oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Dagaal Oogaha Shabaab u qaabilsan marinhabaabinta carruurta Shabaab u dagaallanta Fu'aad Maxamed Qalaf ayaa ka laabtay hadal dano ku dhisnaa oo uu sanado ka hor u jeediyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu dagaal gelinayay. Hadalkaas ayaa ahaa in wixii ka soo hara Shabaab ay yihiin Gaalo dilkooduna uu bannaan yahay. dhawaan ayuu ka laabtay go'aankaas, wuxuuna sheegay in dadka aan la dhihi karin Riddo, aan la iska dili karin, isla markaana aysan diinta waafaqsaneyn in qofkii lagu arko Madaxtooyada la dhaho Diinta ayuu ka baxay. halkaan ka dhageeysta iyado cod ah : http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/barnaamijyo/warbixin_shongole.wma
-
Wefdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamed Fiqi iyo saraakiil Milateri ayaa maanta u safray dalka Talyaaniga. Saraakiisha ku wehlineysay safarka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxay kala ahaayeen Taliyaha ciidanka nabad sugida Qaranka Jen. Maxamed Sheekh Xasan, Jen. Maxamed Sheekh Madoobe, Jen. Muuse Xasan iyo Jen. Maxamed Aadan Biixi, waxaana la filayaa wefdigaasi ka socda Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya inay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaataan saraakiisha ugu sareysa Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Talyaaniga iyo weliba xubno kale oo ka mida xukuumada Talyaaniga. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin garoonka Aadan Cabdulle hadal kooban siiyay Warbaahinta isagoo sheegay in kulankani uu qeyb ka yahay booqashadii uu dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo xusay in qodobo ka mid ah balan qaadyadii dowladda Talyaanigu u sameysay Dowladda Federaalka la filayo inay isla meel mariyaan. Xukuumada Talyaaniga ayuu ku ammaanay sida ay u dooneyso inay ku taageerto dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed dedaalkeeda ku wajahan soo celinta nidaamkii iyo kala dambeyntii dalka.
-
20 sano kahor maalintaan biloowgii dagaalada sokeeye ee dalkeena, maalin lama iloobaan :(
-
Good Work reer abtiyaalo, Galmudug samo ku waarta guule ugu baryeena.
-
Olole Nadaafadeed oo Muqdisho ka biloowday
-
Wasiirro la kulmay dhallinyaradii ka soo goosatay Shabaab
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Jiiroow Bakaal;690298 wrote: Ciyaalkii Caliyaal Cimaamad loo xiraa asaa alshabaab waaye lagu leeyahay .lllolll Ar kan Caliyaale ku waashay neh xow ahaa acuudi bilaahi -
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada KMG ah ayaa maanta la kulmay dhalinyaro farabadan oo hore uga soo goosatay maleeshiyaadka Shbaab. Ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Gaashaandhiga, C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Dr. C/kariin Xasan Jaamac iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maanta xarunta Nabadsugida Qaranka kula kulmay dhalinyaro farabadan oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Shabaab oo hore Dowlada isugu soo dhiibay,, waxaana sidoo kale kulankaasi goobjoog ka ahaa Taliyaha Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed. Ku simaha R/wasaaraha oo dhalinyaradaasi la hadlay ayaa sheegay in Dowladu ay ku faraxsantahay soona dhaweeyneeyso ga’aankooda ku aadan in ay ka soo baxaan Shabab. wuxuuna intaa raaciyay uu Madaxweynaha uga sido Salaan, Dowladuna ay daryeel wanaagsan u fidindoonto dhalinyarada ka soo baxda Shabaab, isagoo u rajeeyay in ay ka qeyb gaadan doonaan difaaca dadka iyo dalkooda. “ Waxaan ugu baaqeeynaa in ay dhalinyarada kale ee la marin habaabiyay ee wali ka mid ah Shabaab in ay Dowlada isu soo dhiibaan, waana hubaal in Dowladu ay daryeel wanaagsan u fidindoonto dhalinyaradaasi” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Dr. C/kariin Xasan Jaamac. Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada Dwolada KMG ah ay ku dhiirigelineyso dhalinyarada ay Maleeshiyaadka Shabaab u adeegsadaan dagaalada lagu gumaadayo Shacabka Soomaaliyeed.
-
Bilaash ay isku wareerinayan Husni mobarek has the support from Israel and Reer Galbeedka...
