Dhuujiye

Nomads
  • Content Count

    68
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dhuujiye

  1. First yaa isku haysta Laascanood? Mawaxaa isku haysta Somaliland and Puntland, mise Qabiilka meesha daga baa is haysta?
  2. I think dadkaan oo dhan afkooda iyo dhagahooduba isma maqlaan. madaxwaynuhu sigooni buu u hadlayaa. Raysalwasaaruhu wargooni buu sheegayaa. Ibina wargooni buu sheegayaa. Waaba yaabe keebaa runsheegaya?
  3. ceebtooda ma ahan ee waa cadadooda. mabajirto dawlad lasoo dhiso oo aan isdagaalin somalida dhexdooda.
  4. Anagoo dhan baa fahmine magaajo xunbaa nawada haysa
  5. is that the fourway stop light on the middle of the street?
  6. Warar aanu ka helayno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul wasaarihiisa Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, kaasoo ka dhashay heshiiskii ay dowladda iyo Puntland ku gaareen bishii hore Magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha waxaa la safan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada sida Shariif Xasan Sheekh Aadan wasiirka Maaliyada ahna R/wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan xaaji aadan Ibbi oo isna ah R/wasaare ku xigeen, waxayna doonayaan sida wararku sheegayaan in xilka laga qaado Ra'iisul wasaaraha hada oo ka soo jeeda Puntland. Khilaafkan ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu dibadda u soo baxo, waxaana xiisada kasii daray markii Madaxweyne Sheekh Shariif uu heshiis la dagaalanka burcadbadeedda ah la soo galay dowladda Jabuuti, kaasoo qayb ka ahaa heshiiskii ay wada gaareen Puntland iyo Dowladda Somalia. Dowladda Somalia iyo Puntland ayaa heshiis ka kooban 15-qodob ku gaaray Magaalada Gaalakcyo bishii hore, kaasoo ay saxiixeen Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Ra'iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, inkastoo heshiiskan uu soo maray heerar kala duwan oo wadahadallada mararka qaarkood ay qarka u fuuleen inay burburaan. Wararka ku saaban khilaafka ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid uu ku adkeysanayo in heshiiskaas la fuliyo, iyadoo Madaxweynaha iyo xubnaha la safan ay ka biyo diidsan yihiin qaar ka mid ah qodobbada heshiiska oo ay u arkaan inay u daneynayaan Maamul goboleedka Puntland oo weli ka tirsan Somalia. Madaxdii hore ee dowladda Somalia ayaa waxay isku qaban jireen heshiisyadan noocan ee la galayo, iyadoo mas'uuladu ay u arki jireen inuusan deegaankiisu wax dan ah ku qabin heshiisyada maxalliga ah iyo kuwa calaamiga ah ee uu gaaro mas'uul ka tirsan dowladda, sida dowladdii TFG-da oo yeelatay laba Ra'iisul wasaare ugu dambeynna daaqadda ka baxday.
  7. this men want his share too. Walad Abdala gets his share why not him?
  8. juje adeer maxaa u qarxine maad uducaysid oo dhahdid ilahow qabooji xasidsanidaa.
