oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Dagaalo hor leh oo ka bilowday Gobolada Hiiraan iyo Gedo Dowladda KMG ayaa xaqiijisay in howl galo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka bilowday Gobolada Dalka Soomaaliya, iyadoo saacado kadib dagaalo culus ay ka bilowdeen deegaano ka tirsan Gobolada Gedo iyo Hiiraan. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in howl galada ka socda Muqdisho uu la xiriiro midka haatan ka bilowday Gobolada dalka, kaasoo uu magac daray qorshaha Dib u xoreynta Soomaaliya. Sida ay wararku sheegayaan dagaalo ayaa goor dhoweyd ka bilowday degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay shalay u soo jiheysteen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka soo dhaqaaqay Magaalada Doolow. Dagaalka oo markii hore ka qarxay duleedka ayaa daqiiqado kadib ku soo fiday gudaha degmada, iyadoo xaalad walaac iyo jahwareer ay galeen dadka deegaanka, oo markii hore ka warqabay dhaq dhaqaaqyada iyo xiisada socday. Sidoo kale dagaalo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ka bilowdeen duleedka Magaalada Beledweyn, halkaas oo xalay dagaalada ka dhaceen, hase ahaatee dib mar kale u qarxeen. Saraakiisha Dowladda ee Gobolada ay dagaalada ka furmeen ayaa sheegaya inay duulaano ballaaran kula wareegi doonaan Gobolada ay maamulaan Shabaab, si ay meesha uga saaraan. Xukuumada Farmaajo ayaa kol hore shaaca ka qaaday in boqol maalmood ay kula wareegeyso dalka iyo Caasimada Muqdisho, iyadoo dagaaladan maanta bilowday ay yihiin kuwo qorsheysan oo ay Dowladda dooneyso inay kala wareegto Shabaab qeybaha ay maamulaan. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
-
Wararkii ugu dambeeyay Dagaalada iyo AMISOM oo ku sii siqaya Xarunta Guulwadayaasha Dagaalo muddo saacado badan oo si xiriir ah uga soconaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Jidka dheer ee Warshadaha, iyadoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ay gadaal marsadeen Xarumo muhiim ahaa oo ay kala wareegeen Shabaabka. Inkastoo dagaalka iminka socda aanu sidaa u buurneyn sida dagaaladii saakay ka qarxay aaggaas, ayaa hadana wararka la helayo ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM ay ku sii dhowaanayeen Xarumo dhowr ah oo ku yaala Jidka Warshadaha. Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Brundi oo dagaalka Efandari ahaan uga qeyb qaadanaya ayaa la sheegayaa inay kaabiga ku hayaan Xaruntii Guulwadayaasha, kadib markii ay soo qabsadeen Wasaaradii Gaashaandhiga, Shiirkole Ofishaale iyo meelo kale. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay aaseen godod difaac u ahaa Shabaab, kuwaas oo ay ka faageen wadada dhexdeeda, waxaana gododkaas qaarkood ahaa kuwo si dhulka hoostiisa aad loogu qoday. Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada AMISOM ay sii qorsheynayaan inay sii qabsadaan saldhigyo hor leh oo ay doonayaan inay xoog kaga saaraan Xarakada Al-Shabaab, waxaana ka mid ah Garoonka Ciyaaraha Muqdisho oo Shabaabka saldhig u ah. Qasaaraha dagaalka ayaa ah mid baaxad leh oo labada dhinacba uu gaaray dhimasho iyo dhaawac fara badan, hase ahaatee tira koob rasmi lama haayo, dagaalka oo socda awgiis. Dowladda KMG ayaa guulo ka sheegatay dagaalka, iyadoo xustay inay gacanta u soo galeen Saldhigyo muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen Kooxda Al-Shabaab. Wadada Warshadaha ayaa maanta ah mid guud ahaan xiran, waxaana hareeyay dagaalada tooska ahaa ee sida fool ka foolka u dhex marayay labada dhinac ee saaka dagaalka iskula kalahay. La soco daqiiqad kasta Jowhar.co wixii ku soo kordha.