-
Fu’aad Shongole oo dhaliilay Xarakada Al Shabaab, taageerayna dowlada madaxweyne Shariif Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” oo kamid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab oo maanta laga maqlaayay warbaahinta magaaladda Muqdisho ayaa si weyn u dhaliilay maamulka Xarakada Al Shabaab ee uu Amiirka ka yahay Axmed Godane, ammaan balaarana u jeediyay dowladda madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Fu’aad Shongolle oo horey looga bartay xukunada deg deg ah iyo in ruux Muslim ah uu ugu yeero “Riddo, Murtad iyo dhiigiisu waa banaan yahay, ayaa waxaa maanta kasoo yeertay hadalado cajiib ah. Wuxuu uga digay dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab in’ay ku deg degaan in ruux Muslim ah loogu yeero diinta buu ka baxa, waa uu gaaloobay iyo dhiigiisu waa uu banaan yahay, isla-markaana wuxuu xusay in maalinta Aakhiro loo-qabsan doono, haddii uu ku kaco qaladaadkaasi. Wuxuu kaloo uu sheegay in Xarakada Al Shabaab looga baahan yahay in’aysan weligeed Jabhad ahaan oo ay la-imaado siyaad fur furan oo ay wax ugu qaban karto ummada Soomaaliyeed oo dhex dabaalaneysa dhibaatooyin aan dhamaad laheyn. Sidoo kale Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu ku dhaliilay in’ay sii wado dagaaladda aan dhamaadka laheyn ee ka soconaaya caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo ka digay in lasii daadiyo dhiigga dadka Muslimiinta ah ee ku nool magaaladda Muqdisho. Dhanka kale Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” ayaa khubadiisa kusoo hadal-qaaday dowladihii Aadan Cadde, C/Rashiid Cali Sharmarke, Maxamed Siyaad Barre, C/Qaasim, C/Laahi Yuusuf iyo tan madaxweyne Shariif, isla-markaana wuxuu sheegay in dowladda madaxweyne Shariif ay tahay dowladda kaliya ee ugu wanaagsan, maxaa yeelay buu yiri waa dowladda kaliya ee qaadatay Shareecada Islaamka. Wuxuu sheegay in dowladda madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay tahay dowladda wanaagsan oo ogol buu yiri in’ay ku shaqeyso Shareecada Islaamka, isagoo si maldahan u sheegay in loo-baahan yahay in dadka ka tirsan dowladaasi aan loogu yeerin Murtad, Rido iyo dhiigiiso waa uu banaan yahay. Hadalkaan maanta kasoo yeeray Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf Khalaf “Fu’aad Shongolle” ayaa wuxuu noqday hadal ay si weyn ula yaabaan shacabka ku dhaqan caasimadda, isla-markaana waxay wax iska weydiiyeen sida uu isu badalay Sheekha. Dhacdo.com
-
Fu'aad Shongole" ma banaana isqarxinta, dilka iyo gaaleysiinta dadka Fu’aad Shongole oo dhawaan ku biiray garabka qunyar socodka ah ee Shabaab ee ka soo horjeestay garabka uu hogaamiyoAxmed Godane ayaa markii ugu horeeysay dhaliilay in qof Muslim ah uu isqarxiyo. Fu’aad Shongole oo ka mid ah horjoogayaasha Shabaab isla markaana hore looga bartay gaaleeysiinta dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah een aaminsaneyn afkaartooda xagjirnimada ah ayaa Maleeshiyaadka Shabaab u sheegay in aaneey banaaneyn isqarxinta. “Waxaan idinkaga digayaa in dadka la gaaleeysiiyo laguna degdego dilkooda, iyadoo lagu eedeeynayo qofka la dilayo inuu tagey meelo ay Dowladu joogto, ama Jaajiisnimo, Wallaahi taasi maalinta qiyaamo qiil idiinma noqoneyso ee halaga fiirsado dilalka gumaadka ah eed u geysaneysan Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah” ayuu si caro ka muuqato u yiri Fu’aad Shongolo. Sidoo kale Fu’aad Shingole ayaa isweydiiyay waxa ay doonayaan Soomaalida, mar hadii ay diideen Dowladihii dalka isaga danbeyay, haatana ay ka soo horjeedaan Dowladan oo qaadatay Shareecada Islaamka. Waxa uu ku dhaliilay Shabaab in ay doonayaan in ay isaga jiraan Jabhadnimo, taasina ma aha wax la qaadabkaro ayuu ku celceliyay, isagoo xusay inaanuu