oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. KALA DOORTA (GABAY) Waxaa kale oo ay fariin taan muhiim u tahay shacabka reer muqdisha kuwooda aan weli ogayn ujeedada laga leeyahay dagaalkan joogtada ah ee ka socda degaanadooda kaas oo u horseeday abaaro,gaajo,dhimasho,barakac iyo dhibaato oo dhan hadaba reer Muqdisho waxaa la gudboon in ay hurdada ka toosaa Amiirkaa dadaalaan ahoo waan dikrinayaaye Shaqadii la'ii soo diraan daba ordaayaaye Fariintaydan gaarsii duqii wuu degdegayaaye Duqowdiyo caruuraha ninkaan deynin baan ahaye Calankii daruurtiyo cirkiyo dahab la moodaayay Ninka doorsha yiri baan ahoo waan dejinayaaye Dagaalada sokeeyaha nin kaa doortay baan ahye Diintii Osama uu i baray waan ku diirsadaye Abaaruhu kolkay dilahayaan dumarka gaajaysan Ninka aanan dayn dhaylahoo diirta baan ahye Xamar deeq wixii yiil niinkaa geeyay dayniile Misna aan degaan kuba lahayn dooyga iyo deexda Oo caawa degen baan ahoo waan duceysnahaye Dalagiyo abuurkaa nin kaa diiday baan ahaye Dagaal iyo waxan dirir ahayn laygu dayi waaye Dayrtaba waxaa igala wacan moortar soo degaye Daryeel iguma laha maatadee waan dabxinayaaye Dagaalkaygu wuxuu gaarayaa tan iyo diin-soore Amiir aan damqeyn baan ahoo sheekhu soo diraye Ama qaata diintooyda oon doolar idin siiyo Ama diida oon idin dejiyo xamar duleedkiisa Labadaa mid kood doorta waa kama danbaystiiye
  2. lol xaaji iney taasi dhacdo waa rabtaa laakin dhici meyso...
  3. Jeneral Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid ayaa degaanadda Galmudug ka wado dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo isbedelo dhinacyada amaanka,dhaqaalaha iyo waxbarashada.Xeer uu soo saaray Jeneral Qaybdiid ayuu ku amray in Shirkadaha ganacsiga guud ahaan bixiyaan lacago canshuura bil walba si amaankooda loo sugo,waxaana uu albaabada u laabay Xawaaladaha iyo Isgaarsiinta ka hoowlgela degaanadda Galmudug qaarkood kuwaas oo dib loo fasaxay markii ay bixiyeen lacagahii canshuurta.Shirkadda Dahabshiil oo ka mid ahayd Xawaaladaha la xiray ayaa dib loo fasaxay ka gadaal markii ay bixisay canshuurtii bisha oo gaareeysa shan kun dollarka Mareykanka. Xeerka cusub ee Jeneral Cabdi Qaybdiid wuxuu farayaa in tilaabo laga qaadi doono waalidiinta aan Dugsiyada Waxbarashadda geyn Caruurtooda da' ahaan gaaray 12 sano jir.sidoo kalena wuxuu ku guuleeystay inuu qaado Isbaaradii tiilay Laamiga weyn ee dhinaca Cadaado . Jeneral Qaybdiid oo Dowlada Somalia ka soo noqday taliyaha boliiska,Wasiirka Macdanta iyo biyaha,wuxuu hore u sheegay inuu xil siyaasadeed ka rabin Galmudug laakiin sida muuqato wuxuu la wareegay guud ahaan talada Maamulka Galmudug oo magac ahaan uu Madaxweyne ka yahay Maxamed Axmed Caalin. Qorshaha cusub ee Jeneral Qaybdiid ku oogay ganacsatada Galmudug waxaa la qiyaasay inay bishii ka soo bixi karto lacag dhan boqol kun oo dollar taas oo dhaqaalo ahaan ku filan Hay'adaha maamulka.
  4. tiir dhexaadkaas waa somaliweyn oo midowdo....
