Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya oo sheegay inay Itoobiya & Azania leeyihiin wadashaqeyn heer sare ah
Nairobi, 04-Nov-2011 - Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Ambassador Shemsudin Axmed Rooble, ayaa shaaca ka qaaday inay dowladda Itoobiya iyo maamul gobolleedka Azania leeyihiin wadashaqeyn heer sare ah.
Ambassador Shemsudin oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Nairobi ayaa tilmaamay in isaga shaqsi ahaan ay saxiibo fiican yihiin madaxweynaha Azania, Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.
Hadalka Ambassador Shemsudin ayaa ku soo aadayo xili uu Madaxweyne Gaadi isu diyaarinayo safar uu dhawaan ku tagi doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Mudane Gaandi ayaa maalmaha soo socda kulamo rasmi ah la yeelan doona madaxda ugu sarsareysa dalka Itoobiya, kulamadan oo ay labada dhinac kaga wadatashan doonaan ballaadhinta xidhiidhka u dhaxeeya labada umaddood ee walaalaha ah ee reer Itoobiya iyo reer Azania.
Ambassador Shemsudin ayaa sheegay inayan dowladda Itoobiya wax muhiimad ah u laheyn hadallada kuwa daciifka ah ay faafinayaan ee ah in mudane Gaandi uu wax u doonayo qabiilka ******* oo dhan meel kasta oo ay joogaan, isagoo intaa raaciyey in Gaandi ay si fiican u yaqaanaan, islamarkaana ay wadashaqeyntooda socotay muddo dheer.
Siyaasadda ka danbeysa in al-Shabaab laga sifeeyo Jubbooyinka iyo Gedo, islamarkaana cagaha loo dhigo maamul gobolleedka Azania ayaa ah mid la isugu geeyey maskax iyo muruq, taasoo ayan waxba ka tari kareyn qabaa'illada u bartay boobka Jubbooyinka iyo maangaabka magaca kula wadaaga ee aan garashada fog laheyn, kuwaasoo uu hadda xaalkoodu yahay "nin daad qaaday xunbo cuskay."
Wabishabeele.com