oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Maleeshiyada Shabaab ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in sababaha ay dagaallada ugu jabaan ay tahay dadka Shacabka ah oo aysan wax xiriir ah la lahayn. Hadal uu shalay Fu’ad Shongole ka jeediyay Degmada Afgooye ayuu ku sheegay in maleeshiyada Shabaab aysan wax kalsooni ah ka heysan shacabka Soomaaliyeed taasna uu ku tilmaamay in ay sabab u tahay guul darrada sanaddada badan heysata kooxda Shabaab oo god ku ridday kumanaan Soomaali ah. “sababta ay Mujaahidiintu (maleeshiyada Shabaab) u guuleysan waayeen gaaladana looga adkaan waayay waa xiriirka aan wanaagsaneyn ama aan jirin ee ka dhaxeeya Shacabka iyo Shabaab” ayuu Yiri Fu’aad Shongole oo aan qarin guul darrada ay Shabaabku dhaxleen. Wuxuu qiray dagaal ooge Shongole in aan guulo la gaari Karin inta shacabku ay col ka yihiin kooxdooda, wuxuuna nasiib darro ku sheegay in la kasban waayay Umadda oo sida uu sheegay muhiim u ah jiritaankooda. Fu’aad Shongole wuxuu shaaca ka qaaday in aysan wanaagsaneyn in umadda loogu faano Hubka, isla markaana lagu takri falo waxa uu ku sheegay masuuliyadda, isagoo saadaaliyay in dhibaato weyn ay ka imaan doonto haddii la sii joogteeyo Tacadiyadaha lagu hayo dadka aan awoodda lahayn ayadoo la adeegsanayo Hubka iyo Maleeshiyaadka. “Haddii aan dadka ka awood badanahay annaga Allaa naga Awood badan” ayuu yiri Shongole oo hadalkaas ku weerarayay sida loo fahmay Axmed Godane iyo kooxda taageersan oo ka awood badan Isbaheysiga Shongole ee uu calanka u sido Muqtaar Rooboow Cali. Maleeshiyada Shabaab wixii ka dambeeyay qaraxii Shaamoow waxaa soo kala dhex galay khilaaf xooggan oo hareeyay Dagaal Oogayaasha Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ee kooxdaan maamula, waxaana arrinta sii huriyay Go’aankii lagu galay dagaalkii Ramadaanka oo ay ku jabeen kooxda Shabaab. Axmed Cabdi Godane, Abuu Mansuur Al-Ameeriki iyo Faadil Cabdalla oo ah kuwa ugu tunka Weyn Shabaab ayaa lahaa ammarka dagaalkaasi, waxaana ka hor yimid oo gul darro mid ku dambeyn doona ku sheegay Muqtaar Rooboow iyo Fu’aad Shongole oo aan hadalkooda dheg loo dhigin, waxayna taasi sababtay in Muqtaar Rooboow uu dagaalka kala baxo maleeshiyaad uu si gaar ah uga keenay gobollada Bay iyo Bakool, dagaalkiina sidaas ayuu ku dhamaaday, ayadoo wixii markaa ka dambeeyay aan geedna la isugu imaan.
-
Al-Qaeda oo xilkii ka xayuubisay Amiirkii Al-Shabaab Ahmed Godane
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;682616 wrote: Alqeada ciid na xil kama qaadi karan waxani wa wararki waagacusub lol lool waa warkii waagacusub laakin raggan ayaa uu taliyo Shabaab,,, -
Ururweynaha Al-Qaeda ayaa xilkii Amiirnimo ka qaaday Hogaamiye Ahmed Godane oo sedex sanadood u madax ahaa Maleeshiyadda Al-Shabaab. Amiirka Al-Shabaab ayaa si ku meel gaara loogu magacaabay Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad oo ay isku qabiilka yihiin Ahmed Godane.Ma jiro war ka soo baxay Ahmed Godane hasse yeeshee ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Waagacusub.com u sheegay inuu qaadacay xilka qaadista lagu sameeyayt. Ahmed Godane waxaa xilka Amiirnimo u caleema saaray ninka Al-Qaeda u magacaawday booskiisa ee Ibrahim Afakhani,waxaana ku adkaan doonta sida uu mucaarada uga hortago. Xilka qaadista Godane ayaa ka dhalatay ka gadaal markii loo caalwaayay khilaaf gaaray meel xun oo ka dhex jiray isaga iyo saraakiisha ku xigeenadiisa dhinacyada siyaasadda iyo dacwada. Fuad Shongole ayaa todobaadkaan mar uu la hadlay Saxaafadda wuxuu tilmaamay inaysan Mujaahidiin sheegan karin shaqsiyaad cabsi darteed wajiga u duubtay,wuxuuna ugu baaqay inay bulshada istusaan hadii ay ku faraxsan yihiin dhimashada.
