oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Sawirada dhalinyaradda cusub ee ku biiray dowladda: http://radiomuqdisho.net/news/wararka/3077-shabaab-isu-soo-dhiibay-dowladda.html
  2. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;686578 wrote: Minii la yaabo... beenta maha bro
  3. looool yaaqay 2011 aan joogna aduunka waa horumaray ee heshiiyo oo horumar aan gaarno, danta shacabka halaga shaqeeyo.
  4. abu mansuur,xassan daahir,godane sow maha kuwa Jihaadka ku baaqaya maalin ii habeen maxaa igaartooda ka maqneeysiiye fagaaraha Jihaadka? ciyaalkoodana dibeda ay jiraan, ciyaalka soomaliyeed oo kalena aakhiro ay uu diraayaan halaga fikiro oo isweydiiya.. Hal nin ayaa jiro oo qadiyad leh waa C/raxmaan Janaqow, dagaalkii baydhabo lagu weeraraye 2 wiil ayuu uu diray, 2007dii wiilashiisa mdi ka mid ah ayaa ku dhintay Xaafada Gubta asigo la dagaalamayo dowladdii c/llahi yusuf iyo ethiopianka.
  5. Nuxurka Warbixintaan oo ka dhigan mid shaqsi walba lagu cadeeyn doono faahfaahin la xiriirta halka ay qoyskiisa degan yihiin,magacyada Caruurtiisa iyo xaasaskooda,wuxuu nuxurkeedu yahay in bulshada Soomaaliyeed isweydiiso,DILAYAASHA IYO DEBSHIDAYAASHA DILA,DACDAREEYO,WAX WALBA U DIIDAY CARUURTA SOOMAALIYEED HALKEE DEJISTEEN,DEGAN YIHIIN CARUURTOODA,MA WAXAY DHIBKA IYO XANUUNKA LA QEYBSADAAN CARUURTA MISE DALAL NABADA AYEY KU DUMAASHADAYAAN,IYAGOO KA WARQABIN IN AABAYAASHOOD AY DAADINAYAAN DHIIGA BERRIMAGEYDO SOOMAALIYEED. Jawaabta waxaa laga sugayaa wadaniga iyo waxgaradka Soomaaliyeed. LIISKA QAAR KA MID AH HORJOOGAYAASHA XASUUQA BA'AN KA WADO GUDAHA SOMALIA EE ILMAHOODA DHOOFSADAY-KUNA HOOWLGALA MASKAXDA AL-QAEDA. 1- Xasan Daahir Aweys –Cairo, Egypt & Asmara Ereteria. 2- Yuusuf Siyaad Indha Cadde, – Uganda, Kampala 3- Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, — Sudan & Ethiopia 4- Axmad Cabdi Godane, —Sharjah,United Arab Emirates 5- Cabduqadir Cali Cumar, — Egypt & Turkey 6- Sheekh Xuseen Cali Fiidoow, — Egypt, Sweden, UK 7- Ibraahim Xaaji Jamac Miicaad Afqaani, — Egypt & USA 8- Cabdullahi Ahmed Yusuf, — Finland & UK 9- Sheikh Abuukar Cali, — , Finland helsink 10- Sheekh Abdirahman Xassan Xussein – Yurub & Qadar 11- Mohamed Said Atom – Denmark. 12- Fuad Mohamed Khalaf -Cairo, Egypty- 13-Yaasiin Beynax- Stockholm-Sweden 14- Maxamed Saciid Garyare-Stockholm Sweden 15- Cabdi risaaq Cilmi Xaayoow- Cairo,Egypty 16- Xasan Mahdi- Cairo Egypty 20 sano kadib malaha shacabka Soomaaliyeed isma su'aalin ,kumana fikirayaan waxa qasab ka dhigay inay taageeraan shaqsiyaad Caruurtooda dal nabada geystay ama ay ku nool yihiin ama iyaga laftooda wato baasabooro ajnabi. Sidee ku yeeshay inuu Caruurtaada dilo,kuwiisana dal nabada ku raaxeeystaan. U kac cadaalada iyo dareenka wanaagsan,kuna dhiiro inaad shaqsiyaadkaan waydiisid waxa u diiday inay Caruurtooda dhibka la wadaagaan malaayiinta ku dayacan gudaha Somalia ee ay ku dul dagaalamayaan.
