-
Content Count
5,088 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
11
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Mooge
-
HORSEED MEDIA: ANTI-FAROOLE DEMOS SPREAD TO GAALKACYO Banaanbax balaaran oo aan la sheegin cidda soo abaabushey ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Banaanbaxyaasha ayaa ka canbareeyey maamulka Puntland ee uu hormuudka ka yahay Dr.Faroole sida ay u dayaceen gobolka Mudug isla markaasna aysan u haynin wax dan ah in ay ka qabtaan arimaha amaanka ee faraha ka sii baxaya, halka maamulku isku mashquuliyey arimo siyaasadeed oo ku wajahan Dawladda Federaalka iyo in gaashaanbuur lala sameeyo maamulka Galmudug. Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Mudug oo uu kamid yahay Dr.Bashiir Cali Biixi ayaa kamid ahaa dadkii la hadley shacabkii ka cabanaayey Maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay amaan darida ka taagan gobolka Mudug gaar’aahaan xaruntiisa Gaalkacyo, sidoo kale waxa uu sheegay in aysan ahayn wax la qaadan karo ahayn sida maamulku uga jawaabey dhibaatada ka dhalatay dagaalkii Kalshaale ee maamulka Somaliland ku xasuuqeen shacabka gobolka Cayn, iyo sida guud ahaanba loola dhaqmo dadka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada SSC. Dr.Biixi ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqey in ay aayahooda ka tashaddaan isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii ay aminigooda u soo ceshan lahaayeen. Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo isaguna dadka la hadley ayaa kor u qaadey qori AK-47 waxaana uu sheegay in uu qorigaas u sito in uu ku ilaashado naftiisa halkaasna ay marayso xaalka Gaalkacyo, waxaana uu hoosta ka xariiqey in maamulka Puntland ka seexdey in uu wax ka qabto gobolka Mudug. Nabadoonka ayaa maamulka hadda jira ku tilmaamey mid guuldareystey, waxaana uu sheegay in bulshada reer Mudug aysan aqbali karin heshiiska Garoowe ay ku kala saxiixdeen maamulka koonfurta Gaalkacyo iyo Dawladdii Puntland. Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale canbaareeyey heshiis dhawaan Dr.Faroole la galay maamulka Galmudug kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid siyaasadeed oo ku wajahan Dawladda Federaalka ee aanu ahayn mid amni wax looga qabanaayo. Madaxweynaha Puntland ayaa muddo 11 bilood ah aan dhaafin magaalada Garoowe in uu cirka uga duulo oo dalal dibadaha aado mooyee, waxaana ka taagan dalka Abaaro ba’an biyo la’aan ma jirto kaalin muuqata oo Dawladda Puntland ay ka geysatey Abaaraha marka laga yimaado in ay booqasho ku tageen meelaha qaarkood, Maamulka Somaliland oo ka faa’ideysanaya sida Puntland uga seexatey gar-gaarka Abaaraha ayaa la sheegaya in meelo badan oo kamid ah gobolada Sool iyo Sanaag ay kaalmooyin gaarsiiyeen. Abdirisak Shiino Horseed Media
-
Faroole supporters urge swift action against demonstrators before they spread to other parts Dawlada Puntland waxaa haboon in xiligan ay ka hortagto kana feejignaato mudahaardyo looga soo horjeedo kana dhaca gudaha deegaanada Puntland waxaana ay abuurikaraan amnidaro soo wajjahda guud ahaan mandiqada Puntland. Hadii aysan xiligan Puntland awood saarin baajinta mudaharaadyo la qorshaynayo loogana soo horjeedo madaxda & Maamulka Puntland ayaa waxaaa ka faaiideysanaya dadkii awal jaaniska ula aa gaysashada falla amni daro. