oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Tarzan "Ma ahan Arrin qabiil waa dad gaar ah oo fal dambiyeed galay, Sharciga ayaan la horkeenayaa" Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa soo dhoweeyay xarigii Dowladda KMG iyo AMISOM u geysteen Ragg uu ka mid ahaa Maxamed Dheere. Tarzan ayaa ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh falkii Dowladda KMG ku soo xirtay dadkii ka dambeeyay xasuuqii banaan baxayaashii maalin ka hor loo geystay. "Waa cusub oo u baryay shacabka Gobolka Banaadir, waana tallaabo geesinimo leh oo aan soo dhoweyneyno, in la xiro qof kasta oo dambiile ah, Dowladda shareecada Islaamka ayay qaadatay, kuwii falkaas geystayna Shareecada ayaa la horkeenayaa"ayuu si kulul u yiri Gudoomiye Tarzan. Tarzan ayaa xusay inay dhamaatay ficiladii qabiilka wax walba lagu fulin jiray, isagoo wixii maalin ka hor ka dhacay agagaarka Gurigii Hooyooyinka ku tilmaamay mid aan sal ku laheyn arrin qabiil. "Ma ahan arrin qabiil, qabiil wax ma dilo, dadka waxaas geystay waa dambiilayaal, waana dad gaar ah"ayuu sii raaciyay Mr Tarzan oo ahaa ninka abaabulay banaan baxii maalin ka hor ee lagu taageerayay Dowladda. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in habeenimadii Salaasada ay jireen hadalo qadka taleefanka la isku weydaarsaday, kaas oo uu qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay inuu hadalo hanjabaadah uu dhex maray isaga iyo mid ka mid ah Ragga xabsiga la dhigay, waxaana hanjabaada aheyd mid loogu jeedinayay in banaan baxa aan la qaban karin. Tarzan ayaa qudhiisa soo geli doona mas'uuliyad daradii ka dhacday banaan baxa, waxaana soo shaac baxaya warar sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka uu ku weyn doono xilkiisa dhacdadan gil gilshay siyaasada Dowladda, fadeexada weyna keentay. Jowhar.com kala soco wararka xaqiiqda ah
  2. Ciidamadii ku jiray Aagaga Waqooyiga oo soo faarujiyay Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in Ciidamadii Dowladda ee ku jiray aagaga waqooyiga Muqdisho ayaa soo faarujiyay, kadib markii ay si xoogan uga caroodeen ragg saraakiil ahaa oo Dowladda u xirtay falkii maalin ka hor lagu rasaaseeyay dad banaan baxayay. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo Ciidamadan oo ahaa kuwo ka soo jeeda deegaanada Waqooyiga Muqdisho ayaa sida la sheegay waxay ka soo baxeen aagaga Boondheere iyo C/casiis oo ay ka dagaalamayeen. Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan oo hoos tagayay qaar ka mid ah Saraakiishii ay xabsiga dhigtay Dowladda KMG ayaa sheegaya inay iyaga iyo macal hubkooda ay isaga soo huleeleen aagagooda. Xiisada ka dhalatay xarigii loo geystay shan ruux uu ka mid ahaa Maxamed Dheere ayaa wali taagan, iyadoo wali socdaan guux ku saabsan arrinta xariga oo ay ka taagan tahay dhiilo xoog leh. Xukuumada Soomaaliya ayaa balan qaaday in sharciga la horkeenayo dambiilayaasha loo hayo falkaas sida uu carabkiisa kaga dhawaajiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan looga hari doonin wixii fal dambiyeed ay geysteen. Jowhar
