Mooge

Nomad
  • Content Count

    5,088
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    11

Everything posted by Mooge

  1. RBC Radio) Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in maxkamad la soo taai doono ciidamadii ka danbeeyay dadkii waxyeelada loogu geestay isoyka Banaadir ee maaalada Muqdisho. Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya Xasan Maxamed Siyaad (Xasan Mungaab) oo saxaafada la hadlay ayaa arintaasi ka dhawaajiyay. Gudoomiayaha ayaa waxa [...] Read More Here...
  2. Tacsi Tiiraanyo leh Inaa Ilaahi wanaa ilahayhi Raajicuun. Dhamaan bahda shabakada warbaahinta Raxanreeb.com oo ka ah Faarax Axmed Caato* Aaasimaha Shabakada RBC Radio Cabdala Muumin Axmed Cawil Qays C/rixmaan Maxamed Muuse ilkace iyo Dhamaan saxafiyiin magaalada Muqdisho Hanad Cali Guuleed Muxudiin Macalin Cabdule Maxamed Bishaar Bare Jaamac Cabdi Kaamil yuusuf Faysal C/laahi Maxamuud Dhamaan bahdaan [...] Read More Here...
  3. Qaahira (RBC) Labada telefishan ee ugu caansan warbaahinta Carabta Al-Jazeera iyo Al-Carabiya ayaa u muuqda inay ku kala duwaanaadeen qaabka ay u soo tebinayaan wararka ku saabsan mudaaharaadyada ka dhacaya wadanka Masar ee looga soo horjeedo xukuumada Maxamed Xusni Mubaarak. Labada telefishan oo mid waliba wariyaal iyo xafiisyoku leh magaa;looyin kala duwan ee wadanka Masar [...] Read More Here...
  4. Muqdisho RBC Radio) Dagaalada iyo rabshadaha ka jira magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sababeen in maaalada Muqdisho ay ku sigato in ay kala godo isla markaan ay u qaybsanto labo qaybood. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa haatan waxaa isku xirta oo kaliya hal wado taasi oo ay isticmaalaan dadwayna iyo waliba aadiidna nuucyadiisa kala [...] Read More Here...
  5. Dhuuso mareeb RBC Radio) Dagaalo ayaa la sheegay in saakay* ay ka dhaceen deegaanka Dhagaxyaale ee gobalka Galgaduud. Dagaaladaan ayaa waxa ay u dhaxeeyeen ciidamada Ahlu Suna waljamaaca iyo kuwa xarakada Al-Shabaab. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaaladaan ay dhaceen halkaasi markii ay gaareen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab. Dagaaladaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa [...] Read More Here...
  6. Muqdisho (RBC) Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in iska horimaad u dhexeeya ciidamada Ahlu Sunna iyo maleeshiyo beeleed uu shalay galab ka dhacay gudaha degmada Guriceel. Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday labo kalena way ku dhaawacmeen iska horimaadkan kaasoo bilawday kadib markii maleesiyaadka hubeysan ay dheceen gaari ay [...] Read More Here...
  7. Ismail* D. Osman Waxaa dadweynow layaab leh in Maareeye uu heshiis lageli karo shirkad isagoo matalayo Dowlad. Haddii aan idiin soo koobo heshiiSKA SKA iyo TFG waxa uu u dhacay sida hoos ku qoran. 1 *Markii ugu horaysay waxaa shirkada SKA la saxiixday heshiis asagoo matalaya dowlada Somalia Mr Mohamoud Shiikh Ali oo ah Maareeyaha [...] More ...
  8. Madaxweynaha DFKMG *Xilkiisa oo *la sheegey in uu ku eg yahay *bisha Ogoosto Baarlamaanka* Federaalka Soomaaliya oo waqtiga loo Kordhinayo inta ka horeysa labaatanka Bishaan Iyadoo dhawaan Wadamada la isku yiraahdo IGAD ay sheegeen in loo baahan yahay in Baarlamaanka soomaaliya loo kordhiyo Xilliga uu jiraya ayaa waxaa arrintaa si weyn u soo dhaweeyey Xubnaha [...] More ...
