oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Gudoomiyaha Jaaliyadda beesha Mudulood ayaa waxaa xalay lagu dillay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ay dilkiisu ka dambeeyeen kooxo la-sheegay in’ay u dhasheen dalka Kenya. Kooxo hubeysan oo u dhashay dalka Kenya ayaa waxay xalay toogteen Gudoomiyaha Jaaliyadda Beesha Mudulood Suldaan Aadan Hilowle ee dalka Kenya, xilli isaga iyo laba ruux oo kale ay dhex marayeen xaafadda Islii “East Leigh” ee magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Kooxdaan ayaan la’ogeyn in uu dilkoodu ahaa mid qorsheysan iyo in uu ahaa mid ay ku dhacayaan oo kaliya gudoomiyaha, hase ahaatee dadka intoodu badan ayaa waxay sheegayaan in kooxdaasi ay dooneysay kaliya in’ay dhacaan marxuumka geeriyooday iyo labada ruux ee kale ee la-socotay. Labada ruux ee gudoomiyaha la-socotay ayaa waxay lagu kala magacaabaa C/Nuur Sheekh Axmed iyo Shariifo Cadow, iyadoo uu dhaawac soo gaaray haweeneyda lagu magacaabo Shariifo Cadow. Dilka kadib ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamadda ammaanka/booliska ee magaaladda Nairobi, isla-markaana waxay halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano kala duwan, iyagoo sheegay in’ay ku raad joogaan kooxdii ka dambeysay dilka Gudoomiyaha Jaaliyadda Beesha Mudulood Suldaan Aadan Hilowle. Majirto wax war ah oo kasoo baxay xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan dilka Gudoomiyaha Jaaliyadda Beesha Mudulood Suldaan Aadan Hilowle ee dalka Kenya, hase ahaatee dilka gudoomiyaha ayaa waxaa si weyn uga naxay Soomaalida ku dhaqan magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
  2. The ''Superclass'' list: United States of America 1. George W. Bush[2] 2. Arnold Schwarzenegger[1] 3. Ronald Sugar[1] 4. Jeffrey Immelt[1] 5. James "Jamie" Dimon[1][2] 6. Robert Zoellick[1] 7. Oprah Winfrey[1] 8. Indra Nooyi[1] 9. Al Gore[1] 10. Lee Scott[1] 11. Michael Mullen[1] 12. Mark Zuckerberg[2] 13. Pierre Omidyar[2] 14. Steve Case[2] 15. Sumner Redstone[2] 16. Michael Bloomberg[2] 17. Rex Tillerson[2] 18. Ben Bernanke[2] 19. Ken Lewis[2] 20. Stephen Green (banker)[2] 21. Lloyd Blankfein[2] 22. Sergey Brin[2] 23. Larry Page[2] 24. Bill Gates[2] 25. Warren Buffett[2] 26. Jerry Yang[2] 27. Henry "Hank" Paulson[4] 28. Joshua Bolten[4] 29. Gavin E. Warner[4] United Kingdom 1. Gordon Brown[2] 2. Mike Turner[1] 3. Richard Branson[1] 4. Bernie Ecclestone[2] 5. Lakshmi Mittal[2] 6. John Silvester Varley[2] 7. Mark Thompson[2] South Africa 1. Nelson Mandela[2] 2. Patrice Motsepe[2] Saudi Arabia 1. Bandar bin Sultan[1] 2. Al-Waleed bin Talal[2] Lebanon 1. Sheikh Hassan Nasrallah France 1. Nicolas Sarkozy[2] 2. Pascal Lamy[1] 3. Michèle Alliot-Marie[1] 4. Baudouin Prot[2] Australia 1. Rupert Murdoch[2] China 1. Hu Jintao[2] 2. Fu Chengyu[1] 3. Ding Lei[1] 4. Lou Jiwei[1] 5. Yang Huiyan[2] 6. Zhou Xiaochuan[2] 7. Richard Li Tzar Kai[2]
  3. Miskiin wallee waa tahay, Soomalida sida Beerisamaadkii ahaayeen ma uu maleeysaneh, waxbadan aa iska bedeli abaa.
  4. it is incredible that the ''superclass'' has so much influence over the world and the huge economic, military and political resources they have... They control over the media, representing religions and lead ruthless terrorist groups.
