oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Madaxweyne Shariif oo isbitaal ka dhex furay Madaxtooyada.
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in Politics
Kulmiye inshallah maalmaha so socdo kheyr ayaad arki doontaye ee dulqaado, guushu wakhtigii la gaari lahaa ma dheere. -
Madaxweyne Shariif oo isbitaal ka dhex furay Madaxtooyada.
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in Politics
the zack bro Gabartan waxey diidan tahay waxaa waaye kaagana kula lihi keygana anaa leh. -
Maleeshiyaadka Shabaab ayaa degmada Shibis ka afduubtay nin da’ ah dabadeedna si Bani’aadanimada ka baxsan u dilay. Barqanimadii shalay ayaa maleeshiyo ka tirsan kooxda Shabab waxa ay si xoog ah degmada Shibsi uga afduubeen nin da’ah oo u soo baxay sidii uu u soo eegi lahaa gurigiisa maadama uu in mudo ah qax uga maqnaa. Ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 60 jir ayaa maleeshiyadan waxa ay ku qasbeen in uu u soo dhaqaaqo dhanka isgoyska Juba oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowlada iyo Maleeshiyadaasi si loogu maleeyo nin ka tirsan maleeshiyadooda oo ay askartu u toogtaan. Ninkan da’da ah oo marki uu u soo dhawaaday dhufeyska ciidanka dowlada ku qeylinayay waa la.igu soo qasbay ayay askartu si taxadar leh u hubinayeen tan iyo intii uu ku soo socday waxaana maleeshiyada Shabaab ay ku soo rideen dhowr xabadood oo kaga dhacay qaarka danbe hase ahaatee markii uu dhulka ku dhacay oo uuyaalay mudo saacado ah ayey shalayto gelinkii danbe markale xabado ku soo fureen isagoona halkaasi ugu geeriyooday . Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaliya ayaa ku guuleystay in meyka marxuumkan ay goobta kasoo qaadaan islamarkaana ay raadiyaan eheladiisa sida uu radio Muqdisho u sheegay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir. Arintani ayaa qeyb ka ah tacadiyada Maleeshiyaadka Shabaab ay u geystaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
-
Madaxweyne Shariif oo isbitaal ka dhex furay Madaxtooyada.
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in Politics
MoonLight1;680899 wrote: We are seeing the formation of Shariif city, a walled city which has everything it needs inside, I think next they will open a suuq, and next to that it will be a kawaan hilib. heheheh -
woow this look good viva Banaadir and Shabeellada hoose
-
Hadaba Kooxahan isa soo xulufaystay imika ee ciidamo dhisida iyo is hubaynta ku mashquulsani waxay qayb ka ahaayeen kana tirsanaayeen maamulkii naxariista darnaa ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barr ninkan warkan qoray ujeedadiisa waan ogahay ee sida uu maleyneysid maha waxba ha cabsanin cid idin wareereyso ma jirto ee dalkeena ayaan xoreysaneyna.. Tan kale hadii aad kaso hor jeedid dadka qeybtii ka ahaayeen dowladii hore ee maxamed siyaad barre oo aad ku sheegeysid ''iney idin xasuuqeen'' Maxaad raali ugu noqoteen inuu Kaahin riyaale noqdo ''madaxweyne'' ''somaliland'' oo la ogyahay wixii uu geystay......
-
war sheekadaan bug waaye, bisinka sheekada heerkan ay gaartay miyaa in waxano kale la iska sheeg sheego.
-
Asalamu calaykum brothers and sisters of the forum, it is very important to talk about the good work that our brothers in Al Shabab have achieved specially now that the enemies of Allah are conducting a media war against Islam. Al shabab al mujahidin have done a good job implementing the sharia, the islamic laws have brought peace and prosperity to Southern Somalia. Thanks to al shabab, it is being reported that business is better than ever before, they have round-the-clock protection and they are taxed next to nothing. Al shabab has created courts,that listen to the community's concerns, If local communities send letters of concern regarding road conditions or a lack of roads it is addressed the very next day and construction begins shortly thereafter at no direct cost to the public. Walaal waad dhunsantahay ee diinta so baro, dadka in la iska gowraco la iska gaaleeysiiyo shareeco maahine, aniga waxaan dalka ugu tagay 2009kii waa iyaga dartood
-
Ciidama ahlu sunna iyo dowladda midnimada qaran oo qabsatay Siigaale iyo Dhabarka danbe ee Mowlaca macalin nuur maxamed siyaad Raximullah.. Iyo Maxamed dheere xaafidulahi oo helay hub dhaqdhaqyo xoogan kana wado Waqooyiga Muqdisho iyo Madaxweynaha oo tuute so xirtay... tolow arintaan ameey bedeli doonta jug jug meesheeda joog oo la arkaaye ayaamahan
-
Who is the best afrikan football player (right now)
oba hiloowlow replied to Kulmiye's topic in General
Samual Eto'o !!!!!!!!!! -
yadoo xiisadda culus ee u dhaxeysa Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ay mareyso meeshii ugu dambeysay ebid ayay ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam isu soo dhiibeen Xarakada Al Shabaab. Hadal-haynta ugu badan ee caawa leesla dhex maraayo magaaladda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay tahay, in ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam oo ku sugnaa degmada Afgooye ay maanta isu soo dhiibeen Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab. Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo ku hubeysnaa qeybaha kala duwan ee hubka ayaa waxay galabta isu soo dhiibeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo halkaasi ku leh dhufeysyo waaweyn oo ay ka qoteen. Isu dhiibidda ciidamadaan ay isu soo dhiibeen Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dhalisay samxad aad u xoogan, taasoo ka dambeysay in Ururka Xisbul Islaam uu ka muujiyo caro aad u culus, isla-markaana majirto ilaa iyo iminka wax ficil ah oo uu ka bixiyay Ururka Xisbul Islaam. Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha sar sare ee Ururka Xisbul Islaam, xilli ay kusoo siqayaan ciidamadda Mujaahidiinta ee Xarakada Al Shabaab, balse waxaa hubaal ah in shacabku ay qabaan dareen xoogan oo ku aadan, in saacad kasta la-fillan karo dagaalo xoogan. Sidoo kale dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa waxay caawa ka taagan yihiin gudaha magaaladda Afgooye, waxaana mararka qaarkood la-maqlaayaa rasaasta ka dhacda hubka fudu fudud. Wixii xaaladda magaaladda Afgooye ee kusoo kordha kala soco wararkayna dambe haddii uu RABI idmo.