  9. Magaca maqaalka waa Su’aal dad weyn, balse dadka qaar baa u qaadanaya in Afrika ay xor tahay, aniga fikirkeyga waxaan dhihi lahaa afrika xor ma ahan waayo Gumeystayaashii Afrika Gumeystay waxay badeen arrimo fool xun oo waaweyn oo dhinaca Bini’aadannimada ah, waxay sidii xoolihii intay dadka qoorta isaga xiraan ku qaadi jireen maraakiib si ay [...] More ...
  10. Asalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu dadweynaha Soomaliyeed meel iyo waa aad joogaanba. Waxaa mahad oo dhan idilkeed iska leh ALLE subxana watacala. hadaba, walaalayaal waxaa sharaf u ah in Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S) uu idiin soo gudbiyo amaba idinla socodsiino in Kooxdii Imbagheti iyo garabka lagu magacaabo Mucaaradka Djibouti ay ku fashilmeen waxii ay ugu magacdareen [...] More ...
  11. Ereyga ‘Dirac’ waxay Soomaalidu ugu yeertaa qofka Geesiga ah ee aan la quuri Karin, laakiin waxaa isweydiin mudan qofka ay soomaalidu geesi u taqaano, sida taariikhda lagu hayo welina saansaankeedu muuqdo soomaalidu waxay geesi dirac ah ku tilmaantaa ninka ku wanaagsan dirirta isla markaana maalinta fagaare loo baxo aan dib u jeesan ee indhaha iyo [...] More ...
  12. Qaahira(Puntlandi.com) Mudaharaadayaashii iyo ciidamo dharcad ah oo kusoo dhexdhuuntey ayaa isku dhac ka dhashey, waxaa kaloo isla markiiba soo gaarey kumayaal ka tirsan ciidamada khaaska u ah Xusni Mubaarak kuwasoo badankoodu fardo wataan. Soomaalida degan Qaahira waxaa lagu war galinayaa ineysan guryaha kasoo bixin ayna ka dheeraadaan meelaha Dadku isku urursanayaan.Ilaa hada lama sheegin dhimasho, [...] Read more here ...
  13. Garowe(Puntlandi.com);-*Waxaa saaka [2 Feb. 2011] soo gaarey Magaalada Garowe ee caasimadda Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed wafdi ay hogaamineyso Valerie Amos oo ah Ku -Xigeenka Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (UN-ka) u qaabilsan Arrimaha Bini’aadanimada (UN Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs). Waftigaan ayaa ka koobnaa 10-xubnood uu ka mid yahay Mr. Mark Bowden oo ah Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadanimada u qaabilsan [...] Read more here ...
  14. Garowe(Puntlandi.com);-*Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta aqalka madaxtooyada wafdi ka socda Qaramada midoobay kuwaa oo ka koobnaa 10 xubnood waxaana horkacayay kuxigeenka Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Bin’aadanimada (UN Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs Valerie Amos,waxaana weheliyey Xirririyaha Bin’aadanimada u qaabilsan arimaha Bin’aadanimada Soomaaliya Mark Bowden.Wafdiga ayaa soo dhawayn’balaaran [...] Read more here ...
  15. Gaalkacyo(Puntlandi.com);- Mamulka Degmada garacad ee Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay ilaa 300 oo dhalo oo qamriya kuwaa oo la doonayay in gudaha loogaliyo degmada Garacad.Ciidamada mamulka Degmada ayaa kaqabtay Qamrigan koontaroolka laga galo magaalada waxaana ay sheegeen in gaarigii iyo dadkii waday loo dhaadhiciyay saldhiga degmada Garacad.Qamrigan ayaa loo waday kooxaha Burcad’badeeda ee ku [...] Read more here ...