  3. Dowladda KMG ayaa daqiiqadi ka hor shaaca ka qaaday in xabsiga ay u taxaabtay ilaa shan ruux oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyay falkii shalay lagu laayay dadkii banaan baxayay. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka ay ku guuleysteen dadkii ka dambeeyay falkaas. "Sida aan horay uga balan-qaadnay shacabka, waxaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka ay ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay falkaas"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo. Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi oo isna ku xigsaday Ra'iisul Wasaaraha ayaa magac dhabay shaqsiyaadka xabsiga ay dhigtay Dowladda KMG, isagoo ka xusay Maxamed Dheere. Wasiirka Arrimaha Gudaha oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa sheegay in dhamaan xubnahaas la hayo baaritaan ku socdo, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeni doono sida uu hadalka u dhigay. Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka jiray guux badan iyo dhaq dhaqaaqyo xoog leh oo ku wajahnaa xariga xubnaha uu ka mid yahay Maxamed Dheere, waxaana durba la dareemay xiisad iyo kacsanaan dhinaca qabaa'ilka ku saleysan. Magacyadada 5-ta ruux ee la haayo ayaa waxay kala yihiin:- 1-Maxamed Dheere 2-Dr, Cabdi Qeybdiid (Ma ahan Generaal Cabdi Qeybdiid) 3-Maxaa Raage Tifow 4-Cali Nuur 5-Nuur Cali Yalaxow. Arrintan ayaan la ogeyn xiisada iyo xasaasiyada gaar ahaaneed ay dhalin karto, waxaase ay ku soo aadeysaa xilli Madaxweyne Shariif uu galabta ka dhawaajiyay dambigaas ka dambeeyeen dad gaar ah oo aanay arrin qabiil shaqo ku laheyn. Maalintii shalay ayay aheyd markii dad gaaraya shan ruux oo saddex ka mid ah haween ahaayeen ay ku dhinteen rasaas ciidamo ka tirsan dowladda ku fureen dadka banaan baxayay oo ahaa kuwo taageerayay Dowladda KMG. Tallaabadan ay qaaday Dowladda ayaa ah tii u horeysay ee si buuxda ay ugu dhaqaaqdo, hase ahaatee waxaase la ogeyn go'aanka cad ee Maxkamad soo taagida iyo arrintan kale ay ka dhalan doonto. Wixii ku soo kordha kala soco Jowhar.com daqiiqad kasta www.Jowhar.com
  4. Walahi im in chock, runtii ma ogeynin xasuuqan until today, Ilaahay ha uu naxariisto dhamaan Muwaadiniinta ee halkaas ku dhintay.. i can't understand one thing anagana dhexdeena is dhameyneena aana is arki karin cadowgana wuu na daaya oo wuu faraxsan yahay.. Aduunkana just dont give a damn walahi somaliyey isdabaqabtaa :(:(
  5. NGONGE;680788 wrote: Chelsea got the easiset draw of the lot. don't underestimade Copenhagen, sow iyagii kuwii Barcelona bareejeeye, copengahen are defensive but with the help of god inshallah chelsea will win
  6. lool wyre hade dalkii iyo dadkii hadey halaaben afkuna waa ceynkaas oo kale.. @Nabad dadaye ar sheekadaas ameey foorjo aheeeyd??
  7. war waxaan ma naxaayasha maxey ahaayen Askar aa lagu sheegaaye waaba Mooryaaan
  8. lool wyre beenta maha lakin de waxaa cajiib afkaan cusub
  9. http://deeyoo.com/player.php?id=812 C/qaadir sanka, Dhunkhasho: muddo badan is dhowrnaye, maysku so dhaqaaqnaa, maysku so dhawaana,bushimaha,dibnaha,dibnaha dhakab maysku siinaa,dhibtoo ha ino deeyse,dhaxani hay ina deysee.. waah waah inaba caadi mahan