  5. Kadib markii maamul goboleedka ee Puntland uu Somaliland ku eedeeyay in’ay taageerto Xarakada Al Shabaab oo dagaalo xoogan ka wado dalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul uga jawaabtay Somaliland. Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed C/Laahi Cumar oo wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah wakaaladaha wararka ee caalamka ayaa sheegay in Puntland ay dooneyso oo qura in sumcatada Somaliland ay meel uga dhacdo. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba taageersaneen kooxaha argagaxisada ah, isagoo xusay in Somaliland lagu xasuusto in’ay dagaalo kula jirto kooxaha dhibaatada ka wada gobolka. Maxamed C/Laahi ayaa xusay in Puntland uu kasoo yeeray hadal aan wanaagsaneen isla-markaana ay meel uga dhaceyso horumarka iyo dimuq-raadiyada buu yiri ay ku talaabsatay dowladda Somaliland, isagoo intaasi ku daray in hadalka Puntland uusan marnaba wax-yeelo u geysan kareyn wanaagga Somaliland. Sidoo kale wuxuu hadalka kasoo yeeray maamulka uu madaxweynaha ka yahay C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” in uu yahay hadal aan laheyn meel loo-raaco, ama waxaa weeye buu yiri hadal aan sal iyo raad toona laheyn. Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed C/Laahi Cumar ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay hadalkani ku dooneyso in’ay ku qariso horumarinta milatariga ee Puntland, isla-markaana waxay Puntland dooneysaa buu yiri in’ay qal-qal ku beerto nabadda iyo kala dambeenta ee ka jirta Somaliland. Hal cisho kahor ayay ahayd, kadib markii Cabdi Jamaal Sheekh Xasan oo ah Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Amniga ee maamulka Puntland uu Somaliland ku eedeeyay in’ay taageerto, amaba ay mangalyo siiso kooxda Xarakada Al Shabaab oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya. Hadaba hadalada lidka isku ah ee u dhaxeeya maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay dadka odoroso siyaasadda dalka Soomaaliya ay ku baaqeen, in maamul kasta uu ka arrimiyo deegaanada uu ka taliyo, waayo bay yiraahdaan dhulka Soomaaliya waa dhul weyn, waana mid wada qaada ummada Soomaaliyeed, waxayna ka digeen dagaalo cusub oo ka dhex qarxa labadaasi maamul, oo iminka si hoose isku eegaaya.
  6. abtigiis Sheikh shariifba nin fiican waaye oo la aamini karo laakin shariif xassan is the mariid guy oo lacag ka tacbanaya meesha allow sahal amuuraha...
  7. Mr. Somalia;685100 wrote: ^ Oo muxuu u dili waayey, badankood Xaaji Xunduf wada miiran bey ubadnaayeene!...lol But I find it funny how those marfashlanders whose ancestors the great Sayid humbled and humuliated are quick to proffer their opinion on a topic such as this as if we were expecting them to say something nice about Ina Cabdille Xassan. :D
  8. anigu koley waxaan maqlay inuu ahaa nin dili jiray dadkii amarkiisa maqlin...
  9. Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ee ka bar bar dagaalama Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa saraakiil u hadashay waxay sheegeen in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ay guulo baaxad wayn ka gaareen Ciidamdaooda. Saraakiisha Ahlu Sunna u hadashay ayaa cadaysay inay dib u qabsadeen gobo fara badan oo horay ciidamdooda looga qabsaday, waxayna sheegeen inay laba laabayaan dagaaladooda ay uga soo horjeedaan kooxaha Al-Shabaab. Ciidamada Ahlu Sunna ayaa la arkaayay oo ku subcinaaya Fariisimadooda Jiida hore ee dagaalada, waxayna Ciidamadu ay xiligaasi wataan qoyaha Boobayaasha Culus ee loo yaqaan Dabajeexa ama BKM-ka. Xoogagga Ahlu Sunna ayaa buuxiyay jiidaha hore ee dagaalada ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafadaha Hodan ay ka kooban tahay, waxayna saraashiisha Ahlu Sunna sheegeen inay rajaynayaan inay qabsadaan fariisimo cusub maalmaha soo socda. Dhinaca kale maalmahaan waxaa magaalada Muqdisho ka jiray dagaalo xooggan oo la isku adeegsanaayay madaafiicda Garbaha laga rido iyo Gantaalaha, waxayna Muqdisho u muuqatay meel aan ka dhawayn nabad.
  10. waala wada ogyahay abti ee dadka qaar ayaa aaminsan inuu xassan ku biiray al shabaab sababa la xiriiro inuu shacabka ka naxaayo oo intuu dhiig daadan lahaa uu ka doorbiday ka mid ahaanshaha shabaab.