-
Hizbul Islam Announces War Against Alshabaab ???
oba hiloowlow replied to Jacaylbaro's topic in Politics
haa waan dareensanahay laakin isbedelkan xey tahay neh an waba yaabanahe -
Respect for Ethiopia, they are not like the Arab b!tches.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
lool ar kan xaa ku so booday ninyahow acuudi bileyso.. -
Hizbul Islam Announces War Against Alshabaab ???
oba hiloowlow replied to Jacaylbaro's topic in Politics
showqi eeboow haa furihii reset inaa ku sameeyo ay naqatay -
Hizbul Islam Announces War Against Alshabaab ???
oba hiloowlow replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Labadii xaqdaro ku heshiisa xaqey ku diriraan, is cuna oo isku baba'a waa saan rabee -
Saraakiil ka tirsan DKMG oo tababar loogu soo gaba gabeeyay Uganda.
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in Politics
saasa la rabaa good news al shabaab maalmahoda ugu danbeeye ay ku jiraan -
Ciidamo ka tirsanaan jiray Xisbul Islaam oo ku biireen dowlada KMG ah.
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in Politics
lool miskiin -
Xarakada Al Shabaab oo ku hanjabtay dagaalo ka dhan Somaliland,
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo dagaalo xoogan kula jirta dowladda uu madaxweynaha ka yahay wadaadka da’da yar ee Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay sheegtay in maalmaha soo socda ay qaraxyo waaweyn ka geysan doonto gudaha Somaliland. Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo warbaahinta la-hadlay ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn ay ka geysan doonaan gudaha Somaliland, isagoo taasi sabab uga dhigay in Somaliland laga furaayo iskuulo lagu barto Diinta Kirishtaanka. Afhayeenka ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Siilaanyo ay heshiis wada-galleen kooxo uu sheegay tiradoodu gaareyso sideed oo ka socda Kaniisadda Roman Catholic, isla-markaana waxay ku heshiiyeen buu yiri in Somaliland laga furo iskuulo lagu barto diinta Karishtaanka “Christian Missionary Schools” Wuxuu sheegay in Islaamiyiinta ka talisa gudaha dalka Somaliya aysan marnaba u adkeysan doonin in deegaanada xukuumadda Somaliland laga furo iskuulo dad Muslimiin ah lagu baraayo buu yiri diinta karishtaanka, wuxuuna uu wacad ku maray qaraxyo waaweyn oo ay ka geysan doonaan gudaha Somaliland. Sidoo kale shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland ayaa wuxuu ugu baaqay in Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab ay kala shaqeeyaan sidii dagaalo qaraar loogu qaadi lahaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay in’ay dooneyso in Somaliland laga furo xaruumo ardayda reer Somaliland lagu baro diin aanan diintoodu ahayn. Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu kaloo uu sheegay in’ay diyaariyeen qaraxyo waaweyn oo ismiidaamin ah oo ay dhawaan ka geysan doonaan gudaha Somaliland, wuxuuna uu carabka ku adkeeyay goobaha ay qaraxyada ka geysan doonaan in’ay yihiin iskuulada ardayda la-rabo in lagu baro diinta karishtaanka, iyo Hotellada ay degan yihiin kooxo uu sheegay in’ay ka socdaan Kaniisadda Roman Catholic. Majirto wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo ku aadan amuurtaan, balse waxaa la-filaayaa in’ay kasoo saari doonaan hadalo jawaab u ah kan kasoo yeeray dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. -
Ciidamo ka tirsanaan jiray Xisbul Islaam oo ku biireen dowlada KMG ah.
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in Politics
goood news -
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo xoogan iyo duqeymo shalay ka dhacay Xaafado ka tirsan Waqooyiga Magaalada Muqdisho, kadib markii halkaas ku dagaalameen Ciidamada Dowladda oo wehlinaya kuwa Amisom iyo kooxaha mucaaradka. Dagaalka ayaa yimid markii weeraro ay soo qaadeen kooxaha mucaaradka gaar ahaan Al-Shabaab, iyadoo markii dambe Shabaab lagu durjiyay dagaalka aagag dhowr ahna laga qabsaday. Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay ku dileen ilaa labaatan dagaalyahan oo shabaab ah, halka tobanaan meyd ay ku arkeen goobaha lagu dagaalamay iyo difaacyada ay ka sameysteen xaafadaha Boondheere. Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa horumarka ay gaareen waxaa ka mid ah iyagoo ka saaray Shabaab dhismaha wasaaradii arrimaha gudaha, iyo Safaaradii Talyaaniga, iyadoo Shabaab hada difaac ka galeen isgoyska maana-booliyo. Dagaaladii shalay oo la maqlayay madaafiic aad u xoogan ayaa waxaa ku dhintay ilaa toban ruux oo dad rayid ah, halka shan iyo toban kale la geeyay goobaha caafimaadka oo lagu daweynayo.
-
Popular Contributors