oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
iyaguba al qaacido caawiso kaaraan tag pakistani walaa hindi lee meeshaba joogo kingmakers kulaha..ninbo maalintiisi saalax ogow shalay hargeisa sey aheyd maantana sey tahay xamarna sidoo kale.
-
saalax the government controlls more then 4km caqli laawe yahow do u think,wadajir,dharkeynley,xamarjabjab,xamarweyne,shingaani and waaberi isku dar plus half hodan,h/wadaag,boondheere iyo cabdicasiis 4km ma dhantahay.. Tan kale shariifka became president 1500 oo ciidan xaafaded oo muqaawamo ahaa ayaa uu joogay, 50 000 ethiopian 10 000 bintilands ayaaba iska celin waaye ciyaalkaas 1500 maxaad ka filanee. Marku madaxweyne noqday kedib ayeey noqotay inuu dhiso ciidan qaran iwm marka xiligaan ayaa la gaaray xiligi la xoreyn lahaa dalka ee nac nacdka iska dhaafa,
-
General Duke;681501 wrote: ^^^Dont get upset, just because one has highlighted to you the truth. Sharif was the leader and founder of Al Shabaab. It was he who declared this "Jihad" that continues till today.. Generaal Walle taariikh neh ma garaneysid ee ha iska yeerin everybody knows xassan daahir inuu yahay the founder of Al shabaab ee orod Taariikhda so baro, ninkii ceyrow uu diray afhanistan ma shariifka loooool. Tan kale Shariifka ma iclaamin jihaad it was indha cadde indhaha haka fiishe... so go and learn the history kid and spare us the nac nac....
-
General Duke;681440 wrote: The humbling of Xasan dahir is one thing. The old fart has it coming. However the ludicrous claims of Mr Jama that the TFG runs 55% of Somalia, highlights that nothing has changed.. Xamar degmooyinkaas koleey waa taqaanaye aan ku baro, dowladda: Dharkeynley,wadajir,Xamarjajab,xamarweyne,waabeeri,Shangaani. Degmooyinka la isla wadaago: Hodan, h/wadaag,wardhiigleey,C/casiis,boondheere Degmooyinka: Shabaab haystaan: Dayniile,Kaaraan,Yaaqshiid iyo Huriwaa,Shibis. Generaal ku sheeg, 4km miyaa min Waabeeri ilaa shangaani ilaahan kugu dhaarshe
-
Xaaji Xunjuf;681450 wrote: ^^ ma tageersana sh sharif dawladisa , just afka uun bey yidhahan Somalia ha noolato laakin dawlada sh sharif hogaamiyo ma tageersana Beenta maha Xaaji xanjuf qabiil ayaa jarjaray, qabiilka ka weyn danta guud.
-
Abdirazak_PTL;681330 wrote: If sharif didnt like puntland he would just sit there and not say anything while Puntland is becoming the biggest powerful clan of Somalis equipped with the best training and equipment money can buy PTL after 20 yrs wali qabiil ma wadaa, u should have learn't by now qabiil ineysan wax tareynin ee qaranimada naga luntay aan so ceshano reer hebel iyo reer hebel iyada ayaaba heerkaan na garsiisaye..
-
Mr. Somalia;681328 wrote: ^ Doqonyahow, Puntland waxaa yaal dhul Soomaaliyeed iyo shacab soomaaliyeed, marka Shariif muxuu dhulkaas Soomaaliyeed weli u tagi la'ayahay weeye su'aashu haduu uu yahay madaxweene? Mr somalia su'aashu waxa waaye reer puntland ma ictirafsan yihiin wadaadka mise qabiil ayaa jarjaray...
