xiinfaniin
Nomads-
Content Count
14,528 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by xiinfaniin
-
Xildhibaan Muuse Suudi iyo Waxgarad kale oo si adag uga soo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya sheegayna inaysan aqbalayn Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid ah waxgaradka iyo xildhibaanno ku shiray Muqdisho kana soo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan aqbalayn dastuurka. Mudane Muuse Suudi ayaa ku tilmaamay dastuurka mid aanay ogolaan karin isla markaana uu yahay gogol-dhaaf aanay kasoo baxayn wax ay dani ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed. "Dastuurkan lala rooraayo waa mid aanay dani ugu jirin dadka, innagu mas'uuliyiin ayaan nahay waana na weydiinayaan dadka aan xildhibaannada u nahay, marka wax aan u jeedno inaysan wanaagsanayn ma ogolaan karno," ayuu yiri xildhibaanka oo si cad u sheegay inay dadka reer Muqdisho kasoo horjeedaan dastuurka. Xildhibaan Muuse Suudi ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen in lagu tilmaamo dad qas-wadayaal ah haddii ay ka hadleen dastuur ay u jeedaan inaysan dani ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed. "Annagu ma ogolaan karno in dastuur ay ku qoran tahay qofkii ajnabi ah ee dalka jooga shan sano wuxuu noqonayaa muwaadin. Waxaan nahay 10-Milyan haddii ay 100-milyan oo Shiine ah ay nasoo dul-dagaan shan sanana ay dalka joogaan waxay noqonayaan muwaadiniin, dalka waa nalaga qaaday markaas," ayuu yiri xildhibaan Yalaxoow. Mudane Muuse Suudi ayaa gabagabadii hadalkiisa ku sheegay in haddii la ogolaado in wax laga bedelo khaladaadka ay ka tabanayaan datuurka cusub ay soo dhaweyn doonaan kuwaasoo uu ku sheegay inay ka mid yihiin waxyaabo diinta islaamka ka horimaanaya balse uusan ka sheegin goobta. Ugu dambeyn, waxaa iyana ka hadlay kulanka looga horjeeday dastuurka ee ka dhacay Muqdisho xubno uu ka mid yahay Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo hoosta ka xariiqay in dastuurkan uu yahay mid ay dalal shisheeye ah wataan lana doonayo in lagu kala googoosto Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Diyaarad Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo kasoo qaadi lahayd odayaal ka Qaybgeli lahaa shirka Muqdisho oo la Rasaaseeyay Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Diyaarad maanta kasoo qaadi lahayd Degmada Doolow ee gGedo odayaal ka qayb-geli lahaa shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo Muqdisho ka dhici doona ayaa lagu rasaaseeyay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dowladda ee gobolka Gedo. Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah, Maxamed Cabdi Kaliil oo arrintan uga warramay saxaafadda ayaa sheegay in diyaaradda markii ay soo dagtay lagu furay rasaas nala waaweynna lagu shiday, taasna ay keentay inay dib uga duusho garoonka. "Waxaa garoonka la dhex-dhigay gaari tikniko ah, ciidammo badanna waa lagu wareejiyay... markii ay diyaaraddu soo cago-dhigatay ayaa waxaa lagu furay rasaas waxayna ka carartay garoonka iyadoo ku laabtay Nairobi," ayuu yiri Kaliil oo sheegay in odayaashii si xun loola dhaqmay. Guddoomiyaha gobolka Gedo wuxuu falkaan ku eedeeyay dad diyaasbaro ah oo uu sheegay in gobolka ay carqalad ka wadeen, inkastoo aysan jirin cid uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay, isagoo xusay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kuwii ka dambeeyay falkan. Afhayeenka dowladda KMG ah ee gobolka Gedo, Aadan Axmed Xirsi (Rufle) oo isana la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kooxihii falkan geystay ay qaarkood gacanta ku dhigeen kuwii kalena ay raadinayaan, wuxuuna xusay in falkii lagula kacay ay aad uga xumaadeen. "Diyaaraddu odayaal dhaqan ah oo shirka Muqdisho u socday ayay qaadi lahayd waana la xabbadeeyay taasoo keentay inay dib uga dhoofto garoonka," ayuu yiri Aadan Rufle. Xukuumadda Soomaaliya aya waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay odayaal ka keenaysay gobollada dalka si ay uga qaybgalaan shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee dowladda kaasoo ay dad badan mucaaradeen, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo lagu horjoogsado odayaal doonaya inay ka qaybgalaan shirka Muqdisho. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Ururka Midowga Afrika, Qarammada Midoobay iyo IGAD oo u digay cid walba oo kasoo horjeeda dhameystirka Roadmap-ka Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta oo Talaado ah waxay digniin ugu jeediyeen kooxaha kasoo horjeeda dhameystirka Roadmap-ka iyo in laga gudbo xilliga KMG ah. Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay socdaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo in dalka uu ka baxo xilliga KMG ah laguna ansixiyo dastuurka, balse ay jiraan kooxo diiddan in marxaladdii adkeyd ee Soomaaliya ay kusoo jirtay aan doonayn in laga baxo. Sidoo kale, warka ay soo saareen ururradan waxay sheegeen in in kooxahaas aysan marnaba hor-istaagi karin dadaallada socda in la sii xoojiyo mooyaane, iyadoo lagu xusay war-saxaafadeedka qoraallo horay loo ansixiyay oo ku saabsanaa sidii dalka looga gudbin lahaa xilliga KMG ah. "Waxaan si wadajir ah ugu digaynaa kooxaha qaswadayaasha ah kuwaasoo xilligan doonaya inay carqaladooda u isticmaalaan qaabab kala duwan balse aan laga yeelayn oo laga hortagayo. Toddobadyada soo socda waxaa la qaadayaa tallaabo cad oo wax looga qabanayo kooxahan qaswadayaasha ah." ayaa warka wadajira ah lagu yiri. Ugu dambeyn, ururradan waxay kusoo gabgabeeyeen qoraalkooda inay door muhiim ah ka qaadan doonaan dadaallada lagu dhameystirayo Roadmap-ka ka hor 20-ka Ogoosto 2012. Qoraalkan wadajirka ah ayaa waxaa ku saxiixnaa; ergayga xoghayaha guud ee UN-ka uga wakiilka ah Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga, wakiilka Midowga Afirka ee Soomaaliya, dajire Abubakar Diarra iyo mas'uulka IGAD u qaabilsan dib u heshiisiinta Soomaaliya, Kiprutu Arab Kirwa. Warsaxaafadeedkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay soo kordhayaan dadka kasoo horjeeda dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo dowaldda KMG ah oo soo saartay war ay ugu digayso kuwa kasoo horjeeda ansixinta dastuurka sida khaldanna u fasiraya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Breakingnews TFG Parliamentarians killed in dhuusamareeeb
xiinfaniin replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
alla yarxam inta dhimatay, inta dhaawaca ahna allaha ka kiciyo -
Ahlusuna wal jamaca supports Somalilands quest for statehood
xiinfaniin replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Kudos to Xaaji Xunjuf, after long years of tacab wa shiddah, he finally secured the recognition of Somaliland . -
Somali President Rejects Foreign Interference in Drafting Constitution
xiinfaniin replied to Liibaan's topic in Politics
Sharif is regressing Ma nasiib badna markaad is tiraahdo wuu najaxay ba dammiinnadiisa hore baa kusoo maaxatta -
Prime-Minister Abdiwali, where is the final draft of the constitution?
xiinfaniin replied to Carafaat's topic in Politics
http://www.sanaagmedia.com/?p=1203 Carafaat kan sii aqriso adeer, and dont ask me English version adeerka u geyso hakuu aqriyee Aniyo Cabdiweli baa kuu tarjumayna haddii alle idmo -
Professor Cali Khalif Galaydh rejects the new constitution
xiinfaniin replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
It is true some political communities feel inadequately prepared for the transition of the country. But instead of beating around the bush, and misinforming the people about the a constitution they could not critique substantively, they should air their political grievance in an honest fashion. Cali Khalif had a different fights that were justified and just. Many people supported his leadership on Khatumo. But for him to join the naysayers opposing the roadmap is just sad and petty of him. Period. Weligood qabiil baa lagu maagay ha hayyaan, bal wakaase hasoo saaro hal nuqdho oo ugasoo horjeedo . Maahmaah Oday reer WidhWidh ahaa oo gabdhaha meherin jirey baa wuxuu ka qaadan jiray boqol shilin oo waagaa ah. Habeen danbe maa mid isla degaanka ah laakiin xariif ahi , gabar u keensaday. Odaygii markuu gabadhii u meheriyey , buu kii sidii caadada ahayd lacagtii gacanta ugu laabay, gabadhiina la dhaqaaqay. Odaygii cabbaar markii kii sii maqnaa buu inta faynuustii dheeraystay, lacagtii iska hubiyey: mise waa toban oo boqol maaha . Wiil yar buu kadaba diray oo yiri, inta u tagtid waxaad tiraahdaa meherkii qayb baan ka illoobay oo soo laabo aan dhammaystiree. Xariifkii wuxuu yiri: Meherku waa dhammaystiranyahay, ee lacagtaa toban ahayd odoga ku dheh Caliyow, dastuurku ma qaldanee, mindhaa Garoowe baad ka urisay . Qoor iyo xero ka dabagaallee -
Professor Cali Khalif Galaydh rejects the new constitution
xiinfaniin replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Mukulaalow;824698 wrote: Ali is losing my respect and lots of his admirers respect, he is talking like yalaxow and qanyare "waan diidnay" mentality, actually the whole constitution can not be wrong 100%, so please point-out the chapters that you don't like, you are a professor for God's sake. He's proving to be a very shortsighted man. He 's lending his voice to those who prefer to be in the status qou than allow the country to transition however incomplete the transition is . -
Professor Cali Khalif Galaydh rejects the new constitution
xiinfaniin replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
What a petty man...quite sad really -
The good Dr. supports the draft constitution to be passed. Today that is all xinfaniin needs , so no argument there
-
Adeer dont worry about middle regions. They will ultimately realize that their interest lies in accepting temporary political arrangements to transition the country from the current status. Yours is a desperate measure to confuse the issues as you mistakenly think Somalia's problems will benefit you.
