booqdo Muqdisho kaddib markii ay hal bil kasoo wareegatay shirkii London loogu qabtay Soomaalida, kaasoo uu soo qabanqaabiyay ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron. "Dowladda Ingiriisku waxaa weli ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan ka siiso dhisidda nabadda iyo deggenaanshaha dalkooda. Sidaa daraaddeed aad bay muhiim u tahay inaan aragno inuu horumar sameynayo geeddi-socodka dastuurka, gaar ahaan golaha ta’siisiga ah ee Qaranka (The National Constituent Assembly), si markaa ay ku-meel-gaarnimadu u dhammaan karto bisha Agoosto" ayuu Bellingham yiri. Wasiirka oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: "Waxaan dhammaan saxiixayaasha Roadmap-ka ku dhiirri-gelinayaa inay gacmaha is-qabsadaan oo la shaqeeyaan bulshada rayidka ah iyo hoggaamiye-dhaqameedyada si loo hubiyo in goluhu uu noqdo mid intii suuragal ah matalaya dadka oo dhan." Mr. Bellingham ayaa la kulmay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, danjire Augustine Mahiga, taliyaha ciidanka AMISOM Jen. Fred Mugisha, duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur, wakiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda DKMG, Cabdinuur Sheekh Ibraahim Rooble iyo wakiillo ka socda ururrada haweenka. Waa Wasiirkii British (Ingiriis) ah ee ugu horreeyey ee booqda Muqdisho tan iyo markii la qabtay shirkii London. Kulankii uu Bellingham la qaatay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Mahiga ayaa waxay uga hadleen baahida deg-degga ah ee loo qabo in horumar laga sameeyo geeddi-socodka siyaasadda si loo hubiyo in lagu socdo heshiiska KMG-da looga baxayo bisha Ogoosto ee sannadkan, isagoo ballanqaaday in dowladda UK ay arrintaa gacan ka geysan doono. Waxaa ay sidoo kale labada mas'uul kawada hadleen muhiimadda weyn ee ay leedahay in golaha ta’siisiga ee Qaranka (The National Constituent Assembly) uu sida ugu weyn ee suurogalka ah uu u ahaado mid ay u dhan yihiin oo matalayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed. Kaddib markii ay kulan la qaateen Mr. Bellingham goor hore oo Axaddii ah wakiillo ka socdey ururrada haweenka Soomaaliyeed iyagoo wixii ay kawada hadleen ku sheegay inay yihiin arrimo fududeyn kara in la xalliyo in maamulka siyaasadeed dowladda soo socota ee xigta midda hadda jirta. Mr. Bellingham wuxuu duqa Muqdisho ka dhegeystay horumarka laga sameynayo xasilinta magaalada iyo sida bulshada caalamku ay gacan uga geysan karto dadaallada socda. Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in Ingiriiska ay ku bixinayso £1.5 milyan oo giniga Ingiriiska ah 12-ka bilood ee soo socota mashaariicda natiijooyinka deg0degga ah si loogu horumariyo nabadda Muqdisho. Taliyaha AMISOM ayaa Mr. Bellingham warbixin kooban ka siiyay fasaxii uu qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey siiyay AMISOM iyo qorshayaashooda ku aaddan inay dibadda uga baxaan Muqdisho. "Waxaa sidoo kale doonayaa inaan fursaddan uga faa’iideysto in ammaan u jeediyo ciidamada AMISOM ee weli naftooda ku bixinaya sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo nabad ah. Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmay Jen. Mugisha si aan ugala hadlo muhiimadda uu leeyahay qaraarka cusub golaha ammaanka kaasoo waajibinaya taageero dheeri ah oo la siiyo ciidamada AMISOM ee tiradooda la kordhiyay," ayuu yiri wasiirka arrimaha Afrika ee Britain. Mr. Bellingham wuxuu sidoo kale dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid madaxweynihii hore, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dalka Imaraadka ku dhintay 23-kii bishii Maarso. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  3. Finally accepted the reality on the ground, eh ? Inaan xadka dhaafo looma baahna inta ujeedada Khatumo la gaarayo awoowe , Caku waxaan siyaasad aqoon
  4. Yes Diaspora , Jacayl. Once you stream line the financial organization , you have a chance to succeed in politics. And on the ground, Khatumo has Taleex, Boocame, Xudun,WidhWidh and Buuhoodle as base. Laascaano waa kulaalayaan, hadal maxaa looga qaadi
  5. NGONGE, Khatumo exceeded my expectation. It has become very potent political force in giving a clear direction to its base. I am really impressed with the organizational strength in the diaspora, and I know it will have a real effect on the ground where it matters the most.
