Mooge

Nomad
  • Content Count

    5,088
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    11

Everything posted by Mooge

  1. Tukeraq (RBC Radio):- Wasiirkii hore ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool. Mudane Axmed Karaash oo ay galbinayeen ama la socdeen tiknikada dagaalka ayaa waxaa dadweyne aad u farabadan ay ku soo dhoweeyeen deegaanka Tukeraq ee duleedka bari [...] Read More Here...
  2. Gaalkacyo (RBC Radio):- Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee gobolka Mudug Maxamed Muuse Ilka-dheere ayaa ka waramay qarax miino oo maalintii shalay ahayd lagula eegtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Taliyaha ayaa sheegay in miinada lala eegtay aysan soo gaarsiin wax khasaare ah marka laga reebo xoogaa burbur yar oo ay soo gaarsiisey gaariga uu watey [...] Read More Here...
  3. Garowe (RBC Radio):- Wasiiro iyo Wasiir-xigeeno cusub oo maalmihii la soo dhaafey uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane C/raxmaan Faroole ayaa loo sameeyay xaflad lagu dhaarinayo. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey isla markaana lagu dhaarinayey Wasiirada cusub ee ka mid noqonaya Golaha Xukuumada Puntland ayaa ka dhacdey gudaha xarunta Madaxtooyada Puntland ee [...] Read More Here...
  4. Laascaanood (RBC Radio):- Dadweyne careysan oo aad u farabadan ayaa gudaha magaalada Laascaanood ka fuliyey dibadbax balaaran oo ay ku diidan dagaalka Soomaaliland ay ka sameysay deegaanka Kalshaale. Dadweynahani banaanbaxayey ayaa socdaal dheer ku soo maray magaalada Laascaanood, waxaana intii ay dibadbaxa ku guda jireen ay dhagaxtuur ku sameeyeen xafiisyada iyo xarumaha maamulka Soomaaliland uu [...] Read More Here...
  5. Garowe (RBC Radio):- Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Gen, Yuusuf Axmed Kheyre ayaa ka hadlay dagaal ka dhacay deegaanka Kalshaale kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Soomaaliland iyo maleeshiyada Degmada Buuhoodle. Gen, Yuusuf Axmed Kheyre ayaa sheegay in Soomaaliland ay xasuuq shacab ka sameysay deegaanada Kalshaale iyo Haggoogane ee gobolka Ceyn, kadib markii ay halkaasi ku weerareen [...] Read More Here...
  6. Galkacyo(Puntlandi.com);- Ciidamada amaanka Gobolka Mudug ayaa baaritaano ku haya shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay ka danbeeyeen qaraxii lal eegtay taliyaha Daraawiishta Gobolka Mudug.Ilo xog ogaala ayaa laga soo xigtay in ay jiraan astaamo rasmiya oo muujinya in shaqsiyaadkan ka danbeeyeen weerarka waxaana haatan ku socda su’aalo ay waydiinayaan danbibaarayaasha Gobolka.Tirada dadka gacanta lagu dhigay ayaa [...] Read more here ...
  7. Muqdsho RBC Radio) Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horaysay soo bandhigay muuqaalo iyo cadaymo ay ka duubeen nin ay ku eedeeyeen in uu ahaa Jaajuus oo ay ku dileen magaalada Muqdisho. Axmed Kaysi oo ahaa nin da’ah oo lagu eedeeyay in uu la shaqaynayay Sirdoonka dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu Toogtay fagaaro kuyaala xaafada suuqa [...] Read More Here...
  8. Muqdisho RBC Radio) Tv ku hadlaya Afka xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horay waxaa la hirgaliyay magaalaga Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Televisionka oo si tijaabo ah haatan Hawada ugu jira ayaa si toos ah waxaa looga daawanayaa xaafadaha magaalada Muqdisho. TVga Al-Shabaab ee haatan laga hirgaliyay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ahaa TVgii GBC oo [...] Read More Here...
  9. Laascaanood (RBC) Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in weli magaalada ay taagan tahay xiisad kulul taasoo ka dhalatay mudaaharaadyo shalay magaalada ay ka dhigeen dadweynaha Laascaanood. Wararka ugu dambeeya ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in xalay magaalada lagu soo rogay bandow iyadoo guud ahaan xaafadaha magaalada Laascaanood ay gaaf [...] Read More Here...
  10. Addis-Ababa (RBC) Ururka Midowga Afrika ayaa ku taliyey in waqti sanad ah loogu daro barlamanka KMG Soomaaliya kadib shir madaxeedka 16aad ee Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee wadanka Ethiopia. Wararka laga helayo madasha shirka ka socda Addis Ababa ayaa sheegaya in hogaamiyaasha IGAD ay isku waafaqi waayeen in wax go’aan ah oo [...] Read More Here...
  11. Muqdisho (RBC) Raisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si kulul u eedeeyey hay’ada WFP ee Qaramada Midoobay taaso raisul wasaaruhu sheegay inaysan waxba ka qabanin xaalada abaarta ee ka jirta wadanka. Raisul wasaare Farmaajo oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu shalay ku magacaabay guddiga abaaraha ee DKMG ay magacawday ayuu ka [...] Read More Here...
  12. Masqad, Dubai: Wakaalada wararka ee Cumaan ayaa sheegtay, in ay Saldanada Cumaan u soo suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan shabakad basaasid ah oo ay leedahay dowlada Imaaraatku, taas oo ujeedada laga lahaa ay ahayd in ay basaasaan dowlada Cumaan iyo ciidamadeeda,wayna beenisay Imaaraatku oo ay ka dhexayso xidhiidh wanaagsani Saldanada Cumaan, in ay [...] Read More Here...
  13. Luzaka(Puntlandi.com) 29/01/2011 waxaa* ka dhacay Magaalada Luzaka ee Wadanka Zambia *loolanka feerka Aduunka Feerkaas intaanu dhicin feerarkii ugu weynaa oo dadku xiiseynayeen ayaa waxaa lagu sugayay*dhowr feer oo dhex marayey dhalinyarada soo kaceysa dhinaca Feerka Aduunka,*Waxaana kii ugu horeeyey ku hardamey*labo wiil oo aad loogu hanwaynaa in ay u soo baxaan feerarka caalamka si ay [...] Read more here ...
  14. Garowe (RBC Radio) Xaflad Balaaran Oo maanta Lagu Dhaarinayay*Golaha Cusub ee Wasiirada Puntland ayaa Maanta Waxaa lagu Qabtay*Gudaha Caasimada Puntland Ee garowe. Munasabadan ayaa waxaa ka soo Qaybgalay masuuliyinta Dawlada Puntland Ugu Sareysa Sida Madaxweynaha Dawlada iyo Ku Xigeenkiisa Waxaana Inta Badan Halkaasi lagu Dhaariyay Xubnaha Cusub ee Wasiirada Dawlada Puntland. Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr: [...] Read More Here...
  15. Muqdisho (RBC) Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta magacwaday gddi gaar ah oo qaabilsan abaaraha kuwaasi oo ay ansixiyeen golaha wasaarada. Raisul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo warbaahinta maanta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddigani ay ka shaqeyn doonaan sidii dad ku dhibaatoobay abaaraha loo gaarsiin lahaa gargaar ayna u heli lahaayeen daryeelka ay [...] Read More Here...
  16. Mooge