  5. ^^ Jabuuti shacabkeeda waxaaba uu maleynaaye Gheelle iney jeclaayeene....Shacabka Ethiopia iyo eritrea ayaa istaahilo dowladd democratic ah.
  6. Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo kormeer ku tagay Dekeda Muqdisho iyo Xarunta Bankiga Dhexe+Sawiro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kormeer howled ku tegay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi waxayna mas’uuliyiintani u kuur galayeen habsami u socodka howlaha dekedda iyo qeybaha maamulka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay madaxda Dekedda oo ay ka mid ahaayeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dededdaha C/qaadir Xaaji Maxamed Sudlan, Maareeyaha Dekedda Siid Cali, Maareeye kuxigeenada iyo madaxda Kastamka lacagaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxdan ku booriyay inay u shaqeeyaan si daacadnimo ku jirto isla markaana ay dhowraan ammaanadda ka dhaxeysa ummadda oo ay iyagu maamulayaan, wuxuuna u caddeeyey inay ku faraxsan yihiin sida ay howshu u socoto iyo kororka dakhliga ka soo xaroonaya bilihii ugu dambeeyey Dekedda. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kaloo kula dar daarmay inay horumariyaan qeybaha kala duwan ee adeega dadweynaha si ay u sahlanaadaan howlaha Dekedda sida rarista iyo dejinta badeecooyinka, isagoo u balan qaaday intii karaankeeda ah in xukuumadu wax la qaban doonto. Sidoo kale, kormeer uu ku tegay Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayuu kula kulmay Guddoomiyaha Bankiga dhexe C/llaahi Xaaji Jaamac Cali iyo saraakiisha kale ee Bankiga, isagoo sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay inay dhowraan hantida shacabka ayna ka hor tagaan wax kasta oo musuq maasuq ah maadaama dalka Soomaaliya qiimeyn la sameeyey ay kaalinta koowaad ka gashay Musuq maasuqa. “Waad la socotaan dalka Soomaaliya qiimeyn la sameeyey sanadkii 2010 wuxuu galay kaalinta koowaad ee musuq maasuqa, waxaana dooneynaa in arrintaasi aan ka hortagno cid kasta oo ammaano loo dhiibana waa inay si ALLE ka cabsi leh u xafidaa” ayuu ku yiri isagoo ugu dambeyntiina soo kormeeray qeybaha lacag qabashada iyo lacag bixinta ee Bankiga. Garaad Salaad Xirsi media@opm.gov.so Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com jowharcom@gmail.com
  7. Hala eryo Caado qataayashan mooshin lee wada, waa in tiradda la yareeyo 120 cml noqdaan oo xidlhibaan kasta waa inuu Masters degree haysta ugu yaraan oo daacad ahaada,4.5 systemkana la bedelaa... waa hadii taladey la yeelaayo.............
  8. I don't think so, atleast Zimbabwe wont,their leader are capable of doing everything possible to retain his authority
  9. Ina Lilah waa inna ileyhii Raajicuun. May Allah bless the departed soul... and provide sabar to his family.
  10. ----------Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay RA’iisul Wasaare kuxigeenkan ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamed Fiqi ayaa galabta booqday dhaawacyada dadkii maanta ku waxyeeloobay mashaqadii ka dhacday isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho iyagoo u balan qaaday in dadka dhaawacyada culus qaba loo sameyn doono gar gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah. Wasiirada kale eek u wehliyay booqashadan ayaa waxay kala ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiirka Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahim, Wasiirka Garsoorka Cabdullaahi Ebyan Nuur, iyo wasiir kuxigeenka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Siciid Maxamuud Jimcaale. Agaasimaha Isbitaalka Madiino Dr. Maxamed Yuusuf ayaa uga waramay wefdiga dhaawacyada ka dhashay mashaqadii maanta isagoo sheegay in ku dhowaad 60 dhaawacyo ah la keenay Isbitaalka ayna u sameeyeen adeegyo kala duwan sida Qaliino kala duwan, gargaar deg deg ah iyo xanaaneyn, wuxuuna xusay in intii ay ku guda jireen howsha dhaawacyada iyo samatabixintooda ay ku geeriyoodeen Isbitaalka illaa 6 ruux, halka 5 ruux oo kalena ay ku dhinteen goobta mashaqadu ka dhacday ee isgoyska Baanadir waxayna tirada dhimashadu gaartay in ka badan 11 ruux. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga oo shir jaraa’id ugu qabtay gudaha Isbitaalka bahda saxaafada ayaa u tacsiyeeyey dhamaamba eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadka maanta geeriyooday kuwaasoo u badnaa Askarta Dowladda, wuxuuna xusay in cadaalada la hor keeni doono talaabona laga qaadi doono dadka falkan waxash-nimada ah geystay. “Wax dhacay maanta waa musiibo, waana u tacsiyeyneynaa qoysaskii, qaraabadii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii dhintay, inta dhaawacantayna ALLE caafimaad deg deg ah ha siiyo” ayuu yiri Mudane Fiqi oo u balan qaaday in dadka dhaawacyada culus qaba ay dowladdu ku dedaaleyso inay gargaar caafimaad oo dalka dibaddiisa ah u raadiso. Mashaqada maanta ka dhacday igoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib markii Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ay ka fakatay Rasaas fara badan oo ka dhacday qoriga loo yaqaano Zuu-ga kadib markii cilad farsamo ay qabsatay.
