oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Yeah zack inshallah kheyr, sharta sakiin ilaahay ha naga mootiyo.
-
Zack, Sax laakin keligiisi asigu waxkasta ma qaban karo,, xakuumadan ayaa waxqabad laga sugaa ee bal aan aragno sida ay wax noqoto..
-
Wiil Soomaaliyeed oo Al Shabaab Carabka ka jareen (Video Sawiro)
oba hiloowlow replied to Mooge's topic in General
Aaamiin -
Showqi loool
-
Wiil Soomaaliyeed oo Al Shabaab Carabka ka jareen (Video Sawiro)
oba hiloowlow replied to Mooge's topic in General
Ayaan darro waaye maxey ahaayeen kuwaan, belaayo idin aragtaye. -
Mayaani;691247 wrote: Oba sharifku haduu tago wadankan wadankiisa ma aha calan cusubna wuu la soo baxaa. Xaa asaga u diiday minay Putland iyo Somaliland calan yeeshen. LOL, Shariif soomalinimo daacad ay ka tahay waxa looga taagan yahay sidaas waaye ileen qabiilkiisa 90% mucaarid ay ku yihiin nin ******** oo dadka xasuuqi jiray waala rabaa laakin nin sheikh oo daacad lama rabo...
-
LOOOOOOOOOL caadi mahan
-
Kadib markii ay Qaramada Midoobe *****lka ka qaaday in xukuumadda madaxweyne Shariif ay u harsan tahay todobo bilood oo qura ayaa waxaa amuurtaasi ka hadashay dowladda kmg ee Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibada ee dowladda Soomaaliya Maxamed C/Laahi Oomaar oo ku sugan magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku qabtay shir jaraa’id, wuxuuna *****lka uu ka qaaday in waqtiga u harsan xukuumadda Soomaaliya ay taasi go’aan cad ka gaari karayaan shacabka Soomaaliya, isla-markaana ay taasi shaqo iyo shuqul toona laheyd Qaramada Midoobe. Wasiirka ayaa ku nuux-nuux-saday in shacabka Soomaaliya ay go’aan cad ka gaari karaan xilliga u harsan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed, isla-markaana shacabka waxaa looga fadhiyaa buu yiri go’aan ka gaarista xilliga madaxweynaha. Sidoo kale Maxamed C/Laahi Oomaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay, qaabka ay uga tukha-lisi laheyd xoogaga Xarakada Al Shabaab oo dagaalo xoogan kala soo horjeeda xukuumadda kmg ee Soomaaliya. Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee dowladda kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Oomaar ayaa sheegay in Qaramada Midoobe ay go’aan ka gaari karto arrimaha dalka Somaliya, waa marka buu yiri ay shacabku Soomaaliyeed xukmin waayaan waqtiga u harsan xukuumadda Soomaaliya. Hadalkaan kasoo yeeray Maxamed C/Laahi Omaar ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli Qaramada Midoobe ay *****lka ka qaaday in madaxweyne Shariif uu u harsan oo qura todobo bilood, isla-markaana dalka Soomaaliya loo-sameyn doono doorasho, lagu soo dooranaayo madaxweynihii hogaamin lahaa dalka.
-
at least 7bilood ee uu harsan waalo dhameystira.
-
Amiirka Xarakada Al Shabaab oo looga bartay hadalo kul kulul ayaa waxaa maanta kasoo yeertay hadalkii ugu dabacsanaa ebid ee kasoo yeeray amiirka Xarakada Al Shabaab. Amiirka Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr” oo ay Soomaalidu u taqaano Axmed Godane, ayaa wuxuu soo saaray fariin maqal ah oo lasoo gaarsiiyay bahda warbaahinta, wuxuuna kaga hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya. Amiirka ayaa *****lka ka qaaday inaanan loo-baahneen in ummada Soomaaliyeed aan la-nacsiin Diinta Alle, xilli uu dalka aafeeyay buu yiri abaaro baahsan oo ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu maamulka Xarakada Al Shabaab uu ugu baaqay, inaanan walaalaha Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, la-nacsiin Diinta Alle “SW”. “Walaalaha Shabaabka waxaan lee-yahay ummada Soomaaliyeed yesan Diinta Alle nacsiin, maxaa yeellay waxaa loo-baahan in’ay Shabaabku muujiyaan naxariis, waayo dalka waxaa ka jira abaaro daran” ayuu yiri amiirka Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr”. Sidoo kale Axmed Godane ayaa wuxuu sheegay in maamulada Shabaabka ee ku sugan gobolada ay ka taliyaan, in’ay shacabka ula dhaqmaan si wanaagsan oo ay ummada ku qanci kareyso, isla-markaana wuxuu dhawr jeer uu kusoo cel-celshay inaanan ummada la-nacsiin Diinta Islaamka. Dhanka kale amiirka Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr” ayaa wuxuu *****lka ka qaaday in maamulka Xarakada Al Shabaab looga baahan yahay Cadaalad, waayo buu yiri Cadaaladda waa midda kaliya ee ugu wanaagsan, lagana doonaayo ruuxa Muslimka ah. Hadalkaan kasoo yeeray amiirka Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr”, ayaa wuxuu noqonaayaa hadalkii ugu dabacsanaa ee kasoo yeeray Amiirka, iyadoo aan la-ogeyn waxa keenay xilligaan in amiirka uu ku hadlo hadalo damacsan.
