oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Maamulka ururka Al-Shabaab ee ka taliya degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sii kordhinaya awaamiirta iyo cadaadiska uu ku hayo degmadaasi degan tan iyo markii halkaasi uu kala wareegay ururkii burburay ee Xisbul Islaam, isla markaasina la wareegay dhammaanba goobihii waxbarashada iyo masaajida degmada Jalalaqsi, iyadoo xukunada ay ku dabaqayaan Shareecada Islaamka ay sheegeen dadka degaanka inaysan marnaba wax raad ah ku lahayn diinta Islaamka, hase yeeshee tallaabooyinkaasi ayay sheegeen dadka Jalalaqsi inay yihiin xukuno keli talisnimo ah. Dhacdooyinka ugu waaweyn ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ka sameeyeen degmada Jalalaqsi waxaa ka mid ah xukun ay ku fuliyeen nin lagu magacaabo Cabdi Nuur Duqow oo caan ka ah degmadaasi, kaddib markii uu calooshiisa mugeed ka cunay digsi saarnaa dab oo uu lahaa nin beeraley ah oo ay saaxibo ahaayeen. Horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee degmada Jalalaqsi oo dadka degmada ay u yaqaanaan "Hira" ayaa ninkaasi ku xukumay 40-Karbaash iyo in laga masaafuriyo magaalada, bacdamaa cambuulada uu ku cunay si xatooyo ah, hase yeeshee dadka degaanka ayaa xukunkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid ka baxsan shareecada Islaamka, bacdamaa ninka aanu xadin digsiga iyo cuntadii ku jirtay balse uu ka cunay calooshiisa mugeed. Dhibane Cabdi Nuur Duqow oo inta aan lagu fulin xukunka lagu soo wareejiyay suuqa ugu weyn degmada Jalalaqsi, waxaana arrintaasi cambaareeyay waxgaradka, culumaa'udiinka iyo dadka degmada Jalalaqsi, iyadoo wararka naga soo gaaraya qaar ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Hiiraan ay sheegayaan inay dadka reer miyiga ah ay bilaabeen kacdoon ka dhan ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Duleedka degmada Jalalaqsi oo ah dhul buuraley ah ayaa la sheegayaa inay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ururka Al-Shabaab, waxaana halkaasi oo ay isku urursadeen rag xoolo dhaqato ah isla markaasina aad u hubeysan, kuwaasi oo iyagu ka horjeeda gebi ahaanba maamulka ururka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.
-
Saraakiil iyo ciidamo badan oo ka tirsan kooxdii laga itaal roonaaday ee Sheekh Maxamed Saciid “Atam” ayaa waxay maanta isu soo dhiibeen maamul goboleedka Puntland, oo kula jiray dagaalo xoogan. Qaar ka tirsan saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kooxda Sheekh Maxamed Saciid “Atam” ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii loogu baaqay in’ay isa soo dhiibaan. Dhamaan dadkaan oo uu horey dil toogasho ah ugu xukumay maamulka Puntland ayaa wuxuu sheegay in cidii isa soo dhiibtaa ay u fidin doonaan cafis, isla-markaana dhamaan dadkani ayaa waxaa loo-fidiyay cafis. Afhayeen u hadlay maamulka Puntland oo ku sugan magaalo xeebeedka ee Boosaaso ee gobolka Bari ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan dadkani la-cafiyay, sida uu horeyba u sheegay buu yiri maamulka Puntland, oo horey u balan qaaday, in ruux kasta oo isa soo dhiibtaa ay u fidin doonaan cafis. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dadkani dhamaantood la-siin doono goobo ay ugu talla gashay maamul goboleedka ee Puntland, isla-markaana saacadaha soo socda ayaa waxaa la-filaayaa in dadkani la-hor keeni doono bahda saxaafadda. Waa markii ugu horeysay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kooxda Sheekh Maxamed Saciid “Atam” ay si toos ah iskugu soo dhiibaan maamulka uu madaxweynaha ka yahay C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” Saciid Ibraahim Boosaaso, Bari Dhacdo.com
-
ujeedada aad documnetary-gan ka leedahay xey tahay
-
Somali secessionists talking points [South Sudan an all]
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
As if the reer Waaqoye of Somalia are the Dinka and Shuluk and the Konfurians are the opressive Arab North LOL! -
