oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. UN is a joke specially Banki-moon and they are controlled by the rich industrial countries and the only thing they care about is their own interest...
  2. ^^^ Come on Xaaji you cant be serious Adeer, nimankaad taqiinay maahan awoodooda waa wiiqmay.....
  3. Ciidamada Dowlada KMG ah ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo. Kadib dagaal culus oo saaka Beledxaawo ku dhexmaray ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Shabaab, ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Dowladdu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi, sida Radio Muqdisho ay u xaqiijeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi. Maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaasi ay ka soo gaareen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan, iyadoo ciidamada Dowladuna ay sii raadjoogaan firxadka Maleeshiyaadkaasi. ciidamada Dowlada iyo dadka deegaankuba waxa ay ku mashquulsanyihiin bakhtiinta dab ka kacay xaafado ka mid ah degmadaasi Beledxaawo. Dhanka kale Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la sheegay in degmada Mandheera ee dalka Kenka ay Madaafiic ku garaaceen, iyadoo isku dhac kooban uu dhexmaray ciidamada Dowlada Kenya iyo Maleeshiyaadka Shabaab. Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa u muuqda in ay horumar ka gaarayaan dagaaladii ugu danbeeyay ee ay maleeshiyaadka Shabaab kula galeen Muqdisho, Beledxaawo iyo Hiiraan, waxaana xusid mudan in ciidamada Dowladu ay saaka isku fidiyeen wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho.
  4. Afarta Jardiino and Sanca ayaa ka harsan Jidka wadnaha.. Bakaarahana 3 jiho ayaa lagu sugan yahay, Next step waa Jidka Sodonka iyo intii ka harsan Warshadaha.
  5. Dagaalada xoogan ee maanta ka soconaaya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa guulo balaaran ka sheegatay xukuumadda kmg ee Soomaaliya, oo iyadu wada olalaha dagaalada ka soconaaya caasimadda. Raa’isal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee xukuumadda kmg ee Soomaaliya Mudane Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa *****lka ka qaaday, in dagaalada ka soconaaya magaaladda Muqdisho ay guulo ka gaareen. Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadda dowladda oo garabsanaaya ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, in’ay la-wareegeen Isgoyska Aadan Cadde, Geed Jaceyl, Xararyaale, Isgoyska Filoranza iyo Siinaay, oo ay intuba gacanta ku heysay Xarakada Al Shabaab. Fiqi oo boorinaaya ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Amisom ayaa tibaaxay in guulaha ay gaareen ay yihiin wax muuqda, isla-markaana sida uu hadalka u dhigay ay Shabaabku u geysteen khasaaro aad u culus. Sidoo kale wuxuu ka gaabsaday khasaaraha soo gaaray ciidamadda dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan ciidamadda nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika, balse wuxuu qeexay oo qura in’ay khasaaro u geysteen dhinacyada kale ee kasoo horjeeda. Dhanka kale Raa’isal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee xukuumadda kmg ee Soomaaliya Mudane Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa ku hanjabay in’ay sii wadi doonaan dagaalada qaraar oo ay ku qaadeen Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray inaysan marnaba dagaaladu joojin doonin, ilaa buu yiri aanu caasimadda xoog uga saarno Al Shabaab. Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab, oo ku aadan guulaha balaaran ay dowladdu ka sheegatay dagaalada culus ee maanta ka soconaaya magaalada Muqdisho, inkastoo saacadaha soo socda ay ka hadli kara
