Mooge

Nomad
  • Content Count

    5,088
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    11

Everything posted by Mooge

  1. Kooxda maamusha siyaasadda villa Soomaaliya ee Damu-jadiid ( Dhiigga Cusub) oo si lama filaan ah awoodda dalka kula wareegtay 12 September 2012, balse hadda waqtigu ka dhammaaday ayaa inta aysan bannayn xafiiska Villa Soomaaliya oo ay mar kale loolan xoog leh ugu jiraan sidii ay ku soo noqon lahaayeen, waxay qarka u saaran yihiin inay ku guuleystaan qorshe ay sanadihii lasoo dhaafay isku hawlayeen oo ahaa sidii Ciidamo Shisheeye oo AMISOM ka tirsan loo geyn lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ka dib markii Damu-jadiid ay Gaalkacyo ka rideen dagaallo dano siyaasadeed ay dambeeyaan. Intii ka dambaysay 2012, Damu-jadiid waxay dhowr jeer isku dayeen inay ciidamada AMISOM geeyaan Gaalkacyo, iyagoo ugu mar marsiiyoonaya inay tahay goob colaadeed ayna tahay in la kala dhexgalo beelaha Soomaaliyeed ee halkaas wada dega, gaar ahaan Puntland iyo Galmudug oo marar kala duwan dagaallo dhexmareen. Damu-jadiid ayaa damacoodaan xoojiyey wixii ka dambeeyay July 2015, oo ay maamulka gacan ku rimiska ah ee Galmudug u cimaamadeen xubin sare oo kooxda ka tirsan ayna doorasho afduubnayd ku doorteen xubintaas oo ah C/kariin Xuseen Guuleed. Dagaalkii bishii December 2015 ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee khasaaraha badan geystay oo ahaa dagaal dano siyaasadeed ay gadaal ka riixayaan, islamarkaasina villa Soomaaliya dhaqaalo xoog leh ku bixisay iyadoo taageeraysay dhinaca Galmudug ayaa fursaddii ugu habboonayd ee Damu-jadiid u suurtagalin kartay inay Ciidanka AMISOM Gaalkacyo geeyaan, balse fursaddaas ayay ku beeldareeyeen arrin uga muhiimsanayd oo ahayd in Galmudug ay aqoonsi ka hesho Puntland oo markaas inkirsanayd, waxaana xalka dagaalka ay ka dhigeen in Madaxwaynaha Puntland uu aqoonsado Galmudug oo salaamo horjooge C/kariin Guuleed. Fursadda Labaad oo hadda taagan. Damu-jadiid ayaa hadda qarka u saaran inay qorshahooda ku guulaystaan, waxayna haystaan fursad labaad oo ay colaad uga hurinayaan Magaalada Gaalkacyo iyagoo maleeshiyaad fara badan kasoo aruuriyey Cadaado, Guriceel, Dhuusamareeb illaa Koonfurta Mudug, islamarkaasina hubka iyo saanadda Maleeshiyaadkaan laga saaray keydadka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo maleeshiyaadkaan lasoo dhoobay koonfurta Gaalkacyo si ay dagaal iyo fowdo uga abuuraan magaalada, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socday fowdadaas ay maleeshiyaadku hurinayaan, iyadoo dagaallo goos goos ah ay magaalada ka dhaceen. Damu-jadiid oo fursaddaan ka faa’iidaysanaysa ayaa shalay ku dhawaaqday inay ciidamo dawladda federaalka ah ka tirsan geynayaan magaalada Gaalkacyo si ay colaadda u joojiyaan, balse waxaa la wada fahansan yahay in ciidankaasi ay u sii gogol xaarayaan Ciidamada AMISOM. Wasiirka warfaafinta dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ( Xubin damu-jadiid) ayaa sheegay in si colaadda loo joojiyo ay amar ku bixiyeen in taliyeyaasha ciidanka xoogga Soomaaliya ay ciidamo geeyaan magaalada Gaalkacyo si colaadda loo joojiyo. “Anigoo ku hadlaya afka Ra’iisul Wasaaraha, Waxaa la farayaa taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, wixii ciidan ay u heli karaan oo awood u leh inuu damiyo colaad, in loo diro magaalada Gaalkacyo”ayuu yiri Maareeye. Warsidaha PuntlandOne.com oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa fahansan in Dagaalka Gaalkacyo uu yahay mid fursad kama dambays ah siinaya Damu-jadiid. Dawladda Puntland wali jawaab kama bixin hadalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ee ah inay magaalada Gaalkacyo geynayaan Ciidamo Dawladda federaalka ka tirsan, lamana oga in Puntland ay arrinkaan oggolaan doonto iyo in kale. Si kastaba ha ahaatee Magaalada Gaalkacyo ayaa u muuqata mid aan fursan doonin dagaal xoog leh oo dhexmara Ciidamada Difaaca Puntland iyo maleeshiyaadka Maryo Calasta ah ee Galmudug iyo Damu-jadiid, maadaama dagaalku yahay mid Villa Soomaaliya laga hurinayo oo ujeeddo siyaasadeed laga lee yahay.