-
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ahna Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay la wareegeen Fariisimo hor leh oo ay ka qabsadeen Xoogaga Al-Shabaab. C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dagaalada wali soconaya ay ku qabsdaeen Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga, Xeradii Shiirkole, iyo Warshadii Caanaha, isagoo tilmaamay in dagaalada ay wali si xoogan u socdaan. "Waxaa ugu bishaareynaynaa shacabka Soomaaliyed in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Fariisimaha Wasaaradii Gaashaandhiga, Shiirkole Ofishaale iyo Warshada Caanaha"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga. Isagoo la hadlayay Idaacada afka Dowladda ku hadasha ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday dhaq dhaqaaqyada ka socda Gobolada dalka oo uu ku sifeeyay inuu yahay qorshe dagaal oo dib looga xoreynayo Gobolada Al-Shabaab. "Dhaq dhaqaaqyada ka socda Gobolada dalka, waa qorshaha Dib u xoreynta dalka, waxayna ka socdaan Doolow, Yeed, Hiiraan iyo meelo ka mid ah Gobolada Dhexe"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga. Dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeysanaya, waxaana wararku sheegayaan inay jiraan madaafiic xoog leh oo ku socota qeybaha magaalada, iyadoo si dhab ah loo heyn qasaaraha dagaalada geysanayo. La soco Jowhar.com daqiiqad kasta.
-
Dhageystaa Sheikh Said.
-
@nina lool 600 :D
-
Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa degenaan laga dareemayaa, iyadoo wax dhawaq rasaas ah ama madaafiic laga maqlayo magaalada qeybaheeda gaar ahaan halka la isku hor fadhiyo oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay aheyd goobo dhimbisha rasaasta ay ka socotay. Dagaalada maanta oo galay maalintii 3aad ayaa ahaa kuwo goos goos ah, iyadoo xaalada maanta ay ka duwaneyd sidii labadii maalmood ee la soo dhaafay oo kale, waxaana jawiga magaalada uu ahaa mid kacsanaa, kadib qaraxyo ismiidaamin gilay gilay magaalada. Sida ay sheegayaan wararka dagaalo goos goos ah oo maanta ka kala dhacay aagaga waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka C/casiis iyo Boondheere ayay Ciidamada Dowladda waxoogaa horumar ay kaga sameeyeen. Inkastoo dagaalka uu ahaa mid ay soo qaadeen Shabaab, hadana Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ayaa qabsaday Saldhig Bari iyo Agibka oo dhow Xaruntii Gaadiidka Booliska, iyadoo dad goob joogayaal ay xaqiijiyeen. Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalada maanta ay sidoo kale ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo aheyd halkii ugu darneyd ee dagaalada labadii maalmood ka dhacayeen, halkaas oo labada dhinacba ay faraha ugu gubteen. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Shabaab farahooda laga saaray Godod dhulka hoostiisa u qodeen oo ay isku xiriiriyeen labada degmo ee isa saaran ee kala ah Hodan iyo Hodan, iyo dhuumo bulaacado ah oo ku yaalay Warta-Siigaale, halkaas oo la sheegay in 2-Mitir dhulka hoostiis u qodeen. Xaafada Siigaale oo ay dagaalada saameeyeen isla markaana ka soo baxeen dhir aad u fara badan oo sida Keyn oo kale ayaa waxaa si lama filaan ah aagag dhufeysyo ah maalin ka hor looga saaray Shabaab, halkaas oo ay doonayeen in godadka ay ka faageen dhulka inay uga soo foocaan ilaa Gurigii Umada ee Golaha shacabka. Sidoo kale degmada Howlwadaag oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay gudaha ugu galeen ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowaadeen Xarunta Degmada, oo horay Shabaabka u joogeen, waxaana muuqata in Ciidamada ay ka daadageen labada Isgoys ee Sayidka iyo Kan dabka oo dhinaca Xaafadaha dhexdooda ay u mareen. Ciidamada AMISOM oo dagaalada foolka foolka markan si rasmi uga qeyb qaadanaya ayaa ku waayay tiro askar oo aan cadadkooda la heyn iyo dhaawacyo fara badan, iyadoo maalmihii u shalay iyo doraad goobaha dagaalka ay galayeen Baabuur buufsan oo ah kuwa Ambalaaska gaarka ah ee qalabka caafimaadka leh. Labada dhinacba ee dagaalka u dhaxeeya mid walba waxaa uu sheeganayaa guulo kala duwan oo ay adag tahay sida ilo madax banaan ku xaqiijiyaan, hase ahaatee dadka ayaa ka war sugayaa qofkii reerka u hara. Dagaaladan Muqdisho ka dhacayay saddexdan maalin ee xiriirka ayaan la ogeyn inay horu dhac u yihiin dagaalka ay horay u iclaamisay Dowladda KMG, kaasoo marar badan fashilmay, hase ahaatee dagaaladan ayaa bilowgooda noqday mid waxoogaa horumar ka sameeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM markii qaar ka mid ah dhufeysyadii waa weynaa ee Shabaabka ay
-
Maadey Shabaabku maxey Saxaafada uu tusin la'yihiin iney wali heystaan Warta Siigaale,Saldhig bari, iyo xaafadaha ku teedsan isgoyska sayidka iyo kan dabka?? mise Waxeey caadadiinu tahay in been layska sheego oo umadda la marinhabaabiyo??