  6. Correction: Ciidamada Dowladda Soomaliyed waaye not ethiopian troops.
  7. ^^Malaha sheekadaada markey socon weyde ayaa sheekada saan ka dhigtay
  8. LOL Maadey.. Al shabaab waa uu dhamaatay ee intay goori goor tahay isdhiib..
  9. Xubno ka tirsan Golaha wasiirada ayaa maanta kormeer howleed ku tagay goobaha ay ciidamada Dowladdu gacanta uga dhigeen maleeshiyaadka Kooxda Shabab, iyadoo Xafiis KMG-ah uu Radio Muqdisho ka furtay Xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. R/wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/shakuur Sh.xasan faarax, wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/Kariim Xasan Jaamac, wasiiru Dowlaha xafiiska R/wasaaraha marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Ibraahim Isxaaq Yarow ayaa galabta warbixin ka dhegeystay Saraakiil ka tirsan Ciidamada iyo waliba saraakiisha caafimaadka eek u sugan xarunta Furunta hore ee dagaalka. Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca iyo Xubnihii la socday ayaa soo kormeeray dhamaman goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyadoo jiidda hore ee dagaalka ay ku sii qulqulayeen ciidamo aad u faro badan oo wejiyadooda ay ka muuqatay xamaasad. Wasiirka gaashaandhigga C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay inay si wanaagsan u socdaan howl gallada islamarkaasna ay ciidamada sii wadi doonaan, isagoo hoosta ka xariiqay in dagaalladii ugu dambeeyay ay maleeshiyaadka kooxda Shabab ku gaartay qasaare xoog badan iyadoo laga dilay 59 ruux oo ah dhallinyarada ay soo qaldeen maleeshiyaadku iyo in ka badan 6 ajaanib ah halka dhaawacu uusan tiro lahayn. Wasiirka ayaa ugu baqay dhallinyarada ay qaldeen kooxda shabab inay isaga soo cararaan si ay badbaado u helaan,waxa uu sidoo kale tiklmaamay inay ciidamada Dowladdu guulo la taaban karo kazoo hoyeen dagaallo ay Gobolada hiiraan,gedo,bakool, iyo meelo kale kula galeen maleeshiyaadka Kooxda Shabab. Dhanka kale Xafiis KMG- ah ayuu Radio Muqdisho ka dhex furtay xarunta wasaaradda gaashaandhigga kaas oo loogu talo galay inuu Dhageysteyaasha si rasmi ah ugu soo gudbiyo dhacdooyinka ku saabsan howl gallada, waxa uuna agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Cadow oo xarigga ka jaray xafiiskaas sheegay in ujeeddada xafiiskaasi uu yahay sidii shacabku ay warar huban u heli lahaayeen waliba si dhaqsi ah, waliba xafiiskaas waxuu warar iyo sawirro deg deg siin doonaa Website-ka Idaacdda sida uu agaasimuhu sheegay. Wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sameysay gaari ay ku rakiban yihiin Cod baahiyeyaal kaas oo baahinaya Heeso Wadni ah islamarkaasna ku wareegaya gudaha magaallada iyo agagga hore ee dagaalka. Waddooyinka ayaa lagu arkayay dadweyne faro badan kuwas oo si farxad leh u soo dhoweynaya guulaha ay gaareen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana jiidda agaalka raashin iyo daawo geynaya ururrada Haweenka iyo dhallinyarada qaranka Soomaaliyeed.
  10. Lol Why Musa suudi of all warlords miyeynan is dhaamin
  11. Zack, Nur, Nabad Dadaaye iyo caydarus Brothers Ma dhageysateen Dr Sheikh Saciid?? Amaad fikirkiini ka laabateen?
  12. Wadaadan bal ila arka sida uu uga Jawaabay Dr Sheikh Saciid.
  13. Dowladda Somaliya “Waxaan saacadaha soo socda la-wareegi doonaa gobolada Gedo, Bakool, Banaadir iyo Hiiraan” Dowladda Soomaaliya ayaa *****lka ka qaaday in gobolada dalka Soomaaliya ay ka sameysay hawl-gallo looga soo horjeedo Xarakada Al Shabaab, iyadoo sheegtay in saacadaha soo socda ay qabsan doonto gobolo badan. Xukuumadda Somaliya ayaa *****lka ka qaaday in gobolada dalka Soomaaliya ay ka sameysay weeraro qorsheysan oo ay uga soo horjeedo maamulka Xarakada Al Shabaab oo ka taliya inta badan dalka Soomaaliya, balse waxay dowladdu sheegtay in saacadaha soo socda ay kala wareegi doonto. Raa’isal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee dowladda Soomaaliya Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi oo warbaahinta la-hadlay ayaa sheegay in dowladda saacadaha socda ay qabsan doonto gobolada Gedo, Bakool, Banaadir iyo Hiiraan. “Waxaan saacadaha soo socda la-wareegi doonaa gobolada Gedo, Bakool, Banaadir iyo Hiiraan waxaana goobahaasi ka hirglin doonaa maamulka xukuumadda Soomaaliya” ayuu yiri Raa’isal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee dowladda Soomaaliya Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi. Sidoo kale Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in xukuumadda Soomaaliya uu qorshaheedu yahay, sidii ay cagta ku marin laheyd Xarakada Al Shabaab, oo uu sheegay inay dhibaato ba’an ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed. Qorshaha ay xukuumadda Soomaaliya ay ka wado gobolada ay maanta dagaaladu ka holcayaan ayaa waxaad mooddaa in’ay dowaldda Soomaaliya ku qabsaneyso goobo hor leh.
