oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Barqanimadii maanta ayaa deegaanka Ceel Cerfid waxaa ka bilawday kacdoon dadwayne oo aad ubalaaran kadib markii dadka deegaanku ay ka caroodeen raashin ay dhawaan ku gubeen isla deegaanka Ceelcarfiid kaas oo loo waday dad iyo xoolo ay baahi darani ku hayso gobalka Shabeelaha dhexe, Xaaladda ayaa waxaa circa ku shareeray markii ay Maleeshiyada Shabaabku raashin galley ah oo la mid ah kii ay deegaankaas ku gubeen ay ogolaadeen shalay in aan la gubin maadaama uu raashinka lahaa qof xiriir la leh Al shabaab, Gabadhii lahayd raashinkii ay gubeen shabaab maalmo ka hor oo horkacaysay kacdoonka maanta ee ka dhanka ahaa ficilada dhuun qabadka ah ee Al shabaab ayaa u sharaxday dhibaatada ay Maleeshiyaadkaasi ku hayaan bulshada deegaankaasi. Kooxda shabaab ayaa markii ay dadku isku soo baxeen waxaa ay bilaabeen in ay rasaas ku furan dadkana qabqabtaan ayna jirdilaan iyagoo xabsiga dhigay dad farabadan sida ay inoo sheegtay gabar ka mid ah dadkii ay xirxireen Shabaab oo aanu lahadalnay mar ay u suurta gashay in ay xabsiga kasoo baxdo Qaar ka mid ah dadkii ay xirxireen ayaa waxaa dhibaato xoog leh ay kasoo gaartay jirdilka ay ku dheehantahay naxariis darada ee shabaab ay dadka ugaysteen waxaana dadkaasi ka mid ahayd haweenay uur leh oo markii dhawr wiil oo dhalinyaro ah ay baadka qoryahooda ku garaaceen taas oo keentay in uu dhiig farabadan oo muujinaya in waxyeelo ay gaartay ilmaha ay caloosha ku waday uu ka yimaado waxaana sidoo kale ay maleeshiyada shabaabka ee ku sugan Carfiid iyagoo ka faa’iidaysanaya qalalaasaha ay boob ugaysateen dhawr dukaan oo halkaasi ku yaalay Inta badan dadkii ay saaka shabaab kasoo qafaaleen deegaanka Ceelcarfiid ayaa lagu hayaa halka loo yaqaano Darmooleey oo u dhexeeya Suuqa xoolaha iyo Carfiid laakiin qaar ka mid ah dadka ayaa loo gudbiyay degmada Dayneele oo ay ku yaalaan xarumaha shabaab ay wax ku xukumaan Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay iska hor imaadyada dhexmaraya shabaab iyo dadka ku hoos nool xukunkooda kuwaas oo go’doominta ay shabaabku ku hayaan oo xiligaan intooda badan la daalaa dhacaya abaaraha ku dhuftay dalka oo dhan. http://radiomuqdisho.net/news/wararka/3143-kacdoon-dadweeyne-oo-ka-dhacay-deegaanka-ceelcarfiid.html
  2. Qandalawi saadaasha waa to early bal hala arko qorshihii 100ka maalmood hadii lagu guuleysta shariifkuba qiil waa helaaya.
  3. time shall tell,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
  4. Jiiroow Bakaal;687878 wrote: We talking about Somalia not Caliyaale president. Geeda ma dhaxal baa u leedihiin My vote goes to Aweys Khamiis Mabuuse Sxb jahada ka qaldaane Nuur cadde is from Warshiikh and Cabdullahi axmed Caddow Gaalkacyo, ee go and learnyour Geography kid.
