oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Iyadoo dhawaan magaaladda New York ee dalka Maraykanka lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlaayay xaaladda murugsan ee ka jirta dalka Soomaaliya ayaa waxaa taasi si kulul uga hadashay Xarakada Al Shabaab. Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in shirkii looga hadlaayay xaaladda dalka Soomaaliya ee ka dhacday dalka Maraykanka, in looga hadlay sidii cagta lagu marin lahaa maamulka Xarakada Al Shabaab oo ka taliya inta badan dalka Soomaaliya. Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in shirkii ka soconaayay magaaladda New York lagu go’aamiyay buu yiri in cagta lagu mariyo maamulka Xarakada Al Shabaab ee ka arrimiyo in ka badan toban gobol oo ku yaalla dalka Soomaaliya. Afhayeenka ayaa sheegay in ajandaha shirkaasi loo-soo askumay uu ahaa, sidii Xarakada Al Shabaab looga sifeen lahaa dalka Soomaaliya, hase ahaatee wuxuu si kulul uu u sheegay in’aysan jirin cid Xarakada Al Shabaab cagta marin kareysa, waayo buu yiri waxaanu ku taaganahay xaq. “Shirkii dhawaan ka dhacay magaaladda New York waxaa lagu go’aamiyay in Shabaab lagu burburiyo, iyadoo loo-adeegsanaayo awood milatari, laakiin majirto cid Shabaab burburin kareysa” ayuu yiri afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” Dhanka kale Sheekh Cali Dheere oo mar uu ka hadlaayay abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay in’ay gaajada u sabraan, isagoo intaasi ku daray in uu dhamaantood Alle bad baadin doono, isla-markaana wuxuu qeexay in’aysan marnaba u gacan hoorsan doonin beesha caalamka. Hadalkaan kasoo yeeray afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere”, ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli dhawaan shir ka dhacay magaaladda New York ee cariga Maraykanka, leesku waafaqay in awood milatari dalka Soomaaliya looga saaro Xarakada Al Shabaab.
  2. Iyadoo dhawaan magaaladda New York ee dalka Maraykanka lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlaayay xaaladda murugsan ee ka jirta dalka Soomaaliya ayaa waxaa taasi si kulul uga hadashay Xarakada Al Shabaab. Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in shirkii looga hadlaayay xaaladda dalka Soomaaliya ee ka dhacday dalka Maraykanka, in looga hadlay sidii cagta lagu marin lahaa maamulka Xarakada Al Shabaab oo ka taliya inta badan dalka Soomaaliya. Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in shirkii ka soconaayay magaaladda New York lagu go’aamiyay buu yiri in cagta lagu mariyo maamulka Xarakada Al Shabaab ee ka arrimiyo in ka badan toban gobol oo ku yaalla dalka Soomaaliya. Afhayeenka ayaa sheegay in ajandaha shirkaasi loo-soo askumay uu ahaa, sidii Xarakada Al Shabaab looga sifeen lahaa dalka Soomaaliya, hase ahaatee wuxuu si kulul uu u sheegay in’aysan jirin cid Xarakada Al Shabaab cagta marin kareysa, waayo buu yiri waxaanu ku taaganahay xaq. “Shirkii dhawaan ka dhacay magaaladda New York waxaa lagu go’aamiyay in Shabaab lagu burburiyo, iyadoo loo-adeegsanaayo awood milatari, laakiin majirto cid Shabaab burburin kareysa” ayuu yiri afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” Dhanka kale Sheekh Cali Dheere oo mar uu ka hadlaayay abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay in’ay gaajada u sabraan, isagoo intaasi ku daray in uu dhamaantood Alle bad baadin doono, isla-markaana wuxuu qeexay in’aysan marnaba u gacan hoorsan doonin beesha caalamka. Hadalkaan kasoo yeeray afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere”, ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli dhawaan shir ka dhacay magaaladda New York ee cariga Maraykanka, leesku waafaqay in awood milatari dalka Soomaaliya looga saaro Xarakada Al Shabaab.
  3. sxb 2km madaxtooyada waaka weyntahee madaxtooyada qeyb laga heystaa ma iga dhaadhicin rabata alxaaji
  4. Xaaji Xunjuf;688687 wrote: Oba hiloowlow anaga mamuul qabil hana barbar dhigin , meel jamhuuriyada Soomaliland ha uga dhicin, lixdanki markanu isku darsanayney ma anagu qabil baanu idin imanay mise anagu Reer Somaliland baanu idin ku imanay Dee xaqiiqda sidaa ah, Reer boorame dooni maayan Somaliland, reer buuhoodlena sidoo kale hade qabiilka siilaanyo meesha kuso haraayo.
