Tillamook

Nomad
  • Content Count

    2,927
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    23

Everything posted by Tillamook

  1. You tell us, since its common knowledge that your kikuyu boyfriend is gay.
  2. Are you sure you didn’t save the child by sacrificing your booty?
  3. You seem to be disappointed: Do you feel left out? Ma dabadaa ku cuncunayso?
  4. Lol Aqoonsi iyo maslaxaad hadii ay helaan maxaa iyaga laga helayaa? Remember, negotiations are a two-way street.
  5. Independence? Lol Independence is not on the table and will never be.
  6. Suldaanka, sxb, we’ve always known the reintegration of somaliland would come at a price and that when all was said and done it would come down to a settled agreement. I’m sure Muuse can get somaliland a good deal, provided Farmaajo has the wherewithal to give it.
  7. On the contrary, I too use the word marsasho in all its glorious crudeness, but whether or not it will be Cheesy or Muuse Handaraab who gets the short end of the stick, both literally and figuratively, is something we gonna have to wait and see. In any case, what matters most is that Somalia moves forward together as one.
  8. Xaaji Maalaayacni, the only harag I see in here is your aged skinny ass, ee bal dib u joogso. Viva Somalia
  9. Farmaajo oo Aqbalay in Wadatashi Laga Yeesho doorashooyinka dalka, Casuumadna u Fidiyay Maamul Goboleedyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay . “Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia “Madaxtooyada JFS waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeena” Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha aqalka sare iyo wadamada saaxiibka la ah Somalia ayaa ku baaqay in shir ay isugu yimaadaan madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada si looga hadlo arrimaha doorashada ee 2020/2021 HORSEEDMEDIA Farmaajo oo Aqbalay in Wadatashi Laga Yeesho doorashooyinka dalka, Casuumadna u Fidiyay Maamul Goboleedyada - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo...
  10. I am in favor of bringing our erstwhile hapless h@bros in the north back in from the cold. In the new Federal Somalia, it is important for all stakeholders to have an equal opportunity and shot of leading the nation forward. I have previously stated that somaliland has always had its demand, labeled with its price, waiting for the day for an astute politician and leader in Villa Somalia to come along to settle the account. Former Somali presidents after examining the demands from somaliland and finding the price was exactly twice as great as they were willing to pay, spurned and ignored the political elites in Hargaysa. We will see if, this time, Farmaajo and his entourage have the essential negotiating and leadership qualities to bridge the divides and keep our nation matching forward.
  11. Without sharing any context in here, I’m afraid I don’t see the significance of why Somalis living in Somali towns seems to you to be a relevant and newsworthy item to share on SOL?
  12. Xassan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo baaq u jeediyey Madaxweyne Farmaajo Madaxweyanyaashii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Muqdisho, kadib markii ay kulan labaad la qaateen shir-guddoonka Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda. Labada Madaxweyne ayaa muujiyey welwelka ay ka qabaan xaaladda dalka, haddii ay dhamaato muddada dastuuriga ah ee Madaxda dalka loo igmadey xafiiska. -Horey uma dhicin in iyada oo la iska socdo la gaaro maalintii xilku ka dhamaan lahaa, xiligaan oo kale ugu yaraan waxaa la ogaa halka loo socdo, Madaxweyne Farmaajo waxaan ka dooneynaa in uu dadka la hadlo u sheego runta God iyo ninkii loo wado lama kala qariyo, suurta gal maaha sida uu hadda wax ku wado in ay wax ku dhamaadaan, ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa welwel weyn ka muujiyey waxa ka dhex socda Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteeriya, wuxuu sheegay in wararka soo baxaya oo dhan ay yihiin kuwo ka imaanaya dhanka Itoobiya iyo raysalwasaare Abiy Ahmed, laakiin annaga ayuu yiri Madaxweynahayagii waa aamusan yahay, hanoo caddeeyo waxay dalalkaasi ka wadaan is dhexgalka dalalka Bariga Afrika ayuu yiri. Dhanka kale waxa uu dalabadey in dalka laga saaro ciidamada aan sharciga ku joogin ee ka baxsan AMISOM, kuwaas oo geystey falal denbi ah laguna dley muwaadiniin Soomaaliyeed ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Ugu danbeyn dhamaan Madashada Xisbiyada oo ay afkooda ku hadlayaan Madaxweynayaashii hore soo dhaweynayaan baaqa ka soo baxay aqalka sare ey ku baaqayaan in shir wadatashi oo degdeg ah la isugu yimaado. Horseed Media Xassan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo baaq u jeediyey Madaxweyne Farmaajo - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Madaxweyanyaashii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh...
