Bashiir

Nomads
  • Content Count

    951
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Bashiir

  1. Riyadii Ahmed Madoobe oo rumowday ,.....
  2. http://www.gedonet.com/index.php?news=6610
  3. Shabakada Himilo News ayaa lasoo gaarsiiyay warar hordhac oo la xiriira khasaarihii dagaalkii saaka ee Dhoobley.Warbixin kooban oo hada nasoo gaartay ayaa sheegtay in ciidamada xarakada Raaskambooniyiinta oo hogaamintii dagaalkii saaka lahaa ka dhaawacmeen 7 askari dhimashaduna waa hal askari khasaaraha ciidamadii Isiyeelow oo saaka ka bar bar dagaalamayay kuwa Raaskambooniyiinta nooma suurta gelin inaan helno. Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in la isla galay tuulada Taabta oo ay u muuqato in goor dhow lagu kala bixi doono.Wararka kasoo kordha dagaalka Taabta kala soco Himilo News.com http://himilonews.com/hordhicii-khasaarihii-dagaalkii-dhoobley-oo-himilo-news-lasoo-gaarsiiyay/
  4. Laba afhayeen oo ukala hadlay xarakada Raaskambooniyiinta iyo kuwa DFKMG ayaa iyagoo kusugan Dhoobley ka hadlay qaabkii uu u dhacay dagaalkii saaka iyagoo laanta afsoomaaliga ee BBC u xaqiijiyay in Alshabaab laga saaray Dhoobley dagaalkuna uu kasii shanqarayo meel 20km ujirta Dhoobley.Wareysiga laban masuul oo lagu kala magacaabo Cabdikaafi Faarax dalal iyo Muxumed Faarax Daahir halkan hoose kadhageyso http://himilonews.com/saraakiil-ukala-hadashay-raaskambooniyiinta-iyo-dkmg-oo-kahadlay-dagaalkii-dhoobleydhageyso/
  5. Axad, 03 April 2011 18:19 | Qoraaga: Faallaqoraha Afdheer | (Afdheer) Horjoogihi kooxda Alshabaab ee cagta la mariyey u qaabbilsanaa dhigidda shaxda dagaalka horana u ballanqaaday inuu Kismaayo geyn doona madaxa Axmad Madoobe, Dulyadeyn, ayaa lagu soo warramayaa inuu caawa baqacararki ku gaaray magaalada Kismaayo kaddib marki maanta Dhoobleey cashir loogu dhigey ciidankiisi lagalana wareegay Dhoobleey. Waxeyna warar hoose oon helnay tibaaxayaan inuu shir kula jira horjoogeyaasha Alshabaab ee Kismaayo oo caawa ay cabsi iyo argagax la darseen halka dadka shacabka ahna ay dareemayaan walwal iyo walaac dheeri ah ayadoo ay magaalada Kismaayo soo gaarayaan baabur aan la ogeyn waxa ay sidaan iyo halka ay ka imanayaan balse la sheegaya in ay Afmadow dhankeeda magaalada Kismaayo ka soo galayaan. Afdheer.com
  6. Axad, 03 April 2011 18:06 | Qoraaga: Faallaqoraha Afdheer | (Afdheer) Sida uu sheegaya war qaddar yar ka hor ay na soo gaarsiiyeen dad ku sugan magaalada Libooyo-Kenya, oo ay eheladoodu ku nool yihiin dagmada Afmadow ee gobolka Jubbada-Hoose, kooxda Alshabaab ee maanta loogu xoogsheegtay dagaalki ay ciidamada dawladda kula galeen Dhoobleey, ayaa caawa magaalada Afmadow bandow ku soo rogtay. Waxey ilawareedyadan oo ah kuwa lagu kalsoon yahay noo sheegeen in ay Alshabaab caawa mashquul ku yihiin aasidda meydad ay duhurnimadi halkaa ku gaarsiiyeen dhaawacyo liita kaddibna geeriyooday, waxey kaloo wararkan noo xaqiijiyeen in Alshabaab magaalada dibadda uga bexeen dhufeysyana kaga jiraan bannaanka magaalada, ayadoo caawa la arkaya ciidamada Alshabaab qaar ka mid ah oo geedaha Garaska dushooda Baasuukooyin iyo Garinoofya la saaraan waa sida ay dadkan Afdheer la soo xiriiray noo sheegeene. Afdheer.com
  7. Dagaalkii saaka ka bilowday Dhoobley ayaa ku socda xawaaree aad u dheer iyadoo la isla sii dhaafay tuulada Taabta oo u qiyaastii 40 km ujirta Dhoobley goor dhawaydna u gacan gashay ciidamo katirsan xarakada Raaskambooni. Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalku hada kasocdo inta u dhaxaysa Taabta iyo Qooqaani waxayna u egtahay in dagaalyahanadii Alshabaab wajigan hore caalsaaraha laga sito waloow aan wali la hubin halka dagaalka socda uu sal dhigan doono. Wararka ugu dambeeya ee dagaalada Jubooyinka isha kuhay Dhanaan.com