-
Maadeey haye bal kawaran meelaha ay dowladda qabsadeen
-
Afar ruux oo Mareykanka oo ay heysteen burcad badeeda Soomalida ayaa geeriyooday ka dib markii ciidamada mareykanka ay isku dayeen inay howlgal ku soo badbaadiyaan markabka Quest iyo dadkii saarnaaba. Afar ka mid ah maraakiibka dagaalka ee ciidamada badda Mareykanka ayaa ka qeyb qaadanayay sii deynta markabka Quest oo todobaadkii hore ay qafaasheen burcad badeeda soomalida. Iyadoo uu socday wadahadal ku saabsan sidii loo sii deyn lahaa dadkaasi Mareykanka ayaa ciidamada Mareykanka ay xabad ku bilaabeen burcad badeeda waxaana islamarkiiba la toogtay afarta ruux ee mareykanka ahaa. Labo ka mid ah burcad badeeda ayaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay iyadoo 13 kalena la qabtay, waxaana ciidamada Mareykanka ay soo furteen Quest.
-
@Wyre brother Jazak'Allah Firdooz. @Caydarus, Mowliidka waala sowma oo nebigii SCW waa soomi jiray Akhri oo fahan, ma in la sowmo oo Masaajidka la isku imaado oo quraan la akhriyo oo Rasuulka Alle la xasuusto ayaa Xaaraam ah ??????
-
Sawirada saldhigyo muhim ah oo shabaab laga fara maroojiyay.
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
@che, waa Hadii ay shabaab diyaar uu yihiin.. Dagaal faa'ido maleh wiil soomali ayaa ku dhimanaaya uun.. -
Hurin hurin lee maa wadeeysan dadoow
-
Calankii Madawga ahaa oo ay ka caraareen xaafadda Hodan dhufaysiyadii shabaab laga cayriyay xaafadda Hodan wiil yar oo shabaab ka tirsanaa oo kooxdii uu ka tirsanaa ay ka carareen. wiilkii yaraa ee shabaab ka carareen oo dhaawacyo ka muuqdaan Isbitaalna loo qadayo. Dhufaysyadii ay ka baqdeen shabaab
-
Xagey kala marayaan, Shacabkii reeer Cayn iyo maleeshiyaadkii SNM?
