oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta faahfahin ka biixyay qorshe nalal iyo adeeg koronto oo buuxa looga hirgelinayo qaar ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan magaalada muqdisho taas oo qeybaheedii ugu horeeyay lagu guuleystay howshan dib loogu habaynaayo dhalalkii wadooyinka dhiniciisa ku yaalay ee ku burburay dowladii dhexe islamrkaana ay hormuud u yihiin maamulka gobolka Bandir iyo shirkado wadani ah ayaa iminka waxa ay ka soconaysaa wadada Maka Al mukarama laga soo bilaabo taaladii Daljirka daahsoon ilaa iyo wadada shaqaalaha halkaa oo si siman loogu dhiririyay baallooyin lagu xeray Nalal ifiya habeenkii wadada dhinaceeda qaybna ka qaadanaysa in isu socodka dadka xiliyada habeenkii mararka ay suuragal noqoto . Afhayeen maamulka gobolka Banaadir Max'ed C/laahi Cariig oo maanta isagoo ku sugan goobaha ay dhismooyinkaa ka socdaan la hadlay Radio mqudishu ayaa sheegay in maamulka uu howshan bilaabay islamrkaa muhiimadu ay tahay sidii dadka reer muqdisho ay waxoogaa raja ah u dareemi lahaayeen maadama ay xiliya badan raja xumo ku noolaayeen isagoo sheegaya in ay kala kaashadeen fulinta howshan shirkada korontada ee Soomaali Power oo ah shirkad Soomaaliyeed gacanna ku siisay maamulka dhinaca korontada, . laha kale ee adeegyada bulshada kuwaa oo ku buburay dagaaldii dalka ka socday mudad dheer . Eng Cabdi Axmed Taabad oo isaguna ah agaasimaha waaxda kororntada iyo biyaha maamulka gobolka Banaadir oo isna aan la hadlay Radio Muqidsho ayaa sheegya in howshan ay waqti kooban ku soo gabagabyn doonaan waxaana uu tilmaamay in hadi bulshadu ay isku duubanto ay sahlanaan karto dib u helida bilicdii Muqdisho. talaabadan uu maamulka gobolka dib u habaynta ugu samaynaayo wadooyinka Muqdisho gaar ahaan deegaanada ay maamusho dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa ay rajo galinaysaa dadka Muqdisho oo iyagu mudo 20 sano aaney la kulmin yididiilo muujinaayo dowladnimo.
  2. Waxaa maalmo kahor magaaladda Muqdisho soo gaaray saraakiil fara-badan oo ka tirsaneyd saraakiishii dowladdii kacaanka ee Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre” kuwaa oo kullan xasaasi ah la-yeeshay qaar ka tirsan madaxda sar sare ee dowladda. Kullankaan oo si-weyn loo-soo agaasimay, misana ilbaabadu u xirnaa ayaa waxaa yeeshay madaxweynaha dowladda Somaliya Shariif Sheekh Axmed, Wasiirka Gaanshaandiga ee dowladda Soomaaliya Cabdi Kariin Xaaji Maxamed Fiqi iyo 12 kamid ah saraakiishii sar sare ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Kullankaan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, sidii dalka looga saari lahaa Xarakada Al Shabaab oo ka talisa inta badan dalka Soomaaliya iyo sidii dalka dib u dhis loogu sameyn lahaa. Saraakiishii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ee madaxweyne Shariif la-kulantay ayaa waxaa hogaaminaayay sarkaal sare oo lagu magacaabo Janaraal Caare, isla-markaana waxay isla lafaha gureen in si deg deg ah dalka wax looga qabto. Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu saraakiishani u sheegay in dowladda ay gacanta ku heyso hub iyo ciidamo ku fillan, balse loo-baahan yahay saraakiil si weyn u haggi kareysa ciidamadda dowladda, kuwaa oo awoodi karaaya in’ay dalka ka saaraan maamulka Xarakada Al Shabaab. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in afhayeen u hadlay saraakiishani uu sheegay in’ay iyagu haggi doonaan ciidamadda dowladda, dhawaana ay bilaabi doonaan hawl-galaddii ay kula dagaalami lahaayeen Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay gacanta ku dhigi doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya. Si kastaba ha-ahataee kullankaan oo kullan culus ahaa ayaa waxaa la-filaayaa in’ay kasoo bixi doonaan talaabo ay dowladda ku qaadeyso dagaalo ka dhan maamulka Xarakada Al Shabaab oo diidan joogitaanka dowladda kmg ee Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom. http://www.dhacdo.com/news.php?readmore=3611
  3. lol bal intaas aan ku faataxeysano wabilahi towfiiq
  4. waraa abdi ha uu gefin hablaha soomaliyeed isdeji uuna fiirso hadaladaa!!!!
