oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
Aamiin, aniga ninka odayga ee zack fariintada gaarsiinaya ee habeen wanaagsan -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
loool xaaji dad gabyo waan qabnaa sida Cabdulle Raage Taraawiil,Faarax gololey,cabdulle geedanaar etc,, tan kale xaajiga saxsan Abshir bacadle ilahay ha uu naxariisto waa reer Mudug inkasto xamar uu degenaa Zack lol sheekada waka qasantay shariif iyo abshir meel iskama so galaan -
The Zack;683085 wrote: Oba, What are you implying here? I am lost... what im implying is that dilkisa iney xaqdarro aheyd.
-
From the Qur’an, Al Baqara (The Heifer), verse 62, we learn: Those who believe in the message of the Qur’an, and those who follow the Jewish [scriptures], and the Christians and the Sabians *– any who believe in God and the Last day, and work righteousness – shall have their reward with their Lord. On them shall be no fear, nor shall they grieve.
-
Zack it was al shabaab who did it, abu mansuur kulaha there where no intention to kill those people they where just in the middle of some gunfire
-
Shiribka maanta Xassan daahir Xassan cabdulle xirsi (Turki)
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
Somalina see cml hee saas aa ciyaal xamar ku tahay mii -
ninkii la dhahaye waa gaal miyaa oo beledweyn lagu dili jiray?
-
x.turki=xooggaagi xasan daahiroow ma xaabo la dhigaa xagaay x.daahir=adba xuddur u xaabsataa adoon is xoojin xasanoow x.turki= ninkaan xertiisu xoogleheeyn xasanoow is xariifimaa x.daahir=minaan isku xirnaa leheeyn xoog leeyguma xoreey leheeyn x.turki= xagaay walba xumaan abuur maleeyskula xirnaa karaa x.daahir=xertaad abuurtayeey xirtoo xaal waa xunyahay xasanoow x.turki= xaasid nimaa ku soo xirtee ha is xabeebin xasanoow x.daahir=xabiib nimaan kugu xushee xaad ii xumeeysay xasanoow x.turki= xiisuuma qabo xukunoo xarakadaan la yeeshay xeer x.daahir=xaashaalilee xarakadaan xabashidaa ka xaal qurxoon x.turki = xumaan kama xishootidoo xasanoow waaku xaal aqaan x.daahir=xasan mugii an xoog lahaay xumaan igu xugmi meheeyn x.turki= maadaa ila,ahaay xabiib xoogaad igu xali jirtee x.daahir=xagjir nimaan kugu xushee maanaa ku xoogay xasanoow x.turki =xanaaqa jooji xasanoow xarakadaan xabiib nahee x.daahir= ha i xukumin xasanoow waahee isla xiranehee x.turki= anigaa xog ogaalogoo waxaan xirraay laba xagaay x.daahir=lama xagaay hadaad xirreed maanigaad isku keey xallee x.turki=lama xanto xarakadee adoon isxoojiheeyn xirraaw x.daahir=nin xoogay xilahaad leheed xabiib la noqo waa xumaan x.turki=waa xeer u yaal xarakadoo xabsi malehe waa xabaal x.daahir=xabsi hadeey nagu xireen xabbad iyo xabaal karoon x.turki= xamdi naq xasan daahiroow xertu haddeeyku soo xireen x.daahir=anigoo xukun doonohoo leey xiray maan xamdinaqaa XARAARE xaraare= xafiil tanya shariif xumeey xabsi miyaadka xulateen x.turki = xanaaggi xasan daahiraa xooxdaan ka maalnay xabsigaa x.daahir=xasan cabdulle xirsiyoow xaad iigu xugmisaa xumaan xaraare=xukuumad diidid ya xumaan waa isu xulufeeysateen (Ali Haraare)
-
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/barnaamijyo/taariiqda_godane.wma ka dhageyso taariikhdiisa,,,, anigu koley nin reer Burco ayaa yiri waa dambiile qaran godane. -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
lool first Madaxweyne sh shariif adoo dhaheysid ma aanan arkin ee sheekh dalxiis ayaa tiraahda ee sheekada waa qaraxde, second markan ku dhahaye burcad waye oo hargeisa tagima karo waxaan ka wadaa sida la ogyahay asigo qof dilay hantina dhacay ayuu tagay konfurta marka dambiile weyn ayuu ka yahay waqooyiga marka waxan fahmi waaye nin aaminsan somaliland sidee ayuu amiir ugu tilmaami karaa ninkaas dembiga weyn ka galay ''dalkiisa'' -