  13. Lol Quule Cune, the noose is slowly tightening around your neck, eh? Lol
  14. Maxaa dhacaya haddii Madaxweyne Farmaajo soo dhaweyn waayo shirka wadatashiga? Soomaaliya waxay maraysaa xili xasaasi ah oo u baahan in gacmaha la is qabsado oo si wadajir ah loo wajaho xaalada dalka Soomaaliya, hadalkan waxaa Goloyaasha Baarlamaanka horteeda ka yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili uu furaayey Kalfadhigii 7aad, waa hadal xaqiiqa ah, waxaana la gaarey xiiligii laga dhabeyn lahaa. Haddaba iyada oo hadalkaas laga duulayo, waxaa guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Jamhuuriyaddu soo saarey baaq dheer oo nuxurkiisu ahaa in ugu danbeyn 25 Juun 2020 la isugu yimaado shir wadatashi. Baaqa Aqalka sare kadib waxaa soo dhaweeyey, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabele iyo Puntland, sidoo kale waxaa soo dhaweeyey beesha Caalmaka sida dalalka Maraykanka iyo Midowga Yurub. Ilaa hadda waxaan war ka soo bixin Xukuumadda Federaalka iyo xafiiska Madaxweynaha, haddaba waxaa la is weydiinayaa tallaabada ay qaadi doonaan. Waxaan shaki ku jirin in Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre uu xiriir dhaw la lee yahay dhamaan Dowlad Goboleedyada, baaqa soo baxayna hadal u dhaw uu dhawaan jeediyey, sidaas darteed uu aad ugu faraxsan yahay qorshahan cusub. Waxaa dadka akhriya sadarada siyaasadda hoosteeda ay sheegayaan in Xassan Cali Kheyre uu haysto fursad uu ku hoggaamin karo sidii marxalddan looga bixi lahaa, isla markaana uu u dhisan lahaa mustaqbal siyaasadeed iyo xulafo. Laakiin, Xassan Cali Kheyre Raysalwasaaraha Jamhuuriyaddu ma doonayo in uu ka hordhaco go’aanka Madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma haysto xulafo siyaasadeed, waxaa dad badan ku doodaan in uu Dowlad goboleedyo dhistey, laakiin taasi waa mid xaqiiqada ka fog. Golaha wakiilada oo uu isku halleynaayey in ay isku doon saaran yihiin oo ay ka dhabeyn karaan damaciisa siyaasadeed waxaa u muuqata in aysan ahayn sida uu ugu xisaabtamey, haddaba Madaxweynaha waxaa la gudboon laba arrin midkood. In uu soo dhaweeyo shirka wakhti la cayimeyna ku qabto oo uu hoggaamiyo wadahadal miro dhal ah oo looga baxayo khilaafka siyaasadeed ee taagan. Arrintan waxay horseedeysaa in go’aamo loo dhan yahay oo la isla oggol yahay soo baxaan, tan oo mugdi gelin karta damaciiisa ku aadanaa in doorashadu u dhacdo qaabka uu u injineeriyo. In uu dhegaha ka fureysto oo aanu wax ja waab ah ka bixin baaqa loo jeediyey. Arrintan waxay keeneysaa in Dowlad goboleedyada iyo Goloyaasha Baarlamaanka iyo daneeyaasha siyaasadda Soomaaliya la isu keeno oo laga maarmo Villa Somalia, beesha caalamkuna taageerto go’aamada ka soo baxa, arrintan ayaa keeni karta in kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Rayslwasaare Xassan Cali Kheyre uu banaanka u soo baxo, raysalwasaaruhuna la safto inta badan ee Saamileyda siyaasadda Dalka isla markaana hoggaamiyo shirkaas. Haddaba kubaddu waxay la taalaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxanaa muhim ah in uu ka fekero dhanka uu u laadi doono. Maxamed Cismaan Horseed Media Maxaa dhacaya haddii Madaxweyne Farmaajo soo dhaweyn waayo shirka wadatashiga? - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Soomaaliya waxay maraysaa xili xasaasi ah oo u baahan in gacmaha la is qabsado oo si wadajir ah loo wajaho xaalada dalka...