  5. Qodax hadii derisnimo aad daneyneysin wanaag ayaad ka shaqeyn lahayden laakin eedeymo joogta horumar lagu gaari maa
  6. Xaaji Xunjuf;687502 wrote: ^^ suaasha Waxad weydisa Admiral Maxammad cumar cismaan the onlf leader , Anigu Somalinimo waligay kama tanasulin laakin Somalinimo adigu wax kale baad u taqana , haa xurowdo uun thats the main goal and atleast they have a reason.
  7. Og'aden belongs to Somalia adigu hadaad soomalinimo ka tanaasultay ha uu maleyn walaalaheena soomali galbeed in ay taasi sameeyen.
  8. Ku Simaha R/wasaaraha Soomalaiya ahna wasiirka wasaaradda gaashaandhigga iyo R/Wasaare ku Xigeen Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Maanta Kormeer Howleed ku tagay Qeybo kamid ah aaggagga dagaalka ee ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Isagoo ku amaamnay Howsha adag ee ay u hayaan qaranka Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kormeeray aagagga dagaalka Degmooyinka Boondheere, C/casiis iyo Shangaani waxaana booqashada ku wehlinayay wasiiru Dowlaha gaashaandhigga Mudane Cabdi Maxamed Abtidoon iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. K/Simaha R/wasaaraha oo labisan dharka Ciidamada ayaa soo booqday dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda ee ku yaala degmooyinkaasi, waxa uuna la kulmay saraakiisha Ciidamada ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka. Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo wareysi siiyay Radio Muqdisho markii uu soo dhameeyay kormeerkiisa ayaa sheegay in ujeeddada kormeerkiisa ay ayahd sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda ay ku sugan yihiiin ciidamada islamarkaasna loo ogaan lahaa dhibaatooyinka ka hortaagan howlaha ay dalka uga difaacayaan maleeshiyaadka Kooxda Shabaab. k/simaha R/wasaaraha ayaa dhinaca kale tilmaamay in Xukuumadad soomaaliya ay bixisay Mushaaraadka Ciidamaada bishii hore ee December, isagoo tilmaamay inay Ciidamada siin doonaan bilaha soo socda waxa uuna ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda. Wasiirka Gaashaan dhigga ayaa sheegay in ajaanibta dalka ku soo duushay iyo Soomaalida la shaqeyneysaba dhawaan dalka laga sifeyn doono, isagoo ciidmada Qaranka ku boorriyay in ay howshaas oo waajibaadkooda ka mid ah fuliyaan. Hadalkiisa ayuu sii raaciyay in xukuumaddu aysan aqbali doonin in ajaanib dambiilayaal ah ay Shacabka dhibaateeyaan, Soomaaliduna ay garwaaqsan tahay in ay dib u hanato sharaftii ay ku lahayd caalamka.
  9. Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa hanjabaado kulul ugu hanjabtay Xarakada Al Shabaab, iyadoo sheegtay in’ay dhawaan ka xureen doonto guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan. Wasiirka Gaanshaandhiga ahna Raa’isal Wasaare ku xigeenka dowladda kmg ee Soomaaliya Cabdi Kariin Maxamed Xaaji Fiqi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu ku goodiyay in dalka Soomaaliya ay xoog kaga saari doonaan Xarakada Al Shabaab. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dagaalo qaraar oo ay la-gasho Xarakada Al Shabaab oo uu ugu yeeray cadow kusoo duulay dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay in uu xil ka saaran yahay, sidii ay cagta ku marin lahaayeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay taageero balaaran ka hesho kooxda tunka weyn ee Al Qaacida, isagoo intaasi ku daray in’ay yihiin cadow u soo heshiiyay dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu wacad ku maray in’ay dhulka la-jari doonaan. Sidoo kale Fiqi ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab iyo dagaal-yahanada shisheeye ee kaashaneyso buu yiri waxay dhibaato baahsan ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u diiday buu yiri in’ay nabad ku jooggaan guryahooda, taasina wuxuu ku tilmaamay wax ka fog bili’aadanimada. Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Gaanshaandhiga ahna Raa’isal Wasaare ku xigeenka dowladda kmg ee Soomaaliya Cabdi Kariin Maxamed Xaaji Fiqi ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli Xarakada Al Shabaab iyo dowladda Soomaaliya ay isku mindiyo soofeysanaayaan.
