-
Content Count
5,088 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
11
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Mooge
-
interview with Cadami in Taleex city. halkaan ka dhagyso.
-
Sanaag (ceerigaabo), Taleex, Buuhoodle and Boocame communities are now in the column of those against galeyr's G6 scheme to divide people of ssc. well done.
-
Boocame Leader reaches Taleex, Galeyr Militia tried to stop him and were quickly chased away. Boocame people are celebrating his arrival in Taleex. Maxamuud Maxamed Cali Qodax (Cadami) ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Taleex isagoo hada kulam la qaatay garaadka guud ee gobolada Sool iyo Sanaag garaad Saleebaan Garaad Maxamed. Shabaklada Taleex oo xidhiidh taleefan la sameysay ayaa uu u sheegay in ay weerar ku soo qaadeen ciidamo uu hogaaminayay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo u qaabilsan dr Galaydh waardiyaynta hase haate ay ka difaaceen ciidamo ka soo jeeda beelaha ************ Waxaa uu cadami shegay in ay magaalada duleedkeeda isku horataageen hase ahate markii u warku gaaray ugada Taleex uu amar soo saaray Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo sheegay in deg deg looga qaado jidgooyada ay dhigtay kooxda G6 oo adeegsanaysa Oday Karaash. Waraysiga Cadami oo aan mar dhaweyd la yeelanayn halkan ka roggo ama hoos toos uga dhagayso taleex.net
-
BREAKING NEWS 11 out of the 14 Garaads propose to share future with their brothers in Puntland. G6 turmoil and anger starts. will the clear voice of the elders be rejected now by cali khaliif galeyr G6? Xaglatoosiye is not happy with either side unless he is made the head of ssc. waa anigaa kaadida u soo cabay. it is a deadlock.
-
Hogaanka SSC Iyo Garaadada Beesha *********** Oo Qaadacay Shirka Taleex Iyo ku Dhawaqista Maamul goboleed.. January 11th, 2012 Comments Off Hogaanka SSC Iyo Garaadada Beesha *********** Oo Qaadacay Shirka Taleex Iyo Dhawaqista Maamul Goboleed Taleex (Somaliland.Org)Garaadada beesha *********** oo ay hogaaminayan Garaad Saleebaan Garad Maxamed Iyo Garaad Abshir ayaa manta maalintii seddexaad ku guda jira shir uga socda magaaladda Taleex dhexdeeda. Shirkaas oo ay kaga arrinsanayan go’aankii ay ka qaadan la ahaayeen shirka ka socda Taleex iyo dhawaaqa maamul goboledka ee kazoo yeedhay shirkaas. Shirka garaadada oo ka socda aqalka uu Taleex ka degan yahay Garaad Saleebaan garaad Maxamed ayaa la sheegayaa in garaadadu kaga shirayan khilaaf u dhexeeya iyaga iyo guddida shirka Taleex hagaysa oo loo yaqaan G6. Garaadada ayaa ku eedeeyayay gudidas inay shirkii marin habaabiyen, isla markaana dano gaar ah ka wataan. Garaadada ayaa shirk ka dareeray laba cisho ka hor, isla markaana shalay fiidki ka warhelay dhawaaq maamul beesha *********** oo shirka lagaga dhawaqay. Warar xog ogaal ah oo aanu ka helayno garaadada ayaa sheegaya inay ku talo jiran garaadadu in ay bayaan ka dhan ah kooxda G6 soo saaraan. Garaadada ayaa dhamaantood isku raacay in aysan aqbali karin wax lagu sheego maamul goboleed oo shirkaa lagaga dhawaqo. Garaadadan sida adag uga soo horjeeda maamul goboleedka ayaa la sheegaya inay yihin kuwa gacan saar la leh maamul goboledka Puntland. Halka qaar kalena u arkaan maamul goboleedkan lagu dhawaqaya