  5. Xaaji SL hadey hesho madaxbanaani PL waan go'aa ay dhaheeysa Galmudug waa dhaheeysa. Lol Hiiraanland,waax iyo waadi kulli, qabiil qaran ma noqdo.
  6. anyway faroole wuxu ka faa'ideya aasan jirin ee aseey uu taal....
  7. Maleeshiyaadka Shabaab ayaa habeenkii xalay guryahooda kala baxay qaar ka mid ah dhalinyarada deegaanka Ceelcirfiid ee duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho. Kadib markii Maleeshiyaadka Shabaab ay habeenkii xalay Bandoow ku soo rogeen deegaanka Ceelcirfiid oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen kacdoon ka dhan Maleeshiyaadka Shabaab, kaas oo ay sameeynayeen dadka deegaanka, ayaa habeenkii xalay waxa Maleeshiyaadka Shabaab ay guryahooda kala baxeen 10 ka mid ah dhalinyarada deegaanka. Ilaa haatan lama o ga halka ay ula dhaqaaqeen dhalinyaradaasi, waxaana la sheegay in Maleeshiyaadka Shabaab ay dhalinyaradaasi uga shakisanyihiin dadka kacdoonka ka wada deegaankaasi. Dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa maalmihii ugu danbeeyay kacdoon ka dhan ah Shabaab ka waday deegaanka Ceelcirfiid, waxa ayna dadkaasi ka careeysanaayeen raashin ay lahaayeen dadkaasi oo Maleeshiyaadka Shabaab ay gubeen.
  8. Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeeday Cunaqabateynta maleeshiyada Kooxda Shababa ay ku hayso gargaarka loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka ku dhaqan deegaannada ay ku suganyihiin kooxdaasi oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolkani Banaadir ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Dibadbaxani looga soo horjeeday caburinta iyo Cunaqabateynta gargaarka ay Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan abaaraha ka jira qaar ka mid ah Gobollaad dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo qabanqaabiyay dallaad Ururrada Bulshada rayidka ee Deegaannada Banaadir iyadoo ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay ku simaha guddoomiyaha gobolka ahna ku xigeenka 2-aad ee xagga nabadgelyada Warsame Maxamed Xasan, qaar ka mid ah guddoomiyeyasha 16-ka degmo ee Gobolka, guddoomiyaha dallada bulshada rayidka ee Deegaannada Banaadir Muxudiin Xasan Afrax, kooxda Baambeyda Ciidanka Asluubta, barbaarta Gaashaaman iyo Boqollaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolkani Banaadir. Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin caburinta iyo Ishortaagga ay maleeshiyaadka Kooxda Shabab ku sameeyeen gargaarkii loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee ku dhaqan Goobaha ay joogaan Maleeshiyadka Kooxdaasi, waxa ayna dibadbaxayaashu lug kusoo mareen inta u dhexeysa Taaladii hore ee Daljirka dahsoon ilaa iyo Taaladii hore ee Dhagaxtuur iyagoo kor uluxaya Calanka Soomaaliya. Mas’uuliyiintii ka hadashay bannaanbaxa ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Dallaadda Ururrada Bulshada rayidka ee Deegaannaad Banaadir Muxudiin Xasan Afrax isagoo tilmaamay in ujeedada ay dadkani isugu soo baxeen ay tahay sidii ay walaalahooda dhibateysan ula qeybsan lahaayeen dhibatooyinka ay ku hayaan Kooxda Alshabaab, waxa uuna ugu baaqay mas’uuliyiinta Dowladda iyo Beesha Calamka inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadkaasi maadaama dhibatooyinka haysta ay yihiin kuwo caalami ah oo u baahan in wax laga qabto. Sidoo kale waxaa goobta banananbaxa uu ka dhacay ka hadlay ku simaha Guddoomiyaha maamulka gobolka Banadir ahna ku Xigeenka 2-aad ee dhinaca nabadgelyda Warsame Maxamed Xasan waxa uuna sheegay in dareenka ay qabaan dadkaasi ay kala simanyihiin islamarkaasna uu maamulaka gobolka kala kaashan doono Madaxda Dowladad dhexe ee Soomaaliya sidii shacbiga looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan maleeshiyaadka Kooxda Shabab. Dibadbaxani maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa yimid ka gadaal markii ayna Maleeshiyadka Kooxda Shabab ishortaag ku sameeyeen in Gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka iyo duunyada ku dhibaateysan abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Gobollada dalka, iyagoo dhowr jeer oo hore si xoog ah ula wareegay rashin loogu talo galay in lagu caawiyo dadka barkacayaash