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maantey ka dhacey iskusobaxa kooban waxaana uu ahaa mid looga soo horjeedo Puntland waxaana salka kuhao siyaasiyiin& shaqsiyaad ka soo horjedo amniga & jiraatanka daganashada Mandiqada Puntland. Shaqsiyaadakan danaha gaarkaa wata ayaa waxaa ay doonayaan iska hor Iimaad ka abuurma shacabka & Dawlaada waxaana ay eeganaya hawlo ugaar ah waxaana ay dad wax magarataa dhagta ugu sheegen inay sameeyaan mudaharaadyo. Maalinta birito ah ayaa waxaa ay sheegn in laysugu yimaado gudaha magaalada si loosameeyo mid weyn waxaana tani kufidi kartaa deeganada Puntland ha dii aan laga hortagin ama aan talaabo laga qaadin cida ku lugta leh. Shacbaka magaalada Galkacyo ayaa qayb kamid ahi waxaa ay kasoo horjeesteen dhaliileena dadka kulugta leh isku soo baxan waxaana ay shegen in tani ay keeni karto amni daro . Qayb kamida shacabka ayaa sheegay in cidii wax tabanaysoa ay ugudbiyaan maamulka waxaana ay sheege in mudahraadyo xiligan kusoo beegma ay keenayaan dagaashiiyo la aan & Dagaalo sokeeyo. Dawlada Puntland ayaa waaa xiliagan loga bahanayahay in ay ka ortagto mudaraadyadan laga yaabo inay kufidaan deeganada kale ee Puntland mana cada sababta xiliagan keentey mudaharadyo . Qayb kamida siyaasiyiita Puntland ayaa waxa ay xiligan qorshaynayaan falal aykudoonayaan isbadal xiligan ka dhaca Puntland waxaana dhawaan xukumda Pumtland ay ku darsatey mudohal sanaa wax qabadaka dawlada oo humara sameynayo awadi. Mandiqada Puntland ayaa waxa xiliagan ka jira amni buuxa waxaana loobaahnayn mudharadyo & wax lamida oo amnidaro & khal khal ku keeni karo amniga Puntland waana xligii Puntland ay gari lahayd hormarka wadamo kamid ah geeska Afrika. Puntland.com C/sahal Haaji kudadayopuntland@gmail.com
-
dUke, are you implying former Vice President and Finance Minister Gagaab, a feared man from heartland of Mudug is on-board with the protesters? That is better news than I thought. I was fearing the demonstrations may have been organized by few weak unknown ragtags. haaaahaaaha. when it comes to SSC, enough is enough. People want a change of policy. faroole needs to listen.
-
Puntland policy towards SSC has failed. The people of Puntland who have NO LOVE for Faroole are saying "enough is enough". People are angry. There is nothing Faroole and his spin-masters can do to stop the citizens in Nugaal, Mudug and Bari from supporting their brothers. "Enough is enough" they chanted.
-
Faroole Supporters Strike Back. “Maxaa Noo Soo Arkay In SSC Fagaaraha Galkacyo Madaxdeena ka Aflagaadayso”Godomiyaha Golaha Deganka Galkacyo. Galkacyo(Puntlandi.com);Godomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Galkacyo Farxaan Cali Xirsi ayaa wax laga xumaado kutilmamay banaanbixii maanta kadhacay magaalada Galkacyo waxaana uu sheegay in ay soo abaabuleen shaqsiyaad aan danta dalka iyo dadka katurjumayn iyo Jabhada SSC. Dawlada waxbadan ayay qabatay waxna waa oqrshaysanyihiin lama oronkaro wax waa qabanwayday mana aha in fagaarayaasha lagy aflagaadeeyo madaxda masiirka dalka Haysa ayuu yiri Godomiyaha Golaha Deegaanka Galkacyo. Waxaa uu sidoo kale kutilmamay wax aan loo baahnayn in fagaarayaasha Galkacyo ka canbaareeyaan mamulka talada haya saraakiil katirsan Jabhada SSC kuwaa oo horay u sheegay in ay kabaxeen mamulka Puntland. “Maxaa noo soo arkay in SSC ay maanta Galkacyo ka canbaarayso Dawlada Puntland waa wax ay horsed uyihiin shaqsiyaad aan ka turjumayn danta shucuubta Puntland ayuu hadalkiisa raaciyay Godomiyaha. Puntlandi.com Galkacyo.
