xiinfaniin

Nomads
  • Content Count

    14,528
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by xiinfaniin

  1. ^^xaaji xunjuf, meesha waxaa ka qaldan marduufkii xala kugu tegay
  2. The darwishs are on the offense now... Intee niri dagaal waa xunyee, nabad inoo daaya, Intee niri dal iinaan lahayn dawlad ku ahaadaa....
  3. Siilaanyo is in a quandary ; to stop the war he needs to state the obvious , which is Somaliland cannot and will not secede from Somalia. But to do that is almost a political suicide for he is a political leader of the triangle cult ... Khatumo will capture Lasanod, that is given, it is of matter time.
  4. Abtigiis, ialaahay shartooda hakaa xijaabo. take every precaution , relocate if you can.
  5. ^^Except, this time a serious engagement with TFG is required from the admin by the very powers that compelled them to attend the 'Somalia' Conference in London.
  6. Blessed, I am pretty sure you are not one those whom the value of unity unfortunately alludes. Here's some analysis as to why Siilaanyo did what he did, tying his politicking to not only the expected negotiations but also to the upcoming Istanbul conference where a lot of developmental $$ are stake provided certain political milestones and deliverables are met by Somali actors Siilaanyo included. =============================================================================================== Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu Al-baabka ka Saaray Maxamed Xaashi iyo Gaboose, Gondaha soo gashaday Rayaale iyo Cawil Madaxweyne Siilaanyo oo Daahir Rayaale ku qancinaya inuu noqdo Ergayga u qaabilsan wadahadalada iyo Cawil oo ku Lamaan. Kulankii Siilaanyo la yeeshay Rayaale iyo Cawil wuxuu madax jabin u yahay dareenka Gaboose iyo Maxamed Xaashi ka qabaan wadahadalada Somaliya Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa shalay kulan gaar ah Qasriga Madaxtooyadda kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wasiirkiisii Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale Cawil. Kulankan oo aan xog badan laga hayn ayaa tibaaxaha ka soo duulayaa if-tiiminayaan inay ujeedadiisu ku qotontay sidii wadahadalaada ay xukuumaddu ku feegan tahay ee ay la yeelanayso Somaliya loogu qancin lahaa inay Hormood ka noqdaan, si ay uga leexdaan mawqifka ay ku adag yihiin ee ah inaan wadahadalo Somaliya lala galin sidii uu Rayaale ka dhawaajiyay markii ay shirkii Ingiriiska tageen ee ay u kaxaysteen Axmed Yuusuf Yaasiin. Wali ma cada in uu Madaxwayne Rayaalaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ku qancay iyo inkale hase yeeshee sida ay wararku sheegayaan maadaama ay isku kaliyaysteen waxa loo bandhigay inay ahayd sidii uu u hogaamin lahaa ama uu u noqon lahaa Ergayga Somaliya u matalaya wadahadala Istanbuul. Talaabada Madaxweyne Siilaanyo kun kaliftay wakhtigan inuu Ciyaaro Siyaasadda ah in uu Rayaale iyo Cawil u yeedho ayaa lagu macnaynayaa inay ugu wacan tahay dhawr arrimood oo ay ka mid tahay ta koowaade inuu Rayaale noqdo Siyaasiga Kaliya ee wadahadaladaasi u matali doona Gobolada Awdal iyo Salal si aanay ugaga Iman Xukuumadda Siilaanyo mucaaradad adag oo diida shirkaasi. Sidoo kale Cawil waxa xiligan ku kalifay ayaa la hadal hayaa inay tahay in uu Madaxweyne Siilaanyo Beesha Galbeedka Burco ka waayay siyaasi ka soo bixi kara hawshaas oo uu xukuumaddiisa ka waayay nin leh ama buuxin kara Dublamaasiyada intaa leeg oo gaashaanka u daruuri kara beeshiisa. Dhinaca kale marka laga eegana maadaama ay xubnahani yihiin Mucaarad waxa uu u tusayaa Madaxweyne Siilaanyo raýul caamka in uu fursad u siiyo oo ay saaxadda lagu hagayo Siyaasadda Qaran ka qayb qaataan si aan looga dabahadal. Sidii dhacday oo kale safarkiisii hore ee Ingiriiska oo uu fursad tan oo kale ah ku Aamusiiyay Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Yuusuf Yaasiin taasoo u sahashay in ay dadweynuhu waayaan cid hagta oo tusta fikir ka