  2. another proof from an independent entity (ahlusunna) that Galmudug is working hand in hand with Alshabab. this is really bad niyoow. we are happy Puntland put its boots down on their throat in Galkacyo and defeated these snakes.
  3. ciidamada maamulka ahlusuna ayaa mabaaxiis ka qabtay malayshiyaadka Al shabab iyo gal mudug oo is garabsanaya dagaal ay kusoo qaadeen deegaanka godin labe waxaana laga saaray dhamaan gobihii ay dagaalka kasoo qaadeen. Musal seexfow afhayeenka Ahlusuna ayaa sheegey inay soo bandhigayaan maxaabiistaa waxaana uu sheegey inay khasaare gaarsiiyeen malayshiyada al shabab iyo gal mudug waxaana uu xusey inay hada gacanta ku hayaan deegaanka godin labe. Dagaalka ay sida wada jirkaan u wadaan Al shabab iyo gal mudug ayaa waxaa uu wayahan ka socda gobolada dhexe ee soomaaliya waxaana dhawaan malayshida al shabab iyo gal mudug weerar kusoo qaadeen magalada Gaalkacyo xarunta gobolka mudug.
  4. niyoow how many groups do these people descent from? Portuguese, arabs, indians and now Chinese? niyoow that area must have been the dumping group for lots of garbage.
  5. It is official niyoow. ALshabab and Galmudug are together. This time, there is no hiding.
  6. iwaydaarsanayeen Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug, waxaana hada istaagtay israsaasayntaas kadib markii Ciidanka Galmudug ay dib ugu noqdeen dhanka Xaafada Baraxleey. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dawladda Puntland ee ku sugan Xurfada ayaa noo sheegay in saaka markii waagu baryay ay arkeen Ciidan Galmudug ka tirsan oo soo dagay Maxjarka Cusub halka laga hirgalinayo, waxaa uu sheegay in ay iska difaaceen. ”Israsaasayn kadib waa guureen Ciidankoodii anaguna diyaar ayaa u nahay inaan iska difaacno cid walba oo nagu soo gardaroota” Ayuu si kooban noo sheegay Sarkaalka nala hadlay. Jawiga ayaa hada dagan, mana jiraan wax khasaare ah oo la hubiyay oo ka dhashay dagaalka Saaka dhacay.
  7. Co,c/ Salaan Xuseen Nuur Waxaa uu kamid yahay masuuliyiinta maamulka xaafada baraxlay ee koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegey in malayshiyadii dagaalka maanta gashay ay dhufayso ka qodanayaan meel kamida xafada baraxlay. Qanacsatada ,Wax garadka iyo qaybaha muhiimkaa ee baraxlay ayaa uu sheegey inaysan qaban karin malayshiyadaan hubaysan balse iyagu ay dalbanayaan in dagaalka la joojiyo madama khasaare baaxadleh uu dagaalkii maanta ka soo gaarey. Dagaalka ayaa uu sheegey inay hogaaminayaan dad dagaalku kucusub yahay Soomaalinimadana aan wax ka aqoon balse ay dalbanayaan in nabad la qaato madama maanta kaliya uu soo gaarey khasaaro lixaadle hadii mar kale wax dhacaana dhibaato badan imaanayso. Caawa xaafada baraxlay ayaa waxaa ka soconaya barakac xoogan waxaana laga maqlayaa hoonka baabuurta dadka xaafadaha ka guraya waxaana shacabku ka walacsan yihiin saamaynta dagaal mar kale biri dhaca taasi oo dhibaato kasoo gaadho.