Omar Hashi( ilaahay ha uu Naxariisto) Taariikh Nololeedkii Marxuum Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ahaa Wasiirkii Amniga Qaranka Soomaaliyeed 1942, ayuu ku dhashay Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan 1947, wyxyy waxvarasguuduu Barashada Diinta Islaamka ku qaatay isla degmadaasi B/weyne 1949, wuxuu tacliintii Dugsiga Hoose ee Talyaaniga ku soo qaatay Degmada B/weyne 1960-68-kii, wuxu ku biiray ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ka soo kala shaqeeyey, Degmooyinka: Waajid iyo Xudur, xilligaasoo uu ka mid ahaa ciidamada Daraawiishta, wuxuuna ka qeyb galay dagaalkii 1964-tii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo helay Derejeda Sarkaal Xigeen, isla markaana wuxuu sii watay tacliintiisii illaa Dugsiga Sare. 1969-kii, wuxuu ku wareegay ciidankii Xogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna tababaro maamulka lacagta ah ku soo qaatay dalka Talyaaniga. 1970-75-kii, wuxuu ka baxay maamulka lacagta qeybta 26-naad oo uu ku gaaray Derejada Xiddigle. 1976-80-kii, wuxu ahaa madaxa maamulka lacagta Qeybta 26-naad oo uu ku gaaray Derejada DHAMME. 1980-81-kii, wuxuu ka soo sahqeeyey Hay’adda nabadgalyada GAashaandhiga (HANGASH). 1981-84-kii, wuxuu ahaa Guddoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari. 1984-86-kii, wuxuu noqday Guddoomiyaha Degmada B/weyne ee Gobolka Hiiraan. 1986-88-kii, waxaa loo magacaabay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, wuxuuna qaatay Derejeda Gaashaanle sare. 1988-89-kii, wuxuu noqday guddoomiyaha gobolka Jubbadda dhexe. 1989-91-kii, wuxu ahaa Guddoomiyaha gobolka Bari ee Bosaaso. 1991-kii, markii ay burburtay dowladdii jirtay wuxu isku howlay nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa guddoomiyihii shirweynihii beelaha ****** ee ka dhacay Hotelka Guuleed, isla sanadkaa wuxuu noqday shir guddoonkii. Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ee lagu qabtay Dalka Jabuuti, kaasoo lagu soo dhisay dowlad Qaran oo uu madaxweyne ka ahaa mudane Cali Mahdi Maxamed. 1991-2009, wuxuu xildhibaano ka soo kala noqday dowladdii TNG oo uu ka soo ahaa Wasiirka lacagta, TFG iyo tan Midnimada Qaran oo uu ahaa Asiirkii Amniga Qaranka ee dhexa u xirtay sidii uu dalka ugu soo celin lahaa xasilooni iyo kala dambeyn.
-
What Do You Know About Puntland Financial Capital?
oba hiloowlow replied to Abdirazak_PTL's topic in Politics
Somalina;686994 wrote: LOL! iska daa, Garacad ayaa laga heesooyaa! lol nina Garacad faraha ka qaad thats my ayeeyo's hometown -
qaraara ku heyso,,,,, Shacabka Soomaliyeed waa ay fahmen xaalada dhabta inshallah kheyrka ma dheero.
-
Dagaalo xoogan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in saacadaha soo socday ay ka qarxaan magaaladda Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe, kaasoo u dhaxeeya Xarakada Al Shabaab iyo dadka deegaanka. Xarakada Al Shabaab iyo ganacsatada reer Bu’aale ayaa qalinka ku duugay in ganacsatada ay jari karaan dhirta laga sameeyo dhuxusha, taasoo ka dambeysay in’ay ka caroodaan dadka deegaanka, isla-markaana waxay dibada ula soo baxeyn hub fara-badan oo u qarsoonaa. Dadka deegaanka ayaa hubka cul culus dibada ula soo baxay, waxaana magaaladda Bu’aale lagu arkaayaa kooxo ka madax banaan Xarakada Al Shabaab oo hubeysan, isla-markaana waxaa laga cabsi qabaa, in uu halkaasi ka qarxo dagaalo u dhaxeeya kooxdaasi iyo Xarakada Al Shabaab. Maamulka Xarakada Al Shabaab ee magaaladda Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe ayaa waxay kullan deg deg ah, ay la-yeesheen odayaasha deegaanka, oo ay uga hadlayaan xiisadda kusoo korortay magaaladda Bu’aale, hase ahaatee kullankaasi kuma uusan soo idlaan sidii ay dooneysay Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale dhalinyarada iyo odayaasha deegaanka ee magaaladda Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe ayaa waxaa maanta magaaladda si weyn loogu arkaayaa, iyagoo ku hubeysan noocyada kala duwan ee hubka, isla-markaana waxay wacad ku mareen cidii jartaa dhirta magaaladda Bu’aale in’ay rasaas la-dhici doonaan. Si kastaba ha-ahaatee xiisad aad u kacsan ayaa waxay maanta ka taagan magaaladda Bu’aale, isla-markaana dadka deegaanka ayaa waxay qabaan dareen cabsiyadeed oo ku aadan, in dagaalo xoogan ay ka qarxaan magaaladda Bu’aale, kaasoo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo maamulka Xarakada Al Shabaab ee magaaladda Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe. http://www.dhacdo.com/news.php?readmore=3581
-
What Do You Know About Puntland Financial Capital?