-
Adeer weli halkii baan taaganahay, We are one of the few countries with a homogeneous population. Walahi waxaan aaminsanahay hadii daacad laysku noqdo, lays cafiyo in laysku so dhawaan waayo wadamo badan aa jiro oo dadka degan diiman,luuqado iyo dhaqamo kala duwan haaysta and still qaranimadu wey ku adagyihiin.. Somaaalida markey ogaato macnaha qaranimada iyo midnimada maalintaas ayaa horumar la gaari doonaa inshallah
-
Onemangang, Cabdullahi yusuf and geedi brought xabashi and some soldiers from PL, markii la doortay shariif waa wada baxeen, waxey noqotay inuu ciidan cusub dhiso, waxkasta kow kaso bilaawo. Ciidan boqolal gaarayo sidee ay ku sugi karaan amaanka goobaha ay 50 000 ethiopian + copy amxaaro ay sandulle ku heysteen, caqligaaga isticmaal ee caayda iska dhaaf infact if u better than him dee orod bax muqdisho aad oo isbedel ku sameey wuxuu sameyni waaye sheikha,howl fudud miyaa uu maleeysa.. Hadda ayaa la gaaray wakhtigii dowladda guuleeysan laheyd ee uu fiirso sxb shacabkii dowladnimo waa uu bislaadeen.
-
Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya oo shaqada ka raacadeeyay shirkadda Saracen International Xukuummadda kmg ee Soomaaliya oo horey shaaca uga qaaday in’ay xiriirka u jari doonto shirkadda Saracen International oo laga lee-yahay dalka Maraykanka, ayaa waxaa maanta laga mamnuucday in’ay ka hawl-gasho dalka Soomaaliya. Raa’isal Wasaaraha dowladda kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo” oo maanta kullan balaaran la-yeeshay Golaha Wasiiradiisa ayaa wuxuu shaqada uu ka raacadeeyay shirkadda Saracen, oo dalka ka hawl-gelli jirtay. Farmaajo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta wixii ka dambaayaahi ay shirkadaasi ka hawl-gelli kareyn gudaha dalka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in’ay fahmi waayeen waxay ay tahay shirkadaasi oo ah shirkad gaar loo-lee yahay. Sidoo kale Raa’isal Wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa wuxuu kaloo uu sheegay in dalka Soomaaliya ay ka mamnuuci doonaan, shirkado kale oo iminka dalka ka hawl-galla, isagoo intaasi ku daray in’ay iminka ku wadaan baaritaano. Dhanka kale talaabadaan uu Farmaajo shaqada uu uga joojiyay shirkada Saracen International ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay xubno kamid ah Golaha Wasiirada ee dowladda Soomaaliya, oo kullankani goob joog ka ahaa. Shirkadda Saracen International ayaa waxaa la-garan waayay cidda dhabta ah ee heshiiska la-gashay, iyadoo ay jah-wareer fara-badan ay dhalisay, ciddii heshiiska lasoo saxiixatay shirkadaan oo laga lee-yahay dalka Maraykanka.
-
Somalia Official Urges Somaliland to Help Stabilization of South
oba hiloowlow replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I agree with u Thankful, waliba dalka dowladd dhexe oo awood leh kama jirto marka arinta somaliland arin hadda go'aan laga gaari karo maahan... -
Somalia Official Urges Somaliland to Help Stabilization of South
oba hiloowlow replied to Jacaylbaro's topic in Politics
bal ogaada waa dantina as well believe me, -
Qudbadii ugu dambeysay ee Marxmum Jaalle Siyaad
-
acuudibilahi u mean hadaladii sanad kahor, gaaleeysiinta mahino shyt ninkaas diinta uu sheeganaya xay tahay im lucky i aint him.
-
If you were giving the power to bring someone to life *
oba hiloowlow replied to Kulmiye's topic in General
Nebi Muhammad (S.A.W). -
Meeshaan rajo aa ka so socotoo ku dayo shongole ku dayo
-
Popular Contributors