-
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
Bakool Vs Jubadda Dhexe Xulka gobolka Bakool ayaa ku barbartay xulka Jubadda Dhexe,waxaana ay kala dhaliyey goolal badan oo ay ku macsalaameynayeen ka qaybgalka Ciyaaraha gobolada Soomaaliya maadama aysan u suuragelin in ay usoo gudbaan wareega 8-aad. Xulka gobolka Bakool ayaa dhaliyey gool kowaad,waxaana daqiiqado kadib soo bareejeyey Jubadda Dhexe oo ciyaaryahanadooda u muuqday kuwa aan niyad u hayn ciyaartaan. Qaybtii dambe Bakool waxay lasoo baxday ciyaar aad loola yaabey,waxaana ay dhaliyeen afar gool oo dheeraad ah taas oo natiijada ciyaarta ka dhigtay 5-1 oo ay guusha ku raacdey Bakool. Shabeelada Dhexe Vs Bari Ciyaartaan ayaa ahayd mid aad loo wada sugaayay maadama awooda labada kooxood ay tahay mid aad u sareysa iyadoo ay ku jiraan kaalmaha u horeeya xulalka loo saadalinaayo in ay koobkaan hantaan. Xulka gobolka Shabeelada Dhexe ayaa qaybtii hore ee ciyaarta lasoo baxdey ciyaar aad u macaan oo ay ku wareereen ciyaaryahanada gobolka Bari,waxaana qaybtii hore ee ciyaarta kusoo dhamaatay 0-0. Qaybtii dambe xulka gobolka Shabeelada Dhexe oo sii wadatay ciyaar wanaagooda oo ku dhisnaa hab isfahan ah ayaa u suurtagashay in ay dhaliyaan hal gool oo qurux badan,waxaana u saxiixay ciyaaryahanka lagu magacaabo Baroon. Xulka gobolka Bari ayaa markii goolka laga dhaliyey bedel ku sameeyey qaar kamid ah ciyaaryahanada,waxaana ay dadaal u galeen sidii ay u dhalin lahaayeen goolka lagu leeyahay. Ciyaarta oo socota isla markaana Bari ay qaadeen dhowr weerar ayaa qaybihi dambe dhaliyeen gool naxdin ku noqotay xulka Shabeelada Dhexe oo doonayay galabta in ay qaataan saddexda dhibcood,waxaana goosha gobolka Bari u dhaliyey weeraryahankooda Cabdirisaaq Axmed Yaasiin. Si kastaba ciyaartaan waxaa ay kusoo dhamaatay 1-1 oo labadaan xul ay wada qaybsadeen midkii hal dhibic, iskudar ahaan waxaa ay leeyihin midkii 7-dhibcood balse waxaa kaalinta kowaad kusoo baxday xulka gobolka Bari. -
Xarakada Al Shabaab ayaa wacad ku martay in maal maha soo socda ay dagaalo kula wareegi doonto caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo sheegtay in’ay diyaar u tahay dagaalo kulul oo ay la-gasho dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom. Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo maanta laga maqlaayay warbaahinta magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dagaalo xoogan ay dowladda kala wareegi doonaan goobaha ay kaga sugan tahay magaaladda Muqdisho. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay diyaar u yihiin dagaalo xoogan oo ay magaaladda Muqdisho, kaga saaraan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed iyo Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika ee Amisom. Sidoo kale wuxuu sheegay in’ay ka go’an tahay sidii ay magaaladda Muqdisho uga sifeen lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Amisom oo uu sheegay in’ay kusoo duulleen dalka Islaam ah. Sheekh Cali Dheere ayaa rajo ka muujiyay in hadafka Xarakada Al Shabaab oo ah sidii ay dalka uga saari lahaayeen ciidamadda Amisom iyo dowladda Soomaaliya, in’ay dhawaan hir-gelli doonto. Hadalka Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli Xarakada Al Shabaab iyo dowladda Soomaaliya ay iska soo dhisaayaan dhanka miletariga, tiiyoo ay u dheer tahay iyadoo todobaadka soo socda magaaladda Muqdisho loo-soo wado 1,800 oo askari oo ka socda dowladda Uganda, sida uu ka dhawaajiyay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni
-
Idinka iyo kuwan waqooyiga calacalka iska dhaafa oo hore uu sii socda
-
A day to remember: 26th anniversary of the ugly genocide in burco
oba hiloowlow replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Duke well said walle beenta maha -
lol i am the first person here who only remembers the war lol bkm,ak47,zuug iyo tekniko, Isbaaro..
-
Real Madrid vs Levante 8-0 in the spanish cup, Barca waa lagu jeesjeesay 0-0 against AThletico Bilbao
-
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
Cayaaraha maanta oo kuso idlaatay, Mudug vs sool 1-1, Banaadir vs Gedo 3-2. -
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
Banaadir and Mudug ayaa sii socanayo.. -
Showqi;682162 wrote: Labo tuug hadii ay isku biiraan, isku darsaman amaba ay isku walaaqmaan. Waa iska labo tuug uun, oo cidna kama qarsoona. Aakhiritaankana iyaga ayuunbaa isku soo jesen oo madaxa iska goyn hadan. hehehe Oday xassan beri asigo aaga ka dagaalamayo ayaa arkeysaa oo amar ay siinayan ardaydiisa
-
Kornaylka;682301 wrote: Oba, War shariiku ciyaar ciyaar maaha niyow, gaaladu sannadkasta 150 mill bay siisaa, carabtana shir kasta ay leeyihiin wuu tagaa, afkoodana weliba sifiican buu u yaqaanaa, oo sanduuq lacag ah oo shilling Somali ku sarrifan bay u soo dhiibaan. Isku soo wada duuboow xariifku sannadkiiba qiyaas 250 million buu fadhiyaa lol. Ninka koofiyadiisa yar, iyo bismillaahi oo uu mar walba hadlka ku billaabo ha arkin, waa con man igaarku. Su'aashu laakiin waa waxaas oo lacag ah xaguu geeyaa, dee waa kaas oo isagoo dhar fiican watana ma aragnee? loooooooooooooooooooooooooooooooooool as i said b4 sheekada fadhi ku dirirka..
-
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
Duke who is playing today?
-
Popular Contributors