  6. Tiro caruur ah ayaa haraad ugu geeiyooday tuulooyin hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, xilli dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha gobolkaasi ku dhuftay ay sii xoogeysanayaan . Illaa iyo 10-caruur ah ayaa haraad dartii ugu geeiyooday 24-saac ee la soo dhaafay tuulooyin hoos yimaada Hobyo. Odayaasha dhaqanka Hobyo ayaa ganacsatada ugu baaqay in dadkaasi gacan u soo fadiyaan. Waxa ay xuseen in ay ku adag tahay in dadka tuulooyinka biyo la gaarsiin karin wadooyinka oo bacaad ah ayna haysan gawaari u saamaxaya arintaas . Gobolada dhexe ayaan helin wax roob ah muddo laba xili ah, iyadoo xoolo badan ay ku quur baxeen tuulooyinkaasi . Waxaa xusid mudan in abaarta haatan ku dhufatay gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya ay yihiin kuwii ugu darnaa ee soo mara goboladaas
  7. lol these weaopon will not be able to stop the piracy in somalia.....
  8. Maleeshiyada Al shabaab ayaa oday geelleey ahaa ku toogtay Diif oo ka tirsan J/Hoose. Marxuumka ayaa ka biya diiday dalabka maleeshiyada oo ku aadanaa in uu bixiyo saamiga Sakada Geelka oo uu sheegay in uusan gaarin tiradii laga bixin lahaa, maadaama uu Geelku reera badan ka dhaxeeyo oo uusan hal ruux lahayn. Maxamed Maxamuud oo 60 sana jir ah waxa uu heystaa dhalashada dalka Kenya waxa uuna degganaa degmada Ijaadha ee ka tirsan gobolka woqooyi bari, waxa uuna Geeliisa ula hayaamay dhanka Soomaaliya, kadib abaara ku dhuftay gobolka. Xoolaleeyda la daalaa dhaceysa abaaraha ayaa waxa ay jaraan fogaanno dhaadheer oo xuduuda labada dhinac ka jira, balse maleeshiyaadka shabaab ee ka arrimiya gobollada koofureed ayaa dhac u geysta, xoolaha ka badbaada abaaraha, iyaga oo ku sugaya ceelasha biyaha xilliyada ay u soo arooraan. Dhanka kale waxaa jira reer guuraa fara badan oo u soo gudbay dhanka xuduuda Soomaaliya iyagoo biyo iyo daaq u raadinaya xoolahooda balse la waayay meel ay cirib jaan dhigeen, waxaana la aaminsanyahay in ay dileen , xoolahoodana la wareegeen maleeshiyada shabaab oo dhaqaale uruurin xooggan ka wada deegaanka. Hooyo Sacdiyo Cali Iidle oo ka mid ah reer baadiyaha ka agdhow xeryaha dhadhaab ayaa sheegtay in ay weysay ninkeedii oo xoolihii reerka ula roob raaciyay dhanka Soomaaliya, mana jirto wax war ah oo laga helay mudo ka badan 4bilood. Kadbib kala qeybsanaantii soo kala dhax gashay kooxda Al shabaab ayaa waxa ay sababtay in ay kooxdii uu hogaaminayay Godane oo ay sida tooska ugu soo dhacdo qarashaadka ay Al qaacida u soo dirto Al shabaab ay iskood ugu takri faleen, halka kooxda kale ee uu hogaamiyo Rooboow ay ka badi waayeen in ay dhac iyo boob u geystaan dadka reer miyiga ah oo ay horayba u saameysay abaarta xilligaan ka jirta wadamada Geeska Afrika
  9. Kadib markii Xarakada Al Shabaab ay shalay xir xirtay odayaal iyo ganacsato caan ka ah magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka hadlay odayasha iyo wax-garadka kasoo jeedda magaaladda Ceelbuur. Dhawr ka tirsan odayaasha deegaanka ee magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo warbaahinta la-hadlaayay ayaa shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay shalay ku kacday fal laga yaq-yaqsado. Odayaasha ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay odayaal iyo ganacsato ku karbaashtay magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, isla-markaana waxay foodda u gelsheen bay yiraahdeen xabsi ku yaalla magaaladda. Odayaasha ayaa sheegay inaanan horey loo-arag in wiil dhalinyaro ah oo karbaash la-dhacaaya oday waayeel ah, taasoo ay ku tilmaameen dhanka ka baxsan dhaqanka Soomaalida iyo Diintayna Suuban ee Islaamka. Waxay odayaashu