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
GO banaadir, berina waa Shabeellada dhexe !!! -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
okey bro reer hargeisa waaye koley adaa naga xog ogaalsan, anyway why are you calling this guy Amiir hargeysa maba tagi karee budhcad weeye.. -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
lol so it is true marka inuu reer burco ahaa -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
lol amiir godane ya waaye? ma sheydaan godane ayaa ka wada ii fahansii bo -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
xaaji see cml waaku qafiiftay ninka aan ku leeyahay maanto dhan Amiirka lee ku jirtaa waa wareey -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;683006 wrote: Oba Emir Axmed abdi godane wa reer hargeisa i think fuad shangoole is from Burtinle Anigu koley nin reer burco ayaa ii yiri inuu godane asalka ka yimid baadiyaha laakin abaartii dabadheer kedib reerkiisa burco ay degeen.. Fuad shongole waa reer jowhar actually aabihiisna wali halkaas ayuu deggan yahay laakin degganada ay kaso jeedan puntland ayansan hubin maybe Burtinle.. -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;682995 wrote: eeg wadiga qalad hadana sameyeey magaalo dhan oo caaasimaad ah ayaad tuulo barbar dhigeysa Axmed godane sow maha Reer burco shongolena sow reer qardho mahan -
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
labadooda kooyto waaye ee go back to Qardho/Burco... -
Xamareey waa lagu xumeeye ee yaa ku xaalmarinaayo?
-
SOMALIA-SAUDI ARABIA: HRW calls Saudi Arabia to stop deporting Somalis
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in Politics
loool Xaaji taasi gef weyn waaye ee ninka odayga ee Zack ka qaleey -
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah C/wali Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Mudug ayaa maanta ku soo laabtay magaallada Muqdisho kaddib markii ay soo qaboojiyeen dagaal beeleedyo ka socday halkaasi. Mudane C/wali Maxamed Cali oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddiga TFG-da ka socday ee uu hoggaaminayay ay ku guuleysteen xabad joojin ay dhex dhigeen beelihii dagaallamayay iyo in lagu heshiiyo waxyaabihii uu dagaalku ka kacay oo ahaa dhul daaqsimeed iyo Ceel biyood haddana ay ogolaadeen beeluhu in ay isla degaan, daaqaan ceelashana isla cabaan. R/wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in heshiiska ay qeyb ka ahaayeen odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka kuwaas oo ay hadda uga soo tageen in ay dhameeyaan qeybta ugu dambeysa heshiiska oo ah in labada beeleed ay kala saxiixdaan Cahdi dhowraya Dhiigga umadda isla markaana hor istaagaya in uu daato dhiig kale. R/wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed farmaajo ayaa guddi wasiiro iyo xildhibaano ka kooban u saaray xalinta dagaal beeleedkaasi oo ay ku dhinteen dad badani kuwo kale ay ku dhaawacmeen, waxaana guddigaas hoggaaminayay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga C/wali Maxamed Cali. Dhinaca kale Nabddoon Cali Diiriye oo ka mid ah wax garadka ku howlanaa daminta colaadahaas ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in aysan dagaalladaasi dib u soo laaban doonin dagaalladaasi ay soo xaliyeen wafdigaan ka socday dowladda KMG oo kaashanaya dadka deegaanka.