-
Puntland goverment criticizes Protesters. Calls them Illegal. Galkacyo(Puntlandi.com);-Godomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmada Galkacyo Axmad Muusa Nuur ayaa ku tilaamay mudaharaadkii kadhacay magaalada Galkacyo qorshe lagu maleegayo amaanka magaalada Galkacyo iyo isku duubnida Bulshada Gobolka Mudug. Waxaa soo abaabulay shaqsiyaad ka soo horjeeada amaanka Gobolka maaha bananbaxa dadka caqliga usaaxiibka iyo mamulka Gobolka wax ka ogaayeen waana dad fidnawadayaala ayuu yiri Axmad Muusa Nuur. Godomiyaha ayaa sheegay in Dawlada Puntland tahay xukuumada laysku raacay in ay hogaamiso Shacabka Puntland waa in looga danbeeya talada iyo heshiisyada ay gasho ayuu hadalkiisa raaciya. Dadka iyo dalka dantiisa waxaa og xukuumada talada loo dhiibay ayadaana looga danbaynaa dadkana yaan fowda loo horseedin maalinbaa qofbaa kursiga ku fadhiya yaana mucaarad lagu noqon dadka talada haya ayuu yiri isagoo hadalkiisa siiwata. Mamulka Gobolka Mudug kan degmada iyo masuuliyiinta Golaha deegaanka Degmada Galkacyo ayaa canbaareeyay banaanbixii maanta kadhacay magaalada Galkacyo. Puntlandi.com Galkacyo
-
Banaanbax lagu dhaliilayo Dowlada Puntland oo Gaalkacyo ka dhacey Gaalkacyo(Puntlandi.com) Mudaharaad lagu dhaliilayo Dowlada Puntland ayaa ka dhacey magaalada gaalkacyo, Waxaana mudaharaadka lagu muujinayey in Dowladu ka gaabisey sugida amaanka Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.(Sawirada hoos ka daawo) Mudaharaadka ayaa waxaa soo abaabuley rag horey xukuumada iyo xukuumadihii hore ee Puntland ka tirsanaan jirey, tasoo dad badan u arkaan iney yihiin xisbiyada mucaaradka . Bashiir Cali Biixi oo horey u ahaan jirey wasiirka Caafimaadka Xukuumada Madaxweynbe Faroole ayaa Dadka isu soo baxey u khudbeeyey isagoo sheegey in Dowladu ay ka gaabisey sugida amaanka. Sida naloo xaqiijiyey mudaharaadka waxaa horboodayey oo ka khudbeeyey rag iyaga ruuxooda lagu dhaliilo iney ku guul dareysteen sugida amaanka magaalada ama ku lug leh amaan xumada ka hirta Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda puntlandi.com
-
Garowe(Puntlandi.com);-Xog rasmiya oo ay heshay Wakaalada wararka Puntlandi.com ayaa muujinaysa in xarunta Madaxtooyada Dawlada Puntland ka soo baxay qoraal muujinaya in la soo xiro shaqsiyaadkii kadanbeeyay mudaharaadkii maanta ka dhacay magaalada Galkacyo. Saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland ayaa wakaalada Wararka Puntlandi.com ugu xogwaramay in xukuumada Puntland talaabo ka qaadayso shaqsiyaadka fadqalada kawada magaalada Galkacyo. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in saraakiil katirsan jabhada SSC ay ku luglahaayeen banaanbaxa maanta kadhacay magaalada Galkacyo waana lagu sheegay in dhinacooda talaabada ku haboon laga qaado. Warkan ilaa iyo hada si rasmiya looma shaacin balse waa war hoose oo ay heshay Puntlandi.com waxaana guud ahaan caasimada iyo Golaha xukuumada looga hadalhayay banaanbaxa kadhacay Galkacyo. http://puntlandi.com/?p=11595
-
Muqdisho (RBC) Ilo wareed ka gaabsaday in la magacaabo ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in wariye sawirqaade ah oo ka tirsanaa wakaalada wararka Reuerts ay qafaasheen ciidamo ka tirsan xarakada Shabaab. Wariyahan oo lagu magacaabo Cabdi Dhaqane (Cabdi Yare) ayaa xilliga la afduubay wuxuu ku sugnaa agagaarka saldhiga degmada Kaaraan oo galabta lagu balamiyay wariyaasha [...] Read More Here...
