oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
May god guide us all through the righteous path. Aamiin.
-
Great News...
-
Lol :D Man u vs City aan arkeena
-
Minay fatuuro fiiq tiraa, ninkii fadhaaya maa fayoow :D line-ka caadi maahan waayo waayo , showqi i don't know if they still use it..
-
bob sanadka hore yaa guuleystay ii maqalsii bo
-
LOOOOOOL @ Abshir bacadle
-
Nina, Shiribka caadi mahan shabaab waxeeyku shaacbexeen sheydaan waxlaayay sheekh ku sheeg shabaab waxeeyku shaacbexeen shisheeye keen shuruud la,aan so true. Lol MG, sheekadii Geedi miyaa keentay oo ahaa Seyoum mesfinow so dhawoow Sokeeye so kordhaa tahee Zanawiyow sama ku waar Saaxiib na saacidaa tahee
-
Gogol-dhig:- Indhowayd ba guurow katagay gabay ya taariikhe Ninna ima go’doomine anaa gaabsadoo xiray e Dhowr gu’ iyo dheeraad ma tirin tix iyo geeraar e Anigaa go’aansaday inaan yare guffeeyaaye Guddoonshow se kaad soo dirtay ed Godane waydiisay Eed tiri gafuur-duubashada golaha yaa keenay Eed tiri ma gacan-dhiiglahaa culima gaaleeyay Lagu garay ujeedkiyo macnaha gogol-dhiggaagiiye Lana garay halkaad geesiyow gaar is leedahay e Eebbaa se gacalkaa u maqan goor walabeetaba e Ha gablamin guddoonshow waqaa hana galiilyoonne Waan u guuxnay maansadi innana gebi ahaanteen e Gurboodkaa inkaariyo ninkaa idil gambooley e Maxaa geesiyaal iyo ikhyaar gowrac lagu jiiday Maxaa guurti iyo Culimadii gaalo lagu sheegay Halyeeyiyo maxuu geesiyaal gabawaroo laayay Gacalleyda hooyiyo maxaa gabar la naafeeyay Gaban yari maxuu waalidkii dhalay garaafeeyay Maxaa gebi masaakiin dhib iyo urugo loo gaystay Iyagoon gasiin haysan oo guri la’aan jooga Goofaha bannaan iyo maxaa geedo lagu hooyay Guhaad iyo intaa oo dhan baa ciil ku gaammuray e Gelin baa ka haray qura inay gebi kacdoomaan e Gardarrlloole loo showray baan goorna sii jirin e Nin gaal-leef ku dilay culimo baan Guulle bixinayn e Cimrigii markaan waa go’aye Godane waa mooge. Su’aalaha gantaashaa adaa diray guddoonshow e Aan gudbiyo wixii jira anoon gees na uga weecan Sir guffaysan aan soo bandhigo golaha aan keeno Gunta iyo asraaraha ku jira gudaha aan muujo Aan galo jawaabaha illeyn Godane waa mooge Jawaabihi:- Gafuur duubataa ama harkii gegi ka heestaaba Shacabkaa gumaadkiyo mixnada gelin walbow taagan Goor ay ahaataba mar bay gudan xaqoodaase Inay garan midkii eed ka gala Godane waa mooge. Bilaash bay go’aa ugu xardheen GUULLE magacii e Dan goonniya qasdigu weeye taa inay ku gaaraan e Waa ujeed gurracan oo naflaha lagu gummaadaaye Gu’ ya xays inaan kala naqaan Godane waa mooge Gacalkii dhalaye ababiyaye gaadda ku xambaaray Goortuu koraye guur holladay garabka kii siiyay Ee gaaffabixiyee dejee guri u weegaaray Inuu magaca kiisaa gadaa wow garaad xumo e Gole sooma joogsado waqii eed ninkii gala e Gama’ waa ka xaaraan inuu seexdo gogoshiise Gablamuhu naf badan buu qatilay gaadmo iyo toose Aabbihii wuxuu uga gurtiyo kii gardaadiyayba Yaanuu dhibbanihii ku garan galabta weeyaane Ninka se gelinka maalmeed harkii guraya saantaada Oo guuraha allaylkii mugdiga garan dhawaaqaaga Inaan gaaf na laga dhuuman karin Godane waa mooge Lama galin kitaab iyo duruus dhowr gu’ oo tagay e DIIN na u ma gargaarine xaqey gebi ka tuureene Sidii ay Islaamka u gureen ama gaabsheen ba Amay ceeb u gasyteen ka badan geedaha baxay e Gefkoodaa Kufaartowga daran gaalo idilkeed e Inuu gaday Islaamkii hubaal Godane waa mooge Go’i waayayeey! ma adigaa taabtay gobo’diiba Gabannadan la hodayee xigtiyo galcalba laynaaya Oo soohdimaha wada gudbee goosta taladooda Mindhaa waa gadood qura waxay garanayaaniine Inay soo gadaal celin barri ba waa gad aan hubo e Oy isgana gowrici se taa Godane waa mooge Kitaab uma goine khaarijkani wuu ku raad gadan e Gardarro na ninkeedey hoddaa goor iyo ayaane In giraantu weegaaran tahay Godane waa mooge Xamashadu guddoonshow ka badan go’idda taageer e Diyaaradaha guuxee intaa guudkannaga meera Kuwaa gaaf wareegiyo badaha guuto waxa jooga Gayshkaa inuu hago iyana gaartay sheekadu e Inaan gun iyo hoos ba u naqaan Godane waa mooge Har kuma geeyo duulkii naftiyo gooya hanaqaa e Nika gabay halkiisey doqoni gacan ka dhowrtaaye Garaad yare ninkays gowriciye gelaya dhiiggiisa Gaaladu ba ma yeelaan waxay nimanku goosteene