-
Somalia president Sh Sharif says my army needs to stop chewing qaad
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
good move viva sheekheeni Shariif sheekh Axmed xaafidullahi. -
Umar Al bashir Sudan will adopt sharia law if country splits.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
al bashiir shareeco muxu ka yaqaana sow kii muslimiinta darfur xasuuqaya... -
Xaaji Xunjuf;681404 wrote: They all have foreigners Like Mr Amriki and others Alshabaab does not condemn foreign fighters As long as they are Muslim they welcome them. I don't believe there is any khilaaf between abu mansuur and Amiir godane few months ago we heard there was a khilaaf and abu mansuur was about to leave shabaab and start his own thing in baydhabo but it was just suntime stuff written by the CIA and somali websites just copy it and translate it in Somali . Laakin Abu mansuur,Shongole iyo cali dheere ayaa meesha ugu xoogbadan iyagay 90 % ciidanka somalida ee shababka hoosyimadaan, Godane ciidan miyuu hargeisa iyo burco ka keenaa waa maya.. Godane haduu awood leeyahay walle isma qariyeen
-
Dagaal-yahano fara-badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay kusoo qul qulaayaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, si’ay uga qeyb qaataan dagaaladda xoogan ee lagula jiro dowladda kmg ee Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom. Dagaal-yahanadaan oo ku hubeysnaa qeybaha kala duwan ee hubka ayaa waxay ka yimaadeen gobolada Jubooyinka, Baay iyo Bakool, waxayna u badan yihiin dhalinyaro yar yar oo ay tababaro kala duwan u soo gaba-gabeeyeen saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab. Ciidamadaan ayaa waxaa loo-qeybiyay laba qeybood, qeyb kamid ah ayaa waxaa la-geeyay waqooyiga magaaladda Muqdisho, si’ay u xoojiyaan aagaga dagaal ee uu Shabaab ku lee yahay waqooyiga magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Qeybta labaad ayaa waxaa la-geeyay xeryo waaweyn oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, halkaa oo ay ku yaallaan saldhigyada ugu waaweyn ee ay Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab ku lee yihiin magaaladda Muqdisho. Ciidamadaan oo aad u fara-badnaa ayaa waxaa tababaro kala duwan loogu soo dhameeyay gobolada Jubooyinka, Baay iyo Bakool, waxaana la-sheegay in’ay yihiin dagaal-yahano Jihaad doon ah. Maaha markii ugu horeysay oo ay Xarakada Al Shabaab magaaladda Muqdisho soo geliso dagaal-yahano xoogan oo taabacsan, habeen hore ayay ahayd kadib markii ciidamo taabacsan Xarakada Al Shabaab laga kala keenay degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
-
Puntland maxaa taal oo laga doonaa horta?
-
Xaaji Xunjuf;681298 wrote: kala fikirkan boqol jeer ba la sheegey and no one really told us what the khilaaf is about wa sheekadi suntimes qori jirtay bay reer garowe na ka copygereysteen waligeena ayaan maqli jirnay khilaaf wax ka jiro neh ma jirto kulligood waa isku fikir waana la ciribtiri doona inshallah ********tantaan.
-
Xaaji ma isku dhiibin waa run laakin su'aashu waxa waaye maxaa uu diiday taa anaa kaga jawaabayo ceelasha iyo afgooye ayeey xaruntiisu ugu danbeyse aheyd go'doon ayuu ahaa, 3 gees ayuu go'doon kaga ahaa, dhinacaa km13,Dhanka Marko iyo dhinaca toora toorow ay shabaabku joogeen marka optionkiisa kaliya inuu isku dhiibo shabaab ay aheyd.. waa uu fiicantahay walle markii uu dalka kuso laabanayay intuu dagaal iyo qaas iyo qabqablenimo waday wuxuu iska noqon karay nin wadaad oo nabadoon ah instead xasuuq iyo barakac uu bilaabay.
