oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Xarakada Al-Shabaab ayaa duleedka Suuqa Xoolaha gaar ahaan Xeradii Maslaxa maanta saxaafada ugu soo bandhigay Meydadka labo ka tirsan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan Ciidamada Uganda ka socda oo shalay dagaalada ay ku dileen, kuna soo qabsadeen. Fagaaraha Xeradii Maslaxa ayaa halkaas waxaa kula hadlay Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ugu horeyn sheegay in Saanada Milateri ay tahay tii u horeysay ee nooceeda gacanta ku dhigeen. "Sidaad aragtan Saanada Milateri waxay aheyd kuwo isugu jira, rasaas, qoriga RBG, rasaasta BKM, qoriga Ak47, qorigan kale ee aad aragtaan waa qoriga Jabshaha oo waliba nuuc cusub ah, rasaastiisana ay la socoto"ayuu yiri Cali Dheere oo intaa ku daraya in wixii ay ka qabsadeen AMISOM kula dagaalamayaan. Cali Dheere ayaa timaamay in hadaladii ka soo yeeray Mas'uuliyiinta Dowladda ee ahaa inay gaarayaan Jidka Sodonka ay taasi been tahay oo waxba ka jirin, isla markaana xataa aysan soo gaarin Jidka Wadnaha sida uu yiri. "Waxaa aragtaan Meydadkooda, iyo wixii saanad ah, meelihii laga qabsaday ee fariisinka u aheyd ayaan agabyadan ka soo helnay, marka iska daayee inay Sodonka yimaadaan uma soo dhowaan Jidka Wadnaha"ayuu yiri Cali Dheere. Sheekh Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka reer Uganda in Madaxweynahooda Yuweri Museveni ay u doorteen mar kale xasuuqa wiilashooda, oo uu sheegay in miraha ay gurteen uu noqday inay arkaan Meydadkooda oo lagu jii jiidayo wadooyinka Muqdisho sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu kaloo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo wilaayaadka Shabaab ee ku dhaqan Gobolada dalka, inay heegan buuxa u galaan, sidii ay isaga difaaci lahaayeen sida uu yiri weeraro qorsheysan oo ay Dowladda KMG iyo AMISOM ku soo qaadayaan. Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Shabaab oo waayahan dambe ka maqnaa fagaaraha ayaa isna sheegay in Ciidamadan maanta meydadkooda soo bandhigeen iyo hubka ay sitaan inay ku soo duuleen dalka, loona baahan yahay in dalka laga saaro sida uu yiri. "Cadawgan aad aragtaan waa nagu soo duuleen, shacabka Soomaaliyed waa ka guuleysan doonaan kuwa nagu soo duulay"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys. Dagaaladii shalay ilaa maanta ka dhacayay Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwo labada dhinac ay guulo kaga sheeganayaan, hase ahaatee waxaa muuqata in labada dhinacba uu gaaray ololka dabka ka dhex shidan, iyadoo Shabaabka soo bandhigeen wixii Idaacadaha ay horay uga sheegeen oo ahaa inay saanad iyo meydad ku qabsadeen dagaalka.