Inaannaan kuwaa gacal ka filan Godane waa mooge Kol haddaan guddoonkaba la siin guurtiduna dooran Gar maahayn inuu keli xudduud gaar u fuliyaaye Goosaar ha joogtee kuwaa garow na aan haysan Ee guluf colaad iyo ku jira baahi iyo gaajo Qalad iyo Gef weeyaan inay xibin ka gooyaan e Wa taan gu’gi Rammaada ba la jarin tuugga gacantiiye Inuu Cumar (RC) xadkaa gelin hakiyay Godane waa mooge Gardarroole iyo daalim iyo kii gabood fali ba Guulle wuxu u kaadshaa muddiyo maalmo gelinkoode Kolkaasuu hadhow galab qabtaa gacanta toodaa e Gefki iyo waxaa laga gudaa eed wuxuu galay e Iilkiyo godkii iyo qabriba Godane waa mooge Gu’ ninkii ka wayn aabbihii garacnimow bayrye Garaad-yare ninkaa culimadii gebi ijaafeeyay Ee gaaleeyay Sheekhyadi dhammaan joogay geyigeenna Cidluu gabayaxoodaa dhabtiye waanu garanayn e Inuu dhagaxyo toobaa geddaa Godane waa mooge Nin dhul ganay ninkii keli garrama ee gaar isula showra Ma gafaa la yiri ruux qudhii goonni faqayaa e Gaal ka carar Islaamkana qur gooy gala masaajiidda Waa ged lagu yaqiin khaarijyada maanta iyo goore Halkaan gees ka mari layn kufriga gelaya dhiigeenna Dhexdeenney guhaad iyo colaad guluf ka oogaane Nin walaalki gowracay ma lado boqontanays gooye Inuu godob ya kaydsaday xumaan Godane waa mooge Darajada gumaad laguma helo gacal idlayntii ye Wa doow aad ku gaartaba mid uu Guulle bixiyaaye Golxob saawiriyo boobe iyo gumac ku laay yaaba Gelin qura inay nabad helaan gama’ u diid yaaba Waxa uu u gaylyamahaan garan karaynaaye Inaan gobi ku laylyamin sidaa Godane waa moog Maan garan waxay galabsadeen Guullahay magan e Godka ruux la dhigay nimankankada galabta faagaaya Kitaab-Gaable iyo faaliyaa goorba saa faray e Guddoonshow haddaan owyadaa xaqa na gaarsiinnin Inuu gaal ahaan laa qudhii Godane waa mooge Galabtuu Amxaar yimid carrige gulufka soo qaaday Oo reer galbeed iyo Ibliis garabka siinaayay Golihii midowgiyo shacbigo gees u wada jeeda Mid ganiyo mid geeraar tirshiyo guunyo kuwa dhiiba Guurti hadasha gaashaandhiggoon gelinna waabaynin Waa tii ka gees iyo ka gees gayshku soo baxay e Waa tii gumaystiyo Amxaar goohay oo tagay e Wa teey gelin dharaareed harkii galab carraabeen e Waa tey ka guureen dhulkaan goonni u lahayn e Godaniyo raggiisuba ma jirin gool ay dhaliyeen e Waxay geeso yeesheen kolkii guushu noo timide Oo Guulle noo hiilliyaye guuray cadowgiiye Kolkaasey gadaal ugu baxeen gacantogaalays e Kolkaasey gafuurrada xirteen waa gurracantaase Wuxuu galo wuxuu gudo ninkani waannu garannaaye Guul-darraduna waa tii an hurin Guulle idankiiye Gardarrlloole loo showray baan goorna sii jirin e Cimrigii markaan waa go’aye Godane waa mooge
-
Madaxweynaha dowladda kmg ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay dowladiisu noqon sidii loo-fishay ayaa wuxuu maanta baaq culus uu u jeediyay ciidamadda dowladda kmg ee Soomaaliya. Madaxweyne Shariif oo maanta booqasho ku tagay xaruunta nabad sugida ee dowladda Somaliya ayaa wuxuu halkaasi uu kula kulmay ciidamo fara-badan oo ay leedahay dowladda Somaliya, iyadoo ay ciidamadaasi kamid yihiin, kuwo dhawaan tababaro kala duwan loogu soo gaba-gabeeyay dalka gudahiisa iyo dibadiisuba. Wuxuu sheegay in ciidamadda dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in’ay wax ka qabtaan xaaladda cakiran ee uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya, wuxuuna uu qeexay dhibaatada heysata dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhibaatada baahsan ee ka jirta dalka Soomaaliya ay sabab u tahay Xarakada Al Shabaab oo garab ka heleysa buu yiri kooxda tunka weyn ee Al Qaacida. Waxaana lagama maarmaan ah buu yiri in dalka laga sifeeyo kooxda Al Qaacida. “Ciidamadda dowladda waxaa waajib ku ah in Al Qaacida ay dalka ka sifeeyaan, maxaa yeelay dhibaato xoogan ayaa waxay ka wadaa dalka Soomaaliya, waxaana marka ciidamadda dowladda looga baahan yahay, in’ay dalka ka sifeeyaan Xarakada Al Shabaab oo garab ka heleysa Al Qaacida” ayuu yiiri Madaxweynaha dowladda kmg ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynaha ayaa wuxuu hadalkiisa uu kusoo gaba-gabeeyay in lagama maarmaan ay tahay in Xarakada Al Shabaab laga sifeeyo caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, oo hooy u noqotay dagaalo aan dhamaad laheyn.