inuu xasiloni daro u keeni karo beeshoda. Dhanka kale hogaanka SSC Xagla Toosiye iyo Cali Sabarey ayaa yaguna sidoo kale shalay ka baxay shirk aka socda Taleex, isla markaana ku dhowaqay inay kazoo horjeedan go’aan kasta oo shirkas lagu qaato. SIdoo kale ciidamada Xagalatoosiye ayaaa rasaas fariin ah cirka u ridayay manta ilaa shalay iyadoo ay ku hanjabeen in ay awood kula wareegidoonaan madasha shirka hadaan wax laga bedelin qaabka shirku u socdo imika. Waxii war ah ee kazoo kordha kala soco Somaliland.Org Maxamed Macalin Somaliland.Org, Taleex
-
BREAKING NEWS G6 Oo La Soo Baxaday Qorshihii Ay Jeebka KU Sidatay Doraato (09 Jan) ayey ahayd markay kooxda G6 sheegtay inuu si rasmi ah u bilaamay shirkii ay wadeen, iyagoo la hadhay dadkii ay xusheen oo keliya, dadweynihiina u sheegeen inay maanta banaanka joogaan maadaama ergooyinku guda gelayaan ajandihii rasmiga ahaaa. Waxaa dadka anfariir iyo yaab ku noqotay markay isla shalayba (10 Jan) barqadii ku dhawaaqeen waxay ugu yeedhaan maamul goboleed, lama arag weli howsha intaa le’eg oo go’aankeeda lagu gaadho wax ka yar 24 saac. Halkaa waxaa ka cad inay soo baxeen waxay dadku sheegayeen oo ahaa, G6 waxay jeebka ku sidataa qorshe aanay cidna kala tashan. dadka meesha lagu ururiyey waa dad ay G6 soo xulatay, Xageese lagu gaadhayaa?. Waxaa taa dheer weererka madax dhaqameedka lagu hayo. Waa yaab nin qurbe ka yimi halkuu dadka wax ku soo biirin lahaa u soo tafa xaytey Isimadiisii marka laga reebo G Jaamac garaad Cali oo iyaga ka mida. Saaka waxaa weere lagu soo qaaday hogii Isiamadu ka deganaayeen Taleex, horaya waxaa u soo weeraray ciyaal ay soo dirsadeen G6. taleex.net
-
xaaji xunjuf, garoowe ka warran iyo pirateland. lool. taleex is my ancestral land. don't worry about taleex. laascaanood will be liberated. taas ka walwal.
-
Kulankii Garaad Saleebaan iyo G6, nuxurkiisu muxuu ahaa? Odayada isku magacaabay G6 oo dadku ay iminka u bixiyeen magac cusub kaas oo ah CIRKAAN KA SOO DHACAY ayaa waxay shalay kulan la qaateen Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ahaa garaadkii gogasha shirka khaatumo2 martigaliyey, kulankan ayaa waxuu ahaa mid isbarasho iyo waxisla tusaalayn ah wuxuuna qaatay mudo saacado ah. Ugu horay kulanka ayaa waxuu ku biloowday kaftan iyo hadalo duur xula kaas oo Garaad Saleebaan u muujiyey kooxda G6 iyo tageerayaal la socday sida ay aad qurbaawiyiin ugu noqdeen isagoo raga qaar sheegay inaanu walgii meel ay ku nool yihiin iyo waxay yihiin aanuba maqal sanadkan ka horoow. Garaadka ayaa waxuu ka warbixiyey guud ahaan xaalada dalku soo maray intii ka danbaysay burburkii Soomaaliya iyo sidii loo difaaci jiray khasaarihii loo gaystay bulshada *********** naf iyo maalba iyo waliba goobihii lagu xasuuqay shaacbka,waxuu kaloo Garaadku taabtay sida waxaas oo khasaare iyo dhibaato loo gaysta shacabka ssc aanay jirin cid xaqooda u soo dhicisa oo u dhalatay beesha bal iskabadaaye ay ka soo baxeen rag ugu sii dara dhibaato ka balaadhan tii ***** u gaystay ilaa ay gacanta u galsheen Laascaanood, ragaas oo uu Garaadku sheegay inay wali ku taamayaan inay si wadaan gumaynta shacabkooda. Garaadku waxuu ka warbaxshay gogoshii uu qaaday amaba uu marti galiyey ee shirka Khaatumo2 isagoo xusay in ujeedadiisu ahayd