    Bar ama Baro

    Markasta oo la damco in la higsado hormar waxaa haboon in la isla qiro wadada kaliya*** ee lagu gaari karo hormarka loo hamuunka qabo in ay tahay waxbarasho oo kaliya , runtii faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah* ma ahan* mid lagu soo koobi karo maqaal iyo wax la mid ah , [...] Read More ...
  17. Buuhoodle (RBC Radio):- Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Kalshaale ee gobolka Ceyn ayaa ku soo waramaya in dagaal halkaasi ka dhacay saacadihii la soo dhaafey uu geystay khasaare naf iyo maalba leh. Dagaalka oo ahaa mid u dhaxeeya ciidamada maamulka Soomaaliland iyo dad deegaanka ah ayaa waxaa uu ku geeriyootey shan ruux oo [...] Read More Here...
  18. Gaalkacyo (RBC Radio):- Maamulka Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa lacago xad dhaaf ah kusoo rogay gaadiidka waaweyn ee u safra gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya. Baabuurta xamuulka ah ee isaga kala goosha gobolada waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya ee qaada bagaashka, xoolaha iyo waxyaabaha kale ee ganacsiga ku saleysan ayaa maamulka Galmudug waxaa uu ku [...] Read More Here...
  19. Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay dad looga shakiyey in ay wax ka ogaayeen qarax maanta gudaha magaalada Gaalkacyo lagula eegtay Taliyaha Daraawiishta Gobolka Mudug Maxamed Muuse ilkadheere. Dadka loo soo qabqabtey ku lug lahaanshaha qaraxii maanta ayaa gaarayaa ilaa iyo saddex ruux, kuwaasi oo laga soo qabtey xaafada Garsoor [...] Read More Here...
  20. Gaalkacyo: Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa lagu soo gabogabeeyey maalintii Axada 30-Jan-2011 hawlo caafimaad oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka dawlada Puntland iyo Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO.Kaalmadan caafimaad oo ahayd mid lacag la’aan ah looguna talagalay inay ka faa’idaystaan shacabka Gaalkacyo ayaa waxaa fulinayay labo dhakhtar oo ka socday [...] Read more here ...
  21. Gaalkacyo: Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa lagu soo gabogabeeyey maalintii Axada 30-Jan-2011 hawlo caafimaad oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka dawlada Puntland iyo Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO. Kaalmadan caafimaad oo ahayd mid lacag la’aan ah looguna talagalay inay ka faa’idaystaan shacabka Gaalkacyo ayaa waxaa fulinayay labo dhakhtar oo ka [...] Read More Here...
  22. Garowe*( RBC Radio )**Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Gen: C/samad Cali shire Oo maalintii shalay Soo Xirayay Tababar u socday Mudooyinkaan Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Puntland Ayaa Inta badan Waxaa uu Ku Dheeraday Dhinca Anshaxa Ciidamda. Mudane C/samad Cali shire ayaa sheegay in Ciidamda amaanka Yihiin Kuwa Kaliya Ee Bulshada Ku Hagi Kara Dhinaca Horumarka Iyo [...] Read More Here...
  23. waxaa maantay magaaloyinka Gaalkacyo & Boosaaso ka dhacay qaracyo mataanaa kuwaasi oo u dhaxaysay qadar daqiiqado ah.. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu qaraxa ka dhacay xafada uu daganyahay taliyaha ciidanka *daraawiishata* gobolka mudug* Maxamad Siciid Ilka dheere mana jirto cid ay khasaaro kasoo gaartay. Waxaana jirta dad loo qabqbatay qraxasi waxaase wali kusocda baaritaano ay [...] Read More ...
  24. Boosaso ( RBC Radio )**Banana Bax Roob doon ah ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Bananka Hore ee magalad Boosaso. Dibad baxani aya waxaa Hore u Qorsheeyay Masuuliyinta Maamulka Gobolka Bari iyo Ganacsatda Magalda Boosaso Waxaana Maanta la iskugu Soo Baxay Fagaare weyn Oo Ku Yaala Agagaarka Jeelka Weyn Ee Boosaso. inta Badan Qudbadihii Halkaasi [...] Read More Here...