oba hiloowlow replied to Abdirazak_PTL's topic in Politics
Moonlight wax la inkiri karo ma aha, bosaso wa xarunta ganacsiga ee somali Lol isn't Muqdisho xarunta Ganacsiga ee Soomalia ( Suuqa Bakaaro/Xamarweyne) -
Muqdisho – Jannaayo 11, 2011) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa in ka badan 20meeyo carruur iyo dhallinyaro ah dib ugu celisay qoysaskooda iyo bulshadaba kaddib markii ay ka soo baxsadeen kooxda al-Shabab oo qasab ah ku askareysay. Qaar ka mid ah dhallinyarada ayaa magangelyo iyo deegaanba ka helay guri ay siisay Xukuumaddu. Xukuumadda ayaa tallaabadan qaadday iyadoo ay sii kordhayaan tirada dhallinyarada ka soo baxsaneysa kooxda dowladnimo-diidka ah ee Al-Shabaab. Dhallinyarada ayaa la kulmay mas’uuliyiinta Xukuumadda, iyagoo loo ballanqaaday in Xukuumaddu cafis u fidineyso qofk kasta oo faraha kala baxa dagaallada, isla markaana doonaya inuu dalka ugu noolaado isagoo muwaadin nabadda jecel. Dhallinyaradan iyo carruurta waxay la soo kulmeen dhibaatooyin badan oo da’dooda ka weyn. Iyagoo u warramayay Raadiyo Muqdisho, waxay ka sheekeeyeen wixii ay u soo joogeen. “Wax xiriir ah lamaynaan lahayn qoysaskeena intii aan ka tirsaneyn Al-Shabaab. Waxaan nalagu qasbay inaan sameyno ama goobjoog u ahaano falal arxan-darro ah oo mararka qaarkood ka dhan ah dad ka tirsan qoysaskeena.” Waxaa si xowli ah u sii kordhaya tirada waalidinta la’ carruurtooda meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Xukuumaddu waxay si qoysaskaas kala shaqeyn doontaa sidii ay dib ugu heli lahaayeen carruurtoodii laga kaxaystay. Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isagaarsiinta, Mudane C/kariim Xasan Jaamac ayaa yiri:“Xukuumaddu way soo dhoweyneysaa dhallinyarada, waxayna ka caawin doonta sidii ay nolol caadi ah dib ugu billabi lahaayeen. “Waxaan weydiisaneynaa beesha caalamku inay gacan nagu siiyaan sidii carruurta iyo dhallinyarada looga badbaadin lahaa in laga dhigo xag-jir, iyadoo la siinayo fursado dhaqaale iyo kuwo waxbarasho iyo barnaamijyo wacyigelin ah.” Haatan Raadiyo Muqdisho waxaa ka baxa barnaamijyo loogu talogalay in lagu wacyi-geliyo dhallinyarada ay kooxda Al-Shabaab marin-habaabisay. Maleeshiyada Al-Shabaab waxay inta badan askar ahaan u qortaan carruurta maadaama carruurta si sahlan maskaxda looga qabsan karo, iyadoo carruurtu la socon khataraha jira iyo waxa xun iyo waxa fiican. Marka ay dambi galaan waxay ku qasbanaadaan inay ku tiirsanaadaan kooxdii askareysay iyagoon baxsan karin, ugu dambeyntana khatar ku ah naftooda iyo bulshada.
-
haa hadda dadka shabaabka taageersan aad ay uu yaryihiin.
-
Universal TV: Singing Wedding Songs in a Funeral
oba hiloowlow replied to Abtigiis's topic in Politics
Universal ma awal aheyd Idaacad daneyneyso shacabka, all they care about is the money they earn. Im sorry to say that but its true -
Diirad Website: Godane oo dhawacmay iyo darawalkiisa oo dhintay
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
polanyi waa iga fowdo ii fahan lol xunjuf baan sugaayay inuu wax yiraahdo -
Lol dee adigo ka hadlaaya ma aanan arag hee, dowladda ayaa doneysa isha ina ka ridid we all know that.