in *********** ku midoobo ugunna tashado sidii uu u xoraysan lahaa degaanadiisa cadawgu haysto balse dad aanu garanay ujeedadooda iyo waxay u xumaynayaan ay tashuush ku fureen go’aankii garaadka dadkana ugu ugu fasireen in uu doonayo inuu baajiyo wada tashiga *********** waxuu isagoo arinkaa ka hadlaya yidhi ” Anigu Isim baan ahay hadda ogaadoona ninka Isimka ahi dadka ayuu ku yahay ee nin kaligii Garaad ahi majiro hadday jiri lahaydna dadkuba wada Garaado buu noqon lahaa oo nina xil gaar ahi ma fuuleen, Annigu in aan dagaalanao oo aan Iska dhicino ***** baan doonayaa waana u rag la ahay haddaad idinku u socotaan dagaal iyo xorayn dalkii maqnaa ah cidaan idinku doorsanayaa majirto haddii aadse wax kale iyo hadal aan dhamaanayn u socotaan niman yahow ha idhibinina ciilkaygaan la godgalayaaye”. Garaadka oo aad ugu dheeraaday waxii lagu xasaradeeyey oo xitaa la gaadhsiiyey in ehelkiisa lagu diro amaba raga qaarkood ku gaadheen kana shaqeeyeen inaanay gogashiisa fadhiisan aanu waxba u qabsanay waxay sameeyeen cidna ka dacwaynayn balse uu u arko dad aan bislayn oo u baahan inay wax badan ka ogaadaan waxa dalka ka jira……….Garaadka ayaa si kaftan ah Cali Khaliif u way diiyey inuu ssc ka dacweeyo ama uu iska cafiyo Cali ayaa isagu dhankiisa ka codsday Garaadka inuu cafiyo raalina ka ahaado gafkii uu ka galay ee lagu soo ban dhigay war baahinta. Kooxda G6 ayaa ugu garaabay Garaadka wax badan oo uga taariikheeyey aysanna ka war hayn iyo sida wax uga qabsoomi waayeen xooraynta Laascaanood oo inbadan lasugayey, iyagoo qiray inay heli jireen waran aan inta badan xaqiiqda ku salaysnay….oo loogu soo warami jiray. G6 ayaa waxay xitaa goobta qireen inay ku war heleen in la dhameeyey mashqadii ka dhacday Taleex 11/12/2011 ee ku geeriyoodeen Ganacsade Jaamac Calishire iyo Mubaarak Saalax Calishire……iyagoo sheegay inay hadda ka warheleen in an waxbadan laga qaban arintaas ayna wali joogaan maleeshiyaadkii dhacdada isu urursaday……….G6 ayaa waxaa ka muuqday in ay ahaayeen niman u afduuban shaqsiyaad dhegta wax ugu sheega marinna habaabiyey…iyagoo garaadka ka codsaday in xooga la saaro heshiisiinta labada qoys ee dhibtu kala gaadhay ayna iyagu dhankooda ku dadaali doonan waxii karaankooda ah ayna dib u rumaysan doonin wax badan oo loo sheegi jiray iyaga iyo shacab waynaha ssc Ugu danbayntii waxuu ku soo dhamaaday shirkaasi jawi dagan balse ay ka muuqatya in G6 ay xaqiqda taabteen oo ay ku indha sarcaadeen Taleex iyo wax ka taagan ayna u daba fadhiisanayaan wayeelka waxii arinna ee ku wajahan ssc…………hadalka labada dhinac ayaa waxaa ka muuqday in ay tahay in muhiimadda la saaro in la xoreeyo degaanka *********** aanna maanta Taleex lagu furfurin wax siyaasada si looga baaqsado isafgaran waa. G6 oo wadata qorshe ah in ay dawlada kaga dhawaaqaan magaalada Taleex isla markaana dibada ula dawarsi tagaan ayaa waxaa haad soo foodsaaray culay kaga imanaya bulshada ssc oo ku dhawaaqaya labada kalmood ee ah “xoreyn iyo midnimo” taaso micaheedu yahay in la xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhexjira beesha iyo in cadwga Laascaanood haysta laga saaro, waxaadna moodaa in G6 hada xaalad adag so wajahday. taleexmedia
-
xaglatoosiye doesn't want the G6 to rob him. he worked hard for this.