-
Garowe (RBC Radio):- Wafdi uu hogaaminayo G, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa soo gaarey magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed. Gen, Qeybdiid iyo wafdiga uu horkacayo ayaa la sheegay in ay Garowe u yimaadeen si ay ula kulmaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda Puntland, iyagoo doonaya in ay kala hadlaan arimaha maamulka Galmudug ee deriska la ah dowlada Puntland. Wararka laga helayo xubno ka mid ah wafdiga waxaa ay sheegayaan in wafdiga uu horkacayo Cabdi Qeybdiid ay Garowe joogi doonaan maalmo kooban, iyagoo doonaya in ay kulamo gooni gooni ah la yeeshaan mas’uuliyiinta Puntland. Arimaha Gobolka Mudug ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan wafdiga Galmudug ka tagey ee uu hoggaaminayo Cabdi Qeybdiid iyo dowladda Puntland, waxaana wararku intaa ku darayaan in ay ka hadli doonaan xaaladaha amaan darro ee gobolka Mudug ka jira iyo colaadihii kal hore dhexmaray beelaha degan gobolka oo aan ilaa iyo iminka heshiis buuxa laga gaarin. Waa markii ugu horeysay ee wafdi ka socda maamulka Galmudug ay booqasho ku tagaan caasimada dowladda Puntland ee Garowe, waxaana la filayaa in ay kulamada dhexmara labada dhinac ka soo baxaan qodoba muhiim ah oo xoojiya wada shaqeynta labada maamul ee deriska ah. RBC Radio.
-
3-dii bisha Feebaraayo ayaa Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya kalfadhi uu yeeshay waxa uu ku daraday Mudo saddex sano ah kadib markii sidaa ay kula taliyeen wadamo ka tirsan urur gobaleedka IGAD iyo guddiga dastuurka ee Dowladda Federaalka hase yeeshee arrintaani ayaa waxaa ka soo horjeestey Beesha Caalamka ayagoo ka bixiyey aragtiyo kala duwan oo ku [...] More ...
-
Berbera (RBC Radio):- Ganacsatada Soomaaliland ayaa cabasho balaaran waxaa ay ka muujinayaan wareegto ka soo baxdey xafiiska Wasaarada Maaliyadda maamulka Soomaaliland taasi oo lagu kordhinayo canshuurta laga qaado ganacsatada. Cabashada Ganacsatada ayaa timid kadib markii lagu wargeliyay in badeecada ay dalka keenayaan lagu kordhiyey canshuur cadad ahaan gaareysa ilaa iyo 30% taasi oo la sheegay [...] Read More Here...
-
Boosaso ( RBC Radio )**Waxaa Xilkii Laga Qaaday Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Bari Waxaana Xilka Looga Qaaday Wareegto Ka soo baxday Taliska Sare Ee Booliska Iyo Asluubta Puntland. Taliyiihii Hore Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle C/xakiin Yusuf xuseen iyo Ku xigeenkiisa Col: Cawil Axmed Jaamac Ayaa Xilka Laga Qaaday dhawaan Waxaana La soo magacabay. [...] Read More Here...
-
Boosaso ( RBC Radio )**Waxaa Warqad codsi ah soo Gaarsiiyay Xafiiska RBC Radio Iyo Boga Raxanreeb.com Ee Boosaso Aabe Somaliyeed oo Dalbanaya in Wax lagala Qabto Xalad Adag Oo Soo Wajahday Aabahasi. Aabe Axmed Salaad Oo Ah ku Dhaqan Magalada Boosaso Ee Xarunta Gobolka Bari Ayaa Warqadani Waxaa Uu Dirayaa Dhamaan Umada Islaamka ah Meel [...] Read More Here...
