Bashiir

Nomads
  • Content Count

    951
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Bashiir

  1. Arbaco, 13 April 2011 08:31 | Qoraaga: Faallaqoraha Afdheer Dagaalyahanno tiradooda naloogu sheegay 20 nin oo si culus u hubeysan ayaa lagu soo warramayaa iney ka soo goosteen kooxda Alshabaab ee Jubbooyinka ka howlgasha, dhallinyaradan ayaa isu soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya, waxeyna hadda wararku sheegayaan in magaalada Dhoobley xogwareysi lagula leeyahay. Arrintan ayaa imaneysa xilli dagaallo ay Jubbooyinka ku dhaxmarayaan dowladda Soomaaliya iyo kooxdan u muuqata inuu gabbalkeedu dhacaya ee naflacaariga ah oo lagu soo warramaya iney la taagdarantahay dhaqaale la'aan ba'an oo soo foodsaaray sida uu noo sheegay xog'ogaal ku sugan jubbooyinka sugayana immaanshaha dowladda gudaha jubbooyinka . Goosashada dagaalyahanada waxey sawir ka bixineysaa mooraaljabka la soo darsay kooxda Alshabaab. http://afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4020:dagaalyahanno-alshabaab-ka-soo-goostay-oo-dowladda-soomaaliya-isu-soo-dhiibay&catid=45:akhbaarta-somaliya&Itemid=127
  2. Nimcaan Brain William Thomas Bowden, ...maxaa loo qaban karaa,, hadduusan muruqiisa iyo maskaxdiisa ku ciil bixin...?
  3. Maytidii la janee,,... Sacabada waxan aheyn kaga dhargi mayno,,...
  4. lol@lasagna ,,... Alla og sal dhigatay ,,,... Azania sal dhigatay ,, ..
  5. Shaqsiyaad wax lagu mashquulo ma ahan ,, waa nasiib daro in waxan oo kale war la nooga dhigo.....
  6. Sheekh aamusane wadkiisa( jidkii Yusuf la mariyey) ayaa sheeda laga tusay, wuxuna damacsanyahay in beesha Soomaliyeed dawo iyo difaac adag u noqoto taasina talo xun ma ahan lakiin isla beesha Somaaliyeed uun baa dhulka la gali doontaa ,,... kuwa oogu dhow ayaa jabin doona...
  7. Ciidamo ka tirsanaa xarkada Alshabaab ayaa iska soo dhiibay magaalada Dhoobley oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Raaskambooniyiinta iyo kuwa DFKMG. Sarkaal katirsan ciidamada Raaskambooniyiinta oo u waramay wariyaasha Himilo News ayaa xaqiijiyay ciidanka iska soo dhiibay xarakada Alshabaab.Tirada ciidanka isa soo dhiibay ayaa ah 12 askari.Sarkaalku ma uusan sheegin in raggan isa soodhiibay hub wateen iyo in kale. Dhanka kale waxaa isa soo dhiibay Cali dheere oo horay u ahaan jiray gudoomiyaha degmada Dhoobley balse mudooyinkii dambe kamid ahaa odayaashii kunoolaa Dhoobley dagaalkii markii uu dhacayna la qaxay Alshabaab.Cali dheere ayaa lagu soo waramayaa in la cafiyay oo aan waxba loo dirsanin. http://himilonews.com/ciidan-alshabaab-ah-oo-iska-dhiibya-dhoobley/