-
** ihaanadeeda amisom ninkii aqlile waa arkaa * Aargoosigiisa ow-shariif*********** umaddu weeyska ogyihiin * anagu weeyska ognohoo waa u adeegid alshabaab * odax ku taagan alshabaab iyo alqaacidoow ahaay * afgembiga ****** ismaan aa owshariif lagu ogaay * aqoon-yaroow ba, ebedkaa ma ogid* aafta kaa banaan aaraa nin dhiibtayaan ohoo arrimahaan ka ashtakaa * inkasta oow ad adadkaay agooma koriyoow ahaay * ummadda nin uruuriyoo una ixsaan-faloow ahaay * nin eedka galay ebedkiis nimaan ilaabinoow ahaay * intaasu weeyga arar-tee ujeedadeeydiyaad arkee * anshax xumada amisom aargoosiyaan u aragnaa * aqli la'aanta owshariif abuu (shabaab)diraan u aragnaa * afku salaadle engeganoo abaal xumaan u aragnaa * nin aflagaaddo aabbihiis kula ordaan u aragnaa * arrinkii furux oon ogeeyn iljeex waa*uga aamuseen * ******se waasidii idoo oodoodiyaa lagu eryadaa * isgooskii soobbe*waa ogeeyd axadna looma heeysto eed * ummaddii weeys abaabushee ******oow ari-Maad tihiin * leeydiinma soo ordi karee waaleeysu kiin adeegsadaa * edebdarada oow-shariif ******oow meeyla aragteen * afarta wiilya amisom adigoow kuu adeegsayaa * ****** ismaan intaan eheyn uma aragyo ar-bushaad * aaf cilanoow kasoo ordee aragtideeyna kuma imaan * ma ahan axadkaa dhashee ******oow ninka soo ogaaw * Afarta sama-talis iyo waa uunka yimid* heer iljeex * ambase waa ka sii intoo waa ****** iyo ***** * astaamahiisa waa arkoo maba ahan ****** ismaan * Abaar iyo col oow-shariif waxaan eheeyn lama imaan * uunkeena maaha af-Gaduud Allam-baqa haloo eryee * Ali Haraare
-
Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo dib u soo gurtay iyo ciidamada dowladda oo dib ula wareegay goobo hor leh Xarakada Al Shabaab oo xoog kula wareegtay goobo ay maanta ka qabsadeen ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa waxay iminka dib uga guratay goobihii ay la-wareegtay. Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa soo faarujiyay deegaano ay caawa fiidkii xoog ula wareegeen ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, iyadoo aan la’ogeyn sababaha rasmiga ay taasi ka dambeysay. Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkayaa goobo ay caawa xoog kula wareegeen Xarakada Al Shabaab, kadib markii ay galabta dagaalo qorsheysan oo xoogan ay kusoo ekeysay Xarakada Al Shabaab. Saraakiisha ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in’ay horey u sii socon doonaan, isla-markaana aysan dib u soo laaban doonin wax kasta oo dhaca, iyadoo intaasi ku dartay in dowladda Soomaaliya ay weeraro xoogan ku tahay goobaha uu Shabaabka kaga sugan yahay magaaladda Muqdisho. Dagaalada maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho ayay kooxaha ku dagaalaamaya caasimadda ay kala qabsadeen dhawr goobood, waxaana jira goobo ay gacan ku heyntoodu ay isu bad badaleen sida xaafadda Tookiyo, qeybta kore ee wadada Dabka iyo dhinaca galbeed ee wadada Shaqaalaha. Ma-cadda waxa ay kusoo idlaan doonto xaaladda guud ahaan ee magaaladda Muqdisho, balse rasaas culus ayaa waxaa weli laga maqlayaa degmooyinka Hodan, Hawl-wadaag iyo Wardhiigley oo ay maanta ka dhaceen dagaalo aad u qaraar. Wixii dagaalada magaaladda Muqdisho kusoo kordha kala soco wararkayna dambe haddii uu RABI idmo.
-
Abaanduulaha Ciidamada "Qorshaheena waa inaan caawa ku hoyano Jidka Wadnaha Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Gen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-Badan ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay caawa Ciidamada ugu hoyan lahaayeen Jidka Wadnaha oo aad kaabiga ugu haaya Suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya ay maanta galeen xaafadaha u dhow dhow ee degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley. Gen. Dhaga-Badan oo hadaladiisa laga dareemayay kalsooni ayaa sheegay in maanta Ciidamada Dowladda ay horumar ka sameeyeen dagaalada, ayna goobo dhowr ah ka saareen oo dhufeys ah oo ay ku sugnaayeen Shabaabka. "Maanta kooxaha nabad diidka waxaan kala wareegnay goobo badan, howl galka Ciidamada xooga dalka, wuxuu ahaa mid guul ku soo dhamaaday, waa waajib waan sii soconeynaa, waxaan u sheegayaa dhalinyarada la qalday inay waalidiintooda u soo laabtaan. Genanka ayaa sheegay in caawa qorshahooda yahay inay ku hoydaan Wadada Wadnaha, isla markaana Ciidankooda uu diyaarsan yahay, waxaana uu carabka ku dhajiyay in qorshahooda uu wax badan kaga duwan yahay kuwii hore. Mar wax laga weydiiyay in dagaalka maanta ay qaadeen Dowladda inuu qeyb ka yahay qorshihii Boqolka maalmood ayuu tilmaamay in qorshahaas uu sidii loogu tala galay uu ku soo dhamaan doono iyo guul, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo arrimo kale oo uu ku qeexay inay yihiin Sir milateri. Sidoo kale Gen. Dhega-Badan ayaa tilmaamay