  8. Dagaalyahanada malayshida Al shabab ayaa ka qayb galay dagaalkii maanta duleedka xafada garsoor ee gaalkacyo ku dhex maray ciidanka difaaca Puntland malayshiyo isgu jirtay al shabab iyo waliba kuwa maamula xafada baraxlay. Waxaa xusid mudan duqayntii dhawaan malayshiyo kamida al shabab lagu duqeeyay deegaanka jeexdin ayaa waxaa ku jirey ciidamo kamida maamulka xaafada baraxlay waxaana qaar kamida dagaalyahanada dagaalka maanta ka qayb galay ay sheegayaan inay aarsanayaan Duqayntii jeexdin. Qaar kamida malayshiyada dagaalka ka qayb gashay oo Al shabab ku jiree ayaa ku hadalyay hadalo cadeynaya inay dagaalka ku aar gudanayaan malayshiyadii Jeexdin maraykanku uga duqeeyay waxaana dowlada Puntland bayaankedii ku xustay in Al shabab iyo galmudug hanjaabo kaga imanayen wixii duqaynta jexdin ka dambeeyay Hoos ka dhagayso Codadka Al shababka dagaalka ka qayb galay iyo Malayshiyada Gal-Nus
  9. Oromos hate Somalis. if they win, there will be massacre niyoow.
  10. niyoow Another unuka will not be elected. the only difference is that he is younger than qoslaye. same ideology, same outlook, same upbringing, same clannish views. lets be honest niyoow. he will not be elected too because he needs to give money to corrupt MPs and he doesn't have any money.
  11. niyoow this man is scum of the earth. what a loser.
  12. qoslaye robbed a Somali woman and she is fighting back.
  13. when you collude with a snake, it will eventually bite you hard. galmdug which can't directly attack Puntland started collaborating with alshabab which was recently defeated by puntland troops after they attempted to invade puntland. galmudug which was funding daily assassinations in galkacyo now realized their game is getting exposed. their militia which was training with alshabab terrorist were attached by Puntland guided drone and alshabab lost senior commanders in the fight. some people are saying the death is 168 and others put the toll higher. it is devastating blow to galmdug project which kept funding terrorism since its founding. niyoow puntland will take action and will not wait for anyone. guul iyo gobanimo.
  14. qoslaye who funds terror against puntland is using the killing of terrorist in galmudug as a reason to send support to galmudug. this was a big blow to his project. War hadda naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa muujinaya xog rasmi ah oo ku saabsan Saanad Milatari oo maanta laga soo dhoofiyey Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, hubkaan oo laga soo saaray Keydadka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa amarka lagu raray waxaa bixiyey madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday ee dawladda federaalka Xassan Sh Maxamuud. Hubkaan ayaa isla maanta laga dajiyey Magaalada ee gobolka Galgaduud, waxaana uu iskugu jiraa hubka Efantariga/ ciidamada lugta iyo Tiknikada, sida qoryaha daran dooriga u dhaca iyo rasaas. Sarkaal Magaciisa qariyey oo ku sugan Airport-ka Aadan Cadde ayaa Warsidaha PuntlandOne.com u xaqiijiyey inuu indhihiisa ku arkay hubkaan oo diyaarad loo saarayo magaalada Cadaado. Hubkaan Xassan Sh Maxamuud ugu deeqay Maamulka Galmudug ayaa kusoo beegmaya iyadoo xalay gelinkii dambe ciidamada difaaca Puntland qaybta PSF-ta iyo kuwa dawladda Maraykanka ee argagixisada la dagaallama ay hawlgal duqayn iyo dagaal dhulka ah ka gaysteen bariga gobolka mudug meel u dhow degaanka Jeexdin, halkaas oo ay ku dileen tiro badan oo mid ahayd maleeshiyaad Galmudug iyo Alshabaab iskugu jiray halkaa lagu aruuriyey maalmihii lasoo dhaafay. Hubkaan ayaa ka dhigan Gurmad Xassan Sh Maxamuud u fidiyey Maamulka Galmudug iyo Alshabaabka Koonfurta Mudug ee xalay hawlgalkii guulaystay lagu jabiyey. Si kastaba ha ahaatee Xiriiro aan la samaynay Saraakiisha Ciidamada Difaaca Dawladda Puntland ee Gobolka Mudug ayaa noo sheegay inay la socdaan dhaq dhaqaaqaas, ayna ka feejigan yihiin weeraro walba oo uga yimaada dhinaca Maamulka Galmudug iyo Alshabaabka is garabsanaya.