  15. Déjà-vu : Ruwaayada Qabyo Ninkeeda Dhameystira [Doorasho Qof iyo Cod ah!] Xili dalka Soomaaliya isu diyaarinayo inay dhawaan ka dhacaan Doorashooyin lagu sheegay Qof iyo Cod ayaa waxaa deegaanada qaarkood laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ay wadaan hogaamiyayaasha xilalka haya ee iyagu sameystay ururo ama xisbiyo siyaasadeed, halka kuwa kalena la sugayo in dhawaan lagu dhawaaqo! Inkastoo ay adag tahay in xiligan guud ahaan dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah ayey hadana tahay mid la isku raacsan yahay in wadanka laga saaro nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 oo loo gudbo xili muwaadinka uu soo dooran lahaa cidda ama xisbiga uu doono. Hogaamiyayaasha xiligan gacanta ku haya tallada dalka heer Federaal iyo Dowlad gobaleed ayaa iyagu afka ka sheega inay isu diyaarinayaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin qof iyo cod ah, xili aan gebi ahaanba la dhisin Tiirarkii aasaasiga ahaa ee Doorasho Qof iyo Cod ah. Maxkamadda Dastuurka Waxaa muuqata in shacabka lagu maaweelinayo xisbiyo la furo xili aan gebi ahaan wax laga qaban arrimihii ugu muhiimsanaa sida; —-Diiwaangelinta Shacabka —Afti Loo Qaado Dastuurka —-Suggida Amniga guud ee dalka —-Dhismaha Maxkamada Dastuuriga ah —-Guddi Madax Banaan oo awoodleh —-Hanti Dhawr Qaran —-Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Hadaan si gaar ah u eegno 7-dan qodob ee kor ku xusan oo ah kuwo dhamaantood hirgelintooda laga sugayey Hogaamiyayaasha xilka haya ayey hadana madaxda Qaran iyo kuwa Dowlad Gobaleedka sheegayaan in diyaar u yihiin doorasho nidaam xisbiyo ah. KAAH iyo Puntland Hadaan Tusaale usoo qaadano dhawaan waxaa la furay ururka (Xisbiga) KAAH oo uu asaasey Madaxweynaha xilka haya Md.Siciid Cabdullahi Deni, xisbiga ayey iska diiwaangeliyeen inta badan Golaha Wasiirada iyo waliba qaar badan oo kamid ah Shaqaalaha rayidka ah ee dowlada Puntland! Maadaama ay muuqato in ururka KAAH olole badan ka wado gobalada Puntland oo uu goobo kala duwan ka furtay Xafiisyo ay waliba xariga ka jareen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano ayaa la isweydiinaya hantida lagu maalgeliyey inay ka maran tahay Hantidii Qaranka (Shacabka Puntland)?, kama jiro Puntland guddi u xilsaaran dabagalka musuqmaasuqa, iyo si khaldan loo adeegsado, kaas oo shaqadiisa guta. Puntland hooyada Federaalka, waa Dowlada kaliya ee xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya ee xiligan inta badan deegaanadeeda amnigood sugan yihiin lana oron karo way ka dhici kartaa doorasho qof iyo cod ah, balse waxaan fari-ka-qodneyn in wax laga qabto 7-da qodob ee aan horey usoo sheegnay, oo ay ugu horeyso in dib loogu noqdo dastuurka oo xiligii Madaxweyne faroole si weyn loogu danaystey, kadibna afti dadweyne lagu ansixiyo, waxaana uu si weyn u khilaafsan yahay kan federaalka. Nabad & Nolol iyo Khasnada Villa Soomalia! Dhanka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wadaa in dhawaan hogaamiyayaasha xilka haya ay ku dhawaaqaan Xisbi Xaakimkii (Nabad iyo Nolol) walow la sheegayo in dood xoogan ka dhex taagan tahay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo labaduba leh hami ah inay u tartamaan xilka ugu sareeya. Madaxweyne Farmaajo oo loolan xoogan ugu jira siduu markii labaad xilka ugu soo noqon lahaa ayaa illaa iyo hadda diidan in la furo wadahadalkii lala geli lahaa maamulada dalka si loogu heshiiyo qaabka doorasho, maadaama xiligii doorashada la galay ayna suurto gal ahayn doorasho Qof iyo Cod ah. Farmaajo ayaa aaminsan in uu ku adkeysto in doorashada dhaceysa ay noqoto Qof iyo Cod, si wakhti dheeraad ah loogu daro (2 sano), balse su’aasha ayaa ah maku hirgelin karaa 2 sano, wixii lagu hergelin waayey 4 sano? Xulafada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa wada qorshe labaad oo ay doonayaan inay ku galaan olole sida Kuraas Gobalka Banaadir laga siiyo Aqalka Sare, si kuraastaasi loo siiyo xubno codka siiya Nabad & Nolol hadii arrinta isugu biyo-shubato doorasho lamid ah tii lagu soo doortay Farmaajo. Balse kuraasta Aqalka Sare oo la kordhiyo ayaa u baahan in la jabiyo Dastuurka Federaalka oo la kordhiyo nidaamkii Gobalada horey loogu qeybiyey, waxaana iyaduna meesha ka maqan Maqaamkii Banadir oo aan weli la qeexin, waxa uu noqonaayo. Banaanbaxyada La maalgeliyey Axadii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay Banaanbax ay xulafada Madaxweyne Farmaajo soo diyaariyeen isla markaana uu horboodayey Guddoomiyaha Banadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish, waxaa xusid muddan in ciidamada Booliiska iyo kuwa Haram-Cad ay galbinayeen dadka banaanbaxa dhigayey isla markaana wadooyinka magaalada loo xiray dadkaasi watay Sawirada Madaxweynaha. Waxay Su’aal ka taagan tahay Dhaqaalaha ku baxay Banaanbaxa halka laga keenay iyo Khasnadii Villa Somaliya inay isu-bedashay mid loo adeegsado olola Xisbi Xaakimka Nabad iyo Nolol? Mucaaridka iyaguna ma loo oggol yahay in waddooyinka ay u xiraan Booliiska iyo Haramcad si ay iyaguna ugu mudaharaadaan madaxda Xilka heysa?, tan waxay muujineysaa in weli dalka ka fogyahay wadada dimoqraadiyadda. Halkee ku dambeeyey amarkii lagu mamnuucay Banaanbaxyada Muqdisho iyo La dagaalankii Covid-19? Guddiga Doorashada ee iyaguna kamid ah martida wax ka deggan xarunta Villa Somaliya oo iyagana aan weli wax Sharqan ah laga maqal! Maxkamadii Dastuurka ee arrimahan la xariira doorashada kala saari lahayd iyaduna ma jirto oo waxaa hawlaheedii lagu wareejiyey Maxkamada Sare oo uu guddoonkeedu soo magacaabo Madaxweynaha. Waxaa hubaal ah in Ruwaayadan [Qabyo Ninkeeda Dhameystira aka Doorasho Qof iyo Cod] ay tahay mid horey loo daawadey oo ay ku bixi doonto Hanti Badan oo wax u qaban lahayd Shacabka saboolka ah ee Soomaaliyeed, waxaase laga cabsi qabaa inay waddanka dhaxalsiiso fidno cusub oo uu ku daato dhiig Soomaaliyeed sidii ka dhacday doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug ee awooda kula wareegeen Wasiiro ka tirsan Nabad & Nolol ah oo u dalacay Madaxweynayaal! Maxamed Cismaan Horseed media Déjà-vu : Ruwaayada Qabyo Ninkeeda Dhameystira [Doorasho Qof iyo Cod ah!] - Horseed Media • Somali News HORSEEDMEDIA.NET Xili dalka Soomaaliya isu diyaarinayo inay dhawaan ka dhacaan Doorashooyin lagu sheegay Qof iyo Cod ayaa waxaa...