in dagaalka maanta ay ka gacan siiyeen Ciidamada AMISOM, isagoo beeniyay in dagaalka wararka sheegaya in dagaalka aanay maanta qeyb ka aheyn Ciidamada Xooga dalka, hase ahaatee waxaa uu muujiyay in Ciidamada Dowladda how galka ugu badan ay qabteen.Dowladda KMG ayaa horay u waday qorshayaal milateri oo dhowr jeer fashilmay, hase ahaatee Xukuumada cusub ee uu hogaaminayo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u qabsatay in muddo boqol cisho kula wareegi doono Caasimada, kana saareyso qolyaha ka soo horjeeda. Dhanka kale Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa ah mid degan, inkastoo mararka qaar la maqlayo madaafiic goos goos ah, laakiin dhinacyada iska soo horjeeda ayaa dhinac walba waxaa uu ku jiraa diyaar garow dagaal oo aad u ballaaran,
-
loooooool
-
Grand National Conference in Somalia Moving the capital-
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
^^ Yeah koley meel nabad uun meeshey doonto ha ahaate oo Dalka ka mid ah -
Grand National Conference in Somalia Moving the capital-
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
Not only an apology but there should be actions taken against the admin itself for any crimes commited against civilians in the war to hunt down Al Shabaab. waa dhab i just hope that day will come. Now will the leadership of Mogadishu, the likes of Ahmed Diiriye and others apologise for the crimes commited against all of Somalia, return the looted properties still being held and seek forgiveness from the millions killed in the name of clan? Probably not. Dowladd dhexe oo shaqeyneyso maalintey timaad ayaa nimanka dembiga ka geystay shacabka maxkamad la hortaagi doonaa, apology laga yeeli maa kuwaas. -
LOOOOOOOOOOOOL ninkii so joog laga waayo soo jiif laga helaa
-
Grand National Conference in Somalia Moving the capital-
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
Okey Duke fikradada ma xumo laakinse Maamulka PL waxaa laga rabaa raali gellin ku aadan falalkii foolxumada badnaa ay uu geysteen walaalaha konfurta somalia kaso jeedo Gaar ahaan Bay iyo bakool oo lagu eedeeye iney Argagaxiso yihiin, oo Qaarna xabsiga la dhigay,qaarna la dilay,qaarna dukaamadooda la boobay tarxiilna ugu daray. Maamulka sameynaayo dib uu heshiisiin waxaa laga rabaa iney ahaato Ceeb ka saliim taasi ma ila qabtaa?? -
Kumanaan dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa saakay isugu soo baxay waddooyinka waaweyn, kuwaasi oo dalbanayay in la sii daayo hoggaamiyaha siyaasadeed ee ugu firfircoon beesha Muddulood, iyagoo dibadbaxayaasha socod dheer ku soo maray qaar ka mid ah degaanada ay dowladdu maamusho. Dadweynaha dibadbaxayaalka ah ayaa sheegay in Maxamed Dheere uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee gargaarka u fidin jiray, gaar ahaan marka ay degaanadooda ka dhacaan dhibaatooyinka dabiiciga ah, isagoo u samafalayay qoysaska barakacayaasha ah ee degan degmooyinka Shangaani iyo X/Weyne, waxayna ka dalbadeen dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM inay xoriyadiisa dib u soo celiyaan. Sidoo kale bannaanbaxayaasha ayaa dalbaday in dowladda KMG ah wax ka qabato xaaladda ammaanka goobaha ay maamusho, iyagoo ku dhaliilay sida ay uga gaabisay gurmadka dadka dhibaateysan ee guryahooda uga soo barakacay nabadgelyo la'aanta. Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo ah hoggaamiyaha siyaasadeed ee beesha Muddulood ugu cadcad oo dhowaan ciidamada AMISOM ay ka kaxeysteen gurigiisa, waxay bannaanbaxayaasha Muqdisho sheegeen inuusan heysan wax hub ah, isla markaana uu wixii hub iyo saanad milateri ee uu lahaa uu wareejiyay saddex sano kahor. Dhinaca kale bannaanbaxaasi oo u muuqda inuu yahay mid ay soo abaabuleen dadweynaha Muqdisho, ayaa waxa uu yahay midkii ugu weynaa ee loo sameeyo hoggaamiye sumcad ku leh dadkiisa iyo dalkiisa, waxayna ka hadleen qaabka xarigiisa inuusan ahayn mid sharciga waafaqsan, waayo bay yiraahdeen arrintaasi waxay u muuqataa mid lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha siyaasiyiinta beesha Muddulood ayna ka dambeeyaan shaqsiyaad dibad joog ahaa oo haba yaraatee aan waxba kala socon xaaladda dalka kana tirsan Dowladda KMG ah. "Ciidamada AMISOM Maandheydkooda ma ahan inay xarig siyaasadeed ka sameeyaan dalka, waa inay sii daayaan hoggaamiye Maxamed Dheere" ayay tiri haweeney ka mid ah dibad baxayaasha Muqdisho oo sheegtay in haddii Maxamed Dheere lagu tuhmayo dembi loo yeero kaliya balse ma aha in AMISOM Kaarayaal ku soo weerarto gurigiisa, ayay tiri haweeneydaasi oo sheegtay in Muqdisho dembiyada ka dhaca ay fara badan ayna ugu dambeysay dhacdadii 20-ka ruux ku dhimatay ee ay ka dambeeyeen ciidamada Dowladda "Maxaa taas wax looga qaban waayay?" ayay isweydiisay haweeneydaasi.