  9. Maleeshiyaadka Shabaab ayaa saacadihii ugu danbeeyay degmada Afgooye ka qafaashay 15 dhalinyaro ah. Wararka uu Raadiyo Muqdisho ka helayo degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay halkaasi ka bilaabeen howgal ay ku qafaalanayaan dhalinyarada dagmadaasi si ay ugu biiriyaan dhalinyarada ay hore u marin habaabiyeen oo ay u adeegsadaan colaada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobalada dalka Howgalkii ugu danbeeyay ee ay maleeshiyaadkaasi ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaanka Afgooye ayey ku qafaasheEn 16 dhalinyaro ah oo ku sugnaa gudaha dagmadaasi. waxaana dhalinyarada deegaankaasi ay bilaabeEn in ay ka maataan maleeshiyaadkaasi, iyadoona waalidiin fara badan caruurtooda ay horay ugu la carareen dagmadaasi, waxayna caruurtooda u soo direen deegaanada ay dowladu maamusho ee Magaalada muqdisho. Tadabaad ka hor yaey aheeyd markii maleeshiyaadka Shabaab ay dadka deegaanka ku amreen in ay caruurtooda soo wareejiyaan si ay ugu qeyb galiyaan dagaalada ay maleeshiyaadkaasi ka wadaan gudaha dalka , taasina waxa ay qeyb ka tahay tacadiyada ay kula kacayaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay dagaalada iyo abaaraha is biirsaday ee ka taagan dalka. RM
  10. lol ciqaab kulaha war ma dhaqan celi lagu sameeyo........................................................
  11. sayid*somal;688494 wrote: lol@ngonge - you reminded of this guy who was sent back to burco because he got involved in one to many trouble with the police - the children of burco dubbed him nabi aadan because in their view - he was kicked out of paradise looooool
  12. Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqa magaaladda Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa wuxuu maanta hanjabaad kulul uu u jeediyay Xarakada Al Shabaab. Maxamed Dheere oo ku sugan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir oo maanta warbaahinta la-hadlay ayaa *****lka ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay tahay cadow loo-adeegsanaayo ummada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in’ay kusoo qaateen qandaraas dhibaateenta baahsan buu yiri ay ku hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Maxamed Dheere ayaa ku nuux-nuux-saday in Xarakada Al Shabaab ay dhabargoyn baahsan ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana waxaa waajib inagu ah buu yiri inaanu la-dagaalano Xarakada Al Shabaab. Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay diiday in gargaar la-gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolada qaar ee dalka Soomaaliya ay ku dhufteen abaaro baahsan. Wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay la-gelli doonaan dagaalo xoogan oo ay uga saaraayaan gudaha dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu ku hanjabay in uu gargaarka uu xoog ku gaarsiin doono deegaanada ay ka taliso Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale wuxuu wacad ku maray isagoo wado Galayda gargaarka ah iyo biyaha ay doonayaan dadka ay abaaruhu saameeyeen in uu si xoog leh ku gaarsiin doono dadka ku dhibaateysan deegaanada ay ka taliso Al Shabaab, isla-markaana wuxuu qeexay in uu Shabaabku dhulka ku dari doono. Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan, hanjabaadaha culus ee kasoo yeeray Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo dagaalo xoogan kula jiro maamulka Xarakada Al Shabaab. Hadalkaan Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” kasoo yeeray ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli dowladda kmg ee Soomaaliya ay dalabaad u dirsatay dagaal-yahanada Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” iyo Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”.