-
Kampala (RBC Radio):- Saraakiil sar sare oo ka tirsan Laamaha amaanka ee dalka Uganda ayaa ka digay weeraro iyo isqarxin ka dhacda magaalooyinka waaweyn ee dalka Uganda. Saraakiishu waxaa ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan in weeraro iyo isqarxin la sameeyo xilliga dadka dalkaasi Uganda ay ku guda jiraan codeynta doorashada dalkaasi ka bilaabanaysa [...] Read More Here...
-
Roma (RBC Radio):- Dowladda Talyaaniga oo ka mid ah wadamada taageera dowladda FKMG Soomaaliya ayaa cambaareysay xil kordhinta saddex maalmood ka hor ay sameeyeen Golaha Baarlamaanka FKMG Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho. Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in arintaasi aysan soo dhoweyneyn isla markaana ay tahay mid aan lagala tashan oo aysan waxba ka ogeyn, [...] Read More Here...
-
The aristocrat of totalitarianism – Could Ethiopia survive * Jasmine Revolution Abdiakrim H. Abdi Buh Email:abdikarimbuh@yahoo.com Feb 05 2011 The Indian Noble-Prize winning economist, Amartya Sen, postulates: “Shortfalls in food supply do not cause widespread deaths in a democracy because vote-seeking politicians will undertake relief efforts; but even modest food shortfalls can create deadly famines [...] Read More Here...
-
Muqdisho (RBC) Xukuumada dalka Jabuuti ayaa maanta diyaarad gaar ah magaalada Muqdisho kaga qaaday 32 ruux oo dhaawacyo rayid ah kuwaasoo toddobaadkii hore ay laayeen ciidamo ka tirsan DKMG Soomaaliya. Dhawacyadan oo ay ku jiraan 3 carruur ah ayaa ka mid ahaa lixdan dhaawacyo ah oo ciidamada DKMG ay rasaas ku fureen xilli ay ku [...] Read More Here...
-
Kenya(Puntlandi.com);-Wadamada caalamka iyo Qaramada midoobay ayaa canbaareeyay go’aankii Barlamaanka Somaliya waqtiga ku kordhisteen. // warqoraala oo ka soo baxay ergayga gaarkaa ee qaramada midoobay uqaabilsan somaliya Dr’ Augustine Mahiga ayaa lagu sheegay in go’aankaa dhabarjab ku yahay fadhigii dhawaan ka dhacay Adis’ababa ee looga arinsanayay xaalada somaliya iyo wax layeelayo waqtiga kala guurka. Mahiga waxaa uu sheegay [...] Read more here ...
-
Waxaa laciyaari doonaa manta iyo waliba maalinta xigta kulamo ka tirsan horyaalka wadabka Talyaaniga. Udinese waxa ay marti galin doontaa kooxda Sampdoria Cagliari waxa ay gurigeeda ku marti qaadi dooontaa naadiga Juventus Sidoo kale maalinta Axda ah ayaa waxaa la ciyaari doonaa kulamo ka tirsan horyaalka wadanka Talyaaniga Naadiga Bologna iyo *Catania ayaa wada ciyaari [...] Read More Here...
-
Muqdisho RBC Radio) Maanta ayaa waxaa la ciyaari doonaa kulamo ka tirsan horyaalka wadanka Ingiriis oo aad u xiiso badan waxa ayna naadiyadu isku arki doonaan sidatan. Naadiga Stoke C. ayaa waxa ay la ciyaari doontaa kooxda kubada cagta ee Sunderland Naadiga Aston Villa iyo kooxda *Fulham ciyaar aad u xiiso badan ayaa dhex mari [...] Read More Here...
-
Sweden(Puntlandi.com)**Xasan*Maxamed Ibraahim oo *26 jir Soomaali ah*ayaa Dowlada Sweden u diidey aqoonsiga Qoxootinimo,Booliska ayaa khamiistii gacanta ku dhigey waxayna hada Booliska iyo waaxda Socdaalku qorsheynayaan iney ka tuuraan Jubooyinka oo ay u gacan galiyaan Al-shabaab.// *Wiilkaan ayaa Soomaali ahaan ka dhashey qabaalooyinka laga badan yahey ee ku nool gobolka jubooyinka, wuxuuna*si nasiib ah uga soo [...] Read more here ...
-
Popular Contributors