-
Xaaji Xunjuf;681213 wrote: xassan daahir aweys runti wa nin qadiyad leh maha nin is bad badala wuxu aminsanyahay inay somaliia noqoto dawlad shariciga islamka lugu xukumo mana tageerin waligi tfg wax la mid ah sxb qadiyada aad sheegeysid xey tahay bahdilka lagu sameeye ayaad fahmi weysay sheekada jubboyinka ay ka bilaabatay, axmed madoobe ayaa la yiri waa riddo weerar baa lagu qaaday oo in kismaayo iyo lagala wareego ay aheyd ujeedada,way socotay, hiiraan ayaa lagala wareegay,buur habaka,afgooye iyo ceelasha ayuu lagu hareereye oo dhinaca waqooyiga afgooye,dhinaca marka iyo km13 intuu aada? intaas waxaa sii dheer saraakiishii laga dilay sida taalibaan,bare cali barre intaas maahine waxa la yiri ama dowladda,shabaab ama shacabka... ee xaaji Dhiigyacabkan umaddii masakiinta barakiciyay nabsigii uu ka galay waaye halahaan aad arkeysid walibana ardaydiisa ayaa hubka ka wareejinaya lool
-
Xasan Daahir uu Isu dhibay shabaab iyo Xisbul islaam oo laba jir ku geeriyooday PDF Print E-mail Sunday, 19 December 2010 16:29 Read : 208 times Dagaal Oogaha maleeshiyada Xisbul-Islaam Xasan Daahir Aweys ayaa maanta isu dhiibay kooxda Shabaab oo maalmihii la soo dhaafay dagaal kula jirtay maleeshiyaadkiisa. Warar uu Radio Muqdisho ka helay Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Xisbiga ayaa sheegaya in Xasan Daahir uu kulan la qaatay maanta Shabaab kaddibna uu isu dhiibay, markii loo sheegay in Qorshaha Shabaab uu yahay in aysan oggolaan doonin Hub iyo maleeshiyaad aan Shabaab hoos tagin. Go’aankaan ayaa ku soo aaday xilli cadaadis xooggan ay Shabaab saareen Xasan Daahir iyo kooxdiisa, goobo badan oo ay horay ugu sugnaayeena ayaa lagala wareegay, waxaana sidoo kale go’aankaani uu imaanayaa xilli dhawaan Xasan Daahir uu sheegay in kooxdiisu ay la dagaalami doonto Shabaab si ay u badbaadiso jiritaankeeda. Horjoogayaal badan oo ka tirsan kooxda burburtay ee Xisbiga ayaa si weyn uga carooday go’aanka uu qaatay Xasan Daahir Aweys, waxayna sheegeen in aysan ku qanci Karin in ay ka mid noqdaan Shabaab oo ay muddo badan dagaal kula jireen. Fariisimo ay Kooxda Xisbigu ku lahaayd magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkayay maleeshiyaadka Shabaab, arrintaas oo dad badani tusisay in is bedel xooggan uu jiro. Dagaal Oogayaal badan oo ka tirsan Xisbul-Islaam ayaa xiriir la soo sameeyay Dowladda KMG ee Soomaaliya si ay megen gelyo u siiso, taas oo ay doonayeen in ay uga badbaadaan kooxda Shabaab, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda. Maleeshiyaadkii Xisbiga ee ku sugnaa degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa shalay isu dhiibay kooxda Shabaab,waxaana sidoo kale maalinmihii ugu dambeeyay jiray maleeshiyad firxad ah oo ka baxsanayaa kooxda xisbiga ee burburtay. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in maleeshiyada Shabaab ay xaflad u sameeyaan Dagaal Ooge xasan Daahir Aweys kaas oo ay ku soo bandhigayaan Hubkii iyo maleeshiyadkii u xukumi jiray Xasan daahir. Arrinkaan ayaa waxa uu muujinayaa dhammaadka kooxda xisbul islaam iyo geerida ku timid xilli ay laba sano jir tahay. Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe deg deg ah oo lagu adkeynayo cunaqabateyntii la saaray dekadaha iyo Garoomada diyaaradaha ee ku yaalla goobaha ay maamulaan Maleeshiyaadku, halkaas oo la rumeysan yahay in ay uga soo degaan Hub badan iyo waliba dagaal yahanno argagixiso ah.