jirin Nidaam la qaato oo ka wanaagsan kan ay qaadatay Dowlada Shariif oo ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Hadalka Fu’aad Shomgole ayaa ka soo horjeeda aragtidiisii hore ee uu ku xalaaleyn jiray dhiiga Muslimiinta, isla markaana uu ku xukmiyay in dadka ka soo horjeeda Fikradooda ay riddo yihiin naagahoodana la guursan karo. Horjoogaha Shabaab ugu sareeya Aadan Godane ayaa hoos u dhigay xilkii Fu’aad uu ka hayay Maleeshiyaadka Shabaab, taas ayaana loo arkaa in ay kentay hadalada dabacsan een hore looga baran horjooge Shongole, waxa uuna ka mid noqday garabka qunyarsocodka ah ee Shabaab. Radiomuqdisho
-
Fu'aad Shongole ka digay sabab la'aan in qofka Murtad lagu xukmiyo dhiigiisana lagu baneysto Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf (Fu'aad Shongole) ayaa markii u horeysay Khudbad ka duwan khudbadihii adkaa ee uu horay uga jeedin jiray meelaha fagaaraha ee ay dadka isugu yimaadaan jeediyay isagoo si layaab leh u badalay mowqifkiis. Fu'aad Shongole oo ah nin ad adag, hadaladiisana ay kulul yihiin ayaa Khudbad lidi ku ah kuwiisa hore jeediyay, isagoo ka digay in si fudud dadka lagu gaaleysiiyo, deetana dhiigiisa la baneysto. "Carabkiina ka ilaaliya inaad qof Murtad dhahdaan, sabab la'aan hebel waa gaaloobay, oo aad dhiigiisa ku baneysataan dhalinyaroy"ayuu yiri Fu'aad Shongole oo u muuqday nin mowqifkiisa wax iska badaleen. Mr Shongole oo u qaabilsan Shabaab dhinaca dacwada iyo soo saarista Fatwooyinka ayaa warar soo baxaya sheegayaan in xilkaas laga qaaday, kadib markii uu dhamaadkii sanadkii hore lahjad kulul ku weeraray Amiirka Al-Shabaab. "Qof hadii Gaalnimo uu ku tuuro qof kale isagoo mu'min ah ogaada taas waa ku soo laabaneysaa, Gaalnimaa nin hebel ku arkay, muxuu u aaday meelahaas ma ahan wax lagu deg dego, dhiigiisana lagu baneysto"ayuu sii raaciyay Fu'aad Shongole oo ugala jeeday dadka taga xarumaha Dowladda ee aan ka tirsaneyn in isagoo aan la ogeyn wuxuu u aaday in la dilo, taasoo marar badan ay u dhacday dilalkaas gardarada ah. Mar Fu'aad uu soo hadal qaaday Xukuumadihii dalka soo maray ee kala ahaa Maxamed Siyaad Barre, Gen. Caydiid, Cali Mahdi, C/llaahi Yuusuf inay ahaayeen Xukuumado aan marna ogoleyn Shareecada islaamka, hase ahaatee Xukuumadan Shariif ay qaadatay shareecada Islaamka, balse ma uusan sii faah faahin sababtiisa. "Waligeen Jabhad miyaa ahaaneynaa, waxaan marqaati ka ahan in qaladaad badan inuu jiro"ayuu si kooban u yiri Fu'aad Shongole oo hadalkiisa u muuqday mid calaamad su'aal ahaa. Khudbadaha kulul ee uu jeedinayo Fu'aad Shongole ayaa muujinaya sida mowqifkiisa uga soo dabcay, sidii hore, iyadoo Fu'aad horay goobaha fagaaraha uga hadli jiray hadalo uu ku weerari jiray Xubnaha Dowladda, isla markaana ku tar tarsiinayay in lala dagaalo. Fawto uu sanadkii 2007-dii soo saaray Fu'aad Shongole ayaa waxaa uu ku gaaleeysiiyay Xubanaha Dowladda, sida Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka in aragti lagu dilo, xaasaskoodana ay ka furan yihiin, sidoo kale waxaa uu dil ku xukumay dadka baabuurta u wata, kuwa biyaha u dhaamiya iyo dadka taageeraya, khudbadaas oo muuqaal Video laga haayo. "Dhamaan inta biyaha u dhaamisa, baabuurka u wada, kuli waa Murtad, Madaxweynaha waa murtad, Ra'iisul Wasaaraha waa murtad, Baarlamaanka waa Murtad, waa inaad aragti ku dishaan, diinka ilaahey waa ka baxeen"ayaa ka mid aheyd Khudbadii Fu'aad ka jeedin jiray Masaajidada. Ma cada waxa xilligan ku soo beegay in Fu'aad Shongole uu wax ka badalo mowqifkiisa hore, waxaana ay ku soo aadeysa xilli Shabaab ay qorsheynayaan inay bilaha soo socda ku dhawaaqaan Dowlad Islaami. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com
-
Ah Sharif Hotel! Idi Amin was also once the King of Scotland...