  10. Beryahan waxa sidii waraaqihii loo kala koobiyeeya maamul goboleedyo calamo badan, waxaana ka mid ah;- ANIGAA FIICANLAND, ANIGAA KAASII FIICANLAND, IGAMA FIICNID LAND, ANIGAA IDIIN WADA FIICAN LAND, CAR YAA IGA FIICANAADA LAND, MAXAAD U FIICAN TAHAY LAND, YAANBA LA FIICNAANIN LAND.....iyo wixii la mid ah. Su’aasha jawaabta mudanise waxay tahay qaabkani ma yahay mid aan uga bixi karayno qaliinka aan qudheenii ku sameeynay iyo qaxa iyo qaxarka aan qaranimadeenii ku qamaarnay…? Waxaan u badinayaa in qofka ugu doqonsanina igu raaci lahaa maya…..! Waxaa la yiraahdaa hadii doqonimo la qeexo waxaa uun lagu macneeyaa sameeynta ficil hal nooc ah oo lagu celceliyo maalin kasta si is bedel loo sameeyo…nin baa laga hayaa ´´Ninyohow shalayna waa ila arin diidaneeyd, xalayna waa ila orod yareeyd haatana waa ila aqoon yartahay´´. Inaan maqaalkan qoro waxaa igu dhaliyay maaha inaan kasoo horjeedo maamulada nabdoon ee hada jira ee ugu yaraan leh degel iyo dad ay maamulaan anigoo rajeeynaya inay nabadaas kusii caana maalaan ilaa iyo inta ay Soomaalida oo dhami saaxi ka noqonayso sida aanu AllE ka baryeeyno. Waxase ay sartu ka quruntey ayaa ah in uu qof kastaahi soo sameeysto boor uu magac ku qoran yahay iyo calan qabiil aan meelna ka talinin xilli timirti hore dab loo la’yahay, dooda furanina ay tahay sidee looga baxaa…? Aragtida aan sii fogeeyn ee ka dambeysa magacyada maamuladan afka ah ee u tarmaya sida jeermiska isla markaana inta badan uun ka dhisan afka warbaahinta Soomaalida oo iyadna inta badan gabtay doorkeedii ahaa inay jidka wanaagsan ee midnimada iyo wax wada qabsiga ugu baaqdo umadda Soomaaliyeed ee sumoowdey hadii ay wax uun wanaagsan sameeysana ku fasaqaysa ficilada xun ee ay ku biya raaciso ayaa waxay ka dhigan tahay hal ku dheg u dhadhamaya ´´Yaan laga bixin ee halagu boxo´´. La yaab malaha in uu dhoco dagaal mindhicireed ay sokeeyuhu is dubtaan oo wax wax loosoo joogey tan iyo markii dunida la unkay laakiin dadku dhibkooda cashar bay ka baran jireen marka anaga jab kama daala iyo dhibkeed jecel ah laga saaro. Waxaan dibneheeyga qaniinaa marka aan arko doorka liita ee kadare la yiraahdo ee ay cayaaraan dibad joogta Soomaalidu oo maanta ah daafadda riixaysa calamadan tirada badan, ugu horeeyn waxay dhaqan geliyeen wax lagu tibaaxo ´´Jaaliyado´´ Soomaaliyeed balse aan anigu u aqaano ´´Jabhado yaryar´´ waayo is waydii hadii Shiinaha oo 2 bilyan ihi hal jaalliyad leeyahay inaga imisaa noo furan..? Markii 2-aad si dadban iyo si toosanba waxay uga qayb qaataan hurinta colaadaha Soomaalida ka dhex oogan iyagoo iminkana ku lug leh siyaasad ku sheega afka iyo dabada iskaga xiran ee urku u bixi la’yahay ee kajirta dalkeenna. Markii laga soo gudbey ururadii wada sitey xarafka ´´S´´ ee Soomaaliya ka hana qaaday xiliyadii burburka kadib iyo inyar uun kahor waxaa la lahaa yaa mar uun nooga miciina. Nasiib wanaag way dhamaadeen waxaase bedeley magacyo Islaami ah oo mar gaarey ilaa 10 urur hadase soo yaraaday waloow wixii laga rajeeynayay laga banaan fariistay ilaa iyo iminka hadii aanay dhiba soo kordhin, laakiin waxaa dhabana hays leh inaanu hal jid uun iska hayno oo aan gudbi wayno jidkaasoo ah kan na qaribay ee qabyaaladda oo ah kan na aakhira seejinaya hadii aynaan ka noqon. Marka aan sidaaa leeyahay waxaan aaminsanahay in maamuladan magac u yaalka ah ee uu mid kastaahi sito xidigtii Soomaaliya oo si uun loo bahdiley iyadoo waxa la adeegsanayaa ay yihiin qabkii qabyaaladda waxa kasoo xasilayaa waa uun xarfihii ´´S´´ oo mar kale la rinjiyeeyey loona bedeley calaladii qabyaaladda..! Ugu dambeeyntii wax badana waan sheegay hadana waan ku celinayaa ´´wallee waan dabar go’eeynaa hadeeynaan is daba qaban ee midnimada halla doono iyadaa na deeqdee´´.......intiina wax dareemeeysana aan dib u