  5. Jacaylbaro;687920 wrote: Dal uu isagu walaaqay sow maaha ,,,,,,,,,,,,,,, mise MSB ayaa walaaqay
  6. Lol dee muhiimadu taas mahe top newska waxaa weeye in reer ceelbuur la yiri dowladdad taageertaan ,hadeyba reer ceelbuur dowladd taageersanyihiin Al shabaab yaaba taageersan markaa
  7. Ku dhawaad 5 horjooge iyo maleeshiyo ka tirsan kooxda Shabaab ayaa geeriyootay tiro kalena wey dhaawacmeen kadib markii uu ku qarxay Qarax ay ku diyaarinayeen guri ku yaala xaafadda Gubta ee degmada Dayniile. Inta la ogyahay 4 horjooge oo ka tirsan kooxda Shbaab ayaa ku geeriyootay 2 kalena wey ku dhaawacmeen Qaraxan oo waaberigii shalay ka dhacay xaafada gubta ee degmada Dayniile gaar ahaan agagarka Maxkamada maleeshiyadaasi oo ku taala inta u dhaxeysa xaafadaha Barwaaqo iyo Ciise Cabdi kadib markii ay ku qaraxday miino ay ku dul diyaarinayeen guri ay ka buuxaan walxaha qarxa. Ragga ku halaagmay qaraxan oo qaarkood magacyadooda aan helnay ayaa waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Sheekh Ciise oo ka tirsanaa horjoogayaasha Shabab ee shabelada hoose iyadoo ragga dhaawaca culusi soo gaareyna uu ka mid yahay nin magiciisa lagu soo gaabiyay isxaaq oo qaraxu uu ka haleelay dhabarka iyo lugaha xili uu jiifay gurigaasi. Qaraxan kadib ayaa waxaa laga maqlayay gudaha gurigaasi rasas iyo hubka calculus oo mararkala duwan qarxay maadama uu ka mid ahaa guryaha ay badana isugu yimaadan horjoogayasha sarsare ee Shabab isaga iyo dhowr guri oo ku harereysan agagarka halka ay maxkamada ku tilmameen. Waxaana sidoo kale goobtaasi soo buuxdhaafiyay maleeshiyo fara badan oo ka tirsan kooxdaasi oo xiray dhamaan wadooyinka hareermara iyadoo shalayto ilaa laga gaaro abaara 8 dii aroornimana ay xirneyd wadaada ka timaada xaafada Ciise Cabdi ee soo marta Barwaaqo halkaas oo ay isticmaali jireen gaadiidka ka shaqeeya Bakaaraha iyo Ciise Cabdi. RadioMuqdisho
  8. Horjoogaha Kooxda Al-shabaab dhanka warfaafinta u qaabilsan Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa si cad u qirtay xilli uu xalay ka hadlayay idaacadaha ay xoogga ku heystaan in ay ku baaba’een dagaallada magaalada Muqdisho iyo kuwa gobollada ay ka hurinayaan kooxda Al-shabaab carruur badan oo ay soo qafaaleen. Cali Dheere waxa intaa ku daray in dagaallo dhawaan dhacay ay soo geliyeen ku dhawaad 280 dhalinyaro oo ay si qasab ah lagu keenay kuwaasi oo uu sheegay in ay ku halaagsameen dagaallada isla markaana badankood ay dhinteen kuwa kalena ay yihiin dhawaac aad u daran. Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Cali Dheere waxa uu sidoo kale sheegay in ay doonayaan dhalinyaro kale oo ay dagaal geliyaan si ay uga dheigtaan xaabo ay ku huriyaan colaadda Shabaabku ay ka wadaan dalka. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kooxda Shabaab kasoo goosanayay dhalinyarada ay marin habaabiyeen kuwaasi oo fahmay ujeedka rasmiga ah ee Shabaab ay ka damcsan yihiin jiilka da’da yar ee Soomaaliyeed waxaana maalmihii ugu dambeeyay ay isku soo dhiibayeen DKMG Somalia iyo maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Suna wal jamaaca. RadioMuqdisho