  10. baalweynta yaan laga boojenin Bacda dhuuqso biisbiiska nuur maleh Ganacsiga bi' ii cawaal maleh Beesada sariif maleh baaqiso celin maleh
  11. Allahayoow fidnada naga dulqaad Ducadu waa khaase Degenaansho eeboow nasii Deeqsi baad tahaye Shareeciyo Alloow noogu deeq Dawlad koruqaada Sadexdaasi waa duco yaroo Anigu aan doortay Sadex kalena waa reer Shabaab Midaan u duubaayo Dadkuna uma sinee Ina Aweys Daacad ugu sheega Nimankaa wejiga duubtayee Dumarka laynaaya Xukun doon nin kugu dilahayoo Diin ku magacaabay Daliil xume Jihaadkii kadhigay Nin iyo dookhiisa Dagaal ooge maatada u daran Wada duqeynaaya Dilka shacabka nimankaa u qaba Diinta badankeeda Dawlad diidka nimankaa noqdee Dunida aafeeyey Nimankaa Jihaadkii duwee Dhiigga door bidaya Dadku gaalo inuu wada yahay Qalin ku duugeene Culimada waxay uga durkeen Waa dan gooniyahe Waa dacal mareen Khulafadiyo Cali Abuu Daalib Qur’aan uma daliishane Shubhaa loogu dawgalaye Diiwaanada Sunnaha kuma qoree Dood xumaa yiriye Da’yarteey xushaan iyo nimaan Diinta garaneyne Dagaalada Fidnada kama hadhaan Daa’in abidkoode Waa doqomo aan lagu aqoon Danaha guud eega Midhihii dacwada laga heliyo Shacabkii soo duubmay Habeen bey ku kala daadiyeen Degeladiisiiye Dab wax guba diyaarado ku filan Daawo lagu caynto Iyagoon dabaabado lahayn Lagu difaacaayo Waa waxay dagaal ula galaan Dawlad xoog badane Gaalada danteedey wadaan Mana dareemaane Daalibaan wixii lagu galay Dibuu unkaayaane Daan daansi baa lagu bartiyo Waalli aan damine Daarihii markii ay dunsheen Doortay Ina Laadin Iyagaa Bush nagu soo diroo Dumiyey Kaabuule (Kabul) Muqdishana waxay doonayaaan Iney duqeeyaane Markii horeba iyagaa dunshoo Sababay diiftiiye Itoobiyaanku waxay doonayeen Sabab daliilkeede Dibuheshiin hadii aan lahelin Dawladnimo waarta Markaloo laguu soo diraad Dibu filaysaaye Nimanyohow dantiinii gartoo Dirir ka waantooba Damac siyaasad dano khaasa iyo Ururo loo doortay Dad si gaara loo shirinayiyo Magacyo deel qaafa Xizbiyada danteen kuma jirtee Dib uga waantooba Denbuu galay waxbuu diley Qof kale diin hakaga saarin Haw daliishan aayado Adoon deyin tafsiirkooda Adigoon daliil waadixiyo Dayin shuruudeeda Diin ka saarku waa ba’anyehee Dib uga waantooba Qof Muslima dilkii laguma helo Darajo dheeraada Dab baa lagu mutaystaa cadaab Naarta dacalkeede Adigoon daliil waadixiyo Dayin shuruudeeda Oo aan maxkamad loo dalbano Qaadi dabajoogin Dil qorsheysan waa ba’anyehee Dib uga waantooba Dadka Salafka kugu xidhahayee Damac ka dheeraaday Culimadu siday doorbidaan Diinta ugu hiisha Dacwada fidiya ehelkana u diga Deriska soo jiita Dadku waa walaalee xikmada Hadal ku deeqsiiya Wixii diinta lagu soo daree Diidey salafkeenu Oo aan daliil haysan iyo Aayad taba taagan Bidcada diida Sunnahana daryeel Nebigu noo dooray Dalab culimo loo haajiriyo Diinta baradkeeda Ku dadaala aakhiro Waxbaa naga dahsoonaaye Dhammaad