  6. Jacaylbaro;810503 wrote: Not really ,,, But I can see the National Geographic did a wonderful job even in your mind I think Khatumo did a wonderful job in bringing you down where you belong so much so that xiinfaniin's inclusion of Buuhoodle and Laascanood in Somaliland is a consolation for your lot
  7. Jacaylbaro, I know what you mean; xiinfaniin recognized Somaliland in the above paragraph .
  8. ^^Horta Sayid maxaad isku tihiin? Sidaaduu hilmaan badanyahay
  9. Caku Sayid In NGONGE's world , Buuhoodle & Laascaanod are part of Somaliland indeed.
  10. I only noted your emotional nonsense about the only sign of war in Somaliland is in simple monuments and sculptures I know you hardly concede an argument, but this one is for the books awoowe
  11. ^^Che , at times you gotta listen to me. I spent a quite intellectual muscle to come up with the Macno Yare term for this Mintid guy
  12. Oo maxaa loo yiri Somaliland waa dimoqraadiyad oo garsoor madaxbanaan baa ka jira ? Sii daayaa Boqorka, oo weliba xaggaa Garoowe usoo dira
  13. NGONGE;810425 wrote: p.s. The plane does not work and the tank is only a sculpture, saaxib. They're a sign of progress and show that in SL, the only reminders/signs of war are now simple monuments and sculptures. Wax fahan. :D NGONGE got carried away with a sheer emotion. For in SL, signs of war are not simple monuments and sculptures. Wars are constant reality in the most prized areas such as Buuhoodle, and Laascanood . The bullets are indeed real. In Somaliland, the wounds of war are quite raw...
  14. peasant;810249 wrote: Ethiopia baan waxaan ku arki jiray dad ku tuugsada boogo iyo dhaawacyo jirka uga yaal. Dadka nocaas ah waxaa dhaqan u ah in ay xoqaan oo fiiqaan boogahaas iyo dhaawacyadaas ku yaal si aysan u bogsan oo ay mudo dheer ugu sii tuugsadaan. Tani waxba ma dhaanto arintaas. Xukuumadi Siyaad somali badan ayey wax yeelaysay balse cid taangiyo iyo diyaarado meel surta ma jiraan ee meesha sheeko kale ayaa laga dan leeyahay. Cuqdad ayaa la rabaa in la barbaariyo.. Fitting analogy, peasant. Cuqdad ayaa la rabaa in la barbaariyo, illeen ayaan dhaweyd baa ardaydii turkiga aadeen
  15. Waryaa, gooni, 2006kii baabay kaaga dhegantahay e Abwaan, awoowe Galkacyo waa Galkacyadeedii , Cabdullaahina reer Gaalkacyood waa ahaa, in garoonka loogu magacdarana xaq buu u leeyahay. Wax laga hadlaa oo kale meesha ma yaallaan. As for taariikhda hore iyo tii danbe, qolaa iigu dhaaratay Ceelasha biyaha 15 dabaq baa ka dhisan , anna xera qaxooti baan u haystay
  16. Waryaa Abwaan caruurta aad sheegaysid maad Somalina u deysay Internet portals cannot change the reality on the ground awoowe, and everybody knows that or at least should know that.
  17. ^Actually, if you know man's history his compromise with Aideed is the very foundation of peace Galkacyo rests today. So lets show some perspective, xaaji xunjuf
  18. Xaaji Xunjuf;809884 wrote: ^^ what about horseednet ^^classless if they published the same bogus news on the tale of the man's burial.
  19. NGONGE;809800 wrote: The man has no class. He should have let it be, it's only an airport after all. It is not the man, it is the Hiiraanonline news portal that has no class.
  20. http://www.puntlanddiaspora.org/component/content/article/7-press-release/47-tacsi-innaa-lilaahi-waa-innaa-ilayhi-raacijicuun-tacsi-tiiraanyo-leh-alla-yarxam-marxuum-madaxweyne-cabdullaahi-yusu-axmed.html
  21. Taken together, the increasing production and declining consumption have unexpectedly brought the United States markedly closer to a goal that has tantalized presidents since Richard Nixon: independence from foreign energy sources, a milestone that could reconfigure American foreign policy, the economy and more. In 2011, the country imported just 45 percent of the liquid fuels it used, down from a record high of 60 percent in 2005. http://www.nytimes.com/2012/03/23/business/energy-environment/inching-toward-energy-independence-in-america.html?_r=1&hp#
  22. http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/61213-SSC-and-Alshabab-Possible-LInks?highlight=Buuhoodle Time for Xaaji Xunjuf, Jacaylbaro and the rest of secessionist propagandists to do some soul searching....
  23. :D @ Ina Waraqle Yac waryaa! Prof. Abtigiis, the SOL online persona, is intentionally presented as the most misunderstood nomad on the fora. I usually defend him, but Blessed has a unique role in SOL. Professor Abtigis is a man we love, but Blessed is more dear. Kuwaan ka beec mushtaraya sheekadan, joojiya waryaaya