  8. Kn: Kadib dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacaysay magaalada Dhoobleey ayaa wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in gacan ku heynta magaaladaasi ay ka baxday Alshabaab. Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada dowlada iyo kuwa Kaambooniyiinta oo iskaashanaya ay markani u awood sheegteen ciidamada Alshabaab. Labbo maalmood ka hor ayaa waxa magaalada ka dhacay dagaal 7 saacadood socdey oo dhexmaray labbada dhinac, balse sidaasi oo ay tahay Xarakada Alshabaab waxaa u suuro gashay inay sii xajisato gacan ku haynta magaalada. Dagaal rogaal celis ah oo sida muuqatay hogaanka labbada ciidan ee DKMG iyo Kaambooniyiintu ay ka wada socdeen ay ku qaadeen Dhoobleey ayaa sida muuqata keentay inay Dhoobleey ka faro maroorsadaan Shabaabka. Ciidamada Dawladda ayaa ah kuwo mudo 2 sano ah tababar ku qaatay dalka Kenya, waana ciidamada ay ku xisaabtamayaan maamul goboleedka cusub ee Azania, ee Prof. Gaandi madaxwaynaha ka yahay. Xarakada Kaambooni oo markani ay iska garab dagaalamayaan ciidamada DKMG ayaa khibrad iyo waayo aragnimo u leh ku dagaalanka gobolka, waxayna si fiican isu xeelad yaqaanan Xarakada Alshabaab oo ah midda ay xoogga is bahaysanaya masraxa isku hayaan. Wararka dagaalka kala soco KismaayoNews. KismaayoNews.com
  9. Axad, 03 April 2011 10:02 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer | Liboi (Afdheer) Dagaal adag kadib saaka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada raaskaambooniyiinta ayaa xoog kula wareegay magaalada dhoobley ee gobolka jubbada hoose maanta 03.April 2011 waxaa jira khasaare cusus oo kala gaardhay labada dhinac ee dagaalamay. Madaafiic baa`biisay inta badan magaalada Dhoobley kadib waxaa xoog ku galay oo cagta mariyey kooxdii mucaaradka ciidamada ay kala hoggaaminayaan taliyaha ciidamada XDS ee aagga Dhoobley oo ka kooban saddex urur iyo madaxa raaskoombooniyiinta Sheekh Axmed- Madoobe. Maleyshiyadii Alshabaab ee Dhoobley ayaa la sheegay inay u carareen dhanka Kismaayo kadib markii la gaarsiiye burbur weyn difaacoodii hore. goobjooge ku sugnaa Dhoobley ayaa afdheer.com uxaiijiyey in ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Dhoobley ciidamada dowladda Soomaaliya. la soco faahfaahinta ...
  10. War deg deg ah oo hada kusoo dhacay qeybta warqabadka Dhanaan.com ayaa xaqiijinaya in dagaal culus saaka ka qarxay magaalada Dhoobley kaasoo u dhaxeeyay ciidamadii Raaskambooniyiinta iyo kuwa DKMG oo isku dhinac ah iyo kuwii xarakada Alshabaab. Dagaalka ayaa qarxay abaarihii hal saac oo subaxnimo saacada geeska waxaan magaalada lala kala wareegay labadii saac ee subaxnimo. Dagaalka saaka ayaa waxaa hogaaminayay xarakada Raaskambooniyiinta iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in la isula baxay deegaanka taabta dagaalkuna uu hada yahay mid baadiyaha kasocda. Wali lama hayo khasaaraha kadhashay dagaalka iyo sida labada dhinac wax ukala gaadheen. Dagaalku wuxuu wali kasocdaa baadiyaha taabta waxaana la ogayn In ciidamadan Dhoobley qabsaday difaacan doonaan Dhoobley iyo inay dhici toonto sidii dagaaladii hore oo magaalada dib looga qabsaday. Dhanaan.com