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
General Duke;690009 wrote: Qodax you are a new born. So let me school you. Yey visited all over Puntland as leader, even had land in Galgala and held meetings there. He also as President of Somalia wihtout the Ethiopian, Ugandan, Burundian or any other UN support. Visited, South Galkacyu, Beledweyne, Bulu Burte, Jilliliqsi, Jowhar, Mahaday, Baidoa. Now do you even know the distance in these regions. Yey with the support of his valiant troops, landed in Jowhar and staid there for a year.. Jowhar which the Sharif with 8000 troops can not visit, his own local clan base. Thats the difference lads. But the failure is deeper, than that. This man still claims to have achieved something. LOL, 50 000 Amxaaro la'anteeda ma gaari kari lahaa magaaloyinkan, dont forget amxaarada inteysan imaan he couldn't even come to Muqdisho in 2005 thats why Baidoa and Jowhar became xaruntiisa... Marka dee ina yeey ha buunbuunin yaa general -
Nin xaar xero uu ootay isku xaal ii xaajo ma nihin
-
Lol waar dee daa rageedi weeye
-
Tuujiye i feel u bro laakin Ancelotti ha naga tago.
-
Madaxweyne Shariif oo furumaha booqday.SAWIRRO Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday Furumaha ay ciidamada Dowladdu ku sugan yihiin ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa kormeeray Warshadda Caanaha iyo Isbitaalka Xoogga oo ay ciidamada Dowladdu difaac uga jiraan isagoo soo maray fariisimo kale oo degmada Hodon ka tirsan. Cutubyo ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayuu salaam ka qaatay Madaxweynaha oo ku labisnaa Tuutaha Ciidamada, waxaana warbixin halkaasi ku siiyay saraakiisha ciidamada ee ku sugan jiidda dagaalka. Hadal gaaban oo uu siiyay Radio Muqdisho ayuu ku sheegay in socdaalkiisu uu dhiirri gelin u yahay ciidamada, isla markaana uu qeyb ka yahay dardar gelinta howlaha ammaanka ee dalka. Ku simaha R/wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay booqday fariisimaha ciidamada Dowladda ee ay uga jiraan difaaca, ayagoo warbixino ka qaatay saraakiisha ciidamada eek u sugan halkaasi.
-
Alshabaab forces clash with ahlu suna waljamaca in galguduud.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Suufiyasha waa niman culus. -
Gudoomiyaha degmada Wadjir ee dowlada KMG Somalia Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) ayaa ugu baaqay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee ku sugan Muqdisho in ay si wanaagsan wax uga qabtaan amaanka ama ay dalka isaga baxaan. Axmed Daaci oo galabta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ku tilmaamay ciidamada AMISOM in aysan daacad ka aheyn dagaalka ay kula jirto kooxaha kasoo horjeedo dowlada iyo iyaga isaga oo arrintaasina sababeeyey. "Waxaan la yaabanahay Taangi ay wataan AMISOM ayaa waxaa lagu soo ridayaa qori AK4 ah ama PKM markaasuu kasoo laabanayaa, AMISOM daacad kama ahan dagaalka, hadii aysan rabin an ay wax u qabayo shacabka Soomaaliyeed ha isaga laabtaano dalakooda Uganda iyo Burundi" ayu yiri Axmed Daaci. Mr Daaci ayaa dhinaca kale ku eedeeyey dowlada KMG Somaliya in aysan waxba kusoo kordhin dalka isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay ra'isulwasaaraha Soomaaliya. "mas,uul kasto marka la magacaabo wuxuu balan qaadayaa in uu wax qabanaayo, xukumadan waxay balan qaaday in amaanka ay ku hagaajineyso 100 maalmood gudahood, hada waxay cuntay 60 maalmood aaway xeey qabatay" ayuu yiri Axmed Daaci. Mas,uulkaan oo lagu xasuusto degmada Wadajir oo ah halka ugu nabadoon magaalada Muqdisho ayaa ugu ku eedeeyey hey'adaha gargaarka in aysan waxba u qaban dadka barakacayaasha ah ee ku nool Dharkeenley. Waxa ku sifeeyey hey'adaha in aysan waxba u dhaamin Al Shabaab oo dadka abaaraha iyo gaajada heysato ka hor istaagay gargaarka, waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan walaalahood ku baahan dalka.
-
Lol mooshin maxey uu sameyn waayeen
-
Xarakada Al shabaab oo caawa Dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh ka bilaabay Magaalada Kismaayo iyadoo Gadiid dagaal iyo ciidamo farabadan ay maqribkii ka baxeen Magaalada, kuwaas oo qabtay dhinaca degmada Dhoobleey oo xiisado dagaal laga dareemayo. Warka oo faahfaahsan Halkaan ka akhrista: http://jowhar.com/news.php?readmore=2817
-
Popular Contributors