  9. Sunday 13 Sep 2009 SMC Waxaa aad cajiib u ah in arin soomaali leedahay hadba dal lala aado, iyada oo soomaaliya gudaheeda wixii shir ah ama tababaro ciidameed ah lagu qaban karo. Tusaale Gobolada ay nabadu ka jirto ee Puntlland iyo Somaliland maxaa u diiday in shirarka lala aado ?, ama Ciidamada Dowlada Federaalka ah loo tababarayo la geeyo ?. maxayse Jabuuti iyo Kenya iyo labadaa Gobol ee aan magacaabay ku kala duwanyihiin, nabad galyo ahaan. Marka aan dib ugu soo noqdo Jabuuti, Kenya, Somaliland iyo Puntland waxaa 100% nabadgalayo badan somaliland iyo Puntlanda, waxaa xaqiiqa ah in aad habeen barkii labadaas gobol ku lugayn karto oo aanay cidi saas kuu eegayn, Waxaa xaqiiq ah oo la wada ogyahay in aanay ka dhicin fowdo dagaal, dhac iyo boob hantiyeed, iyo waxyeelo loogaysto ganacsato ama shicib toona, dadkuna ay danahooda raacdaan, nabadgalyadana wadajir u wada ilaaliyaan. Maxay tahay ujeedada ka danbaysa ee Hoteelada qaaliga ah ee Kenya iyo Jabuuti xildhibaanada DFKG iyo kooxaha leh arimaha soomaaliyaan ka hadlaynaa intii somaliya dowlada loo sameeyay loogu kharaj garaynayo?. Miyaanay tusaale ugu filanayn shirkii Beelaha Soomaaliyeed loogu qabtay Magaalada Muqdisho oo waliba xaaladeeda amaan ay aad u xumayd, dagaalo aan kala joogsi lahayn iyo hanjabaadyo loogu caga juglaynayo cid walba oo shirka ka qabygasha lagu hayay?. Maxamy tahay Ciidanka Jabuuti ay ku deeqi karto oo soomaaliya laga waayay?. Waxaan filayaa inay furantahay su'aalo badan oo u baahan in la iswaydiiyo jawaabaheeda in la helo, Maamulada Nabadu ay ka jirto waa inay Dowlada Federaalka ah kula xisaabtamaan hoos u dhigida ay ku hayso marka laga hadlayo amniga Dalka, oo ay dalkii oo dhan ka dhigtay sida Koonfurta soomaaliya ay tahay oo kale.
  10. kaalay riyaale muxuu gursiga isugu dhajinayaa mesha waxba mabayaalane.
  11. 
Sabti, September 12, 2009(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah ayaa gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe. Ahmedou Ould Abdallah iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxay xarunta madaxtooyada Puntland kulan kula qaateen madaxda maamulka Puntland, kuwaasi oo uu horkacayay madaxweyne C/raxmaan Faroole. Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda, ammaanka, burcad badeedka iyo gargaarka bani’aadannimada. Wakiilka ayaa markii uu soo gaaray caasumada Puntland, wuxuu u sheegay Saraakiisha dawladda Puntland iyo Golaha Wasiirada ee soo dhaweeyey in uu aad ugu faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland, wuxuuna caddeeyey in uu aad ugu faraxsan yahay ammaanka iyo horumarka Puntland, waa sida uu hadalka udhigaye. Danjire Ould Abdalla ayaa markii uu tegayay Puntland waxaa uu horay u soo booqday Somalilnad, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa xisbiyada mucaaradka iyo weliba Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka. Maxamed Cali Roytar
maxamed royter@hotmail.com 8232;Garowe, Puntland, Somalia
  12. what is going on somalia? I was thinking buy my first house in somaliland, and place is chaotic now. Where should we go now.
  13. Ahmedou Weld Cabdallah Horuy Konfuta Somalia usogubay hadana mawaxuu rabaa in uu kudaro Somaliland oo nabad ah? lolol
  14. Knowledge speaks, but wisdom listens. - Jimi Hendrix
  15. Knowledge speaks, but wisdom listens. - Jimi Hendrix
  16. lacagta xoolaha laga qaato yaa qadanaya ma DF mise gobol maamuleedka Puntland?