  9. Maamulka Xarakada Al Shabaab ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Galgaduud ay taageersan yihiin dowladda kmg ee Soomaaliya. Maamulka Shabaab ee Ceelbuur ayaa meel fagaare ah iskugu yeeray inta badan shacabka ku nool magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, isla-markaana wuxuu shaaca ka qaaday in shacabku ay taageersan yihiin dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed. Waxay Shabaabku sheegeen in dhawaan ay talaabo adag ka qaadi doonaan inta badan dadka taageersan dowladda kmg ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in’ay taageersan yihiin dowladda ay ugu yeereen in’ay gaalo raac tahay. Sidoo kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in’ay Jihaad kula jiraan dowladda kmg ee Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana waxay sheegtay in cid kasta oo dowladda tagaeersan in’ay iyana la-Jihaadi doonaan. Dhanka kale Shabaabka ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in’ay dalka Soomaaliya keentay ciidamo aan Islaam ahayn, isla-markaana dhibaato baahsan ku haaya shacabka ku dhaqan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo intaasi ku daray in’ay dagaalka sii wadi doonaan. Hadalkaan kasoo yeeray Xarakada Al Shabaab oo hadal aad u miisaan culus ah ayaa waxaa si weyn uga carooday inta badan shacabka ku dhaqan magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, lamana oga talaabadaan waxa xigi doona. http://www.dhacdo.com/news.php?readmore=3621 http://xusuus.com/view.php?id=2732 http://www.soomaalidamaanta.com/index.php?option=com_content&view=article&id=18628:xarakada-shabaab-oo-saakay-dadka-ceel-buur-ku-eedeeyay-in-ay-taageerayaal-u-yihiin-dawlada&catid=1:wararka
  10. Horta Maxkamad hadii la saarayo dhamaan wixii nool oo dembiga galay waa in iyagana maxkamad la saara ee nimaan aan ogahay iney Boorame iyo Hargeisa ku dhex socdaan sii xor ah odaygan masakiinka garabka waayayna 24 7 la dhaho dambiile. Walahi waaka xumahay
  11. Nuur cadde or C/llahi Axmed Caddow for president.
  12. faysal wadani waaye daacad waa mar aan xasuusta oo gabdhaha somaliland kula kulmay UK markaasu yiri, hadaad tihiin hablaha somaliland qabiil baa idin jarjaray oo kula dardaarmay iney dhaafan qabyaalada oo lagu midoobo qaranimo uun..
  13. Wasiirkii Gaanshaandhiga ee dowladdii kacaanka Janaraal Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa lagu dhex arkay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, xilli aysan waxba kala socon bahda saxaafadda. Janaraal Maxamed Cali Samatar ayaa wuxuu la-socday dhawr iyo toban saraakiil ah oo shalay galab soo gaaray caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana lagu wadaa sidii ay u kabi lahaayeen dowladda kmg ee Soomaaliya. Booqashada uu Maxamed Cali Samatar kusoo gaaray magaaladda Muqdisho ayaa waxaa si weyn ula yaabay dad fara-badan oo aan ka war-heyn booqashada qarsoodida leh ee uu kusoo gaaray magaaladda Muqdisho. Janaraal Maxamed Cali Samatar iyo saraakiil sar sare oo ka tirsaneed dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa la-dejiyay aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia, waxaana lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay ka saacidaan sidii ay dowladda uga itaal roonaan laheyd maamulka Xarakada Al Shabaab ee kusii baahaaya dalka Soomaaliya. Warar hoose oo ay Shabakadda Dhacdo.com ka heleyso xaruunta aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa waxay sheegayaan in kullan balaaran ay galabta yeesheen madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Janaraal Maxamed Cali Samatar iyo Janaraal Caare. Waa markii ugu horeysay oo saraakiishani ay dib ugu soo laabtaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre.
  14. lool, Sharmaarke and Geedi big time Failure.