  11. Published: 1 April 2011 Ayadoo uu qiliil iyo gaasir yahay isgaadhsiinta Dhoobleey iyo deegaanada ku xeeran, ayna adagtahay hilitaanka saraakiisha kala hogaaminaysa ciidamada goradda isku daray magaalada Dhoobleey ayaa waxaa u suuro gashay warbaahinta KismaayoNews inay hesho xogo hordhac ah. WARBIXIN: Dagaal ka culus kana mugweyn kii kal hore ayaa saaka ka qarxay Dhoobleey. Weerarka dagaalka waxaa lahaa ciidamada DKMG iyo kuwa Kaambooniyiinta. Ka hor qaraxa dagaalka, ciidamada DKMG ayaa duqayn lixaad leh ku bilaabay magaalada xalay saq-badhkii ilaa iyo qadar yar ka hor waabarigii oo dagaalku qarxay. Ugu yaraan 3 jeer ayay ciidamada DKMG iyo kuwa Kaambooniyiintu isku dayeen inay la wareegaan guud ahaan magaalada, mana dhicin inay si buuxda gacanta ugu dhigaan. Ugu yaraan mid kamid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dagaalka ka qaby qaadatay taasoon la ogayn cidda iska leh, waxayna duqayn u gaysatay goobo ay kamid yihiin saldhiggii booliska. Khasaaraha ay ilaa iyo hadda KismaayoNews xaqiijin karto waa 3 dhimosho ah oo ciidamada DKMG iyo kuwa Kaambooniyiintu kaga tageen magaalada iyo dhinaca Alshabaab oo iyana 4 ka dhimatay, waxaana ka mid ah Khaalid oo ahaa sargaal sare oo gudoomiye ka ahaa magaalada Salagle ee gobolka J/dhexe. Si buuxda waxaa magaalada gacanta ugu haya Xarakadda Alshabaab, halka garabkii kalana ay dib ugu noqdeen fadhiisimihii ay ka soo duulaan tageen. Magaalada waxaa gaaray burbur xoogan. Khasaaraha iyo burburka uu dhaliyay dagaalkii maanta intan ma aha ee wuu ka badanyahay laakiin xogtani waa midda kaliya een ilaa hadda xaqiijin karno, wixii warar dheeraad ah ee ka soo baxana waan idinla wadaagi doonaa, hadii Alle idmo. Dhinaca kale, dawladda Kenya ayaa xadka dhoobtay ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiid dagaal, waxaana soohdinta hadba dhinac u yaacaya raxan diyaaradaha qumaatiga u kaca. Si aad u hesho wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Dhoobleey oo saafi ah, xaqiiq ah oo miisaaman haka fogaan KismaayoNews. KismaayoNews.com
  12. Aaliyyah;708104 wrote: Bashir it is less than 5 minutes long...maxa lasoo gaabiya lol.. Maanta dhagaha wax kama maqlo. Sameecaday biyo galeen.
  13. Taleex, check maps of the Indian Ocean rim and Azania to 1000 AD, and you will understand it's derivation. I loved Azania name,....
  14. Mayaani;708087 wrote: Somaliland ku dayo, Land baa laysku ogaaye Azania waxaa asal la aqoon baa bilaawatay. Waa nooc ka mida kacdoonka dunida ka dhacaya. Cowl baadan maqal iyo kuwo badan oo dhexda ku soo jira, haday hesho farsamo yaqaan kacdoon guud oo dhalintu hogaamiso ayaa loo badeli karaa. Waxay ku xidhantahay dhalinta Somaliyeed ee kala jooga magaalooyinka uu hal mar wada kaca shacabkana ku booriya inay nabad iyo dowladnimo u soo baxaan. Dhanka kale hadaad ka istaagto, waxaa dhalan karta dowlad adag oo fedaraal ah.. Tinny revolution, just little push.
  15. Maytidood la janee Abu Riyo run badanaaa ,,...
  16. Hollywood. They don't make good of the Somali Pirates. Lol
  17. Ciidamada xarakada Alshabaab ay u hadhay gacan kuhaynta magaalada Dhoobley oo saaka weeraro culus kusoo qaadeen ciidamadii lagu soo tababaray dalka Kenya. Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamadii Alshabaab ay usuurat gashay inay dib u celiyaan ciidamadii duulaanka ka ahaa islamarkaan ay ku celiyeen meeshii ay kasoo duuleen. Ciidamada Alshabaab ayaa caawa si buuxda gacanta ugu haya Dhoobley halkii ciidamadii kalena ay kusoo nooqdeen xeradoodii.
  18. Wararka dheeraadka ah ee goor dhaweyd nasoo gaadhay ayaa sheegaya in ciidamadii Alshabaab ay ku sugan yihiin gudaha Dhoobley dagaalkuna kasocdo labada fiid ee magaalada iyadoo lagu soo waramayo in ciidamada Kenya ee kusugan xuduuda ay diyaarado kiciyeen waloow aysan jirin wax duqeyn ah oo ay diyaaradahaas gaysteen. Dagaalku weli wuu socdaa carcarta iyo dhiiranaantana waxaa wata ciidamada Alshabaab oo weerar culus kuhaya goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada taabacsan DKMG. Wixii soo kordha kala soco warakaanaga dambe.