  17. Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa kaga dhawaaqay in laga furay Koofurta Galkacyo Xafiiskii Waaxda Socdaalka. Dr, Cumar C/rashiid oo kula kulmay Koofurta Galkacyo Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyay laga furay Koonfurta Galkacyo Xafiiskii Socdaalka Dowladda. Kulan uu kula qaatay Koonfurta Galkacyo Mas'uuliyiinta Maamulka Galmudug ayuu u cadeeyay in Xafiiska Socdaalka uu si rasmiga uga howl galayo, isla markaana uu qabanayo howlihii lagama maarmaanka ee bulshada ee ku aadanaa dhanka socdaalka. Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid horu mar ah, maadaama loo fududeeyey arrimaha socdaalka iyo qaadashada baasaboorka E-Passport ee ay soo saarto dowlada KMG Somalia. Maamulka Puntland ee ka arimiya Waqooyiga Galkacyo ayaa diiday in Hal Xafiis laga hirgeliyo Magaalada, waxaana ay ku cataabeen in aanay aqbaleyn arrintaas oo ay cambaareynayaan. Magaalada Galkacyo ayaa u kala qeybsan labo qeybood oo ka jira Labo Maalmood waxaana magaalada tahay mid leh Qad Cagaaran oo maamul walba iskiis uga howl galo labada gedi.
  18. Raysalwasaaraha dalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo wareysi khaas ah siiyey Horseed Media ayaa ka waramay wadahaladii Gaalkacyo ee u dhaxeeyey wafdigiisa iyo Dowlada Puntland. Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo markii ugu horeysay saxaafada wareysi kasiiyo shirarkii Gaalkacyo, ayaa uga waramay Horseed Media waxyaabihii ay uga wadahadleen kulamadii uu la yeeshay madaxda Puntland. Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo aan marka ugu horeysa wax ka weydiinay safarka uu ku yimid markii ugu horeysay Puntland waxaa uu salka ku hayo ayaa sheegay. “….imaantinka aan halkaan imaaday wuxuu xambaarsanaa, wadatashi, xiriirka Federaalka, in la xoojiyo xiriirka Puntland iyo Galmudug iyo Federaalka….” Ayuu yiri Raysalwasaaraha oo intaasi ku daray in hada wixii ka danbeeya uu rajeenayo inuu hagaagsanaan doono xiriirka u dhaxeeya Dowlada Puntland iyo Federaalka. Waxaanu Raysalwasaaraha weydiinay halka uu salka ku hayo murranka la sheegay inuu ka dhex dhashay wafdigii uu hogaaminayey ee Federaalka iyo Puntland oo codsiyo ay soo jeedisay la isku afgaran waayey. Waxaanu si gaar ah u qeydiinay labada qodob ee Puntland codsatay ee ah: - In Puntland wafuud ku darsato Safarada dowlada Federaalka - In Puntland ay u madax banaanaato heshiisyada caalamiga ah Raysalwasaaraha ayaa sheegay in arrintaasi si khaldan loo fasiray, isla markaana wadahadalka u dhaxeeyey ayaga iyo Puntland uu ahaa mid jawi aad u wanaagsan ku dhacayey, isla markaana waxa la isku heystay ay ahayd habka loo dhigayo, qoraalada ama heshiisyada labada dhinac, ayadoo loo eegayo Axdiga Federaalka iyo Dastuurka Puntland u yaal. “…waxaanu ka doodnay waxa ay u yeelan karto dhinaca Sharciga sida uu u tabaanayey Axdi Qarameedka iyo dastuurka Puntland…..” ayuu yiri Raysalwasaaraha oo sheegay in hada ay arrimahaasi ka wadahadleen isla markaana ay hada is af fahmeen ayaga iyo mas’uuliyiinta Puntland. “….Waxaanu rajeenaynaa inaan dhawaan wada saxiixo heshiisyada, intaanan ku noqon magaalada Xamar…” ayuu yiri Raysalwasaaraha oo ka dhawaajiyey inay usii socdaan wadahadalkii labada dhinac oo ay dhawaan soo afmeeri doonaan. Raysalwasaaraha oo ka hadlay xiriirka siyaasada iyo wixii ay ku heshiiyeen Puntland iyo ayaga, yiri “….Runtii xiriirka siyaasadeed hada sidii hore waa ka wanaagsan tahay….waxayna illa tahay wax wadaqeybsigana….Wada nka Soomaaliya wixii soogalana maaha hal meel…wixii soo galana wadanka loo qeybiyo guud ahaan…sida uu qeexayo Axdi Qarameedka….waxaana rajeenayaa inaysan imaan doonin wax kale oo