  14. War deg deg ah : Dagaalo iminka ka soconaaya garoonka dayuradaha ee Baladweyne iyo Shabaab oo dagaalamaaya Dagaalo xoogan ayaa waxay iminka ka qarxeen garoonka dayuuradaha Buurta Qowleed ee duleedka magaaladda Baladweyne, iyadoo uu u dhaxeeyo ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamadda maamulka Dooxada Shabeelle iyo ciidamadda Itoobiyaan ah oo si wadajir ah ula dagaalamaaya Xarakada Al Shabaab. Dagaalada ayaa waxay xoogoodu ay ka soconayaan garoonka dayuuradaha ee Buurta Qowleed ee magaaladda Baladweyne, isla-markaana ciidamadda dowladda Itoobiya ayaa madaafiic xoogan la-dhacaaya buuraha waaweyn ee ku hareereysan magaaladda Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo aagag culus kaga jira buuraha dhaadheer ee hareereysan magaaladda Baladweyne ayaa madaafiic oodda uga qaadaaya ciidamada dowladda Soomaaliya, ciidamadda maamulka Dooxada Shabelle iyo ka socda dowladda Itoobiya. Weerarada ay maanta yihiin dhinacyda duulaanka ah ayaa wuxuu saameyn balaaran uu ku yeeshay dhaq dhaqaaqa magaaladda Baladweyne, isla-markaana Xarakada Al Shabaab ayaa shacabka ugu baaqday in’ay difaacdaan Diintooda, Sharaftooda iyo hantiiduba. Dagaalada qaraar ee maanta ka ka soconaaya garoonka dayuuradah Buurta Qowleed ee magaaladda Baladweyne ayaa waxaa si weyn looga maqlayaa gudaha magaaladda Baladweyne, iyadoo ay shacabka xir xiranayaan buursooyinkooda. Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI idmo.
  15. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inta badan Muqdisho ka saareen Shabaab Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalada saaka ka qarxay Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay la wareegeen goobo fara badan oo ay kaga sugnaayeen Caasimada. Ra'iisul Wasaaraha oo shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa cadeeyay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay sameeyeen horumar la taaban karo, isagoo xusay in aanay ka laaban doonin goobihii ay la wareegeen sida uu yiri. "Muqdisho inta badan waxaa gacanta uga dhignay kooxaha nabad diidka, waxaan hada gacanta ku heynaa saldhigyadii muhiimsanaa, sida Wasaaradii Gaashaandhiga, Shiirkole Ofishaale, iyo Warshada Caanaha"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in askariga Shabaab ee la dagaalamaya ee firxadkiisa u cararay dhinaca Balcad sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli dagaalo culus ay ka socdaan Caasimada Muqdisho iyo Gobolada dalka qaarkood, kaas oo horay ay u iclaamisay Dowladda KMG oo ay dooneyso inay kala wareegto Shabaab.
  16. War deg deg ah : Dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Amisom oo la-wareegay Xerada Guul Wadayaasha Ciidamadda fara-badan oo ay dowladda kusoo daadisay Jidka Warshadaha ayaa waxay xoog kula wareegeen Xerada Guul Wadayaasha ee gobolka Banaadir, kadib dagaalo xoogan oo halkaasi ka dhacay. Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo Taangiyada ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ayaa xoog kula wareegay Xerada Guul Wadayaasha ee gobolka Banaadir, kadib dagaalo qaraar oo halkaasi ka dhacay. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed kusoo daadisay Jidka Warshadaha, waxayna iminka ay dowladda u muuqataa mid kala fur fureysa awoodda ciidamadda Xarakada Al Shabaab. Ciidamadda Amisom gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi, ayaa gudaha u soo gallay Xerada Guul Wadayaasha, waxaana halkaasi lagu arkaayaa iyagoo Raadiyaha Gacanta ugu gudbinaaya Taliska ciidamadda Amisom ee Xalane. Waxaa iminka Xerada Guul Wadayaasha ku sugan saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, waxaana la-filaayaa in saacadaha soo socda ay u soo bandhigaan Bahda warbaahinta.
  17. War deg deg ah: Ciidamada Dowladda KMG ah oo gacanta ku dhigay Degmada Baladxaawo ee Gobolka Geddo
  18. Sabriye dagaalku waa kala bax Waa ama Al-qaacida ama Dowladda Federelka ee Soomaaliyeed.