  15. galkacyo is tense niyoow with more planes monitoring galmudug terrorist militia. after the truck bombing of puntland, all is done. gloves are off. these people are not people we can live with unless they stop supporting terrorist alshabab. the trucks pass Galmudug and bomb our people every day. why? the answer is simple. the trucks are from galmudug and nowehere else. Gaalkacyo ayaa waxaa laga maqlayaa dhawaqa diyaarado si aan kala joogsi lahayn u dul heehaabaya magaalada Gaalkacyo waxaana diyaradahaan yihiin nooca aan duuliyaha lahayn loo yaqaan Drones-ka. Hawlgalkii Xalay lagu weeraray Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab iyo Ciidanka Galmudug oo isgarabsanaya ayaa loo malaynayaa in diyaardahaan ay qayb ka yihiin kaas oo ay fuliyeen ciidanka PSF. Xaafada baraxleey ee koonfurta Gaalkacyo ayaa kacsan waxaana jira haween tuuryaynaya raga kuwaasi oo ku dhiri galinaya inay dagaal qaadaan waxaana tani ay timid kadib markii howl galkii xalay lagu duqeeyay Al shabab ay ku jireen malayshiyo xaafadaa u dhalatay.
  16. Pictures of the destruction alshabab/galmudug militia faced in galmudug is big niyoow. the 200 militia were complely destroyed.
  17. Xaalad Cakiran ayaa ka taagan xaafadda Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ee uu arrimiyo maamulka Galmudug, waxaana lagu yaboohayaa dagaal looga jawaabo Duqeyn iyo dagaal toos ah oo ciidamada difaaca Puntland Qaybta PSF iyo ciidanka Maraykanka ee la dagaallanka Argagixisadu ay xalay saqdii dhexe ku qaadeen fariisin ay Degaanka Jeexdin ee bariga magaalada Gaalkacyo ku laaheeyeen maleeshiyaad hubaysan oo iskugu jira Alshabaab iyo Galmudug. Haweeenka Baraxleey ayaa barooranaya waxayna raggooda ku dhiirigelinayaan inay dagaallamaan, maadaama dawladda Puntland ay sheegtay inay soo afjartay hawlgalkaas lagu beegsaday maleeshiyaadka isbiirsaday ee Alshabaab iyo Galmudug. Waddooyinka xaafadda baraxleey intooda badan ayaa lagu gooyey jawaanno ciid ah, waxaana xiran guud ahaan ganacsiga xaafadda. Lama oga sida xaalku noqon doono saacadaha soo socda
  18. Dawladda Puntland ayaa hadashay hawlgalkii xalay ciidankeeda sida gaarka ah u tababaran ee PSF oo kaashanaya ciidanka Dawladda Maraykanka ee Argagixiso la dirirka ay ka fuliyeen Degaanka Jeexdin ee bariga gobolka mudug, halkaas oo ay ku weerareen in ka badan 200 oo maleeshiyaad iskugu jira Alshabaab iyo Galmudug oo watay 5 gaari oo tikniko ah iyo baabuur kale oo nooca xammuulka qaada ah. Isuduwaha wasaaradda warfaafinta Puntland ee gobolka Mudug C/naasir Bedel Khalaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalku uu saacado kooban qaatay ayna la galeen kooxihii ay horay isku hayeen ee falalka amni xumo oo qaraxyadu ay ka mid yihiin ka gaysanayey gudaha puntland. Wuxuu u mahadceliyey ciidanka hawlgalka fuliyey balse ma uusan sheegin khasaare tiro ah oo ka dhashay hawlgalka.