  12. Waa sheeko gaaban oo ka dhacday Magaalada Muqdisho. Muqdisho waxa ay Deris la noqotay Cabsi ,Wel wel, Dagaalo, Dil, Dhac, Baarkac, Qas, Bur bur, Baa ba' Caburin Gaajo, Jahli, Cuduro. Inta badan Qaraxyada waxa ay ka dhacaan Goobaha Dadka Rayidka ay deganyihiin sida Goobaha Ganacsiga sida Suuqyada, Goobaha wax Barashada Goobaha Caafimaadka, iyo Goobaha lagu cunteeyo, Qaraxyadaasi waxay kaloo ka dhacaan gudaha Gaadiidka Dadweynaha dhexdooda iyo meelo kaloo aad ufaro badan. Dadaka Muqdisho oo aad uga walwal Qabo Qaraxayadaasi aan caadiga aheyn ayaa hadana waxaa la keenay Miinooyin ama Bambooyin lagu aaso dhulka hoostiisa oo laga koontaroolo ama laga Hago meelo aad u fog fog, Waxaa kaloo dadka ay ka cabsi qabaan dadka Bacda Madoow gacanta kuwato iyagoo aad looga baqo sababtoo ah waxay ku soo qarsadaan walxaha Qarxa. Sheekadaan waxay dhex martay labo nin oo Farsamo yaqaanada Baabuurta ah (MAKANICO) ah waxay leeyihiin Garaash lagu hagaajiyo Gaadiidka( Baabuurta). Maadeey iyo Caliyoow ayaa waxay beec urabeen BAMBADA BAABUURTA ku shaqeeyso ee loo yaqaano BAMBO NAFTO bambadaan waa BAM Baabuurka usaaro shidaalka ama Naftada ku jirto SALBATOOYADA ama (Haanta shidaalka) ama (TANGIGA) SHEEKADA WAXAY UDHACDAY SIDAN: MAADEEY: CALIYOOW maanta waxaad qaadaa labo BAMBO NAFTO ah, si aad uGeeyso Suuqa una soo QARXISO yacni soo Gado/iibiso Eraygaan oo hada soomalida muqdisho ay ula jeedaan waxaas waa II Qarxay yacni (Waa ii gadmay ) ama leen ayaa xaga ka Qarxay oo ah eray loo isticmaalo wixii leen furmay ah ama fursad ah. Caliyoow: Haye waa qadaayaa labada BAMBO NAFTO waxaan geynaayaa Suuqa weyn ee Bakaaraha hadii meeshaas iigu Qarxi waayaan (yacni iigu gadimi waayaan) waxaan usii Qaadaa Suuqa HURIWAA . Maadeey: soo dadaal lacag ayaan aad ugu baahanay si walbo usoo Qarxi (yacni qiimo walbo ku soo Gad Bambo Naftada) Caliyoow: haye walaakiis waa igu og tahay si walbo waa ku soo Qarxinaayaa yacni (si walbo waa ku soo iibinayaa) CALIYOOW waa uu soo baxay waxa uu lug ku yimid Suuqa weyn ee BAKAARAHA waxaa uu la kulmay Dukaamo iibiya Qalabka Dayactirka Baabuurta (spare parts), Kolkaas ayuu usheegay in uu haayo BAMO NAFTO 2 xabo intaa kadib ayaa Dukaanlihii ku yiri hal xabo keen ee beri lacagta iigu imoow. CALIYOOW: waa tahay lacagta beri ayaan kugu imanayaa tan kalana waxaan uqadaayaa suuqa HURIWAA meeshaas ayaan ku soo Qarxinayaa sidaas waxaa yiri Caliyoow, markaa buu yiri Dukaanlihii hadii ay kuu qarxiweyso ii keen anigaa meel saarayo (yacni kuu gadaayo). Caliyoow tii kale ayuu lafuulay Gadiidka Dadweyna ee ku sii jeeday xaafada HURIWAA markuu Raacay GADIIDKA BL ee ka shaqeeyo Bakaaraha ilaa Huriwaa markuu fuulay waxa uu gacanta ku watay Bac madoow, Dadka xamar cabsi weyna ay ka qabaan bacda madoow waxay uwada heestaan in walxaha Qarxa kujiraan. Dadkii oo wadanaha farta ku wada hayo iyo darawlkii oo ka murugaysan ninkaan Bacda Madoow lasoo fuulay Baska in yar markuu socaday ayaa TelFOON Maadeey usoo diray Caliyoow oo ku yiri: Maadeey: HALOOW Caliyoow haye iiwaran see tahay? CALIYOOY: waa fiicanahay. MAADEEY: Bambayaashii ma kuu qarxeen ???? Caliyoow: Dadkii dhan Dhaga ayaa wada taagan way maqlaayaan, ayuu yiri saxiib Bamkii hore waxaan soo dhigay Suuqa Bakaaraha weli ma Qarxin lakiin beri waa qarxaysaa inshaa alahu Madeey: Tan kale