-
Shirka Taleex oo Khilaaf hadheeyey iyo kala jab soo foodsaaray awgood hakad galay iyo xaaladda maanta Taleex-(Berberanews)- Shirka loogu yeedhay Khaatumo 2 ee Beelaha *********** uga socday maalmahanba degmada Taleex ee gobolka Sool oo Shalay lagu go’aamiyey in maamul-goboleed Somaliland ka madax-bannaan lagaga dhawaaqo, ayaa fashilmay, isla markaana qarka u saaran inuu burburo, ka dib markii sida la sheegay uu maanta qabsoomi waayey. Siday sheegayaan wararka ka imanaya Taleex waxa maanta magaalada Hadheeyay qas iyo jaho- wareer ka dhashay dhawaaqii xalay oo ay ergadii shirka iyo dadweynaha magaaladuba ka biyo diideen kuna tilmaameen mid jujuub ah oo mijo xaabin kara shirkaasi. Nin dhalinyaro ah oo ka cadhaysnaa shirka Taleex ayaa maanta toogasho ku dilay hal qof oo ka mid ah dad la sheegay inay taageersanaayeen hadaaqa ka soo baxay mid ka mid ah dadka wada shirka aan ajandaha lahayn ee Khaatumo Waxa kale oo mudaharaado, is rasaaseyn qalaasaha ka taagan magaalada Taleex ku dhaawacmay 11 qof siday faafisay shabakada Taleexmedia. Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa hadaaqa ka soo yeedhay kooxdaasi ku tilmaamay hadal aan afka dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin, waxaanay sheegtay inaanay masiirka shacbiga ummadda go’aamin doonin ashkhaas ka timid dibadaha oo carari doona. Xukuumadda Somaliland waxay intaasi ku dartay in shacbiga Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari ay ka mid yihiin shacbiga Somaliland. Dhulka ay Somaliland ka talisaa waa Xuduudihii ay lahayd wakhtigii Boqortooyada Ingiriisku gumaysan jirtay Somaliland, dhulkaas oo wakhtigaa Ingiriisku joogay la odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, hase ahaatee, markii ay Somaliland 26 June sannadkii 1960-kii ay la midawday Koonfurtii Soomaaliya oo Taliyaanu gumaysan jiray 31-kii June 1960-kii, waxaana dhulkaa ka mid gobollada hadda SSC ay ugu yeedheen qolada Shirka Taleex ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo weliba guud ahaanba deegaannada hoos yimaadda gobolladaas. Berberanews.com
-
Shirkii Taleex oo baaqday galayna marxaladii ugu adkayd. Garaadadii oo qabiilooyinkoodii u soo bandhigay go'aankii G6 Shirkii Taleex ka soconayey aya manta hakad galey yado la sheegey in isimada iyo cuqaasha iyo beelaha ergooyinka ka yimaaden laga soo an saxiyo waxa shirka ka soo baxay yadoo ad ka dareeysid magaalada shirar is xulufeeysi ah oo hoosta ka socoonaya, waxad dareemeysa dadka oo Group Group u shiraya qolo waliba ay dooneeyso in ay hesho Hogaanka lagu dooran doono maamulka la dhisayo, wararku waxay sheegayan in uu galey marxaladii ugu adkeeyn yadoo dhamaan ergooyinkii shirka ka qeeyb galey wixii ay ku doodeen ay kula noqdeen beelohoodi,” Isimada oo badiba dibada ka fadhiya ay waxa la sheegaya in aysan diidaneen in maamul la dhiso bale ka caga jiidaya door koodi oo bananka laga dhigay yadoo awoodi iyo magaci ay ku lahaayeen bulshada si farsameeysan loo is ticmaaley isimada aya kukala