murran keena…insha allah…” Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaan weydiinay in khilaafyada iyo xiriir xumaanta hada ka dhexjirtay Puntland iyo Federaalka ay salka ku heysay ama ku hayn karto, arrimihii ay horey dowlada Puntland uga cabatay ee ahayd adeegsiga erayga MIDNIMO QARAN, ayuu ku jawaabay; “….maya runtii waa jirtay waxyaabo Tuhun iyo wel wel ay ka muujisay erayga Midnimo Qaran…Maaha midaas maaha mid wax ka bedalaysa Nidaamkii Axdi Qarameedka Nairobi 2004,,…illaa iyo hadana Xafiiskeyga Waraaqaha ka baxa kuligood waxaa ku qoron Federaalka iyo Axdi Qarameedka….marka arrintaasna waanu u sheegnay…wayna ku qanceen (Puntland)…” ayuu yiri Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Goorta la filan karo in Puntland iyo Federaalka ay kala saxiixdaan, ayuu Raysalwasaaraha ku jawaabay in goor dhow ay wada saxiixan doonaan kahor inta aysan ku noqon magaalada Muqdisho. Galmudug Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo ka waramayey kulamadii uu maanta iyo Shalay la yeeshay mas’uuliyiinta Galmudug oo uu kula kulmay Koonfurta Gaalkacyo, ayuu sheegay in si diiran oo fiican loogu soo dhaweeyey. “….Si wanaagsan baa naloogu soo dhaweeyey dadkuna waa dad diyaar u ah oo raba Federaalka,…” ayuu yiri Dr.Cumar Cabdirashiid. Raysalwasaaraha ayaa intaasi ku daray inay kala hadleen arrimaha amniga iyo midnimada, asagoo sheegay in amni xumada iyo midnimo la’aanta ay tahay mid heerka xun gaarsiisay dalka Soomaaliya. Asagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka. “…waxaa jirtay murran soo kala dhexgalay siyaasiyiinta oo la xariira doorashada…waxaana ku heshiinay in dhamaan dhinacyada ay noogu yimaadaan magaalada Muqdisho, isla markaana la xaliyo wixii khilaaf ah oo jira…taasna way naga ogolaadeen…”ayuu yiri Hogaamiyaha xukuumada Federaalka Soomaaliya. Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay u sheegeen inay doonayaan in maamulka Galmudug lasii dhiso, isla markaana laga sii balaariya habka uu hada yahay. Isku shaandheyntii Xukuumada Horseed Media ayaa wax ka weydiisay Raysalwasaaraha isku shaandheyntii uu dhawaan ku sameeyey golihiisa Xukuumada, sababta xiligan keentay? Cumar Cabdirashiid, Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in isku shaandheynta keentay maadaama ay rabaan xiligan in dar dar la geliyo arrimaha Siyaasada, Amniga iyo horumarka dalka. Wuxuu sheegay in dowladan shaqeenaysay muddo 7 bilood ah, isla markaana is tuseen in loo baahday dar dar gelin lagu sameeyo wax qabadka dowlada. Baaqa bisha Ramadaan Raysalwasaaraha oo fursadan uga faa’iideystay inuu Shacabka usoo gudbiyo fariintiisa bisha Ramadaan ee maanta bilaabatay, in shacabka Soomaaliyeed illaahay u barakeeyo. Raysalwasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay Abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya, asagoo ugu baaqay dhamaan ummada Soomaaliyeed inay iskaashadaan oo la xasuusto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Ahmiyadda Xukuumada Ugu danbeyntii ayaanu Raysalwasaaraha weydiinay qodobka ugu muhiimsan ee uu doonayo inuu wax ka qabto, ayuu ku jawaabay. “…waa AMNIGA…runtii Amni la’aan wax horumar ah oo la gaari karo ma jirto,..waxaanu rabnaa inaan xooga saarno amniga dhamaan dalka Soomaaliya…maaha Muqdisho oo kaliya…” ayuu yiri Raysalwasaaraha. Hadan waxaan nimid Puntland, waxaana tagay Galmudug, waxaana rajeenayaa in gobalada kale ee dalka inaan tago Gobalada dhexe iyo Hiiraan, intaba inaan tago, waxaana dooneynaa inaan amniga xooga saarno, ayuu yiri Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo u waramayey Horseed Media asagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo.