-
Maamulka sare ee gobolka banaadir ayaa lagu eedeeyay in ay gudan waayeen waajibkii kaga aadanaa in ay ilaaliyaan amaanka dadweynaha muqdisho kadib markii dad mudaaharaad dhigayay todobaadkaan lala beegsaday rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah soomaaliya halkaaas oo qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhacday. Gudoomiyaha maamulka degmadda wadajir ee magaalada muqdisho Axmed Xassan Adow AXMED DAACI oo u waramayay V O A-da ayaa sheegay in mas’uuliyad darro ku tahay maamulka gobolka banaadir in ay goob isugu geeyaan dadweyna rayid ah isla markaana aysan sugin amaanka dadkaas. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci waxaa uu sheegay in Abaabulka Dadka banaanbaxayay ay ahayd mid siyaasaded mana jirin qorshe ay isku ogaayeen maamulka gobolka Banaadir oo ay ka wada hadleen.isagoo sheegay inuusan ka warqabin in Gobolka Banaadir uu dhigayo bananabaxaas. “aniga waxaa ahay Gudoomiyaha degmada Wajir kamana war qabin banaanbaxaas oo leeguma soo wargalinin ayuu yiri Axmed Daaci. Axmed Daaci waxaa kalooo ka hadlay falkii lagu rasaaseyay dadweynaha cida ay ahayd in loo soo xero,balse wuxuu sheegay in ay falkaas geysteen Maleeshiyaad. Laakin gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci waxuu sheegay in dowladda aysan lahayn awood ay kusoo qabato Maxamed DHeere,cidda soo qabatay inay tahay Taliska AMisom oo si nabad ah gacanta ugu heyso. Eedeeyntaan loo soo jeediyay maamulka gobolka Banaadir ayaa duqa magalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan uusan ka jawaabin eedeymahaan.
-
Godane's First Photo - Kismaayonews claim a scoop.