  15. Maxkamadad Ciidamada qalabka sida ee Dowladad Federaalka KMG-ka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah Xukun dil ah ugu fulisay sadex Gacan ku dhiigle kuwaa oo horay ay Maxkamaddu ugu Xukuntay dil Toogasho ah. Subaxnimadii maanta ayaa waxaa Barxadda weyn ee ka soo horjeedda Dugsiga tabobarka Ciidamada Booliska ee Generaal kaahiye lagu toogtay sadex nin oo gacan ku dhiigleyaal ah kuwaas oo si bareer ah xilliyo kala duwan gacantooda ugu dilay sadex Muwaadin oo Soomaali ah. Daawashada dilka sadexdaasi ruux ayaa waxaa gobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo uu ka mid ahaa xoghayaha Guud ee maamgulka gobolka C/kaafi Hilowle Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadad Ciidamaad qalabka sida Xasan Muungaab, Taliyaha qeybta Guud ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Generaal Axmed Xasan Maalin iyo dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid qaar ka mid ah degmooyinka Gobolkani Banaadir. Sadexda gacan ku dhiigle ee ay Maxkamaddu dilka ku fulisay ayaa waaxaa lagu kala magacaabi jiray 1.C/casiis Maxamuud Gacal oo ahaa Dable ka tirsan Ciidamada booliska kaas oo 2/06/2010-ka si bareer ah u dilay Muwaadin lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cabdi , waxaana ay Maxkamaddu xukun dil ah ku xukuntay 14/12/10-ka. 2.Cantoob Carabow Cadaan oo 5/06/2009-kii si gardarro ah u dilay Xasan Maxamuud jibriil,iyadoo Maxakamaddu ay xukuntay 18/12/2009-kii. 3.Mowliid Maxamed Xasan oo aha Dable ka tirsan ciidamada booliska waxa uu 11/05/10 si barer ah u toogtay Muwaadin lagu magacaabI Jiray Aaden Saalax jaamac waxa ayna Maxkamaddu xukuntay 14/12/10-kii. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Xasan Muungaab oo saxafada kula hadalay goobta ay toogashadu ka dhacday aya tilmaamay inaan cidna lagu gardarooneynin islamarkaasna aan cidna loo ogolaan doonin in iyadoo dishay ruux kale ay si nabad ah ugu dhex noolaato qeybaha kale ee bulshada, waxa uuna ugu baaqay Ciidamada qalabka sida inay hubka ka jeediyaan shacbiga taas bedelkeedana ay ku jeediyaan cadowga Alshabab iyo Ajaaniibta dambiileyaasha ah ee ku soo duulay gudaha dalka. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Maxkamadda Ciidamaada qalabka sida Xukun dil ah ku fuliso askar ka tirsan ciidamaad Dowladad oo si barer ah u dilay muwaadiniin kale, dhowaan ayeey aheyd markii ay Maxkamddu ruux da’ ah kana tirsaanaa ciidamaad ay sidaan oo kale xukun dil ah ugu fulisay taas oo rajo weyn ku abuurtay bulshada.
  16. Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaliya ee ku sugan aagaga degmooyinka Shibis iyo Cabdi Casiis ee waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in duhurnimadii maanta ay ku siqeen goobo hor leh kadib iska hor imaad kooban oo ka dhacay halkaasi. Maxamed Maxamuud Saneey oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo Radio Muqdisho u waramayay ayaa sheegay in maanta dagaal kooban uu ka dhacay xaafado ka mid ah degmooyinka Shibis iyo Cabdi Casiis, waxa uuna tilmaamay in ciidamada Dowladu ay la wareegeen dhufeysyadii ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Shabaab. “qasaare farabadan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayeey ciidamada Dowladu u geeysteen Maleeshiyaadka Shabaab, oo maanta weerar ku soo qaaday fariisimaha ay ciidamada Dowladu ku leeyihiin degmooyinka Shibis iyo Cabdi Casiis, Ciidamaduna horumar ayeey ka gaareen dagaaladaasi” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Saneey oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowlada ee aagaasi Hadalka sarkalka ayaa imanaya kadib markii maleeshiyaadka Shabaab ay ku hungoobeen weerar ay maanta ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada Dowladu ku leeyihiin xaafado ka mid ah degmooyinka Shibis iyo Cabdi casiis.