  13. Taliyihii ciidamadda Ururkii burburay ee Xisbul Islaam C/Qaadir Kumaandoos oo dhawaan soo gaaray magaaladda Hargeysa ee Somaliland ayaa waxaa lagu xiray bartamaha magaaladda Hargeysa. C/Qaadir Kumaandoos oo todobaad kahor iskaga cararay magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu gaaray magaaladda Hargeysa ee Somaliland, isla-markaana waxaa la-sheegay in rag basaasiin ah ay sheegeen in uu soo gaaray magaaladda Hargeysa, taasoo ciidamadda ammaanka ee magaaladda Hargeysa u suurta gelisay in’ay gacanta kusoo dhigaan. Warar lagu kalsoonaan karo oo ay Shabakadda Xaqiiqda.com ay ka heleyso magaaladda Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in seddex habeen hore ay ciidamadda ammaanka ee magaaladda Hargeysa xabsiga u taxaabeen taliyihii ciidamadda Xisbul Islaam C/Qaadir Kumaandoos. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in laga cabsi qabo, in Somaliland ay dowladda Itoobiya u gacan geliso C/Qaadir Kumaandoos, oo si weyn uga soo horjeeday xilligii ciidamadda Itoobiya ay ku sugnaayeen caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Xariga C/Qaadir Kumaandoos oo aysan waxba kala socon warbaahinta ayaa waxaa dhici kareysa in saacadaha soo socda ay diirada saaraan, taasoo muujineysa sida Xisbul Islaam looga kala ceyrsaday Koonfurta Soomaaliya oo ay ku xooganaayeen. Iskusoo wada-duuboo burburka Ururka Xisbul Islaam ayaa wuxuu keenay in Xarakada Al Shabaab ay ugaarsato saraakiisha sar sare ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam, lamana oga wax auu iminka ku sugan yahay hogaamiyihii Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys.
  14. Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab ayaa si weyn iskugu khilaafsan in la-toogto gudoomiyihii gobolka Banaadir ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam Macalin Xaashi Maxamed Faarax. Amiirka Xarakada Al Shabaab oo ay Soomaalidu u taqaano Axmed Godane ayaa shaaca ka qaaday in lagama maarmaan ay tahay in la-toogto gudoomiyihii gobolka Banaadir ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam. Axmed Godane ayaa sheegay in Macalin Xaashi lasoo qabtay isagoo qorsheynaaya in uu cagta mariyo ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugnaa magaaladda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo intaasi ku daray in sharciga Xarakada uu dhigaayo ruux kasta oo qorsheynaaya in uu dhaawac u geysto Al Shabaab, ay waajib tahay in la-toogto. Xarakada Al Shabaab ayaa afar bilood kahor gacanta kusoo dhigtay Macalin Xaashi xilli uu ciidamo badan oo Xisbul Islaam ah uu iskugu geeyay magaaladda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu meesha uga saaro Xarakada Al Shabaab, iyadoo Macalin Xaashi uu deegaan ahaan kasoo jeedo Balcad. Al Shabaab ayaa kahor tagtay weeraro uu kusoo qaadi rabay Macalin Xaashi, isla-markaana waxay ku sameysay hub ka dhigis, isla-markaana waxay ku xirtay xabsi ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Muddo dhan afar bilood ayaan la-maqlin codka Macalin Xaashi, iyadoo Ururka Xisbul Islaam intii uusan burburin Al Shabaab ka codsaday in loo-soo sii daayo Macalin Xaashi, hase ahaatee taasi ayaa waxaa ka biyo diiday Xarakada Al Shabaab, waxayna ku andacootay in uu ninkaasi ka gallay dembiyo culus. Hadaba Axmed Godane ayaa qalinka ku duugay in Macalin Xaashi la-toogto, hase ahaatee taasi ayaa waxay keentay khilaafaad baahsan oo ka dhex curtay saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab, isla-markaana gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen, afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, afhayeenka ciidamadda Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab iyo afhayeenkii hore ee Al Shabaab Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” ayaa waxay sheegeen inaanan la-toogan kareyn Macalin Xaashi, taasoo abuurtay khilaafaad diiran oo soo kala dhex galla saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab, iyadoo aan la-ogeyn waxa uu ku dambeen doono mustaqbalka Macalin Xaashi Maxamed Faarax. Si kastaba ha-ahaatee Axmed Godane ayaa waxaa lagu eedeeyaa in uu Koonfurta Soomaaliya ka wado aar-goosi, isla-markaana inta badan ummada Soomaaliyeed ayaa waxay amiirka Xarakada Al Shabaab Axmed Godane ay u arkaan, in uu yahay nin ay ka buuxdo cuqdad, waa sida ay sheegaan’e.
  15. faroole hypocrite waaye ee ilaahay haso hanuuniyo