duwan ka ay Xukuumaddau wadatay ee ah ka qayb galka Shirarka Somaliya oo ay labaatankii sano ee hore dab-cas ka bixin jireen marka la soo hadal qaado. Dhinaca kalena talaabada uu Siilaanyo ku soo xero galiyay ayay dad badani shalayba u tirjunteen inay tahay Fariin cad oo loo dirayay Eng: Maxamed Xaashi Cilmi wasiirkii Maaliyadda ee bedelay Cawil iyo Dr: Gaboose oo ah laba nin oo saaxiibo ah fikirka ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wadatana si cad uga hor yimi. Dadka fikirkaa qaba ee shalayba sidaas u arkay waxa ay markiiba ku xidhiidhiyeen hoos ka tuurkii Siyaasadeed ee Xukuumaddii Rayaale iyo Urur Siyaasadeedkii Qaran kuwaasoo maryo dhiig leh kala furtay iyo hadaladii ugu danbeeyay ee Maxamed Xaashi iyo gaboose oo mucaaradad toos ah ku ahaa Madaxweyne Siilaanyo Qorshihiisa iyo Lunsigii Hantida dadweynaha ee ku aadanaa Rayaale iyo Cawil wakhtigii ay xilka hayeen ee uu ka jeediyay xafladii uu Maxamed Xaashi xilka ku wareejinayay. Is daba waydaarashada ay Maxamed Xaashi, Gaboose iyo Rayaale iyo Cawil isku weydaarteen afaafka Qasriga Madaxtooyadda ayaa muujinaya sida aanay siyaasadu saaxiibtinmo u lahayn ee ay dan joogto ah u tahay. Taasna waxa ka turjumaya sida Madaxweyne Siilaanyo iskugu bedelay Odayaasha muddo laba sano gudahood ah. Si kasta ha ahaatee waxa laga war-sugayaa warka la isku siiyay Qasriga Madaxtooyadu sida uu u midho dhalo iyo sida uu Madaxweyne Siilaanyo mar kale Siyaasadiisa wadahadalada Somaliya ugu Isticmaalo Rayaale iyo Cawil, iyo sida ay Maxamed Xaashi iyo Gaboose iyo inta soo raacdaa u naqdin karaan.
  7. Insha Allaah, wa subxu (in a positive way) qariib ya majabe
  8. Mukulaalow;811205 wrote: Siilaanyo is clever man, he knows these talks will result on the re-unification, and he will always have someone to blame for it. Riyaale. Also, with the sure loss of H block as a result of the Khatumo formation and Buuhoodle wars, and with Siilaanyo's wish to present a unified SL as it was known in colonial times, this is the closest he can get to that deep wish of his. The reality however is much different...but in any case he is smart politician indeed.
  9. TFG will form a committee as well. This is a good start. Riyaale is our son, we shall never disown him.
  10. Some politicians may at the end look angry and bitter, but that does not matter to xiinfaniin , the union and its inevitability is what matters to us. Your lot will have to talk sense once and for all, and lay out their political grievances without isolating themselves and pretending to be something which even Zenawi knows they are not Faroole is NOT seceding , he has oil and a big region , so his relevancy is not in doubt. It is good stuff. I love it. Where is my pal Oodweyne, xaaji xunjuf waa muquuno
  11. xaaji xunjuf, reality is different than what you and your lot project on this online fora...
  12. Carafaat, The preservation of Somali Republic's union is a fait accompli , a secured scheme with the backing of relevant powers. Also majority of Somalis however divided wants it. I was just braising Siilaanyo for his effort to play the national game by presenting a facade of political cohesion at home. Times however are not nice to him politically speaking these days.
  13. Siilaanyo is taking the union very serious ...it is good stuff indeed.
  14. Mukulaalow asked you a statue , al yacni taallo. xaaji xunjuf wax taallaa oo lagu xusayo halgankii addoonsigii ingiriiska ma haysaa ?
  15. xaaji xunjuf, siyaasadda is takoorka ku dhisan eed ciyaalka yar yarka u aqriseen waa cuqdad ururtay , adduunka nasab ka ahi way la dilay waa horuu ka guuray oo waa kaa wax wada qabsanayya. Adna diyaarad baa waa i duqaysay baad weli ku haysaa , and you got NGONGE supporting it too. that is sad walle
  16. ^^I guess this time there is some politicking in the way-la-dilay statues as the secessionists gear up for a political bargaining of their life.