  19. Kuxigeenka Gudoomiyaha Xaafada Baraxley ee Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed ayaa la hadlay Warbaahinta waxaana uu faah-faahin ka baxyay Hawlgalka Ciidanka Dawladda Puntland ee PSF ay ka fu;luyeen duleedka Gaalkacyo kaas oo lagu burburiyay fariisin Kooxda Alshabaab iyo Galmudug oo is garabsanaya samaysteen. Waxaa uu sheegay in cida la wareeray ay Galmudug tahay balse taas aya axaqiiqda ka fg waxaana Wardoonka Puntland uu maalmahaan si qoto dheer ula socday Kooxda Alshabaab ee is aruursanayay. Khasaare lixaad leh ayuu sheegay in ciidanka meesha ku sugnaa uu gaaray, waxaana sidoo kale gubatay tikniko dagaal oo Alshabaab ay la haayeen. Shalay ayaa la maqlayay guuxa diyaarad dul wareegaysay Gaalkacyo taas oo ay isticmaalayeen warla liska Ciidanka Puntland ee dagaalka xoogan kula jira Kooxda Alshabaab iyo Galmudug oo ay kusoo daba dhuumanayaan.
  20. guul niyoow after President Gaas tried to "be presidential" and lifted the ban of vehicles from south somalia entering puntland, the people stopped his order and galkacyo is blocked. Vice President Cameey is the man who has more say in Puntland today. his order is working. Kadib markii Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu ka gacan-seyray kuna tilmaamay go*aan nacasnimo ah inuu iskiis u gaaray Madaxweyne ku-xigeenka Puntlland Eng-Cameey,ayaa Shacabka Gaalkacyo u hogaansamneen amarkii Cameey,iyagoo ka horyimid amarkii Gaas. Dadweyne careysan iyo Gawaari careysan ayaa xiray wadooyinkii Muqdisho laga soo galayay ee dhanka Xaaafada Baraxleey ee Maamulka Galmudug,waxayna ka horyimaadeen Gawaarida Koonfurta Soomaaliya uga imaanaya,ilaa rarka ay sidaan laga dajiyo oo Gaawaari Puntland laga leeyahay lagu wareejiyo,inaysan gudaha Waqooyiga Gaalkacyo u soo gudbi-karin,iyagoo ka shaki-qaba Gawaariddan inay qaraxyo miineysan ula soo gudbaan dhanka Puntland,una laayaan Shacab rayid ah,sidii shacday bil ka hor. Dadweynaha Gaalkacyo ayaa ku tilmaamay Gaas inuu yahay shaqi jirjiroole ah oo markasta 36-Digrii is-wareejinaya,iyagoo ku wareeraray amaro kala duwan iyo go*aamo is-barbar yaacaya markasta inuu soo saaro,waxayna inta badan Shacabka aaminsan-yihiin go*aankii Cameey ee Gaas uu burburiyay inay u hogaansamaan,inta ay qaadan-lahaayeen amarka shaqsi beentiisa iyo runtiisa lagu jahwareeray. Madaxweynaha Puntland oo amray in la fasaxo gawaaridda Koonfurta Soomaaliya iyo kuwa Puntland,iyagoo aan la baarin inay isu gudbaan,ayaa waxaa ka horyimid Shacabka Gaalkacyo. Gaas oo Madaxtooyadda Garoowe amarka isu socodka gawaaridda soo saaray,ayaa lama filaan ku noqotay,amarkii uu soo saaray inay ka horyimaadeen Dadweynaha Gaalkacyo,iyagoo u hogaansamay amarkii Madaxweyne ku-xigeenka Cameey. Ilaa iyo hadda ma jiro Gawaari Koonfurta Soomaaliya iyo Puntland ka socda oo isku gudbay,waxaana Gawaarida badeecadaha ay ku kala wareegayaan,Xuduuda dhanka Xaafadda Baraxleey ee Koonfurta Gaalkacyo oo ay gawaaridda raashinka iyo xoolaha ay wadaan ku kala roganaya Koontaroolka Koonfureed ee dhanka magaaladda Muqdisho u baxo.
  21. long overdue niyoow. Sureer Abshir Muuse is a prominent Puntlander and she is fully qualified to lead this new embassy. guul iyo gobanimo.
  22. Bilicsan blue sunshine, hows life my fine lady.
  23. niyoow i don't think there was ever a doubt that lady hates obama. if she had her way, he would never be president. lol. the poor blacks will overwhelmingly vote for her. Trump is honest with his disgusting hate niyoow. this is the worst american election. people have to choose between two evils. lol.
  24. https://www.youtube.com/watch?v=5hCL5RoZfso walahi niyooow ninkan cadi maha. wuba xirta biladii qoorta.