  8. She was lucky...,,,and safe now...
  9. Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay kuna sugan degmada dhoobley ayaa waxay sheegayaan in dhalinyaro ka tirsanaa al shabaab u soo galeen ciidamada huwanta ah. Wararka laga helayo goobjoogayaal kusugan magaalada dhoobley ee baryihii danbe dirirtu ku dhexmareysey xoogaga raaskanbooniyiinta oo ay isgarabsanyaan cutubyo katirsan dowlada taagta daran ee muranku hareeyey sii jiritaankeeda ayaa waxay sheegayaan in dhalinyaro ka tirsanaa xoogaga xarakatu alshabaabul mujaahidiin ay isu soo dhiibeen kaanbooniyiinta. Dhalinyaradan oo tiradooda lagu sheegay in ay dhan yihiin 10 wateena qalab milatari ayaa waxay kusugan yihiin saldhiga booliska magaalada. Baryihii lasoo dhaafey ayaa waxaa ka jirey deegaanadan isu diyaargarow xoogleh oo labada dhinac ay wadeen oo midba midka kale ku dadaalayo inuu meesha kasaaro inta ka horeysa xili roobaadka waqtigiisii lajoogo. Wixii intaa kasoo kordha kala soco kismaayonews. http://kismaayonews.com/pageView.php?articleid=3945
  10. Tuesday, 12 April 2011 12:15 NewBusinessEthiopia.com BY NEW BUSINESS ETHIOPIA REPORTER The new Human Right Report on Ethiopia launched this week by the United States Government State Department indicated that Ethiopian government has failed to implement its own constitution and several laws related to protecting human rights of its citizens. From restricting press freedom, blocking websites and allowing abuses of child as well as women rights, to disrespecting the right of citizens to change their government, Ethiopia’s laws that are written on paper are being violated by the government. During the year fighting between government forces, including local militias, and the ****** National Liberation Front (ONLF), an ethnically based, violent insurgent movement operating in the Somali region, resulted in continued allegations ofhuman rights abuses by all parties to the conflict. Security forces generally reported to civilian authorities; however, there were instances in which security forces, specifically special police and local militias, acted independently of civilian control. Human rights abuses reported during the year included unlawful killings, torture, “The constitution and law provide citizens the right to change their government peacefully. In practice the country has never had a peaceful change of government, and the ruling EPRDF and its allies dominated the government,” the 2010 Country Reports on Human Rights Practices noted. The report also stated that the Ethiopian government has been restricting political participation through bureaucratic obstacles and government and ruling party intimidation, harassment, and arrests. Discrimination, societal abuses, and trafficking in persons and freedom of association are also being violated in Ethiopia, according to the report. “Although the law provides for freedom of association and the right to engage in unrestricted peaceful political activity, the government limited this right in practice.” The report also noted that police and judicial corruption continued to be problems in Ethiopia while freedom of assembly is also not implemented in most cases. “Multiple opposition political parties reported EPRDF partisans with cameras at the entryway of campaign rallies who would film opposition activists while they were entering, leaving, or participating in meetings. After a meeting the individuals pictured reportedly were harassed and intimidated to discontinue their support for the opposition party; sometimes they were detained.” Arbitrary interference with privacy, family, home, or correspondence is also witnessed in the past few years as part of violating the national laws and constitutions of the country, according to US State Department Report. The UN Committee Against Torture noted in a November 19 report that it was"deeply concerned" about "numerous, ongoing, and consistent allegations" concerning "the routine use of torture" by the police, prison officers and other members of the security forces--as well as the military, in particular--against political dissidents and opposition party members, students, alleged terrorists, and alleged supporters of insurgent groups, such as the ONLF and the Oromo Liberation Front (OLF). The committee reported that such acts frequently occurred with the participation of, at the instigation of, or with the consent of commanding officers in police stations, detention centers,federal prisons, military bases, and unofficial or secret places of detention.