  11. Infrastructure dhinaca askarta ayaan habeysneyn marka shakiga ayaa sababayo arimahaan oo kale iney dhacaan sababto dhowr jeer ba dhacday in shabab dharka ciidamada gashteen kedibna is qarxiyeen, ciidanka waa in la diiwaan geliya oo card ID ay wataan sidii la isku shakin ba.
  12. waa arin foolxumo badan oo misstake ay aheyd, ninkii shacabka rasaaseeyena waala xiray... Ilaahay ha uu naxariisto dhamaan intii ku geeriyooday falkaan intii dhawaacmayna ilaahay caafimaad ha siiyo. Aaamiin
  13. Madaxtooyada oo beeniyay wararka sheegaya in Madaxweynaha kala diray Baarlamaanka (Warbixin) Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo baxay waxaa lagu beeniyay warar beryahan la hadal hayay, kaas oo sheegayay in Madaxweynaha uu damacsan yahay inuu kala diro Baarlamaanka. War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Xafiiska Jowhar.com Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay wararka la isla dhex marayay ay ahaayeen kuwo kutiri ku teen ah. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa guux weyn ka soo saaray hadal heynta ku aadan in Madaxweynuhu kala dirayo Golaha Baarlamaanka, kadib markii Gudoomiyaha Maxkamada sare loo magacaabay nin heysta PHD oo xilligii Maxkamadihii Islaamka ahaa Garsoore ka tirsanaa Maxkamadaha, isla markaana soo bartay sharciga iyo qaanuunka. Hadaba qoraalka ayaa waxaa uu u qornaa sida:- Warsaxaafadeed Ujeedo : Ka Jawaabid Qoraal Been Abuur ah. Waxaa nasiib darro ah iyadoo xaaladda soomaaliya ay marayso meel aad u adag oo ubahan in lagula tacaalo xikmad, iyo xilkasnimo masuuliyadeed in saxaafadda Soomaalida qaarkeed ay qoraan qoraallo been abuur ah oo lagu kala fogeynayo dowladda qeybaheeda kala duwan iyo weliba shacabka Somaaliyed. Waxaa maalmahan laysla dhexmarayay hadallo kutiri-kuteen ah oo sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed uu kala dirayo Golaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliiyeed, hadalkaas oo ah mid aan sal iyo raad toona laheyn , looguna talagaly in khilaaf iyo fidno laga dhex abuuro heyadaha Qaranka. Haddaba, Xafiiska Madaxweynuhu waxaa uu halkaan ku caddaynayaa in uu Madaxweynaha Soomaliya u taaganyahay ilaalinta sharciga iyo ixtiraamka Golaha Barlaamanka , isla markaana uu qadarinayo ahmiyadda uu Golaha barlaamaanku u leeyahay jiritaanka Qaranimada Soomalaiyeed. Waxaa uu sidoo kale Madaxweynuhu ugu digeyaa bahda saxaafadda qarkeed ee caadeysatay faafinta hadallo xaqiiqda ka fog in ay ka wantoobaan faafinta wararka been abuurka ah, kuwaas oo alaaaba huriya khilaaf, fidno iyo khalkhal siyaasadeed. Agaasimaha Warfaafinta XafiiskaMadaxweynaha Villa Somalia Mogadishu, Somalia Mabdalla@presidency.gov.so