oba hiloowlow replied to caydarus's topic in Politics
War deg deg ah oo soo gaaray xafiiska Shabakadda Dhacdo.com ee magaaladda Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in gawaari fara-badan oo kuwa dagaalka ah oo uu lee-yahay Puntland in’ay maanta u amba baxeen magaaladda Buuhoodle oo uu ka soconaayo dagaalo kulul. Gawaari fara-badan iyo ciidamo xoogan oo ka tirsan Maamul Goboleedka ee Puntland ayaa waxay galabta ka shiraacdeen magaaladda Galkacyo ee gobolka Mudug, iyagoo kusii jeeda deeganada Hagoogane iyo Maygaagle ee duleedka magaaladda Buuhoodle, oo ay ka soconayaan dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamadda Milatariga ee Somaliland iyo Jabhadda SSC. Gawaarida dagaalka ee maanta ka baxday magaaladda Galkacyo ayaa waxaa qaarkood saaran ciidamadda Daraawiishta ee Puntland, waxaana lagu wadaa in’ay ka qeyb qaataan dagaalada culus ee ka soconaaya deeganada Hagoogane iyo Maygaagle ee duleedka magaaladda Buuhoodle. Puntland ayaa jawaab deg deg ah ka bixineysa dagaalada culus ee uu Somaliland ku yahay deegaanka Kalshaale ee duleedka magaaladd Buuhoodle, iyadoo uu horey madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu u sheegay in’ay saldhig milatari ka sameysan doonaan deegaanka Kalshaale, taasoo ka dambeysay in uu halkaasi ka qarxo dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Somaliland iyo SSC. Maanta ayay ahayd, kadib markii uu madaxweynaah Maamul Goboleed ee Puntland DR. C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” uu sheegay in’ay si deg deg ah jawaab uga bixin doonaan, dagaalada ka soconaaya deeganada Hagoogane iyo Maygaagle ee duleedka magaaladda Buuhoodle. Banaanbaxyo waaweyn ayaa waxay ka dhaceen magaalooyinka Galkacyo, Garoowe iyo Boosaaso, kuwaasoo ay shacabka magaalooyinkaasi ay ku dalbadeen in loo-gurmado dadka SSC ee uu xasuuq ku haayo bay yiraahdeen maamulka Somaliland. -
War deg deg ah: Mujaahidiinta Soomaaliya oo Wilaayaatka dalka faray in ay duullaan ku qaadaan cadawga ayna Feejignaadaan. Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaalad deg deg ah gelisay dhamaanba wilaayaatka Islaamiga ee dalka Soomaaliya waqti ay Mujaahidiintu u gurmanayaan dadka abaareysan. Hogaanka Sare ee Mujaahidiinta ayaa goordhaw oo caawa ah Iclaamiyay in Muslimiinta ku dhaqan wilaayaatka dalka lafaray in ay duulaan ku qaadaan cadawga islamarkaana ay feejignaadaan. Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo Caawa ka hadlay Idaacadda Qur'aanka Kariimka ee Muqdisho ayaa sheegay in Xaalad Ta'ahub ah lageliyay dhamaanba wilaayaatka dalka. Mujaahidiinta ayaa shacabka Muslimka ah iyo Mujaahidiintooda amar ku siiyay in ay duulaan qaadaan, inkastoo aan weli la faah faahin sababta keentay feejignaanta iyo duulaan qaadidda hadana warar ay heshay Wakaaladda SomaliMeMo ayaa sheegaya in Cadawgu uu dhaq dhaqaaqyo ka wado Doolow,Yeed,Feer Feer iyo Libooyo Kenya oo dhamaanba xad beenaad laleh wilaayaatka dalka.
-
Kadib markii ay dowladda Soomaaliya ay iclaameysay dagaalo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa taasi si deg deg ah uga jawaabtay Xarakada Al Shabaab oo iyadu weerar ba’an lagu yahay. Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa dhawr daqiiqadood kahor iclaamiyay dagaalo xoogan oo ka dhan ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isagoo ka sheegay Idaacada IQK oo ku hadashay afka Xarakada Al Shabaab. Afhayeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay in maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolada dalka Soomaaliya ay si deg deg kusoo gaaraan magaaladda Muqdisho, ayna ka qeyb qaataan dagaalada kulul ee la-filanaayo in’ay ka dhacaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Sidoo kale guud ahaan ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu ugu baaqay in’ay soo xaadiraan faruumaha hore ee Jihaadka uu sheegay in’ay kula jiraan ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom. Dhanka kale afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa wacad ku maray in’ay xoog magaaladda Muqdisho uga saari doonaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Amisom, isla-markaana wuxuu sheegay in’ay meesha ka saari doonaan hanjabaadaha adag ee kasoo maaxanaaya dowladda iyo Amisom. Hadalkaan kasoo yeeray Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu kusoo aadayaa, kadib markii ay dhawr daqiiqadood kahor ay dowladda sheegtay in’ay Shabaab ku wiiqi doonaan dagaalada kulul ee ka curtay magaaladda Muqdisho.
-
Xoolo la qalo iyo waakugu raacsanahay iney bidco tahay, laakin Mowliidka waala sowma oo nebigii SCW waa soomi jiray marka masaajidka oo laysku imaado oo quraan la akhriyo oo nebi amaan la suubiyo bidco mahan ayeey wadaadu yiraahden.
-
Zack adeer Nebigeena Suuban SCW oo la amaana miyaa bidco ah?
-
Popular Contributors