  16. Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo arimaha doorashada kala hadleysa dawlad-goboleedyadda. Golaha wasiirada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa shirka Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay kusoo badhigtay qorshe ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajood ay yeeshaaan dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka ee soomaaliya kaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka. Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dawlada Federaalka ah Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee DF iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021. Dhawaan ayay ahayd markii raysal-wasaare Xasan Cali Khayre sheegay in doorashada waqtigeeda lagu qaban, doono, waxaa bilaabmay shirar ay yeelanayaan golaha wasiirada iyo dhinacyadda ay khusayso arimaha doorashooyinka. Horseed Media, 2020
  17. Raysalwasaare Kheyre oo faraha la galay shaqadii Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka – Sabab Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shirki Khamiislaha ahaa ee Golaah Wasiirada waxa uu ku baaqay in golaha wasiirada xukuumadiisa u diyaargaroobaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen in dalka ay doorasho ku dhacdo. Xasan Cali Kheyre ayaa u sheegay golaha wasiirada in howlaha ugu muhiin ee dowlada horyaal ay yihiin doorashooyinka ayna ka qeybqaataan sidii loo qaban lahaa doorasho ku dhacdo si nabad ah “Afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin sida “stake holders” badankood ama kuligood qeyb ka yihiin.” “Doorasho ayaa ka dhici jirtey dalka nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aaan halkan ku joogno na siisay.” Raysalwasaare Kheyre Haddaba qodobka doorashada ee Raysalwasaaraha keligiis ka hadley shirkii maalintii Khamiista ayaan war saxaafadeedkii ka soo baxay Xukuumadda lagu darin, laakiin waxaa maanta lagu baahiyey barta Twitterka ee raysalwasaaraha iyada oo muuqaal ah, waxaa la is weydiinayaa sababta markii u horeysey raysalwasaaruhu uga hadley arrintan. Marka la eego Arrimaha doorashada iyo ka shaqeyntooda waxaa iska leh Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana kala shaqeynaya dhamaystirka hawlaha ka qaybayada ah Guddiga joogtada ee Baarlamaanka. Dadka sida dhaw ula socda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Rayalsawasaaruhu faraha la galay shaqadii Guddiga Madaxa Banaan ee doorashada, waxa keenayna ay tahay xaaladda kala guurka ah iyo in aan far iyo faraati la isu sii noqoneyn wixii hadda ka danbeeya. Qaar kamid ah DOwlad goboleedyada ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo weliba sharciga doorashada ee labada awqalba ay ansixiyeen. Waxaa la sugayaa maalmaha soo socda halka gaariga Madaxweyne Farmaajo u jiheysan doono oo isagu ku doodayo in dalkaan laga hirgelinayo doorasho hal qof iyo hal cod ah, taas oo ah wax ka fog caqliyadda in lagu qabto mudada harsan. Horseed Media
  18. INAA LILAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN: Ilaahay ha u naxariisto.
  19. Regardless of which way the cookie crumbles, the Farmaajo administration needs the support of the northern Federal MPs that get their marching orders from the Biixi administration if their hopes of re-election are to materialize.
  20. I agree, however, the intent of these so-called “talks” is not meant to resolve any tangible political grievances of the northern h@bros, but rather to negotiate the price N&N has to pay to the Biixi administration for the support of the **** Federal members of parliament in the upcoming elections next year.