ku goodiyeen haddii Xarakada Al Shabaab ay ka waantoobi weydo dhacdooyinka foolxumada badan ay ku hayaan odayaasha iyo wax-garadka magaaladda Ceelbuur, inay ku dhawaaqi doonaan kacdoon shacab oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab. Odayaasha ayaa ku hanjabay haddii ay Xarakada Al Shabaab dhaqan wanaagsan ay la-imaan weydo, inay iyana ay la-imaan doonaan dhaqanada Shabaab oo kale, isla-markaana ay xoog Shabaab uga saari doonaan deegaanada uu ka kooban yahay Ceelbuur. Hadalkaan kasoo yeeray odayaasha magaaladda Ceelbuur ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli Xarakada Al Shabaab ay shalay karbaash iyo jirdil kula dhaqaaqday odayaal iyo ganacsato caan ka ah magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
  10. dadka deegaanka ayaa lagu sheegay koley waa Axmed madoobe dadkiisa,,,,,,,,,,,,,,
  11. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaallo habeen hore ka dhacay deegaanka Kaam jaruun ee galbeedka magaalada Kismaayo kaas oo u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Shabaab iyo kuwo deegaanka oo ka dhiidhiyay dhibaatada ay maleeshiyaadka Shabaab ku hayaan dadka deegaanka. Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in xoogiisu uu dhacay habeen hore iyo shalay, waxaana uu dagaalku bilowday kadib markii maleeshiyaadka deegaanka oo is abaabulay ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen deegaanka Kam jaruun oo galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi ku geeriyooday tiro Maleeshiyaad ah oo ka tirsan Shabaab, halka dhaawac aad u farabadana ay soo gaarsiiyeen Cisbitalka weyn ee magaalada Kismaayo, iyadoo xiligaasi ay Cisbitalka ka kala ceyriyeen dadkii halkaasi ku sugnaa si aaneey u arkin dhaawaca ay wadaan. Warka ayaa intaa ku daraya in Maleeshiyaadka Shabaab halkaasi lagaga gubay gaadiid dagaal oo farabadan, iyadoo maleeshiyaadka deegaanku ay la wareegeen gacan ku heynta goobtii dagaalku ka dhacay. Warar kale ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay gelinkii danbe ee shalay weerar ku qaadeen deegaankii lagala wareegay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mar kale lagu soo jebiyay waxeyna ku soo laabteen Kismaayo. Horjooge lagu magacaabo Xasan Yacquub ayaa la sheegay in dagaalkaasi uu hogaaminayay, kaas oo lagu xasuusto dhibaatooyin farabadan oo uu u geystay dadka deegaanka iyo faagida qubuuraha ay ku aasnaayeen Mashaa’iiqdii caanka ka aheyd dalkeena Soomaaliya.
  12. Xaaji Xunjuf;685912 wrote: Amin amir caadi mahan
  13. Sh Maxamed Idiriis oo kamid ah Culumada ugu tunka weyn ururka Al-ictisaam, kana soo noqday madaxa ugu sareeya, ayaa haantan la soo baxay aragtiyo ka duwan kuwii horay loogu yaqaanay, walow uusan isaga gaar la ahayn aragtiyahaas oo ay ku weheliyaan dhamaan odayaashii ururkii la oran jiray Al-itixaad haatanna dadku u yaqaanaan Ictisaam. Halkaan ka dhageeysta iyado cod ah: http://www.miisaanka.com/article.php?articleid=2997
  14. Ismahaan;685721 wrote: Tiir dhaxaadku waa diinta Alle in aay Soomaalidu bartaan iyo cilmiga kalaba oo jaahilnimada ka baxaan. Markaay jaahliga ka baxaan baay fahmi karaan qiimaha dalkoodu leeyahay iyo farqiga u dhexeeya Soomaalinimo, qaranimo, qabiil , iyo wadaninimo. Qofku waxuu fahmi karaa macnaha erayadaas kor ku xusan markuu yahay qof wax garad ah, dalkiisu qiima la leeyahay, wadani ah, oo aqoon iyo karti leh. Soomaalida hadii la oran lahaa kuligiin Soomaaliya ka soo taga oo kamp qaxooti oo wadan kale ku yaal soo gala waay yeeli lahaayeen, waayo dalkooduba qiimo uguma fadhiyo marka see lagu midaaynayaa? Waa Bilaahi taawfiiq. hade wadaadadii ayaaba dadka gaaleysiinaye oo gowracaayo.