-
13 alshabaab oo ku biiray dowladda within 2days very good.
-
Dowlada KMG ah ayaa maanta soo bandhigtay Dhalinyaro ka tirsanaa Shabaab oo isa soo dhiibay. Dhalinyaradan isu soo dhiibtay gacanta dowladda KMG Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso ilaa iyo lix ruux islamarkaana ay maanta soo bandhigtay ha’adda Nabad Sugida Qaranka ayaa ah kuwa haatan ku faraxsan sida diiran ee loo soo dhaweeyey, waxaana ay dhamaantood hoosta ka xariiqeen in ay ka go’antahay la shaqeynta ciidamad Qaranka Soomaaliyeed. Afhayeenka Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka korneel Ibraahim Cumar Aadan oo goobta lagu soo badhigay 6-daasi dhalinyarada ah ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ay dhalinyaradasi uga soo tageen kooxihii ay markii hore ka tirsanaayeen, iyo sida ugu suurta gashay in ay dowlada isu soo dhiibaan. Korneel Abuukar Cumar Aadan waxa uu xusay in dhalinyaradaani ay ka soo carareen dhibaatada lagu hayey iyo tan shacabka Soomaaliyeed loo geysanayo, isagoo intaa ku daray in ay u sameeyeen Saldhig lagu xareeyo dhalinyarada ka soo tagaya Maleeshiyaadka Shabaab. Sidoo kale qaar ka mid ah dhalinyaradasi isu soo dhiibtay gacanta dowladda Soomaaliya oo halkasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin ku soo biiritaanka dowladda, ayna ka go’atahay sidii dhalinyarada kale ee ay maleeshiyaadkasi qalden ay ugu soo biirin lahaayeen dhinaca dowladda. Waxa kaloo dhalinyaradaan ay tilmaameen in waxyaabaha ku kalifay in ay ka soo tagaan kooxdaasi ay ugu wacantahay kadib markii ay u dulqaadan waayeen dhibaatada joogtada ah ee ay kooxdasi ku hayaan umadda Soomaaliyeed. Mahad Max’ed C/llahi oo ahaa horjoogihii dhalinyaradaasi watay iyo Caadil Max’ed Sabdow oo isna ka mid ah dhalinyarada saakay isa soo dhiibtay ayaa waxa ay sheegeen in ajaanib u dhashay wadamada Kenya iyo Pakistan ay tababaro kala duwan siiyaan dhalinyarada ay Maleeshiyaadka Al-shabaab qaldayaan ayna doonayaan in ay ku sii huriyaan dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ay kooxdasi ka waddo Soomaaliya. Arintaan ayaa ku soo aadaysa xilli hay’adda Nabad Sugida Qaranka ay maalinkii shalay soo bandhigeen 7- dhalinyaro ah oo kooxdaasi kasoo tagay waxaana isa soo taraya maalinba maalinta ka dambeysa dhalinyarada iskood isu soo dhiibaya gacanta dowladda kadib markii ay arkeen dhibaatada ay kooxdasi ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. http://radiomuqdisho.net/news/wararka/3086-dowlada-oo-maalintii-2-aad-soo-bandhigtay-maleeshiyaad-isu-soo-dhiibay.html
-
Diirad Website: Godane oo dhawacmay iyo darawalkiisa oo dhintay
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
looooooool amiirkii dhamaa waaye -
bilan dee sheekada fahan nimankan Saracen iney hub iyo tababar siiyaan ciidamada soomalia ay diidan yihiin in la weerari doono ay uu maleeyhaayan because Al shabaab ay ka hadli lahaayen hadii kale the real devils.
