oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta" waan joogteeyn doonna soo saaridda Wargeyska Dalka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegtay in ay joogteeyn doonto soo saarida Wageyska Dalka oo todobaadkiiba mar soo baxo, iyadoo Wargeesyka dalka cadadkiisi ugu horeeyay shalay la sao saaray isla markaana ay ku dadaali doonto tayeeynta Wargeeska. Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Boostada, iyo Isgaarsiinta ay dadaal u gashay soo saarida Wageyska dalka oo casri ah, isla markaana xambaarsan macluumaad waxtar u leh Bulshada Soomaaliyeed oo baahi u qaba helida Wargeys ay akhristaan. “Waregeyska Dalka oo cadadkiisii ugu horeeyay uu soo baxay shalay, waxaa uu soo bixi doonaa todobaad kasta, sidoo kale waxaan rajeeynayaa inaan dhawaan diyaarino Madbacadii Qaranka oo daabacda Wargeyska, buugaagta, iyo waraaqaha ay isticmaalaan Wasaaradaha Dowlada, taas oo waxtar ballaaran u leh Bulshada, dadaalkaasina waa uu socdaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariin Xasan Jaamac oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyada Soomaaliya. Maalintii shalay ayaa magaalada Muqdisho lagu arkay Wargeyska Dalka oo cadadkiisii ugu horeeyay shalay soo baxay, kaas oo ah mid casriya oo xambaarsan macluumaad xiisa badan oo ay jecleysteen dhammaan dadkii nasiibka u helay in ay akhristaan.
-
Wasaarada Howlaha guud oo dib u soo nooleeyneysa Naadigii LLPP Kulan looga hadlayay dib u soo nooleeynta Naadigii LLPP Jenyo ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaarada Howlaha guud iyo dib u dhiska. Kulankan ayaa waxaa maanta isuguyimid Agaasimaha guud ee Wasaarada Hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Eng Faarax Geedi iyo Saciid Jaamac Qoorsheel oo ahaa ciyaaryihaanadii ka tirsanaa kooxda facaweeyn ee LLPP Jeenyo iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa looga hadlay sidii dib loogu soo nooleeyn lahaa Naadigii LLPP ee Wasaarada Howlaha guud. “Wasaaradda Howlaha guud waxa ay ahmiyad siineeysaa dib u soo nooleeynta kooxdii Jeenyo ee ku ciyaari jirta magaca Wasaaradda, qorshaha Boqolka Maalmod ee Xukuumada ayeeyna ka mid tahay” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Eng Faarax Geedi u waramay Radio Muqdisho. Dhinaca kele Ciyaaryahankii hore ee Naadigaasi Saciid Jaamac Qoorsheel ayaa soo dhaweeyay go’aanka Wasaarada ee ku saabsan dib u soo nooleeynta Naadigii LLPP. Tallabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay Dowlada KMG ah ugu jirto dib u soo nooleeysta Sportigii dalka gaar ahaan kooxihii caanka ka ahaa dalkeena sida Naadigii Jeenyo.
-
Dalka Soomaaliya ayaa abaarta ka jirta awadeed waxay dadkii iyo duunyadiiba noqdeen kuwo abaartu galaafatay, waxaana la waayay wixii ay cuni lahaayeen Xoolihii la dhaqanaayay abaarta jirta awadeed. Waxaa baaba’ay xoolo fara badan, iyadoo xoolihii ay waayeen daaqii abaarta iyo roob la’aanta jirta awadeed, waxaana dhacday in xoolihii sanadkaan inay noqdaan kuwo ay galaafatay abaarta. Xoola dhaqatada ayaa bilaabay inay ka soo guuraan dhanka baadiyaha, iyadoo xoolo dhaqato fara badan ay ku soo qulquleen gudaha Magaalada Muqdisho, iyagoo u soo inay ka helaan wax uun ay siiyaan xoolahooda. Al-Shabaab ayaa iyana bilowday inay diido badarkii la siin jiray xoolaha la dhaqdo, waxayn shabaabku diideen in dadka iyo duunyadaba isticmaalaan Mucaawinada ay bixiso Hay’adda WFP, taasna waxay keentay in macluushii ugu darnayd ay soo wajahdo xoolaha iyo dadkaba. Xoolo dhaqatada ayaa bilaabay inay xoolahooda siiyaan Geedka Tiitiinka loo yaqaan, kadib markii loo diiday badarkii ay siin jireen xoolaha, islamarkaana uu dhulkii wax cows ah ku oolin. Geedka tiitiinka ah ayaa Soomaliya waxa uu ka noqday quud ugu sareeya ee ay isticmaalaan xoolaha la dhaqdo, waxaana arkaysaa iyadoo xoolaalaydu u gulfinaaya inay helaan geedkaasi tiinka ah, waxaadna arkaysaa in xoolihii ay badankooda soo galeen Magaalada Muqdisho
-