-
Hogaamiyaha weyn ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si rasmi ah ugu biiray Xarakada Al Shabaab, kadib markii ay sidaasi isku waafaqeen saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab. Warar lagu kalsoonaan karo oo laga hellaayo saraakiisha sar sare ee Xisbul Islaam ayaa waxay sheegayaan in Ururka Xisbul Islaam uu si toos ah ugu biiray Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab, oo dagaalo xoogan kula jira dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in deegaanada Ceelasha Biyaha ilaa aagaga dagaal ee uu Ururka Xisbul Islaam ku lee yahay Suuqa Bakaaraha ay la-wareegeen ciidamadda Xarakada Al Shabaab. Xaflad balaaran oo ay qaban qaabadeedu socoto ayaa waxaa la-filaayaa in uu Sheekh Xasan Daahir Aweys kaga cadeeyo in’ay si toos ah ugu biiraan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab oo ka taliya inta badan Koonfurta iyo Bartamaha ee dalka Soomaaliya. Hadal-haynta ugu badan magaaladda Muqdisho ilaa deegaanada Ceelasha Biyaha ayaa waxaa caawa laga hadal-haayaa ficilka uu Ururka Xisbul Islaam ugu biiray Xarakada Al Shabaab, isla-markaana shacabka qaarkood ayaa siyaabo kala duwan amuurtani hadal heysa. Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe haddii uu RABI idmo.
-
Xaaladda suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa maanta cago ku taagneen, kadib markii dhaq dhaqaaqyo isdiidan oo u dhaxeeya Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ka taagan tahay suuqaasi. Ciidamadda Xisbul Islaam oo aad u fara-badan ayaa waxay maanTa dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan gudaha suuqa caalamiga ah ee Bakaaraha, iyadoo Xarakada Al Shabaab ay iyana wado dhaq dhaqaaqyo lamid ah kan uu wado Xisbul Islaam. Jihooyinka laga soo kala gallo suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa maanta jilbaha isla dhigtay ciidamo kala taabacsan Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam, isla-markaana waxaa mooddaa in uu aad u careysan Xisbul Islaam, kadib markii askari ka tirsanaa shalay lagu dillay suuqa Bakaaraha. Askarigii ay shalay dilleen ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa la-sheegay in uu ka tirsanaa ciidamadda Xisbul Islaam, taasoo ka dambeysay in’ay xargaha furtaan ciidamadda Xisbul Islaam oo maanta si weyn u dhooban suuqa weyn ee Bakaaraha. Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda Xisbul Islaam iyo Xarakada Al Shabaab ay faraha kasii baxeyso, wuxuuna midba midka kale uu ku mashquulsan yahay sidii uu u lagdi lahaa kan kale, taasoo kicisay dareenka guud ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha. Dhanka kale majirto saan-saan nabadeed oo muujineysa in’ay ciidamadda kala qaataan Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaadna mooddaa in uu midba midka kale loo-baneeyay dhiigiisa. Si kastaba ha-ahaatee xaaladda suuqa caalamiga ah ee Bakaaraha ayaa waxay maanta tahay Allow sahal, saacad kastana waxaa la-fillan karaa in’ay dagaalo culus ka qarxaan oo u dhaxeeya Shabaab iyo Xisbiga.
-
Madaxweyne Shariif oo isbitaal ka dhex furay Madaxtooyada.
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in Politics
Aaliyyah;680991 wrote: lol madaxtooyada? marka ma dhakhtar asaga iyo intii madax ah u shaqeenasa..see camal? umada wa in uu wax u qabta ninku. Anigu waan la jiray hadana waan la jira laakin sidan si ha isku dhaamo shabab iyo waxa la mid ah meel ha iska mariyo umadana dhakhtar iyo iskoolo iyo waxkastaba ha u furo.. salaam Abaayo isbitaalkan sababta lo furay waxa waaye mardhow weerar ayaa lagu qaadi doona mucaaridku waxaana lo baahanyahay meel lagu dabiibo ciidamada, maadama guuldarada dowladda lagu micneeye daryeel la'aan iyo mushaar la'aan waxey xukumaddu ballan qaaday iney wax ka bedelayaan daryeel la'aanta iyo mushaar la'aanta, marka isbtitalkan la dhisay qeyb ay ka tahay isbedelada ay xukumadu ballan qaaday..
-
Popular Contributors