oba hiloowlow replied to AYOUB's topic in Politics
LOL, -
Xusuus, Warbixin Warar gaar ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in R/wasaare Farmaajo uu amar ku bixiyey in la soo xiro shaqsiyaad kale oo ku lug yeeshay dhacdadii 15-Febrayo ee lagu laayey banaanbaxayaashi Raga la amray in la soo xiro oo xusuus.com heshay waxaa ka mid ah . 1-Gudoomiyaha dallada bulshada rayidka Muxu'diin Xasan Afrax 2-Shire Xaaji Dalfac 3-Sharif Jilicow 4-Axmed Cumar Xabeeb (Jandhay) 5-Malaaq Showri Malaaq Colow (Malaaqa Xamar iyo Xamar-Daye) Ragaan ayaa la sheegay iney dhamantood si isku mid ah ugu hanjabeen gudoomiyaha G/Banaadir Tarzan iyagoo sidoo kale la kulmay Max'ed Dhacdada kadib. Ragan ayaa dhamaantood waxaa ay maanta magangalyo ahaan u galeen degmada Madiina ee maamulka Axmed Daaci halkaas oo la sheegay in ciidamo ka tirsan nabadsugida ay ku weerareen. Ciidama beeled ku heyb ah ragan ayaa caawa ka wada degmada Madiina dhaqdhaqaaq xoogan si ay uga hortagaan ciidamada PS-ta ee uu Farmaajo soo diray. Dhacdadi 15-Febarayo ayaa u muuqata in shaqsiyaad kale loo heysto , waxaana arinka u muuqdaa inuu xifaaltan beeleed ka dhex bilawday Tarzan iyo Waxgaradka Mudulood. Gudoomiye Tarzan ayaa dadka wax saadaaliya waxey sheegayaan inu si ugu lug yeeshay maadama ay mucaaradsanyihiin dhamaan waxgarardka Mudlood. Dagaalka ayaa hada muuqda mid ku dhamaan doona Tarzan +Amisom VS waxgaradka Mudulood xusuus.com
-
Alshabaab Leader Amiir abu subeyr sacks governor of banadir.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Cali maxaa xuseen kulaha maanta kedib askari baan noqonaaya,, Yeah right.. -
Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay in lagu raad-joogo dad kale Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan ragg kale oo lagu raad-joogo, kuwaasoo la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerarkii lagu laayay dadkii banaan baxayay. C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay inay cid walba la horkeeni doono sharciga, isla markaana kuwa hada loo haayo falkaas si deg deg ah Maxkamad lagu soo taagi doono. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in kuwa kale ee ka dambeeyay falkaas lagu daba jiro, saacadaha soo socdana la soo qaban doono si xabsiga loo dhigo. Habeenimadii xalay ayay aheyd markii Shan ruux uu ka mid yahay siyaasiga caanka ah Maxamed Dheere ay soo xireen Ciidamada AMISOM, iyadoo Xukuumada Soomaaliya cadeyay in xubnaha uu Maxamed Dheere qeybta ka yahay ay yihiin dambiilayaal. La soco Jowhar.com daqiiqad kasta oo ku soo kordha xaaladahan
-
Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha ***** oo ka fadhiya Arrinta Xariga Maxamed Dheere (Warbixin) Warar soo baxaya oo ay si horu dhac ah u heleyso Shabakada Warbaahinta Jowhar.com ayaa sheegaya in Waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha ***** ay u fadhiyaan arrinta Xariga Maxamed Dheere iyo shaqsiyaadka kale ee ka soo jeeda Beesha, kadib markii Dowladda KMG ay ku dhawaaqday in raggaas ka dambeeyeen falkii maalin ka hor, isla markaana Maxkamad la soo taagi doono. Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka socda shirar gaar gaar ah, iyadoo ay jireen Kulamo dhex maray Madaxweynaha, xubnaha Beesha ***** ugu jira Baarlamaanka iyo Odayaal iyo waxgarad, kaasoo si gaar ah arrintan xasaasiga ah looga hadlay. Wararka ayaa intaa ku daraya in arrinta dhacdadii maalin ka hor loo hayo Darawalkii kaxeynayay Gaadiidkii dagaalka ee lagu rasaaseeyay banaan baxayaasha iyo Ciidamadii saarnaa, iyadoo lagu raad-joogo dad kale. Waxgaradka ***** ayaa ka xun xariga Maxamed Dheere oo kasoo jeedo beeshaasi, waxaana soo baxyaa warar sheegaya in ay ka xaajoon doonaan go'aanka ay ka qaadanayaan xarigiisa. Siyaasi diiday in la xuso magaciisa oo nala soo xiriiriay ayaa sheegay in **** ay dalban doonaan sii deynta Maxamed Dheere isaga oo tusaale u soo qaatay siyaasiyiin ku nool xeyndaabka Dowladda oo iyagoo dambi galay hadana aanan la qaban. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay ku dhawaaqay in dowlada ay cadaalada hor keeni doonto kuwi ka danbeeyey dhimashada lix ruux iyo dhaawaca sideed kale oo ka tirsanaa dad ku mudaaharaaday meel u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya. Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo nin kale oo ku magac ah Cabdi Qeybdiid ayaa ku jira Xarunta ugu weyn Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Xaruntii Xalane, iyadoo saddex ragg kale ee falkaas ku lugta lahaa si toos ah loo dhigay Xabsiga NS-ta Madaxtooyada. Jowhar. Daqiiqad walba kala soco wararkii ugu dambeeyay ee ku soo kordha
-
Popular Contributors