Maleeshiyaadka Shabaab ee gobolka Sh/dhexe ayaa xabsiga dhigay in ka badan 20 Oday dhaqameed, taas oo jawaab u ah dagaal shalay deegaano kala duwan oo deegaanka ah ku dhex maray Shabaab iyo Xoolo dhaqato. Dagaalladan oo ka dhacay maalinimadii shalay gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan degmada Warshiikh iyo degaano kale oo hoos yimaada Xawaadleey waxa uu dhex maray maleeshiyada Alshabaab iyo dad xoolo dhaqato ah. Warar aanu ka helnay degmada Warshiikh ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa iyo 10 qof oo afar ka mid ah ay yihiin dadka degaanka,waxaana la cadeeyey in maleeshiyada Al-shabaab uu qasaare lixaad leh uu ka soo gaaray dagaalkaasi. Maleeshiyada kooxda Al-shabaa waxaa dagaalkaasi ugu geeriyootay sida wararka ay xaqiijiyeen ilaa 3 ruux iyo tiro kale oo aan la hubin in ay uga dhaawacmeen. Xaaladda degaanadii lagu dagaalamay iyo degaano kale oo hoos yimaada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto xaalad kacsanaan ah waxayna maleeshiyada Alshabaab ugaarsasho ku hayaan dadka xoolo dhaqatada ah. Horey ayeey maleeshiyada Alshabaab dadka degaanka ugu qasbeen in ay bixiyaan xoolo nool oo ay ku magacaabayaan Zako, waxayna xoola dhaqatadii ka bexeen degaanadii lagu diriray waxayna isku soo abaabulayaan meelaha hawdka ah si ay ugu soo rogaal celiyaan maleeshiyooyinkaas in dhawaalaba ku haayey dhibaatada
-
simaha R/wasaaraha ahna wasiirka Gaashaan dhigga iyo wasiirro uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeeray aagagga ay ciidamada Dowladdu ka joogaan degmooyinka Hodon, Howl wadaag iyo Wardheegleey ee magaalada Muqdisho. wasiirka Gaashaandhigga mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo uu wehliyo wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsinta Mudane C/kariin xasan Jaamac ayaa maanta kormeeray xaafadda Siigaale oo ay ciidamada Dowladdu difaac uga jiraan, waxayna halkaas warbixin uga dhegeysteen saraakiisha Ciidamda eek u sugan halkaasi. “waxaan halkaan ku soo kormeernay farismha ay ciidamada Qaranku ka difaacayaa kooxaha nabad diidka ah, waxaan booqanay fariisimo badan, waxaana ku aragnay ciidamo u taagan in ay waajibkooda si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka gaashaandhigga. Wasiirrada ayaa kormeeray fariisimaha Ciidamada ee degmada Howlwadaag, waxayna ku dhawaadeen isgoyska Aadan Cadde oo ay joogaan ciidmada XDS. Taliyaha Guutada Madaxtooyada G/sare C/llaahi Cali Caanood oo radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in kormeerka madaxda ay dhiirri gelin u tahay Ciidamada Dowladda ee habeen iyo maalin u taagan gudashada waajibaadkooda qaran. Sidoo kale ku simaha R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqday difaaca ay ciidamada Dowladdu uga jiraan degmada Wardhiigleey, ayagoo warbixin ka qaatay saraakiisha ciidamada hoggaanka u ah.
-
Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa eedeyn aad culus u jeedisay maamulka uu madaxweynaha ka yahay DR. C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole”, iyadoo ku eedeysay in uu midab takoor uu ku haayo shacabka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya. Dowladda ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland uu faraha kula jiro midab takoor ba’an oo ka dhan ah shacabka kasoo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool. Maxamed Cali Cusmaan “Diinsoor” oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee dowladda Somaliya oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu cambaareynaayo ficilka uu maamul goboleedka Puntland uu kaga xaalufiinaayo deegaanada uu ka taliyo dadka kasoo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya. Xildhibaan Diinsoor ayaa sheegay in maamul goboleed Puntland uu midab takoor ba’an uu ku haayo dadka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Baay, isagoo intaasi ku daray in’ay ganacsi xoog leh ka sameysteen magaalooyinka waaweyn ee Puntland, hase ahaatee wuxuu sheegay in’ay ka xun yihiin ganacsiga ay halkaasi ka wadaan. Sidoo kale wuxuu sheegay markasta oo ay qaraxyo ka dhacaan ama wax-yeelo kale ay ka dhacdo magaalooyinka waaweyn ee Puntland, in uu maamul goboleedka Puntland uu gacanta kusoo dhigo shacabka kasoo jeeda Baay iyo Bakool, deetana wuxuu u soo tarxiillaa buu yiri Koonfurta dalka Soomaaliya. Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cali Cusmaan “Diinsoor” ayaa sheegay in dad badan ay kasoo wadeen Puntland, iminkana ay ku sugan yihiin magaaladda Muqdisho, kadib markii buu yiri aanu u adkeysan weynay midab takoorka uu maamulka Puntland uu ku haayo shacabka kasoo jeeda Koonfurta. waa markii ugu horeysay oo mudane ka tirsan baarlamaanka xukuumadda kmg ee Soomaaliya uu shaaca ka qaado, in maamul goboleedka Puntland uu midab takoor ba’an ku haayo shacabka kasoo jeeda Koonfurta, gaar ahaan kuwa Baay iyo Bakool. Filsan C/Raxmaan Hawl-wadaag, Muqdisho Xidigta114@hotmail.com Dhacdo.com
-
dhibkaas ay leedahay hadii aysan jirin dowladd dhexe oo awoood leh .......................................