iyadana ma qarxisay ???? Caliyoow : Tii kale weli iima qarxin Bacdii ayay iigu jirtaa hada lee ayaan Baska la saaranahay lakiin in shaa alahu waa iiqarxaysaa soo duceey.... Dadkii markii ay maqleen wixii jawaabo ah uu caliyoow usheegayay saxiibkiis maadeey waxaa u cadaatey in ninkan Badcda ay ugu jiraan BAMO, Naxdin dadkii ku dhacday, Dadkii waxay noqdeen mid Dariishada ka boodo iyo mid Naxdin lasuuxa Darwalkii intuu Gaariga istaajiyay ayuu Daaqada ka baxay Caliyoow isagoon fahmin ayuu isagana iska daba cararay Dadkii isagoo meel dhexe maraaya ayaa waxaa uu ka daba tagay Darwalkii Kolkaas ayuu Darwalkii oo calaalaayo oo ku leh walaaloow aniga nin maskiin ayaan ahay agtayda ha ku Qarxinin Bambada. erayadaas waxay ka soo baxeen Darawalka oo uqaatey in uu caliyoow agtiisa ku qarxin rabo Bambada. Caliyoow markaas ayuu fahmay waxa laga kala cararay inay tahay Bacda Madoow ee uu sito ...... markaas ayuu caliyoow kala furay Bacdii waxaa kasoo baxay Bambo Nafto Intaa Kadib ayuu Darawlkii marna Qoslaa marna Cayaa Calyioow marna ladagaala . Dadkii ayaa dib isugu soo noqday caliyoow oo Bacdii tuuray Bambo Naftadiina gacantiisa ku sooqaatey waa mar dadkii midba meel ku caraaray dhib badan dhacay rafaad la maray ayaa laysku soo laabtay dakiina markii xaalku ay ******** in Bambada runta aysan ahayn Dadki waa ay wada Qosleen H.C mohamed adkeeste adkeeste@hotmail.com
  13. Lol Both jabhad ay yihiin.
  14. Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Xasan Cali Calasow “Sheekh Xasan Cadde” oo ka mid ahaa culima’udiinka Soomaliyeed kuwooda ugu waaweyn iyadoo xukuumadda Soomaliyana ay tacsi u dirtay culimada Soomaliyed. Sheekh Cali Maxamuud “Sheekh Cali Dheere” oo ay si weyn isu yaqaaneen Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Cadde ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Sheekh Xasan Cadde uu muddo 50 Sanadadood ah faafinta Culuunta Diinta Islaamka ka waday Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana wax ka bartay ayuu yiri in kabadan Sadex Boqol oo Culumo ah, kuwaas oo haatan iyaguna sii wada faafinta culmigii ay ka barteen Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Cadde. “Allaha u naxariistee Sh. Xasan Cadde waxaa uu Cilmiga Diinta Islaamka ka soo bartay Sh. Maxamuud Sh. Muuse Cigalle oo awoowe u ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed, waxa uuna ahaa Sh. Xasan Cadde nin u go’ay faafinta Culuunta kala duwan ee Diinta” ayuu yiri Sh. Cali Dheere Dhanka kale Wasiirka Garsoorka Awqaafta iyo arimaha Diinta C/llaahi Abyan Nuur ayaa tacsi u diray Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ehelada iyo qoyskii uu ka geeriyooday Sheekha, isagoo ku tilmaamay Sheekh Xasan Cadde in uu ahaa mid ku caanbaxay faafinta Diinta Islaamka. Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Cadde ayaa u geeriyooday Xanuun in muddo ah hayay, Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.
  15. Horaa lo yiri Qabiil qaran ma dhiso inuu dumiyo mooyaane,,,,
  16. waxaan aan ku nacay Soomalida, adoogiina wax ma qabsanaayo wiilkiina iskool ayuu ku qasbaa , hipocrisy at a high level.