-
yeah i know what ur sayin and i agree with u.. The war against terrorism its just a joke, the only thing they are fighting for is economic reasons. you can se the consequences of that in somalia there is thousands of foeign jihadists now and AU forces ,, some believe that this is a somali war but it isn't, it's a international war, i don't think sheikh shariif's government is realising that because they are depended by the international community. Somalida waa in la mideeya waakaas xaalka, international community wont do a shit for Somalia.
-
Yeah i watched but runtii i didn't know saracen was a part of Blackwater,,, how can it my interest, my only interest is in al shabaab laga saaro dalka, with foreign intervention its going to be the same consequences as in the operation restore hope 1993, and the ethiopian occupation 2007-2009. Wax kheyr ka imaanaya ayaasan jirin , Al shabaab would only gain more supporters and the fightings would increase.
-
loool , hade saaas ma tiraahdid..
-
lool bro waxan ku iri hadiiba la yaabo, reer xamar inaadan aheyn waa arkooya
-
maku fahmin bro
-
^lool manii la yaabo
-
^^lol wyre ma adaa uu qoray
-
SSC Rebels Attack Somaliland Military Base at Kalshaale
oba hiloowlow replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan SSC oo kasoo kala baxay Buuhoodle iyo Laas-caanood iyo xaalada oo kacsan Ciidamo xoogan oo taabacsan maamulka la-magac baxay SSC ayaa waxay kasoo kala baxeen magaalooyinka Laas-caanood iyo Buuhoodle, iyagoo afka soo aadiyay deegaanka Kalshaale oo dhaca duleedka magaaladda Buuhoodle. Dagaal-yahanadaan oo qeybaha kala duwan ee hubka ku hubeysan ayaa waxay kaabiga soo saareen deegaanka Kalshaale oo ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo SSC, kuwaa oo shalay dagaalo xoogan iskaga hor yimid. Ciidamadaan ayaa waxaa la-sheegay in’ay hor kacayaan laba saraakiil oo ka tirsaneed dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waa sida ay soo sheegayaan ilo wareedyo ku sugan deeganadaasi. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadaani kasoo kala baxay magaalooyinka Laas-caanood iyo Buuhoodle ay doonayaan in’ay kabaan ciidamadda kale ee SSC ee aagaga culus kaga jira deegaanka Kalshaale ee duleedka magaaladda Buuhoodle. Deegaanka Kalshaale ayaa wuxuu u muuqdaa deegaan saxmad ciidan ah, bacdamaa ay halkaasi iskugu yimaadeen boqolaal dagaal-yahano ah, isla-markaana waxaa daqiiqad kasta laga cabsi qabaa in’ay halkaasi ka qarxaan dagaalo aad u xoogan. Sidoo kale ciidamadda SSC ayaa waxaa kaloo taabacsan dad reer miyi ah, kuwaa oo dhulka kasoo fakay hub fara-badan oo u aas-naa, waxayna doonayaan in’ay dagaalo xoogan la-gallaan xukuumadda la-magac baxday Somaliland. Inkastoo xukuumadda Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ku wada baaqeen in dagaaladaasi la-joojiyo, ayaa waxaa hadana mooddaa in labada dhinac ay taasi dhagaha ka fureysanayaan, waxaana la-dhihi karaa SSC si iskumid ah ayay markani uga soo horjeedaan maamulka madaxweyne Siilaanyo. -
Lol duceysanee jaa waaku biloowday mii , by the way so dhawooow sis
-
Popular Contributors