  17. Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu ka mid ahaa Afhyeenka Baarlamaanka oo booqday Degmada Cadaado Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afhayeenka baarlamaanka Somalia uu ka mid ahaa ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb. Wafdigan ayaa waxaa garoonak diyaaradaha ee Cadaado geysay diyaarad qaas ah oo kasoo qaadday degmada Gaalkacyo oo labadii casho ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen, waxaana soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb. Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo mas'uuliyiinta maamulka ay booqeen oo uu ku jiro madaxweynaha maamulkaas ayaa kulan albaabbadu u xiran yihiin yeeshay, iyagoo madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyay mas'uuliyiintii uu la kulmay markii uu kulanku soo xirmay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada uu ku tagay degmada Cadaado, iyadoo amaanka degmadaas ay aad u adkeynayeen ciidammo ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb oo gaadiid dagaal wata. Lama oga qodobbadii ay labada dhinac uga hadleen kulankooda, balse waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo salka ku haya ammaanka, iyadoo la xusuusto in dhawaanahan ay hadallo hanjabaad ah saxaafadda isku mariyeen. Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay ee uu madaxweyaha iyo guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ku tagaan degmada Cadaado, sidoo kale waa booqashadii ugu horreysay oo madaxda DKMG ah ay ku tagaan deegaanno ay ka taliyaan maamullada Soomaaliya ka jira marka laga reebo Puntland iyo Galmudug.
  18. NGONGE;810571 wrote: ^^ Is Hiiraan online a qoutable source today? Only yesterday you were telling me..... Hiiraanonline is not always quotable. Yesterday it ran a bogus story regarding the naming of Galkacyo airport to the late president Abdullahi Yusuf. It was a classless news item , and a false one at that. However, Hiiraanonline is not always bad
  19. Madaxda Somalia oo qodobo kasoo saarey Galkacayo 26 Mar 26, 2012 - 11:58:39 AM Shirka wada tashiga saxiixayaasha Somalida ee barnaamijka dhmeystirka geedi u socodka xiliga kala guurka ah. Warmurtiyeed Galkacayo 26 March,2012 Shirkii wadatashagiga saxiixayaasha somaliyeed ee Barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa maanta oo bishu tahay 26 March,2012 lagu qabtey magaalada Galkacayo. Shirka waxaa marti galiyey dowlada Puntland waxaana fududeeyey xafiiska ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan Somalia. Shirka waxaa kasoo qayb galey saxiixayaashii geedi socodka barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah oo ay kamid yihiin mudane sheekh Shariif Sheekh Axmad Madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah ee Somalia, mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka KMG ah, mudane Cabdiweli Maxamad Cali Ra'isal wasaaraha xukumada dowlada Federaalka ah KMG ah, Mudane Cabdiraxman Sheekh Maxamad Maxamud "Farole" Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdisamad Cali Shire Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland, Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed Madaxweyne ku-xgeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Sheekh Maxamad Maxamud Yusuf "Libaax" oo matalaya Ahlu-Sunaha Waljamaca iyo danjire Augistin Mahiga ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan arimaha Somalia. Iyadoo laga ambaqaadayo xaalada siyaasadeed ee Somalia iyo baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhaqangaliyo barnamaijka dhameystirka ee xiliga kala guurka ah "Roadmap-ka" iyo mabaadiida lagu heshiiyey Garowe1,2, waxaa hogaamiye-yaashii shirka kasoo qayb galey ka doodeen qaab loo fulin lahaa heshiisyadaasi waxeyna isku raaceen qodobada hoos ku xusan; 1- In la dardar galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi socodka iyo mabaa'diida Garowe 1,2. 2- In la dedajiyo xulushada xubnaha kamid noqonaya golaha ansaxinta Dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go'aamada Garowe1,2 waxaana la isla gartey in loo soo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyey. 3- Tirada golaha ansaxinta Dastuurka oo lagu go'aamiyey Garowe2 oo aheyd 100 qif waxaa la isla gartey in laga dhigo 825 oo lagu qaybinayo habka 4.5, oo loo arkey wax qaybsi raad-raac hore leh. 4- Waxaa la isku raacey in madax dhaqameedyada Somaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu'maudiinka, aqoonyanahada, dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada. 5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madax dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay'adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS. Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa'diida Garowe1,2. 6 Waxaa lagu heshiiyey in shirka ugu horeeya ee madaxdhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta Dastuurka ay kulankooda ugu horeeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho 25 April 2012. 7- Waxaa la isku raacey in masuu'liyada iyo dhameystirka barnaamijka xilaga kala guurka ah iyo mabaadiida Garowe1,2 ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka "Roadmap-ka" oo ah cida loola noqonayo wixii caqabad ah. 8-waxaa la isku raacey fududeynta iyo takeerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka. 9- Wixii aan halkaan ku cadeyn waxaa loola noqanayaa "Roadmap-ka" iyo mabaadiida Garowe1,2. Waxaa saxiixey dhamaan xubnihii aksoo qayb galey kulankaan.