dhigo waayohooda oo aan xusuusiyo gabaygii dhaxalgalka ahaa ee ´´DIX DHAGAXEED´´ oo uu sanadii 1967-kii mariyay (AUN) Cabdulaahi Suldaan Maxamed ´´Timacadde´´ balse la moodo inuu shalay tiriyay:- Docda bari dareeriga badiyo, Seeylac darafkeeda. Dusha Koonfureediyo illaa, Webiga daaciisa. Degmadeenna oo idil hadaan, Dayey abwaagteeda. Nimaan duubiyadu naafo noqon, Deelka laga waaye. Dulmi iyo dhac waa waxa qarribay, Degeladiiniiye. Dul iyo hoosba waan ugu dhigee, waa DIX DHAGAXEEDE. Anuumbaa damqanayee dheguu, Uma daloolaane. Bal inay dalfoof tahay caqliga, Dooni laga saaray. Wixii hore usoo daashadeey, Degashaneeysaaye. Waxaa Qoray;-Maxamed Xaaji Xuseen Raage Boosto-Koronto;-maxaaji@gmail.com
  11. Kadib markey dowladdu ku hanjabtay inay dagaal adag ku qaadeyso kooxaha Mucaaradka, ayaa qiyaasyo la sameeyay waxaa lagu cadeeyey in dowladda ku guuleysatay dagaalka xagga afka ee ka dhanka Mucaaradka hubeysan. Wakaalada wararka ee AFP ayaa laga so xigtay in 80 % ay dadka Muqdisho ay taagare uu haayan Dowladda halka ay 20% oo ah inta so hartay ay weli taageersan yihiin Mucaaradka. warbixinto dhameystiran ka akhrista : http://www.caasimadda.com/dowladda-oo-dagaalka-afka-kaga-guulaystay-mucaaradka/
  12. loool ninyahow dagaalka waa dhowr nooc, mid waa fool ka fool midna waa dagaal afka, daruufo gaar ii ah dartiisa afka ayaan kula dirira Shabaabka, bulshada in la tuso waaye baadilka ee iska dil maahan waa wiilal soomaliyeed oo la marin habaabiyay kuwaasna waa in la inform-gareeyo oo ay ka so tagaan aagaga dagaal..
  13. loool war kuwan halkaay ka yimaaden Soomaali ba mahee. Ma ogi bro hadii uu dacweeye laakin waa arin lala yaabo
  14. Wararka naga soo gaaraya degmada Raageceelle oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dadka halkaasi degan ay soo wajahday xaaladii ugu adkeyd oo dhinaca nolosha ah, bacdamaa degmadaasi ay la qeybsatay abaaraha ku dhuftay gobolka intiisa kale, ayaa waxaa haatan uga sii daray kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ee degmada maamusha ay cuna qabateyn dhinaca biyaha ku soo rogtay dadka degaanka. Mid ka mid ah dadka degan suuqa ugu weyn degmada Raageceelle oo u waramayay warbaahinta ayaa ka warbixiyay saameynta ay ku yeelatay dadka rayidka ah ee degaanka xayiraadda dhinaca biyaha ee maleeshiyaadka Shabaab ay ku soo rogeen, waxa uuna sheegay in tubooyinkii magaalada ku yiilay ee biyaha ka keeni jiray degaanka Hormagaalle ay xireen, iyadoo haatan muddo ka badan 30-saac ay biyihii ka maqan yihiin degmada Raageceelle. Xaaladda biyo laa'aan ee soo wajahday degmadaasi ayaa la sheegay in odayaasha iyo waxgaradka degmada Raageceelle ayaa kulamo la leh horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee degmada ka taliya, hase yeeshee labada dhinac ayaa isku mari waayay qaar ka mid ah qodobadii ay ka wadahadlayeen. Horjoogayaasha ururka Al-Shabaab u qaabilsan maamulka Degmada Raageceelle ayaa odayaasha degmada ku amray inay bixiyaan taageero isugu jirta lacago fara badan iyo dhallinyaro ka qeyb qaadata dagaallada Muqdisho ka socda, hase yeeshee odayaasha ayaa iyana dhinacooda si cad ugu sheegay inaysan awoodin dalabkaasi, iyagoo sheegay in xilligaan dadka degaanka ay heystaan duruufo aad u adag oo isugu jira abaar saameysay dadka iyo duunyada. Kulanka odayaasha degmada Raageceelle iyo horjoogayaasha ururka Al-Shabaab ay ku yeesheen degmadaasi oo socday muddo hal todobaad ah ayaa iminka u muuqda mid sii kala fogeynaya labada dhinac, isla markaasina maleeshiyada Al-Shabaab ay dadka degaanka ku khasbayaan inay bixiyaan dhaqaale iyo dhallinyaro ay dagaalada u adeegsadaan, waxayna arrintaani walaac ku abuurtay kumanaan qoys oo isugu jira barakacayaal iyo dadkii horay u degenaa halkaasi. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088