  15. dee in la so celsho midnimadi waaye oo cuqdadaha la baaba'sho oo la heshiiyo sidaas baa horumar lagi gari karaaya.
  16. dee malaha heshiis waxey ku yihiin iney konfurta la qaso waayo somaliland qiil bey heystaan sababta ay uu go'ayaan,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
  17. laakin Xaaji wanaag kama shaqeeyneysid dadkaba isku direysaa.......
  18. Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galg-uduud ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen saakay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo u hogaaminayo waaliga wilaayada Galgaduud Shiikh Yuusuf ciise kaba kudukade , kadib marki shalay lagu kufsaday haweeneey xaas aheyd. Haweeneyda la kufsaday ayaa sida la sheegay waxaa qabay nin caan ka ahaa degmada Ceelbuur waxaana falkaasi u geystay sadex nin inkastoo ay jiraan warar sheegaya in raga ay ahaayeen 5 ruux. Warar aanan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ragga kufsiga geystay ay ku jiraan dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab. Dhaqaatiir iyo Haweeneydaan waxaa galmoodkeeda xaqiijiyey dhaqaatiir iyo haween diiday in la magacaabo, hase ahaatee baaritaano ku sameeyay haweeneyda. Wararka ayaa intaa ku daraya in saraakiil ka tirsan Shabaab ay gaareen degmada Ceelbuur, si ay wax uga qabtaan arrintan xiisada dhalisay ee kufsiga haweeneyda xaaska aheyd loo geystay. Saraakiil uu ka mid yahay gudoomiyaha Gobolka Galguduud Shiikh Yuusuf Kabakutukade ayaa saakay gaaray halkaasi iyaga oo su,aalo weydiinaya laba ka mid ah raga loo heysto danbigaasi kufsiga ah. Dad badan ayaa sheegaya in Xaaska la kufsaday ay tahay Xaaskii Yuusuf kaba ku dukade taasoo aan weli la shaacinin balse aanu idiinku soo gudbin doono wararkeena hadii ay ******wdo.
  19. Cirkoo gaaxday roobkiyo Seymahii ku rarnaa Rabbi nooga shubayoo Rabtii ay Warsheekh aheyd Ku rusheeyay reedaha Oo ay rogaal celin kolba sida ruuqaansiga Riinkiyo gufaacada Ka ridaaya dhinacyada Sida loogu reeyaan Haboon kuu Riyaaqayoo Naftaad Raalli Galisee Intaan dul joogo Raas adduun Haboon Ma rabo Ruux kalee Haween ka rooneey Soo ruclee Adaa Rasmigii Ruuxii ahee Dhulkoo reys qaboobiyo Reexaan udgoonloo Dhirtu rucub Magooliyo Ramaaska iyo doogii Rasmi uu usoo baxay Oo Ramaadka Geeliyo Ri'yihii iyo lo'doo dhalay Rugtii Wabiga Jowhar Reedaha ay daaqaan Sida loogu reeyaan Haboon kuu riyaaqayoo Naftaad Raalli galisee Sida loogu reeyaan Haboon kuu riyaaqayoo Adaa ii Rafiiqeee Intaan dul joogo Raas adduun Haboon Ma rabo Ruux kalee Faceed ka rooneey Soo ruclee Adaa Rasmigii Ruuxii ahee
  20. dee adeerkey cumar c/rashiid ayuu ka hadlaye wuuna hadaafe amaa wax kale ii heeysa
  21. xaaji walaalaha ha kala fogeyn dee, puntland waxey hoos timaada dowladda federalka soomaliyeed waana walaalaheyna marka dagaal marnaba inama dhex mari doono.