-
Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sanadkaan cusub 2011-ka xaaladda magaalada Muqdisho oo uu sheegay in muddo 20-sano ah ay gashay xaalad colaadeed, burbur iyo horumar la'aan soo wajahday dadka degan magaalada Muqdisho, taasi oo uu sheegay Guddoomiye Tarsan in shacabka Muqdisho guryahooda laga barakiciyay isla markaasina ay xoog ku heystaan wax uu ugu yeeray kooxaha nabad-diidka ah. Waxa uu sheegay Guddoomiyaha G/Banaadir ee Dowladda KMG ah in shacabka degan Muqdisho laga hor istaagay wax kasta oo horumar ah, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo laga burburiyay, la banneystay in dhiigooda la banneysto la dilo, la dhaco, isla markaasina la cuna qabateeyo, wuxuuna Md. Tarsan sheegay in shacabka Muqdisho si kasta oo dhibaatooyin loogu geysto ay yihiin kuwo mideysan. "Sababta qalooyinka nabad-diidka ah awooda Muqdisho u keeneen waxa weeye inaysan degin" ayuu yiri Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in kooxaha kahorjeeda wax kasta oo xumaan ah ay ka dhigayaan inay diinta Islaamka waafaqsan tahay, hase yeeshee waxa uu meesha ka saaray in diinta Islaamka iyo ficilkoodu aad u kala fog yahay oo aan wax shaqo ah haba yaraatee ku lahayn Shareecada Islaamka. Guddoomiyaha G/banaadir mar uu ka hadlayay Muqdisho oo nabad noqota ayuu sheegay inay la mid tahay nabad ka dhacda guud ahaan dalka oo dhan, wuxuuna caddeeyay in shacabka Muqdisho aysan weli quluubtooda jebin, waxaana uu sheegay in kooxdii dooneysa shacabka inay hoggaamiso ay u soo bandhigto nidaamka ay ku maamuleyso, hase yeeshee ma aha ayuu yiri in qori caaradiis iyo in dadka la laayo lagu gaarayo mansab iyo hoggaaminta dadka iyo dalka. Dhinaca kale Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal degayay guushii ciyaartoyda gobolka Banaadir ay ka soo hooyeen tartanka ciyaaraha gobolada ee dhowaan ka dhacay magaalada Garowe, taasi oo uu sheegay Md. Tarsan inay xafladaasi horseed u tahay sida ay dadka gobolka shucuurtooda ugu muujinayaan guushaasi taariikhiga ah, wuxuuna u mahad celiyay dhammaanba intii asaaska u ahayd guusha u soo hoyatay G/Banaadir, wuxuuna Md. Tarsan si gaar ah ugu mahad celiyay http://www.soomaalidamaanta.com/index.php?option=com_content&view=article&id=18550:gudtarsan-qgeeridii-baydhaba-ka-dhacday-oo-kale-ayaa-dhici-doontaq&catid=1:wararka
-
Shir Jaraa'id oo Qeylo Dhaan ah oo ku aadan Abaaraha Xoogan ee ka Jira Dalka Somalia oo si wada jir ah ay u Qabteeyn Xildhibaan Mahamud Geeddi Owhiloowle iyo Siyaasiga Da'da yar ee Abdulle Hassan Nuuroow. "Qeylo Dhaan Culus" Halkaan ka Dhageeyso Waxaa wareysigaasi soo qaaday Abdifatah Muhudin Nor lajecloow50@hotmail.com http://www.somaliweyn.org/pages/news/Jan_11/11Jan16.html
-
Hogaamiyaha ururka Alshabab Axmed Godane iyo kolanyo gaadiida oo galbineysay ayaa xalay la'la beegsaday qarax miino dhulka lagu aasay, iyadoo qaraxaasina ayku dhinteen laba kamida ciidankiisa waxaana burbur uusoo gaaray gaarigii uu saarnaa Axmed Godane. Qaraxan miino oo aanan weli la cadeyn cida kadambeysay ayaa sidoo kale ilowareedyo ku dhowdhow Alshabab waxaa ay sheegayaan in uu sidoo kale halkaasi ku geeriyooday darawalkii qaaska ahaa ee hogaamiyaha Alshabab, halka dhanka kale uu dhaawac fudud soo gaaray Axmed Godane. Warkan oo aanan weli la shaacin iyadoo la dhowrayo midnimada ururka Alshabab ayaa waxaa horey u jirtay qilaaf u dhaxeeya maamulka sare ee Alshabab kuwaas oo laba garab u kala go'ay waxaana garabka uu hogaamiyo Abuu-Mansuur oo ayna kamid yihiin Cali Dheere iyo Fu'aad Shongale ayaa aad u dhaliishan ciidanka gaarka ah ee looyaqaan Xizbada oo uu sigaara u leeyahay Godane kuwaas oo ka wakiila qaarijinta shaqsiyaadka uu bartilmaadsado Godane. Hadaba Qaraxan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Marka, iyadoo kolanyadan aykusii jeedeen magaalada weyn ee Kismaayo halkaasi oo uu kulamo kula qaadan lahaa saraakiil kale oo sarsare oo ka mida ajaanibta usoo dagaal tagtay Soomaaliya. http://diirad.com/warka/2278-godane-oo-dhawacmay-iyo-darawakiisa-oo-dhintay.html
-
lool ma arkino xaaji
-
Popular Contributors