  19. Axad, August 23, 2009(HOL): Faallo lagu soo qoray afka Dowladda Eritrea ayaa ku eedeeysay Dowladda Soomaaliya in ay gashay dembiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadannimada, isla markaana ay xasuuq u geysatay Shacabka Soomaaliyeed. Faalladan oo lagu soo daabacay Website lagu magacaabo shabait.com ayaa waxaa ay dowladda Eritrea uga sii hadashay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, kuwaasi oo ay dad badan ku dhinteen. Faallada waxaa kale oo lagu sheegay in dembiyada dagaal ee ay gashay Dowladda Soomaaliya ay noqon doonaan kuwo lagula xisaabtamo, “Dowlad ku sheegta Soomaaliya waxaa ay si gaar ah ugu xulatay dadka Soomaaliyeed in ay disho, iyadoo aan u heysan sharciyad iyo welib marmarsiyo siyaasadeed”ayay tiri Dowladda Eritrea. Waxaa kale oo ay Dowladda Eritrea ku eedeeysay Dowladda Soomaaliya in ay dalka Soomaaliya soo gelisay Ciidamo shisheeye ah oo ayidayay in faragelin iyo xasilooni darro lagu sameeyo Soomaaliya. Dowladda Eritrea ayaa lagu eedeeyaa in ay taageero siiso Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, iyadoo taageero-siinta kooxahaasna dhowr jeer loogu hanjabay in cunaqabateyn lagu saari doono. Sababtaas darted ayaana la rumeysan yahay in ay Dowladda Eritrea u mucaaradeyso Dowladda Soomaaliya oo ay taageeraan Dowladaha Gobolka iyo kuwa Caalamka oo ay ugu horreyso Dowladda Soomaaliya.
  20. Axad, August 23, 2009(HOL): Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah kooxaha dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ahaa in la joojiyo xabbada, lana furo wada hadallo. Afhayeenka Ururkan Shiikh Xasan Mahdi oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inaysan jirin wada hadallo uu ururkoodu la galayo DFKMG ah inta ay dalka ku sugan yihiin ciidamada shisheeye ee AMISOM. "Ma aqbalayno hadalkii Shiikh Shariif ee ahaa in la wada hadlo, waayo dalka waxaa ku sugan ciidamo shisheeye oo aan la dagaalsan nahay, waxaana xalka u aragnaa in wada hadalka laga hormariyo inuu ciidankaas baxo" ayuu yiri Shiikh Xasan Mahdi. Shiikh Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in dagaalka ay sii wadayaan, isagoo xusay in mas'uuliyadda khasaaraha ka dhashay ay qaadayso dowladda Shiikh Shariif iyo ciidamada AMISOM ee ay gacanta ka helayaan. "Innagu wax lug ah kuma lihin khasaaraha shacabka gaaraya, haddii aan qayb ka nahayna waxaa laga doonayaa inay shacabku ka hadlaan" ayuu yiri Shiikh Xasan Mahdi oo ka jawaabayay su'aal ahayd inay qayb ku leeyihiin mas'uuliyadda dadka ku waxyeellooba dagaallada socda. Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maalintii koowaad ee Ramadaan oo shalay ahayd ka dalbaday kooxaha kasoo horjeeda inay dagaalka joojiyaan, ayna ku badalaan wada hadal, si looga gudbo xabbad la rido iyo dhiig la daadiyo. Ururka Xisbul Islaam ayaa isna dhankiisa horay ugu baaqay uu dagaallada xoojinayo bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen in ay beegsan doonaan xarumaha Dowladda iyo kuwa Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan.