-
Secessionists and co are teaming up to hold Somalia back. Time has come to hold the spoilers of Somalia's progress accountable and ensure that they do not succeed in preventing Somalia from regaining its dignity and statehood.
-
http://www.hiiraan.com/news/2012/Apr/wararka_maanta29-17802.htm
-
Cafaraat is a weak keyboard waranle , he does not know how to articulate his objections against the new constitution. I have found him unworthy opponent yaa usoo baxay , oo caqli dhaama Carafaat?
-
^^See , as I said, waxbaa ka dhex ciyiyaa, yet you continue to ask for meaningful debate. Please define what you mean clans states. Are you referring to Somaliland, Puntland and Galmudug?
-
Clan states? What are they? Somaliland? Puntland?
-
Somalia Interior Minister: I would recognize Somaliland
xiinfaniin replied to Somalia's topic in Politics
Shirka Somaliland iyo TFG maaha shir aqoonsi looga wada hadlayyo. Cabdisamad hadduu u janjeero dhanka Somaliland wax shiddo ah ma laha, waxaana muhiim ah inaan la carqaladayn shirkan oo cariiqsiga laga daayo. Nimankani meel wax geyn maayaan, siday kusoo noqon lahaayeen yaan lagu dhibin -
^^You are preoccupied with Puntland You have nothing against the Dastuur, other than it recognizes federal states, and that my friend is a reality that cannot be ignored. Give Somalis 5 to 10 years--- I am pretty sure this federalism hype will go away. Laakiin caqligii lagu gaari lahaa marxaladaa mee ya layta qawmii....
-
Roadmap on Course to be successfully implemented
xiinfaniin replied to Fiqikhayre's topic in Politics
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has said that it will not allow spoilers to sabotage the peace process as the country approaches the end of the transitional period. Absolutely crucial to do this. We need to move beyond these senseless clannish squabbles. -
Brother Daud Waraqle (Chimera), This is for you
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
^^ :D I was hopping you would over look what the Foreign Office researchers would scribble...waryaa include the pics in your collection throw away some of the commentary provided by the FO. Sayid, waa shaydaan yar ah -
^^Maya wallaahi, Carafaat. Afsoomaligu waa margi, ***** iyo nacab waa cidda keliya oo maanta Somaliya saynta kaga istaagi karta
-
Brother Daud Waraqle (Chimera), This is for you
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
^^inshaa Allaah bro Mogadishu was and will be great city; I grew up in the rough areas of the city and lived in other areas as well. From the slum of Tokyo to the suburb of Hodan, Mogadishu offered a metropolitan experience. Awoowe you said you did not see the city, and we were there when the dhug-dhugley was in business , and Abu Ras was the major transportation , when it was so safe that kids like me could safely go to Cinema Misyoone and come home late with no concern . Adiga iyo Carafaat ba ilaahay wax badan biinaan arag, inaad maqashaan mooyee -
Brother Daud Waraqle (Chimera), This is for you
xiinfaniin replied to xiinfaniin's topic in Politics
lol@noble savage porn I now know where your mind is , Sayid. Carafaat, you bring discussions in other threads in this one as well --- tells me you are still under 30 -
Faisal Ali Waraabe secretly meets President Shariif in UAE
xiinfaniin replied to Carafaat's topic in Politics
We should forgive Carafaat dhirta kulahaa
-
Popular Contributors