  11. allahu aclam koleey soomaali waxey ku maahmaahda allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin
  12. ismahaan sis beenta maahan hanjabaada kadaran beh kulaha diin baro ama waku gowraceena subxanallah
  13. Nin reer Baadiye ka yimid baadiyaha Soomaalia waxaa gacanta ku dhigay Xarakadda Al shabaab ciidamo ka tirsan oo ku sugan Magaalada Jowhar ee gobolka shabeellada dhexe. Ninka ayaa waxaa la weydiinaa su'aalo la xiriirta diinta iyo halka uu wax kuso bartay. Waa video aad uu cajiib badan oo aad la yaabi doontiin
  14. wax weyn ma aheyn xooga yar is rasaseyn ba dhacday ee buunbuuninta dhaafa, saalaxceeb aa sheegte, at least we dont loot equipment and uniforms...
  15. Waxaa lagu laayay xabisiga jeel ogaädeen dad aad u fara badan oo maxaabiis ahaa oo laga soo u ruuriyay gobolada iyo degmooyinka, dadkaasi oo ay sida warka sheegayan udhintay jidh dil ciqaab ay u geesteen ciidamada Itoobiya ee maamula xabsiga jeel ******** dadka ku geeriyooday xabsiga ayaa la sheegay in ay ku xir-naayeen in mudda ah isla mar ahaantana lagu eedeeyay in ay la shaqeeyan ururka halgamayaasha ah ee kasoo horjeeda gumeysiga dowladda itoobiya ay ku heyso shacbiga dagan dhulka ********iya DADKA KU GEERIYOODAY JEELKA MAGACYADOODA AYAA KALA AH :- 1-Sh ibraahim Sheekh Muuse (Wardheer ) 2. Xuseen Cabdi Qan (Wardher) 3. Axmed Cabdi Diriye (Wardher) 4. Muxumad Maxamed Gofadhe (Danood) 5. Nimcan- *********** 6. Deeq Cali Maxamud (Wardher) 7. C/Qowdhan Ibrahim (Q/dahar) 8. C/lahi Maxamed Cabdi (Shaygoosh) 9. Haybe Caadil Cabdi Gagaal (Dhoobowayn) 10. Garaad Xasan Axmed Makhtal- (Dh/buur) 11. Siyaad Axmed Samatar (dh/buur) 12. Xussen Yuusuf Cali (Guna gado) 13. Maxamed Maxamud Boogaale (Aware) 14. Khadar khalif ilkacase (Dh/buur) 15. C/lahi Sh/Maxamed Soofe(Guna gado) 16. Mukhtar Daahir Barkhadle (Gunagado) 17. Axmed Maxamed Gaab (Gunagado) 18. Maxamed macalin cabdixaliin (Sagag ) 19. Cabdi Dayib Cali Bulxa (Fiiq) 20. Ibrahim C/raxman Axmed Jilaal (Fiiq) 21. Sh/Cusmaan Maxamed Askar (Imay bari) 22. Saynab Mowlid Nuur Shabel(Dhuxun) 23. Axmed Cumar Salaad(Salaxaad) 24. Sanyare Cali guhaad (Garbo) 25. Maxamed Cali Foldheer(Garbo) 26. Bashir Buun (Dhuxun) 27. Maxamed Axmed (Baabili) 28. Ducaale Adan Samatar (Jigjiga) 29. Axmed Xuseen Garamulata 30. Maxamed Axmed Kamaal 31. Xamdi Axmed Cabdi (Q/bayax) 32. Cali Mahdi Ibraahim (Q/bayax) 33. Ibrahim C/raxaman Dhicis (bombaas) 34. Dahir C/lahi Cumar (Bombaas) 35. Cilmi (Awbare) 36. C/raxmaan Maxamed Yuusuf (Wajaale) 37. Xasan Aadan Geele Ciise (shiniile) 38. Aadan Muuse Muxumad (Degmada erer) 39. C /laahi Xassan Ciise (deg/ereer ) 40. Adan Macalin Maaday (Deg/ moyale) 41. Cabdi Cadow Calasoow (G/ liban ) 42. Axmed Caraleh Cusmaan 43. Cusmaan Maxamed Xussen 44. Xussen Adan (Goday) 45. Amiin Garaad (Goday) 46. C/lahi Maxamuud maxamed 47. Yuusuf Sh/Ibrahim 48. Daa'ud Ibrahim (Oromo Gindhir) Magac yadaani ayaa laga soo xaqiijiyay qaar ka tirsan ehelada dadkaasi ku geeriyooday jeel ******* majiraan ilaa iyo iminka wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka ONLF maadama looga bartay in ay ka hadlan inta badan xuquuqda shacbiga kasoo jeedo dhulka ********iya waloow wararka qaar ay sheegayan tiro intaa kabadan ay ku geeriyooden jeelka oo aan magacyadooda laga lahaynin. Ugu danbeyntii helida magacyadaasi ayaa inoo suura galiyay qaar ka tirsan wariyayaasha ka howl-gala webseedka ******todey .