  11. Bilawgii roobka Guga ayaa si fiican uga da`ay deegaanada ku xeeran magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose. Dhulka waraabay ee naqu helay ayaa ah dhulka loo yaqaano Boojiga, waana dhulka ay ku fadhido magaalada Qooqaani iyo deegaamada ku xeeran, wuxuuna kamid ahaa dhulalkii uu sida xun u halakeeyay jiilaalkii dabada dheeraa. Guud ahaan gayiga Soomaaliya, gaar ahaanna gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa riiqmay oo duf ku baxay xoolihii uu deegaanku qaniga ku ahaa, waxaana taas u sii dheerayd colaad aan caymo lahayn. Roobka Gu`gaga ee bilawday ayay dadku aad ugu farxeen waxayna Illaahay ka baryayaan, anaguna uga baryaynaa inuu uga dhigo gu` samaada. http://kismaayonews.com/pageView.php?articleid=3942
  12. Wararka aan ka helayno ilahanaga ku sugan goobta ay isku horfadhiyaan ciidamada Shabaabka, kuwa DKMG oo ay is garabsanayaan kuwa Kaambooniyiinta ayaa tibaaxaya inay is ku waydaarsanayaan madaafiic xooggan aagga Deelbuuyo. Ma jiraan warar dhaafsan madaafiicda sida darandooriga ay labada ciidan isu dhaafsanayaan, waxaase la fili karaa goor kasta dagaal ka dhex qarxa labada ciidan oo isu jira masaafo aan kala dheerayn. Ciidamada labada dhinac ayaa ku kala sugnaa Haawinaa iyo Taabta, waxayna qola kasta isku dhabar jabinaysaa inay garabka ka soo horjeeda durkiso ka hor inta ayna si fiican dhulka u dhigan dhibicda roobka Guga oo ka curtay meelo kamid ah gobolka. Wixii ka soo korka kala soco KismaayoNews. http://kismaayonews.com/pageView.php?articleid=3941
  13. Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka si toos ugu cambaareeyay mushkiladda Soomaaliya Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka ku eedeeyay inay jahareeriyaan madax kasta oo Soomaaliya hogaamineysa. Madaxweyne Shariif oo ka hadlay munaasadda 12-ka April ee maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay beesha caalamka inaanay daacad ka ahayn wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in aysan ixtiraamin madaxda Soomaalida, balse ay doonayaan in wax loo wado sidii ay iyagu doonaan. Waa markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha Soomaaliya si toos ah u cambaareeyo beesha caalamka oo ah taageerada ugu weyn ee dowladdiisa. VOA
  14. Shirkii wadatashiga ee uu gadhwadeenka ka ahaa wakiilka Qaramada midoobay ee Somalia Augustine Mahiga ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi iyadoo shirka aysan kasoo qeyb galin xukumada iyo madaxweynaha DKMG. Shirka oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa waxaa kasoo qeyb galay gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia,madaxweynaha maamul goboleedka Puntland,madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug iyo xubno kasocday Ururka Ahlu sunna waljamaaca. Wakiilka Qaramada midoobay oo shirka furay ayaa sheegay in shirku yahay mid wada tashi ah oo la isku tusaaleynayo arimaha Somalia. Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul wasaarihiisa ayaa sida muuqata ku adkeystay go'aankoodii ahaa inaysan ka qeyb galeynin shirka Nairobi inkastoo dadka qaarkii markii hore ka shakisnaayeen sida ay uga dhabeyn doonaan. Shirka ayaa socon doona ilaa iyo maalinta bari ah oo la ogaan doono qodobada lagu soo gunaanado.
  15. Xiin is convinced that A&T has set another TFG within the TFG ,,,
  16. Beesha Somaliyeed Vs Beesha Caalamka....,,,, the game is on ...
  17. info@afdheer.com 12, April 2011 (Afdheer) Shir xidhiidh telefoon ah oo ay yeesheen qaar kamid ah Qurbajoogta Qaaradaha Aduunka ee gobolka Jubbada dhexe iyo deegaano kale oo Koonfurta Soomaaliya ah ayaa si rasmi ah loogu taageeray maamul goboleedka goboladda jubbaland ee Azania State of Somalia dhawaanna lagu dhisay dalka kenya xubnihii kasoo qeybgalay kulankaas ayaa si buuxda iskugu raacay taageerada maamul goboleedkaas. Maamul goboleedkan ayaa caasimad ka dhigtay xarunta gobolka Jubbada dhexe ee Bu`aale taasoo ay Qurbajoogtu si weyn usoo dhaweeyeen, Qurbajoogtu waxay dhaliishay qaabka loo maamulay xildhibaanada degmooyinka qaarkood waxayna ku talinnayaan in la saxo. Gabagabadii Qurbajoogtu waxay hambalyo u direen maamul goboleedka la baxay Azania ee uu madaxweynaha ka yahay Prof. maxamed Cabdi Gaandi iyo xubnaha maamul goboleedkaas hirgalintiisa ka qeyb qaatay. "Waan taageernay Azania State of Somalia waxaanan u rajeynaynaa guul, dowladda Soomaaliya waxaanu ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan maamul goboleedkan. Sidaaas waxaa laga yiri kulankaas", sidoo kale Qurbajoogtu waxay ka qeybqaadan doonaan dhammaan howlaha hirgalinta iyo u ol-oleynta maamul goboleedkaas sidii uu uga dhaqan gali lahaa gobolada Gedo, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose. http://afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4014:qurbajoogta-gobolka-jdhexe-oo-taageeray-axania-state-of-somalia&catid=45:akhbaarta-somaliya&Itemid=127