-
Ciidamadda ammaanka ee magaaladda Rotterdam ee dalka Holland ayaa gacanta kusoo dhigay 12 ruux oo Soomaali ah, kuwaa oo ay dowladdu Holland sheegtay in’ay qaraxyo ka geysan rabeen gudaha dalka Holland. 12-kaan ruux ee Soomaalida ah ayaa waxay lix kamid ah ay degnaayeen magaaladda Rotterdam, halka shan kalana aan la-aqoon waxa ay yihiin, iyadoo midka kalana la-sheegay in uu ahaa muwaadin degnaa dalka Denmark. Ciidamadda ammaanka ayaa sheegay in dadkani looga shaki qabo in’ay xiriiro la-lee yihiin kooxda tunka weyn ee Al Qaacida, isla-markaana waxaa la-sheegay in’ay qorsheynaayeen qaraxyo waaweyn oo ay ka geystaan gudaha dalka Holland. Ciidamadda ammaanka ayaa waxay baaritaano ku sameeyaan afar dukaaman iyo laba hotel ah oo dadkaasi lala xiriirinaayo, isla-markaana waxaa laga waayay wax-yaabaha qaraxyo sameyn kara, sidaa waxaa yiri sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Holland. Saraakiisha ayaa sheegay in’ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan dadkaasi, iyagoo sheegay in’ay iminka ku xiran yihiin saldhig ku yaalla magaaladda Rotterdam ee dalka Holland. Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe haddii uu RABI idmo http://dhacdo.com/news.php?readmore=3377
-
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;682781 wrote: Labada xabo ee 'public relations' Reer Iswiidhan kasoo bartay muu meesha keenay. Yaa u sheego in dadweynaha masaakiinta iyo Barbaar ku sheegaas xiriir aad u sareeyo ka dhaxeeyo, taas oo ah qoor goyn, isbiimeyn la isku qarxinaayo, karbaashid, garaacid, gacmo iyo lugo goyn iyo maalkooda maalin walba la dhaco. Intaas ka sare xiriir kale maaba jiri karo. kkkkkkk,,,, shabaab 2 garab ay uu jabeen marka taageerayaal uu raadsanoya ee inuu ka naxayo mahan
-
Wiil magaciisa lagu soo gaabiyay Saciid dhowaanna ka yimid dalka Masar oo uu ku dhameystay waxbarasho jaamacadeed ayaa shalay lagu dilay xaafad ka tirsan Suuq Bacaad, iyadoo dilkiisana la sheegayo inay ka dambeeyeen maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ee maamula degaanadaasi. Nin lagu magacaabo Axmadey oo ilmo habreed ay yihiin wiilka la dilay ayaa sheegay in walaalkii Saciid uu degenaa Baar Ubax, isla markaasina lagu dilay Suuq Bacaad oo uu u tegay inuu booqdo wiilal ay saaxibo ahaayeen, isagoona sheegay in maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay qabteen kaddibna ka qaaday taleefanka gacanta oo uu watay. Waxa uu sheegay in marxuum Saciid ay maleeshiyadii ka qaaday taleefanka ay maalintii dambe u sheegeen inuu taleefankiisa soo doonto, hase yeeshee markii uu tegay maleeshiyadii ay gashteen guri ku yaala agagaarka Suuq Bacaad kaddibna la dhaceen toorey, iyagoo markii dambena ku dhuftay dhowr xabadood. Ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka wiilkaasi, hase yeeshee ehelada uu wiilka la dilay ka soo jeedo ayaa fursad u helay inay soo qaataan meydka wiilkooda si ay u aastaan, wuxuuna sidoo kale sheegay Axmadey in falalka noocaan ah iyo kuwo ka sii daran ay maleeshiyada Al-Shabaab u geystaan dadka rayidka ah ee iyagu degan goobaha ay maamulaan. http://www.somaliweyn.org/pages/news/Dec_10/25Dec10.html
-
Popular Contributors