jaban aragtida shirka iyo qaabka ay wax u socdaan, shirkan aya la filaya in u ga aamo ka soobaxaan iyo maamul lagu dhawaaqo yado dhinaca kale lafilayo in ay ka hortimado mucarado bulshadn SSC aya yadu u baahan mamul iyo hogaan ay yeelato oo dacaad ah loona dhan yahay, caqabad iyo dhibaatona ku noqon doona hadi Group ka hor yimaado. Somaliland iyo Puntland aya yagu dusha ka ilaashanaya mucaaradka ka soo baxa shirkaa si ay u garabsadaan, shirkan aya intii u socoonayey aan lagu soo qaadin wixi keeney dhibatada hada taagana iyo wixi is hortaagey Mamulki SSC iyo sabata ku kaliftey In somaliland iyo Puntland ku herdento Deeganka SSC, wararku waxay sheegayan in la sameeyndoono mamul mamulkaas oo ama ha loo dhamado ama yaan loo dhamaan ee yagu UN ka iyo hayada la hor geeyn doono, soona xula cida uga qeeyb galeeysa Barlamanka Somali SHirka ougos eee fooda inagu soo haysa Short URL: http://www.kalshaalenews.com/?p=5874
-
Shirkii Taleex Oo Maanta Baaqday, Ergooyinkii Oo Koox Koox U Kala Fadhiya Iyo Sababaha Loo Aaneynayo Fashilka Ku Yimid Go’aamadii Maanta La Filayey. Taleex (Ramaas) Jan 11,2012 – Shirkii Khaatumo 2 ee degmada Taleex ee gobolka Sool uga socday beelaha *********** oo shalay lagu iclaamiyey in maamul goboleed Somaliland ka dhan ah lagu yagleelayo ayaa maanta baaqday. Shirka oo maanta gali lahaa maalintiisii lixaad oo ka mid ah wejiga labaad ee shirka, isla-markaana la sheegay in la doonayey in lagu doorto hogaanka la doonayey inuu maamuli doono maamul goboleedkan ayaan qabsoomin, waxaana dadkii ergooyinkii shirkaasi u kala fadhiyaan koox-koox. Warku waxa uu intaa ku darayaa inaan ilaa hadda la garanayn sababta shirka baajisay maanta maadaama oo shalay warbaahinta laga sii daayey in maanta ahaan shirku sii socon doono, balse ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in shirkaasi la isku khilaafay go’aankii shalay oo ergooyinka qaarkood diidanaayeen, balse cod lagu muquuniyey, kuwaas oo la sheegay inay ilaa xalay wadeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay ku baajiyaan kulanka maanta, taasina ay u hirgashay. Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in sidoo kale, xukuumadda Somaliland oo lafteedu aan xalay iyo ilaa maanta u fadhiyey talaabada ugu haboon ee la qaadi karo ay qayb ka yihiin fashilka ku yimid shirkaasi ee sababay inuu maanta baaqdo, iyadda oo la saadaaliyey in baaqashada maantu ay bilow u tahay inuu gabi ahaantiiba istaago. ramaasnews.com
-
xaaji why do you wish so much destruction for garowe? look who is talking. pirateland iyo garowe ayaad maalin walba ku haysaa markaasaad rabtaa inaad aniga ii sheegto. lool. death and destruction ayaad la jeceshahay walaalah garoowe. anigu raggan raba inay khaatumo majaxaabiyaan ayaan doonayaa inaan ka hortago. G6 ayaan ka soo horjeedaa. taleex media is owned by taleex guy from garad saleeban clan. they want to liberate Laascaanood. xaaji, how is abdiweli doing? weli ma isagaa daba joogtaa? you are desperate goonigoosad.