  21. Inkastoo Somaliya sanadihii ugu dambeeyay muujineysay cabsida laga qabo in Somaliya isu rogto saldhig argagixisada ka soo amba-qaado waararadooda ayaa iminka dadka wax turxaan bixiya tilmaamayaan in falaaga diimedyada Alshabaab iyo Xisbul Islaam iminka marayaan heerkii ugu xumaa ee awood yari. Halisyadii ugu xumaa ayay marayaan falaaga diimeedyadani, waxaana khabiirada wax turxaan bixiya ee Somaliya ay sheegayaan in falaagooyinkani iminka ay ka cabanayaan qilaafyo xoogan oo dhexdooda ah . Iyadoo ay muuqaneyso iminka hoos u dhac aad u weyn oo xagga taageerada qeybo ka mid ah Somalida u hayeen falaaga-diimeedyadan i ayaa hadana waxa ayna tani ka dhigan tahay in falaaga diimeedyadani ey halisyo badan ku soo wajahan yihiin. Saraakiil diiday in magacooda la soo xigto ayaa Calanka u sheegay in ay jiraan ifafaalo muujinaya in rajo beelka uu ku sii dhex baahayo gudaha falaaga diimeedka Alshabaab. Sarkaalkani Somliyed ayaa xusay in talaabooyin badan ay qaadeen Al-shabaab ay keentay in shacbiyadii yareyd ee qeybo ka mid ah Somalida ey ka haysteen ay iminka daaqada ka baxday . Qilaafyo hoosaadka ka dhex oogan Alshabaab waxa ay keentay in inbadan ay waayaan taageero kala duwan oo ay heli jireen, haatan wax ay noqdeen kuwo naftooda ku tiirsan oo falkasta oo dhaqaale lagu helayo ku dhaqaaqaya. Sidaa oo ay tahay Al-shabaab waxa ay gacanta ku haysa qeybo ka mid ah Koonfurta Somaliya, taasi oo cirka ku sii shareertay cabsidii Mareykanka ka qabeen ee aheyd in Somaliya isu rogto hoy ay ku dhuumaaleystaan argagixisada Al-Qaacidda . Falaaga diimeedka Al-shabaab ayaa inta badan waxa xubno ka ah dhalan yaro ku bar baaray mujtamac fowdo oo aan rajo ka laheyn mustaqbal ka fog qoriga . Somaliya oo ah islaamiyiin qunyar socod ah ayaa hadana Al-shabaab waxa ay donayaan in rabitaankooda gaarka ah ee mayal adeygnimada ku qasbaan Soomaalida inteeda kale . Xukuumada madaxweynaha qunyar socodka ah Sheekh Shariif Sh. Axmed ayay falaaga diimeedyada la dagaalama gaashaanka u daruuren dowladda inakstoo taageerada beesha caalamka ay si weyn u haysato. Deeganaada Al-shbaab gacanta ku hayso ayay ka fuliyaan xukuno la xariira rabataankoda, iyadoo mararka qaar dadka arimaha Al-shabaab eega tilmaameen in aysan laheyn sal iyo raad ayna ka dambeeyaan ujeedooyin daahsoon . Cumar Cali Nuur oo ah muwaadin Somaliyed oo isag oo jooga Muqdisho u waramayay Calanka ayaa shegay in iminka goobaha Al-shabaab gacanta ku hayaan ey dadka isaga huleelayaan, waxaana uu intaa raaciyay in ay muhiim tahay in dowlada ka faa`ideysato qilaafka Al-shaab ka dhex aloolsan iyagoo kuwa qunyar socodka ahna kala soo dhexbaxda. Dadka wax dhaleeceeya ayaa waxa ay leeyihiin xukunada Al-shabaab fuliso waa kuwa waqtigooda ka soo hor maray, iyadoo ay tilmaameen in xukunada ay fulinayaan wax ka weyn ay u yaalaan ka hor inta aysan ku mashquulin dadka afkooda iyo labiskooda .
  22. waa la is naas nuujinayaa xidiga walaalo yaa og in ay dawladu xataa waxka ogtahay!!!!!!!!!