  16. Qaahira (RBC) Jaaliyada Somalida ee wadanka Masar ayaa ka walaacsan xaalada amaankooda kadib markii ay rabshadaha ka socda wadankaasi ay galeen toddobaadkii labaad. Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Masar Yuusuf Jimcaale ayaa maanta sheegay in jaaliyadu aad uga walaacsan tahay xaalada ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee kunool wadanka Masar maadaama ay sii kordheen rabshadaha [...] Read More Here...
  17. Garowe (RBC Radio):- Gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland soo gaarey wafdi balaraan oo ay horkacayso Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca bini’aadantinimada Valerie Amos. Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Xiriiriyaha Arimaha Bini’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr, Mark Bowden iyo Wariyaal Caalami ah, [...] Read More Here...
  18. Muqdisho RBC Radio) Marka la eego wadanka Soomaaliya Bishii Tagtay waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay 60 ruux halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo tiradoodu gaarayso 86 ruux. Arrintaan ayaa waxaa la gu ogaaday tirokoobka todobaadalahaa oo ay RBC Radio ka samayso todobaad walba dhamaanba gobolada wadanka Soomaaliya. Maalinimadii Sabtiga ee horaantii bishaan oo [...] Read More Here...
  19. Garowe(Puntlandi.com);-Magaalada Garowe ee casimada Dawlada Puntland ayaa waxaa uu tababar uga furmay barayaasha Dugsiyada sare ee deegaanada Puntland.Tababarkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Hay’ada A E T waxaana fulinaya Hay’ada Diakonia iyadoo lagu baranayo sare uqaadidad tayada macalimiinta,taabagalinta manaahijta iyo ku dhiirigalinta ardada waxbarashada.Waxaa ka soo qaybgalay tiro macalimiina kuwaa oo kayimid guud ahaan degmooyinka Puntland [...] Read more here ...
  20. Muqdisho (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta deegaankaasi ay soo gaareen askar gaareysa tobaneeyokuwaasoo ka mid ahaa ciidan DKMG loogu soo tababaray wadanka Kenya isuna dhiibay Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in askartani oo dhawaanahan ku sugnaa deegaano xuduuda ku yaalla ay qeyb ka ahaayeen ciidamo DKMG ku [...] Read More Here...
  21. Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo maanta shir jaraa’id telefoonka ugu qabtay warbaahinta gudaha ayaa beeniyey in ninkii dhowaan ay dileen Al Shabaab ee lagu eedeeyey basaasnimada uu ka tirsanaa Jamaacada Al-Ictisaam. Sheekh Bashiir oo shirkiisa jaraa’id ka dib su’aalo ay weydiiyeen warbaahinta ayaa sheegay in beenabuur uu yahay hadalka [...] Read More Here...
  22. Gaalkacyo(Puantlandi.com)Dhageyso Taliyaha Booliska Gobolka Mudug G/Sare Aaden Nuur Qaal*oo saxaafada shaley u sheegey in ay gacanta ku hayaan dadkii ka dambeeyey dilalakii Gaalkacyo ka dhacey, Waxaan heynaa buu yiri Taliyuhu dadkaas, waana hubnaa oo cadeymo buuxa baan heynaa, qaar kalena waan ku daba joognaa ,*Hoos ka dhageyso Shirkii Jaraa’id oo*dhameystiran *Dhageyso // Read more here ...
  23. Muqdisho (RBC Radio):- Afhayeenka Ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) ayaa warbaahinta ka sheegay in ay u aargudi doonaan shacab dhowaantan lagu laayey Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Shiikh Cali Dheere waxaa uu sheegay in shacab 30 ruux gaareya lagu xasuuqay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho maalmo ka hor, xasuuqaasi [...] Read More Here...
  24. Laascaanood(Puntlandi.com);- Wararka naga soo gaaraya degmada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa ku soo waramayaa in duleedka degmadaa ay fariisin ka samaysteen ciidamo xoogan oo uu horkacayo wasiirkii hore ee duulista hawada Dawlada Puntland Axmad Karaash.// Karaash iyo ciidamada uu wato ayaa la sheegay in ay ka anbabaxeen magaalada Garowe waxaana wararka intaa ku darayaan in [...] Read more here ...