-
Todoba qof ayaa ku dhaawacmay mudaaharaad ay soo abaabuleen xubnaha la baxay G6 ee hagaya shirka Taleex. Sida uu ku soo waramayo weriyaha Taleex Media oo ku sugan bartamaha magaalada Taleex, mudaaharaadka oo ahaa mid rabshado huwan ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu aflagaadeeyo garaadada beesha ***** oo iyago banaanka ka jooga marka laga reebo laba Jaamac oo ka mid ah G6. Mudaaharaadka ayaa ka bilawday xaafada loo ayqanao ceelasha biyaha oo ah danta ay Taleex ka joogaan G6 iyo inta la fikirka ah hase ahaate awoodi waayay in ay u soo talaabaan magaalada bartamaheeda oo ah gobta ay ku yaaliin qalcadihii taraiikhiga. Ka dib markii dumar iyo ciyaal u badan ay isku dayeen in ay u soo gudbaan bartamaha magalada ayaa waxaa ka hor tagay ilaalada madaxad dhaqanka beesha *********** hase ahaate markii ay madax adaygeen isla markaana ay dhagax tuur ku bilaabeen ayaa waxaa ay ilaaldu isaga caabisay rasaas taaso ay ku dhaawacmeen laba qof. taleex media.
-
I told you so but you never listened. khaatumo was a good conference but galeyr hijacked the whole conference and now garaads are resisting. puntland must stay out of this. cabdiraxmaan faroole needs to stay out of this dispute. it is local dispute.
-
LIVE UPDATE: Fighting at Taleex, 4 qof oo dhintay iyo 7 lagu dhaawac gudaha (Live Update) FG: Bogani waa toos (Live update) 17.15 11 qof ee dhaawaca ah ayaa waxa ay qabaa’ilkooda kala yahay:- 8 waa Nuur Axmed 2 waa Caraale Mahad 1 waa Jaamac Siyaad 17.06 Dhaawacyadii oo la la’ yahay meel loo qaado iyadoo xaaladooda laga dayrinayo, mid ak mid ah ehelada dhaawac ayaa Taleex Media u sheegay in ay G6 ka sugayaan diyaarad qaada dhaawac , maadama ay meel waliba cadaawad uga sameeyeen bulshadii nabaad ku noolayd ee Taleex. 17.04 Wax shir ah kama dhiicin maanta Taleex, qorshihii ay G6 damacsanayd ee ahaa in la dhagax shido garaadada oo ku dhamaaday in 11 qof lagu dhaawaco. 16.48 Tirada guud ee maanta ku dhaawacmay rabshadaha ka aloosan Taleex ayaa maraysa 11 iyadoo magaaladuna ay jahwareer weyni uu ka jiro. 16.30 Gaadhi qaad siday oo duleedka magaalada Taleex lagu laayay. weerarkan ayaa waxaa fuliyay maleeshiyo taageersan kooxda G6 oo uu hogaaminayay ninka lagu magacaabo Macruuf oo ka soo jeeda degaanka Taleex. Waxaa ku dhaawacmay weerarkaasi lagu laayay qaadwalayaasha afar nin oo seddex ka mid ahi ay ka soo jeedo beesha Nuur Axmed halka ka kan afraadna uu ka soo jeedo beesha Jaamac Siyaad. 16.09 Kooxda G6 ayaa bandaw ku soo rogtay dhinaca ay ka degan yihiin iyo dumarkii iyo caruurtii oo dib ugu laabtay aqaladoodii 14.46 Garaadada *********** ayaa shirkooda si toos ah u socdaa waxaana ay hada qada ku lee yihiin aqalka Garaad Saleenbaan Garaad Maxamed ka degan yahay Taleex. 14.34 Rabshadaha ayaa sii xoogaysanaya waxaana weriyaha Taleex ku soo waramayaa in nin ka cadhooday dhaqan xumada G6 ee aan xeerka Soomalida ku jirin uu ka difaacayao garaadada ciyaalka iyo naagaha Laascaanood laga keenay. Todoba qof ayaa ku dhaawacmay mudaaharaad ay soo abaabuleen xubnaha la baxay G6 ee hagaya shirka Taleex. Sida uu ku soo waramayo weriyaha Taleex Media oo ku sugan bartamaha magaalada Taleex, mudaaharaadka oo ahaa mid rabshado huwan ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu aflagaadeeyo garaadada beesha Dhulabahante oo iyago banaanka ka jooga marka laga reebo