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta qalab caafimaad oo ay Dowladu soo iibsatay looguna talagalay Cisbitalka Martiina gudoonsiiyay Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya. Munaasadii lagu wareejinayay Dawadaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibano iyo Mas’uuliyiin kale. Madaxweyne Sh. Shariif oo halkaasi hadalo qiimo leh ka soo jeediyay ayaa tilmamay in Dowladu ay u howlgeleeyso sidii loo hurumarin lahaa adeegyada Caafimaadka, Dawadana ay Dowladu soo iibsatay, iyadoo ay ku jiraan qalab caafimaad. R/wasaare Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay ahmiyada ay bulshada u leegahay horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay Dowladu wax ka qaban doonto Xarumaha Caafimaadka ee ka howlgala Muqdisho, si bulshadu ay u hesho adeegyo caafimaad oo dhameystiran. Wasiirka wasaarada caafimaadka oo halkaasi ka hadlay kadib markii lagu wareejiyay Dawada iyo qalabka caafimaad oo ay soo iibsatay Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in Wasaardiisu ay ka soo dhalaali doonto howlaha caafimaad ee loo igmaday. Cisbitalka Martiini oo ka mid ahaa Cisbitaalada ugu da’ada weyn magaalada Muqdisho ayaa Dowlada KMG ah ku guuleeysatay in ay dib u dayactir wanaagsan ku sameeyso si dib logu soo nooleeyo adeeyadii caafimaad ee uu bulshada u qabanjiray.
  17. Horjoogihii koodii burburtay ee Xisbulislaam Xasan Daahir Aways oo shalay ka hadlay Masjid ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa afkiisa ku qiray in uu macsi ku jiray ka hor intii aanu isku dhiibin kooxda Alshabaab , Xasan Daahir Aways ayaa waxaa uu macsidaasi ku tilmaamay in ay ahayd ka maqnaashihiisii uu ka maqnaa safka Shabaab laakiin sooma aanu hadal qaadin dagaalada uu ku daadanayo dhiiga dadka Muslimiinta ah, kuwaas oo sababta ugu badan dagaalkii socday labadii sano ee danbe oo mas’uuliyadooda uu lahaa maadaama Xasan Daahir uu ahaa ninkii ku dhawaaqay dagaalkaasi, Xasan Daahir ayaa waydiiyay dadkii dhagaysanayay hadalkiisa waxaa loo haysto mar haddii sida uu yiri uu kasoo laabtay macsidii uu ku jiray kuna milmay Shabaab taas oo muujinaysa in uu naftiisa uga maara la,yahay kooxda ku fikirka ah horjooge Amed Cabdi Godone qaba in aan la soo dhawaysan Xasan Daahir Aways ilaa maxkamad la saaro isaga iyo raggii u olaoleeyay dagaaladii ay Xisbigu la galeen Alshabaab, Hadalka Xasan Daahir ayaa imaanaya saacado kadib markii fariin uu soo diray uu ugu caga jugleeyay rag uu sheegay in ay ku soo biireen safka kooxdiisa isla markaana leh ujeedooyin ka duwan kuwiisa taas oo u muuqatay in ay ku socotay Xasan Daahir iyo raggii soo dhaweeyay oo fikir ahaan ay kala tageen horjoogaha Shabaabka Axmed Cabdi Godane Xasan Daahir iyo kooxdiisii ayaa dhawaan isku dhiibay Shabaab kadib sanado ay ku hayeen dilal qorshaysan iyo weeraro toos ah oo ay kaga saareen inta badan dhulkii uu Xisbiga ka talinayay ugu danbayntiina ku qasbeen in ay isku dhiibaan taas oo soo gabangabaysay mustaqbalkii siyaasadeed ee Xasan Daahir oo muddo dheer ku soo jiray halgan hubaysan.