-
badahii kheyraadka marka laga xaalufiyay oo badii sun lagu shubay ayeey Nimankani badda galeen......
-
Freedom speach Africa wali ma so gaarin,,,,,,,,,,,
-
Shiribka maanta Xassan daahir Xassan cabdulle xirsi (Turki)
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
^ -
Is Shariif becoming the Zainal Caabideyn of Puntland.
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in Politics
xooga dollar aa la siiye dadkaas -
qodax is reer xamar now
-
African Union declares South Sudan’s vote credible, free and fair
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
haba filanin hadii kale heart attack ayaa la dhiman marka xaqiiqda ogaatid -
Shiribka maanta Xassan daahir Xassan cabdulle xirsi (Turki)
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
LOOOOOOOOOL nuune anigu mataan waa ahee laakin reer celdheer baan ahay -
Shiribka maanta Xassan daahir Xassan cabdulle xirsi (Turki)
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
Wyre ma arkino caadi mahan maya bro aniga ma diyaarin waa sxbkey cali xaraare -
Mayaani;688816 wrote: Oba hadey ku oranayaan maxaa taqanaa oo an qabiil ahayn hadii aad tilmaantid inay waxay la ordayaan qabiil qayaxan yahay. aniga wixii la yiri ayaan sheegay xaajiba wuxuu yiri waa sheekada SOL waxaasi marka adiga badaan xaa ku gelshay cml
-
Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aan ah baa ka xun.
-
Makulaal mugeey minikeeda joogto miciyo libaax ay leedahay nin geed fuulay asiga lee kaso degi Khamro hadaas cabtid, marqaan aas noqohee Maanyo maha laga galo dhanaan waaye Kastuumo ka weyn Jinkaa maahin. Aduun ku raagtid geel dhalaayaas arki
-
Jacaylbaro;688780 wrote: Qarax = Cowke = Mr. Somalia ...... Imisaan lahaa
-
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb [Max’ed dhere] oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa kaga hadlay arimmo badan, isagoo ka dalbay DF inay la hadasho Puntland, ayna ka qancsiyo sababihii keenay go’aankii ay dhawaan xiriirka ugu jareen. “Dowlada Somalia, waa inay la hadasho dowlada Puntland, ayna qanciso maamul iyo shacab qaladkii ay dhawaan ku ku kacday” ayuu yiri Maxamed Dheere, oo sheegay in maamulka Puntland ay udub dhexaad u tahay dowlada dhexe ee Somalia. Warsaxaafadeed maalin ka hor kasoo baxay golaha wasiirada maamul goboleedka Puntland ayaa ku sheegeen inay xiriirka u jareen dowlada uu horkacayo Sheekh Shariif, iyagoo ku eedeeyay DF inay isku dayday inay Puntland ka horistaagto ka qaybgalka shirarka calaamiga ah. “Puntland waxay cadeynaysaa inaysan matalin dowlada dhexe ee Somalia, waxaana ugu baaqaynaa in xafiiska UNPOS, uu Puntland ula dhaqmo sidii maamul ka madaxbanaan DF” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Punland oo uu saxaafada u akhriyay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Puntland Dr. Daa’uud Cumar. Maxamed Dheere, ayaa ku eedeeyay Al-shabaab inay hay’adaha gargaarka u diiday inay dadka ku dhibaateysan gobolada ay abaaruhu ku dhufteen la gaarsiiyo mucaawinooyin, isagoo sheegay inay gubeen raashin loo waday dad dhibaateysan, taasna ay ceeb iyo waji xumo ku tahay DF, isagoo dhanka kale dowlada ugu baaqay inay dadaal u gasho sidii ay dadkaas gargaar ku gaarsiin lahayd. “Al-shabaab, iyaga ayaa wata dhar ay gaalo sameysay iyo hub ay sameysay, raashinkana ma lahan galo ee waa inay dadka u ogoladaan in gargaar laga siiyo, haddii kale waxaa imaanaysa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu gaarsiiyo” ayuu yiri Maxamed Dheere, oo shacabka u baaqay inaiy dowlada gacan ku siiyaan sidii Al-shabaab looga adkaan lahaa. Duqii Muqdisho, wuxuu xukuumada Farmaajo, ugu baaqay inay ka dhabayso go’aankeedii ahaa inay dib u qabsanayso goobaha ay ka taliso Al-shabab, maadaama taasi ay qorshaheedii shaqo ka mid ahayd, wuxuuna calaamka ugu baaqay in dhinaca ciidanka laga taageero DF. Xukuumada Somalia, ayaa ka talisa qaybo yar oo Muqdisho ka tirsan, halka Al-shabaab oo ah awooda keliya ee dowlada Somalia dagaalka kula jirta ay ka taliso Gobolada Koonfurta iyo qaybo ka tirsan Gobolada Dhexe.
-
Popular Contributors