laba Jaamac oo ka mid ah G6. Mudaaharaadka ayaa ka bilawday xaafada loo ayqanao ceelasha biyaha oo ah danta ay Taleex ka joogaan G6 iyo inta la fikirka ah hase ahaate awoodi waayay in ay u soo talaabaan magaalada bartamaheeda oo ah gobta ay ku yaaliin qalcadihii taraiikhiga. Ka dib markii dumar iyo ciyaal u badan ay isku dayeen in ay u soo gudbaan bartamaha magalada ayaa waxaa ka hor tagay ilaalada madaxad dhaqanka beesha *********** hase ahaate markii ay madax adaygeen isla markaana ay dhagax tuur ku bilaabeen ayaa waxaa ay ilaaldu isaga caabisay rasaas taaso ay ku dhaawacmeen laba qof. Rabshadan ka dhacday ayaa ah mid ay soo abaabuleen kooxda G6 oo kala ah :- Cali Khaliif Galaydh Bahararsame Garaad Jaamac Bahararsame Cali Ciise Cabdi Ugaadh yahan Maxamuud Askar Ugaadh yahan Caaqil Hindi Axmed Garaad G Jaamac Jaamac Siyaad Garaadada *********** ayaa shir ku jira ay kaga arainsanayaan xaalada degaamada SSC iyo kooxda G6 ee afduubatay taladii beesha waxaase shirka ka maqan laba Jaamac oo reerahoodu ay masuul ka ahaayene qabsahsdii Laascaanood. Dadka dhaawac ah ayaa lagu soo waramaaya in ay xaaladoodu wacan tahay waxaana ay ka soo jeedaan magaalada Taleex, waxgaradka Taleex ayaa eeda dhibtaan oo ah ti seddexaad dusha uga tuuray G6 gaar ahaan Cali Ciise Cabdi maadam uu ka dhaga adaygay codsiyo hore oo ay soo gudbisay bulshada Taleex http://taleex.net/2012/01/11/taleex-laba-qof-oo-ku-dhaawacmay-banaanbax-ay-g6-soo-abaabushay
-
cali khalif galeyr insults ugaasyada Boocame. http://allboocame.com/?p=10743
-
Khilaafkii Shirka Khaatumo oo cirka isku shareeray Xogogaal looga qaateen ah oo ka soo waramaya madasha shirka ee kaatumo II, ee degmadda Taleex, ayaa cadaynaya in kalfadhigii maanta ay ka qayb galeen dad la soo xushay, oo loo qaybiyey waraaqo aqoonsi ah oo ku saxeexan mid ka tirsan kooxda is caleemasaatay, lana baxday G6.Wararku waxay intaa ku darayaan, in guddoomiyihii Ergadda Qurbajoogta beesha ***** Mudane Eng. Ahmed M.Handule iyo xubna la socday, laabta gacata laga saaray, dibna looga reexay madashii shirka. Wararka naxdinta leh ee goobta ka soo baxaya waxay kaloo sheegayaan in ismaandhaafweyne halkaa ka aloosmay,taas oo sabatay in isimaddi beeshu u kala jabeen laba shirka galay iyo intii kale oo duleedka jooga. Waxii war ah ee soo kordha kala socda shabakada Buhodlepost siddii aad uga barateen yay idinku soo gudbinaysaa. http://www.buhodlepost.com/2012/01/10/war-degdeg-ah/
-
TFG prime minister Abdi weli on the khaatumo conference 2
Mooge replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
xaaji xunj failed miserably. loool. -
xiinfaniin;772629 wrote: I understand the concern and clannish perception so the best option for him may be silence good point. abdiweli should just stay out of this.
-
The Garaads refuse to declare galeyr state. The 350 qurbajoog declared to create a state and remove xaglatoosiye. poor guy. There is still infighting.
-
what makes you think Abdiweli will recognize galeyr state when he didn't recognize Xaglatoosiye's state? this is a joke.
-
^^huh??
-
the charter is the charter. abdiweli can't change anything. all these mini states he has nothign against them but he has to follow the constitution. he is just a messenger. they need to change constitution if they want abdiweli to support one state or another.
-
Popular Contributors