  18. Ciidamada isbahaysiga ee la wareegay magaalada Dhoobley ee gobolka jubbada hoose ayaa beryahan ku jirey is-diyaarin iyo qorshe ay ku doonayaan inay usocdaan gudaha gobolada Jubbooyinka dalka Soomaaliya. Ciidamadan isugu jira Raaskaambooniyiinta iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weli ku sugan deegaanka magaalada Dhoobley ee gobolka J.hoose iyadoo ay ku guuleysteen inay xoog kula wareegeen magaalooyinka xuduudda la wadaagga dalka Kenya. Ciidamadan ayaa la filayaa inay u gudbaan degmada Afmadow maalmaha soo socda. Ciidamada Raaskaambooniyiinta ayaa hore looga soo saaray gobolada Jubbooyinka oo ay maamulayeen kadib markii ay is-khilaafeen Shabaab, ciidamada dowladda ayaa in muddo ah ku sugnaa xeryo tababar oo dalka Kenya gudahiisa ah waxayna ku middeysan yihiin la dagaalanka shabaab. http://afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4011:raaskaambooniyiinta-iyo-ciidamada-dowladda-oo-u-jaheystay-gudaha-gobolka-jhoose&catid=45:akhbaarta-somaliya&Itemid=127
  19. Wasiirka gaashaandhigga dalka Soomaaliya oo hambalyo u diray ciidanka XDS iyo dowladda Soomaaliya oo diiday ........ Talaado, 12 April 2011 10:00 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer (Afdheer) Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dalka Soomaaliya Cabdiraxiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya munaasabadda 51guuradda aas-aaskii ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya oo maanta ku beegan awgeed. Wasiirka ayaa hambalyo iyo sallaan u diray dhammaan ciidamada qalabka sida, saraakiisha, saraakiil kuxigeenadda, alifleyda, dablleyda iyo xaasaskooda munaasabadda awgeed. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku labisan dareyska ay caanka ku yihiin aadna u hubeysan ayaa maanta qaab dhoolatus ah loogu soo daadiyey gudaha magaalada Muqdhisho, waxayna raxan raxan u marayaan jidadka xaafadaha ay maamusho dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda maamusha inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho iyo goobihii ugu muhiimsanaa caasimadda, dowladda Dr. Maxamed cabdullaahi ra` iisul wasaaraha ka yahay oo bilowgeedii dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen looguna yeedhay dowlad TAYO ayaa wax weyn ka qabatay isbaddel muuqdana ku sameysay guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho iyo gobollo kale. Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa diidey inay ka qeybgasho shirka Nayroobi dalka Kenya, kadib markii ay dowladdu ku adkeysatay inay xaq u leedahay dib u heshiisiinta, inay dowladdu dooneyso shir lagu qabto gudaha dalka iyo dowladda Soomaaliya oo shaki galisay qorshaha ama ujeedadda shirka QM isugu yeedhay maamulada ka jira Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ka baqeysa in Madaxweynaha dowladda Shariif Sheekh Axmed lagu casilo shirkaas sidii ku dhacday madaxweyne Soomaaliyeed sidan oo kale lagu martiu qaaday shir ay QM qabanqaabisay oo ka dhacay Kenya xilkana looga qaaday shirkaas kadib markii la eedeeyey. Muqdisho info@afdheer.com Afdheer.com 12, April 2011
  20. Suldaan Cali Sonkor, suldaanka Jubooyinka , ayaad su'aashaas ku fiicanaa ani way sibay iiga da'weyntahay, laakiin taladaada bal intaad qaadato dib u akhri waxaan ku idhi... I got from that topic that your tol is in Puntland( not about Gaandi), and the 100 students who got scholarship from Jigjiga University are supposedly your tol unless you deny them. Here on your own words : Jacpher;699085 wrote: How did I miss this important memo. Thanks Ibti. I am gonna put Puntland on mine and will spread it to my tol. We still have few weeks to go. PL folks in UK, show your love for Ibti. Same thing with Moqdisho & Ocaden folks. Make sure you mark yourself as your region to get better Census stats and better development for your region even though the Census has nothing to do with anything outside the country. Your posts are quite qabiil oriented. So which tol were you referring to? Bal jimcaalow is qarxiyoo ,,, kuwayowga Jigjiga jooga maxaad isku tihiin?
  21. ^Jimcaalihii tolka ku dhaaranayey ee Ibti ku haystay tirikoobka UK sow qudhaada ma uusan aheyn maytidii la janee? Bahasha geesi aan qarsanin ayaan kuu haystay, laakiin fuley ulo badan ayaad igu noqotay raali ahow duqa. Taas, ka sokow, weli wax la taaban karo oo ku aadan Azania state ma adan sheegin xanaf iyo cadiifad qabiilna kama madhna hadalkaaga. Duke uun baad mowjada isku meel kaga jirtaan, hadaadan ka sii fogeyn.
  22. ^I had to edit that prat of Somali waa u Somali, ... Cuqdad waa ta Gaandi kugu dirtay iyadoo 100 wiil oo beesha ah Jamacad Jigjiga ku laafyooda, Wardheerna adhigu kuu daaqo,... As for Azania, it's still new and on process.